untitled
viviti

Qiiqa huursan

Mahad iyo amaan Allaah ayaa mudan oo iska leh, Rabiga Caalamiinka, Amaan iyo nabad gelyona ha ahaato korkiisa Rasuulka Allaah iyo Ahalkiisa iyo Asxaabtiisa iyo mid kasta oo maray Jidkiisii oo ku hadaysma Hanuunkiisa ilaa iyo Maalinta Qiyaamaha

Intaas ka dib:

Ma ka fekertay Maalina adiga oo Shaah shubaaya muxuu uga soo baxayaa Qiiqu Koobka marka Shaahiina hoos u degaayo? Maalmo ka hor aniga oo ku shubaaya Shaah Koob ayaan waxa I soo jiitay oo aan ku hambaabiray Qiiqa ka soo baxaaya Koobka iyada oo uu Shaahiina ku degaayo hoostiisa waxaana mala awaalay is waydaarka dhacaaya isla markaa, waan fadhiistay aniga oo isku dayaaya inaan xalilo Dhacdada tan, waxa ugu horeeyay ee igu soo dhacayna waxay noqotay Cadhada

Waan isu eegay labada Arimood waxana ii soo baxday in ay Cadhadu ku huursantahay Qofka Naftiisa marka uu faaruqiyo waxa gudihiisa ku jirana uu qaboobaayo oo uu ku noqonaayo heerkii Kulka ee caadiga ahaa. Markaa waxa laabud noqonaysa in uu qofku helo waxa uu iskaga saaro ama ka bi’yaha Cadhada sidaynu inagu uga saarno Kulka Kildhiga Shaaha iyadoo aynu ku shubayno Koob si uu Waqti yar dabadii u qaboobo.

Hadaba hadaynu soo qaadano Mawduuca Cadhada oo aynu eegno maxay tahay Dariiqada looga nefesi karaa Cadhada? Ma waxay noqon kartaa inaan qoro Kelmedo mise inaan qabsano Samaacada Tilifoonka oo la sheekaysano mid aan jecelahay mise inaan jejebino wax kasta oo horteena ah mise inaan Guriga ka baxno oo iskaga fogaano Goobtaa, kuwaas oo dhan iwm waxaan shaki ku jirin in ay yihiin Ficilo saaraaya Cadhada, laakiin waxay tahay Su’aasha iswaydiinta mudani maxaa keena Cadhada waxaan u jeedaa Cadhada xooga leh? Ma waxay tahay Aragtiyo keenaysa Cadhada mise Arin kale ayaa ka dambaysa Cadhadan huursan?

Mid ka mid ah sababaha keena Cadhada iyo Casabiyada iyo isku qaadista Camalada Qaska ah markuu Qofku cadhoodo ayaa waxay tahay Qofka oo haleeyay Naftiisa iyo waxa la gudboon ee ah ilaalinteeda dhabta ah, hadii uu Qofku mar kasta oo uu diiqadoodo ama uu Cadhoodo uu magansan lahaa inuu soo bandhigo wixii haya inta aanu buuxsamin Koobku wuxuu noqon lahaa mid had iyo jeer is cusboonaysiiya

In laysu tababaro xakamaynta iyo la macaamilka Cadhada waa talaabooyinka ugu adag ee la macaamilka Nafta waxayna u adeegsadeen Culimada Cilmiga Naftu inay ku dhiiriyaan kan cadhaysan inuu kaga nefiso Cadhada Dariiqada ah Hadalka ee aan ahayn Camalka waayo waa tan fudud labadaa Dhibood, iyada oo ay tahay Cadhadu Cadawga Caqliga oo waxay u tahay sida Dhurwaagu u yahay Cadawga Neefka Adhiga ah waxa yar hadii ay u suurta gasho waa kii dila ama cuna. Cadhaduna waxay tahay Sifooyinka ay yartahay Cid ka nabad gashaa bal ka tegista gebi ahaantiisba waa Sifo dhinaansho ah oo aan ahayn dhamaystir

Ujeedadayda Qoraalkani waxay tahay in aan cadayo in qaar badan oo inaka mid ahi aanu wanaajin Cadhadiisa markuu cadhoodo oo aanu ku rabayn Naftiisa iyo Caruurtiisa siday tahay Cadhadu iyo maxaa loo cadhoodaa? Cadhadu hadaba way kala duwantahay, hase yeeshee Qofka Xikmada u saaxiibka ahi waxaa laabud ah inuu ula macaamilo Cadhada si sax ah xaga ka nefesaadeeda iyo daawaynteedaba

Si uuna isaga nefisiyo waxaa laabud ah in uu yeesho Saaxiib wanaagsan oo uu ku kalsoonaan karo oo yaqaana sida uu uga nuugo Cadhada, Saaxiibna waxaan uga jeedaa Cid kasta oo ay ku nasan karto naftiisu labada is qaba ha ahaato, Ahalka, Saaxiib ama Saaxiibad ama wixii kale ee lagu daawayn karo waayo Allaah tacaalaa ma soo dejiyo Cudur isaga oo soo dejiya maaha Daawadiisa ee

Hadaba Cadhadu waa Sifaatka xunxun ee ah Xeeladaha uu ku shaqaysto Shaydaanku, Cadhadana had iyo jeer waxaa la socda Shar, wax badan oo Dhacdooyin Dil iyo ku Xadgudubis ah ayaa waxaa keenay Cadho, wax badan oo ah Hadal xun kaas oo laga yaabo hadii uu Qofku dooni lahaa inuu ka noqdo uu ka noqon kari lahaa laakiin se uu fuliyay Cadho awgeed, wax badan oo Xidhiidhkii ka xumaaday Nin iyo Ahalkiisa, wax badan oo Dhacdooyin Furitaan ah iyo wax badan oo la mid ah kuwaas ayaa bilowgiisu ahaa Cadho, wax badan oo ah jarid xidhiidhinta Riximka, wax badan oo ah jarid Xidhiidh uu amry Allaah jalla wacalla xidhiidhinteeda ayay sababteedu ahayd gown Cadha ah, sidaas oo kale ayaa wax yaabo badan ay sabab u tahay Cadhada xuni waxayna ka timaadaa Shaydaanka oo waxay ka mid tahay Wasiiladaha uu Shaydaanku kaga dhex abuuro kala qaybsanaan iyo tafaruq Mu’miniinta dhexdeeda iyo inuu ku fidiyo dhexdooda Xumaanta iyo wixii laga xaaraamayay

Allaah tacaalaana wuxuu yidhi isaga oo inooka digaya Shaydaanka iyo Camaladiisa xunxun: {وإما ينزغنك من الشيطان نزغ فاستعذ بالله إنه هو السميع العليم} {hadiina uu ku rido Shaydaanku Naftaada Waswaas ah Hadalka Nafta oo uu ku xambaarsiiyo inaad ku abaal mariso kii ku xumayay Xumaan, ka magan gal Allaah oo isaga qabso Xadhigiisa, Allaahna waa mid maqlaaya Magan gelyadaada waana mid og oo ka warhaya Amuuraha Khalqigiisa dhamaantood}, Rasuulkii Allaahna sala Allaahu calayhi wasalam wuxuu yidhi Xadiith uu ka soo weriyay Abii Hurayra radiya Allaahu canhu: {عن أبي هريرة رضي الله عنه قال: إن رجلا قال للنبي صلى الله عليه وسلم: أوصني، قال: لاتغضب، فردد مراراً، قال: لاتغضب[رواه البخاري]} {waxa laga soo weriyay Abaa Hurayra radiya Allaah canhu in uu yidhi: Nin ayaa ku yidhi Nebigii sala Allaahu calayhi wasalam: ii dardaaran, markaas ayuu ku yidhi: ha cadhoon, markaas ayuu ku celceliyay marar, wuxuuna ku yidhi: ha cadhoon }, markaa waxaynu ka fahmaynaa Xadiithkaa in aanad cadhoon hadaad la kulanto ama ay kugu timaado wax kaa cadhaysiiyana aad leqdid Cadhada

Taasna waxaa ku yimi Aayato ay ka mid tahay Hadalka Allaah jallaa wacallaa: {والكاظمين الغيظ والعافين عن الناس} { kuwa leqaaya oo u adkaysanaaya Cadhada ee u sabraaya kuwa xumayay iyaga iyo kuwa cafiya Dadka oo ah Dadka iyaga ku xumayay Hadal ama Ficilba }, leqista Cadhaduna sida ay Aayatu sheegayso waxay ka mid tahay Sifooyinka Adoomaha Allaah ee Mu’miniinta ah ee Sama falayaasha ah, waana kuwa leqa ama u sabra Cadhadu marka ay ku kacdo,waxa kale oo ku yimid hadana Xadiith saxeex ah in Nebigu sala Allaahu calayhi wasalam uu yidhi: {من كظم غيظاً وهو يقدر على إنفاذه، دعي يوم القيامة على رءوس الخلائق إلى الجنة} { kii leqa ama u sabra Cadho isaga oo kari karaaya in uu fuliyo waxa looga yeedhaa Maalinta Qiyaamaha Khalqiyaalka korkooda ilaa iyo Jannada} ama siduu yidhi Calayhi salaatu wasalaam, Xadiithkanu wuxuu ku jiraa Sunnanka waana Xadiith saxeex ah.

Waxaana ku yimi Sunnaha Xadiithyo badan oo ka hadlaaya daawaynta Cadhada aana ku soo koobayno sidan soo socota: tan ugu horaysa Cadhada waxaa lagu daawayaa Weeso aad weesaysato waayo Cadhadu waxay leedahay oo raaca Kul weesaysashadana waxaa ku sugan qaboojin, tan kale Cadhada waxaa keena Shaydaan weesadana waxaa ku sugan deganaansho Allaah jallaa wacallaa xagiisa iyo Caabudaada Allaah, markaa waxay dejinaysaa Cadhada, markaa kii Cadhooda waxa la gudboon in uu weesaysto, sidoo kale waxaa Sunnaha ku yimi, in hadii Qofku cadhoodo isaga oo taagan uu fadhiisto tanuna waa daawaynta saamaynta Cadhada waayo waxay dejinaysaa Naftiisa, waxa kale oo ah Daawo inaad ka yara fogaato Goobtaa aadna Hadalka xun ku bedesho mid debecsan oo wanaagsan

Waxaa la wada og yahay in Bini Aadamku ku jiro Imtixaan inta Imtixaankiisu le’eg yahay bay le’eg yihiin Derejadihiisu iyo Ajarkiisu iyo Abaalmarintiisuba, markaa hadii lagu imtixaamo wax ka cadhaysiiya oo uu leqo oo u sabro taas oo qaato amarada Nebiga sala Allaahu calayhi wasalam iyo wixii uu ku booriyay Allaah jallaa wacallaa isaga sida Hadalkiisa tacaalaa: {والكاظمين الغيظ} {iyo kuwa Cadhada leqa ee u sabra}, oo uu Cadhadiisa leqo oo u sabro isaga oo kari karaaya in uu fuliyo waxa uu hantiyay dhamaan fadliyada ku yimi X adiithyada, in looga yeedho Khalqiyaalka korkooda ilaa iyo Jannada iwm

Waxaa laga soo maray qaar Raadad xun oo ah Sheekooyin kala duwan, sidaas darted ayaan waxaan leenahay: Hadalkiisa calayhi salaatu wasalaam ee: {ha cadhoon} waxa lagama maarmaan ah inay noqoto mid aan weligiin Indhaha ku hayno xaga Xidhiidhkeena aan la leenahay Walaaleheen, Ahalkeena, Yaryarka iyo Waawaynkaba, Qofka debecsanaan deganaan iyo Xikmad iyo yidhaahda Hadalkiisa una sameeya Ficiladiisa ayaa u dhow Allaah subxaanahu watacaalaa waan Sifooyinka Adoomaha Allaah ee Mu’miniinta ah, waxaan u rajaynayaa dhamaan Nolol wanaagsan iyo Allaah ka cabsi iyo inaan ka fogaano Cadhada

Wabillaahi atowfiiq

Qore: Maessa Asalafi inshaa Allaah


©Xuquuqda oo dhan waxay u xafidantahay Bogan: http//:doorasho.bravehost.com walaalkayga Muslimka ahow dhamaan waxa laga helo Bogan waxaad u isticmaali kartaa si shakhsi ahaaneed iyo fidinta Dacwada

جميع الحقوق محفوطة لموقع الإختيار أخي المسلم بإمكانك الإستفادة من محتويات الموقع في الإستخدام الشخصى ونشر الدعوة

Web Master: maessa2@gmail.com

 


Web Hosting · Blog · Guestbooks · Message Forums · Mailing Lists
Easiest Website Builder ever! · Build your own toolbar · Free Talking Character · Email Marketing
powered by a free webtools company bravenet.com