untitled
viviti

khaladaadka dadku ku dhacaan ciida

waxa mahad dhamaanteed, iska leh allaah, allaha abuuray, sanado, maalmo, wiigag, saacado, iyo daqaa,iq mid kastana ku khaas yeelay cibaado, anuu kan kale la wadaagin, alahaasoo u abuuray arimahaa, baahida adoomiihiisa awgeed, kana leh arimahaas xikmad xeel dheer, waxaan ku saliyayaa, nabiga muxamed ah calayhi assalaatu wasalaam waxaan allaah u waydiinayaa, inuu ka raali noqdo asxaabtii nabiga muxamed ah calayhi assalaatu wasalaam

intaa kadib:

walaalayaal ciiduhu waa nicmo allaah uu siiyay dadka muslimiinta ah, waana nicmo waynn, taa soo uu garan karo kaliya qof allaah uu siiyay caafimaad qab xaga qaliga ah.

hadaba maaha malamaha ciidu maalmo wax kasta oo xaaraan ihi ay xalaal noqadaan, maaha maalmo qofka islaamka ahi uu xor noqdo, ilaa maalinta qofka islaamka ahi uu ka geeriyoonayo waa adoon ilaahay

walalayaal hadaba maadaama ay arini sidaa tahay

waxaan halkan kusoo gudbinayaa arimo khalad ay tahay in la sameeyo, oo dad badani maalmaha ciida ay ku daba gabadaan, oo intay sameeyaan, ay odhanayaan waa ciid

waxaan leeyahay waxa ka mid ah arimahaa:

1-in la cuno, ama la cabo wax xaaraan ah, oo caloosah laga buuxiyo sida jaadka, sigaarka, buuriga, khamriga, xanta, beenta.

 

2-xawrada oo la qaawiyo sida in gabadhu ay cawradeeda qaawiso, oo maalintaa ay xidhato maryo kuwa ugu quruxda badan ugu jilicda san, uma banaana inay ninkeeda u xidha to mooyee inay suuqa la marto, inay gabadhu maalmahaa ciida cadar is mariso, suuqana ula soo baxdo, inay ciyaalked qaawiso, gaar ahaan hablaha, ama iyaga oo tima qaawan suuqa u saarto dambigaa waalidkaa isla leh,

3-timaha oo madoobayso la mariyo, rag iyo dumar iyo ciyaalba, waa xaaraan, waana nacdalan yahay, qofka sidaa sameeyaa,

walaalayaal allaah aynu ka dhawrsano, aynu nafaheena xidhno,xaarana ka xidhno,maalmahan barakaysan, insha allaah tacaalaa,

asalaamu calaykum waraxmatullaagi wabarakaatuh

waxa qoray diyaariyayna:

sakariye cali diirye



©Xuquuqda oo dhan waxay u xafidantahay Bogan: http//:doorasho.bravehost.com walaalkayga Muslimka ahow dhamaan waxa laga helo Bogan waxaad u isticmaali kartaa si shakhsi ahaaneed iyo fidinta Dacwada

جميع الحقوق محفوطة لموقع الإختيار أخي المسلم بإمكانك الإستفادة من محتويات الموقع في الإستخدام الشخصى ونشر الدعوة

Web Master:maessa2@gmail.com


Web Hosting · Blog · Guestbooks · Message Forums · Mailing Lists
Easiest Website Builder ever! · Build your own toolbar · Free Talking Character · Email Marketing
powered by a free webtools company bravenet.com