untitled
viviti

Sidee isu daawayn haduu ku helo adoo keli ah Wadna Istaag(Heart Attack)Allaah haynaga hayee?
 
Aan nidhaahno Saacadu waa Lixdii iyo Badhkii Galabnimo adoo wata Gaadhigaaga kelidaa weeye dabcan waxaana weeye waqti aad shaqo ka soo rawaxday oo aan caadi kuu ahaan jirin adigoo aad u daalan oo lala liita tacab,mar qudha ayaad waxaad ka dareentay Laabtaada Xanuun aad u adag oo kor ugu fidaaya Garbaha,Gacmaha ilaa Dhuunta sidii ay tahay hordhacyadii Wadna Istaaga,waxaad ka fogtahay 5 kilometer meesha kuugu dhow Dhakhtar ama Gurigaagiiba
 
Laakiin waxaa ah wax laga xumaado maad ogid ma kuu suura gelaysaa inaad gowso Masaafadaa inta aanu aamusin Wadna Istaagu Wadnahaaga!maxaad kari kartaa inaad samayso?waxaad ku bartay Dooradii CPR ama BLS noolaynta Wadnaha,laakiin Macalimkii ku tababaray waxaanu ku barin ama kaa ilaabay inuu kuu sheego sidii aad CPR ta Naftaada ugu dabiqi lahayd iyada oo Dad badani kelidood yihiin markay la kulanto Wadna Istaagu,markaa arinkanu waa mid wayn oo aad u muhiim ah oo baahi wayn loo qabo
 
Iyada oo aan cidina taageerin Qofka aanu Wadnahiisu si nadaamsan u shaqaynayn oo dareemaaya inuu Miyir beelaayo waxa uu haystaa waa 10 Ilbidhiqsi oo keli ah ka hor intaanu Miyirkiisa iyo Wacyigiis beelin dhamaan,si kastaba ha ahaatee Dadka uu haleelo Wadna Istaagu waxay u gargaari karayaan Naftooda, waxayna samaynayaan sida tan:
 

Waa in aad u qufacdaa si xoog ah oo aad ku soo celcelinayso waxa kale oo waajib ah oo lagaa rabaa in aad qaadato neef dheer mar kasta ka hor inta aadan is quficin,Qufacana waxaa loo baahan yahay inuu noqdo mid xoogan oo dheer oo aad ku soo celcelinayso labadii Ilbidhiqsiba mar ugu yaraan adoo aan kala joojinayn oo is dhiibayn ilaa uu kaaga imanaayo gargaar ama aad ka dareemayso inuu Wadnahaagu sidiisii hore ku noqday oo si caadi ah u shaqaynaayo
 
Neefsiga dheeri wuxuu soo gelinayaa hawada Oxygen ta ah Sanbabadaada,Qufacuna wuxuu cadaadinayaa Wadnaha wuxuuna dhaqaajinayaa wareega Dhiiga,cadaadinta Wadnaha ee ka dhalanaysa Qufaca wuxuu ku celinayaa Wadnaha inuu sidiisii caadiga ahayd u shaqayo
 
U dir qoraalkan saxiib ama macruuf ogowna inaad ku badbaadin karto Qof Bini Aadmi ah inshaa Allaah
 
Wabillaahi atowfiiq
 
Waxaa soo guuriyay: Maessa Asalafi inshaa Allaah

 


©Xuquuqda oo dhan waxay u xafidantahay Bogan: http//:doorasho.bravehost.com walaalkayga Muslimka ahow dhamaan waxa laga helo Bogan waxaad u isticmaali kartaa si shakhsi ahaaneed iyo fidinta Dacwada

جميع الحقوق محفوطة لموقع الإختيار أخي المسلم بإمكانك الإستفادة من محتويات الموقع في الإستخدام الشخصى ونشر الدعوة

Web Master: maessa2@gmail.com

 

 

 


Web Hosting · Blog · Guestbooks · Message Forums · Mailing Lists
Easiest Website Builder ever! · Build your own toolbar · Free Talking Character · Email Marketing
powered by a free webtools company bravenet.com