untitled
viviti

waxay ka mid tahay  silsilada {dariiqa xaqqa}

ciqaabka qofka zakada bixinwaaya!!

waxa mahad dhamaanteed leh allaha abuuray jinka iyo insiga iyo inta kasoo hadhayba waxaanan ku saliyayaa rasuulka muxamed ah

{calayhi assalaatu wasalaam}

 waxaanan allaah waydiisanaynaa inuu ina hanuuniyo diintana inaga dhigo qaar fahma kuna dhaqma

waxa walaalayaal aynu wada ogsoonahay dhamaan jin iyo insiba allaah inuu u abuuray inay caabudaan wax kalena allaah kama rabo disa uu sheegay allaah

waxaynu nahay adoomo adoonkuna mahaysto wax xoriyad ah adiga iyo maalkaagabana allaah ayaa leh isagaa ku siiyay kaana qaadi kara

maadaama ay tahay dhabtu taa waxa aynu arki karnaa dad maanta iska dhigaya inay ka xoroobeen adoonimadaa oo xoolihii allaah siyay zakadii lagu lahaa iska diiday inay bixiyaan ama ka gaabiyay aduun jacayl awgii allaahna waxa uu leeyahay {waxaad ka bixisaan xoolaha allaah idinsiiyay waxaanu idinsiin badalkooda anagaana cid wax arzaaqda ugu fiican}

mar kale allaah waxa uu yidhi isaga o dhaleecaynaya kuwo zakada ka tagay {hoog waxa iska leh mushrikinta kuwaasoo zakadii ka tagay} waxa mar kale allaah yidhi {yay u malayn kuwa la bakhaylaya ee dib u dhiganaya waxii allaah siiyay inay u khayr badan tahay dib u dhigashadaasi way u shar badantahay maalinta qiyaamaa luqunta loogu xidhayaa}waxa taana safiray rasuulka calayhi assalaatu wasalaam waxaanuu yidhi {qofka xoolahiisa zakada ka bixin waaya maalinta qiyaame waxa loo ekaysiiyaa xoolihiisii maska bidaraystay sunta awgeed wuxuuna masku ku yidhaahdaa anugu waxaan ahay maalkaagii anigu waxaan ahay kaad kaydsatay} waxa allaah yidhi mar kale {kuwa kaydsanaya lacagta iyo dahabka ee aan kubixnayn jidka allaah{zakada} waxad ugu bishaaraysaa cadaab wax xanuujiya maalinta qiyaame waa maalinta xoolahoodii lagu kaawiyadayn doono wajiyadooda barbaradooda iyo dhabaradooda laguna odhan doono xolahaad kaydsanayseen waa kuwaase dhadhamiya waxaad kayd sanayseen} waxaanu rasuulku kusii fasiray in maalinta qiyaame laga dhigayo xoolahoodaa faseexado naara o lahu kaawiyadayn doono subxaana allaah hadaba walaalayaal waxaynu aragnaa ciqaabka inta leeg ee ku dhacaya dadkii zakada bixin waayay marklaa waxa waajib ah oo qof kasta oo alaah uu siiyay caqli uu garan karaa in xoolaha allaah siyay uu ka bixiyo zakada si aanuu u mutaysan ciqaabkaa intaa leeg waana kala duwan yahay ciqaabkaasi subxaana Allaah

wax yaabaha ku dacaya sida allaah inoo tilmaamay qofka zakada bixin waaya waxa kamid ah :

1.in allaah kaa saaro xoolahaa aad zakada ka bixin waydo oo faqiir allaah dib kuugu celiyo doon wax hayna geeridu kuu timaado sidana lagugu ciqaabo qiyaamaha

2.in allaah kugu ciqaabo xoolaha laftooda oo sidaad ugu dhex jirto aad dhimato adoon nasan ama aad waalato am aad cibaadada ka tagto ahlu naarna aad ku dambayso

3.in alaah kugu ciqaabo ciqaabaha la sheegay adoon xoolihii lahaa inta aad geeriyooto dabadeeto ay kugu dacaan dhibaatooyinka ka dhashay iyo ciqaabka allaah 1.in mas lagaga dhigo xoolahaagii 2.in laguu kuluyleeyo oo lagugu cadaabo xoolihii laftoodii subxaana Allaah

hadaba walalayaal aynu doorano janno zakada aynu bixino waxba kama nusqaamiso xoolaha inay badiso mooye sida nabigu yidhi [calayhi assalaatu wasalaam}

zakada bixiya allaah wua idiin naxariisane

waxa diyaariyay : zakariye cali diiriye

 


©Xuquuqda oo dhan waxay u xafidantahay Bogan: http//:doorasho.bravehost.com walaalkayga Muslimka ahow dhamaan waxa laga helo Bogan waxaad u isticmaali kartaa si shakhsi ahaaneed iyo fidinta Dacwada

جميع الحقوق محفوطة لموقع الإختيار أخي المسلم بإمكانك الإستفادة من محتويات الموقع في الإستخدام الشخصى ونشر الدعوة

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 


Web Hosting · Blog · Guestbooks · Message Forums · Mailing Lists
Easiest Website Builder ever! · Build your own toolbar · Free Talking Character · Email Marketing
powered by a free webtools company bravenet.com