|
|
|
|
بسم الله الرحمن الرحيم
Towxiidka iyo Noocyadiisa –
التوحيد وانوعهShiikh Maxamed Bin Jamiil siino
لشيخ محمد بن جميل زينو
إنََّ الحمد لله ، نحمده ونستعينه ونستغفره ،ونعوذبالله من شرور أنفسنا، ومن سيئات أعمالنا ، من يهده الله فلامضل له ومن يضلل فلا هادي له، وأشهد أن لا إله إلا الله وحده لاشريك له، أشهد أن محمداً عبده ورسوله. {يا أيها الذين آمنوا اتقوا الله حقَّ تقاته ولاتموتن إلا وأنتم مسلمون}[آل عمران :102] . {يا أيها الناس اتقوا ربكم الذي خلقكم من نفسٍ واحدة وخلق منها زوجها وبث منهما رجالاً كثيراً ونساءً وتقوا الله الذي تسألون به والأرحام إن الله كان عليكم رقيباً}[النساء:1] {يا أيها الذين آمنوا اتقوا الله وقولوا قولاً سديدا. يصلح لكم أعمالكم ويغفر لكم ذنوبكم ومن يطع الله ورسوله فقد فاز فوزاً عظيما}[الأحزاب: 70و71]
أما بعد: فإن خير الكلام كلام الله ، وخير الهدي هديُ محمد صلى الله عليه وسلم، وشر الأمور محدثاتها، وكل محدثةٍ بدعة, وكل بدعة ضلالة ، وكل ضلالةٍ في النار .
وبعد:
Allaah ayaa mahad iyo amaan mudan oo iska leh, waan u mahad celinaynaa waan kaashanaynaa dembidhaaf ayaan waydiisanaynaa, waxaan Allaah ka magan gelaynaa shararka nafahayaga, iyo acmaashayada kuwooda xun, kii Allaah hadeeyo cid lumin kartaa ma jirto, kii Allaah luminayona cid hadayn kartaa ma jirto, waxaan qirayaa inaanu jirin Ilaah xaq lagu caabudaa Jiritaanka oo aan Allaah ahayn kelidii oo aan lahayn wax shiriik ah oo lagu lamaaneeyo, waxaan qirayaa in uu Maxamed yahay adoonkii Allaah iyo Rasuulkiisii.
{Kuwii Allaah iyo diintiisa xaqqa ah rumeeyeyow, Allaah ka cabsada cabsi dhab ah hana dhimanina idinkoo aan muslimiin ahayn.} [Aali cimraan: 102] {Dad yohow rabigiina ka cabsada, idinka abuuray naf keliya (Aadam calayhi salaam) ee ka sii abuuray xaaskeedii (Xawaa calayhaa salaam) ee ka sii abuuray rag badan iyo dumar oo ku kala fidiyey dunida guudkeeda, ka cabsada Allaaha aad wax isku waydiisataan iyo inaad riximka gowsaan, Allaah kor buu idinka ilaalinayaa oo waa ogyahay acmaashiina} [Nisaa: 1].
{Kuwii Allaah iyo diintiisa xaqqa ah rumeeyeyow Allaah ka cabsada oo ku hadla hadal toosan wuxuu idiin hagaajin acmaashiina wuuna idiin dembi dhaafi kii Allaah iyo Rasuulkiisa adeeca ayaa liibaanay liibaan wayn (janada nimcooyinka badan gelaaya)} [Alaxzaab: 71&72].
Intaa ka dib: hadal waxaa u khayr badan hadalka Allaah, jid lagu hanuunona wax u khayr badan kii Maxamed sala Allaahu calayhi wasalam, arimaha waxaa u shar badan kuwa la abuuro, arin kasta oo la abuuraana waa bidca, bidca kastaana Naar ayay geli.
Intaas ka dib:
Horta waxa is waydiin mudan waa maxay Towxiidku? Towxiidku waa ku keliyaynta Allaah Cibaadada, taas oo Allaah u abuuray Caalamka awgeeda, siduu yidhi Allaah tacaalaa:[
الذاريات: 56] {وما خلقت الجن والإنس إلاليعبدون} {wax kale umaan abuurin Jinka iyo Insiga inay I caabudaan maahee}, macnuhu waa inay igu keliyeyaan Cibaadada oo iguna keliyeyaan Ducada. Waxay kaloo jawaab u tahay kuwa ku andacooda in Dunida Maxamed sala Allaahu Calayhi wasalam dartiis loo abuuray.Towxiidka Noocyadiisa waa sidan oo laga soo qaatay Quraanka iyo Sunnaha
:Kelmedo ay lagama maarmaan tahay fahimidoodu
: -Kelmedahan waxaan lagaga maarmin fahmkooda Caqiidada barashadeeda waana sidan:
Adiga ayaanu ku caabudaynaa, adiga ayaanu ku kaalmaysan –
إياك نعبد وإياك نستعين
Adiga ayaanu kugu khaas yeelaynaa Cibaadada iyo Ducada, adiga kelidaa ayaanu kaalmaysan
Kaalmayso Allaah kelidii
Wuxuu yidhi sala Allaahu calayhi wasalam: [
رواه الترمدي وقال حسن صحيح] ((إذا سألت فاسأل الله وإذا اسبعنت فاستعن بالله)) ((hadaad wax waydiisan Allaah waydiiso, hadaad wax kaalmaysan Allaah kaalmayso)), wuxuu yidhi Iimaam Alnawawi iyo Alhaytami Tafsiirka Xadiiskan nuxurkiisa: hadaad kaalmo ama gargaaro dalbatoArin Arimaha Dunida iyo Aakhiro ka mid ah kaalmayso Allaah, gaar ahaan Arimaha aan cid kale awoodin Allaah maahee sida, inaad Xanuun ka bogsootid, ama Risqi doonato, ama Hanuun, waa wax yaabaha gaarka u ah Allaah kelidiis wuxuu yidhi tacaalaa: [الأنعام:17] {وإن يمسسك الله بضر فلا كاشف له إلاهو } {hadii Allaah ku taabsiiyo ama kugu rido dhib, cid kaa kor qaadi ma jirto ama kaa faydi isaga maahee}, kii doona Xujo Quraanka ayaa ku filan, kii raba Qayladhaanshi Allaah ayaa ku filan, kii raba wacdi Geerida ayaa ku filan, kii aanay Intaas midna ku filayn, Naarta ayaa ku filnaan, wuxuu yidhi Allaah tacaalaa: [الزمر:36]{اليس الله بكاف عبده } {miyaanu Allaah ku filayn Adoonkiisa}.Wuxuu yidhi Shiikh Cabdul Qaadir Aljaylaani Kitaabka la yidhaahdo Alfatxu Rabaani: Allaah waydiista oo ha waydiisanina qayrkii, kaalamaysta Allaah oo ha kaalmaysanina qayrkii, hoogaagee Wejigee baad la hortegi adiga oo Aduunka kula dagaalamaya, diidan isaga oo yeelaya kuwuu abuurtay, oo u shirki yeelaya, iyagaad ka doonay baahidaada, iyaga u wakaalanaya Arimahaaga. Ka qaada dhexdhexaadinta aad u dhexaysiiseen Idinka iyo Allaah waayo wadin is hortaagi ma leh Boqor iyo Suldaan iyo Taajir iyo Xoog Xaqqa mooyee casaa wajalaa, la soco Allaah ee maaha kuwuu abuuray (waxa weeye macnuhu la soco Allaah markaad ducaysanayso adoon cidna u sii marin ah kuwuu abuuray).
Kaalmaysiga Sharciga ah
: waa inaad Allaah ka kaalmaystaa xal u helista Mushkiladahaaga.Kaalmaysiga Shirkiga ahna
: waa adigoo kaalmaysta cid aan Allaah ahayn sida Nebiyaalka, Awliyada dhimatay, ama nool oo kaa maqan, kuwaas kuuma hayaan wax waxtar ah oo ay ku tarayaan iyo wax dhib ah oo ay ku yeelayaan toon, mana maqlayaan Ducadaada, haday maqli lahaayeen inoomay jawaabeen, siduu kaga sheekeeyey Quraanku.Kaalmaysiga se kuwa nool ee kula jooga waxay kari karayaan oo ah sida dhisida Masaajidada, ama inay Arimo kuu qabtaan ay kari karayaan iwm, way banaan tahay siduu yidhi tacaalaa:
المائدة:2] {وتعاونوا على البر والتقوى} {isku gargaara Samafalka iyo Cabsida Allaah} iyo Xadiiska Rasuulka sala Allaahu calayhi wasalam: ((والله في عون العبد، مادام العبد في عون أخيه)) ((Allaah waa kii kaalmaynaya Adoonka, mar haduu Adoonku kaalmaynayo walaakii)), waxa kaloo ka mida ah Tusaalayaalka Kaalmaysiga banaan ee kuwa nool hadalkiisa tacaalaa: {فاستغاثه الذى من شيعته على الذى من عدوه[القصص:15]} {waxa kaalmo waydiistay kii Kooxdiisa ahaa,inuu ka kaalmayo Cadawgiisa}, iyo hadalka Allaah ee waydiisigii Dilqarnayn: [الكهف:95] {فأعينوني بقوةِ } {igu kaalmaya Xoog}.Fadliga uu leeyahay Towxiidku
Waxaa Allaah tacaalaa yidhi: [
الأنعام:82]{الذين آمنوا ولم يلبسوا إيمانهم بطلمِ أولئك لهم الأمن وهم مهتدون} {kuwii aaminay Allaah iyo Diintiisa xaqqa ah ee aan huwin Iimaankooda Dulmi, kuwaas ayaa leh Nabad gelyo iyagaana Hanuunsan}.Wuxuu yidhi Cabdullaahi Bin Mascuud markay soo degtay Aayatdanu way dhibsadeen Muslimiintii oo waxay yidhaahdeen: ((
أينا لا يطلم نفسه؟ )) ((kaa yagee baan dulmin Naftiisah?)), markaas ayaa Rasuulkii sala Allaahu calayhi wasalam ku yidhi: [لقمان:13] ((ليس ذلك، إنما هو الشرك، ألم تسمعوا قول لقمان لإبنه يابني لاتشرك بالله إن الشرك لطلم عطيم)) ((maaha kaa, ee waa Shirkiga, miyaydaan maqal hadalkii Luqmaan ku yidhi wiilkiisii, inankaygiiyow ha u shiriik yeelin Allaah Shirkigu waa dulmi wayn )), Aayatdanu waxay ugu bushaarayn Mu’miniinta Muwaxidiinta ah(keliyey Allaah), ee aan iimaankooda huwin Shirki, ee ka fogaaday Shirkiga, waxay ka leeyihiin amaan buuxa Cadaabta Allaah ee Aakhiro, kuwaas baana Hanuunsan Dunida, wuxuu yidhi sala Allaahu calayhi wasalam: [رواه مسلم] ((الإيمان بضع وستون شعبة فأفضلها قول لا إله إلا الله، وأذناها إماطة الأذى عن الطريق )) ((Iimaanku waa dhowr iyo lixdan Shucbadood waxa ugu fadli badan hadalka ah Ma jiro Jirtaanka Ilaah xaq lagu caabudaa oo aan ahayn Allaah, waxana u hoosaysa Dariiqa oo aad ka du’do dhibta)). Waxa ku yimi Kitaabka la yidhaahdo (دليل المسلم في الإعتقاد والتطهير), oo uu qoray Shiikh Cabdalla Khayaad sidan soo socata: Qofku isagoo Bashar ah oo aan macsuum ahayn, wuxu lugaha la geli karaa oo ku dhici karaa in uu Allaah caasiyo, markaa haduu yahay Ehelka Towxiidka oo uu ka saafi yahay inaan wax yaabo yar yar oo Shirki ahi soo gelin Diintiisa, markaa keliyaynta uu Allaah keliyey, iyo mukhlisnimadiisa uu u yahay kelmeda: (لا إله إلا الله), ayaa waxay u noqon sacaada wayn iyo in Dunuubtiisa la dhaafo oo la baabiyo Xumaantooyinkiisa, sida ku timi Xadiiska Rasuulka sala Allaahu calayhi wasalam: ((من شهد أن لا إله إلا الله وحده لاشريك له، وأن محمداً عبده ورسوله، أن عيسى عبد الله ورسوله وكلمته التى ألقاها إلى مريم وروح منه، والجنة الحقُّ والنار حق اذخله الله الجنة على ما كان عليه من العمل[رواه البخارى والمسلم])) ((kii qira in aanu jirin Jiritaanka ilaah xaq lagu caabudaa oo aan ahayn Allaah kelidii oo aanu lahayn wax Shiriik ah iyo inuu Maxamed yahay Adoonkiisii iyo Rasuulkiisii iyo in Ciisa yahay Adoonkii Allaah iyo Rasuulkiisii iyo Kelmediisii uu ku tuuray Maryam iyo Ruux xagiisa ka yimi iyo inay Janadu dhabtahay tahay oo Naartu tahay dhab, Allaah wuxuu gelinayaa Janada wax kasti Camalkiisa ha ku jireen ee )), hadaba isku soo duuduub oo qiritaanadan uu qirayo Muslimku Usuuladan waxay waajib ka dhigtay inuu ku galo Janada Daarta nicmada haba ku jireen Acmaalkiisa wax yaabo ama taqsiiro sida ku timi Xadiiska Qudsiga ee Allaah tacaalaa yidhi:[حسن رواه الترمدي والضياء] ((يابن أدم لو أتيتني بقراب الأرض خطايا، ثم لقيتنى لا تشرك بي شيئاً لأتيتك بقرابها مغفرة )) ((Ibna Aadamow hadaad iila timaado Dhulka ku dhowaad oo Dembi ah iyo Macsiyada ah, oo aad ku dhimato Towxiid waxaan kuu siin in le’eg oo Dembi dhaaf ah )), Xadiis kalena wuxu yidhi sala Allaah calayhi wasalam: ((من مات لايشرك بالله شيئاً دخل الجنة، ومن مات يشرك بالله شيئاً دخل النار [رواه مسلم])) ((kii dhinta oo aan Shayna ugu shirki yeelin Allaah wuxuu geli Janada, kii dhinta oo Shay uun ugu shirki yeeli jiray Allaah wuxuu gelayaa Naarta)), dhamaan Xadiisyadaa waxaa inoogu cad fadliga uu leeyahay Towxiidku, iyo inuu yahay kan u keenaya Adoonka Sacaadada iyo inuu yahay Wasiilada ugu wayn ee keenta Dembi dhaafka iyo tirtirida Xumaantooyinka.halkaas ayuu ku dhamaaday hadalkii Shiikhu.Dagaalka u dhexeeya Towxiidka iyo Shirkiga
Dagaalka u dhexeeya Towxiidka iyo Shirkigu waa mid horeeyey ilaa Waqtigii Rasuulkii Allaah ee Nuux calayhi salaam, markii uu ugu yeedhay Qoomkiisii in ay Allaah caabudaan kelidiis oo ay iskaga tagaan caabudaada Sanamyada, wuxuu la joogay Kun Sanadood oo la’ Konton Sano, isagoo ugu yeedhaayay Towxiidka, waxay Jawaabtoodu ahayd sida lagu sheegay Quraanka: [
نوح:23] {وقالوا لا تذرن الهتكم ولاتذرن وداً ولاسوعاً ولايغوث ويعوق ونسرا} {waxay yidhaahdeen ha ka tegina Ilaahyadiina, hana ka tegina Wada iyo Suwaac iyo Yaaquus iyo Yacuuq iyo Nasraa}, Bukhaari ayaa wuxu ka soo weriyey Ibin Cabaas radiya Allaahu canhumaa Tafsiirka Aayatdan wuxuu yidhi: Magacyadaasu waxay ahaayeen Magacayo Dad saalixiin ahaa oo Qoomka Nuux ka mid ahaa, markay dhinteen baa Shaydaanku u waxyooday Qoomkoodii inay Timsaalo dhigaan Meelihii ay fadhiisan jireen oo u bixiyaan Magacyadoodii si loogu xusuusto, way sameeyeen lama se caabudin markaa, markay kuwaasuna dhinteen oo Cilmigii nasakhmay ayaa la caabuday Timsaaladii. Rasuulo ayaa yimi Nuux ka dib ugu yeedhaya Qoomkooda inay caabudaan Allaah kelidiis oo ay ka tagaan waxay caabudayaan Allaah ka sokow ee Ilaahyo ah ee aan istaahilin caabudaada, waxaad dhegaysataa Quraanka isaga oo ka sheekaynaya wuxu yidhi tacaalaa: [الأعراف: 65] {وإلى عادٍ أخاهم هوداً قال ياقوم اعبدوا الله مالكم من إله غيره أفلاتتقون} {Caadna waxaan u soo diray walaalkood Huud, wuxu ku yidhi Qoomkaygow Allaah ka caabuda, maydin lihidin Ilaah aan isaga ahayne, miyaydaan ka cabsoonayn}, wuxuu kaloo yidhi: [هود:61] {وإلى ثمود أخاهم صالحاً قال ياقوم اعبدوا الله مالكم من إله غيره } {Samuudna waxaan u soo diray walaalkood Saalix, wuxu ku yidhi Qoomkaygiiyow Allaah ka caabuda, maydin lihidin Ilaah aan isaga ahayne}, wuxuu kaloo yidhi: [هود:84]{وإلى مدين أخاهم شعيباً قال ياقوم اعبدوا الله مالكم من إله غيره} {Madyana waxaan u soo diray walaalkood Shucayb, wuxuu ku yidhi Qoomkaygiiyow Allaah caabuda, maydin lihidin Ilaah aan isaga ahane}, wuxuu kaloo yidhi: {وإذ قال إبراهيم لأبيه وقومه إنني براء مما تعبدون، إلى الذى فطرني فإنه سيهدين [الزخرف:26:27]} {wuxu ku yidhi Ibraahiim Aabihii iyo Qoomkiisii waxan ka ahay berii waxaad caabudaysaan, kii I abuurtay maahee isaga ayaa I hanuunin}, waxay ahay jawaabta Mushrikiintu dhamaan Nebiyaalkii inay caaridaan oo inkiraan waxay la yimaadeen,oo ay ku dagaalamaan wax kasta oo ay kari karaan si xoog ah.Waa kaa Rasuulkii Allaah sala Allaahu calayhi wasalam oo ay u yiqiineen Carabtu intaan la soo dirin Runle Aamin ah, markuu se ugu yeedhay caabudaada Allaah iyo Towxiidkiisa iyo inay ka tagaan wixii ay caabudi jireen Aabayaalkood, way ilaaween Runtiisii iyo Amaanadiisii, waxayna yidhaahdeen
(ساحر كذاب) (waa Sixiroole Beenaale ah), waa kan Quraanku ka sheekaynaya jawaabtoodii wuxu yidhi: {وعجبوا أن جاءهم منذر منهم وقال الكافرون هذا ساحرُ كذاب، أجعل الآلهة إلهاً واحداً أن هذا لشيئ عجاب [ص:4،5]} {waxay la yaabeen (Gaaladii) inuu u yimid mid u digaya oo iyaga ka mid ahi, waxay yidhaahdeen Gaaladii kan waa Sixiroole Beenaale ah, ma wuxuu ka dhigay Ilaahyadii oo dhan Ilaah keli ah taasu waa wax la yaab leh } wuxuu kaloo yidhi: {كذالك مآ أتى الذين من قبلهم من رسول إلا قالوا ساحرُ أومحنون، أتوصوا به بل هم قومُ طاغون [الذاريات:51]} {sidaas oo kale uma iman jirin kuwii ka horeeyey(Gaaladii Makka) Rasuul inay yidhaahdaan waa Saaxir ama waa Waalan yahay mooyee, miyay iskula dardaarmeen, balse waa Qoom qooqay (xadgudbay) }.Waa taas halkii ay dhamaan Rasuuladu ka taagnaayeen ugu yeedhista Towxiidka, waana kaa halkay ka taagnaayeen Qoomyaalkoodii beeniyey ee hafray.
Casrigan aan ku jirona marka Muslimku ugu yeedho walaalihiisa Muslimiinta ah Akhlaaqda wanaagsan iyo Run sheega iyo Amaanada maad helaysid Cid ku diidaysaa, haduu se ugu yeedho Towxiidka ay Dadka ugu yeedhi jireen Rasuuladii oo ah inaad Allaah u ducaysatid kelidii oo aanad u ducaysan wax ka sokeeya, sida Nebiyaalka iyo Awliyada kuwaas oo ah Adoomihii Allaah, waa lagu kacayaa oo la diidayaa oo lagu tuhmayaa Tuhmo been ah, waxay odhanayaan waa Wahaabi! Si ay Dadka uga horjoogsadaan Dacwadiisa, haduu u soo daliilyo Aayat uu Towxiidku ku jiro waxaba qaarkood odhanayaan tani waa Aayat Wahaabi ah!! Hadiina uu u soo daliiliyo Xadiiskan oo kale:
((إذا سألت فأسأل الله وإذا إستعنت فاستعن بالله)) ((hadaad wax waydiisan waydiiso Allaah, hadaad wax kaalmaysana kaalamayso Allaah)), waxa qaarkood odhanayaan kanu waa Xadiis Wahaabi ah! Haduu Qofka tukanayaa Gacmihiisa saaro Laabta ama dhaqdhaqaajiyo Fartiisa markuu Tashahudka ku jiro siduu yeeli jiray Rasuulkii sala Allaahu calayhi wasalam, waxaa Dadku odhanayaan waa Wahaabi!! Markaas ayay waxay noqotay wahaabinimadu astaan Dadka Muwaxidiinta ah ee u ducaysta Rabigooda kelidii oo raaca Sunnaha Nebigooda. Wahaabina waxaa loo nisbeeyey Alwahaab waa nicma wayn oo Allaah siiyey Muwaxidiinta. Markaa Walaalaha Dadka Towxiidka ugu yeedhayaa waa inay sabraan oo ay ku daydaan Rasuulkii Allaah sala Allaahu calayhi wasalam ee uu Rabigii subxaanahu wa tacaalaa ku yidhi: {واصبر على ما يقولون وهجرهم هجراً جميلاً [المزمل:10]} {u sabir waxay leeyihiin (Gaaladu) iskagana tag tegitaan wanaagsan}, wuxuu kaloo yidhi tacaalaa: [الإنسان: 24] {فاصبر لحكم ربك ولاتطع منهم آثماً أوكفوراً } {ku sabir Xukumka Rabigaaga, hana ku adeecin iyaga (Gaalada) Dembi iyo Gaalnimo toona}, markaa walaalayaal Muslimiinta waxa la gudboon inay aqbalaan Dacwada Towxiidka, oo ay jeclaadaan kuwa ugu yeedhaya, waayo Towxiidku waa Dacwadii Rasuulada guud ahaan iyo Dacwadii Rasuulkeena sala Allaahu calayhi wasalam, markaa kii jecel Rasuulka sala Allaahu calayhi wasalam wuxuu jeclaan Dacwada Towxiidka kii neceb Towxiidkuna waa mid neceb Rasuulka sala Allaahu calayhi wasalam. Halkaas ayuu ku dhamaaday hadalkii Shiikhu, Allaah waxaan waydiisanayn inuu ka abaal mariyo Shiikha anana naga yeelo kuwa jecel Dacwada Towxiidka iyo dhamaan wuxuu la yimid Rasuulkii Allaah sala Allaahu calayhi wasalam oo nagu sugo ilaa intaan isla hortaagayno Allaah casaa wajalaa isaga taas weli u ah oo kari kara ee aamiin.
Qore: Maessa Asalafi InshaaAllaah
Xusuus
: waxaa xusid mudan inaan sheegno in Dadka Ehelka Bidcada iyo Hawa raacu ay u qaybiyaan Towxiidka siyaabo fara badan mana ku sheegayno halkan hada, laakiin waxaan Rabaa inaan sheegno in Ehelka Sunnuhu ay u qaybiyaan Towxiidka saddex siyaabood oo kala ah sidan:Tan kowaad
: waa tan uu hada u qaybiyey shiikhu ee ah saddexda Nooc.Tan Labaadna
: waxay u qaybiyaan laba qaybood oo kala ah: 1- Towxiid fi almacrifa walisbaat-توحيد في المعرفة والإثبات – wuxu ka kooban Towxiidka Arubuubiyah wal asmaa wa sifaat. 2- Towxiid fi dalab wal qasd- توحيد في الطلب والقصد – wuxuna ka kooban yahay Towxiid Aluluuhiya wal cibaadah.Tan saddexaadna
: waxay u qaybiyaan Afar qaybood oo kala ah: 1- Towxiid Arubuubiyah, 2- Towxiid Aluluuhiya, 3- Towxiid Alasmaa wasifaat, 4- Towxiid Almutaabacah oo ah in Rasuulka sala Allaahu calayhi wasalam lagu keliyayo raacitaanka.Markaa saddexdaa qaybood isma khilaafsana taad qaada taana waa tii kale Wallaahu aclam.
bravenet.com