|
|
|
|
Talooyin
ku saabsan Caafimaadkaaga
waxa loo baahan yahay iyada oo aan marna
wixii Allaah tacaalaa kuu qadaray anaad ka baxsanayn oo uu ku haleelaayo, hadana
inuu Qofku ku dedaalo daryeelka Caafimaadka Jidhkiisa, arimahan soo socdaana
inshaa Allaah waxay kaa taageerayaan ilaalinta Caafimaadkaaga:
1- ka fogow Sumaha cad ee saddexda ah: Sumaha cad ee saddexda ahi waa Sonkorta,
Milixda iyo Daqiiqda cad, saddexdaas ka fogow intii aad kari karto ama aad u
yaray waayo waxa hubaal ah inay dhib u leeyihiin Caafimaadkaaga, yaray Milixda
intaad kari karto, Sonkortana Malabka ku bedel, Daqiiqda guduudka ahna isticmaal
halkaad ka isticmaali lahayd Daqiiqda cad
2- Khudaarta oo aad cunto adiga oo si fiican u calalinaaya aad iyo aad,
waayo Cuntada oo la calaliyaa si fiican waxay kordhisaa nisbada Maadooyinka
Kimikalada ah(Chemicals) ee la dagaalama Kudka (Cancer) Khudaarta la yidhaahdo
Kaabajka(Cabbage) iyo Zahrada (Cauliflower)
3- Socod Maalin walba ah: Socod Maalin walba ah muda gaadhaysa Nus Saacad ilaa
hal Saacad ah wuxuu yarayaa suurta galka ah inuu kugu dhaco Kudku(Cancer) nisbad
gaadhaysa 18% wuxuuna kaa taageerayaa inaad ka takhalusto qiyaastii 3KG oo
miisaankaaga ah Sanadkii wuxuuna ilaaliyaa toosnaanta Jidhka
4- Inaad badsato cunista Lowska hadaad helayso, waxana haboon inaad cunto
Waqtiyaad u dhexeeya Waqtiyada Cuntada iyo markaad dareento Gaajo, Lowsku waxay
hodon ku tahay Cunsurada (Factors) quudinta ee ay saboolka ka tahay Cuntada
caadiga ah ee Maalintii walba la cunaa
5- Bunka hadaad cabto waa inaad ku darta Qirfe, ku dar Malcaqad yar badhkeed oo
Qirfa ah Koobkaaga Bunka ah ee Maalin walba, wuxuu ka qayb qaataa hoos u
dhigista Xaydha ku jirta dhiiga (Cholesterol) wuxuuna ka taageeraa Jidhka
inuu u isticmaalo Insuliinta (Insulin) si waxtar leh oo aad ah, tan kale wuxuu
faa'iido u leeyahay Dadka qaba Sonkoriga (Diabetes) haday si joogta ah u
isticmaalaan
6- Looma baahna deg deg iyo dheerayn ee
waxaa laabud ah inaad qaadato Waqti markaad ku kacaysid Shaqooyinkaaga Maalin
walba ah si aad uga badbaado inuu ku haleelo kor u kac ku yimaada Cadaadinta
Dhiiga (Blood Pressure)
7- Ku dar Malcaqad badhkeed oo Xabat Sooda ah Koob Caanafadhi ah oo ka
madhan Labeenta waana inaad qaadataa Maalin walba haday kuu suuroobayso
8- Saddex Saami oo Khudaar iyo Furuut (Fruits) ah Maalin
walba, ku dedaalo inaad cunto Khudaar iyo Furuut Saddex goor Maalintiiba waxa
suura gal ah in ay yarayso khatarta ah inaad qaado Wadna Istaag (Heart
attack) nisbad ah 70%
9- Thoomto waa Pharmacy la yaab leh oo kaa ilaalinaya Cuduro badan, Thoomto
waa tan ugu cajeb badan Daawooyinka Dabeeciga ah waxay kaa ilaalisaa Xanuuna
badan hase yeeshee waa inaad calalisaa markaad cunto ka dib wuxuun khudaar ah
sida Kasbarada, Baqdooniska iwm si uu uga suuliyo urteeda Afka, Afkana si fiican
u nadiifi gaar ahaan markaad Salaada u diyaar garowbayso
10- Malmalku waa Antibiotic ga ugu wanaagsan, Antibiotic yada Chemicals ka
ahi waxay leeyihiin dhib aad u wayn oo dhinac kale ah (side effects) hadaad
badsato isticmaalkooda laakiin Malmalku wuxuu faa'iido leeyahay sida
Antibiotic ga wuxuuna leeyahay faa'iidooyin kale oo badan mana laha wax dhibaato
ah (side effects) ee isticmaala isaga markaad u baahataan Antibiotic
11- Khalka (Vinegar) isticmaal had iyo goor, Khalku gaar ahaan Khalka
Tufaaxa waa Maadooyinka ugu faa'iidada badan Jidhka, faa'iidooyinkiisana lama
koobi karo ku darso Malcaqad yar oo Khal ah Maalin walba Saladhka
12- Shaaha Cagaaran oo aad cabto, waxaa haboon inaad cabto Koob Shaaha
Cagaaran ah Maalin walba kaas oo ka horjoogsanaya Oxidation ka Cells ka Jidhka
wuxuuna yarayaa suura galka inuu kugu dhaco Kudku (Cancer) si aad uga hesho
natiijo wanaagsan waa inuu culusaadaa Shaahu aadna ku cabto Sonkor
la'aan
13- Kaluunka oo aad cunto Todobaadkii hal mar, inkasta oo ay kuwa ku
Xeeshadheeri ku talinayaan inaad cunto Kaluun Todobaadkii laba goor hadana inaad
cunto hal mar waxa suura gal ah inay kaa gargaarto hagaajinta isu dheeli tirka
Maadooyinka Chemicals ka ah ee Maskaxda, Kaluunku wuxuu faa'iido u leeyahay
Caafimaadka Wadnaha iyo Maskaxda
Ugu dambayntii Allaah waxaan ka baryaynaa Caafimaad iyo inuu na cafiyo labada
Daaroodba
Wabillaahi atowfiiq
Waxaa ururiyay oo diyaariyay: Maessa
Asalafi Inshaa Allaah
©Xuquuqda oo dhan waxay u xafidantahay Bogan: http//:doorasho.bravehost.com walaalkayga Muslimka ahow dhamaan waxa laga helo Bogan waxaad u isticmaali kartaa si shakhsi ahaaneed iyo fidinta Dacwada
جميع الحقوق محفوطة لموقع الإختيار أخي المسلم بإمكانك الإستفادة من محتويات الموقع في الإستخدام الشخصى ونشر الدعوة
Web Master: maessa2@gmail.com
bravenet.com