untitled
viviti

Maxaynu fursad ugu siinaynaa Cadawgeena in ay yaraystaan Caqliyadeena?!!!

Mahad iyo amaan Allaah ayaa mudan oo iska leh kelidii, amaan iyo nabad gelyo ha ahaato korkiisa Nebigeena Maxamed iyo Ahalkiisii iyo Asxaabtiisii

Intaas ka dib:

Waxa dhacda had iyo jeer gaar ahaana sii laxaadsatay Beryahan dambe muuqaalo iyo dhaqdhaqaayo xumaynaya sumacadeena Shacab ahaan hadaynu nahay Muslimiinta iyo Diinteenaba taas oo ah wax laga xumaado in aan inaku ku kacno inaga oo aan ogsoonayn, iyada oo ay inagu hagayaan Cadawgeenu gaar ahaana Reer Galbeedku oo ay uga gol leeyihiin in ay u isticmaalaan Caadifadaheena iyo Xamaasadaheena aynu u hayno Diinteena si ay ugu jihayaan sida ay iyagu doonayaan, ayna tusaan ama ugu muujiyaan Caalamka intiisa kale in aynu nahay Dad aan waxba kala garanayn oo ka garasha hooseeya Dadyowga kale ee Aduunka, oo ku noolo khuraafaad Diinteenuna ay tahay khuraafaad, hadaba aan in yar ka hadalo arimahaas qaar aynu moodayno in aynu ugu adeegayno Diinteena laakiin runtii aynu ku wax yeelaynayno Diinteena iyo Dadnimadeenaba, waxa ka mid ah arimahaas:

1- Salmaan Rushdi baa wuxuu qoray Book la yidhaahdo Aayaat Ashaydaaniyah oo uu ku aflagaadaynaayo Quraanka kariimka ah, meel walba waa laga kacay mudaaharaadyo dhib oo dhan baa la gaystay qaylo Boqolaal meelood oo looga hanjebo, Habeen iyo maalinteed buu wuxuu noqday Book giisii xumaa kan loogu aqriska badan yahay oo loogu iibsiga badan yahay Aduunka, wuxuu helay Qoraagii xumaa wax aanu weligii kuna riyoon xataa ha noqoto xoolo nolol wanaagsan oo heer sare ah oo uu noqday mid loo ilaaliyo si aan Madaxda Aduunka qaarkood loo ilaalin

wuxuu ka noqday Aduunka Nin caan ka ah, wuxuu noqday Astaanta xoriyada Qoraaga, oo laga ilaalinayo Dad bahala ah oo aan waxba ka aqoon bani aadamnimada, kulana dhaqma Dadka gumaysi Xoriyada iyo waxay ku magcaabaan Diimuqraadiyaduna ay agtooda ka dheertahay, waxaas oo dhan waxaa u fududayay oo gaadhsiiyay Ficiladeenii ahaa Xamaasada iyo laab la kaca ugu dambayntiina aynaan waxba ka qaban karayn waayo waa Nin wadan Cadaw ah Dhalashadiisa haysta oo aynaan gaadhi karayn

2- Ayaan Xirsi baa Islaamka aflagaadaysay, sidii oo kale ayaa loo kacay iyana Xuurtaa yar ee saaqidada ah ee nolosha ka dhacday waxay gaadhay wax aanay weligeed gaadheen loona buunbuuniyay sida kaa ka horeeya iyadoo lagu xumaynaayo Muslimiinta taasna waxa u fududaysay oo gaadhsiisay Ficiladeena iyo Xamaasadaheen laab la kaca ah oo aan inaba wax ka fiirsi ahi ka dambayn

3- Muqaal Video ah oo ku jira Youtube oo lagu xumaynaayo Islaamka iyo Rasuulka, taas oo lagu soo qorayo Mareegaha Muslimiinta oo dhan tan waxaynu ku gargaarayna Kelebkii samayay in uu u fido Video gani si aanu uguba tala gelin oo filayn, xataa hadiina lagu guulaysto oo laga saaro Youtube waxa lagu soo saarayaa Mareega kale oo uu sidii oo kale u soo jiidayaa Kumanaan Qof oo booqda

4- waa tan Suuradii lagu caayaayay Diinteena iyo Rasuulkeena eega waxay inagu leeyihiin waxaa xunxumi, waxaas ayaynu waxaynu ku fidinaynaa Mareegaheena Dadyowga kalena inagaga dayanayaan oo iyana fidinayaan markaa inay fido oo meel walba gaadho sow inagu kuma gargaarin

5- Qol Paltalk ga ah oo lagu caayo Rasuulkeena sala Allaahu calayhi wasalam si aan Qolkaa u xidhno waxaa laynaga rabaa hal Malyan oo saxeex ah, ma ogtihiin walaalayaal marka aan yeelo oo ka qayb qaadano Beentaa in aan ku gargaarayno inay galaan Qolkaan Malaayiin Dad ah oo aan war ba ka hayn markii hore oo aynu ka qayb qaadanay taageeristiisa Dhaqaale ahaan iyo aynu ka qayb qaadanay in ay yaraystaan Caqliyadeena iyo Diinteenaba, kan inaga dalbanaaya arintana waxa uu uga faa’iidaysanayaa Xamaasadeena aan nidaamsanayn Rabitaankiisa iyo Maslaxadiisa iyo taa ka sokow inuu Aduunka u muujiyo Suurada ah Muslimka aan Caqliga lahayn

6- U footiya Qofka ugu wayn oo ugu mudan taariikhda oo loola jeedo Rasuulkeenii sala Allaahu calayhi wasalam, subxaan Allaah Rasuulkeenu waa uu ka wayn yahay in aan cid ka warsano Rayiga uu ka qabo tana waxa looga gol leeyahay in lagu kordhisto tirada soo booqdayaasha Mareegta iyo in Caqliyadeena la yaraysto iyo Diinteena iyo in laga dhigo Rasuulkeena sala Allaah calayhi wasalam Qof caadi ah oo la mid ah hogaamiyayaashii taariikhda soo maray ee aanu ahayn Rasuul inana sidaas ayaynu uga qayb qaadanaynaa oo ugu gargaaraynaa in layna yaraysto oo la yaraysto Diinteena, Diinteena iyo Nebigeenuna uma baahna inaan ka warsan Rayiga cid kale ka qabto

7- U footiya Diinta ugu Wanaagsan Aduunka, tana waa Been kale oo layna ku soo jiidanaayo, oo looga gol leeyahay in lagu helo Malaayiin Qof oo soo booqda Mareegta iyo in loogu helo Mareegta taageero Maadi ah, ma ogtihiin in Mareegahaas ay ka dhigayso taasu kuwa loogu booqashada badan yahay Aduunka iyagoo markii hore ahaa Meel la guuray oo aan cidi gelin, sababna waxa u ah inaga hadaynu nahay Muslimiin!

8- Waa ka Farshaxankii sawiray Suuradaha lagu caayaayo Islaamka iyo Rasuulka, waa kaa Holand gii samayay Film ka qayb qaata caydiisa, walaalayaal maxaynu ugu yeelaynaa qiimaha Camaladiisa aan macnaha lahayn ee liita, maxaynu ugu ogolaanaynaa inuu inagu soo caan baxo sida uu doonaayo

9- Eega waxa ku dhacay Farshaxankii samayay Suuradaha Cayda ah wuxuu isu rogay Maalin labaadii oo noqday Daayeer, waa Been aad u wayn oo looga gol leeyahay in lagu yaraysto Caqliyadeena, kan fidinayaana wuxuu aad iyo aad u garanayaa wuxuu samaynaayo iyo wuxuu doonaayo waxana ah wax laga xumaado in aan inaku gaadhsiino waxa uu doonaayo, waxaynuna u muujinaynaa isaga iyo qayrkiisba in ay Diinteenu tahay Diin khuraafaat ah iyada oo ay Diinteenu tahay Diinta keli ah ee Xaqqa ah oo Caqli galka ah

10- Waxaa dhintay kii ku jees jeesayay Rasuulka Allaah baa ka aar goostay isaga, waa Been kale oo wayn sida taa ka horaysay ee aan hada soo xusnay laguna muujinaayo in ay Diinteenu tahay Diin Caqliga ka fog, Diin aaminsan khuraafaatka inana waan u suura gelinaynaa waxa ay doonayaa inay ku lifaaqaan Diinteena wanaagsan ee Xaqqa ah

11- Gabadh Reer Cumaan ah baa Kitaabka Quraanka Kariimka ah ku joog joogsatay isla markiiba waxay isu bedeshay oo noqotay Bahal eega waa taa siday noqotay, Allaahu mustacaan! Ugu dambayntiina waxa la ogaaday in ay tahay Been ay samaysay Shirkad Filimada ah oo faransiis ahi bal eega sida loo yaraysanayo Caqliyadeena, Diinteenana looga dhigaayo Diin aaminsan khuraafaatka, sidaas darteed Walaalayaal aan Allaah ka cabsano waxaan samaynayno

maxaan samaynaa si aan ugu hiilino Rasuulka iyo Islaamka

 

Waa in aynu ku sugnaano Diinteena oo baranaa oo ku dhaqanaa oo ku dhaqanaa Akhlaaqda wanaagsan ee ay inagu boorinayso iyada ayaa ah gabaadkeena iyo xoogeena iyo haybadeena iyo karaamadeenaba cid ina liidsan kartaana ma jirto hadaynu Diinteenu siday tahay ugu socono bal waxaynu noqonaynaa Tusaale wanaagsan oo lagu daydo oo u horseeda Dadyowga kale inay ku dhiiradaan soo gelista Diinta Islaamka Allaah tacaalaana waa inooga hiilinayaa Cadaw kasta oo Shar inala maagan siduu inoogu sheegay tacaalaa oo inoogu balan qaaday Quraanka Kariimka ah markuu yidhi tacaalaa: إن تنصروا الله ينصركم [محمد:6]} }{Tan Wuxuu amray Allaah tacaalaa hadii aan Allaah ugu hiilino raacitaan Diintiisa ah oo aan ku toosnaano oo fidino Dacwadeeda oo ugu yeedhno Ummadaha kale soo gelitaanka Diintan oo aan ku jihaadno Cadawgiisa oo ujeedada aan taas ka leenahay tahay Allaah dartiis uun, hadaan sidaas samayno Allaahna waa inoo hiilinayaa}

Diinta se aan ku soconaynaa waa inay tahay Diin saxeex oo ka madhan Bidcada, Khuraafaatka, Shirkaga iyo Xagjirnimada iwm waana Kitaabka Allaah iyo Sunnaha Rasuulka ee saxeexa ah iyo siday u fahmeen Salafkii suubanaa kaas ayaan ku badbaadaynaa oo kaga saraynaynaa cadawgeena oo Allaah tacaalaa inoogu hiilinayaa, laakiin hadaynu raacno Islaam aan saxeex ahayn oo ka leexsan Dariiqa xaqqa ah ogow ma aynu helayno hiilkiisa tacaalaa waxaynuna ku jiraynaa Dulinimadaa iyo in ay Caqliyadeena iyo Diinteena yaraystaan Dadyowga kale, markaa Walaalayaal waxaan inala gudboon in aan barano Diin saafi ah oo Saxeex ah dabadeedna aynu ugu baaqno Dadyowga kale taas oo ah Waajib Diini ah oo hadaynaan ku kicin uu dembigeedu in saarnaanayo Ummad ahaan

Waxa ah wax laga xumado in ay tahay xaqiiqa jirta in ay Muslimiintu u kala qaybsan yihiin Kooxo iyo Xisbiyaal taasuna waa Sunnanka aan la bedeli karayn ee uu Allaah tacaalaa ka leeyahay Khalqigiisa waxana iska cad in aanay dhamaantood Xaqqa kuwada suganayn waayo Xaqqu waa mid keli ah ee maaha labo, Diintuna waa mid keli ah, tusaalaha ugu yar ee ugu fudud hadaan nidhaahno Gabadhu Weesada waa gadaa iyo ma gado labada arimood Xaqq ma wada aha bal miduun baa sax ah oo xaqq ah, sidaas darteed ayaad waxaad arkaysaa marka laga hadlo Kooxaha Islaamka iyo Xisbiyaalka oo aad dhaleecayso kuwood khaldan ayay Dad badan oo Muslimiin ahi diidayaan iyaga oo ku andacoonaaya yaan layskala qaad qaadin oo waxba layska sheegin Islaamku waa mid ee

Waxaan leeyahay fikirkaasu waa mid aad u Khaldan xaqqna maaha, waayo Islaamku maaha sida Midnimada Soomaalida ee la raadinaayo ee la dhoob dhoobaayo oo la doonaayo in lays xambaarsiiyo Xaqq iyo Baadilba si loo helo Midnimo gudaha siday doonto ha ka ahaatee, ee Islaamku waa Diin waa Caqiido iyo Xaqq cad oo la rabo in la raaco oo lagu dhaqmo, markaa hadii aan wax laga sheegin oo looga digin Dadka kan fidinaaya Khaladka, Bidcada, Shirkiga, Khuraafaatka iwm sidee baa loo helayaa Islaam sax ah?! Jawaabtu waa lama helaayo sidaas darteed in wax laga sheego oo laga hadlo oo Dadka looga digo Kooxaha aan ku soconayn Islaam saxeex ah waa Waajib Diini ah

Waa inaan ku faanaa Diinteena oo aynaan ka khajilin marka aad aragto Cadawga oo tuhum Baadil ah ku lifaaqaaya, inagu waxaynu aaminsanahay Kitaabka oo dhan wuxuu ka kooban yahay ama aynu fahamno Xigmada markaas looga jeedo ama yaynaan fahmin ee, kiina ka khajila Aayat ka mid ah Aayaatka Allaah ha ogaado in uu yahay mid ka fog Islaamnimada, waa inaynaan ka qayb qaadan Ficilada lagu wax yeelaynayo oo lagu xumaynaayo Sumcada Muslimiinta, Diinteena iyo Rasuulkeena sala Allaahu calayhi wasalam sida kuwaa aan kor ku soo sheegnay iwm in la samayo Qoraalo muujinayaa wanaaga Diinteen iyo Akhlaaqdeeda iyo Aadaabteeda waa lagama maarmaan loona turjumo Afafka Dadyowga kale oo la fidiyo wanaaga Diinteena iyo Xaqqnimadeeda, in la gooyo Bucshirada Cadawgeena iyo Alaabtiisa wixii aad ka maarmi karto iyo waxa aan daruuriga ahayn waa lagama maarmaan, ugu dambayntii waxaan Allaah u waydiinayaa Naftayda iyo Nafihiinaba Caafimaad iyo Cafis labada Daaroodba iyo inuu inagu sugo Xaqqa aamiin

Wabillaahi atowfiiq

Qore: Maessa Asalafi Inshaa Allaah


©Xuquuqda oo dhan waxay u xafidantahay Bogan: http//:doorasho.bravehost.com walaalkayga Muslimka ahow dhamaan waxa laga helo Bogan waxaad u isticmaali kartaa si shakhsi ahaaneed iyo fidinta Dacwada

جميع الحقوق محفوطة لموقع الإختيار أخي المسلم بإمكانك الإستفادة من محتويات الموقع في الإستخدام الشخصى ونشر الدعوة

Web Master: maessa2@gmail.com

 


Web Hosting · Blog · Guestbooks · Message Forums · Mailing Lists
Easiest Website Builder ever! · Build your own toolbar · Free Talking Character · Email Marketing
powered by a free webtools company bravenet.com