|
|
|
|
|
ÒßÑíÇ Úáí ÏíÑíÉ ÇáÓáÝí ÃÈæ íÍíì
ÇáÃËÑí ÍÝÙå Çááå æËÈÊå Úáì ÇáÍÞ
|



![]()
Hordhac
Waxaan hadii Allaha awooda sare lihi ogolaado halkaan kudiyaari nayaa Maqaal kusaabsan zakada, taasoo an ugu talagalay cidii doonaysa inay afkooda Hooyo ugaciil baxaan mawduucan maadaam oo ay jiraan dadbadan oo luqada Carabiga an fahmikarin hadana ubaahan inay gutaan waajibaadka Alle saaray dushooda, saas awgeed waxaan Alle karajeynayaa inuu noqdo maqaalkani mid Faa'iido badan utara walaalaha muslimiintaa ee doonaya inay kafaa'iidaystaan.
Qeexidda Zakada
Zakada qeexideedu waa waxa uu bixiyo qofku ee kamida xaqa Alle, Lanasiiyo dadka saboolkaa, waana tiir kamida tiirarka Islaamka ee shanta ah, Waxana lagu xariiriyey sheegitaankeeda salaadda 82 aayadood, sideetan iyo labada meelood markastoo lasheego salaadda waxaa laraaciyaa zakada, Wuxuu Alle kufarad yeelay kitaabkiisa iyo sunada rasuulka nabadgelyo iyo naxariisi korkiisa hanoqotee, Ummadiisuna waa isku waafaqday.
Ibnu cabaas waxa lagaweriyey asaga iyo aabihiisba Allaha karaali noqdee Inuu nabigu nabadgelyo iyo naxariisi korkiisa hanoqotee markuu mucaad ibnu jebel udiray yaman wuxuu kuyiri (waxaad utegeysaa qolo ahlu kitaab ah ee waxaad uguyeertaa shahaadada inaanu Alle maahee ilaah kale jirin iyo inaan ahay rasuulkii Alle, haday kaayeelaan arinkaas ogeysii in Allaha cisada lihi kufarad yeelay dushooda shan salaadood maalin iyo habeen kasta, Hadey kaayeelaan arinkaas ogeysii in Alle kor ahaaye kufarad yeelay korkooda sadaqo maalkooda dhexdiisaa lagana qaadayo kuwooda maal qabeenkaa laguna celinayo kuwooda saboolkaa, haday kaayeelaan arinkaas waxaan ukala digayaa adiga iyo maalkooda midka karaamada badan, kanabaq kanladulmiyey ducadiisa wax xijaaba oo udhexeeyaa majiraan Alle iyo ducadiisa)
Nusuusta Zakada
Zakada nusuusta boorinaysa in labixiyo,waxaa kamida ,
1-Suuratul towbah ----Aayadda----103—104
2-Suuratul daariyaat---Aayadda------015-019
3-Suuratul xaj --------Aayadda-------041
4-Suuratul towbah -----Aayadda------081
5-Suuratul baqarah-----Aayadda------276
Nusuusta cabsi gelinaysa zakada oo ladiido waxaa kamida,
1-Suuratul towbah------Aayadda -----034
2-Suuratul Alcimraan----Aayadda------180
xaga axaadiista waxaa kamida xadiiskii dheeraa waana sidan,
Abuu hureera wuxuu werinayaa xadiis kusugan Axmed, Bukhaari iyo Muslim inuu rasuulku nababad gelyo iyo naxariisi korkiisa hanoqotee yiri, (majiro nin haysta kayd oo ankagudin zakada illaa haduujiro waxa lagusoo kululaynayaa naarta jahannama dhexdeeda waxaana lagayeelaa gaballo markaasaa lagu gubaa gabaladii dhinacyadiisa iyo wajigiisa ilaa Alle kala xukumayo adoomihiisa dhexdooda maalin qiyaaskeedu yahay konton kun oo sano markaasaa latusiyaa jidkiisa inuu xaga jannada yahay ama inuu xaga naarta yahay, majiro qof geel haysta oo anka gudin zakada illaa haduu jiro waxaa loofidiyaa banaan siman asagoo geelii markuu ugubuurnaa lamida ayuu kusoconayaa dushiisa markastoo ay dushiisa dhaafto tan ugudanbaysa waxaa lasoo celinayaa tii uguhoraysay ilaa Alle kala xukumo adoomihiisa dhexdooda maalin qiyaaskeedu yahay konton kun oo sano markaasaa latusiyaa jidkiisa inuu xaga jannada yahay ama inuu xaga naarta yahay, majiro qof ari haysta oo ankagudin zakada illaa haduujiro waxaa loofidiyaa banaan siman arigii oo markuu ugubuurnaa lamida waxay kulasoconaysaa cidiya heeda waxayna kudooxaysaa geesa heeda kumana jiraan mid geeslaaban iyo mid an geeso lahayn markastoo ay dushiisa dhaafto tan ugudanbaysa waxaa lasoo celinayaa tii ugu horaysay ilaa Alle kala xukumo adoomihiisa dhexdooda maalin qiyaaskeedu yahay konton kun oo sano lamida kuwaad tirsanaysaan markaasaa latusiyaa jidkiisa inuu xaga jannada yahay ama inuu xaga naarta yahay)-ilaa aakhiral xadiis.
{Zakada oo ladiido xukumkeeda }
Haduu diido qofku zakada waajib nimadee-da wuuka baxayaa islaamka, Waxana loodilayaa gaalnimo haduusan ahayn nin dhowaan soo islaamay oo markaas waxa loogu cudur daarayaa jaahil nimadiisa, laakiin haduu diido qofku zakada isagoo aaminsan waajib inay tahay zakadu, kaasi wuu denbaabayaa diidmadiisa darteed laakin kama baxayo islaamka, Waxana xaakimka ama qaadiga dushiisa ah inuu xoog kagaqaado zakada tacsiirna(ganaax) kusameeyo, kamana qaadayo wax kabadan zakada, Laakiin Axmad iyo Shaafici qowlka hore waxay qabaan in lagaqaado zakada iyo maalkiisa barkiis taasoo ciqaab looga dhigayo.
Hadii qabiilo ama qolo awood leh ay diidaan zakada bixinteeda ayagoo rumaysan inay tahay waajib waalala dagaalamayaa ilaa ay dhiibaan zakada, Daliilkuna waa xadiiska kusugan Bukhaari iyo Muslim, Cabdullaahi ibnu Cumar isaga iyo aabiniis Allaha karaali noqdee wuxuu werinayaa inuu nabigu nabad gelyo iyo naxariisi korkiisa hanoqotee yiri:
(waxalay amray inaan dadka ladagaalamo ilaa ay qiraan Alle maahee inaanu jirin Ilaah kale, Muxamad na inuu yahay rasuulkii Alle, salaadana ay oogaan
(1), zakadana ay bixiyaan, hadey sidaas yeelaan waxay iga nabad geliyeen dhiigooda iyo maalkooda xaqa islaamka mooyee (2), xisaab tooduna waxay utaal Allaah.){Yaa zakadu kuwaajibtey }
Waxay kuwaajibtay muslim (gaal maya) xor ah (adoon maya) oo haysta maal zaka gaarey (nisaab) noockasta hanoqdo ee noocyada maalka oo zakadu kuwaajibto.
Shuruuda nisaabka(ama zaka goyska)
1- Waa inuu ahaadaa zakadu wax kasaa ida qofka xaajadiisa, taasoo anu kamaarmi karin qofku, sida contadiisa, dharkiisa, gurigiisa, gaarigiisa ama gaadiidka uu raacayo markuu meelrabo inuu aado, iyo qalabka shaqada,
2- Waa inuu kasoo wareego sanad (12 bilood) lagasoo bilaabo maalintuu gacanta kudhiay maalkaas gaaraya nisaabka, waana lagama maarmaan sanadkoodhan inuu maalku kaamil yahay ee waxnusqaana aney kudhicin, haduuse nusqaamo sanadka dhexdiisa hadana kaamil noqdo marlabaad waxaloo fiirinayaa markuu kaamil noqday oo markaas ayaa lagasoo bilaabayaa tira sanadeedka.
Imaamu Nawawi wuxu yiri mad habkayaga, mad habka Maaliki, mad habka Axmad, iyo jamhuurta culimada waxay qabaan in looshardiyo maalka zakadu kawaajibto cayntiisa sida dahabka, fiddada,iyo xoolaha soofa, inuu joogto yahay nisaabku sanadka dhamaantiis, hadiise nisaabkii nusqaani kudhacdo daqiiqad sanadka kamida,markaas waxa go’ aya tirsigii sanadka ee lootirinaayey maalka, haduu markaas kabacdi kaamil noqdo maalkii markaas ayaa tirsi horle loobilaabayaa.
Abuu xaniifa wuxu yiri: waxa kaliya oo lafiirinayaa sanadka awalkiisa iyo aakhirkiisa oo hadii nisaabkii kaamil yahay markuu sanadku dhamaado wax dhiba malaha nusqaanta kudhacday sanadka dhexdiisa, wuxu yiri xataa haduu qofku haystay laba boqol oo dirham markaasna ayka baaba aan haldirham mooyee intiikale, ama afartan ariya ayuu lahaa markaasaa waxa ugasoo haray halneef oo kaliya sanadka dhexdiisii,markaasuu dhamaadkii sanadka wuxu helay afartankii iyo wax kasiibadan waxa lagarabaa zakada maalkaas oodhan.
Maalka zakada lagadhiibaa waa laba qaybood
1- Mid waanooc naf ahaantiisa u kordha sida xabuubka (bariiska iyo masangada iyo wixii lamid ah) simaarta (miraha sida timirta cinabka iyo wixii lamid ah), noocaas waxay zakadu kuwaajibtaa markii lagoosto ee gacanta lagudhigo wixii beeraha kasoo go ay,
2- Qaybta labaad waa wixii qaabganacsi loodiyaariyo inay kordhaan sida Dirhamka, Diinaarka, Hantida ganacsiga(curuudul tijaarah) iyo xoolaha soodaaqa cawska banaanka, kuwaasna waxa loofiiirinayaa sanad inuu kasoo wareego, markaas ayaa lagadhiibayaa zakada, saasna waxa yiri fuqahada dhamaantood, waxaad kaheli kadhaa Majmuuca uu leeyahay imaamul Nawawi.
Zakada maalka ilmaha yar
Qofka yar iyo kanwaalan zakadoodu waxay kuwaajibaysaa inuu kabixiyo maalkooda haduu gaaro nisaab qofka weligooda ama masuuliyadooda haya.
Qofka deynka qaba
Qofkii haysta maal zako kawaajibtey islamarkaana deyn qaba wuxu kabixinayaa deynta, intasoo hadhay ayuu kazakeynayaa haduu gaaro nisaab hadiise nisaabkii nusqaamo wax zakaa dushiisa lagumalaha sababtoo ah xaaladaas lajoogo waa sabool (faqiir)
Qofkii dhintay asagoo laguleeyahay zako
Qofka dhintay isagoo dushiisa laguleeyahay zako waxay ku waajibaysaa maalkiisa, waxana lahor marinayaa zakada intaan lasiin dadka deyntakuleh, iyo dadka meydku udardaarmay inmaalka waxlagasiiyo,iyo kuwadhaxalka leh kuwaasoo dhami waxay sugayaan markii zakada lagadhiibo maalka lagadhintay, waxanaloo daliishanayaa xadiiska lagaweriyey ibnu cabaas asaga iyo aabihiisba Allaha karaali noqdee wuxu yiri nin ayaa uyimid rasuulka nabad gelyo iyo naxariisi korkiisa hanoqotee, markaasuu ninkii yiri hooyaday ayaa dhimatay ayadoo laguleeyahay bilsoonkeed ee makagudaa (makasoomaa) Markaasuu yiri rasuulku nabadgelyo iyo naxariisi korkiisa hanoqotee (hadii hooyadaa deyn qabto miyaadan kagudeen?) markaasuu ninkii yiri haa waanka bixinlahaa, markaasuu yiri (deynta Alle ayaa xaqmudan inlagudo) waxa weriyey Bukhaari iyo Muslim.
Shardiga niyada zakada marka labixinayo
Zakadu waa cibaado waxaana loo shardiyaa ansixideeda niyo, niyadaasina waa in qofka zakada bixinayaa u qasdo wajiga Alle, wuxuuna kuraadinayaa zakadaas abaal marinta Alle, wuxuuna kago aaminayaa qalbigiisa inay tahay zakadaasi waajib dushiisa ah, Kitaabka Alle sidakucad suuratul bayinah aayadda –5aad, waxaana kucad in Alle keligiis diinta lookhaalis yeelo (loobarax tiro) oo ancidna waxba lala wadaajin, Waxa kaloo daliil u ah xadiiska kusugan saxiixul bukhaari, rasuulka nabad gelyo iyo naxariisi korkiisa hanoqotee waxa laga weriyey inuu yiri: (Acmaashu waa niyada qofkastaana wuxuu leeyahay wuxuu niyoodo)
Zakada gudashadeedu waa waqtiga ay waajibto,
Waxa waajiba zakada inloo bixiyo sidegdega markay waajibto, waxana xaaraam ah in lagadib dhigo bixinteeda markay waajibto, inay bixinteedu suuroobi weydo maahee oo markaas waxa banaan dibudhigid ilaa ay suurowdo bixinteedu, taasna waxaa daliil u ah xadiiska kusugan Bukhaari iyo Axmad, Cuqbata ibnu xaaris wuxuu yiri:
waxaan latukadey salaad casar Rasuulka nabadgelyo iyo naxariisi korkiisa hanoqotee, markuu salaama naqsaday ayuu ukacay si degdega wuxuuna ugalay qaarkamida xaasaskiisa hadana waasoo baxay markaasuu wuxuu arkay waxa kamuuqda wajiyada saxaabada ee ayla yaabsan yihiin degdegiisa, markaasuu Rasuulku nabad gelyo iyo naxariisi korkiisa hanoqotee wuxu yiri: (waxan xasuustay anoo salaadda kujira tibran (1) ee nooyaal oo waxaan nacay inuuku galabaysto ama kubaryo agtayada markaasaan waxan amray in laqaybiyo)
{Qofka zakada bixinaya oo looduceeyo }
Waxaa sunna ah qofka zakada bixinaya inloo duceeyo marka zakada laga qaadanayo sida kucad kitaabka Alle suuratu towba aayada-103-iyo xadiiska uu werinayo Cabdullaahi ibnu abii owfaa wuxu yiri: markii Rasuulka nabad gelyo iyo naxariisi korkiisa hanoqotee lookeeno zako wuxuu ahaa mid yiraahda ama dhaha (Allow kusalli dushooda )
Cabdullaahi wuxuu kaloo yiri aabahay ayaa ukeenay sadaqo(macnaa zako) Rasuulka nabadgelyo iyo naxariisi korkiisa hanoqotee, markaasuu yiri: (Allow ahalka abii owfaa dushooda kusalli)waxa weriyey Axmad iyo qayrki. Xadiis kale oo uu weriyey waail ibnu xijrin wuxuu kaweriyey Rasuulka nabad gelyo iyo naxariisi korkiisa hanoqotee,nin usoodiray hal geela oo fiican inuu kuyiri: (Allow barakay isaga iyo geeliisaba) Imaamu Shaafici wuxu yiri Waasunno qofka imaamka ah markii lookeeno zako inuu uduceeyo qofka zakada bixinaya kuna yiraahdo- Allaha kaa ajarsiiyo waxaad bixisay, Hanakuu barakeeyo waxaad lahadhay.
Xoolaha
zakadu kawaajibayso
islaamku wuxuu kuwaajib yeelay zako Zakada Dahabka iyo Fiddada
waajibkeedu wuxuu kusoo arooray zakada dahabka iyo fiddada
hadalka Alle- suuratu towba aayadaha 34-35 waana waajib zakadoodu labada,
waana iskumid lacag hadii laga sameeyo inta ladhalaaliyo, hadiilatumo iyo
haduu yahay mid ceeriinba, markuu gaaro qadarka mulkigu oo midkastoo
labadaas kamida nisaab ama zaka goys,kanasoo wareego dushiisa sanad,
mulkigaasuna yahay mid laga saaray deyntii iyo wixii xaajada asaligaa (sida
masaariifta reerka iyo wixii lamida )
Nisaab ama zakagoyska dahabka iyo qaddarka kawaajibaya
waxba laguma laha dahabka ilaa uu gaaro 20 diinaar
haduuse gaaro 20 diinaar kanasoo wareego sanad waxaa laga bixinayaa
nusdiinaar tusaale 20 -:-10 =2 -:- 4=0.5
wixii kasiyaada labaatankana qaacidadaas ayaa lamarinayaa
tusaale kale hadaan bixino 200-:-10=20-:-4=5 / daliilna waxaa u ah xadiiskan
Cali wuxuu kaweriyey rasuulka nabad gelyo iyo naxariisi korkiisa hanoqotee
inuu yiri: (waxba dushaada maaha ilaa ay kuu ahaato labaatan diinaar.hadey
kuu ahaato labaatan diinaar oo kasoo wareegtey sanad waxaa lagu leeyahay
diinaar barkiis,maalna zako laguma laha ilaa uu kasoo wareega sanad) waxaa
weriyey axmad ,abuudaauud,iyo beyhaqi bukhaarina waasaxiix yeelay.
nisaabka ama zakagoyska fiddada iyo qadarka kawaajibaya
fiddada laguma laha waxba ilaa ay gaadho laba boqol oo dirham hadeyse gaadho
laba boqol oo dirham waxaa lagu leeyahay toban meelood meel kamida rubuceed
tusaale 200-:-10=20-:-4=5 wixii kasiyaadana saasaa loo xisaabinayaa,
daliilkuna waa xadiiskan ,Cali wuxuu kaweriyey rasuulka nabadgelyo iyo
naxariisi korkiisa hanoqotee inuu yiri:
(waan idiin cafiyey fardihii iyo addoomihii ee keena
sadaqada lacagta)ilaa aakhiral xadiis waxaa weriyey asxaabu sunan,
Dahab iyo fido malaysu geyn karaa?
qofkii hela waxkayar nisaab ama zakagoys oo dahaba ama
fidda ah uma geyn karo midkood midka kale si ay isugu noqdaan qaddarkii
zakada laga rabey maxaayeelay waa kala laba jinsi looma geyn karo midkood
midka labaad , waa sida Lo, iyo Ari. haday gacantiisa kujidho 199 dirham iyo
19 diinaar dushiisa zako maaha
Zakada maalka deynta kumaqan
Zakad deyta waalaba midkoo,
1-inuu yahay midlagu kalsoon yahay inuu dhiibo maalkaas 1-haduu yahay mid lagu kalsoon yahay ee dhiibaya deynta
culumadu waxay kadheheen dhawr qawl
1*Qawlka hore waxay kadheheen ninka hantida iskaleh waxaa
lagu leeyahay zakada xoolaha deynta kumaqan saas waxaa qaba Cali, Sowriyi,
abiisowrin, Xanafiyada, iyo Xanaabilada“
2*Qawlka labaad waxay dheheen waaku qasban yahay inuu
dhiibo zakada ilaa waqtigaas ay waajibtey xataa hadii gacantiisa weli aney
soogelin deyntu maxaa yeelay wuxuu awoodaa inuu qaato iyo inuu isticmaalo
saasna waxaa qaba Cusmaan, Ibnu cumar, Jaabir, Daauus,Nakhaci, Xasan,
Suhriyi, Qataadah, iyo Shaafici“
3*Qawlka sadexaad waxay dheheen wax zakaa lagama rabo
sababtu waa xoola antarmayn ee ningacanttis kujira, saasna waxaa qaba
cigramata“
4*Qawlka afraad waxay dheheen waxa uuka zakeynayaa markii
uu gacantiisa soogalo maalku wuxuuna kabixinayaa hal sano oo keliya zakadeed
saasna waxa qaba saciid ibnu musayib, iyo cadaa ibnu abii rabaaxa, intaasi
waa waxay kadheheen culumadu ninka lagu kalsoon yahay ee dhiibaya deynta“
balkan cayrta ahna an eegno, haduu yahay mid cayra ama mid
madax adag ama mid laablaab badan waxay dheheen maalkaas kuma waajibeyso
zako saasna waxaa qaba qataadah, Isxaaq, iyo xanfiyada sababtuna waxay
dheheen waa xoola an lagu intifaacayn“
Qawlkalena waxay dheheen wuuka zakeynayaa markuu gacanta
kudhigo sanadihii soo dhaafay dhamaantood, saasna waxaa qaba Sowriyi, iyo
abii cubeyda“
Qawlkalena waxay dheheen wuuka zakeynayaa markuu gacanta
kudhigo halsano oo keliya, saasna waxa qaba Cumar ibnu cabdulcasiis,xasan,
Leysi, Owsaaci, Maaliki“
Intaasina waa dadkaan lagu kalsoonayn in lagahelo deynta
ay qabaan iyo wixii culumadu kadheheen“ Haweentu waxay isku qurxiso oo
dahabka iyo fiddada ah Culumadu waa isku khilaafeen zakadiisa, abuu xaniifa
iyo ibnu xasmi waxay qabaan waa waajib zakadiisu waxay haweenku isku
qurxinayaan oo dahab iyo fiddo ah haduu gaaro nisaab ama zaka goys,waxayna
udaliishadeen xadiiska cumar ibnu shucayb kaweriyey aabihii, aabuhuna kasii
weriyey awowgiis, wuxu yiri waxaa nabiga uyimid nabad gelyo iyo naxariisi
korkiisa hanoqotee laba haweena oo gacmohooda ugu jiraan jijimo dahaba,
markaas ayuu yiri (majece shihiin in Alle jijimo idiinka dhigo maalinta
qiyaame jijimo naar ah ) waxay dheheen maya markaasuu yiri: (kadhiiba xaqa
kan gacmihiina kujira )
Asmaa bintu yasiid waxaa laga weriyey inay tiri waxaanu
usoo gallay Rasuulka nabadgelyo iyo naxariisi korkiisa hanoqotee, aniga iyo
habaryartay anagoo qabna jijimo, markasuu yiri: (mabixisaan zakadiisa )
waxaanu niri maya, markaas ayuu yiri: (miyaydaan kabaqayn in Alle
idiinkujijimeeyo jijimo naar ah, kadhiiba zakadiisa) heytami wuxuu yiri
axmad ayaa weriyey sanadkiisuna waa xasan ;
Caisha waxaa laga weriyey inay tiri waxaa iisoo galay
rasuulka nabad gelyo iyo naxariisi korkiisa hanoqotee, wuxuuna gacan tayda
ku arkay faraatiyaal fiddo ah markaasuu igu yiri (caishay waamaxay waxani )
markaasaan iri waxaan ugu talagalay inaan kaa isugu qurxiyo adiga rasuul
Allow, markaas ayuu yiri (makadhiibtaa zakada) markaasaan iri maya ama waxan
iri wixii Alle doonay, markaasuu yiri: (isagaa kuugu filan naar)waxa weriyey
abuu daauud, daaru qudni, iyo beyhaqi, Sadexda imaam oo kale waxay kutageen
inaayan zako lahayn waxa haweenku isku qurxiyaan ee dahab iyo fiddo ah intuu
doonaba hagaaree,
Beyhaqi wuxuu weriyey in laweydiiyey jaabir ibnu
cabdullaahi waxyaalaha haweenku isku qurxiyaan zako maleeyahay? wuxu yiri
maya, markaasaa waxaa layiri kawaran haduu gaaro kun diinaar, markaasuu yiri
haba kabad Naado haduudoono,
Beyhaqi wuxuu weriyey asmaa bintu abii bakar inay kuqurxin
jirtey gabdheheeda dahab gaaraya 50,000 kamana zakayn jirin, Kitaabka
layiraahdo muwadda waxaa kusugan caisha inay ahayd mid xanaa naysa gabdho
walaalkeed dhalay ee agoomaa waxayna lahaayeen dahab ay isku qurxiyaan
kamana zakayn jirin caisho,
Waxa kaloo muwadda kusugan Cabdullaahi ibnu Cumar wuxuu
ahaa mid kuqurxiya gabdhihiisa iyo jaariyadihiisa dahab kamana zakayn,
Khadaabi wuxuu yiri sida daahirka kucad kitaabka Alle suuratu towbah
aayadaha 34-35 waxay umarag noqonayaan cida tiri waa waajib in laga zakeeyo
haweenku waxay isku qurxinayaan, Aaraadan aynusoo marrayna waa xoojinayaan,
Nuxurkii oo kooban sida dadaalka badani waa in laga bixiyo
zakada waxay haweenku xiranayaan oo dahab iyo fiddo ah.
Zakada meherka haweenka
Abuu xaniifa wuxuu qabaa inaan wax zakaa laga rabin
meherka haweenka ilaa ay gacanta kudhigto wax zaka ahi kuma waajibayso ilaa
lasiiyo markaasna ay kutasarufto, islamarkaasna waxaa shardi ah inuu gaaro
maalkaasi nisab Ama zaka goys, shardiga kalena waa inuu kasoo wareego sanad,
laakiin haday xoola kale oo gaaraya nisaab ay horay uhaysatay markaas looma
fiiri nayo sanad ee waxa laga zakey nayaa markii xoolaha hore sanad
udhamaado
Tusaale waxay haysatay kun dollar oo soogalay gacanteeda
Jan.2000, markasey waxay kaloo heshay meherkeedii Jun,2000, waxaa sanadku
ugu dhamaa nayaa Dec, 2000 saas ayaa loo xisaabinayaa hanti kasta oo kusoo
gasha adoo haystey hanti hore oo gaareysa nisaab,
Shaafici wuxuu qabaa haweenta waa kulaasim (qasab) zakada
meherkeedu xataa haday tahay midaan weli laguri geysan lanataaba marhadii
sanad kasoo wareego waa inay bixiso, saas wuxuu kawadaa haweentu nus bay
leedahay meherka hadaan weli lataaban oo nikaax keliyi kudhacay saas ayadoo
ah waxa laga rabaa labada qayboodba inay ka zakayso waa qawlka shaafici,
Xanaabiladu waxay dheheen haweenta meherkeedu waa deyn
iyada kamaqan xukunkiisuna waa haduu yahay ninku mid maal qabeen ah waaku
Waajib zakadiisu maalka inay bixiso, markay gacanta kudhigtona waxay kazakay
naysaa sanadihii soo dhaafay,
Zakada ijaarka guryaha
Abuu xaniifa iyo maalik waxay qabaan ninka ijaartey guriga
xaq umalaha ijaarkiisa ilaa mudadii ijaaradu dhamaato, waxay dheheen anagoo
taas waxku dhisayna ninkii guri ijaarta kumawaajibin ijaaradaas zakadeedu
ilaa uu gacanta kudhigo markaasna sanad kasoo wareego, isla markaana gaadho
nisaab Ama zaka goys,
Xanaabiladu waxay qabaan ninkii guri ijaarta wuxuu
mulkinayaa ijaaradiisa waqtiga heshiisku dhacay, xataa haduusan waxba qaadan
waxa lagu tirinayaa maalkaas mulkigiisa, saas awgeed waxaa kuwaajibaya
ijaaradiisa zako, waa hadii ay gaadho nisaabkii ama qadarkii zakadu
kawaajibaysey, isla markaasna kasoo wareego mudodhan sanad,
Zakada ganacsiga
Jamhuurta culumada, saxaabada, taabiciinta iyo fuqahadii
kadamaysay dhamaan toodu waxay kutageen inay waajib tahay zakada hantida
ganacsigu.
waxaana daliil u ah xadiiska ay werinayaan abuu daauud iyo
beyhaqi, waxa laga weriyey samurata ibnu jundub inuu yiri, Nabigu nabad
gelyo iyo naxa riis korkiisa hanoqotee wuxuu ahaa kiina amra inaanu kabixino
zakada maalka aanu udiyaarinay ganacsiga: Daliilka labaad waa xadiiska ay
werinayaan daaruqudni iyo beyhaqi :
Abii Darri ayaa kaweriyey Nabiga nabad gelyo iyo naxariisi
korkiisa hanoqotee Inuu yiri: (geelu wuxuu leeyahay zako ariguna wuxuu
leeyaya zako lo’duna waxay leedahay zako alaab tuna waxay leedahay zako)
Xadiis kale waxaa werinaya Shaafici, Axmad, Abucubeydin, Daaruqudni,
Beyhaqi, iyo Cabdurisaaq inuu kaweriyey Camru ibnu xamaasin aabihiis oo
xamaas ah wuxu yiri,waxaan ahaa mid iibiya hargo ama maqaar hadaan ahay
xamaas markaas ayaa waxaa isoo maray Cumar ibnu khadaab Allaha karali noqdee
markaasuu yiri: kabixi maalkaaga zakada , markaasaan ku iri amiirkii
mu’miniintow waxaani waa hargo, markaasuu yiri: qiimay, macnaa maqaaradan
lacagtooda xisaabi oo markaas kabixi zakada,
Waxaa kusugan kitaabka Mannaar, culumada diinta
jamhuurtoodu waxay leeyihiin waa waajib zakada hantida ganacsigu, Intaasi
waa adiladii iyo Aaraadii kutusinaysey zakada hantida ganacsiga, sababtoo ah
xoolahaagu waxay kuwareegaan lacag iyo badeeco lacagtii kujidho, saas awgeed
waa inlaqiimeeyo markasta oo sanad kasoo wareego Siloo ogaado zakada
kabaxaysa, taasna horaan usoo tusaalaynay,
Goormay noqotaa hantidu ganacsi ama tijaaro
Wuxuu yiri ninkii kitaabka Muqniga qoray ganacsi
manoqonayso hantidu ilaa laba shardi laga helo,
1-waa inuu ficil kusoo galaa maalku sida beyca, meherka,
hibo lasiiyey maal waalidku u dardaarmay iyo kasbasho banaan oo wax lagu
kasbado,
2-waa inuu niyoodo ganacsi markuu mulkinayo maalka,
haduusan uniyoon ganacsi manoqonayo tijaaro maalkaasu ee wuxuu noqonayaa
badeeco kayda, qofkii hantiya tijaaro gaaraysa nisaab kanasoo wareegto sanad
wuxuu qiimey nayaa sanadka dhamaadkiisa markaasuu kabixi nayaa zakada,
qaabka looga dhiibayaana waa sidan, hantidaada markaad xisaabto waxa kuusoo
baxa uqaybi 40 meelood waxaad kabixisaa markaas meelkamida waxa kuu soo
haray waa 39 meelood, tusaale hadaan kabixino 1000$ uqaybi 40 =25 waxa
kaabaxay waa shan iyo labaatankaas, sidaas ayuu kusameynayaa taajirku
maalkiisa sanad kasta ee soo wareega haduu Alle kabaqayo Zakada
beeraha iyo waajib nimadeeda
Alle wuxuu waajibiyey zakada beeraha wuxuuna kucadeeyey
kitaabka qur aanka suurada baqara aayada 267 wuxuu kaloo Alle kucadeeyey
suurada al ancaam aayada 141,
Noocyada lagaqadi jirey zakada waqtigii rasuulka
Waqtigii rasuulka nabad gelyo iyo naxariisi korkiisa
hanoqotee waxa zako lagaqaadi jirey "Sareenka Galeyda Timirta Sabiibta
Xadiis abiiburdata uu kawerinayo abii muusaa iyo mucaad Allaha karaali
noqdee wuxu yiri wuxuu udiary rasuulku labadaasnin nabad gelyo iyo naxariisi
korkiisa hanoqotee yaman, ayagoo baraya dadka amarka diintooda
wuxuu amray inaanay kaqaadin zako waxaan afartaan ahayn
waana Xindo, Shaciir, Timir, Sabiib, waana afartaan kor kusoo sheegnay ,
waxa weriyey daaruqudni, xaakim,dabaraani, iyo beyhaqi, Ibnu mundiri iyo
ibnu Cabdulbarri waxay dheheen culumadu waxay isku raaceen inay zakadu
waajib kutahay afartaas nooc ee aynu soo xusnay,
Noocyada anlaga qaadi jirin zako
Zako lagama qaadi jirin waqtigaas khudaarta iyo wixii
qayrkeed ah oo fawaakihaad ah canabka iyo timirta maahee, laakiin in loo
eego hadii waxani yihiin ganacsi waxaa laga rabaa zako hadii kalena waa
masaariif iyo wixii lamida,
Tarmadi wuxuu yiri, ahlucilmigu saas ayey kucamal
falijireen inaan zako lagaqaadin wixii khudaar ama khudrawaad ah. Qurdubi
wuxuu yiri, zakadu waxay kutacaluqdaa ama kuxirantahay wixii laquuto
(lacuna) khudaarta maahee, Ibnu qayim wuxuu yiri, zako lagama qaadin kuwaan
ay kamid yihiin Fardaha, Adoomaha, Baqlaha,Dameeraha, khudrawaadka(khudaar)
iyo fawaakihda aan labeegi karin (lakiili karin) lanakaydin karin wuxuna
sooreebay Cinabka iyo Timirta oo wuxu yiri waa lagaqaa dayaa zakada,
Nisaabka zakada miraha
Ahlu cilmiga intooda badani waxay qabaan inaan wax zako
ahi kuwaa jibin miraha beeraha ilaa ay gaaraan shan owsuq oo udhigma
qiyaastii 300 ee Suus oo lamida 653 kg oo lasafeeyey,(lasaafiyeelay) Yacni
laga saaray qisharkii iyo xuubkii sida qolofta bariiska oo kale, laakiin
hadii looga tago qashirka ama qolofta waxaa shardi ah inuu gaaro nisaabku
qadar leeg toban owsuq unadhiganta 600 ee suus oo lamida 1304 kg,
daliilkuna waa xadiiskan Abuu hureyra wuxuu kaweriyey
nabiga nabad gelyo iyo naxariisi korkiisa hanoqotee inuu yiri: (malaha zako
wixii kayar shan owsuq) waxaa weriyey axmad iyo beyhaqi, xadiis kale waxa
werinaya Abuu saciid alkhudriyi wuxuu kaweriyey nabiga nabad gelyo iyo
naxariisi korkiisa hanoqotee inuu yiri: (sadaqo malaha wixii kayar shan
owsuq oo timir iyo xaba ah) (sadaqo macnaa zakada ayaaloo isticmaalaa) (xaba
macnaa miraha xabuubkaa sida bariiska ama sareenka) Owsuqu waa 60 saac
markii lagu dhufto shan waa 300 ee saac oo udhiganta 653kg, waana nisaabka
miraha beeraha kasoo baxa,
Malasii cuni karaa miraha beerta intaanay soogo’ in
beertu
waxaa ubanaan ninka beerta leh inuu kacuno beertiisa wixii
baahidiisaa lagumana xisaabinayo dushiisa wuxuu kacunay beerta intaan
lagoosan miraha, laakiin markii lagooyo ee lagasafeeyo qashirka waxaa laga
bixinayaa zakada wixii saafi noqda ee soohara,
Axmad ayaa lasu’aaley ninku beertiisa muxuu kacuni karaa
? wuxuu yiri baas malaha wuxuu kacunaa ninku beertiisa oo baahidiisa ah waxa
kaloo kuraacay saas shaafici, leys, iyo Abuu xasmi,
Mirihii oo laysu geeyo noocyadoodii
Miraha waxay culumadu isku raaceen in laysu geyn karo
qaarba qaarka kale Haba kala cusbaadeene ama hakala liitaane sida kuwa
fiican iyo kuwaxun Waxay kaloo isku raaceen in xoolaha ganacsiga loogeynayo
lacagta kaashkaa oo markaas laysku xisaabinayo tusaale waxaad haysatay
1000,kun loor ee raashin ah markaas ayaad waxaad iibisey 500,shan boqol ee
loor, qaybta lacagtaa iyo qaarka weli raashin ahaan utaal waa laysku
xisaabinayaa ee lama kalaqaadayo,
laakiin loomageyn karo xoolaha nool sida Geela iyo Lo,da
siloo kaamilo nisaab ee midkood kasta waxaa lagarabaa inuu iskii ama gaar
ahaantiisa ugaaro tiradii zakadu kawaajibaysey,
mirahana sidoo kale laysuma geynayo labajinsi oo kaladuwan
sida galeyda looma geynkaro masangada, timirta loomageyn karo sabiibta,
inkastoo khilaaf kajiro inlaysu geynkaro xabuubka (sida sareenka bariiska)
waxaase xoogbadan inaan laysugeyn karin kuwaasoodhan
siloogu xisaabo midkood midka kale nisaab gaaridiis, waxaase fiiradu tahay
in jinsi kasta ama noockasta gooni ahaantiisa asagoo utaagan lagahelo cadad
nisaab gaaraya, saas waxaa qaba Abuu Xaniifa, Shaafici, riwaayaadka Axmad
midood, sidaas ayeyna kutageen culimo farabadan oo salafkii kamida,
Ibnu Mundiri wuxuu yiri waxay kukulmeen inaan laysugeyn
Geel iyo Lo, Inaan laysugeyn Lo, iyo Ari, inaan laysugeyn Timir iyo Sabiib,
waxkaloo qeyrkoodana anloogeyn karin, wuxu yiri mahaystaan daliil saxiixa
kuwa oranaya waalaysu geynkaraa jinsiyada kaladuwan.
In lagubixiyo zakada wax wanaagsan
Allaha xumaan oo dhan kanasahan ayaa amray qofka
zakaynayaa inuu bixiyo Wax wanaagsan oo maalkiisa kamida, wuxuuna reebay
inla sadaqeeyo wax liita, sida kusugan suuratul baqara aayadda (267)
saxaabiga layiraahdo Baraa waxa lagaweriyey inuuyiri aayaddaasi waxay kusoo
degtey anaga hadaanu nahay ansaar, waxaanu ahayn dad timireed, macnaa
timirta ayaa aad ugubadnayd beerahayaga, wuxuu tegijiray qofkanagu beertiisa
markaasuu kasoo qaadijiray rucub timira ama labarucub hadba intuu helikaro
markaasuu masaajidka surijiray,
waxaana jiray dad ahlusufa looyaqaan ee masaajidka kunool
wax cuntaana an haysan, markaas ayaa midkood markuu yimaado masaajidka wuxuu
imaanayaa meesha timirtu surantahay, markaasuu kudhifanayaa ushiisa waxana
ugasoo daadan timir cusub oo qoyan(busur) iyo mid adkaatay ee horay
ubislatay sida tan aynunaqaan, markaas ayuu cunijiray,
Waxaana jiray dad aan khayr doon ahayn oo midkood wuxuu
keenayaa rucub ayku yaaliin timirta nooca qalashay ayadoon korin ama gaarin
tankeedii lagarabey waxana looyaqaan luqada carabiga (shiis) waxakaloo
kuyaal rucubkaas timirta nooca bololka looyaqaan ee maqaarka kore kadilan
taasina luqada carabiga waxa looyaqaan (xashaf) markaasuu kalulayaa
masaajidka, markaasaa Alle soodejiyey aayaddan aynu korkusoo xusnay ee
suuratul baqara aayadda(267) markaas aayaddu soo degtey kabacdib wuxu
keenayey qofka nagamida ee doonaya inuu wax sadaqeeyo waxa wanaagsan ee uu
hayo, waxa weriyey tarmadi wuxuna yiri waa xanu saxiixun qariib.
Showkaani wuxuu yiri waxa kusugan xadiiskan daliil ah
inaanay ubanaanayn ninka hantida leh inuu kabixiyo wax liita hantidan
wanaagsan ee zakadu kuwaajibtay, naswaxay kutahay timirta, qiyaasna waxaa
looga qaadanaya jinsiyaasha ama noocyada kaladuwan ee zakadu kawaajibto.
Malabka zako malaga rabaa ?
Jamhuurta culumadu waxay qabaan inaan malabka zako lagu
lahayn , Bukhaarina wuxuu yiri malabka wax zakaa oo kasugnaaday nabiga nabad
gelyo iyo naxariisi korkiisa hanoqotee, xagiisa ee nas ah malaha, Shaaficina
wuxuu yiri malabku wuxuu ahaaday mid layska cafey maadaama an waxnas ah oo
kusugani jirin,
laakiin xanafiyadu waxay qabaan in zako laga rabo malabka
oo waxay dheheen raad ama asar baaloo hayaa waxayna leeyihiin waa shey
labeegi karo lana kaydsan karo saas awgeed waxa lagarabaa zako , waxaa kaloo
qaba in zako lagarabo malabka imaamu axmad, wuxuuna ushardinayaa inuu gaaro
160 Rodol miisaan leeg,
Allaah ayaa kucilmi leh. Zakada Xoolaha Nool
Axaadiista saxiixaa waxaa kucad waajib nimada zakada Geela,
Lo'da,
iyo Ariga.
Ummada muxamadi yaduna waxay ku kulantay inay kucamal
fasho, Shuruudaha waajibinaya zakada xoolaha nool,
waxaase khilaafay Maalik iyo Leysi keliya oo waxay dheheen
mar hadii xoolo nool waxani yihiin lama kalaqaadayo hasoofeen ama kuwo
meeshooda lagu quudiyo hanoqdaane farqi makala laha oo marhaday nisaab
gaaraan waa laga zakey nayaa,
laakiin axaadiistu waxay kucadahay in xoolaha laga
zakeynayaa yihiin kuwa daaqa dooga banaanka kabaxay,
Wax zakaa lagama rabo geela ilaa uu gaaro 5 neef oo geel
ah, Waxaana looga zakey nayaa sidatan hoos kucad,
qaaciidadaas ayaa loo kala ratibayaa oo haduu geelu ku
imaan karo inuu ukala qaybsamo afartan afartan saas ayaa loo kalafariisi
nayaa, haduu yahay geelu mid kuhaboon inloo kala qaybiyo konton kontona saas
ayaa loo kala xisaabinayaa, hadii qofku waayo neefkii kawaajibey geeliisa muxuu samay
nayaa? tusaale ninkii laga rabey qaalin 4 sanojir ah ee kawaayey geeliisa
laakiin wuxuu heli karaa mid sadexjir ah, wuxuu bixinayaa taas sadex jirkaa
wuxuuna ku kabayaa (kukordhinayaa) labaneef oo ari ah hadey usahlanaato,
hadii kalena labaatan dirham ayuu ku kabayaa qalinta, sababtoo ah waaka
qiimayartahay qaalintu tii laga rabey, saas darteed ayaa loo kabayaa,
Sidoo kale ninkii laga rabey qaalin 3 sanojir ah ee
kawaayey geeliisa laakiin wuxuu heli karaa mid afarjir ah, wuxuu bixinayaa
taas afarjirkaa markaas waa inuu kii zakada qaadayey u celiyaa kan zakada
bixinaya labaneef oo ari ah ama labaatan dirham, sababtoo ah qaalintu waaka
qiimo sarraysaa tii laga rabey saas awgeed ayaa loogu celinayaa labada
neef,ama labaatanka dirham, waxaa lafiirinayaa qiimo leeg ee lacagaha maanta
laheli karo kamida, kaas ayaana markaas labixinayaa bedelkoodii,
Sidoo kale ninkii laga rabey qaalin 3 sanojir ah ee
kawaayey geeliisa laakiin wuxuu heli karaa mid laba sanojir ah taas ayuu
dhiibayaa wuxuuna ku kabayaa sidaan horay kusoo marnay laba neef oo ari ah
hadey ufudu daato hadii kalena wuxuu ku kabayaa labaatan dirham, Sidoo kale
ninkii laga rabey qaalin laba sanojir ah ee kawaayey geeliisa laakiin heli
kara mid sadexjir ah wuxuu bixinayaa taas sadexjirkaa markaas ayuu kii
zakada qaadayey wuxuu uceli nayaa laba neef oo ari ah ama labaatan dirham,
Sidoo kale ninkii laga rabey qaalin 2 sanojir ah ee
kawaayey geeliisa laakiin heli kara mid hal sanojir ah wuxuu bixinayaa taas
sannadjirkaa wuxuuna ku kabayaa laba neef oo ari ah hadey u sahlanaato hadii
kalena wuxuu ku kabayaa labaatan dirham, Sidoo kale ninkii lagarabey qaalin
hal sanojir ah ee kawaayey geeliisa laakiin heli kara mid laba sanojir ah
wuxuu bixinayaa taas labajirkaa markaas ayuu kii zakada qaadayey u celinayaa
kan lagaqaadayo laba neef oo ari ah ama labaatan dirham,
Taasina waa geela zakadiisii oo ah tuuku camal falay Abuu
bakarusidiiq Allaha karaali noqdee,
waxaana uga dambeeyey ee saas kucamal falay Cumar
Ibnukhaddaab Allaha karaali noqdo dhamaantood, waxayna kullamaan sanayd
dardaaran kiisii markuu geeryoodey amiirulmu’miniinkii Allaha karaali
noqdee Cumar Ibnukhaddaab.
Waxzakaa lagama rabo lo,da ilaa aygaadho 30 daaqda dooga
roobka kubaxay, markay gaadho lo,dii sodon oo sanad kasoo wareego waxaa
looga zakaynayaa sidan,
wixii intaas kasiyaada waxaa lookala ratibayaa sidan,
sodon kasta waxaa lagabixinayaa dibi halsanojir ah, afartan kastana waxa
lagabixnayaa qaalin labasanojir ah, tusaale sadex meelood oo min sodon ah
waa 90+40=230 waana qaabka lookala fariisinayo xoolaha markii laga
zakeynaayo labadaas tiro hadba siday isku keeni karaan, Waxzakaa lagama rabo Ariga ilaa uu gaaro 40 neef oo daaqa
dooga roobka kubaxay markaasna sanad kasoo wareego, waxaana looga zakeynayaa
sidan,
markuu kasiyaado sadex boqol waxaa lagabixinayaa boqol
kasta halneef oo Ari ah ee an waxceeba lahayn, waa banaan tahay inlaga bixiyo kuwa labka ah sida orgiga
iyo wanka waana laysku waafaq sanyahay waase hadii xoolaha laga zakaynayaa
wadayihiin kuwa lab ah(macnaa lab waa wanka ama orgiga ama ratiga), laakiin
xanafiyadu waxay dheheen hadii xooluhu dhamaan tood wada yihiin dhadig sida
rida iyo laxda ama iskujir dhadig iyo labood waa banaan tahay in lagabixiyo
kuwa labka ah,
waxaa kaloo baraarujin mudan masaafooyinka udhexeeya
labada fariido ama labada meelood ee zakadu kawaajibayso sida culumadu isku
itifaaqeen malaha wax zako ah, tusaale 25 ilaa 36 ee geela ah malaha intaas
dhexda ahi wax zakaa, tusaale kale 30 ilaa 40 ee Lo,da ah malaha intaas
labada boos udhaxaysaa wax zakaa, Arigiina waa sidoo kale 40 ilaa 120 wax
zakaa malaha, tusaalahan keliya kamawado laakiin meelkasta ee udhexaysa
labatiro waa looga qiyaas qaadanaya,
waxaa kaloo xusid mudan qofka zakada aruurinaya uma
banaana inuu kaqaado neefka ugu qaalisan xoolaha ee ishu qabato, laakiin
haduu yahay qofka dhiibayaa mid asagu naftiisu kuraali tahay wuu bixin
karaa, hadii kalese waxaa laga qaadayaa neef dhexdhexaada ee an ahayn
kulagasoo xulay maalkaas,
waxaa kalo xusid mudan inuusan bixin neef ceebleh ee
ceebtiisu muuqato markii laweydiiyo dadka khibrada uleh xoolaha ay oran
karaan kani waaneef xun, laakiin hadii xoolii oo dhami noqdaan kuwo wada
ceebaysan markaas waxaa labixinayaa sida ugu wacan wixii lagaheli karo.
Xoolaha oo lakalasaaro,ama lakulmiyo,
Xoolaha oo lakulmiyo ama lakalasaaro silooga fakado zakada
bixinteeda waxaa kusugan sidan, Suweyd Ibnu quflata waxa lagaweriyey
inuuyiri, waxa nooyimid zakaqaadihii Rasuulka nabadgelyo iyo naxariisi
korkiisa hanoqotee, markaasaan waxan kamaqlay isagooleh, anagu maqaadno neef
irmaan oo caano nuujinaya, mana kalasaarno xoolo wadajira, mana isugeyno.
xoolo kalasoocan, markaasaa waxa lookeenay hal geela oo
kurus weyn,
markaasuu diidey inuu kaqaado, sababtu waa xoolaha kuwii
ugu qiimaha badnaa ee layiri hakaqaadina. Daliilka labaad, Anas wuxuu
kawaramay inuu Abuubakar uqoray Anas oo gudoomiya gobol ah xagiisa waraaq,
Abuubakar wuxuu hadalkiisa kubilaabay sidan, taniwaa
sadaqadii waajibka ahayd (zakada) taasoo rasuulku nabadgelyo iyo naxariisi
korkiisa hanoqotee kuwaajib yeelay muslimiinta dushooda, waxana kamid ahaa
qoraalkaas ,lamakulmiyo laba kalasoocan, lamana kalasooco laba iskujirey
ayadoo lagacabsanayo sadaqada,wixii labo isku darsadaan iyagaa isula
noqonaya dhexdooda si sinaan ah) waxaa weriyey Bukhaari Macnaa waxaa
loolajeedaa hadii labanin xoolo wadaagaan tusaale 40, neef oo ari ah ayaa
waxaa wadaaga labanin midkastaana wuxuu leeyahay 20, neef markaas waxaa
kabaxaaya halneef, wuxuuna kamid yahay labadooda midkood maalkiisa,
kankalena wuxuu celinayaa neefkaas qiimaha kagasoo aadan xagiisa oo wuxuu
siinayaa saaxiibkiisa xooluhu isugujiraan ee neefkaasi kabaxay xoolihiisa.
Maalik wuxuu kusheegay kitaabkiisa Muwadda’asagoo
cadeynaya macnaa looga jeedo issugeynta iyo kalgeynta xoolaha wuxu yiri,
sadex qof ayaa waxa midkastaa leeyahay 40 neef oo ari ah, midkastana waxaa
laguleeyahay halneef, markaas ayey iskudarayaan sadexdii afartanaad oo waxay
bixinayaan halneef, halkaas waxay kuqariyeen labaneef oo hadii midkastaa
goonidiisa deganaan lahaa waxaa lagarabi lahaa halneef, laakiin waxay
kadhigeen 120 neef oo halmeel wadadegan oo markaas lagarabo halneef oo
keliya, kaasina waa tusaalaha isgeynta looga cararayo zakada,
Tusaalaha kalageynta looga fakanayo zakada waa ayadoo
labaqof isugu jiraan 121 neef oo ari ah, markaas waxaa lagarabaa inay
bixiyaan sadex neef, markaas ayey kalasoo canayaan ama kalasaarayaan oo
markaas wuxuu midkastaa bixinayaa halneef oo keliya, halkaasna waxay
kuqariyeen halneef oo hadey sidoodii hore isgudaasan lahaayeen waxaa looga
baahnaa inay bixiyaan sadex neef, taasina waa zako kacararid waxbadan
kadhacda dadka maalka jecel ee anku xisaabtamin waxay aakhiro kamudan
doonaan Zakada Rikaaska
Macnaha rikaasku waa duug laga helay maal oo kamida
duugihii dadkii hore Aasteen, laguna helo hawl yari adigoon kuraadi wax maal
ah iyo tacab kaagabaxay, laakiin wixii tacab iyo dadaal ama kharash kaagalo
manoqonaayo rikaas,
Rikaaska waajibnimada zakada lagu xiray sifadiisa,
Waa waxkasta oo maal noqda sida Dahabka, Fiddada, Birta,
Rasaasta, Sufurka, Iyo wixii lamida, Saasna waxaa qaba mad habka xanafiyada,
xanaabilada, Isxaaq, Ibnu mundir, Riwaayad maalik kasugan, iyo shaafici
labadisa qowl mid kamida,
Rikaaska waxa kawaajibaya
Waxaan horay kusoo qaadanay rikaasku inuu yahay wixii duug
dadkii hore Aasteen laga helay, waxaana kawaajibaya shan meelood oo meel
kamida waxana loo yaqaan (Khumus)
Afarta meelood ee soo harayna waxaa iskaleh ninkii ugu
horeeyey ee dhulka iska lahaa hadii lagaranayo, haduu dhintayna kuwa
dhaxalkiisa iska leh ayaa lasiinayaa hadii lagarto, hadii kuwaasoo Dhan
lawaayo waxaa ladhigayaa Bangiga muslimiinta, sidaas waxaa qaba Abuu
xaniifa, Maalik, Shaafici, iyo Muxamad,
Axmad iyo Abuu yuusuf waxay qabaan cidii heshay ayaa
lasiinayaa markii khumuska lagasaaro haduusan sheegan ninkii dhulka
lahaa,hadiise nin sheegto hadalkiisaa laraacayaa khumus kuna waaka
waajibayaa haduu yaryahay iyo haduu badan yahayba loona fiirin maayo nisaab
inuu gaaro maalka rikaasku, waana siday qabaan Abuu xaniifa iyo Axmad, waxaa
kaloo jira riwaayadda ugu saxiixsan ee Maalik iyo qowlka dambe ee Shaafici
waxay dheheen rikaasku waa inuu gaaro nisaab laakiin sanad inuu kasoo
wareego loofiirin maayo,
Cida khumusku kuwaajibayo,
Jamhuurul culamaa waxay qabaan inuu khumusku kuwaajibayo
qofkii hela Oo muslim ah ama gaal balan lalagalay ee balantii kujira,qof yar
iyo qof waayeel ah, qof caqli qaba iyo qof waalan, waxaana kan waalan iyo
kan ciyaalka ah maamulaya inuu kabixiyo weligooda, masuuliya dooda cidaleh,
laakiin shaafici wuxuu kareebay gaalka heshiiska lala galay in laga qaado
khumuska waadiidey,
Xagee lagu bixinayaa ama yaalasiinayaa khumuska?
Shaafici wuxuu qabaa in lagubixinaayo booska zakada
lagubixiyo waana Siddeedii qolo ee qur aanku sheegay, wuxuuna daliishadey
waxa kusugan Axmad iyo Beyhaqi ee laga werinayo Bishri, kana werinayo nin
qoladiisaa, wuxuu yiri ninkaasi, waxaa igusoo dhacday dushayda selled
(qariirad) oo kasoo dhacday deyr baaliyoobey (duugoobey) ee magaalada kuufa
kamida waxaana kujirey afar kun oo Dirham, markaasaan waxaan la aadey Cali
ibnu abii daalib Allaha karaali noqdee markaasuu yiri cali uqaybi shan
meelood, markaasaan qaybiyey, Calina wuxuu qaaday khumuskii lawaajibiyey
wuxuuna isiiyey afartii meelood ee kale, markaan dhaqaaqay ayuu iiyeeray
wuxuna yiri jiiraan kaaga makujiraan dad fuqaro masaakiin ah? Waxaan iri
haa, markaasuu yiri qaad khumuskan oo uqaybi dhexdooda,
laakiin Abuu xaniifa, Maalik,iyo Axmad waxay qabaan in
lagu bixinaayo meeshii lagu bixin jiray feyga, (waa xoolaha lagaqaado
gaalada lalajahaadayo ee laga qabsado ayadoon dagaal dhicin waxana sharcigu
uyaqaan Fey,)
Taasna waxay udaliishadeen waxa laga weriyey Shacbiyu oo
ah inuu nin helay kun Diinaar ee laduugey magaalada madiina markaasuu
ulayimid Cumar Ibnu Khadaab Allaha karaali noqdee, markaasuu kaqaaday
khumuskii 200 ee diinaar intii soo hartayna ninkii buu siiyey markaasuu
cumar bilaabay inuu uqaybinayo dadkii sooxaadiray ee muslimiinta kamidahaa,
markaas ayaa waxa kasoo haray in dheeraad ah markaasuu yiri mee ninkii
danaaniirtaan iska lahaa? markaasuu isusoo taagey ninkii, markaasuu Cumar
yiri, qaado diinaaradaan adaa iskalehe, wuxuna kamid noqday dadkii waxloo
qaybinayey asagoo afar meelood horay loosiiyey.
Waxa baddakasoo baxa zakadiisa
Jamhuurta culumadu waxay qabaan inaan zako laga rabin
dhamaan wixii badda kasoobaxa oo ay kamid yihiin Luulka, Murjaanka,
Zabarjadka, Canbarka, Kaluunka, iyo wixii lamida,
laakiin Axmad labadiisa riwaayo midood ayaa waxa kusugan
waxa badda kasoo baxaa haduu gaaro nisaab waxa laga rabaa zako, waxa kaloo
laba kuwaas aynu soo sheegnay kamida kuwaafaqay Abuu Yuusuf, waana Luulka
iyo Canbarka,
Ibnu cabaas Allaha karaali noqdee wuxu yiri canbarku wax
zakaa malaha waana shey badu soo tuudhay,
Jaabirna wuxu yiri canbarku zako malaha ee waaqanimo
ninkii qaata,
Maalka faa iidada ah zakadiisa,
Qofkii faa iida maal kamida noocyada loo eego sanad inuu
kasoo wareego, maalkale oo kasokeeyana an lahayn, maalkaasoo gaaraya nisaab,
ama wuxu horay ulahaa maal kale oo kayar nisaab laakiin markii laysku daro
labada qaybood waxay gaarayaan nisaab markaas ayuu kabilaabayaa inuu sanad
utiriyo maalkaas, markii sanadku dhamaadona waxaa kuwaajibaya zako, qofkii
haysta xoolo gaaraya nisaab faa iidaduu helaa sadex midkood kama marna, ama
waa sadex midkood,
Shaafici iyo Axmad waxay dheheen xaga nisaabka waa
laysku darayaa xoolaha faa iidada ah iyo kuwa asalka ah, laakiin sanad
cusub ayaa loo tirinayaa, tusaale wuxuu haystey 1000$ markaasuu faa
iidey kun kale wuxuu kazakay nayaa kun kasta markuu taam noqdo ama
dhamaado sanadkiisu,
Imaamu maalik wuxuu kuraacay abuu xaniifa xaga xoolaha
nool, xaga lacagtana wuxuu kuraacay Shaafici iyo Axmad,
Zakadu inay kuwaajibeyso qofka naftiisa ee aney
kuwaajibin maalka
Mad habka Xanafiyada, Maalikiyada iyo riwaayad shaafici
leeyahay iyo riwaayad Axmad leeyahay waxay qabaan zakadu inay kuwaajitey
maalka laftiisa,
laakiin qowlka labaad ee Shaafici iyo quwlka labaad ee
Axmad waxay qabaan inay zakadu waajib kutahay qofka maalka leh naftiisa ee
aney waajib ku ahayn maalka laftiisa,
Ibnu xazmi wuxuu rajaxay ama taageeray inay zakadu waajib
kutahay qofka naftiisa wuxuna yiri, waxkhilaafa majiraan oo udhaxeya madaxda
diinta ee waqtiga yagan ilaa waqtigii Rasuulka nabad gelyo iyo naxariisi
korkiisa hanoqotee,
Maalka oo dhamaada markay zakadu waajibtey kadib intaan
labixin
Markay sugnaato zakada waajibnimadeedu maalka dhexdiisa ee
sanad kasoo wareego ama beertii soogo’do markii halkaas lamarayo hadii
maalkii dhumo ama dhamaado, zakadii dhamaanteed waxay waajib kutahay qofkii
maalka lahaa dushiisa, haduu isagu dayacay ama yuu dayicine waa iskumid
saasna waxaa qaba Ibnu Xazmi iyo mad habka Axmad intiisa caankaa (mash
huurkaa), taasina waxay kutusinaysaa sidaynu horay kusoo marnay inay zakadu
waajib kutahay qofka naftiisa ee maalka aney saarray,
laakiin Abuu Xaniifa wuxuu arkaa hadii maalku dhumo ama
dhamaado dhamaantiis waxdayaca oo qofka xagiisa kayimidna aney jirin zakadii
waaka dhacaysaa dushiisa, laakiin hadii xagiisa dayacu iy gabood falku
kayimaado ee isagu sababta lahaa zakadii waalagu leeyahay, Waxay kaloo
qabaan Shaafici, Xasan ibnu saalax,Isxaaq,Abuusowr, iyo Ibnumundir hadii
maalkii dhumo intaaney usuuroobin zakada bixinteedii waaka dhacaysaa zakadii
dushiisa, hadiise qaarkamida maalkii dhumo qaarkii kalena baaqiyahay waalaga
rabaa zakadii, ibnu qudaamana saasuu taageeray,
Zakadii oo dayacantay markii lasoocay
Haduu sooco zakadii si uu usiiyo cidii mutaysatay
inlasiiyo oo markaas ay dayacanto kuligeed ama qaarkeed waxaa dushiisaa
qofkii hantida lahaa inuu keeno markale sababtoo ah isagaa luquntiisa laga
rabaa ilaa uu gaarsiiyo cidii Alle amray inlagaarsiiyo,
Malabixin karaa qiimo udhigma hadii lawaayo noocii
zakada,
Mabanaana in ladhiibo qaymihii nooca nasku tilmaamay
ee zakada in lawaayo maahee, sababtoo ah zakadu waacibaado, cibaadona kuma
ansaxdo qaabkii sharcigu amray waxan ahayn,
Showkaani wuxuu yiri, sida xaqaa zakada waxa waajiba in
lagabixiyo nooca laga zakeynayo laftiisa, loomana bedel qaadan karo
qaymeheeda inay taasi suuroobi weydo maahee.
Zakada maalka lawadaago
Haduu yahay maalku midlawadaago ee kadhexeeya labaqof iyo
wixii kabadan Kumawaajibayso zakadu midkoodna ilaa midkasta maalkiisu gaaro
nisaab kaamil ah waana qowlka culumada intooda badan, laakiin waxaan kujirin
maalka halkan looga hadlayo xoolaha nool dadka wadaaga oo ayagu waa isku
zakagelayaan hadii laysku darsado xoolo ninkastaa leeyahay wax nisaab kayar,
taasna horaan ugasoo hadalay,
Zakadoo laga cararo xukunkeeda
Maaliki, Axmad, Owzaaci, Isxaaq, Abuu cubeydin, waxay
ragaasi kutageen in qokii hela maal gaaraya nisaab oo kamida noocyada maalka
kuudoonaba hanoqdee haduu iibiyo intaanu sanaddkii dhamaan ama hiheeyo ama
dhumiyo qaar kamida maalkii isagoo ulajeeda zako kacararid, zakadii waa
lagarabaa waxana laga qaadayaa markii sanadku dhamaado waana haduu sidaas
sameeyey markii zakada waajib nimadeedu soo dhowaatey ee sanadka aakhir
kiisii kamida, laakiin haduu arinkaas sameeyey sanadka awalkiisii markaas
zakadu kuma waajibayso sababtoo ah looma qaadan karo zako kacararid taas,
waxayna daliishadeen Suuratul qalam Aayadaha 17 ilaa 20aad
waxayna kahadlaysaa qoladii kudhaaratay inuusan beertooda soogelin miskiin,
saas awgeed Allaa kuciqaabay inay waayaan beertoodii meelay kutiil, waxayna
kumutaysteen kacararid sadaqo masaakiin lasiiyo,
laakiin Shaafici iyo Abuu Xaniifa waxay dheheen marhadii
maalkii nuqsaani kudhacday sanadkii oo an weli taam noqon (buuxsamin)
zakadii waaka dhacaysaa dushiisa, wuxuuse noqonayaa qofkii saas sameeyey
isagoo kacararayey zako qof denbaabey ee Alle kucaasiyey. Cidda Zakada
lasiinayo
Dadka zakad lasiinayaa waa sideed nooc, Allaah ayaan
kucadeeyey qowlkiisa. Suuratu towba aayada 60aad, waxayna kalayihiin sidan
soosocota labadan qolo ee uguhoreeya waa:
1-2 Fuqarada iyo masaakiinta,
waana kuwo baahan oo an heli karin waxkufilan baahidooda,
waxaana kasoo horjeeda aqniyada oo ah dadka hodonkaa ama maalqabeen,
kuwaasna horaan ugasoo hadallay qadarka qofku kunoqon karo qani ama maal
qabeen, waana inuu haysto qadarkii nisaabka hanti gaadha islamarkaana
kasaayida baahidiisa asalkaa isaga iyo caruurtiisa, waana waxlacuno,
waxlacabo, dharka laxiranayo, guriga degaanka, gaadiidka laraaco, qalabka
shaqada, iyo wixii lamida ee anlaga maarmi karin, hadaba qofkasta oo waaya
qaddarkaas ansoo sheegnay waa faqiir ama sabool wuxuna mutaysanayaa
inlasiiyo zakada,
Xadiiskii Mucaad ibnu jebel waxaa kamidahaa inuu rasuulku
nabadgelyo iyo naxariisi korkiisa hanoqotee yiri (waxa laga qaadayaa kuwooda
hodonkaa, waxana lagu celinayaa kuwooda saboolkaa)
Hadaba kan laga qaadayaa waakan maalqabeenkaa ee haysta
maal gaaraya nisaab sidaan soo marnay, kanlagu celinayaana waakan isaga
kasoo horjeeda waana kan saboolkaa ee anheli karin waxa uu haysto kan
hodonka ahi, manajiro halkaan waxfarqiya oo udhexeeya faqiirka iyo miskiinka
markii loo fiirsho xaga baahida iyo xaga mutaysiga zakada, masaakiintu waa
qayb kamida fuqarada waxayna leeyihiin tilmaan gaara waxana jira xadiis ayku
sugantahay wax kutusinaya inay masaakiintu yihiin fuqarada, kuwaasoo kadhawr
sanaya tuugsiga dadkuna aney garanayn inay baahan yihiin waxaana lagu
sheegay aayaddaan soo xusnay, sababtoo ah waxaa laga yaabaa inaan lagaran
siday udhawrsoon yihiin ama isu qurxinayaan,
Abii hureera waxaa laga weriyey inuu rasuulkii Alle nabad
gelyo iyo naxariisi korkiisa hanoqotee yiri (miskiinku maaha midka dadka
kuwareegaya dushooda oo ay celinayso luqmad ama laba luqmadood, ama timir
ama laba timrood, laakiin miskiinku waakaan heli karin qani nimo deeqda,
lana garanayn (1)
siwaxloogu sadaqaysto dushiisa, isuna taagayn suu dadka wax uweydiisto) waxa
weryey bukhaari iyo muslim,
Qiyaasta lagasiinayo miskiinka zakada,
Waxaa lasiinayaa wax kufilan baahidiisa dhexdhexaadkaa ama
qadar kasaara sabool nimada oo gaarsiiya wax kufilan, Cumar Ibnu khaddaab
ayaa waxa laga weriyaa inuu yiri hadaad bixinaysaan hodonti nimo gaarsiiya,
macnaa qofkii waxdhii bayaa hagaarsiiyo qofkuu waxsiinayo heer uu baahida
kaboxo
Mulkiilaha aan heli karin wax kufilan baahidiisa,
Ninka haysta maal gaaraya nisaab noocyada maalka
kuudoonoba hanoqdee, haduusan toosin karin baahidiisa sababtuna ay tahay
caruurtiisoo farabadan, kaasi waa hodon hadii loofiiriyo dhanka maalka oo
nisaab gaaraya, waxana kuwaajibaysa maalkiisa zako,waana faqiir hadii
loofiiriyo waxa uu haysto ee ankufilayn baahidiisa, waxana lasiinayaa zakada
sida faqiirka,
Imaamu nawawi wuxuu yiri ninkii leh hanti maguurtaa (sida
beeraha iyo guryaha magaalo) oo waxa kasoo galaa kayaraado baahidiisa kaasi
waa sabool waxaana lagasiinayaa zakada wax udhamays tira baahidiisa.
3 -- Dadka zakada kashaqeeya (caamiliin)
qaybta sadexaad ee lasoo dhowaynayo waakuwa imaamka
muslimiintu ama wakiil kiisu udiray inay kashaqeeyaan zakada soo
ururinteeda, kanasoo qaadaan dadka maal qabeenkaa, waxaana kuwaas soogelaya
kuwa xafidaya iyo kuwa raacaya haday xoolanool yihiin, iyo kuwa
liisgaraynaya oo kuqoraya diiwaanada,
waxaana waajiba inay muslimiinta kamid yihiin waana inayan
ahayn kuwii sadaqadu kaxaaraam sanayd ee kamida xigtada ama qaraabada
rasuulka nabad gelyo iyo naxariisi korkiisa hanoqotee, waana Ilma haashim
iyo Ilma cabdi mudalib,
waxa lagaweriyey Mudalib Ibnu Rabiicata iyo Fadli ibnu
cabaas inay aadeen Rasuulka nabad gelyo iyo naxariisi korkiisa
hanoqotee,markaasaa waxaa lahadlay midkood oo yiri; rasuulkii Allow waxaanu
kuugu nimid inaad noo amarto zakooyinkaan oo uu nagasoo gaaro waxa dadka
kasoo gaaraya ee waxtar ah, markaasuu yiri (sadaqadu umahaboona Muxamad iyo
Aalu muxamad, waxkalena maahee ayadu waa wasahkdii dadka)
4 --- kuwa quluub tooda lasoo dumayo,(mu
alafatulquluub)
Qolada afraad ee zakada lasiinayo waakoox ladoonayo
inlasoo dhoweeyo quluubtooda iyo inlagusoo daro islaamka ama lagusugo
islaamka dushiisa, Islaam nimadooda oo daciifa awgeed, ama waakoox shartooda
looga difaacayo mislimiinta, fuqahadu waxay ukalaqaadeen muslimiin iyo
gaalo, Sigaarana muslimiinta waxay ukalasaareen afar qaybood,
Gaaladiina waxaa lookala qaaday laba qaybood oo kala ah
sidan,
Axmad iyo muslim waxay anas kawerinayaan inuu yiri
anas, nabigu nabadgelyo iyo naxariisi korkiisa hanoqotee, hadii
laguweydiisto islaamka shey waa bixin jirey, waxaa uyimid nin markaasuu
weydiistay markaasuu wuxuu amray inlasiiyo ari farabadan ee daaqaya laba
buurood dhexdood ee kamida xoolihii zakada, markaasuu kulaabtay
qoladiisii oo kuyiri war qoom yohow islaamka qaata, Muxamad wuxuu
bixinayaa bixin nimaan faqri kabaqayn oo kale. 5 - Adoomaha xorayntooda, (wafiriqaabi)
waxaa lagu jamcinayaa halkaan labanooc oo adoomuhu ukala
baxaan, waxayna kalayihiin kuwo lakitaabeeyey-macnaa waxa seyidkii lahaa
kula heshiiyey haduu keeno lacagta uu kula heshiiyey inuu xornoqon doono
markuu keeno lacagtaas.
Kankalena waa mid lahaysto oo hadii lagasoo gado cida
adoonsanaysa markaasna laxoreeyo saasna uu markaas kaga boxo adoonimadii,
Labadaas qoloba waxaa lagu xorayn karaa zakada sideeda qaybood qayb kamida,
kanlagu xiray inuu keeno lacag markaasna xoroobo waxa loogu kaalmaynayaa
zakada siduu ugabixi lahaa adoonimada,waxaa kaloo zakada lagusoo gadayaa
kuwakale oo la adoonsanayo markaasna waa laxoraynayaa.
6-kuwa deymoobey (Alqaarimuuna)
qoladan lixaad ee zakada lasiinayaa waa kuwo deymoobey,
karina waayey inay iskadhiibaan deynta, waxayna ukala qaybsamaan sidan, mid
deyngalay ama damaano qaaday deyn inuu cidkale kadhiibayo ee markaas isaga
lagarabo, siduu kubixin lahaana maalkiisii kudhameeyey, kuwaasoodhan waxay
kaqaadanayaan zakada deymohooda,
qubeysata ibnu mukhaariqin alhilaaliyi waxa lagaweriyey
inuu yiri waxaan qaaday deyn an dad dhexdood kukala xalinayo saan dhibaato
udhicin markaas ayaan waxan utegey rasuulkii Alle nabad gelyo iyo naxariisi
korkiisa hanoqotee, anigoo waxwarsanaya, markaasuu yiri (joog ilaasadaqo
nooga timaado oo markaas ankuu amarno sadaqadaas) rasuulku nabadgelyo iyo
naxariisi korkiisa hanoqotee, markaasuu sida laweriyey hadana yiri:
(qubeysow baryadu xalaal uma aha sadex midkood waxan ahayn, nin xamaala
qaaday oo markaas ay uxalaal noqotay baryadii ilaa uuhelo markaana uu
kajoogsado)
culimadu waxay dheheen xumaaladu waa wixii qofku qaado ee
kulaasimaysa naftiisa inuu bixiyo asagoo kukala xalinaya dad is haysta
dhexdooda. Carabtu waxay ahaayeen markii dhexdooda fidno kadhacdo qofkood
ayaa isutaagi jirey suu ugahortago dhibkaas isagoo kudhiibaya maal wuxuu
helikaro, ilaa fidnadaasi kadegto, waxayna ahaayeen kuwo markay ogaadaan in
midkood qaaday deyn uu dadkukala saarayo waxay uladegdegi jireen inay
kucaawiyaan oo aysiiyaan wax naftiisu deynta kaga baxdo, haduu ninku
arinkaas dartii wax uwarsado dadka kuma ceebaynjirin, laakiin waxay u
arkayeen faan iyo raganimo, shardina maaha qofkii galay maslaxadaas oo kale
inuu maalkiisu dhamaado laakiin isagoo heli kara hanti gaadha waxa uu galay
ayuu hadana zakada kaqaadan karaa wuxuu kukala maslaxayo dadka dhexdooda iyo
dhibaato laysku dhici lahaa daminteed. 7- Jidka Alle (Fii sabiilillaahi)
Jamhuurat culumadu waxay mareen inlooga jeedo halkaan
duulaanka lagu duulayo jidka Alle oo ah Jihaadka,iyo in saamigan lasiinayo
kuwa udiyaarkaa duulaanka jihaadka, kuwaasoo an mushahara kulahayn dawlada,
kuwaas noocaas ah ayaa lasiinayaa saamiga 7aad ee zakada kamida, farqina
makala laha inay hodon yihiin iyo inay sabool yihiin.
8 - Musaafirka (Ibnu sabiil)
Culumadu waxay isku waafaqeen nin musaafir beledkiisii ama
magaaladiisii kago’ay ama kabaxay lasiinayo zakada wuxuu kugaaro dantiisa
ama ujeedadiisa,waana hadii aaney usahlanayn wax maalkiisii kamida inuu
helikaro sida xawaalada oo kale,waxaana loosiinayaa ayadoo loofiirinayo
faqrigiisan kuyimid ama kudhacay, waxayna culumadu ushardiyeen ama kuxireen
inuu musaafirka safarkiisu yahay daaco(mid sharcigu amray inloo safro) Ama
waa inuusan ahayn macsiyo (mid denbi lagala kulmaayo oo sharcigu reebay
inloo safro)
Culumadu waxay isku khilaafeen safarka mubaaxa ah (iska
banaan) malasii nayaa zakada ?
Shaaficiyadu waxay ukala qaadeen musaafirka labo qaybood,
Maaliki iyo Axmad waxay qabaan musaafirka mutaystay zakada
in lasiiyo waa midka safarka kudhexjira ee socdaalka ah, laakiin kan
bilaabaya lamasiin karo. Waxay kaloo qabaan inaan lasiinayn zakada qofka
heli kara cid siinaysa amaah ama deyn isagoo heli kara hanti utaal
magaaladiisa taasoo deynta uu isaga bixin kar, laakiin haduusan heli karin
cid amaah siisa ama aanu haysan hanti kadambaysa oo deyntaas kabixin karta
markaas waa lasiinayaa zakada.
Zakada oo loo qaybiyo dhamaan cida mutaysatay ama qaar
kamida
Noocyaasha sideedaa ee zakada mutaystay inlasiiyo ee
aayadda lagu sheegay Fuqahadu waa isku khilaafeen sidii loogu qaybin lahaa
sakada,
Shaafici iyo ragiisu waxay dheheen haduu kan zakada
qaybinayaa yahay kii maalka iskalahaa ama wakiilkiisii waxa meesha kabaxaya
halnooc oo ah caamiliin ama kuwii kashaqay nayey zakada, waxaana markaas
waajibaya inloo qaybiyo todobada soo hartay ee sinfi ama nooc kaad
tiraahdaba, haday yihiin kuwa laheli karo, hadii kalena intii laheli karo
ayaa lasiinayaa ee nooc yadaas kamida, mana haboona in nooc kamida lagatago
isagoo jooga ama lahelayo, haduu katago waxa laga rabaa inuu bixiyo
qaybtoodii.
Ibraahimu nakhaci wuxuu yiri haduu maalku badan yahay oo
wada gaari karo noocyadaas sideedaa oodhan wuu uqaybinayaa, haduuse yaryahay
maalku waxa banaan inuu siiyo halqolo ama nooc kamida kuwa mutaystay zakada
in lasiiyo.
Axmad ibnu xanbali wuxu yiri, inuu wadagaarsiiyo ayaa
mudnaan badan, haduuse qolo kamida siiyo waaka gudaysaa zakadii oo
maburayso. Maaliki wuxu yiri, wuuku dadaalayaa ama hakudadaalo inuu siiyo
hadba qolada ugu baahi badan, haduu arko qolada fuqaradaayi inay baahi badan
yihiin sanadkan ayaguu kuhor marinayaa, haduu arko sanadka danbe
musaafiriintu inaybaahi badanyihiin ayaguu uwareejinayaa inuusiiyo,zakada.
Xanafiyada iyo Sufyaanu sowri waxay dheheen isagaa khiyaar
uleh kan zakada dhiibayaa oo wuxuu siin karaa sideeda nooc kuudoono.
Intaasoo waji ayaa fuqahadu kala mareen sida sawaabkaana Alle ayaa og.
Dadka zakadu xaaraam katahay,
Waxaanu horay kusoo sheegnay meelaha zakada lagubixinayo,
iyo cida xaquyeelatay inlasiiyo, waxaa hadaba inooharay inaan xusno dadaan
zakadu xalaal u ahayn oo anmutaysan in lasiiyo, waxayna kalayihiin sidan,
qasadka loogajeedo maalqabeenada iyo fuqarada
muslimiinta waa cidii iyaga kasoo hadha lamasiinkaro zakada, Ibnu
mundiri wuxuu yiri, cidkatoo ahlucilmiga kamida, kuwaasoo aanu
waxkaxifdinay waxay iskuraaceen inaan gaalka balanta kujira zakada
lasiinkarin, waxana lagasoo reebay kuwa quluubtooda lasoodumayo sidaanu
horay kusoomarray (mu’alafatul quluub).
Ibnu Qudaama wuxu yiri, garanmeyno wax khilaafa oo
kajira inaan zakadu xalaal u ahayn Banuu Haashim, waxana taas daliil u
ah,xadiiska rasuulka nabadgelyo iyo naxariisi korkiisa hanoqotee,wuxu
yiri: (sadaqadu umabanaana ahalka Muxamad, waxkalena maaha ee waa
wasakhdii dadka) waxa weriyey Muslim,
Abuuhureyra waxa lagaweriyey inu yiri, Xasan Ibnu cali
ibnu abiidaalib ayaa qaatay xabad timira oo kamida sadaqaadkii, markaas
ayuu Nabigu nabadgelyo iyo naxariisi korkiisa hanoqotee, kuyiri: isagoo
adeegsanaya kelimad uu kagadhicinayo(kakh kakh, miyaadan ogayn inaanaan
cunin sadaqada) waxa weriyey Bukhaari iyo Muslim.
Culumadu waxay isku khilaafeen Banii mudalib in zakadu
ubanaan tahay iyo inay kaxaaraam tahay, Shaafici wuxu qabaa inayan waxba
zakada kaqaadan karin sida reer banii Haashim oo kale.
Fuqahada diintu waxay isku waafeqeen inayan ubanaanayn
zakada inlasiiyo Aabyaasha iyo Awoowa yaasha, Hooyooyinka iyo
Ayeeyooyinka, wiilashaad dhashay iyo kuway siidhaleen, gabdhahaad
dhashay iyo kuway siidhaleen, sababtoo ah qofka zakada bixinaya waxa
dushiisa kuwaajiba inuu nafaqeeyo Aabihiis iyo wixii kakoreeya ee
Awoowayaal ah, wiilashiisa iyo wixii kafarcamay, hadii ayfuqaro ama
sabuul yihiin waxay maalqabeen kuyihiin qofkan zakada bixinaya ee
masuuliyadoodu saarantahay maalqabeen nimadiisa, hadii zakada uu siiyo
kuwaas aynu soosheegnay naftiisa ayuu nafci usoojiidey oo zakadii
larabey inuusiiyo dadkale ayuu kusoo celiyey ciduu quudinayey, xaaladaas
aynu kasoo hadalay waamarkey yihiin faqiir ama sabool, laakiin hadey
soogalaan baabkale sida inay kujiraan duulaan lagudagaa lamayo jidka
Alle, markaas waalasiin karaa zakada sida hadii ay deyngalaan iyo hadii
ay kujiraan kuwa zakada kashaqaynaya, arimahaas ama sifaadkaad oo dhami
waakuwo ubanaynaya zakada inay kaqayb qaataan.
Ibnu Mundiri wuxu yiri Ahlu cilmigu waxay isku raaceen
inaanu ninku xaaskiisa zakada siinkarin, sababtuna waa masruuf keeda oo
waajib dushiisa lagarabo ah, umana baahna oo hodon ayey katay inay
qaadato zakada, laakiin hadey tahay midqabta deyn wuxuu siinkaraa
saamigii ama qaybtii kuwa deyntagalay sey isaga bixiso deynta
laguleeyahay.
Ninka haweentiisu hadey haysato maal zako kawaajibtey
waxay siinkadhaa ninkeeda zakada haduu kamid yahay kuwii mutaystay
zakada in lasiiyo, sababtoo ah masruuf kiisu masaara nafteeda, waxaana
uhaboon isaga siintiisa kanahaboon inay siiso mid ajnebiya, Allaah ayaa
u cilmileh, waxaa loodalii shadaa xadiiska uu werinayo Abii Saciid
Alkhudriyi Allaha karaali noqdee inu yiri, Zeynaba oo ahayd xaaskii Ibnu
Mascuud ayaa tiri Nabi Allow waxaad amartay maanta sadaqo, waxaana
iiyaal waxa laysku qurxiyo (dahab ama fiddo) waxaan damcay inaan
sadaqaysto, Ibnu Mascuudna wuxuu sheegayaa isaga iyo caruurtiisu inay
uxaqleeyihiin in lagu sadaqaysto, markaasuu Nabigu nabadgelyo iyo
naxariisi korkiisa hanoqotee, wuxu yiri: (runbuu sheegay Ibnu Mascuud,
ninkaaga iyo ciyaalkaaga ayaa uxaq mudan cidaad kusada qaysato) waxa
weriyey Bukhaari. Qofka maalqabeenkaa maku badbaadi karaa dhiibid zakada
loodhiibo madaxweynaha ama imaamka muslimiinta,
Hadii muslimiintu leeyihiin madaxweyne kudhaqmaya diinta
Islaamka waxa banaan zakada in loodhiibo, caadil ama jaa’ir kuudoono
hanoqdee, waxayna kubadbaadeysaa hantiilaha naftiisu dhiibidaas uu udhiibey
Imaamka, laakiin haduu yahay midaan kubixinayn zakada meelihii loogu
talagalay markaas waxaa wanaagsan oo ufadli badan inuu isagu uqaybiyo cidii
mutaysatay, laakiin hadii Imaamku ama shaqaale uu soodiray yiraahdo keen
zakada markaas inuu dhiibo ayaa lagarabaa,
Daliilkuna waa xadiiska lagaweriyey Anas inuu yiri, nin
reer baniitamiim ah ayaa uyimi Rasuulka nabadgelyo iyo naxariisi korkiisa
hanoqotee, markaas ayuu ninkii yiri rasuulkii Allow mawaxa igufilan inaan
zakada udhiibo ninkaad soodirtay oo keliya miyaa naftaydu kubadbaadi kadhaa?
Markaasuu Rasuulku nabadgelyo iyo naxariisi korkiisa hanoqotee,wuxu yiri:
(Haa hadaad udhiibto zakada kiilasoodiray (1)
waad kabari noqotay zakadii, waxadna leedahay ajarkeeda, denbigeedana waxaa
iskaleh qofkii bedela (2)
waxa weriyey Axmad, {baraarujin} dhamaan axaadiithta aan ku keenay meeshan gudaheeda ama
dhexdeeda waxaan baraarujinayaanin laga heli karo qaar aan aad u quwad
badnayn laakiin culimadu ay ixtijaajeen ama daliishadeen sidaa haloola socdo
insha allaah maqaalada kalena waan sii wadaynaa insha allaah wabillaahi tawfii wasalaamu calaykum waraxmatullaahi wabarakatuh
1-Dahabka
2-Fiddada
3-Xabuubka (sida bariiska sareenka galeyda masangada iyo wixii lamida)
4-Miraha (sida timirta cinabka iyo wixii lamida)
5-Hantida laganacsado
6-Xoolaha soofa (yacni soodaaqa cawska roobka kubaxay)
7-Macdanta dhulka lagaqodo 8-Maalka dhulka hoostiisa dad hore kuduugteen ee
laga helo waa sideedaas nooc waxa zakadu kuwareegto aygaana siikala baxaya,
2-- ama inuuyahay mid cayr ah anxoola haysan
Ereybixin,
1-macnaa dadku magaranayaan inuu baahan yahay oo waxay arkaan dhawrsoo
naantiisa iyo xishoodkiida.
bravenet.com