|
|
|
|
Urta Afku ma Xanuun
baa mise waa Nadaafad daro?
Qofka oo Afkiisu Ur yeesho
waa xaalad aad u fidsan oo la kulanta Dadka badankiisa ama isaga laftiisa haka
timaado ama Qof ka soo horjeeda ha kaga timaadee,waxayna noqon kartaa mid
markaas uun dhacday sababna ay u tahay Cunto iyo Cabitaan gaar ah waana mid
taasu iska baaba'aysa marka Jidhku ka takhaluso oo ay ka dhamaato,ama wuxuu
noqon karaa Xanuun joogta ah oo ku beera Qofka welwel iyo Weji gabax fara badan
Dadkuna ay ku dhaleecayaan had iyo jeer oo karahsadaan,hadaba waxa is waydiin
mudan waa maxay sababaha keena Urka Afka?
Sababaha
keena Urka Afka
Inteeda badani waxay ka dhalataa Afka iyo
Ilkaha sababtuna waa inuu Qofku ka gaabiyay inuu ka nadiifiyo wax
yaabihii Cuntada ka soo hadhay Ilkaha,Carabka iyo dhamaan Afka gudihiisa waxa
yaabahaas oo isu roga hadaan laga nadiifin Afka Maadooyin qudhma oo keena ur aad
loo necbaysto
Sabab kale ayaa waxay noqonaysaa in ay ku jirto xalaad Xanuun ahi Qofkaa
Afkiisa sida Xanuunka Ciridka ama Ilkaha oo jilicsan oo daloola leh ama in
duhaadh ama buuxin Ilkaha qaarkood lagu sameeyay oo aan sidii haboonayd loo
samayn taas oo sii kordhisa inay galaan oo ku biiraan wax yaabaha Cuntada ka soo
hadhaa ayna adkaato in laga nadiifiyaa
Sabab kale ayaa iyana waxay noqonaysaa in uu jiro Xanuun Dalqada ama Mareenka
neefsiga ama Sanka Dulkiisa hoose ama khalal ku yimi Jihaaska
Cuntada raqda ama Xanuun Sanbabada ah
Waxa iyana keena xaalada aad u yar oo noqon karta sida khalal ama Xanuun
Xubineed oo ah Beerka iyo Kelyaha
Sababo sii kordhiya
Urta xun ee Afka
1- iyada oo ay Qofka Afkiisa ku yaraato Candhuuftu iyo Dalqada oo qalasha taana
waxaa sababa badanaa Xanuun ku dhaca Qanjaha Candhuufta keena
2- iyada oo ay saamayn ku yeelato Dawooyinka qaar sida kuwa Xasaasiyada iyo kuwa
Xanuunka Sonkoriga
3- Qofka oo ay hayso diiqad Nafsad ahaaneed iwm
4- cabista Sigaarka iyo Coffee ga iyo wax yaabaha laga sameeyo Isbiirtada (Alchol)
ta
5-noocyo gaar ah oo ka mid ah Cuntada sida Basasha,Thoomta iyo Xawaashaka
qaarkii
5- iyada oo aanu Qofku Cunto cunin waqti dheer sida Habeenkii oo ayna yaraato
Candhuuftu iyo inuu Qofku ka neefsado Afka markuu hurdo' gaar ahaan haduu
leeyahay Xunuun Sanka Dulkiisa hoose ah ama uu xidhmo sida markuu duryo
Sababo
yarayn kara Urta xun ee Afka
1- in lagu dedaalo nadaafada
iyo caafimaadka Afka iyo Ilkaha iyadoo la isticmaalaayo Burushka ama Cadayga iyo
luqluqashada waqtiga haboon iyo dariiqada saxda ah
2- in la badiyo cabista Biyaha iyo wax yaabaha kale ee sida biyaha
ah(Liquids) iyo in la yareeyo cabitaanka Coffee ga iyo Sigaarka iyo in la habayo
waqtiyada Cuntada iyo noocyada Cuntadaba
3- in la dhamo Caanaha noocyadooda kala gedisan
Doorka looga baahan
yahay Dhakhtarka Ilkaha inuu ka qaato baabi'inta Urta Afka
1- baadhitaan sax ah oo
uu ku sameeyo Afka iyo Ilkaha uuna go'aan ka gaadho sababta keentay Urta
2-in uu ka shaqayo nadiifinta Ciridka iyo daldaloolka Ilkaha iyo in uu bedelo
Duhaadhyada iyo buuxinta aan si haboon oo sax ah loo samayn
3-in uu baro oo u sheego Qofka buka sida saxa ah ee loo ilaaliyo Ilkaha
4-in uu kula taliyo wax yaabaha Afka ka dhigi kara mid qoyan iyo wax yaabaha
kaaliya sida loo hagaajinayo in Qanjuhu samayaan Candhuuf
5-in uu u diro Dhakhtarka ku shaqada leh haduu ogaado in Xanuun Xubneed oo
kale keenayo urtatan
Wabillaahi atowfiiq
Waxaa soo guuriyay: Maessa Asalafi inshaa Allaah
©Xuquuqda oo dhan waxay u xafidantahay Bogan: http//:doorasho.bravehost.com walaalkayga Muslimka ahow dhamaan waxa laga helo Bogan waxaad u isticmaali kartaa si shakhsi ahaaneed iyo fidinta Dacwada
جميع الحقوق محفوطة لموقع الإختيار أخي المسلم بإمكانك الإستفادة من محتويات الموقع في الإستخدام الشخصى ونشر الدعوة
Web Master: maessa2@gmail.com
bravenet.com