untitled
viviti

Xijaabka faa,iidooyinkiisa

 

Waxa mahad dhamaanteed iska leh, allaah allaha abuuray samaawaadka, iyo arlooyinka, allahaasoo amray dhamaan khalqigu inay caabudaan, cibaado dhamaystiran, waxaan allaah ka baryayaa inuu ka amaano xaga sare nabiga rasuulka muxamed ah naxariista allaah iyo amaantiiso korkiisa ha ahaatee, saxaabadana allaah waxaan u waydiinayaa inuu raali ka noqdo

Itaa kadib

Walaalayaal waxa dhamaanteen aan wada ognahay, inuu allaah ku waajibiyay dumarka islaamku, inay qariyaan cawradooda, si aan loo arag, ragga aan xalaasha u ahayna ayna u daawan cawradooda, sidaana allaah umuu doonin huurin, ama cuna qabatayne waa ilaalin, xaga allaah ka ahaatay subxaanahu, walaalayaal hadaba  hadaynu wada ogaanay taa waxa loo baahanyahay, in la ogaado faa,iidooyika ay ka helayaan dumarka iyo dadkuba waayo haday dumarku fasaadaan dadka iyo dalkuba waa fasaadayaa haday hagaagaana wa hagaaysaa inta kale

Hadaba hadalka, hadaan soo koobo waxa aad qabanayso, inta aanad qaban, ayaad iswaydiinaysaa, maxaad ka faa,iidaysaa, faa,iidooyinka ay ka helyaan dumarku, haday xijaabka qaataan waa sedan

1.waa amarkii allaah oo ay fulinayso, allaahna waxa uu amaanay cid kasta oo amarkiisa waadata, oo wuxuu yidhi sameeyay oo wuxuu kadoonay fuliyay, ilaa allaah uu ka soo gaadhsiyay waxay liibaaneen liibaan waynnnnn,

2.waxay ilaaliyeen sharaftooda, allaahna markuu waajibiayay xijaabka, waxa allaah uu yidhi, inay xijaabka qaataan ayaa u dhaw in la garto inay dhawrsoon yihiin oo a la dhibin,

3.qalbigooda ayaa daahir noqonaya, oo nadiif noqonaya,

4.akhlaaqdooda ayaa wanaagsanaanaysa, waayo islaamku waxa uu faray inay cawradooda asturan, waanay qaateen akhlaaqdaa fiican ,

5.waxa xijaabku uu calaamad u yahay, inay gabdhaasi dhawrsoontahay,

6.shaydaanka ayuu teed ka yahay, oo shaydaanku uma soo dhaafayo inta ay xijaabantahay halkaa waayo ilaalin alle ayay ku dul sugantahay,

7.xishoodkuu ilaalinayaa, oo gabadha xijaabataa waa mid xihsootay,

8.ragga ayay ka duwantahay, oo soo dhex gali mayso, oo way ka xihsoonayaan raguna,

9.waxa uu ka ilaalinayaa zinada iyo qaawanaanta,

10.waa asturri alle uu ku galadaystay dumarka,

haku mahad naqeen dumarku

 

waxa qoray saariye cali diiriye

sakariye salafi

 


©Xuquuqda oo dhan waxay u xafidantahay Bogan: http//:doorasho.bravehost.com walaalkayga Muslimka ahow dhamaan waxa laga helo Bogan waxaad u isticmaali kartaa si shakhsi ahaaneed iyo fidinta Dacwada

جميع الحقوق محفوطة لموقع الإختيار أخي المسلم بإمكانك الإستفادة من محتويات الموقع في الإستخدام الشخصى ونشر الدعوة

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 


Web Hosting · Blog · Guestbooks · Message Forums · Mailing Lists
Easiest Website Builder ever! · Build your own toolbar · Free Talking Character · Email Marketing
powered by a free webtools company bravenet.com