untitled
viviti

بسم الله الرحمن الرحيم

Toobada ha lagu dedaal




 
         زكريا علي ديرية السلفي أبو يحيى الأثري حفظه الله وثبته على الحق

 

 tawbada halagu dadaalo

walalayaal waxaan ilaahay karajaynaynaa inuu inaga dhigo kuwa u toobad keena hadaba ilahay waxa uu inoo abuuray inaynu caabuno cibaadadaana waxa kamida tawbada aynu ilaahay u tawbad keenayno walaalayaal ilaahay waxa uu ina amray hadaynu dambaabno oo ay inaga dhacdo macsiyo inaynu u noqono ilaahay oo aynu katoobad keeno siibashada shaydaanka hadaba waxa aynu ubaaha hanahay haday taasi sida tahay

1.tawbadu waa waajib kamida waajibaadka korkeena saran ilaahay waxa xuu yidhi dhamaantiin mu,miniineey ilaahay unoqda si aad uliibaantan

2.ilaahay waxa uu inaga rabaa inaynaan yaraysan dambiba ama hayaraado ama hawaynaado waayo cida lacaasiyayaa waa ilahay dambigana ama hayaraado ama hawaynaadee ilaahay o wayn ayuunbaa lacaasiyayaa marka waxa rasuulkuna uu yidhi waxaan idiin kala diagayaa inaad dambi yaraysataa waayom ilaahay waxa uu u diray cida caasiyaysa malaa.ig daydayda oo dabadeeto ilaahay ciqaabkiisa korkoda kusoo dajisa sida xanuun faqri gaajo baqo cidlaw duli jidhka ah ama nafta kaleba

3.waxa ilaahay hadaba uu inaga raba inaynaan is odhan waxad toobad keeni beri saadambe sakuun ee waxa larabaa inaynu markiiba kanoqono dambiga oo aynaan kusii nagaanin hadaynu samayno waxaa laynaga reebayo oo aynu kusii nagaano waxa inagu dhacaya ciqaab xaga ilaahay ka ahaata walayaal ilaahay waxa uu leeyahay dhamaantiin ilaahay unoqda oo haku sii nagaanina kawada baxa hakunagaanina ilahayna waynidiisa eega oo fiiriya haduu idin qabto waydun caban oo waxay dun odhan ilaahayoow dib ii celi aan amarkaaga qaatee ilaahayna dib uma celinayo

4.walayaal waxa ilaahay uu inagu siinayaa hadaynu toobad keeno faaiidooyin badan waxa ugu wayn kuwan hoos ku qoran

1.waxa kamida in lagaaga dhaafayaa dambigaaga 

2.waxa kale oo ilaahay kuu siinayaa jano

3.waxa ilaahay kugu siinayaa sharaf iyo wanaag

4.waxa ilaahay noqonayaa mid raali kaa ah

5.waxa ilaahay ku farxayaa tawbadaada kawaran qofka kaafar xiya maalin maalmaha kamida saw isma odhanaysid adna kafarxi ilahay hadad kafarxiso toobad keento waxa ilahay kugu abaal marinayaa inaanuuilaahay kugu dulayn maalinta qiyaame

 6.waxa ilaahay kaadhigayaa mid hanuun san oo isna dadka hanuuniya  markaa walaal wxa ilahay kaadhigaya mid qabta shaqadii nabiga

6. walayaal waxaynu ku elaynaa tawbada khayr oo dhan ilahayna kabarya inuu inaga aqbalo tawbada

 

waxa is waydiin leh

1.qofka tawbad keenayaa muxuu ubaahan yahay waxa uu ubaahan inuu iska jiro in mar dambe uu ku noqdo macaasidii si loogu dami dhaafo waayo marka aynu tawbad keenayno waxay nu katagnay dambigii waxaynu rabnaa inaynu samaynu khayr

2.wanaagyo inuu raaciyo sida inuu kadheeraado saaxiibadiisii hore e uu lasamayn jiray macaasida

3.inuu salaada badiyo rasuulkuna waxa uub yidhi salaada kuwa toobad keenaya waa tan la tukado barqada laba rakcadood

4.inuu sadaqo labaxo ama uu quudiyo masaakiin markaa walayaal aynu kudadaalno tawbada ilahayna aynu waydiisano khayrka aduunka iyo ka aaakhiroba

wasalaamu calaykum waraxma tulaahi wabarakatuhu



 

 

©Xuquuqda oo dhan waxay u xafidantahay Bogan: http//:doorasho.bravehost.com walaalkayga Muslimka ahow dhamaan waxa laga helo Bogan waxaad u isticmaali kartaa si shakhsi ahaaneed iyo fidinta Dacwada

جميع الحقوق محفوطة لموقع الإختيار أخي المسلم بإمكانك الإستفادة من محتويات الموقع في الإستخدام الشخصى ونشر الدعوة

Web Master: maessa2@gmail.com


Web Hosting · Blog · Guestbooks · Message Forums · Mailing Lists
Easiest Website Builder ever! · Build your own toolbar · Free Talking Character · Email Marketing
powered by a free webtools company bravenet.com