|
|
|
|
Dareen celin: Maqaalkii maxaad
ka taqaanaa Sharaabka Coca Cola iyo Pepsi Cola!!! iyo Faa'iidooyin uu Yeeshay!!!
Mahad iyo amaan Allaah ayaa mudan oo iska leh, Rabiga
Caalamiinka, naxariis iyo nabad gelyona ha ahaato korkiisa Rasuulka Allaah iyo
Ahalkiisa iyo Asxaabtiisa iyo mid kasta oo maray Jidkiisii oo ku hadaysma
Hanuunkiisa ilaa iyo Maalinta Qiyaamaha
Intaas ka dib:
Waxa dhacday Maqaalkan aan kor ku xusay oo dhowaan aan ku soo qoray Mareegtan in
Rag Akhyaar ah oo dhowr ahi ay ii soo direen E-mail lo ay kaga soo horjeedaan
wixii aan ku qoray iyo in aan ahay Nin Carab u adeegaaya arintanuna aanay
khusayn Somaalida oo aanay ahayn dhib u taala bal America ay u wanaagsan tahay
Dadka soomaaliyeed!!! oo aad wax u tarto ugana fiican tahay kuwa Carbeed ee aan
anigu u adeegaayo!!! yaa subxaan Allaah, bal ay colaadiyaan Ummada
Somaaliyeed!!!iyo inuu Sharaabkani Faa'iidooyin badan leeyahay!!! inkasta
oo aan mid koodna ku xusin Faa'iidooyinkaa Qoraalkiisa! anigu se aanan diidanayn
inuu Faa'iidooyin leeyahay! runtii waana ku tilmaamay taas Maqaalkayga in
kasta oo aanan sii dhex gelin oo faahfaahin waayo Ujeedadayda Waqtigaas ma
ay ahayn inaan ka hadlo dhinaca waxtarkiisa bal waxan arinta ka eegaayay xaga
Diinta iyo Siyaasada oo aan xooga saaraayay iyo hadalo badan oo kuwaa la
mid ah bay xambaarsanaayeen E-mail ladaasu
Si kastaba ha ahaatee waxaan go'aansaday in aan arintaa
Maqaal ahaan kaga jawaabo oo aanan kaga jawaabin E-mail ahaan aan Qof walba
goonidiisa ugu diro, sababta oo ah xaga Waqtiga iyo in arintan oo kale ay hore
iila kulantay Wareera iga soo gaadhay, oo waxay ahayd in aan dhowaan Maqaal kaa
ka horeeyay oo aan ku soo qoray isla Mareegtan Cinwaankiisuna ahaa "ma
dhabaa inay Soomaalidu ka Caqli wanaagsan tahay Ummada badan?!!!" isna
ay iiga soo direen E-mail lo Rag Akhyaar ah oo Odayaal ahi ayna igu tuhmeen
inaan Ummada Somaliyeed Dhabar jebinaayo!!! arintanuna ay tahay arin jirta oo
ilaa muda dheer la ogaa Dad badan oo Aqoon yahano Soomaaliyeed iyo kuwa Ajenebi
ahibana ay sidaas yidhaahdeen, hase yeeshee Akhyaartaas ima ay siin ama iima
sheegin wax Daliil Cilmi ah oo aan ku qanco oo iga bedela Fikirkii aan qabay
haba yaraatee markii aan anigu isku deyay inaan ku qanciyo Fikirkayga iyo
Siyaasada looga gol leeyahay arintana waxaba dhacday in aan qaarkood is Af
dhaafno!
Waxaan ka xusuustaa oo aanan weli ilaabin Nin Oday ah oo aad u Xamaasadaysnaa
markii falanqayntu na dhex martayna oo uu i arkay inaan Ra'yigayga ku sii
adkaysanaayo ayuu intuu Hadalkaygii Qayb ka mid ah oo ahaa in arintan laynaku
kala fogaynaayo oo cuqdad iyo is cadawsi laynaku kala dhex dhigaayo Dadka
Muslimiinta ah ee Walaaleheen ah iyo Walaaleheena Africanka ah iyo Xataa
dhexdeena iyada oo ay Diraasad ku sheegaasi ku dartay Dadka laga Caqliga
wanaagsan yahay Dad Soomaali ah!!! waxaana ku jiray oo aan ku soo qaatay
Qoraalkayga Aayato Quraanka kariimka ah iyo Xadiithyo cadaynaya inaan Dadku
waxba is dheerayn,Hadalkaa intuu soo qaatay ayuu wuxuu yidhi:
"Dadku walaalo isuma aha ee waa
isu cadow. Waxaas waxaa ku qadhaabta kiniisadaha iyo hay'adaha samalfalka. Waad
aragtaa waxa dunida dadqalnimo ka socota. Afkana waxaa laga leeyahay "walaalo".
Midda kale, xitaa sarraynta sooomaalidu haddii ay tahay
wax la sameeyey waa dhaqan weligii dunida ka jiray oo ka mid ah dagaalka
nafsiga ah ee la isku hayo. U fiirso: dhawr sannnadood ka hor dalka Maraykanka
laba caalim oo yuhuud ah baa waxay shaaciyeen cilmibaadhis ay sameeyeen in
ay ku heleen afrikaanku in ay yihiin dadka bani aadamka ugu caqli xun. Labadaas
nin gaalo oo dhan iyo cid waliba waa ay u hambalyeysay. Carruurta afrikaankana
taasi waxay ku ridaysaa cuqdad iyo liidnimo. Sow ma aha?
Haddaba dagaal baa lagu jiraaye dadkaaga ha dhabarjebin ee dagaalka dhinac ka
gal. Waxba ku tari mayso in aad u hadasho sida aan daacadda ahayn ee ay
kiniisadaha iyo hay'adaha caalamiga lagu sheegaa dadka ku hoosaasiyaan."!!!!
Allaahu mustacaan, bal eega Walaalayaal hadalkaa Ninkaa
Odayga ahi ii soo qoray isagu waxa uu ka xun yahay oo diidan yahay xaqiraada
ay Yuhuudu Dadka madow ku samaysay laakiin hadii hada isagii Dadkii
madoobaa laga saaray oo la yidhi adigu waad ka Caqli wanaagsan tahay raali buu
sidaas ku yahay, wax dhib ahna uma arko inay ku sii jiraan Caruurta African ku
iyo Ummadaha kale ee lagu xusay Diraasad ku sheegaas in ay ku sii jiraan Cuqdada
iyo Liidnimo!!!oo uu weliba isagu noqdo kan
liidaaya oo xaqiraaya!!! bal waa yahay ee markaa
maxay ku kala duwan yihiin isaga iyo labadaa Nin ee uu inoo sheegay ee
Mujrimiinta ah! miyaanu Mujrim sidooda ah ahayn?!!!!
Tan kale anigu waxan ka hadlaayay Walaaltinimo Islaam waxana Daliilsanaayay
Aayato Quraan ah iyo Xadiithyo ee maxaa keenay meesha Sheekada Kiniisadaha
Gaalada iyo Haya'adaha Samadiidka ah ee Gaalada ah ee Gumaysta Maanta
Dhulkeenii miyaanu taas ku qarinayn in uu si toos ah u yidhaahdo Islaamnimo iyo
waxaas waxa ku qadhaabta Carabta!! ee waad aragtaa waxa Dunida ka socda
Dadqalnimo?!!! miyaanu ku qarinayn nacayb Lafaha kaga jira oo uu u qabo
Islaamka wacayaadu billaahi ee?!!! Ninkaa Hadalkaa sidaas baan ugu sheegay
Allaah casaa wajalaana waxaan uga baryay inuu soo hadeeyo mase odhan anigu Gaal
baad tahay mana odhan karo Manhajka aan ku socdaana sidaas maaha kamana aan
xigsan Diinta ee khaladkiisa baan u sheegay, dabadeedna wuu xanaaqay wuxuuna
iigu soo jawaabay Hadalkan: "Waxaa
caddaatay in aad ka mid tahay kooxda cusub ee qof walba marka ay fikrad isku
khilaafaan diinta ka saara ee ka xigsada! Bes bes, saaxiib!"
Jawaab ugama celin Hadalkaa dambe waayo waxan ku qancay
inaan marnaba is fahmayn Ninkaas Odayga ah, waana tan keentay inaan uga jawaabo
tan dambe si guud ahaaneed
Hadaba aniga oo ku dheeraaday Hordhacii Qoraalkayga aan u soo jeesto
Qoraalka waxana ka dhigi doonaa Inshaa Allaah laba Qaybood oo aan tan hore
kaga hadli doono bal Faa'iidooyinka uu Sharaabkaasu leeyahay!!!! in kasta
oo Qoraalkaygii hore aan ku yara tilmaamay bal hadana halkan baan ku
faahfaahin doonaa Inshaa Allaah,Akhyaartaas laftoodu way ka hadleen inuu
leeyahay Faa'iidooyin aanay ii soo cadayn waxan se filayaa arintoodu in
ay la xidhiidhay Arima Dhaqaale oo ay uun u daafacayeen inay ka helaan
Xoolo!!! waa sida aan Qoraaladooda ka dareemay ee, Tan dambena waxan ku soo
qaadanayaa bal inaan xooga ka tilmaamo Cilaaqaadka u dhexeeya Muslimiinta
maadaama aniga laygu tuhmay inaan dhinac u xaglinaayo
sidan baana ku bilaabayaa Qoraalkayga:
Faa'iidooyinka u leeyahay Sharaabka Coca
Cola iyo Pepsi Cola iwm!!!
1- Musqusha iyo Kusheenka oo lagu nadiifiyo, ku shub
Quraarad ama Qasacad Coca Cola ah ama Pepsi Cola ah hareeraha Marxaadka
lagu fadhiisto gudihiisa iyo halka lagu Fooldhaqado iyo halka Weelka lagu
maydho Muda Saacad ahna u daa dabadeedna Biyo raacsii waxaad arkaysaa inuu milay
oo dhaqaajiyay wixii ah Scale ka ama Uskaga Solid ka ah iyo
wixii Daxal ahaa ee ku dhegay ee aanay gown karayn detergents ka
caadiga ah ama wax yaabaha wax lagu nadiifiyo ee caadiga ahi, wuxuu kaloo
milaayaa oo dhaqaajinayaa oo furayaa haday awdnaayeen beebabka(Pipes) Bulaacada
geeya Biyaha la isticmaalay iyo tan Godkaba waxaas waxaa milaaya oo dhaqajinayaa
waa nisbada badan ee Maadada Citric Acid da ku jirta Cola ha, meeshii Scale
ka, Daxalka iyo madowgu ku dhegeen way dhalaalin Dhulkii awdnaan way
furi waxaas oo dhan waxa kuu qabanaaya Quraarad ama Qasacad Cola ah halkii aad
ka doonan lahayd Chemicals qaali ah Naftaadana khatar gelin kara sida Sulphuric
Acid, Hydrochloric Acid, Caustic Soda iwm
2- Gaadhiga meelihiisa Birta iyo Aluminium ka ku nadiifi Waraaqo Tin ka samaysan
oo aad dhex gelisay Cola oo qoyan way dhalaalinaysaa waxayna ka ilaalin Daxalka
iwm
3- Fiilooyinka(Cables) ka Baateriga Gaadhiga ayaad kaga suulinaysaa
Daxalka, ku shub Quraarad ama Qasacad Fiilooyinka ka Baateriga dabadeedna u
daa in Muda ah ilaa ay misho Daxalka dabadeedna ka masax
4- Boolasha Daxalaystay ee furmi waaya oo lagu debciyo, ku duub kharqad aad ku
qowsay Cola oo u daa in muda ah ilaa ay misho Daxalka dabadeedna si yara baad u
furi doontaa,waxan oo dhan Qasacad ama laba Cola baa kuu qaban halkii aad
ka soo iibsan lahayd wax yaabaha Daxalka Gooya( Rust Proof) ee qaaliga ah
5- Xaydha iyo Dufanka iwm ee Dharka ama Gogosha ku yaala buu suuliyaa, markaad
maydhayso Dharka noocaas ah isugu dar Cola iyo Saabuun oo ku maydh waxay kaa
gargaaraysa Cola in ay suuliso Baraha Dufanka ama Xaydha ah ee ku yaala
Dharka ee aanay gown karayn Saabuuntu kelideed.
Cola waxaad kaloo ku nadiifin kartaa oo uu dhalaalinayaa Muraayadah
Gaadhiga iyo Daaqadaha Guriga
Waxaynu cabaynaa inagu Maadada waxaas oo dhan samaynaysa!!!!!
dabcan si ay u nadiifiso Nadaamyada Jidhkeena!!!!! waayo waa inaynu Waxtar iyo
Faa'iido ka helaa waxaan Qiimihiisa bixinayno. miyaanay sidaas ahayn?!!!!!
Waxaa Garasho mudan inaad ogaato in Qiyaasta Acid Hydrogenic ga ah ee ku jirta
Sharaabka Gaasta ah sida Coca Cola iyo Pepsi Cola ay tahay 3 ilaa 4 macnuhu waxa
weeye waa Acidic aad ah, Derejadan Acidic ah waa mid xoog leh taas oo suura
gelin karta inay misho Ilkaha iyo Lafaha! Jidka Dadkuna wuxuu joojiyaa inuu dib
u dhiso Lafaha marka Da'da Qofku gaadho 30 Sano, Da'daa ka dib iyo qadaryaalkan
Acid da ah ee aan ku qaadanayno Cuntadeena iyo Cabitaankeena waxay keenaysaa in
Lafaheenu milmaan si talaaba talaaba ah oo ay ka baxaan Jidhka iyagoo soo
raacaya Kaadida iyada oo aanu Jidhku helayn wax u bedela wixii ka milmay,
dhamaan wixii Calcium ahaa ee milmay waxay ku biirayaan Xidida Dhiiga qaada iyo
Cells ka iyo Xubnaha Jidhka taas oo saamayn wayn ku yeelanaysaa Shaqada Kelyaha
waxayna keenaysaa in ay noqdaan Dhagxan Kelyaha fadhiista
Sharaabka Gaasta ahi kugu soo kordhin maayo oo malaha wax Faa'iida ah oo quudin
ah xaga Vitamines ka iyo Minerals ka.waxa iyana ku jira nisbad aad u saraysa oo
Sonkor, Maadooyin Acidic ah iyo wax badan oo ah Maadooyin Sanaaci ah oo lagu
daray sida Maadooyinka ilaaliya iyo kuwa Midabka
Dadka qaarkii waxay cabaan Biyaha Gaasta ah oo qabow ka dib mar kasta oo ay
wax cunaan, bal ma malayn kartaa waxay taasu keenayso?!!!!! waxa weeye Derejada
kulka ah ee ku haboon oo u suura gelinaysa in uu ku kaco Jidhkeenu
Shaqooyinkiisa daruuriga ah sida raqdista Cuntada waa 37 derejo oo
Centigrade ah, Derejada Kulka Biyaha Gaasta ahina waa wax aad in badan uga
yar Derejadaas mararka qaar waxay noqotaa wax ku dhow 0 derejo waxay
markaas qaboojinaysaa Xubnaha Cuntada raqda, qabowgan xoog lihi wuxuu yaraynayaa
awooda Khamiiradaha wax raqdaaya wuxuuna daalinayaa Mashiinka Raqda
Cuntada dabadeedna wuxuu keenayaa in aanu si fiican u raqdin Cuntada, taas oo
iyana keenaysa in Cuntadu ku khamiirto Caloosha. Cuntadii ku khamiirtay
Calooshana waxaa ka dhalanaaya Ur xun oo la necbaysto iyo Gaas iyo Qudhun iyo
Sumaha Cuntada. Sumahaas waxaa nuugaaya Xiidmaha, waxayna raacayaan Dhiiga oo
ku fidinaaya dhamaan Qaybaha Jidhka.hadaba fidista sumahaas waxay keenaysaa
oo ka dhalanaaya Buurida Xun iyo Xanuuna kale
Qaar Tusaalayaal ah
1- Mudo hore oo aan fogayn waxaa lagu qabtay Dalka
India Tartan ka dhacay Jaamacada Delhe oo ah Cida cabi karta
Kimiyada ugu badan ee Cola ah, Ninkii ku guulaystay Tartankaas wuxuu cabay 8
Qasacadood oo Cola ah, laakiin isla goobtii buu ku dhintay, taasna waxaa sabab u
ah in ay isku biirsatay Kimiyada wayn oo Carbondioxide ahi Dhiigiisa iyo
dhinaansho wayn oo ah Oxygen ta. Dhacdadaa ka dib wuxuu ku kacay Madaxii
Jaamacadu in uu ka mamnooco Sharaabka Gaasta ah Canteen kii Jaamacada
2- Qof ayaa wuxuu ku riday Ilig ka dhacay Quraarad Pepsi ah, maxaa dhacay
markaas bal malay?!!! wuxuu ku milmay Iligii oo ku baaba'ay Sharaabkii Mudo 10
Casho gudohood ah!!!! iyada oo ay yihiin Ilkaha iyo Lafuhu Xubnaha keli ah ee
soo hadha marka uu dhamaado Jidhka intiisa kale Sanada badan ka dib marka u
dhinto Qofku
Bal malay!!!!!!!! waxa ay ku samaynayso Sharaabkan Gaasta ahi Xiidmahiina
jiljilicsan iyo Caloosheena hoosteeda! waxan filayaa in intaas iyo wixii ka
horeeyayba ugu filan yihiin Waano iyo Wacyi gelin Cidii Allaah tacaalaa Hanuun
la doono
Cilaaqaadka ka dhexeeya Muslimiinta
Waxaa ah wax laga xumaado oo ah Tiiraan, Ciil, Cadho iyo
Dulinimoba Xaalada ay Maanta ku sugan tahay Ummada "Laa Ilaaha ilaa
Allaah", Ummada Maxamed sala Allahu calayhi wasalam, Ummada Islaamka.
Xaaladaas oo ah mid aan raali gelinayn Rabiga Caalamiinka oo aan raali gelinayn
iyaga laftooda oo aan hadana raali gelinayn Cadawgooda bal aan raali gelinayn
Shaydaanka iska daa Cid kale oo, taasna wax kale ma keenin ee waxa keenay ka
jeedshada aynu ka jeedsanay Diinteena, Allaahna casaa wajalaa waa inoogu
balan qaaday hadaynu ka tagno Diinteena in uu inagu salidaayo Dulinimo aanu
inaga kor qaadayn ilaa aan ku noqono Diinteena Xadiithka arintan ka hadlaayay
waxaynu ku soo aragnay Qoraal hore oo Turjumaad ahaa oo Cinwaankiisu
ahaa"Su'aal wayn oo aad u
muhiim ah"
Lagana helaayo ilaa hada Mareegaha inshaa Allaah xaga hoose baan
idiinku soo qorayaa meesha laga helaayo waayo ma aan rabo in aan hada Qoraalkan
ku soo qaato maadaam aynu dhowaan ka dhegaysanay Caalim jaliil ah welina la
helaayo, ee waxan jecelahay in aan Munaasibadan ku soo qaato anoo aan sii
dheerayn Qoraalkan hadal uu yidhi Saxaabi jaliil ahi waa Cumar Alfaaruuq
Amiirkii Muslimiinta Cumar Binu ALKhadaab radiya Allaahu canhu waana:
( نحن قوم أعزنا الله
بالإسلام ، فإذا ابتغينا العزة بغيره ، أذلنا
الله) (Anagu waxaanu nahay Qoom Allaah tacaalaa ku
quweeyay oo ku karaamayay kuna sharfay Islaamka, markaa hadii aanu ka
doono Quwada iyo Karaamada iyo Sharafta Qayrkiis Allaah casaa wajalaa
wuu na Dulaynayaa)
Markaad Diintaada ka tago Dulinimada Allaah kugu salidayaa
waxay kaaga imanaysaa dhinacya badan ee maaha in ay Cadawgaaga oo keli ah
kaaga imanayso, tusaale waxay kaaga imanaysaa gudahaaga oo idinkii baa is
colaysanaya oo Cadaw isu noqonaaya Cadawgaagiina wuxuu idiin noqonayaa
dhexdhexaadiye idiin kala dab qaada oo aad u kala dheeraysaan raali gelintiisa,
waana taas ta ay ka cabanayaan Akhyaartan aan hada Hadalkooda hayno, markaa
waxaan jecelahay in aan dareensiiyo Odayaasha ma ah adiga oo keli ah kan
cabanayaa ee Muslimiin oo dhame sidaas bay u kala cabanayaan, kuwaas aad ka
cabanaysid iyaguna dhexdooda way kala cabanayaan adigana way kaa cabanayaan
Bal taas soo ba dhaaf oo miyaynaan inaku hadaynu Somali nahay aynaan ahayn
tusaalaha ugu haboon arintani inaga oo isku Isir,Af, Dhaqan,Diin,Madhab iyo isku
midaba ah oo hadana isku dhex daadsan oo is wada dhalay bal ma ii sheegi kartaan
waxa isku keen diray oo aynu isu xalaalaysanay Dhiigeena iyo Cirdigeenii iyo
Xooleheeniiba oo isu cadaawadaysanay oo dabadeedna ina gaadhsiiyay Dulinimo
heerkii ugu sareeyay oo aanay jirin Caalamka Cid heerkaa Dulinimo ka
gaadhay?!!!! shaki kuma jiro inay tahay sababtu Diinteenii oo aan ka tagnay
Aduunkana aan si iimaan la'aan ah u daba cararay sidii kuwo weligood ku
noolaanaaya!!! wanaag iyo inaan dhibtaa ka baxnaana waa mid aan dhacayn ilaa
aynu ku noqono Diinteena
Hadaba Walaalayaal arintu ma ah waxa inaga inagu kooban ee waa mid la wada
qabaa dhamaan Wadamad Islaamka oo dhan sidaas baa loo kala wada cabanayaa
sababtuna waa taas aan soo sheegnay, laakiin waxad helaysaa Wadan kasta oo aad
tagtid in inta yar ee Allaah tacaalaa Hanuunka ku Manaystay inay ka duwan yihiin
Dadka intiisa kale agtoodna aad ka dareemayso Walaaltinimo xaqiiqo ah
Markaa waxa inala gudboon sidii aan arintan ku
bedeli lahayn waana inaga oo ku noqono Diinteena oo u fahamna sida saxa ah ee
ay ku soo degtay, laakiin hadaynu is nidhaahno ku noqda Diintiinii laakiin
se aan u maro Dariiq aan sax ahayn iyo Manhaj aan ahayn kii Nebi Maxamed sala
Allaahu calayhi wasalam ogow oo waxba ma aynu soo kordhin dhib ma aynu kaga
baxayno. ugu dambayntii waxaan idin leeyahay Muslim oo dhami waa wada Walaalo
Wadan kasta oo Muslim ahina waa Wadankaagii Ayaheenuna waa mid si kasta Maanta
arimuhu ha u muuqdeen ee.
Allaah tacaalaa waxaan u waydiinayaa aniga iyo idinkaba in uu na cafiyo inana
siiyo Caafimaad labada Daaroodba ah
Wabillaahi atowfiiq
Qore: Maessa Asalafi Inshaa Allaah
©Xuquuqda oo dhan waxay u xafidantahay Bogan: http//:doorasho.bravehost.com walaalkayga Muslimka ahow dhamaan waxa laga helo Bogan waxaad u isticmaali kartaa si shakhsi ahaaneed iyo fidinta Dacwada
جميع الحقوق محفوطة لموقع الإختيار أخي المسلم بإمكانك الإستفادة من محتويات الموقع في الإستخدام الشخصى ونشر الدعوة
Web Master: maessa2@gmail.com
bravenet.com