|
|
|
|
بسم الله الرحمن الرحيم
Allaah xagee jiraa?
أين الله؟
Shiikh Maxamed Bin Jamiil Siino
لشيخ محمد بن جميل زينو
إنََّ الحمد لله ، نحمده ونستعينه ونستغفره ،ونعوذبالله من شرور أنفسنا، ومن سيئات أعمالنا ، من يهده الله فلامضل له ومن يضلل فلا هادي له، وأشهد أن لا إله إلا الله وحده لاشريك له، وأشهد أن محمداً عبده ورسوله. {يا أيها الذين آمنوا اتقوا الله حقَّ تقاته ولاتموتن إلا وأنتم مسلمون}[آل عمران :102] . {يا أيها الناس اتقوا ربكم الذي خلقكم من نفسٍ واحدة وخلق منها زوجها وبث منهما رجالاً كثيراً ونساءً وتقوا الله الذي تسآءلون به والأرحام إن الله كان عليكم رقيباً}[النساء:1] {يا أيها الذين آمنوا اتقوا الله وقولوا قولاً سديدا. يصلح لكم أعمالكم ويغفر لكم ذنوبكم ومن يطع الله ورسوله فقد فاز فوزاً عظيما}[الأحزاب: 70و71]
أما بعد: فإن خير الكلام كلام الله ، وخير الهدي هديُ محمد صلى الله عليه وسلم، وشر الأمور محدثاتها، وكل محدثةٍ بدعة, وكل بدعة ضلالة ، وكل ضلالةٍ في النار .
وبعد:
Allaah ayaa mahad iyo amaan mudan oo iska leh, waan u mahad celinaynaa waan kaashanaynaa dembidhaaf ayaan waydiisanaynaa, waxaan Allaah ka magan gelaynaa shararka nafahayaga, iyo acmaashayada kuwooda xun, kii Allaah hadeeyo cid lumin kartaa ma jirto, kii Allaah luminayona cid hadayn kartaa ma jirto, waxaan qirayaa inaanu jirin Ilaah xaq lagu caabudaa Jiritaanka oo aan Allaah ahayn kelidii oo aan lahayn wax shiriik ah oo lagu lamaaneeyo, waxaan qirayaa in uu Maxamed yahay adoonkii Allaah iyo Rasuulkiisii.
{Kuwii Allaah iyo diintiisa xaqqa ah rumeeyeyow, Allaah ka cabsada cabsi dhab ah hana dhimanina idinkoo aan muslimiin ahayn.} [Aali cimraan: 102] {Dad yohow rabigiina ka cabsada, idinka abuuray naf keliya (Aadam calayhi salaam) ee ka sii abuuray xaaskeedii (Xawaa calayhaa salaam) ee ka sii abuuray rag badan iyo dumar oo ku kala fidiyey dunida guudkeeda, ka cabsada Allaaha aad wax isku waydiisataan iyo inaad riximka gowsaan, Allaah kor buu idinka ilaalinayaa oo waa ogyahay acmaashiina} [Nisaa: 1].
{Kuwii Allaah iyo diintiisa xaqqa ah rumeeyeyow Allaah ka cabsada oo ku hadla hadal toosan wuxuu idiin hagaajin acmaashiina wuuna idiin dembi dhaafi kii Allaah iyo Rasuulkiisa adeeca ayaa liibaanay liibaan wayn (janada nimcooyinka badan gelaaya)} [Alaxzaab: 71&72].
Intaa ka dib: hadal waxaa u khayr badan hadalka Allaah, jid lagu hanuunona wax u khayr badan kii Maxamed sala Allaahu calayhi wasalam, arimaha waxaa u shar badan kuwa la abuuro, arin kasta oo la abuuraana waa bidca, bidca kastaana Naar ayay geli.
Intaas ka dib:
Waa Sifo aad u muhiim ah oo ka mid ah Sifooyinka Allaah casaa wajalaa Ruuxii fahmana ay u fududaaynayso inuu fahmo Sifooyinka kale ee Allaah subxaanahu wa tacaalaa, Allaahii subaxaanahu wa tacaalaa ina abuuray wuxuu inagu waajibiyay inaan ogaano xaguu jiraa? Si aan ugula jeesano Qalbiyaalkeena iyo Ducadeena iyo Salaateena cidii aan aqoon Rabigiisu xagee ka jiraa? Wuxuu ahaan mid lunsan oo aan garanayn xaguu ka jiro kuu caabudaayo umana caabudaayo sida xaqqa ah ee ay tahay inuu u caabudo. Sifada ah koraynta Allaah casaa wajalaa ka korayo kuwuu abuuray waxay tahay Sifo sida Sifooyinka kale ee ku soo arooray Quraanka iyo Xadiisyada saxeexa ah sida Maqalka, Araga, Hadalka, soo Degitaanka iwm ee ah Sifaatka Allaah casaa wajalaa waayo waxay tahay Caqiidada Salafkii suubanaa iyo Kooxda badbaaday Ehelka Sunnaha iyo Jamaacda inay aaminaan wixii Allaah tacaalaa ku sheegay Kitaabkiisa ama Rasuulku sala Allaahu calayhi wasalam ku sheegay Xadiisyadiisa iyadoo aanay awilin ama is hortaagin aana waxbana ku shabihin siduu yidhi Allaah tacaalaa: {
ليس كمثله شيئ وهو السميع البصير [الشورى: 11]} {wax la mid ahi ma jiro waxna waa maqlaa waxna waa arkaa}, markay sidaas Sifaatka Allaah casaa wajalaa yihiin oo ay ka mid tahay Sifada koraynta Allaah casaa wajalaa uu khalqigiisa ka koraayo ay raacsantahay Daatadiisa in la aaminaana waa waajib sida Iimaanka Daatadiisa saaraysa, sidaas darteed ayuu yidhi Iimaam Maalik Allaah ha u naxariistee markii la waydiiyey macnaha hadalka Allaah tacaalaa: {الرحمن على العرش إستوى} {Allaaha raxmada leh guud ee Carshiga kormary (si ku haboon waynidiisa subxaanahu wa tacaalaa)}, wuxuu yidhi: [الإستواء معلوم أى العلو والكيف مجهول، والإيمان به واجب] [Alistiwaa waa la garanayaa (waana koraynta) kayfiyada ama sideedana waanaga qarsoontahay ama lama garanaayo in la aaminaana waa waajib], walaalkayga Muslimka ahow eeg hadalka Iimaam Maalik Allaah ha u naxariistee wuxuu ka dhigay aaminaada Istiwaaga ogaansheheeda waajib inay ku tahay mid kasta oo Muslim ah waana koraynta, hase yeeshee siday korayntaasu tahay waa mid inaga qarsoon ma jirto cid og Allaah tacaalaa maahee, mid kasta oo inkira Sifa ka mid ah Sifaatka Allaah casaa wajalaa ee ku cad Aayataha Quraank iyo Xadiisyada saxeexa ah oo ay ka mid tahay Koraynt Mudlaqa ahi iyo inuu ka sareeyo Samada wuxuu noqonayaa mid inkiray Aayatka iyo Xadiisyada muujinaya cadaynteeda, in Sifaatkan dhamaansha iyo Saraynta iyo Koraynta aanay banaanayn in loo diido Allaah casaa wajalaa, isku dayga ay isku dayeen qaar kuwa dambe ahi inay awilaan Aayaatka iyo Sifaatka iyadoo ay Nafahood saamayn ku reebtay Falsafadda xumaysaysay Caqaa’idka kuwa badan oo Muslimiin ah oo ka dhigtay inay is hortaagaan Sifaatka kaamilka ah ee Allaah casaa wajalaa iyagoo khilaafay Dariiqii Salafka oo ah mid sugan oo ka og kana badbaadsan, maxaa ka wanaagsan Ninka yidhi:[وكل خير في إتباع من سلف، وكل شرٍ في إبتداع من خلف] [khayr oo dhami wuxuu ku jiraa raacitaanka kuwii horeeyay, shar oo dhamina wuxuu ku jiraa waxay abuureen kuwii dambeeyay]
Gebagebo
In la aamino dhamaan Sifaatka Allaah ee lagu sheegay Quraank iyo Xadiisyada saxeexa ah waa waajib mana banaana in la kala sooco Sifaatka oo aan u aamino qaar sideed daahirka ah qaar kalena aan awilo, markaa cidii aaminsan in Allaah casaa wajalaa waxna maqlo waxna arko oo aan waxba ku shabihin Aragiisa iyo Maqalkiisa waxaa la gudboon in uu aamino in Allaah casaa wajalaa ka koreeyo Samada (korayn ku haboon waynaatiisa oo aan cidna lagu shabahin) waayo dhamaan waa Sifaatka Allaah subxaanahu wa tacaalaa dhamaanshihiisa
ee uu ku cadayay Allaah subxaanahu wa tacaalaa Kitaabkiisa iyo Xadiisyada Rasuulkiisa sala Allaahu calayhi wasalam ee ay ayidayso abuurta saliimka ahi ee uu rumaysanayo Caqliga Saliimka ahi, wuxuu yidhi Naciim Binu Xamaad Shiikhii Albukhaaraa: [من شبه الله بخلقه فقد كفر، ومن جحد ما وصف الله به نفسه فقد كفر، وليس فيما وصف الله به نفسه ولارسوله تشبيه[ذكره في شرح العقيدة الطحاوية]] [Ruuxii ku shabaha Allaah casaa wajalaa Khalqigiisa waa Gaaloobay, kii jaaxida wixii Allaah casaa wajalaa ku sifeeyey Naftiisana waa Gaaloobay, ma laha wixii Allaah casaa wajalaa Naftiisa ku sifeeyey ama Rasuulkiisu sala Allaahu calayhi wasalam wax shabahaad ah ]
Allaah wuxuu ku sugan yahay Carshiga korkiisa
Quraanka kariimka ah iyo Xadiisyada saxeexa ahi iyo Caqliga saliimka ah iyo abuurta saliimka ah
ayaa ayidaya taas, Allaah tacaalaa wuxuu yidhi: {الرحمن على العرش إستوى[طه:5} {Allaaha raxmada leh guud ee Carshiga kor mary(yacni wuu ka sareeyaa)}, Allaah subxaanahu wa tacaalaa wuxuu kaloo yidhi: {ءأمنتم من في السماء أن يخسف بكم الأرض [الملك:16]} {ma waxaad aaminteen in ka Samada ka sareeyaa idinku khasifo Dhulka}, wuxuu yidhi: Ibinu Cabaas waa Allaah casaa wajalaa sida ku sugan tafsiirka Ibinu JowsiAllaah tacaalaa wuxuu kaloo yidhi: {
يخافون ربهم من فوقهم [النحل:50} {waxay ka cabsanayaan Rabigooda ka sareeya}, Allaah tacaalaa wuxuu kaloo yidhi: {بل رفعه الله إليه [النساء: 158} {bal Allaah casaa wajalaa baa kor u qaaday xagiisa}, Allaah tacaalaa wuxuu kaloo yidhi: {وهو الله في السموات....[ الأنعام: 3} {waa Allaaha casaa wajalaa ka koreeya Samooyinka…} wuxuu yidhi Ibinu Kasiir tafsiirka Ayaatan: waxay isku waafaqsan yihiin Mufasiriintu inaynaan odhan siday yidhaahdeen Kooxda Aljahamiyah ee lunsani in Allaah casaa wajalaa uu meel walba joogo! Allaah casaa wajalaa ka saray waxay leeyihiin sarayn wayn ee!!Allaah tacaalaa hadalkiisa ah se: {
وهو معكم أينما كنتم [الحديد: 4} {Allaah casaa wajalaa waa idin la joogaa meel kasta oo aad joogtaanba macanaheedu waxa weeye Allaah subxaanahu wa tacaalaa wuxuu inagula joogaa ogaanshihiisa wayna maqlayaa waana ina arkayaa meel kasta oo aan joognoba macnahaas waxa muujinaya hadalka ay ku bilaabantay Aayatu iyo kay ku dhamaatay [eeg Tafsiirka Ibinu Kasiir}Xadiisyada koraynta Daliilka u ah qaarkoodna aan soo qaadano: [
وعرج صلى الله عليه وسلم إلى السماء السابعة حتى كلمه ربه، وفرض عليه خمس صلوات[كما رواه البخارى ومسلم]] [waxa loo korsiiyay sala Allaahu calayhi wasalam ilaa iyo Samada todobaad xataa uu la hadlay Rabigii casaa wajalaa oo ku farad yeelay shan Salaadood], wuxuu kaloo yidhi sala Allaahu calayhi wasalam: [ألا تأمنونى وأنا أمين من في السماء؟ يأتيني خبر السماء صباحاً ومساءً [رواه البخارى ومسلم] [miyaydaan I aaminayn anoo aamin ka ah kan Samada ka koreeya? Waxa iiga yimaada Khabarka Samada Aroor iyo Galaba], wuxuu kaloo yidhi sala Allaahu calayhi wasalam: [ارحموا من في الأرض يرحمكم من في السماء[رواه الترمدي وقال حديث حسن صحيح]] [u naxariista kuwa Dhulka korkiisa ku sugan waxa idiin naxariisan kan Samada ka koreeya ee [waa Allaah subxaanahu wa tacaalaa], wuxuu waydiiyey Rasuulkii Allaah sala Allaahu calayhi wasalam Jaariyad oo ku yidhi: [أين الله؟ فقالت: الله في السماء، قال: من أنا؟ قالت: أنت رسول الله، قال: أعتقها فإنها مؤمنة [رواه المسلم] [Allaah casaa wajalaa xagee jiraa? Waxay tidhi: Allaah casaa wajalaa wuxuu ka koreeya Samada, wuxuu ku yidhi sala Allaahu c alayhi wasalam: kumaan ahay anigu? Waxay tidhi: Adigu waxaad tahay Rasuulkii Allaah, wuxuu ku yidhi sala Allaahu calayhi wasalam kii lahaa: xoray waa Mu’minad ee], wuxuu kaloo yidhi sala Allaahu calayhi wasalam: [والعرش فوق الماء، والله فوق عرشه، وهويعلم ما أنتم عليه[حسن رواه أبو داود][Carshiguna wuxuu yahay Biyo korkood, Allaahna wuxuu ku sugan yahay Carshiga korkiisa, wuxuuna ogyahay waxaad ku sugantihiin]Wuxuu yidhi Abu Bakar radiya Allaahu tacaalaa canuhu:
[من كان يعبد الله فإن الله في السماء حيٌ لايموت[روا الدرامي في الرد على الجهمية بإسناد صحيح][kii Allaah casaa wajalaa caabudi jiray Allaah subxaanahu wa tacaalaa wuxuu ka koreeya Samada waana mid nool oo aan dhimanayn] , waxa la waydiiyey Cabdullaahi Binu Mubaarak radiya Allaahu canhu: [كيف نعرف ربنا؟ قال: إنه فوق السماء على العرش بائن من خلقه ومعناه: إن الله فوق عرشه بداته... خلقه] [sidee ayaanu u garanaa Rabigayo? Wuxuu yidhi: Allaah wuxuu ku sugan yahay Samada korkeeda Carshiga korkiisa waana ka gooni kuwuu abuuray macnuhuna waa Allaah casaa wajalaa wuxuu ku sugan yahay Carshiga korkiisa Daatadiisii ee kuma dhex jiro kuwuu abuuray]Iimaamadii Afarta ahaa waxay isku waafaqeen ka koraynta Allaah casaa wajalaa uu Carshigiisa ka korayo mana jiro wax khalqigiisa ah oo shabahaa
Qofka tukanayaa wuxuu yidhaahdaa markuu sujuudsanyahay:
[سبحان ربي الأعلى] [waxaa ceeb ka nasahan Rabigayga sareeya]Qofku markuu ducaysanayo Gacmaha ayuu kor ugu taagaa xaga Samada
Caruurta yar yar markaad waydiiso: Allaah casaa wajalaa xagee jiraa? Waxay kuugu jawaabayaan abuurtooda saliimka ah darteed wuxu jiraa Samada yacni Samada ayuu ka korayaa
Caqliga saliimka ahi wuxuu ayidaya in Allaah casaa wajalaa ka korayo Samada haduu ahaan lahaa meel walbana waxa inoo sheegi lahaa Rasuulkii sala Allaahu calayhi wasalam oo bari lahaa Asxaabtiisii redwaanu Allaahi calayhim ogaal ahaan meelaha waxaa ka mid ah meelo nijaas ah iyo meelo qudhun ah Allaah casaa wajalaa ka sareeyay waxay leeyihiin sarayn wayn ee
Hadalka ah in Allaah casaa wajalaa meel walba inala joogo Daatadiisa waxay keenaysaa in Daatiya kala duwani jiraan waayo meeluhu way badan yihiin oo kala duduwanyihiin markay tahay Daatida Allaah casaa wajalaa mid keli ah suura gal maaha inay kala duwanaato markaas waxa baadil noqoday hadalka ah in Allaah casaa wajalaa meel kasta joogo Daatadiisii waxana cadaatay in Allaah casaa wajalaa ka koreeyo Samada Carshigiisa ka koreeyo wuxuuna inagula joogaa meel kasta ogaanshihiisa wayna maqlayaa oo in arkayaa meel kasta oo aan joogno.
Halkaa ayuu ku dhamaaday Hadalkii Shiikhu Allaah casaa wajalaa ha ka abaal mariyo anuna ha nagu sugo Xaqqa isaga ayaa waafiqinta iska leh ee aamiin.
وصلى الله وسلم على أشرف المرسلين وإمام المتقين، نبينا محمد وآله وصحبه أجمعين، والحمد لله رب العالمين.
Qore: Maessa Asalafi InshaaAllaah
bravenet.com