untitled
viviti

calaamadaha jacaylka nabiga calayhi asallaatu wasalaam

 

waxa mahad dhamaanteed iska leh allaha aburay samaawaadka iyo dhulalka,waxaan mahadinayaa mahad naq aanan koobi karayn ilaa aan mahadnaqaa laftiisa ka kasii mahad naqo waafajinta allaah uu i waafajiyay inaan u mahadnaqo awgeed,waxan ku saliyayaa nabiga muxamed ah calayhi assalaatu wasalaam

inta kadib:

walaalayaal waxaan halkan kusoo gudbinayaa, kalimad aad u muhhim ah, waa calaamadaha lagu garan karo qofka nabiga jecel calayhi assalaatu wasalaam

waxaan kula talin lahaa qofkasta oo rumaysan nabiga muxamed ah nabiimadiisa calayhi assalaatu wasalaam inuu eego, oo uu u fiirsado, maqaalkan ama kalimadan, isaga oo kadib naftiisa ka eegaya inuu ku sifaysan yahay iyo inay ka maqantahay calaamadahani, kuna dadaalo hadii ay wax ka kala dhiman yihiin inuu damaystirmo

waxan ku bilabayaa nabiga calayhi assalaatu wasalaam jacaylkiisu waa waajib qofkasta oo iimaan leh, allaahna waxa uu sheegaa taa in badan, oo aaydaha waxa allaah ku sheegay qof kasta oo nabiga calayhi assalaatu wasalaam jeclaan waaya inuu ciqabayo aduun iyo aakhiraba

waxa kamid ah calamadah qofka nabiga calayhi assalaatu wasalaam jecel lgu garto.

1-inuu qofku rasuulka ku daydo, sunihiisa ku dhago, raco hadalad nabiga, calayhi assalaatu wasalaam ficiladiisa inuu adeeco ama yeelo wax kasta oo nabigu calayhi assalaatu wasalaam uu faro ama ka reebo, inuu adab ka dhigto adabtii nabiga calayhi assalaatu wasalaam

2-inuu badiyo xuska ama soo hadal qaadka nabiga, calayhi assalaatu wasalaam oo markasta uu qofka islamka ahi isku dayo inuu nabiga soo hadal qaado, macna uu nabiga wayneeyo sidaa awgeedka xuskaa badanaya, waxanuu qofkaasi badinayaa intaa kadib inuu nabiga ku saliyo calayhi assalaatu wasalaam

3- waxa kamid ah calaamadahaa inuu qofku ku dadaalo inuu diinta nabiga

calayhi assalaatu wasalaam ilaahay usoo dhiibay uu u xukun doonto, oo waxkasta oo yar ama badan uu ka xukun dhigto nabiga calayhi assalaatu wasalaam macnaa diinta allaah ayuu isku xukumayaa, oo mar kaliya ka bixi maayo xukunkeeda, doonanna mayo xukun kale

4- waxa kamid ah inuu jeclaado cid kasta oo uu nabigu jeclaa, ha haato asxaabtii nabiga, ama ahlu baytkii nabigee

calayhi assalaatu wasalaam inuu naco cidii nabigu necbaa calayhi assalaatu wasalaam sidaasa wxuu ku xaqiijinayaa calaamadaa

5- waxa kamid ah inaad difaaco sunihii nabiga calayhi assalaatu wasalaam taasna waxa uu ku helayaa calamadaa, waayo qofka cid difaacya sarafteeda, ama dhaqankeeda waa cid jecel jacayl dhab ah waana cadahay taasi

6- waxa kamid ah inuu ka adabsado, marka nabiga lasoo qaado

calayhi assalaatu wasalaam oo aanuu aamusin marka lasheego nabiga

calayhi assalaatu wasalaam waa inuu ku saliyaa oo aanuu magaca nabiga kaliya sheegin haduu sheegayana waa inuuna odhan muxamed tusaale ahaan waa inuu yidhaadaa muxamed calayhi assalaatu wasalaam ama nabiga muxamed

calayhi assalaatu wasalaam waa inuu ka edebsadaa magaca nabiga

7- waa inoo dadka ugu yeedhaa diintii nabigaasi ilaahay agtiisa kala yimid, oo uu gaadhsiiyaa dadka inta uu ka garanayo isaga oo ku dayanaya nabiga calayhi assalaatu wasalaam waayo nabigu wuxuu ina soo gaadhsiiyay diinta isaga oo cilmi u leh.

inta waxaan kusoo gabinaya, calamadhaa oo intan ka badan, lakaiin aan kusoo koobay intan ugu muhhimsan, insha allaah waxa looga baahan yahay qofkastaa inuu maqaalkan faafiyo si loo ogaado nabiga calayhi assalaatu wasalaam jacaylkiisa calamadaha qofka sheeganaya ka daahira, si uu khayrku u bato cilmina loogu yeesho arintan

 

waxa qoray: sakariye cali diiriye

ama sida dad badani u yaqaanaan

sheikh sakariye


©Xuquuqda oo dhan waxay u xafidantahay Bogan: http//:doorasho.bravehost.com walaalkayga Muslimka ahow dhamaan waxa laga helo Bogan waxaad u isticmaali kartaa si shakhsi ahaaneed iyo fidinta Dacwada

جميع الحقوق محفوطة لموقع الإختيار أخي المسلم بإمكانك الإستفادة من محتويات الموقع في الإستخدام الشخصى ونشر الدع

 

Web Master: maessa2@gmail.com

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 


Web Hosting · Blog · Guestbooks · Message Forums · Mailing Lists
Easiest Website Builder ever! · Build your own toolbar · Free Talking Character · Email Marketing
powered by a free webtools company bravenet.com