untitled
viviti

ÈÓã Çááå ÇáÑÍãä ÇáÑÍíã

Zakada iyo xukumkeeda iyo Axkaamteeda kaleba



 
         ÒßÑíÇ Úáí ÏíÑíÉ ÇáÓáÝí ÃÈæ íÍíì ÇáÃËÑí ÍÝÙå Çááå æËÈÊå Úáì ÇáÍÞ

 

 

 

 

 

Hordhac

Waxaan hadii Allaha awooda sare lihi ogolaado halkaan kudiyaari nayaa Maqaal kusaabsan zakada, taasoo an ugu talagalay cidii doonaysa inay afkooda Hooyo ugaciil baxaan mawduucan maadaam oo ay jiraan dadbadan oo luqada Carabiga an fahmikarin hadana ubaahan inay gutaan waajibaadka Alle saaray dushooda, saas awgeed waxaan Alle karajeynayaa inuu noqdo maqaalkani mid Faa'iido badan utara walaalaha muslimiintaa ee doonaya inay kafaa'iidaystaan.

Qeexidda Zakada

Zakada qeexideedu waa waxa uu bixiyo qofku ee kamida xaqa Alle, Lanasiiyo dadka saboolkaa, waana tiir kamida tiirarka Islaamka ee shanta ah, Waxana lagu xariiriyey sheegitaankeeda salaadda 82 aayadood, sideetan iyo labada meelood markastoo lasheego salaadda waxaa laraaciyaa zakada, Wuxuu Alle kufarad yeelay kitaabkiisa iyo sunada rasuulka nabadgelyo iyo naxariisi korkiisa hanoqotee, Ummadiisuna waa isku waafaqday.

Ibnu cabaas waxa lagaweriyey asaga iyo aabihiisba Allaha karaali noqdee Inuu nabigu nabadgelyo iyo naxariisi korkiisa hanoqotee markuu mucaad ibnu jebel udiray yaman wuxuu kuyiri (waxaad utegeysaa qolo ahlu kitaab ah ee waxaad uguyeertaa shahaadada inaanu Alle maahee ilaah kale jirin iyo inaan ahay rasuulkii Alle, haday kaayeelaan arinkaas ogeysii in Allaha cisada lihi kufarad yeelay dushooda shan salaadood maalin iyo habeen kasta, Hadey kaayeelaan arinkaas ogeysii in Alle kor ahaaye kufarad yeelay korkooda sadaqo maalkooda dhexdiisaa lagana qaadayo kuwooda maal qabeenkaa laguna celinayo kuwooda saboolkaa, haday kaayeelaan arinkaas waxaan ukala digayaa adiga iyo maalkooda midka karaamada badan, kanabaq kanladulmiyey ducadiisa wax xijaaba oo udhexeeyaa majiraan Alle iyo ducadiisa)

Nusuusta Zakada

 Zakada nusuusta boorinaysa in labixiyo,waxaa kamida ,


1-Suuratul towbah ----Aayadda----103—104
2-Suuratul daariyaat---Aayadda------015-019
3-Suuratul xaj --------Aayadda-------041
4-Suuratul towbah -----Aayadda------081
5-Suuratul baqarah-----Aayadda------276

Nusuusta cabsi gelinaysa zakada oo ladiido waxaa kamida,


1-Suuratul towbah------Aayadda -----034
2-Suuratul Alcimraan----Aayadda------180

xaga axaadiista waxaa kamida xadiiskii dheeraa waana sidan,

Abuu hureera wuxuu werinayaa xadiis kusugan Axmed, Bukhaari iyo Muslim inuu rasuulku nababad gelyo iyo naxariisi korkiisa hanoqotee yiri, (majiro nin haysta kayd  oo ankagudin zakada illaa haduujiro waxa lagusoo kululaynayaa  naarta jahannama dhexdeeda waxaana lagayeelaa gaballo markaasaa lagu gubaa gabaladii dhinacyadiisa iyo wajigiisa ilaa Alle kala xukumayo adoomihiisa dhexdooda maalin qiyaaskeedu yahay konton kun oo sano markaasaa latusiyaa jidkiisa inuu xaga jannada yahay ama inuu xaga naarta yahay, majiro qof geel haysta oo anka gudin zakada illaa haduu jiro waxaa loofidiyaa  banaan siman asagoo geelii markuu ugubuurnaa lamida ayuu kusoconayaa dushiisa markastoo ay dushiisa dhaafto tan ugudanbaysa waxaa lasoo celinayaa tii uguhoraysay ilaa Alle kala xukumo adoomihiisa dhexdooda maalin qiyaaskeedu yahay konton kun oo sano markaasaa latusiyaa jidkiisa inuu xaga jannada yahay ama inuu xaga naarta yahay, majiro qof ari haysta oo ankagudin zakada illaa haduujiro waxaa loofidiyaa banaan siman arigii oo markuu ugubuurnaa lamida waxay kulasoconaysaa cidiya heeda waxayna kudooxaysaa geesa heeda kumana jiraan mid geeslaaban iyo mid an geeso lahayn markastoo ay dushiisa dhaafto tan ugudanbaysa waxaa lasoo celinayaa tii ugu horaysay ilaa Alle kala xukumo adoomihiisa dhexdooda maalin qiyaaskeedu yahay konton kun oo sano lamida kuwaad tirsanaysaan markaasaa latusiyaa jidkiisa inuu xaga jannada yahay ama inuu xaga naarta yahay)-ilaa aakhiral xadiis.

{Zakada oo ladiido xukumkeeda }

Haduu diido qofku zakada waajib nimadee-da wuuka baxayaa islaamka, Waxana loodilayaa gaalnimo haduusan ahayn nin dhowaan soo islaamay oo markaas waxa loogu cudur daarayaa jaahil nimadiisa, laakiin haduu diido qofku zakada isagoo aaminsan waajib inay tahay zakadu, kaasi wuu denbaabayaa diidmadiisa darteed laakin kama baxayo islaamka, Waxana xaakimka ama qaadiga dushiisa ah inuu xoog kagaqaado zakada tacsiirna(ganaax) kusameeyo, kamana qaadayo wax kabadan zakada, Laakiin Axmad iyo Shaafici qowlka hore waxay qabaan in lagaqaado zakada iyo maalkiisa barkiis taasoo ciqaab looga dhigayo.

Hadii qabiilo ama qolo awood leh ay diidaan zakada bixinteeda ayagoo rumaysan inay tahay waajib waalala dagaalamayaa ilaa ay dhiibaan zakada, Daliilkuna waa xadiiska kusugan Bukhaari iyo Muslim, Cabdullaahi ibnu Cumar isaga iyo aabiniis Allaha karaali noqdee wuxuu werinayaa inuu nabigu nabad gelyo iyo naxariisi korkiisa hanoqotee yiri:

(waxalay amray inaan dadka ladagaalamo ilaa ay qiraan Alle maahee inaanu jirin Ilaah kale, Muxamad na inuu yahay rasuulkii Alle, salaadana ay oogaan (1), zakadana ay bixiyaan, hadey sidaas yeelaan waxay iga nabad geliyeen dhiigooda iyo maalkooda xaqa islaamka mooyee (2), xisaab tooduna waxay utaal Allaah.)

{Yaa zakadu kuwaajibtey }

Waxay kuwaajibtay muslim (gaal maya) xor ah (adoon maya) oo haysta maal zaka gaarey (nisaab) noockasta hanoqdo ee noocyada maalka oo zakadu kuwaajibto.

Shuruuda nisaabka(ama zaka goyska)

1- Waa inuu ahaadaa zakadu wax kasaa ida qofka xaajadiisa, taasoo anu kamaarmi karin qofku, sida contadiisa, dharkiisa, gurigiisa, gaarigiisa ama gaadiidka uu raacayo markuu meelrabo inuu aado, iyo qalabka shaqada,

2- Waa inuu kasoo wareego sanad (12 bilood) lagasoo bilaabo maalintuu gacanta kudhiay maalkaas gaaraya nisaabka, waana lagama maarmaan sanadkoodhan inuu maalku kaamil yahay ee waxnusqaana aney kudhicin, haduuse nusqaamo sanadka dhexdiisa hadana kaamil noqdo marlabaad waxaloo fiirinayaa markuu kaamil noqday oo markaas ayaa lagasoo bilaabayaa tira sanadeedka.

Imaamu Nawawi wuxu yiri mad habkayaga, mad habka Maaliki, mad habka Axmad, iyo jamhuurta culimada waxay qabaan in looshardiyo maalka zakadu kawaajibto cayntiisa sida dahabka, fiddada,iyo xoolaha soofa, inuu joogto yahay nisaabku sanadka dhamaantiis, hadiise nisaabkii nusqaani kudhacdo daqiiqad sanadka kamida,markaas waxa go’ aya tirsigii sanadka ee lootirinaayey maalka, haduu markaas kabacdi kaamil noqdo maalkii markaas ayaa tirsi horle loobilaabayaa.

Abuu xaniifa wuxu yiri: waxa kaliya oo lafiirinayaa sanadka awalkiisa iyo aakhirkiisa oo hadii nisaabkii kaamil yahay markuu sanadku dhamaado wax dhiba malaha nusqaanta kudhacday sanadka dhexdiisa, wuxu yiri xataa haduu qofku haystay laba boqol oo dirham markaasna ayka baaba aan haldirham mooyee intiikale, ama afartan ariya ayuu lahaa markaasaa waxa ugasoo haray halneef oo kaliya sanadka dhexdiisii,markaasuu dhamaadkii sanadka wuxu helay afartankii iyo wax kasiibadan waxa lagarabaa zakada maalkaas oodhan.

Maalka zakada lagadhiibaa waa laba qaybood

1- Mid waanooc naf ahaantiisa u kordha sida xabuubka (bariiska iyo masangada iyo wixii lamid ah) simaarta (miraha sida timirta cinabka iyo wixii lamid ah), noocaas waxay zakadu kuwaajibtaa markii lagoosto ee gacanta lagudhigo wixii beeraha kasoo go ay,

2- Qaybta labaad waa wixii qaabganacsi loodiyaariyo inay kordhaan sida Dirhamka, Diinaarka, Hantida ganacsiga(curuudul tijaarah) iyo xoolaha soodaaqa cawska banaanka, kuwaasna waxa loofiiirinayaa sanad inuu kasoo wareego, markaas ayaa lagadhiibayaa zakada, saasna waxa yiri fuqahada dhamaantood, waxaad kaheli kadhaa Majmuuca uu leeyahay imaamul Nawawi.

Zakada maalka ilmaha yar

Qofka yar iyo kanwaalan zakadoodu waxay kuwaajibaysaa inuu kabixiyo maalkooda haduu gaaro nisaab qofka weligooda ama masuuliyadooda haya.

Qofka deynka qaba

Qofkii haysta maal zako kawaajibtey islamarkaana deyn qaba wuxu kabixinayaa deynta, intasoo hadhay ayuu kazakeynayaa haduu gaaro nisaab hadiise nisaabkii nusqaamo wax zakaa dushiisa lagumalaha sababtoo ah xaaladaas lajoogo waa sabool (faqiir)

Qofkii dhintay asagoo laguleeyahay zako

Qofka dhintay isagoo dushiisa laguleeyahay zako waxay ku waajibaysaa maalkiisa, waxana lahor marinayaa zakada intaan lasiin dadka deyntakuleh, iyo dadka meydku udardaarmay inmaalka waxlagasiiyo,iyo kuwadhaxalka leh kuwaasoo dhami waxay sugayaan markii zakada lagadhiibo maalka lagadhintay, waxanaloo daliishanayaa xadiiska lagaweriyey ibnu cabaas asaga iyo aabihiisba Allaha karaali noqdee wuxu yiri nin ayaa uyimid rasuulka nabad gelyo iyo naxariisi korkiisa hanoqotee, markaasuu ninkii yiri hooyaday ayaa dhimatay ayadoo laguleeyahay bilsoonkeed ee makagudaa (makasoomaa) Markaasuu yiri rasuulku nabadgelyo iyo naxariisi korkiisa hanoqotee (hadii hooyadaa deyn qabto miyaadan kagudeen?) markaasuu ninkii yiri haa waanka bixinlahaa, markaasuu yiri (deynta Alle ayaa xaqmudan inlagudo) waxa weriyey Bukhaari iyo Muslim.

Shardiga niyada zakada marka labixinayo

Zakadu waa cibaado waxaana loo shardiyaa ansixideeda niyo, niyadaasina waa in qofka zakada bixinayaa u qasdo wajiga Alle, wuxuuna kuraadinayaa zakadaas abaal marinta Alle, wuxuuna kago aaminayaa qalbigiisa inay tahay zakadaasi waajib dushiisa ah, Kitaabka Alle sidakucad suuratul bayinah aayadda –5aad, waxaana kucad in Alle keligiis diinta lookhaalis yeelo (loobarax tiro) oo ancidna waxba lala wadaajin, Waxa kaloo daliil u ah xadiiska kusugan saxiixul bukhaari, rasuulka nabad gelyo iyo naxariisi korkiisa hanoqotee waxa laga weriyey inuu yiri: (Acmaashu waa niyada qofkastaana wuxuu leeyahay wuxuu niyoodo)

Zakada gudashadeedu waa waqtiga ay waajibto,

Waxa waajiba zakada inloo bixiyo sidegdega markay waajibto, waxana xaaraam ah in lagadib dhigo bixinteeda markay waajibto, inay bixinteedu suuroobi weydo maahee oo markaas waxa banaan dibudhigid ilaa ay suurowdo bixinteedu, taasna waxaa daliil u ah xadiiska kusugan Bukhaari iyo Axmad, Cuqbata ibnu xaaris wuxuu yiri:

waxaan latukadey salaad casar Rasuulka nabadgelyo iyo naxariisi korkiisa hanoqotee, markuu salaama naqsaday ayuu ukacay si degdega wuxuuna ugalay qaarkamida xaasaskiisa hadana waasoo baxay markaasuu wuxuu arkay waxa kamuuqda wajiyada saxaabada ee ayla yaabsan yihiin degdegiisa, markaasuu Rasuulku nabad gelyo iyo naxariisi korkiisa hanoqotee wuxu yiri: (waxan xasuustay anoo salaadda kujira tibran (1) ee nooyaal oo waxaan nacay inuuku galabaysto ama kubaryo agtayada markaasaan waxan amray in laqaybiyo)

{Qofka zakada bixinaya oo looduceeyo }

Waxaa sunna ah qofka zakada bixinaya inloo duceeyo marka zakada laga qaadanayo sida kucad kitaabka Alle suuratu towba aayada-103-iyo xadiiska uu werinayo Cabdullaahi ibnu abii owfaa wuxu yiri: markii Rasuulka nabad gelyo iyo naxariisi korkiisa hanoqotee lookeeno zako wuxuu ahaa mid yiraahda ama dhaha (Allow kusalli dushooda )

Cabdullaahi wuxuu kaloo yiri aabahay ayaa ukeenay sadaqo(macnaa zako) Rasuulka nabadgelyo iyo naxariisi korkiisa hanoqotee, markaasuu yiri: (Allow ahalka abii owfaa dushooda kusalli)waxa weriyey Axmad iyo qayrki. Xadiis kale oo uu weriyey waail ibnu xijrin wuxuu kaweriyey Rasuulka nabad gelyo iyo naxariisi korkiisa hanoqotee,nin usoodiray hal geela oo fiican inuu kuyiri: (Allow barakay isaga iyo geeliisaba) Imaamu Shaafici wuxu yiri Waasunno qofka imaamka ah markii lookeeno zako inuu uduceeyo qofka zakada bixinaya kuna yiraahdo- Allaha kaa ajarsiiyo waxaad bixisay, Hanakuu barakeeyo waxaad lahadhay.

Xoolaha zakadu kawaajibayso

islaamku wuxuu kuwaajib yeelay zako
1-Dahabka
2-Fiddada
3-Xabuubka (sida bariiska sareenka galeyda masangada iyo wixii lamida)
4-Miraha (sida timirta cinabka iyo wixii lamida)
5-Hantida laganacsado
6-Xoolaha soofa (yacni soodaaqa cawska roobka kubaxay)
7-Macdanta dhulka lagaqodo 8-Maalka dhulka hoostiisa dad hore kuduugteen ee laga helo waa sideedaas nooc waxa zakadu kuwareegto aygaana siikala baxaya,

Zakada Dahabka iyo Fiddada

waajibkeedu wuxuu kusoo arooray zakada dahabka iyo fiddada hadalka Alle- suuratu towba aayadaha 34-35 waana waajib zakadoodu labada, waana iskumid lacag hadii laga sameeyo inta ladhalaaliyo, hadiilatumo iyo haduu yahay mid ceeriinba, markuu gaaro qadarka mulkigu oo midkastoo labadaas kamida nisaab ama zaka goys,kanasoo wareego dushiisa sanad, mulkigaasuna yahay mid laga saaray deyntii iyo wixii xaajada asaligaa (sida masaariifta reerka iyo wixii lamida )

Nisaab ama zakagoyska dahabka iyo qaddarka kawaajibaya

 waxba laguma laha dahabka ilaa uu gaaro 20 diinaar haduuse gaaro 20 diinaar kanasoo wareego sanad waxaa laga bixinayaa nusdiinaar tusaale 20 -:-10 =2 -:- 4=0.5

wixii kasiyaada labaatankana qaacidadaas ayaa lamarinayaa tusaale kale hadaan bixino 200-:-10=20-:-4=5 / daliilna waxaa u ah xadiiskan Cali wuxuu kaweriyey rasuulka nabad gelyo iyo naxariisi korkiisa hanoqotee inuu yiri: (waxba dushaada maaha ilaa ay kuu ahaato labaatan diinaar.hadey kuu ahaato labaatan diinaar oo kasoo wareegtey sanad waxaa lagu leeyahay diinaar barkiis,maalna zako laguma laha ilaa uu kasoo wareega sanad) waxaa weriyey axmad ,abuudaauud,iyo beyhaqi bukhaarina waasaxiix yeelay.

nisaabka ama zakagoyska fiddada iyo qadarka kawaajibaya fiddada laguma laha waxba ilaa ay gaadho laba boqol oo dirham hadeyse gaadho laba boqol oo dirham waxaa lagu leeyahay toban meelood meel kamida rubuceed tusaale 200-:-10=20-:-4=5 wixii kasiyaadana saasaa loo xisaabinayaa, daliilkuna waa xadiiskan ,Cali wuxuu kaweriyey rasuulka nabadgelyo iyo naxariisi korkiisa hanoqotee inuu yiri:

(waan idiin cafiyey fardihii iyo addoomihii ee keena sadaqada lacagta)ilaa aakhiral xadiis waxaa weriyey asxaabu sunan,

Dahab iyo fido malaysu geyn karaa?

qofkii hela waxkayar nisaab ama zakagoys oo dahaba ama fidda ah uma geyn karo midkood midka kale si ay isugu noqdaan qaddarkii zakada laga rabey maxaayeelay waa kala laba jinsi looma geyn karo midkood midka labaad , waa sida Lo, iyo Ari. haday gacantiisa kujidho 199 dirham iyo 19 diinaar dushiisa zako maaha

Zakada maalka deynta kumaqan

Zakad deyta waalaba midkoo,

1-inuu yahay midlagu kalsoon yahay inuu dhiibo maalkaas
2-- ama inuuyahay mid cayr ah anxoola haysan

1-haduu yahay mid lagu kalsoon yahay ee dhiibaya deynta culumadu waxay kadheheen dhawr qawl

1*Qawlka hore waxay kadheheen ninka hantida iskaleh waxaa lagu leeyahay zakada xoolaha deynta kumaqan saas waxaa qaba Cali, Sowriyi, abiisowrin, Xanafiyada, iyo Xanaabilada“

2*Qawlka labaad waxay dheheen waaku qasban yahay inuu dhiibo zakada ilaa waqtigaas ay waajibtey xataa hadii gacantiisa weli aney soogelin deyntu maxaa yeelay wuxuu awoodaa inuu qaato iyo inuu isticmaalo saasna waxaa qaba Cusmaan, Ibnu cumar, Jaabir, Daauus,Nakhaci, Xasan, Suhriyi, Qataadah, iyo Shaafici“

3*Qawlka sadexaad waxay dheheen wax zakaa lagama rabo sababtu waa xoola antarmayn ee ningacanttis kujira, saasna waxaa qaba cigramata“

4*Qawlka afraad waxay dheheen waxa uuka zakeynayaa markii uu gacantiisa soogalo maalku wuxuuna kabixinayaa hal sano oo keliya zakadeed saasna waxa qaba saciid ibnu musayib, iyo cadaa ibnu abii rabaaxa, intaasi waa waxay kadheheen culumadu ninka lagu kalsoon yahay ee dhiibaya deynta“

balkan cayrta ahna an eegno, haduu yahay mid cayra ama mid madax adag ama mid laablaab badan waxay dheheen maalkaas kuma waajibeyso zako saasna waxaa qaba qataadah, Isxaaq, iyo xanfiyada sababtuna waxay dheheen waa xoola an lagu intifaacayn“

Qawlkalena waxay dheheen wuuka zakeynayaa markuu gacanta kudhigo sanadihii soo dhaafay dhamaantood, saasna waxaa qaba Sowriyi, iyo abii cubeyda“

Qawlkalena waxay dheheen wuuka zakeynayaa markuu gacanta kudhigo halsano oo keliya, saasna waxa qaba Cumar ibnu cabdulcasiis,xasan, Leysi, Owsaaci, Maaliki“

Intaasina waa dadkaan lagu kalsoonayn in lagahelo deynta ay qabaan iyo wixii culumadu kadheheen“ Haweentu waxay isku qurxiso oo dahabka iyo fiddada ah Culumadu waa isku khilaafeen zakadiisa, abuu xaniifa iyo ibnu xasmi waxay qabaan waa waajib zakadiisu waxay haweenku isku qurxinayaan oo dahab iyo fiddo ah haduu gaaro nisaab ama zaka goys,waxayna udaliishadeen xadiiska cumar ibnu shucayb kaweriyey aabihii, aabuhuna kasii weriyey awowgiis, wuxu yiri waxaa nabiga uyimid nabad gelyo iyo naxariisi korkiisa hanoqotee laba haweena oo gacmohooda ugu jiraan jijimo dahaba, markaas ayuu yiri (majece shihiin in Alle jijimo idiinka dhigo maalinta qiyaame jijimo naar ah ) waxay dheheen maya markaasuu yiri: (kadhiiba xaqa kan gacmihiina kujira )

Asmaa bintu yasiid waxaa laga weriyey inay tiri waxaanu usoo gallay Rasuulka nabadgelyo iyo naxariisi korkiisa hanoqotee, aniga iyo habaryartay anagoo qabna jijimo, markasuu yiri: (mabixisaan zakadiisa ) waxaanu niri maya, markaas ayuu yiri: (miyaydaan kabaqayn in Alle idiinkujijimeeyo jijimo naar ah, kadhiiba zakadiisa) heytami wuxuu yiri axmad ayaa weriyey sanadkiisuna waa xasan ;

Caisha waxaa laga weriyey inay tiri waxaa iisoo galay rasuulka nabad gelyo iyo naxariisi korkiisa hanoqotee, wuxuuna gacan tayda ku arkay faraatiyaal fiddo ah markaasuu igu yiri (caishay waamaxay waxani ) markaasaan iri waxaan ugu talagalay inaan kaa isugu qurxiyo adiga rasuul Allow, markaas ayuu yiri (makadhiibtaa zakada) markaasaan iri maya ama waxan iri wixii Alle doonay, markaasuu yiri: (isagaa kuugu filan naar)waxa weriyey abuu daauud, daaru qudni, iyo beyhaqi, Sadexda imaam oo kale waxay kutageen inaayan zako lahayn waxa haweenku isku qurxiyaan ee dahab iyo fiddo ah intuu doonaba hagaaree,

Beyhaqi wuxuu weriyey in laweydiiyey jaabir ibnu cabdullaahi waxyaalaha haweenku isku qurxiyaan zako maleeyahay? wuxu yiri maya, markaasaa waxaa layiri kawaran haduu gaaro kun diinaar, markaasuu yiri haba kabad Naado haduudoono,

Beyhaqi wuxuu weriyey asmaa bintu abii bakar inay kuqurxin jirtey gabdheheeda dahab gaaraya 50,000 kamana zakayn jirin, Kitaabka layiraahdo muwadda waxaa kusugan caisha inay ahayd mid xanaa naysa gabdho walaalkeed dhalay ee agoomaa waxayna lahaayeen dahab ay isku qurxiyaan kamana zakayn jirin caisho,

Waxa kaloo muwadda kusugan Cabdullaahi ibnu Cumar wuxuu ahaa mid kuqurxiya gabdhihiisa iyo jaariyadihiisa dahab kamana zakayn, Khadaabi wuxuu yiri sida daahirka kucad kitaabka Alle suuratu towbah aayadaha 34-35 waxay umarag noqonayaan cida tiri waa waajib in laga zakeeyo haweenku waxay isku qurxinayaan, Aaraadan aynusoo marrayna waa xoojinayaan,

Nuxurkii oo kooban sida dadaalka badani waa in laga bixiyo zakada waxay haweenku xiranayaan oo dahab iyo fiddo ah.

Zakada meherka haweenka

Abuu xaniifa wuxuu qabaa inaan wax zakaa laga rabin meherka haweenka ilaa ay gacanta kudhigto wax zaka ahi kuma waajibayso ilaa lasiiyo markaasna ay kutasarufto, islamarkaasna waxaa shardi ah inuu gaaro maalkaasi nisab Ama zaka goys, shardiga kalena waa inuu kasoo wareego sanad, laakiin haday xoola kale oo gaaraya nisaab ay horay uhaysatay markaas looma fiiri nayo sanad ee waxa laga zakey nayaa markii xoolaha hore sanad udhamaado

Tusaale waxay haysatay kun dollar oo soogalay gacanteeda Jan.2000, markasey waxay kaloo heshay meherkeedii Jun,2000, waxaa sanadku ugu dhamaa nayaa Dec, 2000 saas ayaa loo xisaabinayaa hanti kasta oo kusoo gasha adoo haystey hanti hore oo gaareysa nisaab,

Shaafici wuxuu qabaa haweenta waa kulaasim (qasab) zakada meherkeedu xataa haday tahay midaan weli laguri geysan lanataaba marhadii sanad kasoo wareego waa inay bixiso, saas wuxuu kawadaa haweentu nus bay leedahay meherka hadaan weli lataaban oo nikaax keliyi kudhacay saas ayadoo ah waxa laga rabaa labada qayboodba inay ka zakayso waa qawlka shaafici,

Xanaabiladu waxay dheheen haweenta meherkeedu waa deyn iyada kamaqan xukunkiisuna waa haduu yahay ninku mid maal qabeen ah waaku Waajib zakadiisu maalka inay bixiso, markay gacanta kudhigtona waxay kazakay naysaa sanadihii soo dhaafay,

Zakada ijaarka guryaha

Abuu xaniifa iyo maalik waxay qabaan ninka ijaartey guriga xaq umalaha ijaarkiisa ilaa mudadii ijaaradu dhamaato, waxay dheheen anagoo taas waxku dhisayna ninkii guri ijaarta kumawaajibin ijaaradaas zakadeedu ilaa uu gacanta kudhigo markaasna sanad kasoo wareego, isla markaana gaadho nisaab Ama zaka goys,

Xanaabiladu waxay qabaan ninkii guri ijaarta wuxuu mulkinayaa ijaaradiisa waqtiga heshiisku dhacay, xataa haduusan waxba qaadan waxa lagu tirinayaa maalkaas mulkigiisa, saas awgeed waxaa kuwaajibaya ijaaradiisa zako, waa hadii ay gaadho nisaabkii ama qadarkii zakadu kawaajibaysey, isla markaasna kasoo wareego mudodhan sanad, 

Zakada ganacsiga

Jamhuurta culumada, saxaabada, taabiciinta iyo fuqahadii kadamaysay dhamaan toodu waxay kutageen inay waajib tahay zakada hantida ganacsigu.

waxaana daliil u ah xadiiska ay werinayaan abuu daauud iyo beyhaqi, waxa laga weriyey samurata ibnu jundub inuu yiri, Nabigu nabad gelyo iyo naxa riis korkiisa hanoqotee wuxuu ahaa kiina amra inaanu kabixino zakada maalka aanu udiyaarinay ganacsiga: Daliilka labaad waa xadiiska ay werinayaan daaruqudni iyo beyhaqi :

Abii Darri ayaa kaweriyey Nabiga nabad gelyo iyo naxariisi korkiisa hanoqotee Inuu yiri: (geelu wuxuu leeyahay zako ariguna wuxuu leeyaya zako lo’duna waxay leedahay zako alaab tuna waxay leedahay zako) Xadiis kale waxaa werinaya Shaafici, Axmad, Abucubeydin, Daaruqudni, Beyhaqi, iyo Cabdurisaaq inuu kaweriyey Camru ibnu xamaasin aabihiis oo xamaas ah wuxu yiri,waxaan ahaa mid iibiya hargo ama maqaar hadaan ahay xamaas markaas ayaa waxaa isoo maray Cumar ibnu khadaab Allaha karali noqdee markaasuu yiri: kabixi maalkaaga zakada , markaasaan ku iri amiirkii mu’miniintow waxaani waa hargo, markaasuu yiri: qiimay, macnaa maqaaradan lacagtooda xisaabi oo markaas kabixi zakada,

Waxaa kusugan kitaabka Mannaar, culumada diinta jamhuurtoodu waxay leeyihiin waa waajib zakada hantida ganacsigu, Intaasi waa adiladii iyo Aaraadii kutusinaysey zakada hantida ganacsiga, sababtoo ah xoolahaagu waxay kuwareegaan lacag iyo badeeco lacagtii kujidho, saas awgeed waa inlaqiimeeyo markasta oo sanad kasoo wareego Siloo ogaado zakada kabaxaysa, taasna horaan usoo tusaalaynay,

Goormay noqotaa hantidu ganacsi ama tijaaro 

Wuxuu yiri ninkii kitaabka Muqniga qoray ganacsi manoqonayso hantidu ilaa laba shardi laga helo,

1-waa inuu ficil kusoo galaa maalku sida beyca, meherka, hibo lasiiyey maal waalidku u dardaarmay iyo kasbasho banaan oo wax lagu kasbado,

2-waa inuu niyoodo ganacsi markuu mulkinayo maalka, haduusan uniyoon ganacsi manoqonayo tijaaro maalkaasu ee wuxuu noqonayaa badeeco kayda, qofkii hantiya tijaaro gaaraysa nisaab kanasoo wareegto sanad wuxuu qiimey nayaa sanadka dhamaadkiisa markaasuu kabixi nayaa zakada, qaabka looga dhiibayaana waa sidan, hantidaada markaad xisaabto waxa kuusoo baxa uqaybi 40 meelood waxaad kabixisaa markaas meelkamida waxa kuu soo haray waa 39 meelood, tusaale hadaan kabixino 1000$ uqaybi 40 =25 waxa kaabaxay waa shan iyo labaatankaas, sidaas ayuu kusameynayaa taajirku maalkiisa sanad kasta ee soo wareega haduu Alle kabaqayo

Zakada beeraha iyo waajib nimadeeda

Alle wuxuu waajibiyey zakada beeraha wuxuuna kucadeeyey kitaabka qur aanka suurada baqara aayada 267 wuxuu kaloo Alle kucadeeyey suurada al ancaam aayada 141,

Noocyada lagaqadi jirey zakada waqtigii rasuulka

Waqtigii rasuulka nabad gelyo iyo naxariisi korkiisa hanoqotee waxa zako lagaqaadi jirey "Sareenka Galeyda Timirta Sabiibta Xadiis abiiburdata uu kawerinayo abii muusaa iyo mucaad Allaha karaali noqdee wuxu yiri wuxuu udiary rasuulku labadaasnin nabad gelyo iyo naxariisi korkiisa hanoqotee yaman, ayagoo baraya dadka amarka diintooda

wuxuu amray inaanay kaqaadin zako waxaan afartaan ahayn waana Xindo, Shaciir, Timir, Sabiib, waana afartaan kor kusoo sheegnay , waxa weriyey daaruqudni, xaakim,dabaraani, iyo beyhaqi, Ibnu mundiri iyo ibnu Cabdulbarri waxay dheheen culumadu waxay isku raaceen inay zakadu waajib kutahay afartaas nooc ee aynu soo xusnay,

Noocyada anlaga qaadi jirin zako

Zako lagama qaadi jirin waqtigaas khudaarta iyo wixii qayrkeed ah oo fawaakihaad ah canabka iyo timirta maahee, laakiin in loo eego hadii waxani yihiin ganacsi waxaa laga rabaa zako hadii kalena waa masaariif iyo wixii lamida,

Tarmadi wuxuu yiri, ahlucilmigu saas ayey kucamal falijireen inaan zako lagaqaadin wixii khudaar ama khudrawaad ah. Qurdubi wuxuu yiri, zakadu waxay kutacaluqdaa ama kuxirantahay wixii laquuto (lacuna) khudaarta maahee, Ibnu qayim wuxuu yiri, zako lagama qaadin kuwaan ay kamid yihiin Fardaha, Adoomaha, Baqlaha,Dameeraha, khudrawaadka(khudaar) iyo fawaakihda aan labeegi karin (lakiili karin) lanakaydin karin wuxuna sooreebay Cinabka iyo Timirta oo wuxu yiri waa lagaqaa dayaa zakada,

Nisaabka zakada miraha

Ahlu cilmiga intooda badani waxay qabaan inaan wax zako ahi kuwaa jibin miraha beeraha ilaa ay gaaraan shan owsuq oo udhigma qiyaastii 300 ee Suus oo lamida 653 kg oo lasafeeyey,(lasaafiyeelay) Yacni laga saaray qisharkii iyo xuubkii sida qolofta bariiska oo kale, laakiin hadii looga tago qashirka ama qolofta waxaa shardi ah inuu gaaro nisaabku qadar leeg toban owsuq unadhiganta 600 ee suus oo lamida 1304 kg,

daliilkuna waa xadiiskan Abuu hureyra wuxuu kaweriyey nabiga nabad gelyo iyo naxariisi korkiisa hanoqotee inuu yiri: (malaha zako wixii kayar shan owsuq) waxaa weriyey axmad iyo beyhaqi, xadiis kale waxa werinaya Abuu saciid alkhudriyi wuxuu kaweriyey nabiga nabad gelyo iyo naxariisi korkiisa hanoqotee inuu yiri: (sadaqo malaha wixii kayar shan owsuq oo timir iyo xaba ah) (sadaqo macnaa zakada ayaaloo isticmaalaa) (xaba macnaa miraha xabuubkaa sida bariiska ama sareenka) Owsuqu waa 60 saac markii lagu dhufto shan waa 300 ee saac oo udhiganta 653kg, waana nisaabka miraha beeraha kasoo baxa,

Malasii cuni karaa miraha beerta intaanay soogo’ in beertu

waxaa ubanaan ninka beerta leh inuu kacuno beertiisa wixii baahidiisaa lagumana xisaabinayo dushiisa wuxuu kacunay beerta intaan lagoosan miraha, laakiin markii lagooyo ee lagasafeeyo qashirka waxaa laga bixinayaa zakada wixii saafi noqda ee soohara,

Axmad ayaa lasu’aaley ninku beertiisa muxuu kacuni karaa ? wuxuu yiri baas malaha wuxuu kacunaa ninku beertiisa oo baahidiisa ah waxa kaloo kuraacay saas shaafici, leys, iyo Abuu xasmi,

Mirihii oo laysu geeyo noocyadoodii

Miraha waxay culumadu isku raaceen in laysu geyn karo qaarba qaarka kale Haba kala cusbaadeene ama hakala liitaane sida kuwa fiican iyo kuwaxun Waxay kaloo isku raaceen in xoolaha ganacsiga loogeynayo lacagta kaashkaa oo markaas laysku xisaabinayo tusaale waxaad haysatay 1000,kun loor ee raashin ah markaas ayaad waxaad iibisey 500,shan boqol ee loor, qaybta lacagtaa iyo qaarka weli raashin ahaan utaal waa laysku xisaabinayaa ee lama kalaqaadayo,

laakiin loomageyn karo xoolaha nool sida Geela iyo Lo,da siloo kaamilo nisaab ee midkood kasta waxaa lagarabaa inuu iskii ama gaar ahaantiisa ugaaro tiradii zakadu kawaajibaysey,

mirahana sidoo kale laysuma geynayo labajinsi oo kaladuwan sida galeyda looma geynkaro masangada, timirta loomageyn karo sabiibta, inkastoo khilaaf kajiro inlaysu geynkaro xabuubka (sida sareenka bariiska)

waxaase xoogbadan inaan laysugeyn karin kuwaasoodhan siloogu xisaabo midkood midka kale nisaab gaaridiis, waxaase fiiradu tahay in jinsi kasta ama noockasta gooni ahaantiisa asagoo utaagan lagahelo cadad nisaab gaaraya, saas waxaa qaba Abuu Xaniifa, Shaafici, riwaayaadka Axmad midood, sidaas ayeyna kutageen culimo farabadan oo salafkii kamida,

Ibnu Mundiri wuxuu yiri waxay kukulmeen inaan laysugeyn Geel iyo Lo, Inaan laysugeyn Lo, iyo Ari, inaan laysugeyn Timir iyo Sabiib, waxkaloo qeyrkoodana anloogeyn karin, wuxu yiri mahaystaan daliil saxiixa kuwa oranaya waalaysu geynkaraa jinsiyada kaladuwan.

In lagubixiyo zakada wax wanaagsan

Allaha xumaan oo dhan kanasahan ayaa amray qofka zakaynayaa inuu bixiyo Wax wanaagsan oo maalkiisa kamida, wuxuuna reebay inla sadaqeeyo wax liita, sida kusugan suuratul baqara aayadda (267) saxaabiga layiraahdo Baraa waxa lagaweriyey inuuyiri aayaddaasi waxay kusoo degtey anaga hadaanu nahay ansaar, waxaanu ahayn dad timireed, macnaa timirta ayaa aad ugubadnayd beerahayaga, wuxuu tegijiray qofkanagu beertiisa markaasuu kasoo qaadijiray rucub timira ama labarucub hadba intuu helikaro markaasuu masaajidka surijiray,

waxaana jiray dad ahlusufa looyaqaan ee masaajidka kunool wax cuntaana an haysan, markaas ayaa midkood markuu yimaado masaajidka wuxuu imaanayaa meesha timirtu surantahay, markaasuu kudhifanayaa ushiisa waxana ugasoo daadan timir cusub oo qoyan(busur) iyo mid adkaatay ee horay ubislatay sida tan aynunaqaan, markaas ayuu cunijiray,

Waxaana jiray dad aan khayr doon ahayn oo midkood wuxuu keenayaa rucub ayku yaaliin timirta nooca qalashay ayadoon korin ama gaarin tankeedii lagarabey waxana looyaqaan luqada carabiga (shiis) waxakaloo kuyaal rucubkaas timirta nooca bololka looyaqaan ee maqaarka kore kadilan taasina luqada carabiga waxa looyaqaan (xashaf) markaasuu kalulayaa masaajidka, markaasaa Alle soodejiyey aayaddan aynu korkusoo xusnay ee suuratul baqara aayadda(267) markaas aayaddu soo degtey kabacdib wuxu keenayey qofka nagamida ee doonaya inuu wax sadaqeeyo waxa wanaagsan ee uu hayo, waxa weriyey tarmadi wuxuna yiri waa xanu saxiixun qariib.

Showkaani wuxuu yiri waxa kusugan xadiiskan daliil ah inaanay ubanaanayn ninka hantida leh inuu kabixiyo wax liita hantidan wanaagsan ee zakadu kuwaajibtay, naswaxay kutahay timirta, qiyaasna waxaa looga qaadanaya jinsiyaasha ama noocyada kaladuwan ee zakadu kawaajibto.

Malabka zako malaga rabaa ?

Jamhuurta culumadu waxay qabaan inaan malabka zako lagu lahayn , Bukhaarina wuxuu yiri malabka wax zakaa oo kasugnaaday nabiga nabad gelyo iyo naxariisi korkiisa hanoqotee, xagiisa ee nas ah malaha, Shaaficina wuxuu yiri malabku wuxuu ahaaday mid layska cafey maadaama an waxnas ah oo kusugani jirin,

laakiin xanafiyadu waxay qabaan in zako laga rabo malabka oo waxay dheheen raad ama asar baaloo hayaa waxayna leeyihiin waa shey labeegi karo lana kaydsan karo saas awgeed waxa lagarabaa zako , waxaa kaloo qaba in zako lagarabo malabka imaamu axmad, wuxuuna ushardinayaa inuu gaaro 160 Rodol miisaan leeg,

Allaah ayaa kucilmi leh.

Zakada Xoolaha Nool

Axaadiista saxiixaa waxaa kucad waajib nimada zakada Geela, Lo'da, iyo Ariga.

Ummada muxamadi yaduna waxay ku kulantay inay kucamal fasho, Shuruudaha waajibinaya zakada xoolaha nool,

  1. - waa inay gaaraan xooluhu nisaab ama zaka goys kaad tiraah daba,
  2. - waa inuu kasoo wareego sanad,
  3. - waa inay ahaadaan xooluhu kuwo daaqa cawska roobka kubaxay ee an kharash kubixin sanadka intiisa badan, laakiin hadii xooluhu yihiin kuwo kunool cawsbeereedka latabcay ee kharashku kubaxay zako lagama rabo, jamhuurta culumaduna shardigaas ayey qaateen,

waxaase khilaafay Maalik iyo Leysi keliya oo waxay dheheen mar hadii xoolo nool waxani yihiin lama kalaqaadayo hasoofeen ama kuwo meeshooda lagu quudiyo hanoqdaane farqi makala laha oo marhaday nisaab gaaraan waa laga zakey nayaa,

laakiin axaadiistu waxay kucadahay in xoolaha laga zakeynayaa yihiin kuwa daaqa dooga banaanka kabaxay,

Zakada Geela

Wax zakaa lagama rabo geela ilaa uu gaaro 5 neef oo geel ah, Waxaana looga zakey nayaa sidatan hoos kucad,

  • 5-----9 waxa lagabixinayaa neef ariya oo weliba ido ah,
  • 10---14 waxa lagabixinayaa laba neef oo ido ah,
  • 15---19 waxa lagabixinayaa sadex neef oo ido ah,
  • 20---24 waxa lagabixinayaa afar neef oo ido ah,
  • 25---35 waxa lagabixinayaa qaalin geel ah oo hal sano jir ah ee sanadkii labaad madaxa lagashay,
  • 36---45 waxa lagabixinayaa qaalin labajir ah oo sanadkii sadexaad maxa lagashay,
  • 46---60 waxa lagabixinayaa qaalin sadexjir ah oo sanadkii afraad madaxa lagashay,
  • 61---75 waxa lagabixinayaa qaalin afarjir ah oo sanadkii shanaad madaxa lagashay,
  • 76---90 waxa lagabixinayaa laba qaalmood oo labasanojir ah sanadkii sadexaadna madaxa lagalay,
  • 91---120 waxa lagabixinayaa laba qaalmood oo sadexjirro ah sanadkii afraadna madaxa lagalay,
  • markuu kasiyaado 120 waxaa lagabixinayaa afartankii kastaba qaalin labajir ah sanadkii sadexaadna madaxa lagashay, ama waxa lagabixinayaa kontonkii kastaba qaalin sadexjir ah oo sanadkii afraad madaxa lagashay,

qaaciidadaas ayaa loo kala ratibayaa oo haduu geelu ku imaan karo inuu ukala qaybsamo afartan afartan saas ayaa loo kalafariisi nayaa, haduu yahay geelu mid kuhaboon inloo kala qaybiyo konton kontona saas ayaa loo kala xisaabinayaa,

hadii qofku waayo neefkii kawaajibey geeliisa muxuu samay nayaa? tusaale ninkii laga rabey qaalin 4 sanojir ah ee kawaayey geeliisa laakiin wuxuu heli karaa mid sadexjir ah, wuxuu bixinayaa taas sadex jirkaa wuxuuna ku kabayaa (kukordhinayaa) labaneef oo ari ah hadey usahlanaato, hadii kalena labaatan dirham ayuu ku kabayaa qalinta, sababtoo ah waaka qiimayartahay qaalintu tii laga rabey, saas darteed ayaa loo kabayaa,

Sidoo kale ninkii laga rabey qaalin 3 sanojir ah ee kawaayey geeliisa laakiin wuxuu heli karaa mid afarjir ah, wuxuu bixinayaa taas afarjirkaa markaas waa inuu kii zakada qaadayey u celiyaa kan zakada bixinaya labaneef oo ari ah ama labaatan dirham, sababtoo ah qaalintu waaka qiimo sarraysaa tii laga rabey saas awgeed ayaa loogu celinayaa labada neef,ama labaatanka dirham, waxaa lafiirinayaa qiimo leeg ee lacagaha maanta laheli karo kamida, kaas ayaana markaas labixinayaa bedelkoodii,

Sidoo kale ninkii laga rabey qaalin 3 sanojir ah ee kawaayey geeliisa laakiin wuxuu heli karaa mid laba sanojir ah taas ayuu dhiibayaa wuxuuna ku kabayaa sidaan horay kusoo marnay laba neef oo ari ah hadey ufudu daato hadii kalena wuxuu ku kabayaa labaatan dirham, Sidoo kale ninkii laga rabey qaalin laba sanojir ah ee kawaayey geeliisa laakiin heli kara mid sadexjir ah wuxuu bixinayaa taas sadexjirkaa markaas ayuu kii zakada qaadayey wuxuu uceli nayaa laba neef oo ari ah ama labaatan dirham,

Sidoo kale ninkii laga rabey qaalin 2 sanojir ah ee kawaayey geeliisa laakiin heli kara mid hal sanojir ah wuxuu bixinayaa taas sannadjirkaa wuxuuna ku kabayaa laba neef oo ari ah hadey u sahlanaato hadii kalena wuxuu ku kabayaa labaatan dirham, Sidoo kale ninkii lagarabey qaalin hal sanojir ah ee kawaayey geeliisa laakiin heli kara mid laba sanojir ah wuxuu bixinayaa taas labajirkaa markaas ayuu kii zakada qaadayey u celinayaa kan lagaqaadayo laba neef oo ari ah ama labaatan dirham,

Taasina waa geela zakadiisii oo ah tuuku camal falay Abuu bakarusidiiq Allaha karaali noqdee,

waxaana uga dambeeyey ee saas kucamal falay Cumar Ibnukhaddaab Allaha karaali noqdo dhamaantood, waxayna kullamaan sanayd dardaaran kiisii markuu geeryoodey amiirulmu’miniinkii Allaha karaali noqdee Cumar Ibnukhaddaab.

Zakada Lo'da

Waxzakaa lagama rabo lo,da ilaa aygaadho 30 daaqda dooga roobka kubaxay, markay gaadho lo,dii sodon oo sanad kasoo wareego waxaa looga zakaynayaa sidan,

  • 30----39 waxaa lagabixnayaa dibi hal sanojir ah (tabiic)
  • 40----59 waxaa lagabixinayaa qaalin lo,ah ee laba sanojir ah,
  • 60----69 waxaa lagabixinayaa laba dibi ee hal sanojirro ah,
  • 70----79 waxaa lagabixinayaa qaalin labajir ah iyo dibi sanadjir ah,
  • 80----89 waxaa lagabixinayaa laba qaalmood ee labajirro ah,
  • 90----99 waxaa lagabixinayaa sadex dibi oo hal sanojirro ah,
  • 100---109 waxaa lagabixinayaa qaalin labajir ah iyo labadibi oo halsanojiro ah,
  • 110----119 waxaa lagabixinayaa labaqaalmood oo labajirro ah iyo dibi halsanojir ah,
  • 120----129 waxaa lagabixinayaa sadex qaalmood ee labajirro ah ama afar dibi oo halsano jirro ah,

wixii intaas kasiyaada waxaa lookala ratibayaa sidan, sodon kasta waxaa lagabixinayaa dibi halsanojir ah, afartan kastana waxa lagabixnayaa qaalin labasanojir ah, tusaale sadex meelood oo min sodon ah waa 90+40=230 waana qaabka lookala fariisinayo xoolaha markii laga zakeynaayo labadaas tiro hadba siday isku keeni karaan,

Zakada Ariga

Waxzakaa lagama rabo Ariga ilaa uu gaaro 40 neef oo daaqa dooga roobka kubaxay markaasna sanad kasoo wareego, waxaana looga zakeynayaa sidan,

  • 40-----120 waxaa lagabixinayaa hal neef oo ari ha,
  • 121---200 waxaa lagabixinayaa laba neef oo ari ah,
  • 201---300 waxaa lagabixinayaa sadex neef oo ari ah,

markuu kasiyaado sadex boqol waxaa lagabixinayaa boqol kasta halneef oo Ari ah ee an waxceeba lahayn,

waa banaan tahay inlaga bixiyo kuwa labka ah sida orgiga iyo wanka waana laysku waafaq sanyahay waase hadii xoolaha laga zakaynayaa wadayihiin kuwa lab ah(macnaa lab waa wanka ama orgiga ama ratiga), laakiin xanafiyadu waxay dheheen hadii xooluhu dhamaan tood wada yihiin dhadig sida rida iyo laxda ama iskujir dhadig iyo labood waa banaan tahay in lagabixiyo kuwa labka ah,

waxaa kaloo baraarujin mudan masaafooyinka udhexeeya labada fariido ama labada meelood ee zakadu kawaajibayso sida culumadu isku itifaaqeen malaha wax zako ah, tusaale 25 ilaa 36 ee geela ah malaha intaas dhexda ahi wax zakaa, tusaale kale 30 ilaa 40 ee Lo,da ah malaha intaas labada boos udhaxaysaa wax zakaa, Arigiina waa sidoo kale 40 ilaa 120 wax zakaa malaha, tusaalahan keliya kamawado laakiin meelkasta ee udhexaysa labatiro waa looga qiyaas qaadanaya,

waxaa kaloo xusid mudan qofka zakada aruurinaya uma banaana inuu kaqaado neefka ugu qaalisan xoolaha ee ishu qabato, laakiin haduu yahay qofka dhiibayaa mid asagu naftiisu kuraali tahay wuu bixin karaa, hadii kalese waxaa laga qaadayaa neef dhexdhexaada ee an ahayn kulagasoo xulay maalkaas,

waxaa kalo xusid mudan inuusan bixin neef ceebleh ee ceebtiisu muuqato markii laweydiiyo dadka khibrada uleh xoolaha ay oran karaan kani waaneef xun, laakiin hadii xoolii oo dhami noqdaan kuwo wada ceebaysan markaas waxaa labixinayaa sida ugu wacan wixii lagaheli karo. Xoolaha oo lakalasaaro,ama lakulmiyo,

Xoolaha oo lakulmiyo ama lakalasaaro silooga fakado zakada bixinteeda waxaa kusugan sidan, Suweyd Ibnu quflata waxa lagaweriyey inuuyiri, waxa nooyimid zakaqaadihii Rasuulka nabadgelyo iyo naxariisi korkiisa hanoqotee, markaasaan waxan kamaqlay isagooleh, anagu maqaadno neef irmaan oo caano nuujinaya, mana kalasaarno xoolo wadajira, mana isugeyno.

xoolo kalasoocan, markaasaa waxa lookeenay hal geela oo kurus weyn,

markaasuu diidey inuu kaqaado, sababtu waa xoolaha kuwii ugu qiimaha badnaa ee layiri hakaqaadina. Daliilka labaad, Anas wuxuu kawaramay inuu Abuubakar uqoray Anas oo gudoomiya gobol ah xagiisa waraaq,

Abuubakar wuxuu hadalkiisa kubilaabay sidan, taniwaa sadaqadii waajibka ahayd (zakada) taasoo rasuulku nabadgelyo iyo naxariisi korkiisa hanoqotee kuwaajib yeelay muslimiinta dushooda, waxana kamid ahaa qoraalkaas ,lamakulmiyo laba kalasoocan, lamana kalasooco laba iskujirey ayadoo lagacabsanayo sadaqada,wixii labo isku darsadaan iyagaa isula noqonaya dhexdooda si sinaan ah) waxaa weriyey Bukhaari Macnaa waxaa loolajeedaa hadii labanin xoolo wadaagaan tusaale 40, neef oo ari ah ayaa waxaa wadaaga labanin midkastaana wuxuu leeyahay 20, neef markaas waxaa kabaxaaya halneef, wuxuuna kamid yahay labadooda midkood maalkiisa, kankalena wuxuu celinayaa neefkaas qiimaha kagasoo aadan xagiisa oo wuxuu siinayaa saaxiibkiisa xooluhu isugujiraan ee neefkaasi kabaxay xoolihiisa.

Maalik wuxuu kusheegay kitaabkiisa Muwadda’asagoo cadeynaya macnaa looga jeedo issugeynta iyo kalgeynta xoolaha wuxu yiri, sadex qof ayaa waxa midkastaa leeyahay 40 neef oo ari ah, midkastana waxaa laguleeyahay halneef, markaas ayey iskudarayaan sadexdii afartanaad oo waxay bixinayaan halneef, halkaas waxay kuqariyeen labaneef oo hadii midkastaa goonidiisa deganaan lahaa waxaa lagarabi lahaa halneef, laakiin waxay kadhigeen 120 neef oo halmeel wadadegan oo markaas lagarabo halneef oo keliya, kaasina waa tusaalaha isgeynta looga cararayo zakada,

Tusaalaha kalageynta looga fakanayo zakada waa ayadoo labaqof isugu jiraan 121 neef oo ari ah, markaas waxaa lagarabaa inay bixiyaan sadex neef, markaas ayey kalasoo canayaan ama kalasaarayaan oo markaas wuxuu midkastaa bixinayaa halneef oo keliya, halkaasna waxay kuqariyeen halneef oo hadey sidoodii hore isgudaasan lahaayeen waxaa looga baahnaa inay bixiyaan sadex neef, taasina waa zako kacararid waxbadan kadhacda dadka maalka jecel ee anku xisaabtamin waxay aakhiro kamudan doonaan

Zakada Rikaaska

Macnaha rikaasku waa duug laga helay maal oo kamida duugihii dadkii hore Aasteen, laguna helo hawl yari adigoon kuraadi wax maal ah iyo tacab kaagabaxay, laakiin wixii tacab iyo dadaal ama kharash kaagalo manoqonaayo rikaas,

Rikaaska waajibnimada zakada lagu xiray sifadiisa,

Waa waxkasta oo maal noqda sida Dahabka, Fiddada, Birta, Rasaasta, Sufurka, Iyo wixii lamida, Saasna waxaa qaba mad habka xanafiyada, xanaabilada, Isxaaq, Ibnu mundir, Riwaayad maalik kasugan, iyo shaafici labadisa qowl mid kamida, 

Rikaaska waxa kawaajibaya 

Waxaan horay kusoo qaadanay rikaasku inuu yahay wixii duug dadkii hore Aasteen laga helay, waxaana kawaajibaya shan meelood oo meel kamida waxana loo yaqaan (Khumus)

Afarta meelood ee soo harayna waxaa iskaleh ninkii ugu horeeyey ee dhulka iska lahaa hadii lagaranayo, haduu dhintayna kuwa dhaxalkiisa iska leh ayaa lasiinayaa hadii lagarto, hadii kuwaasoo Dhan lawaayo waxaa ladhigayaa Bangiga muslimiinta, sidaas waxaa qaba Abuu xaniifa, Maalik, Shaafici, iyo Muxamad,

Axmad iyo Abuu yuusuf waxay qabaan cidii heshay ayaa lasiinayaa markii khumuska lagasaaro haduusan sheegan ninkii dhulka lahaa,hadiise nin sheegto hadalkiisaa laraacayaa khumus kuna waaka waajibayaa haduu yaryahay iyo haduu badan yahayba loona fiirin maayo nisaab inuu gaaro maalka rikaasku, waana siday qabaan Abuu xaniifa iyo Axmad, waxaa kaloo jira riwaayadda ugu saxiixsan ee Maalik iyo qowlka dambe ee Shaafici waxay dheheen rikaasku waa inuu gaaro nisaab laakiin sanad inuu kasoo wareego loofiirin maayo,

Cida khumusku kuwaajibayo,

Jamhuurul culamaa waxay qabaan inuu khumusku kuwaajibayo qofkii hela Oo muslim ah ama gaal balan lalagalay ee balantii kujira,qof yar iyo qof waayeel ah, qof caqli qaba iyo qof waalan, waxaana kan waalan iyo kan ciyaalka ah maamulaya inuu kabixiyo weligooda, masuuliya dooda cidaleh, laakiin shaafici wuxuu kareebay gaalka heshiiska lala galay in laga qaado khumuska waadiidey,

Xagee lagu bixinayaa ama yaalasiinayaa khumuska?

Shaafici wuxuu qabaa in lagubixinaayo booska zakada lagubixiyo waana Siddeedii qolo ee qur aanku sheegay, wuxuuna daliishadey waxa kusugan Axmad iyo Beyhaqi ee laga werinayo Bishri, kana werinayo nin qoladiisaa, wuxuu yiri ninkaasi, waxaa igusoo dhacday dushayda selled (qariirad) oo kasoo dhacday deyr baaliyoobey (duugoobey) ee magaalada kuufa kamida waxaana kujirey afar kun oo Dirham, markaasaan waxaan la aadey Cali ibnu abii daalib Allaha karaali noqdee markaasuu yiri cali uqaybi shan meelood, markaasaan qaybiyey, Calina wuxuu qaaday khumuskii lawaajibiyey wuxuuna isiiyey afartii meelood ee kale, markaan dhaqaaqay ayuu iiyeeray wuxuna yiri jiiraan kaaga makujiraan dad fuqaro masaakiin ah? Waxaan iri haa, markaasuu yiri qaad khumuskan oo uqaybi dhexdooda,

laakiin Abuu xaniifa, Maalik,iyo Axmad waxay qabaan in lagu bixinaayo meeshii lagu bixin jiray feyga, (waa xoolaha lagaqaado gaalada lalajahaadayo ee laga qabsado ayadoon dagaal dhicin waxana sharcigu uyaqaan Fey,)

Taasna waxay udaliishadeen waxa laga weriyey Shacbiyu oo ah inuu nin helay kun Diinaar ee laduugey magaalada madiina markaasuu ulayimid Cumar Ibnu Khadaab Allaha karaali noqdee, markaasuu kaqaaday khumuskii 200 ee diinaar intii soo hartayna ninkii buu siiyey markaasuu cumar bilaabay inuu uqaybinayo dadkii sooxaadiray ee muslimiinta kamidahaa, markaas ayaa waxa kasoo haray in dheeraad ah markaasuu yiri mee ninkii danaaniirtaan iska lahaa? markaasuu isusoo taagey ninkii, markaasuu Cumar yiri, qaado diinaaradaan adaa iskalehe, wuxuna kamid noqday dadkii waxloo qaybinayey asagoo afar meelood horay loosiiyey.

Waxa baddakasoo baxa zakadiisa

Jamhuurta culumadu waxay qabaan inaan zako laga rabin dhamaan wixii badda kasoobaxa oo ay kamid yihiin Luulka, Murjaanka, Zabarjadka, Canbarka, Kaluunka, iyo wixii lamida,

laakiin Axmad labadiisa riwaayo midood ayaa waxa kusugan waxa badda kasoo baxaa haduu gaaro nisaab waxa laga rabaa zako, waxa kaloo laba kuwaas aynu soo sheegnay kamida kuwaafaqay Abuu Yuusuf, waana Luulka iyo Canbarka,

Ibnu cabaas Allaha karaali noqdee wuxu yiri canbarku wax zakaa malaha waana shey badu soo tuudhay,

Jaabirna wuxu yiri canbarku zako malaha ee waaqanimo ninkii qaata, 

Maalka faa iidada ah zakadiisa,

Qofkii faa iida maal kamida noocyada loo eego sanad inuu kasoo wareego, maalkale oo kasokeeyana an lahayn, maalkaasoo gaaraya nisaab, ama wuxu horay ulahaa maal kale oo kayar nisaab laakiin markii laysku daro labada qaybood waxay gaarayaan nisaab markaas ayuu kabilaabayaa inuu sanad utiriyo maalkaas, markii sanadku dhamaadona waxaa kuwaajibaya zako, qofkii haysta xoolo gaaraya nisaab faa iidaduu helaa sadex midkood kama marna, ama waa sadex midkood,

 

  1. -inuu yahay maalka faa iidadu midkasoo galay ganacsi ama xoola nool oo isdhalay ee ubad yaryari kusoo kordheen, kuwaas lafaa iidey waxaa lagu tirinayaa maalkii asalka ahaa ee hore waxana lagawada zakeynayaa mudadii laga zakayn jirey maalka hore ee asalka ah, laakiin ninkii haysta hanti ganacsi ama xoola nool, kuwaasoo gaaraya nisaab, haduu markaas faa iida kahelo ganacsigii, xoolihiina dhalaan ubad yaryar markaas zako inuu kabixiyo ayaa kuwaajibaysa faa iidada iyo asalka oo wadajira, wax khilaafina kamajiraan,

     

  2. -tanlabaad waa inay faa iidadu tahay mid lamida xoolaha uu horay uhaystay ee gaarayey nisaabka, tusaale geel ayuu horay ulahaa markaasuu geel kale faa iidey laakiin kamahelin xoolahaas naftooda ee sikale ayuu kusoo helay sida hibo ama dhaxal, markaas Abuu xaniifa wuxuu leeyahay waa laysku darayaa faa iidada iyo xoolihii hore, waxayna kuraacayaan tirada iyo muddadii lagazakayn jirey labadaba,

    Shaafici iyo Axmad waxay dheheen xaga nisaabka waa laysku darayaa xoolaha faa iidada ah iyo kuwa asalka ah, laakiin sanad cusub ayaa loo tirinayaa, tusaale wuxuu haystey 1000$ markaasuu faa iidey kun kale wuxuu kazakay nayaa kun kasta markuu taam noqdo ama dhamaado sanadkiisu,

    Imaamu maalik wuxuu kuraacay abuu xaniifa xaga xoolaha nool, xaga lacagtana wuxuu kuraacay Shaafici iyo Axmad,

     

  3. -tansadexaad waa inuu yahay maalka lafaa iidey midka duwan nooca uu haysto, tusaale geelbuu haystey markaasuu faa iidey Lo,maalkaas laysuma geyn karo layskumana zakayn karo ee haduu yahay midgaaraya nisaab waxa laga rabaa zako gaarkiisaa noockasta oo kamida labada jinsi, midkastana gooni ayaa loogu tirinayaa sanadkiisa , haduusan gaarin nisaab waxzakaa lagamarabo waana qowlka jamhuurta culimada.

     

Zakadu inay kuwaajibeyso qofka naftiisa ee aney kuwaajibin maalka

Mad habka Xanafiyada, Maalikiyada iyo riwaayad shaafici leeyahay iyo riwaayad Axmad leeyahay waxay qabaan zakadu inay kuwaajitey maalka laftiisa,

laakiin qowlka labaad ee Shaafici iyo quwlka labaad ee Axmad waxay qabaan inay zakadu waajib kutahay qofka maalka leh naftiisa ee aney waajib ku ahayn maalka laftiisa,

Ibnu xazmi wuxuu rajaxay ama taageeray inay zakadu waajib kutahay qofka naftiisa wuxuna yiri, waxkhilaafa majiraan oo udhaxeya madaxda diinta ee waqtiga yagan ilaa waqtigii Rasuulka nabad gelyo iyo naxariisi korkiisa hanoqotee,

Maalka oo dhamaada markay zakadu waajibtey kadib intaan labixin 

Markay sugnaato zakada waajibnimadeedu maalka dhexdiisa ee sanad kasoo wareego ama beertii soogo’do markii halkaas lamarayo hadii maalkii dhumo ama dhamaado, zakadii dhamaanteed waxay waajib kutahay qofkii maalka lahaa dushiisa, haduu isagu dayacay ama yuu dayicine waa iskumid saasna waxaa qaba Ibnu Xazmi iyo mad habka Axmad intiisa caankaa (mash huurkaa), taasina waxay kutusinaysaa sidaynu horay kusoo marnay inay zakadu waajib kutahay qofka naftiisa ee maalka aney saarray,

laakiin Abuu Xaniifa wuxuu arkaa hadii maalku dhumo ama dhamaado dhamaantiis waxdayaca oo qofka xagiisa kayimidna aney jirin zakadii waaka dhacaysaa dushiisa, laakiin hadii xagiisa dayacu iy gabood falku kayimaado ee isagu sababta lahaa zakadii waalagu leeyahay, Waxay kaloo qabaan Shaafici, Xasan ibnu saalax,Isxaaq,Abuusowr, iyo Ibnumundir hadii maalkii dhumo intaaney usuuroobin zakada bixinteedii waaka dhacaysaa zakadii dushiisa, hadiise qaarkamida maalkii dhumo qaarkii kalena baaqiyahay waalaga rabaa zakadii, ibnu qudaamana saasuu taageeray,

Zakadii oo dayacantay markii lasoocay

Haduu sooco zakadii si uu usiiyo cidii mutaysatay inlasiiyo oo markaas ay dayacanto kuligeed ama qaarkeed waxaa dushiisaa qofkii hantida lahaa inuu keeno markale sababtoo ah isagaa luquntiisa laga rabaa ilaa uu gaarsiiyo cidii Alle amray inlagaarsiiyo,

Malabixin karaa qiimo udhigma hadii lawaayo noocii zakada,

 Mabanaana in ladhiibo qaymihii nooca nasku tilmaamay ee zakada in lawaayo maahee, sababtoo ah zakadu waacibaado, cibaadona kuma ansaxdo qaabkii sharcigu amray waxan ahayn,

Showkaani wuxuu yiri, sida xaqaa zakada waxa waajiba in lagabixiyo nooca laga zakeynayo laftiisa, loomana bedel qaadan karo qaymeheeda inay taasi suuroobi weydo maahee.

Zakada maalka lawadaago

Haduu yahay maalku midlawadaago ee kadhexeeya labaqof iyo wixii kabadan Kumawaajibayso zakadu midkoodna ilaa midkasta maalkiisu gaaro nisaab kaamil ah waana qowlka culumada intooda badan, laakiin waxaan kujirin maalka halkan looga hadlayo xoolaha nool dadka wadaaga oo ayagu waa isku zakagelayaan hadii laysku darsado xoolo ninkastaa leeyahay wax nisaab kayar, taasna horaan ugasoo hadalay,

Zakadoo laga cararo xukunkeeda

Maaliki, Axmad, Owzaaci, Isxaaq, Abuu cubeydin, waxay ragaasi kutageen in qokii hela maal gaaraya nisaab oo kamida noocyada maalka kuudoonaba hanoqdee haduu iibiyo intaanu sanaddkii dhamaan ama hiheeyo ama dhumiyo qaar kamida maalkii isagoo ulajeeda zako kacararid, zakadii waa lagarabaa waxana laga qaadayaa markii sanadku dhamaado waana haduu sidaas sameeyey markii zakada waajib nimadeedu soo dhowaatey ee sanadka aakhir kiisii kamida, laakiin haduu arinkaas sameeyey sanadka awalkiisii markaas zakadu kuma waajibayso sababtoo ah looma qaadan karo zako kacararid taas,

waxayna daliishadeen Suuratul qalam Aayadaha 17 ilaa 20aad waxayna kahadlaysaa qoladii kudhaaratay inuusan beertooda soogelin miskiin, saas awgeed Allaa kuciqaabay inay waayaan beertoodii meelay kutiil, waxayna kumutaysteen kacararid sadaqo masaakiin lasiiyo,

laakiin Shaafici iyo Abuu Xaniifa waxay dheheen marhadii maalkii nuqsaani kudhacday sanadkii oo an weli taam noqon (buuxsamin) zakadii waaka dhacaysaa dushiisa, wuxuuse noqonayaa qofkii saas sameeyey isagoo kacararayey zako qof denbaabey ee Alle kucaasiyey.

Cidda Zakada lasiinayo

Dadka zakad lasiinayaa waa sideed nooc, Allaah ayaan kucadeeyey qowlkiisa. Suuratu towba aayada 60aad, waxayna kalayihiin sidan soosocota labadan qolo ee uguhoreeya waa:

1-2 Fuqarada iyo masaakiinta,

waana kuwo baahan oo an heli karin waxkufilan baahidooda, waxaana kasoo horjeeda aqniyada oo ah dadka hodonkaa ama maalqabeen, kuwaasna horaan ugasoo hadallay qadarka qofku kunoqon karo qani ama maal qabeen, waana inuu haysto qadarkii nisaabka hanti gaadha islamarkaana kasaayida baahidiisa asalkaa isaga iyo caruurtiisa, waana waxlacuno, waxlacabo, dharka laxiranayo, guriga degaanka, gaadiidka laraaco, qalabka shaqada, iyo wixii lamida ee anlaga maarmi karin, hadaba qofkasta oo waaya qaddarkaas ansoo sheegnay waa faqiir ama sabool wuxuna mutaysanayaa inlasiiyo zakada,

Xadiiskii Mucaad ibnu jebel waxaa kamidahaa inuu rasuulku nabadgelyo iyo naxariisi korkiisa hanoqotee yiri (waxa laga qaadayaa kuwooda hodonkaa, waxana lagu celinayaa kuwooda saboolkaa)

Hadaba kan laga qaadayaa waakan maalqabeenkaa ee haysta maal gaaraya nisaab sidaan soo marnay, kanlagu celinayaana waakan isaga kasoo horjeeda waana kan saboolkaa ee anheli karin waxa uu haysto kan hodonka ahi, manajiro halkaan waxfarqiya oo udhexeeya faqiirka iyo miskiinka markii loo fiirsho xaga baahida iyo xaga mutaysiga zakada, masaakiintu waa qayb kamida fuqarada waxayna leeyihiin tilmaan gaara waxana jira xadiis ayku sugantahay wax kutusinaya inay masaakiintu yihiin fuqarada, kuwaasoo kadhawr sanaya tuugsiga dadkuna aney garanayn inay baahan yihiin waxaana lagu sheegay aayaddaan soo xusnay, sababtoo ah waxaa laga yaabaa inaan lagaran siday udhawrsoon yihiin ama isu qurxinayaan,

Abii hureera waxaa laga weriyey inuu rasuulkii Alle nabad gelyo iyo naxariisi korkiisa hanoqotee yiri (miskiinku maaha midka dadka kuwareegaya dushooda oo ay celinayso luqmad ama laba luqmadood, ama timir ama laba timrood, laakiin miskiinku waakaan heli karin qani nimo deeqda, lana garanayn (1) siwaxloogu sadaqaysto dushiisa, isuna taagayn suu dadka wax uweydiisto) waxa weryey bukhaari iyo muslim,

Ereybixin,
1-macnaa dadku magaranayaan inuu baahan yahay oo waxay arkaan dhawrsoo naantiisa iyo xishoodkiida.

Qiyaasta lagasiinayo miskiinka zakada,

Waxaa lasiinayaa wax kufilan baahidiisa dhexdhexaadkaa ama qadar kasaara sabool nimada oo gaarsiiya wax kufilan, Cumar Ibnu khaddaab ayaa waxa laga weriyaa inuu yiri hadaad bixinaysaan hodonti nimo gaarsiiya, macnaa qofkii waxdhii bayaa hagaarsiiyo qofkuu waxsiinayo heer uu baahida kaboxo

Mulkiilaha aan heli karin wax kufilan baahidiisa,

Ninka haysta maal gaaraya nisaab noocyada maalka kuudoonoba hanoqdee, haduusan toosin karin baahidiisa sababtuna ay tahay caruurtiisoo farabadan, kaasi waa hodon hadii loofiiriyo dhanka maalka oo nisaab gaaraya, waxana kuwaajibaysa maalkiisa zako,waana faqiir hadii loofiiriyo waxa uu haysto ee ankufilayn baahidiisa, waxana lasiinayaa zakada sida faqiirka,

Imaamu nawawi wuxuu yiri ninkii leh hanti maguurtaa (sida beeraha iyo guryaha magaalo) oo waxa kasoo galaa kayaraado baahidiisa kaasi waa sabool waxaana lagasiinayaa zakada wax udhamays tira baahidiisa.

3 -- Dadka zakada kashaqeeya (caamiliin)

qaybta sadexaad ee lasoo dhowaynayo waakuwa imaamka muslimiintu ama wakiil kiisu udiray inay kashaqeeyaan zakada soo ururinteeda, kanasoo qaadaan dadka maal qabeenkaa, waxaana kuwaas soogelaya kuwa xafidaya iyo kuwa raacaya haday xoolanool yihiin, iyo kuwa liisgaraynaya oo kuqoraya diiwaanada,

waxaana waajiba inay muslimiinta kamid yihiin waana inayan ahayn kuwii sadaqadu kaxaaraam sanayd ee kamida xigtada ama qaraabada rasuulka nabad gelyo iyo naxariisi korkiisa hanoqotee, waana Ilma haashim iyo Ilma cabdi mudalib,

waxa lagaweriyey Mudalib Ibnu Rabiicata iyo Fadli ibnu cabaas inay aadeen Rasuulka nabad gelyo iyo naxariisi korkiisa hanoqotee,markaasaa waxaa lahadlay midkood oo yiri; rasuulkii Allow waxaanu kuugu nimid inaad noo amarto zakooyinkaan oo uu nagasoo gaaro waxa dadka kasoo gaaraya ee waxtar ah, markaasuu yiri (sadaqadu umahaboona Muxamad iyo Aalu muxamad, waxkalena maahee ayadu waa wasahkdii dadka)

4 --- kuwa quluub tooda lasoo dumayo,(mu alafatulquluub)

Qolada afraad ee zakada lasiinayo waakoox ladoonayo inlasoo dhoweeyo quluubtooda iyo inlagusoo daro islaamka ama lagusugo islaamka dushiisa, Islaam nimadooda oo daciifa awgeed, ama waakoox shartooda looga difaacayo mislimiinta, fuqahadu waxay ukalaqaadeen muslimiin iyo gaalo, Sigaarana muslimiinta waxay ukalasaareen afar qaybood,

  1. -qolada kowaad waa odayaasha iyo duqeyda muslimiinta ah sida kuwii Abuu bakar Allaha karaali nodee siiyey, waxaana kamid ahaa cadiyi ibnu xaatim iyo zibriqaan ibnu badrin, waxayna ahaayeen kuwo islaamkoodu fiicnaa wuxuna usiiyey booskay kajoogaan qoladooda,

     

  2. -qolada labaad waa muslimiinta iimaankoodu daciifka yahay duqeydooda, cidda dhexdeedana la adeecsan yahay waxsiintoodana lagu rajeynayo inay kusugnaadaan islaamka, iimaan kooduna xoogaysto, sida kuwii nabigu siiyey nabad gelyo iyo naxariisi korkiisa hanoqotee siismo balaaran kasiiyey qanimooyinkii hawaasin lagahelay, waxana kami ahaa ragii layska daayey ee reer maka markii lafurtay kuwaasoo markii dambe islaamay, waxaana kamid ahaa ku munaafiqa iyo ku iimaankiisu daciifyahay intoodii badnaydna markaas kadib way kusugnaadeen islaamka,

     

  3. -qolada sadexaad waa kuwalasoo dhoweynayo ee qolo muslimiinta furinta xuduuda magalooyinka cadowga jooga kamida, waxaana loosiinayaa difaacooda muslimiinta ay kadifaacayaan goortay soo weeraraan cadowgu,

     

  4. -qolada afraad ee muslimiinta katirsani waa duqey loobaahan yahay inay zakada kasoo qaadaan dad anbixinayn amarkooda iyo saamaayntooda la aantii, hadii ankuwaas loo adeegasan waxay noqonaysaa indagaal iyo xoog lagu qaado markaasna waxaa dhici kara dhibaato, saas awgeed ayaa ladoortay inlasoo dhoweeyo odayaasha si ay ugarab istaagaan kaalmada dawladda, taasaana labada dhib fudud,

Gaaladiina waxaa lookala qaaday laba qaybood oo kala ah sidan,

 

  1. -waxa kamida midlaga rajeynayo soodhoweyn taas iyo waxsiintaas inuu islaamo, sidii safwaan ibnu ubayata, kaasoo nabigu nabad gelyo iyo naxariisi korkiisa hanoqotee uu siiyey amaan (nabadgelyo) maalintii maka lafurtay wuxuuna usugey (ukaadsadey) afar bilood si uu amarkiisa ugafiirsado naftiisana wax udoorto wuxuuna siiyey geel fara badan oo rimman, markaasuu yiri Allaan kudhaar taye nabigu waa Isiiyey asagoo an dadka ugu nebcahay kamana suulin inuu isiinayo ilaa uu Noqday kaan dadka ugujeclahay,

     

  2. -qolada labaad ee gaaladu waa kanlaga cabsanayo shartiisa siisma diisana lagarajey naayo inuu dhibtiisa reebto,(gaabsado) Ibnu cabaas wuxuu yiri dadku waxay ahaayeen kuwo uyimaada nabiga nabadgelyo iyo naxariisi korkiisa hanoqotee, markaas haduu siiyo waxay amaani jireen islaamka waxayna oran jireen tani waadiin wanaagsan hadii loodiidana wey caayayeen waana ceebaynayeen, waxaana kamid ahaa ragaas abuu Sufyaan ibnu xarbi, Aqrac ibnu xaabisin, Cuyeynata ibnu xisnin, midkastoo kamida wuxuu siiyey nabigu nabadgelyo iyo naxariisi korkiisa hanoqotee boqol geela.

    Axmad iyo muslim waxay anas kawerinayaan inuu yiri anas, nabigu nabadgelyo iyo naxariisi korkiisa hanoqotee, hadii laguweydiisto islaamka shey waa bixin jirey, waxaa uyimid nin markaasuu weydiistay markaasuu wuxuu amray inlasiiyo ari farabadan ee daaqaya laba buurood dhexdood ee kamida xoolihii zakada, markaasuu kulaabtay qoladiisii oo kuyiri war qoom yohow islaamka qaata, Muxamad wuxuu bixinayaa bixin nimaan faqri kabaqayn oo kale.

5 - Adoomaha xorayntooda, (wafiriqaabi)

waxaa lagu jamcinayaa halkaan labanooc oo adoomuhu ukala baxaan, waxayna kalayihiin kuwo lakitaabeeyey-macnaa waxa seyidkii lahaa kula heshiiyey haduu keeno lacagta uu kula heshiiyey inuu xornoqon doono markuu keeno lacagtaas.

Kankalena waa mid lahaysto oo hadii lagasoo gado cida adoonsanaysa markaasna laxoreeyo saasna uu markaas kaga boxo adoonimadii, Labadaas qoloba waxaa lagu xorayn karaa zakada sideeda qaybood qayb kamida, kanlagu xiray inuu keeno lacag markaasna xoroobo waxa loogu kaalmaynayaa zakada siduu ugabixi lahaa adoonimada,waxaa kaloo zakada lagusoo gadayaa kuwakale oo la adoonsanayo markaasna waa laxoraynayaa.

6-kuwa deymoobey (Alqaarimuuna)

qoladan lixaad ee zakada lasiinayaa waa kuwo deymoobey, karina waayey inay iskadhiibaan deynta, waxayna ukala qaybsamaan sidan, mid deyngalay ama damaano qaaday deyn inuu cidkale kadhiibayo ee markaas isaga lagarabo, siduu kubixin lahaana maalkiisii kudhameeyey, kuwaasoodhan waxay kaqaadanayaan zakada deymohooda,

qubeysata ibnu mukhaariqin alhilaaliyi waxa lagaweriyey inuu yiri waxaan qaaday deyn an dad dhexdood kukala xalinayo saan dhibaato udhicin markaas ayaan waxan utegey rasuulkii Alle nabad gelyo iyo naxariisi korkiisa hanoqotee, anigoo waxwarsanaya, markaasuu yiri (joog ilaasadaqo nooga timaado oo markaas ankuu amarno sadaqadaas) rasuulku nabadgelyo iyo naxariisi korkiisa hanoqotee, markaasuu sida laweriyey hadana yiri: (qubeysow baryadu xalaal uma aha sadex midkood waxan ahayn, nin xamaala qaaday oo markaas ay uxalaal noqotay baryadii ilaa uuhelo markaana uu kajoogsado)

culimadu waxay dheheen xumaaladu waa wixii qofku qaado ee kulaasimaysa naftiisa inuu bixiyo asagoo kukala xalinaya dad is haysta dhexdooda. Carabtu waxay ahaayeen markii dhexdooda fidno kadhacdo qofkood ayaa isutaagi jirey suu ugahortago dhibkaas isagoo kudhiibaya maal wuxuu helikaro, ilaa fidnadaasi kadegto, waxayna ahaayeen kuwo markay ogaadaan in midkood qaaday deyn uu dadkukala saarayo waxay uladegdegi jireen inay kucaawiyaan oo aysiiyaan wax naftiisu deynta kaga baxdo, haduu ninku arinkaas dartii wax uwarsado dadka kuma ceebaynjirin, laakiin waxay u arkayeen faan iyo raganimo, shardina maaha qofkii galay maslaxadaas oo kale inuu maalkiisu dhamaado laakiin isagoo heli kara hanti gaadha waxa uu galay ayuu hadana zakada kaqaadan karaa wuxuu kukala maslaxayo dadka dhexdooda iyo dhibaato laysku dhici lahaa daminteed.

7- Jidka Alle (Fii sabiilillaahi)

Jamhuurat culumadu waxay mareen inlooga jeedo halkaan duulaanka lagu duulayo jidka Alle oo ah Jihaadka,iyo in saamigan lasiinayo kuwa udiyaarkaa duulaanka jihaadka, kuwaasoo an mushahara kulahayn dawlada, kuwaas noocaas ah ayaa lasiinayaa saamiga 7aad ee zakada kamida, farqina makala laha inay hodon yihiin iyo inay sabool yihiin.

8 - Musaafirka (Ibnu sabiil)

Culumadu waxay isku waafaqeen nin musaafir beledkiisii ama magaaladiisii kago’ay ama kabaxay lasiinayo zakada wuxuu kugaaro dantiisa ama ujeedadiisa,waana hadii aaney usahlanayn wax maalkiisii kamida inuu helikaro sida xawaalada oo kale,waxaana loosiinayaa ayadoo loofiirinayo faqrigiisan kuyimid ama kudhacay, waxayna culumadu ushardiyeen ama kuxireen inuu musaafirka safarkiisu yahay daaco(mid sharcigu amray inloo safro) Ama waa inuusan ahayn macsiyo (mid denbi lagala kulmaayo oo sharcigu reebay inloo safro)

Culumadu waxay isku khilaafeen safarka mubaaxa ah (iska banaan) malasii nayaa zakada ?

Shaaficiyadu waxay ukala qaadeen musaafirka labo qaybood,

  1. - mid kabilaabaya safarkiisa magaaladuu kunegaa ama kusugnaa haduu doono wadankiisaba hanoqdee,

     

  2. - iyo musaafir qariiba oo kategey magaaladiisii, waxay dheheen labaduba xaqbay uleeyihiin in zakada wax lagasiiyo, xataa hadii lahelo qof amaah ama deyn siinaya, isaguna uu kahelayo magaaladiisii hanti uu isaga bixin karo deyntaas.

Maaliki iyo Axmad waxay qabaan musaafirka mutaystay zakada in lasiiyo waa midka safarka kudhexjira ee socdaalka ah, laakiin kan bilaabaya lamasiin karo. Waxay kaloo qabaan inaan lasiinayn zakada qofka heli kara cid siinaysa amaah ama deyn isagoo heli kara hanti utaal magaaladiisa taasoo deynta uu isaga bixin kar, laakiin haduusan heli karin cid amaah siisa ama aanu haysan hanti kadambaysa oo deyntaas kabixin karta markaas waa lasiinayaa zakada.

Zakada oo loo qaybiyo dhamaan cida mutaysatay ama qaar kamida 

Noocyaasha sideedaa ee zakada mutaystay inlasiiyo ee aayadda lagu sheegay Fuqahadu waa isku khilaafeen sidii loogu qaybin lahaa sakada,

Shaafici iyo ragiisu waxay dheheen haduu kan zakada qaybinayaa yahay kii maalka iskalahaa ama wakiilkiisii waxa meesha kabaxaya halnooc oo ah caamiliin ama kuwii kashaqay nayey zakada, waxaana markaas waajibaya inloo qaybiyo todobada soo hartay ee sinfi ama nooc kaad tiraahdaba, haday yihiin kuwa laheli karo, hadii kalena intii laheli karo ayaa lasiinayaa ee nooc yadaas kamida, mana haboona in nooc kamida lagatago isagoo jooga ama lahelayo, haduu katago waxa laga rabaa inuu bixiyo qaybtoodii.

Ibraahimu nakhaci wuxuu yiri haduu maalku badan yahay oo wada gaari karo noocyadaas sideedaa oodhan wuu uqaybinayaa, haduuse yaryahay maalku waxa banaan inuu siiyo halqolo ama nooc kamida kuwa mutaystay zakada in lasiiyo.

Axmad ibnu xanbali wuxu yiri, inuu wadagaarsiiyo ayaa mudnaan badan, haduuse qolo kamida siiyo waaka gudaysaa zakadii oo maburayso. Maaliki wuxu yiri, wuuku dadaalayaa ama hakudadaalo inuu siiyo hadba qolada ugu baahi badan, haduu arko qolada fuqaradaayi inay baahi badan yihiin sanadkan ayaguu kuhor marinayaa, haduu arko sanadka danbe musaafiriintu inaybaahi badanyihiin ayaguu uwareejinayaa inuusiiyo,zakada.

Xanafiyada iyo Sufyaanu sowri waxay dheheen isagaa khiyaar uleh kan zakada dhiibayaa oo wuxuu siin karaa sideeda nooc kuudoono. Intaasoo waji ayaa fuqahadu kala mareen sida sawaabkaana Alle ayaa og.

Dadka zakadu xaaraam katahay,

Waxaanu horay kusoo sheegnay meelaha zakada lagubixinayo, iyo cida xaquyeelatay inlasiiyo, waxaa hadaba inooharay inaan xusno dadaan zakadu xalaal u ahayn oo anmutaysan in lasiiyo, waxayna kalayihiin sidan,

  • -1 qolada kowaad waa kufaarta ama gaalada, saasina waa siday isku waafaqday kelimada fuqahadu, inaan gaalada lasiin karin zakada, waxana loodaliishan xadiiskaan horay kusoo marnay waxa kamid ahaa, (waxaa lagaqaa dayaa kuwooda maalqabeenkaa, waxaana lagucelinayaa kuwooda saboolkaa)

    qasadka loogajeedo maalqabeenada iyo fuqarada muslimiinta waa cidii iyaga kasoo hadha lamasiinkaro zakada, Ibnu mundiri wuxuu yiri, cidkatoo ahlucilmiga kamida, kuwaasoo aanu waxkaxifdinay waxay iskuraaceen inaan gaalka balanta kujira zakada lasiinkarin, waxana lagasoo reebay kuwa quluubtooda lasoodumayo sidaanu horay kusoomarray (mu’alafatul quluub).

     

  • -2 qolada labaad ee zakadu kaxaaraam tahay waa Banuu Haashim: waana ahlu Cali ibnu abii daalib, ahlu Caqiil, ahlu Jacfar, ahlu Cabaas, ahlu Xaaris.

    Ibnu Qudaama wuxu yiri, garanmeyno wax khilaafa oo kajira inaan zakadu xalaal u ahayn Banuu Haashim, waxana taas daliil u ah,xadiiska rasuulka nabadgelyo iyo naxariisi korkiisa hanoqotee,wuxu yiri: (sadaqadu umabanaana ahalka Muxamad, waxkalena maaha ee waa wasakhdii dadka) waxa weriyey Muslim,

    Abuuhureyra waxa lagaweriyey inu yiri, Xasan Ibnu cali ibnu abiidaalib ayaa qaatay xabad timira oo kamida sadaqaadkii, markaas ayuu Nabigu nabadgelyo iyo naxariisi korkiisa hanoqotee, kuyiri: isagoo adeegsanaya kelimad uu kagadhicinayo(kakh kakh, miyaadan ogayn inaanaan cunin sadaqada) waxa weriyey Bukhaari iyo Muslim.

    Culumadu waxay isku khilaafeen Banii mudalib in zakadu ubanaan tahay iyo inay kaxaaraam tahay, Shaafici wuxu qabaa inayan waxba zakada kaqaadan karin sida reer banii Haashim oo kale.

     

  • 3-4, qolada sadexaad iyo afraad ee zakadu aney ubanaanayn waa Aabayaasha iyo wiilashaada, Aabayaasha lasheegayaa waa Aabahaa iyo Aabayaashii uu kasoo farcamay, wiilashaada lasheegayaana waa kuwaad adigu dhashay iyo kuway siidhaleen,

    Fuqahada diintu waxay isku waafeqeen inayan ubanaanayn zakada inlasiiyo Aabyaasha iyo Awoowa yaasha, Hooyooyinka iyo Ayeeyooyinka, wiilashaad dhashay iyo kuway siidhaleen, gabdhahaad dhashay iyo kuway siidhaleen, sababtoo ah qofka zakada bixinaya waxa dushiisa kuwaajiba inuu nafaqeeyo Aabihiis iyo wixii kakoreeya ee Awoowayaal ah, wiilashiisa iyo wixii kafarcamay, hadii ayfuqaro ama sabuul yihiin waxay maalqabeen kuyihiin qofkan zakada bixinaya ee masuuliyadoodu saarantahay maalqabeen nimadiisa, hadii zakada uu siiyo kuwaas aynu soosheegnay naftiisa ayuu nafci usoojiidey oo zakadii larabey inuusiiyo dadkale ayuu kusoo celiyey ciduu quudinayey, xaaladaas aynu kasoo hadalay waamarkey yihiin faqiir ama sabool, laakiin hadey soogalaan baabkale sida inay kujiraan duulaan lagudagaa lamayo jidka Alle, markaas waalasiin karaa zakada sida hadii ay deyngalaan iyo hadii ay kujiraan kuwa zakada kashaqaynaya, arimahaas ama sifaadkaad oo dhami waakuwo ubanaynaya zakada inay kaqayb qaataan.

     

  • 5- qolada shanaad ee zakadu aney ubanaanayn waa ninka zakada bixinaya xaaskiisa,

    Ibnu Mundiri wuxu yiri Ahlu cilmigu waxay isku raaceen inaanu ninku xaaskiisa zakada siinkarin, sababtuna waa masruuf keeda oo waajib dushiisa lagarabo ah, umana baahna oo hodon ayey katay inay qaadato zakada, laakiin hadey tahay midqabta deyn wuxuu siinkaraa saamigii ama qaybtii kuwa deyntagalay sey isaga bixiso deynta laguleeyahay.

    Ninka haweentiisu hadey haysato maal zako kawaajibtey waxay siinkadhaa ninkeeda zakada haduu kamid yahay kuwii mutaystay zakada in lasiiyo, sababtoo ah masruuf kiisu masaara nafteeda, waxaana uhaboon isaga siintiisa kanahaboon inay siiso mid ajnebiya, Allaah ayaa u cilmileh, waxaa loodalii shadaa xadiiska uu werinayo Abii Saciid Alkhudriyi Allaha karaali noqdee inu yiri, Zeynaba oo ahayd xaaskii Ibnu Mascuud ayaa tiri Nabi Allow waxaad amartay maanta sadaqo, waxaana iiyaal waxa laysku qurxiyo (dahab ama fiddo) waxaan damcay inaan sadaqaysto, Ibnu Mascuudna wuxuu sheegayaa isaga iyo caruurtiisu inay uxaqleeyihiin in lagu sadaqaysto, markaasuu Nabigu nabadgelyo iyo naxariisi korkiisa hanoqotee, wuxu yiri: (runbuu sheegay Ibnu Mascuud, ninkaaga iyo ciyaalkaaga ayaa uxaq mudan cidaad kusada qaysato) waxa weriyey Bukhaari.

Qofka maalqabeenkaa maku badbaadi karaa dhiibid zakada loodhiibo madaxweynaha ama imaamka muslimiinta,

Hadii muslimiintu leeyihiin madaxweyne kudhaqmaya diinta Islaamka waxa banaan zakada in loodhiibo, caadil ama jaa’ir kuudoono hanoqdee, waxayna kubadbaadeysaa hantiilaha naftiisu dhiibidaas uu udhiibey Imaamka, laakiin haduu yahay midaan kubixinayn zakada meelihii loogu talagalay markaas waxaa wanaagsan oo ufadli badan inuu isagu uqaybiyo cidii mutaysatay, laakiin hadii Imaamku ama shaqaale uu soodiray yiraahdo keen zakada markaas inuu dhiibo ayaa lagarabaa,

Daliilkuna waa xadiiska lagaweriyey Anas inuu yiri, nin reer baniitamiim ah ayaa uyimi Rasuulka nabadgelyo iyo naxariisi korkiisa hanoqotee, markaas ayuu ninkii yiri rasuulkii Allow mawaxa igufilan inaan zakada udhiibo ninkaad soodirtay oo keliya miyaa naftaydu kubadbaadi kadhaa? Markaasuu Rasuulku nabadgelyo iyo naxariisi korkiisa hanoqotee,wuxu yiri:

(Haa hadaad udhiibto zakada kiilasoodiray (1) waad kabari noqotay zakadii, waxadna leedahay ajarkeeda, denbigeedana waxaa iskaleh qofkii bedela (2) waxa weriyey Axmad,

{baraarujin}

dhamaan axaadiithta aan ku keenay meeshan gudaheeda ama dhexdeeda waxaan baraarujinayaanin laga heli karo qaar aan aad u quwad badnayn laakiin culimadu ay ixtijaajeen ama daliishadeen sidaa haloola socdo insha allaah maqaalada kalena waan sii wadaynaa insha allaah

wabillaahi tawfii

wasalaamu calaykum waraxmatullaahi wabarakatuh

 

 Qore: Shiikh Sakariye Asalafi Alathari

 


 

 

 


Web Hosting · Blog · Guestbooks · Message Forums · Mailing Lists
Easiest Website Builder ever! · Build your own toolbar · Free Talking Character · Email Marketing
powered by a free webtools company bravenet.com