|
|
|
|
بسم الله الرحمن الرحيم
رسالة المعية
Macnaha la socoshada Allaah ee khalqigiisa
لسماحة الشيخ عبد العزيز بن عبد الله بن باز رحمه الله تعالى
Samaaxat Ashiikh Cabdulcasiis Binu Cabdullaah Binu Baas Allaah ha u naxariistee
الحمد لله وحده ، والصلاة والسلام على نبينا محمد وآله وصحبه
أما بعد:
Mahad iyo amaan Allaah ayaa mudan oo iska leh kelidii, amaan iyo nabad gelyo ha ahaato korkiisa Nebigeena Maxamed iyo Ahalkiisii iyo Asxaabtiisii
Intaas ka dib:
Allaah casaa wajalaa wuxuu yidhi: {
ألم تر أن الله يعلم ما في السموات وما في الأرض ، ما يكون من نجوى ثلاثة إلا هو رابعهم ولاخمسة إلا هو سادسهم ولا أدنى من ذالك ولا أكثر إلاهو معهم أين ماكانوا ،ثم ينبئهم بما عملوا يوم القيامة ، إن الله بكل شىء عليم [المجادلة:7]} {miyaadan arag in Allaah ogyahay wax ah Samooyinka iyo waxa ah Dhulkaba, ma jirto saddex meel ku faqaysa oo aanu ku ahayn afar mana jirto shan aanu ku ahayn lix mana jirto cid intaa ka yar ama ka badan ilaa isagoo la socda mooyee meel kasta oo ay ahaadaanba (la socodka ay Aayatan kariimka ahi ka waramaysaa sida ay yidhaahdeen Culimada tafsiirku wuxuu Allaah kula socdaa Adoomihiisa ogaalkiisa iyo koobista uu wax walba koobay oo ogyahay isagoo daatadiisa ah Carshiga korkiisa) dabadeedna wuxuu uga warami doonaa maalinta Qiyaamaha waxay faleen oo ah khayr iyo sharba waayo wuu ogaaday taas waxaana lagu qoray Loox Almaxfuudka oo wuxuu ku amray Malaa’ikta kiraamka ahi inay qoraan, Allaah waa kii shay kasta og}
Wuxuu yidhi Shiikhu Allaah ha u naxariistee: waxaa soo noqnoqda su’aalaha ah inay jiraan kuwa yidhaahda in Allaah subxaanahu wa tacaalaa uu ku dhex jiro khalqigiisa oo ku dhex khaldan yahay iyaga oo ay taasu tahay macnaha guud ee la socoshada, waxayna shabaheen hadan hadalkiisa tacaalaa: {
وما كنت بجانب الغربي [القصص:44]} {ma aadan ahayn Maxamedow geesta galbeed ee Buurta}, iyo hadalkiisa tacaalaa: {وما كنت لديهم إذ يلقون أقلامهم [آل عمران:44]} {ma aadan ahayn mid la joogay iyaga markay ku tuureen Qalimadoodii Webiga}, iyo hadalkiisa tacaalaa: {وما كنت لديهم إذ يختصمون [آل عمران:44]} {ma aadan ahayn mid la joogay iyaga markay is colaysteen}, oo macnaheeduna uu yahay taas in Rasuulkii Allaah sala Allaahu calayhi wasalam aanu la joogin iyaga ee ay arintu tahay in Allaah tacaalaa daatadiisu la joogay iyaga waayo meel walba waa joogaa siday yidhaahdeen. Hadaba isaga oo ah kan hadalkan lihi mid si xun wax u fahmay oo uu galay khalad fool xun oo khilaafsan Caqiidada saxeexa ah ee ku timid Quraanka iyo Sunnaha ee ay ictiqaadeen Salafkii Ummadatanu waxaan arkay in aan cadayo xaqqa oo muujiyo wixii ka qarsoomay kan hadalkaa yidhi wixii ka qarsoomay kan hadalkaa yidhi ee arintan wayn ee ku saabsan magacyada Allaah iyo Sifaatkiisa.Hadaba Allaah subxaanahu wa tacaalaa waxa lagu sifaynayaa wixii uu naftiisa ku sifayay iyo wuxuu ku sifayay Rasuulkiisa Maxamed sala Allaahu calayhi wasalam sida ku haboon waynidiisa iyada oo aan loo yeelin sidee oo loo yeelin tusaale oo aan la leexin oo aan la is hortaagin siduu yidhi tacaalaa: {
ليس كمثله شىء وهوسميع بصير [الشورى:11]} {Allaah ma jiro shay u dhigma oo lagu tusaaleeya isaguna waxna waa maqlaa waxna waa arkaa}, waxana ka mid ah waxa ku sugnaaday Quraanka iyo Sunnaha oo ay isku raaceen Salafkii Ummadu in Allaah subxaanahu ku sugan yahay Khalqigiisa korkooda oo uu ka sareeyo oo ka soocan yahay iyaga uuna kor mary Carshigiisa kor maris ku haboon waynidiisa aana lagu shabahayn Khalqigiisa kormaristooda oo kale, isaguna subxaanahu wuxuu kula socdaa iyaga ogaalkiisa, kamana qarsoona isaga waxa iyaga ku qarsooni, waana taas tuu ku muujiyey Quraanku cibaarooyinka ugu balaaqadsan oo ugu cad, waana tuu ku muujinayo Sunnaha Xadiisyada saxeex ah oo run ah, waxa ka mid ah daliilada Quraanka ah ee muujinaya in Allaah subxaanahu watacaalaa uu ku sugan yahay Samada, korka Khalqigiisa oo uu ka koreeyo Carshigiisa hadalkiisa tacaalaa: {إليه يصعد الكلم الطيب والعمل الصالح يرفعه [فاطر:10]} {Allaah xagiisa baa loo korsiiyaa hadalka wanaagsan sida, Tasbiixda, aqriyida Quraanka, Taxmiida, Tahliisha iyo hadal kasta oo wangsan, Camalka wanaagsanina ee Qalbiga iyo Xubnuhubana kor buu u qaadaa}, iyo hadalkiisa tacaalaa: {إني متوفيك ورافعك إلي [آل عمران:55] } {Ciisow waxaan kaa dhigayaa mid dhintay xagaygana ayaan kuu soo korsiinayaa }, iyo hadalkiisa tacaalaa: {تعرج الملائكة والروح إليه [المعارج:4]} {ee ay u koraan Malaa’ikta iyo Ruuxyaalka Adoomihiisu xagiisa}, iyo hadalkiisa tacaalaa: {ثم استوى على العرش الرحمن [الفرقان:59] } {taas dabadeedna kor mary Carshigiisa ay waynidiisu deeqdo Samooyinka iyo Dhulkaba ku kor mary magaciisa Arxmaan ee raxmadiisu deeqday shay kasta}, iyo hadalkiisa tacaalaa: {أأمنتم من في السماء أن يخسف بكم الأرض [ألملك:17] } {ma waxaad aaminteen in aan Allaaha Samada ka koreeya idinku haligin Dhulka oo idin la gown}, iyo hadalkiisa tacaalaa: {أم أمنتم من في السماء أن يرسل عليكم حاصباً [الملك:17]} {mise waxaad aaminteen in aan Allaaha Samada ka koreeyaa idiinka soo dirin cadaab Samada uu Allaah idinkaga aargoosto}, iyo hadalkiisa tacaalaa: {الرحمن على العرش استوى [طه:5] } {Allaaha raxmaanka ah ee Carshigiisa kor maray kor mar ku haboon waynidiisa}, iyo hadalkiisa tacaalaa: {ياهامان ابن لي صرحاً لعلى أبلغ الأسباب * أسباب السموات فأطلع إلى إله موسى وإني لأظنه كاذباً [غافر: 36و37]} {Haamaanow ii dhis dhisma wayn si aan u gaadho wadooyinka, wadooyinka Samooyinka oo aan arko Ilaaha Muuse waxan se u malaynayaa in uu yahay beenaale}.Daliilada se ka mid ah Sunnaha waxa lagu soo weriyey Xadiisyada saxeexa ah iyo xasankaba waxaan la tirin karin ilaa iyo is kalifaad mooyee sida Qisada Micraajka ee loo korsiiyay Rasuulka sala Allaahu calayhi wasalam ilaa iyo Rabigiis, iyo Xadiiska is daawaynta ee weriyey Abu Daa’uud iyo qayrkiisba ee ah: (
ربنا الله الذي في السماء تقدس إسمك ، أمرك في السماء والأرض [رواه أبوداود وغيره]) (Rabigayo waa Allaah ee ka koreeya Samada waxaa daahir noqday oo hufnaaday magacaaga, amarkaaga ah Samada korkeeda iyo Dhulkaba), iyo hadalkiisa sala Allaahu calayhi wasalam ee Xadiiska alowcaal: (والعرش فوق ذالك ، والله فوق العرشه ، وهو يعلم ما أنتم عليه [رواه أحمد و أبو داود وغيرهما] ) (Carshiguna taas ayuu dusheeda yahay, Allaahna Carshigiisa dushiisa ayuu ku sugan yahay, wuxuuna og yahay waxaad idinku ku sugan tihiin), iyo hadalkiisa sala Allaahu calayhi wasalam ee ah Xadiiska saxeexa ah ee Jaariyada: (أين الله؟ قالت: في السماء ، قال: من أنا؟ قالت: أنت رسول الله ، فقال: أعتقها فإنها مؤمنة [أخرجه مسلم في صحيحه] ) (Allaah mee? Waxay tidhi: Allaah wuxuu ka sareeyaa Samada, wuxuu yidhi: kumaan ahay anigu? Waxay tidhi: adigu waxaad tahay Rasuulkii Allaah, markaas ayuu wuxuu yidhi: xoree iyadu waa Mu’minad ee), iyo Tusaalayaal sidaas oo kale ka mid ah Xadiisyada ka sugnaaday Rasuulka Allaah sala Allaahu calayhi wasalam ee sheegaysa ogaal yaqiin ah in Rasuulku sala Allaahu calayhi wasalam uu gaadhsiiyay in Allaah subxaanahu Carshigiisa ka sareeyo oo uu isagu Samada ka sareeyo, siduu Allaah ugu abuuray taas oo Caqliyaalkooda u geliyay Ummadaha oo dhan ama Carab ha noqdeen ama Cajam ee xiligii Jaahiliyada iyo Islaamkaba ilaa cid ay ka leexiyeen Shayadiintu abuurtii Allaah ku abuuray maahee.Dabadeena iyana Salafkii waxay taas ka leeyihiin hadalo hadii laysu gayn lahaa gaadhi lahaa Boqolaal ama Kumanaan, taas dabadeedna kuma jirto oo lagama helaayo Kitaabka Allaah iyo Sunnaha Rasuulka sala Allaahu calayhi wasalam iyo cid ka mid ah toona Salafkii Ummada, lagama helaayo Saxaabadii ama taabiciintiitoodii ku raacday wanaaga ama Iimaamadii soo gaadhay Waqtigii Hawada iyo is khilaafka Xaraf keli ah oo taa khilaafsan Nas ahaan iyo Daahir ahaanba, mana odhan cid iyaga ka mid ahayd haba yaraatee in aan Allaah aanu jirin Samada korkeeda, oo aanu jirin Carshiga korkiisa ama tidhi in isaga daatadiisu joogo meel kasta ama dhamaan meelaha oo dhami isaga isugu mid yihiin, mana ay odhan isagu ma joogo Caalamka gudihiisa iyo debediisa toona mana odhan ma banaana in lagu ishaaro Faraha isaga meesha uu ina ka xigo iwm, bal waxa ku sugnaatay saxeexa oo laga soo weriyey Jaabir Binu Cabdallaah in Nebigu sala Allaahu calayhi wasalam markuu khudbaynaayay Khudbadiisii waynayd Maalintii Carafaat ee ururkii ugu waynaa ee uu yimaado Rasuulku sala Allaahu calayhi wasalam wuxuu yeelaayay inuu yidhaahdo: (
ألا هل بلغت) (Allaa ma gaadhsiiyay), markaas ay iyana odhanayeen: (نعم) (haa) markuu saas lahaa Fartiis buu kor u taagaayay, hadana iyaga buu hoos ugu soo taagaayay wuxuuna odhanaayay : (اللهم اشهد) (Allaahow ka marag ahow), wuxuu odhanaayay mar in ka badan, tusaalayaalka taas oo kale ahina waa fara badan yahay siduu ku cadayay taas Shiikh Alislaam Ibn Taymiyah iyo qayrkiisba oo ka mid ah Ahalka Cilmiga, eeg: (الفتاوى- مجلد 5 صفحة14) (Alfataawaa- Mujaladka 5aad Safxada14),waxana looga jeedaa in Ictiqaadka faasidka ah ee ay ictiqaadsan yihiin Aljahamiyada mucadilada ah iyo wixii dariiqooda ku socday ee ka mid ah Ahalka Bidcada in uu yahay kan ugu faasidsan ee ugu xun ee ugu Belaayada wayn ee lagu nuqsaaminayo Khaaliqa jalaa wacalaa, Allaah waxan ka magan galay leexashada Qalbiyaalka. Daliilada cadaynaaya baadilnimada Madhabkan lunsanina way badan yihiin, horta Caqliga saxeexa ah iyo Abuurta feyowbiba waa diidayaan taas marka lagu daro daliilada Sharciga ah ee sugan iskaba dhaafo.Hadaba daliilsashada qaarkood Aayatihii aan hada soo sheegnay waxa weeye baadilka ugu baadilsan markay ku andacoonayaan in laga qaadan Aayatahaa in Allaah daatadiisu ama Naftiisu joogay Dhulka dhinaca Buurta Duur Allaah ka saray taas sarayn wayn ee, waxana ka qarsoomay kan sidaas yidhi in la socoshadu tahay laba Nooc:- oo tahay mid guud iyo mid gaar ah, hadaba tan gaarka ahi waa sida hadalka Allaah tacaalaa: {
إن الله مع الذين اتقوا والذين هم محسنون [النحل:128]} {Allaah tacaalaa wuxuu la jiraa kuwa isaga ka cabsada ee ka taga Kufriga iyo Macsiyadaha wuxuuna kula jiraa gargaaristiisa iyo waafiqin uu waafiqiyo wixii khayr ugu jiro Aduunka iyo Aakhiroba, ee ah sama falayaasha sida wanaagsan u caabuday Allaah, ee u caabuday Allaah sidii inay arkayaan waayo hadaanay arkayn isagaa arkaaya una sama fala oo wanaag kula dhaqma Khalqigiisa}, iyo hadalkiisa tacaalaa: {لا تحزن إن الله معنا [التوبه:40] } {ha murugoon Allaah ayaa inala jira ee oo inagula socoda gargaaristiisa iyo hiilintiisa iyo inuu ina waafiqiyo wixii khayr ah ee}, iyo hadalkiisa tacaalaa: {إنني معكما أسمع وأرى [طه:247] } {aniga ayaa idinla jira oo waxaad ku sugan tihiin xafidaadayda iyo ilaalintayda waan maqlaa hadaladiina waana arkaa xaalaadkiina oo dhan ee ha biqina}, iyo Aayaatka kale ee la mid ka ahba isagu subxaanahu wuxuu kula jiraa ama kula socdaa Nebiyaalkiisa iyo Adoomihiisa Mu’miniinta ah ee ka cabsada u hiilin, taageeris, gargaaris, waafiqin, ilaalin iyo hanuunin iwm, siduu yidhi casaa wajalaa sida uu ka soo weriyey isaga Nebigiisu sala Allaahu calayhi wasalam in uu yidhi: (ولايزال عبدى يتقرب إلي بالنوافل حتى أحبه ، فإذا أحببته كنت سمعه الذي يسمع به ، وبصره الذي يبصر به ، ويده التي يبطش بها ،ورجله التي يمشي بها) (kamana suulin in Adoonkaygu iigu soo dhowaado Nawaafilka ilaa aan jeclaado, hadaan jeclaadona waxan u noqdaa Maqalkiisii uu wax ku maqlaayay iyo Aragiisii uu wax ku arkaayay iyo Gacantiisii uu wax ku qabsanaayay iyo Adinkiisii uu ku soconaayay), hadaba taas macnaheedu maaha inuu u noqonaayo Allaah subxaanahu watacaalaa Adoonka Xubnihiisii, ka saray taas Allaah sarayn wayn ee, ee muraadku wuxuu yahay ku toosintiisa iyo waafiqintiisa Xubnaha Adoonka dhamaantood, siday ku fasirayso Riwaadan kale markuu leeyahay subxaanahu: (فبي يسمع وبي يبصر وبي يبطش وبي يمشي) (aniga ayuu igu maqlaa oo aniga ayuu igu arkaa oo aniga ayuu igu qabsadaa oo aniga ayuu igu socdaa), markaas wuxuu ku cadayay taas in muraadka laga leeyahay hadalkan ah: (كمت سمعه ... الخ ) (waxaan u noqon Maqalkiisa… ilaa iyo aakhirka hadalkaa oo aynu hada soo sheegnay), ay tahay ku toosintiisa, waafiqintiisa iyo ka ilaalintiisa inuu ku dhaco wixii ka cadhaysiinaaya subxaanahu.La socoshada guud se macnaheedu wuxuu yahay koobis, dhamaansha iyo ogaansho, la socoshadaasuna waa ta lagu sheegay Aayato badan, sida hadalkiisa tacaalaa: {
ما يكون من نجوى ثلاثة إلا هو رابعهم ولا خمسة إلا هو سادسهم ولا أدنى من ذالك ولا أكثر إلا هو معهم أين ما كانوا [المجادلة: 7]} {ma jirto saddex meel ku faqaysa oo aanu ku afar ahayn mana jirto shan meel ku faqaysa oo aanu ku ahayn lix mana jirto cid intaa ka yar ama cid intaa ka badan oo aanu la socon meel kasta oo ay ahaadaanba}, iyo hadalkiisa tacaalaa: {وهو معكم أين ما كنتم [الحديد:4] } {oo isagu wuu idinla socdaa meel kasta oo aad tihiinba}, iyo hadalkiisa tacaalaa: {فلنقصن عليهم بعلم وما كنا غائبين [الأعراف:7] } (waxaanu uga sheekayn doonaa ama uga warami doonaa waxay samayn jireen iyagu ogaal ahaan aanu ognahay awgeed waxay samayn jireen, mana aanu ahayn ku maqan Waqti Waqtiyada ka mid ahaa), iyo hadalkiisa tacaalaa: {وما تكون في شأنِ وما تتلو منه من قرآنِ ولا تعملون من عمل إلا كنا عليكم شهوداً إذ تفيضون فيه [يونس:61] } {xaal kasta oo aad ku sugantahay Maxamedow oo ah xaalka Diinta iyo Dunidaba iyo wixii aad ka aqriyayso Quraanka Allaah kuu soo waxyooday adiga iyo wixii Camal ah oo aad samaynaysaan mid yar iyo mid waynba, ma jiro ilaa anagoo markhaanti idiinka ah mooyee markaad samaynaysaan}, ilaa iyo Aayatka kale ee la midka ah isagu jalaa wacalaa wuxuu ka koreeyaa Carshigiisa sidii ku haboon dhamaanshihiisa iyo waynidiisa, wuxuuna ku koobaa Khalqigiisa ogaanshihiisa, wuuna arkayaa iyaga meel kasta oo ay ahaadaan, haday ay ahaadaan Dhulka ama Badaba, Habeen ama Maalinba, Guryahooda ama Debedaba dhamaan waxay ku sugan yihiin ogaalkiisa si isku mid ah isagoo arkaya oo maqlaya, wuxuu maqlayaa hadaladooda oo wuxuu arkaa meelaha ay ku sugan yihiin, wuxuu og yahay sirtooda iyo faqoodaba, siduu Allaah tacaalaa yidhi: {ألا إنهم يثنون صدورهم ليستخفوا منه ألا حين يستغشون ثيابهم يعلم ما يسرون وما يعلنون إنه عليم بذات الصدور [هود:25]} {wuxuu inooka waramayaa tacaalaa jaahilnimada Mushrikiinta daraanta lunsanaantooda markay iyagu Laabahooda leexinayaan say uga dhuuntaan Allaah, Allaahna uu og yahay waxay sir ahaan u samaynayaan iyo waxay muujinayaanba isagu waa kii og waxa Laabaha ku jira}, wuxuu kaloo yidhi tacaalaa: {سواء منكم من أسر القول ومن جهر به ومن هو مستخفِ بالليل وسارب بالنهار [الرعد: 10]} {waa isugu mid Allaah oo waa og yahay oo waa maqlayaa waana arkaa kiinii hadalka hoos u dhiga iyo kii muujinayaba iyo kii meel qarsoon ka yidhaahda Habeenkii iyo ka ka dhex yidhaahda Howgiisa Maalintiiba}, wuxuu kaloo yidhi tacaalaa: {لتعلموا أن الله على كل شيئِِ قدير وأن الله قد أحاط بكل شيئ علماً [الطلاق:12]} {si aad u ogaataan in Allaah tacaalaa shay walba awoodo iyo in Allaah koobay shay kasta ogaal ahaan}, marka ma jiro Ilaah qayrkiis ahi mana jiro Rabi aan isaga ahayni.Wuxuu ku bilaabay subxaanahu Aayatka la socoshada guud ogaal wuxuuna ku khatimay ogaal si ay u ogaadaan Adoomihiisu in muraadka taas laga leeyahay ay tahay ogaalkiisa subxaanahu xaalalkooda iyo amuurahooda oo dhan ma ah inuu subxaanahu ku dhex khaldan yahay iyaga Guryahooda dhexdooda iyo Suuliyaashooda iwm ee ah meelahooda ka saray Allaah taas sarayn wayn ee.
Hadalka ah in macnaha la socoshadu uu yahay ku dhex khaldanaantiisa Khalqiga isaga daatadiisu waa kay yidhaadaan Ahalka Xuluulku ee ku andacoonaya in Ilaahoodu meel walba joogo daatadiisu oo ay ka hufayaan kor maristiisa Carshigiisa iyo ka sarayntiisa Khalqigiisa kamana ay hufin xataa meelaha ugu xun oo ugu qudhunsan Allaah ha xumayee oo ha fadeexadayee, waxana gaashaanka u daruuray oo u jawaab celiyay Iimaamadii Salafkii suubanaa sida Axmed Binu Xambal iyo Cabdullaahi Ibnu Mubaarak iyo Isxaaq Binu Rahaawiyah iyo Abuu Xaniifa Anucmaan iyo qayrkoodba iyo dabadoodna Iimaamadii hanuunka sida Shiikh Alislaam Ibinu Taymiyaha iyo Alcalaamah Ibnu Alqayim iyo Alxaafid Ibnu Kasiir iyo qayrkoodba.
Hadaba haday taasu cadaatay laga qaadan maayo hadalkiisa tacaalaa
:{وهو معكم}, iyo wixii ku yimid macnahaa ee Aayat ah inuu ku dhex khaldan yahay Makhluuqaatka daahir iyo xaqiiqo toona mana muujinayso Lafdiga[مع] taas weji wejiyada ka mid ah toona, waxay se muujinaysa ilaalin,hanuunin iyo waafiqin iwm.Abu Cumar Aldalmanki
: wuxuu yidhi Allaah ha u naxariistee waxay isku raaceen Muslimiinta ka mid ah Ahalka Sunnuhu inuu yahay macnaha hadalkiisa tacaalaa: {وهو معكم أين ما كنتم الحديد: 4]} iyo wixii la mid ah ee Quraanka ah inuu yahay ogaalkiisa iyo in Allaah tacaalaa ka sareeyo Samooyinka daatadiisu oo uu kor marsan yahay Carshigiisa siduu ku dhawaaqaya Kitaabkiisu iyo Culimadii Ummada iyo kuwii u waawaynaa Iimaamadii Salafka iskumay khilaafin in Allaah Carshigiisa ka sareeyo Samooyinkiisa ka sareeyo.Abu Nasar Asigsiyina: wuxuu yidhi Iimaamadayadii sida Sufyaan Asowri iyo Maalik iyo Xamaad Binu Salamah iyo Xamaad Binu Siid iyo Sufyaan Binu Cuyaynah iyo Fudayl iyo Ibnu Mubaarik iyo Axmed iyo Isxaaq waxay isku raaceen in Allaah subxaanahu daatadiisu ka sarayso Carshiga ogaalkiisuna uu yahay meel kasta.
Abu Cumar Ibnu Cabdulbar
: wuxuu yidhi waxay isku raaceen Culimadii Asxaabta iyo Taabiciintii ee laga soo guuriyay Tawiilta waxay yidhaadeen Tawiilta hadalkiisa tacaalaa: {ما يكون من نجوى ثلاثة إلا هو رابعهم ... [المجادلة:7]} wuxuu ku sugan yahay Carshigiisa ka kor ogaalkiisuna waa meel kasta mana jirto cid ku khilaaftay taas oo ku xujaysanaysa hadalkiisa.Alxaafid Ibnu Kasiir
: Allaah ha u naxariistee wuxuu yidhi hadalkiisa tacaalaa: {وهو معكم أين ما كنتم والله بما تعملون بصير [الحديد:4]} macnaheedu waa wuu idin ilaalinayaa oo wuu arkaa camaladiina halkaa tihiin iyo meeshii aad joogtaanba ha ahaato Dhul ama Bad ama Habeen ama Maalin ama Guryaha ama Debedaha dhamaan ogaalkiisa ayaad ku sugantihiin si isku mid ah oo waxaad ku sugantihiin Aragiisa iyo Maqalkiisa, wuxuu maqlayaa hadalkiina oo wuxuu arkaa meelaha aad joogtaan oo wuxuu og yahay Sirtiina iyo Faqiinaba, siduu yidhi tacaalaa: {ألا إنهم يثنون صدورهم ليستخفوا منه ألا حين يستغشون ثيابهم يعلم ما يسرون وما يعلنون إنه عليم بذات الصدور} {waana soo sheegnay tafsiirkeeda hada}, iyo hadalkiisa tacaalaa:{سواء منكم من أسر القول ومن جهر به ومن هو مستخف باليل وسارب بالنهار} {iyana waan soo sheegnay tafsiirkeeda hada} ma jiro Ilaah qayrkiis ah mana jiro Rabi aan isaga ahayn.Wuxuuna yidhi tafsiirka hadalkiisa tacaalaa: {
ما يكون من نجوى ثلاثة إلا هو رابعهم ولا خمسة إلا هو سادسهم ولا أدنى من ذالك ولا أكثر إلا هو معهم أين ما كانوا} {waan soo sheegnay tafsiirkeeda hada} waxa weeye wuu daalacanayaa wuuna maqlayaa Sirtooda iyo faqoodaba Rasuuladiisuna hadana iyadoo ay sidaas tahay bay qorayaan waxay ku faqayaan iyadoo Allaah og yahay oo maqlaayo siduu yidhi tacaalaa: {ألم يعلموا أن الله يعلم سرهم ونجواهم وأن الله علام الغيوب [التوبه:78]} {miyaanay ogayn in Allaah og yahay Sirtooda iyo Faqoodaba iyo in Allaah yahay kan og waxa maqan ee ahaaday ama ahaan doon}, wuxuu kaloo yidhi tacaalaa: {أم يحسبون أنا لانسمع سرهم ونجواهم بلى ورسلنا لديهم يكتبون [الزخرف: 80]} {ma waxay u malaynayaan jaahilnimadooda iyo dulmigooda dartii in aanaan maqlayn Sirtooda aanay ku hadalin ee ku jira Qalbiyaalkooda iyo hadalkooda ay hoos ugu faqayaan bal waanu ognahay Sirtooda iyo faqoodaba Rasuuladayaduna (waa Malaa’ikta ee) waa qorayaan wax kasta oo ay samayaan waan la xifdinayaa ilaa loo soo celiyo Maalinta Qiyaamaha waxay arkayaan waxay samayeen oo hor yaala Rabigaana cidna ma dulmiyo } sidaas ayay sheegeen Ijmaac keliya in ka badani in muraadka laga leeyahay Aayataan la socodka ku saabsan inuu yahay ogaalkiisa tacaalaa shakina kuma jiro in taas muraadku yahay laakiin maqalkiisa hadana waa ogaalkiisa uu ku koobay iyaga iyo aragiisuba, hadaba isagu subxaanahu watacaalaa wuxuu daalacanayaa Khalqigiisa kamana maqnaanayso iyaga arimohooda shay. Hadalka Salafka ee arintanuna way ka badan tahay wax la tiriyo, ujeedaduna waa cadayn in Ictiqaadkanu waa hadalka ah in Allaah daatadiisu yacni Naftiisu joogo meel kasta iyo in macnaha hadalkiisu yahay: in daatadiisu la socdo, iyo inaanay banaanayn in la ishaaro isaga, uu yahay hadal aad u xun oo baadil ah sida ku cad daliilada Faraha badan ee runta ah ee aynu soo sheegnay qaarkood wuxuuna ku cad yahay baadilnimadiisu Ijmaaca Ahalka Cilmiga ee ay ka soo naqileen ama Iimaamadii aan soo sheegnay.Markaas taas waxa ku cadaanay in kuwa yidhaahda in Allaah subxaanahu uu ku dhex jiro Khalqigiisa isagu daatadiisu iyo cidii tidhaahda odhaahdoodaba ay gees mareen sida saxda ah oo ay fogeeyeen laxda oo ay ku yidhaahdeen Allaah wax khilaafsan Xaqqa iyo inay u awilteen Aayatka ku soo arooray la socashada Tawiil aan ahayn tay yidhaahdeen Ahalka cilmigu.
Waxaan Allaah ka magan gelaynaa ku hungoobista iyo inaan ku nidhaahno Allaah subxaanahu waxaanaan ogayn, waxaanuna waydiisanayna inuu nagu sugo Xaqqa iyo Hanuunka ilaa iyo wadada toosan isagaa u weli ah taas oo kari karaayee.
وصلى الله وسلم على نبينا محمد وآله وصحبه
Qore: Maessa Asalafi inshaa Allaah
©Xuquuqda oo dhan waxay u xafidantahay Bogan: http//:doorasho.bravehost.com walaalkayga Muslimka ahow dhamaan waxa laga helo Bogan waxaad u isticmaali kartaa si shakhsi ahaaneed iyo fidinta Dacwada
جميع الحقوق محفوطة لموقع الإختيار أخي المسلم بإمكانك الإستفادة من محتويات الموقع في الإستخدام الشخصى ونشر الدعوة
bravenet.com