|
|
|
|
Khasnad Caafimaad oo lagu
magcaabo Shaaha Cagaaran
Sideedaba sida aynu ka
daalacanay Reports badan oo Caafimaadka la xidhiidha beryahan dambe waxaa la
ogaaday in Shaahu guud ahaan leeyahay faa'iidooyin aad u fara badan oo daruuri u
ah Jidhka Bini Aadamka taas oo ka gedisan Reports kii hore oo lagu sheegi jiray
in Shaahu wax yeelo u leeyahay Jidhka Bani Aadamka
Saddex ama Afar Koob
oo Shaah ah Maalin walba ayaa waxa ku sugan faa'iidooyin fara badan
Waxay yidhaahdeen Khubaro
Britain ah oo baadhitaan ku samayay Caleenta Shaaha inaad cabto Saddex ama Afar
Koob oo Shaah ah Maalin walba ama ka badan waxay u keenaysaa Nafta isla
faa'iidada ay u keento inuu Qofku cabo Qadara badan oo Biya ah iyo weliba
faa'iidooyin kale sida inuu ka ilaaliyo Jidhka dhibta Wadna Istaaga (Heart
Attack)iyo qaar ka mid ah noocyada Kudka(Cancer),Baadhitaankan waxaa lagu
beeniyay Ictiqaad hore oo aad loo aaminsanaa oo ah in Shaahu uu keeno in uu hoos
u dhaco Dheecaanka (Liquid) ka Jidka ku jira
Waxayna u arkaan Culimadu in Maadad ku jirta Caleenta Shaaha ee Flavonids uu
yahay Masuulka aasaasiga ah ee faa'iidooyinka Caafimaad ee uu leeyahay,waxa
kaloo ku jira Caleenta Shaaha Madooyin kale uu Baadhitaanku cadayay in ay ka
qayb qaataan ka ilaalinta Cells ka Jidka inuu telfo,waxayna ka heleen Kooxdan
Baadhayaasha ahi daliila Cilmi ah oo cad in cabitaanka Saddex ama Afar Koob
oo Shaah ah Maalin walba ay tahay suura gal in ay yarayso Suura galka ah inuu
Qofku qaado Wadna xanuun keena Wadnaha oo istaaga
Waxay kaloo tilmaamtay Diraasadanu in cabtaanka Shaahu uu yarayo fursadaha ah in
Qofku qaado Xanuunka Kudka (Cancer)hase yeeshee arintan iyaduna
wanaagsan ee Shaahu leeyahay way ka yara daliil yartahay Cilmi ahaan arinta
hore ee Wadna Xanuunka
Dhakhtarad u Madax ahayd Kooxda baadhitaankan samaysay baa waxay tidhi
cabitaanka Shaahu waa ka mudan yahay cabitaanka Biyaha waayo Biyuhu waxay
kordhiyaan oo bedelaan Dheecaanka (Liquids)Jidka Shaahuna sidoo kale ayuu u
bedelaa Dheecaanka Jidka wuxuuna dheer yahay faa'iidooyinka aan soo xusnay
Waxayna diiday Dhakhtaradu
Fikradii hore aadka loogu haystay ee ahayd inuu Shaahu qalajiyo Jidka,waxayna
tidhi Dirasado lagu samayay Maadada Coffayin waxay muujisay in hadii la cabo
Qadar aad u badan oo iyada ah uu yaraynaayo Dheecaanka Jidka hase yeeshee waxay
u aragtaa in aan taas ku dabaqmayn cabitaanka Saddex ama Afar Koob oo Shaah ah.
waxana tilmaam mudan in Diraasado hore cadayeen in Shaahu Carqaladayo nuugista
Jidka ee Iron ka markaa taas waxa weeye macnaheedu in Dadka qaba Xanuunka Anemia
ha ay ka fogaadaan cabida Shaaha markay Cuntada cunaan dabadeed si
toos ah
Shaaha Cagaaran
Iyada oo Shaahu guud ahaan
uu leeyahay faa'iidooyinka aan soo xusnay ayaa hadana waxa lagu tilmaamay noocan
cagaaran Khasnad Caafimaad faa'iidooyinka balaadhan ee uu leeyahay awgeed.
Waxa lagu ogaaday Diraasado Cilmi baadhis cusub ah dhowaan in Shaaha
cagaarani leeyahay faa'iidooyin wayn oo ilaalinaya Caafimaadka waxaana ka mid ah
kuwan:
1-Shaaha cagaaran wuxuu saacidaa in ay yaraato heerka Protien ka Xaydha ah ee
loo yaqaano Cholestrol ka ee xun markaas wuxuu kaa ilaaliyaa inaad qaado
Xanuunada Wadnaha iyo Sanbabada
2-wuxuu aad hodon ugu yahay Maadadaha ka ilaaliya Jidhka Xanuunada guud ahaan
3-mida ugu xooga badan Maadadahaa oo loo yaqaano EGCG taas oo ka caawisa Jidhka
inuu iska ilaaliyo
wax yeelada kaga imanaysa Shucaaca Qoraxda iyo noocya kala gedisan oo ka
mid ah Kudka (Cancer)
4-wuxuu kale oo ka ilaaliyaa Jidhka hadii la mariyo Dubka Dildilaaca iyo inay
kala qaybsanto Cells ka aan caadiga ahayn kaas oo soo baxa sababta Kulka Qoraxda
ee dhibta leh
5-wuxuu midab u yeelaa Ilkaha hase yeeshee wuxuu ka ilaaliyaa Suuska waayo waxa
ku jira Maadada la yidhaahdo Floride wuxuuna ilaaliyaa Ciridka wuxuuna la
dagaalama Becteria da dhibta leh iyo weliba wuxuu la dagaalamaa urta neefsiga ee
la karahsado
6-wuxuu wanaajiyaa shaqada Kelyaha wuxuu ka ilaaliyaa Fashilka Kelyaha wuxuuna
nadaamiyaa Dhaqdhaqaaqa Caloosha
7-wuxuu ka ilaaliyaa Maskaxda shooga wuxuuna hagaajiyaa Xusuusta iyo u Fiirsiga
iyo Garashada
8-wuxuu la dagaalamaa inay Sonkortu kor u kacdo wuxuuna kaa caawiyaa dhimista
Miisaanka hadaad cabtid Cuntada dabadeeda
Wabillaahi atowfiiq
Waxaa soo ururiyay oo soo
guuriyay: Maessa Asalafi inshaa Allaah
©Xuquuqda oo dhan waxay u xafidantahay Bogan: http//:doorasho.bravehost.com walaalkayga Muslimka ahow dhamaan waxa laga helo Bogan waxaad u isticmaali kartaa si shakhsi ahaaneed iyo fidinta Dacwada
جميع الحقوق محفوطة لموقع الإختيار أخي المسلم بإمكانك الإستفادة من محتويات الموقع في الإستخدام الشخصى ونشر الدعوة
Web Master: maessa2@gmail.com
bravenet.com