|
|
|
|
Daawada Xubuubka ah oo loo leqo
Dariiqad aan sax ahayn
Dhibaatada ku sugan Daawada Xabuubka ah oo
loo leqo Dariiqadan aan sax ahayn ayaa keeni karta inay kaa soo gaadho
Khatar aad u wayni, Daawada oo lagu leqo Biya diiran ama kulul ayaa
waxaa ku sugan Khatar aad u wayn
Waxaa u caada ah Dadka badankiisa marka u haleelo Duray ama Xanuuna kale oo ay
tagaan Dhakhtarka oo loo soo qoro Daawo Xubuub ah inay ku cabaan Daawada ama ku
dejiyaan Biya diiran ama mararka qaarkood kululba iyaga oo aan hubsan inay
Daawadaasu ku gaadhay Caloosha si nabad gelya ah iyo in kale
Arintatan ayaa waxaa ku sugan Khatar aad u wayn, sidaas darteed ayaa waxaa Wajib
ah inaad raacdo oo aad ku socoto Dariiqada saxda ah ee ay tahay in loo leqo
Daawooyinka Xubuubka ah
Waxa uu tilmaamay Dhakhtar wayn oo Shiine ahi (Chines) ahmiyada ay leedahay in
lagu cabo ama lagu dejiyo Daawada Biya qabow si ay u dejiso ka dib markaad
leqdona Daawada aad ka daba cabto Biya badan ilaa aad hubsato inay gaadhay
Caloosha aadna sugto Saacad Badhkeed ka dib ka hor inta aanad seexan
Nin ayaa ku kacay inuu leqo Daawadiisii isaga oo aan ku cabin Biyaha
laasimka ah inay ku dejiyaan Caloosha, waxayna Daawadii isku taagtay oo ku
dhigtay Hunguriga intaanay gaadhin Caloosha taas oo sababtay in Ninkii la
dhigo Dhakhtarka muda shan Casho ah oo aanu cunayn waxba aan ka ahayn wax
yaabo liquid ah iyo Caano qabow, wuxuuna uga digay Dhakhtarku in laga yaabo in
ay Xaaladiisu sii xumaato oo suura gal tahay inay keento Ulcerous, sidaas
darteed waa inaad ilaalisaa arimahan:
1- Ha ku cabin Biya diiran ama kulul si
aad ugu dejiso Daawada ka dib markaad leqdo, kana fogow inaad ku dejiso
Cabitaanka macaan sida Casiirka iwm ee waa inaad ku cabtaa ama ku dejisaa oo
keli ah Kimiyad ku filan oo Biya qabow ah
2- Hadaad dareento markaad leqdo Daawada Diiqad ama in aanad deganayn waa inaad
cabtaa kimiyad kale oo Biyo dheeraada ah
3- Markaad cabto Daawada ka dib waa inaad istaagtaa ama fadhiistaa mudo oo aanad
markiiba istuurin ama seexan
Wabillaahi atowfiiq
Waxaa soo ururiyay oo diyaariyay: Maessa
Asalafi Inshaa Allaah
©Xuquuqda oo dhan waxay u xafidantahay Bogan: http//:doorasho.bravehost.com walaalkayga Muslimka ahow dhamaan waxa laga helo Bogan waxaad u isticmaali kartaa si shakhsi ahaaneed iyo fidinta Dacwada
جميع الحقوق محفوطة لموقع الإختيار أخي المسلم بإمكانك الإستفادة من محتويات الموقع في الإستخدام الشخصى ونشر الدعوة
Web Master: maessa2@gmail.com
bravenet.com