|
|
|
|
Daawada Ummadu waa Allaah oo xagiisa loo Cararo
Ciraaq, Falastiin iyo Afqaanistaan ma ku denbaabaynaa iska fadhigayaga ee aanaan waxbaba samaynin? Shiikh Alalbaani
العراق/فلسطين/أفعانستان هل نأثم بجلوسنا بعدم عمل أي شيئ؟ لشيخ الألباني
Su’aal: waxaanu ognahay Shiikhayagiiyow Maalmahan in Islaamka lagala dagaalamaayo Dhulka oo dhan iyo in aanay wax Dan ah iyo Ihtimaam toona ka lahayn Xukuumadaha Islaamku taas, markaa maxaa nagala gudboon anaga Arintan? Mase ku denbaabaynaa iska fadhigayaga aanaan waxbaba samaynayn?
Jawaab: waxaa ka jawaabay Shiikh Maxamed Nasiru-Diin Alalbaani Allaah ha u naxariistee wuxuuna Ku bilaabay hadalkiisii sida tan:
إن الحمد لله نحمده، ونستعينه، ونستغفره، ونعوذ بالله من شرور أنفسنا ومن سيئات أعمالنا، من يهده الله فلامضل له، ومن يضلل فلا هادي له، وأشهد ألا إله الا الله وحده لاشريك له، وأشهد أن محمداً عبده ورسوله، {ياأيها الذين آمنوا اتقوا الله حق تقاته، ولاتموتن إلا وأنتم مسلمون}{ياأيها الناس اتقوا ربكم الذي خلقكم من نفسٍ واحدةٍ وخلق منها زوجها وبث منهما رجالاً كثيراً ونساء، واتقوا الله الذي تساءلون به والأرحام، إن الله كان عليكم رقيباً}{ياأيها الذين آمنوا اتقوا الله، وقولوا قولاً سديداً، يصلح لكم أعمالكم ويعفر لكم ذنوبكم ومن يطع الله ورسوله فقد فاز فوزاً عظيماً }أما بعد: فإن خير الكلام كلام الله، وخير الهدي هدي محمد صلى الله عليه وعلى آله وسلم وشر الأمور محدثاتها، وكل محدثة بدعة، وكل بدعة ضلاله، وكل ضلالة في النار.
Allaah ayaa mahad iyo amaan mudan oo iska leh, waan u mahad celinaynaa waan kaashanaynaa dembidhaaf ayaan waydiisanaynaa, waxaan Allaah ka magan gelaynaa shararka nafahayaga, iyo acmaashayada kuwooda xun, kii Allaah hadeeyo cid lumin kartaa ma jirto, kii Allaah luminayona cid hadayn kartaa ma jirto, waxaan qirayaa inaanu jirin Ilaah xaq lagu caabudaa Jiritaanka oo aan Allaah ahayn kelidii oo aan lahayn wax shiriik ah oo lagu lamaaneeyo, waxaan qirayaa in uu Maxamed yahay adoonkii Allaah iyo Rasuulkiisii.
{Kuwii Allaah iyo diintiisa xaqqa ah rumeeyeyow, Allaah ka cabsada cabsi dhab ah hana dhimanina idinkoo aan muslimiin ahayn.} [Aali cimraan: 102] {Dad yohow rabigiina ka cabsada, idinka abuuray naf keliya (Aadam calayhi salaam) ee ka sii abuuray xaaskeedii (Xawaa calayhaa salaam) ee ka sii abuuray rag badan iyo dumar oo ku kala fidiyey dunida guudkeeda, ka cabsada Allaaha aad wax isku waydiisataan iyo inaad riximka gowsaan, Allaah kor buu idinka ilaalinayaa oo waa ogyahay acmaashiina} [Nisaa: 1].
{Kuwii Allaah diintiisa xaqqa ah rumeeyeyow Allaah ka cabsada oo ku hadla hadal toosan wuxuu idiin hagaajin acmaashiina wuuna idiin dembi dhaafi kii Allaah iyo Rasuulkiisa adeeca ayaa liibaanay liibaan wayn (janada nimcooyinka badan gelaaya)} [Alaxzaab: 71&72].
Intaa ka dib: hadal waxaa u khayr badan hadalka Allaah, jid lagu hanuunona wax u khayr badan kii Maxamed sala Allaahu calayhi wasalam, arimaha waxaa u shar badan kuwa la abuuro, arin kasta oo la abuuraana waa bidca, bidca kastaana Naar ayay geli.
Intaa ka dib:
Wuxuu yidhi Shiikhu: Su’aasha waxaad moodaa sida daahirkeeda ka muuqata iyo Kelmedeheeda inay ka yartahay waxa looga jeedo, markuu leeyahay aanu fadhino oo aanaan waxbaba samaynin! Markaa Wuxuu uga jeedaa waxbaba ma aha waxbaba waxbaba ee Wuxuu u jeedaa Shay ama Arin gaar ah, waayo ma jirto cid haba yaraatee odhanaysa: waa in Muslimku u noolaadaa siday u noolyihiin Xooluhu oo aanu waxbaba samaynin, waayo waxaa loo abuuray arin aad u wayn waana in uu caabudo Allaah kelidii oo aanu u yeelin wax Shariik la ah, sidaas darteed baanay cidna Dihnigeeda ku soo dhacayn Su’aashan oo kale inuu uga jeedo "aanaan waxbaba samaynin" ee uu uga jeedo inaanu wax samayn ku haboon Dhacdadan ka hareeraysay Muslimiinta dhinac kasta, sidaas weeye Daahirka Su’aashu ee uu uga jeedo Waydiiyuhu ee maaha siduu ugu dhawaaqay Waydiiyuhu, sidaas baanuna kaga jawaabaynaa:
Hadaba sida uu yahay Wadciga Muslimiintu yahay Maanta kama duwana wax badan iyo wax yar toona sidii uu ahaa Wadcigii Dacwada Islaamka Cahadkeedii ama Waageedii kowaad, waxaan u jeedaa Waqtigeedii hore ee Makka, markaa waxaan leeyahay kama duwana Wadciga Dacwada Islaamku Maanta wax yar iyo wax badan toona siday ahayd Waqtigeedii kowaad waana Waqtigii Makka, waxaan dhamaanteen ognahay in kii Dacwada waday Maalintaas uu ahaa Nebigeenii Maxamed sala Allaahu calayhi wacalaa Aalihii wasalam, waxan uga jeedaa Kelmedan inay Dacwadu ahayd mid lagala dagaalamaayay gudaha Qoomkii loo soo diray Rasuulkii Allaah sala Allaahu calayhi wacalaa Aalihii wasalam Naftooda sida ku sugan Quraanka kariimka ah
Hadana markay bilowday Dacwadu inay fido oo ku balaadhiso Daa’iradeeda Qabiilooyinkii Carabta dhexdooda ayuu amray Nebigu sala Allaahu calayhi wacalaa Aalihii wasalam in laga hijroodo Makka oo loo hijroodo ilaa iyo Madiinah, dabcan hada waxaynu nimi Qalmaanta Madaxyadoodii, waayo Taariikhdii hore ee Islaamku iyo Siiradii Nebawiga ahayd ee hore waa mid ay yaqaaniin in badan oo halkan joogtaa, waxaana uga jeedaa guud markan kooban in aan ku gaadho u jeedada Jawaabta Su’aashaa
Sidaas darteed ayaan waxaan leeyahay: ka dib markuu u haajiray Nebigii sala Allaahu calayhi wacalaa Aalihii wasalam ee ay u raaceen Asxaabtiisii qaar ilaa iyo Madiinah oo uu ka bilaabay calayhi asalaatu wasalaam in uu dhigo Unugyadii samaynta Dawlad Muslimad ah ayaa halkaa Madiinah Almunawarah ay ka bilaabatay hadana Cadaawad cusub iyaga iyo Dacwadan cusub, hadana Madiinah gudeheeda iyada oo ay Dacwadu ku soo dhowaatay Saldhigii Nasaarad (Christians) waxayna ahayd Maalintaas Suuriya oo ahayd halkii uu deganaa Harakal oo ahaa Boqorkii Ruum. Halkaas ayaa waxay ay ku yeelatay cadaw cusub Dacwadii, maaha oo keli ah Carabtii Jasiirada Carabta bal hadana Nasaaradii Woqooyiga Jasiirada Carabta oo ahayd Suuriya, dabadeedna hadana waxa soo baxay cadaw kale oo ay yeelatay Dacwadii waana Faaris (Persia) markaas ayay waxay noqotay Dacwadii Islaamku mid lagala dagaalamaayo Jiha kasta, haday tahay Mushrikiintii Jasiirada Carabta, Nasaaradii, Yuhuudii darafyada qaarkood iyo dhinaca Faaris tii ay ka dhexaysay Cadaawada wayni iyada iyo Nasaarada sida loo wada og yahay Hadalka Allaah tabaaraka watacaalaa: {ألم غلبت الروم، في أدنى الأرض، وهم من بعد غلبهم سيغلبون، في بضع سنين [الروم: 1،3]}
{Waxaa jirtay waxay ahaayeen Faaris iyo Ruum Waqtigaas oo ahaa Waqtigii Allaah tacaalaa uu u soo diray Rasuulkiisa Maxamed sala Allaahu calayhi wasalam Diinta Islaamkuna soo degtay, inay ahaayeen labadaasu labada Dowladood ee ugu xooga waynaa Dhulka korkiisa, waxaana jirtay in ay ka dhexayeen Dagaalo iyo Isdilis sida ka dhex dhici jirtay Dowladaha isu dhigma, waxay ahaayeen Faaris Mushrikiin Dabka caabuda, Ruumna waxay ahaayeen Ahlul Kitaab ku abtirsada Kutubtii Towraat iyo Injiil, sidaasna waxay ugaga dhowaayeen Muslimiinta Faaris, markaas waxay jeclaayeen Mu’miniintu inay Ruum ka adkaadaan Faaris, Mushrikiintii Jasiirada Carabtuna waxay jeclaayeen inay Faaris adkaato, waayo waxaa ka dhexaysay oo ay isku bahaysanayeen Mushriknimada, waxana dhacday in Faaris ka adkaatay Ruum adkaan taas oo aanay ku gaadhin Boqortooyadoodii Ruum ee laakiin ay kaga adkaadeen Dhul dhow sida Ciraaq, Suuriya, Urdun iwm, taas ayay ku farxeen Mushrikiintii Makka, Muslimiintiina way ka tiiraanyoodeen markaas ayay Aayatani soo degtay oo Allaah uga waramaayo Mu’miniinta oo ugu Balanqaaday inay Ruum ka adkaan doonto Faaris Sagaal ama Sideed Sanadood ka dib iwm oo aan ka badnayn Toban kana yarayn Saddex Sanadood, waxaas oo dhamina waxay ku dhacayaan Doonistiisa Allaah tacaalaa tii hore iyo tan dambeba, waana Sunnihiisa tacaalaa ee aan cidna bedeli karayn }
Maragu halkan Wuxuu yahay: in aynaan la yaabin Wadciga ay Dacwada Islaamku ku sugan tahay hada markaynu u eegno in dhinac walba lagala dagaalamaayo iyana sidan oo kale ayay ahayd Dacwada Islaamku markeedii hore ee ay bilaabantay hadan sidan oo kale ayaa dhinac walba loogala dagaalamaayay, sidaas ayaa waxaa inoogu imanaysa Su’aasha iyo Jawaabta maxaa la sameeyaa hadaba markay arintu sidan tahay? Muxuu samayay Nebigu sala Allaah calayhi wacaalaa Aalihii wasalam iyo Asxaabtiisii kuwaas oo ay ahayd tiradoodu Maalintaas mid aad uga yarayd marka loo eego tirada Muslimiinta Maanta, iyada oo ay noqotay tiradaasu Maanta mid badan badan aad iyo aad? Halkan ayay Jawaabtu ka bilaabmaysaa ee: miyay la dagaalameen Muslimiintu Carabtii ka soo horjeeday iyaga ee Qoomkooda ahaa Dacwada bilowgeedii? Miyay la dagaalameen Muslimiintu Nasaaradii markii u horaysayba? Jawaabtu waxaa weeye maya, maya kuwaas oo dhan Jawaabtu waa maya
Hadaba Maxay samayeen Muslimiintii?
Inaga hada waxa inagu waajib ah inaan samayno waxay samayeen Muslimiintii hore si la mid ah aad iyo aad, waayo waxa inaga ina haleelay waa wixii iyaga haleelay, wixii ay ku daawayeen Masiibadoodii ayaa ah kan inagana inagu waajibka ah in aan ku daawayno Masiibadeena, waxaana u malaynayaa in hordhacanu uu dareensiinaayo intiina halkan joogta dhamaan Jawaabtii tilmaan ahaan waxayna ku ayidan tahay tilmaantanu tacbiir run ah, markaa waxaan leeyahay: waxaa ka muuqata Silsiladan Taariikhiga ah iyo Caqli galka isla markiiba in Allaah casaa wajalaa wax kale maaha ee uu ugu hiiliyay Mu’miniintaa hore ee ay ahayd tiradoodu mid aad uga yar marka loo eego Gaaladii iyo Mushrikiintii dhamaan iyo dhamaan Madhabahooda iyo Miladahoodaba ee Wuxuu ugu hiiliyay Allaah tabaaraka watacaalaa Iimaankooda.
Hadaba wixii ahaa Dawadii Maalintaa Cadaawadaa adkayd ee hareeraysay Dacwada ayaa ah isla Daawada loo baahan yahay in ay Muslimiintu Maanta qaataan si ay u xaqiijiyaan Midhaha is daawayntan siday u xaqiijisay Midhihii is daawayntaa hore, arintanu waxa weeye sida la yidhaahdo: Taariikhdii oo dib isu soo celisay, bal waxa ka khayr badan Hadalkaa in aan nidhaahno in Allaah casaa wajalaa uu Adoomihiisa iyo Koonkiisa uu abuuray oo uu nidaamiyay oo wanaajiyay nidaamintiisa uu taas dhamaanteed ka leeyahay Sunnan aan isbedelin oo aan bedelmayn [سنة الله ولن تجد لسنة الله تبديلاً ولن تجد لسنة الله تحويلاً] [Taasu waa Sunnihiisa Allaah tacaalaa wax is bedel ahna kama aad helaysid Sunnihiisa Allaah tacaalaa, kamana heli doontid wax is bedel ah Sunnaha Allaah tacaalaa]
Sunnankan waxaa laabud ah inuu eego Muslimku oo u ilaaliyo sida xaqqa ah ee ay mudan tahay in loo ilaaliyo gaar ahaan wixii ka ah Sunnanka Sharciga ah. Waxaa jira Sunnan Sharci ah iyo Sunnan Koowni ah waxaana dhacda Maanta in la yidhaahdo Casrigan hada ah "Sunnan Dabeecadeed", hadaba Sunnankan Koowniga ah ee ku saabsan Koonka waxa wada yaqaan oo Aqoonteeda ka wada qayb gelaaya Muslimka iyo Gaalkaba, kan wanaagsan iyo kan xunba, oo macnaheedu yahay maxaa keena in Insaanku noolaado Jidh ahaan? Waa Cuntada, Cabista iyo Hawada saafiga ah iwm. Hadii aanu Insaanku wax cunin, wax cabin iyo aanu qaadan Hawadaa saafiga ah macnaheedu wuxuu yahay Wuxuu u bandhigay Naftiisa Dhimasho, Dhimasho Maadadeed. Miyay suura gal tahay inuu noolaado hadaanu qaadan Sunnankan Koowniga ah? Jawaabtu waa maya [سنة الله ولن تجد لسنة الله تبديلاً] tan sidaan idhi hada waxa yaqaan Aqoon tajrubadaysan Insaan kasta, faraqna kuma kala laha Muslimka iyo Gaalku, kan wanaagsan iyo kan xuni, laakiin se hada tan aan uga jeednaa waa in aan ogaano inay iyana jiraan Sunnan Sharci ahaaneed oo ay tahay waajib in aan ogaano inay jiraan Sunnan Sharci ah kii qaataana uu gaadhaayo Bartilmaameedkiisa uuna goosanaayo Midheheeda, kii aan qaadanina magaadhaayo Bartilmaameedkii loo dhigay Sunnankaa Sharciga ah iyada aad iyo aad
Sidaynu nidhi xaga Sunnanka Koowniga ah hadii uu qaato Insaanku oo dabaqo Wuxuu gaadhayaa ujeedadiisii sidoo kale weeye Sunnankan Sharciga ahina hadii uu qaato Muslimku waxaa xaqiiqoobaysa ujeedooyinkii uu u dhigay Allaah tacaalaa Sunnankan awgood si ay u xaqiijisanto, hadaan se sidaasu dhicin ma xaqiijismayso, waxaan u malaynayaa in Hadalkaas la fahmaayo laakiin Wuxuu u baahan yahay xoogaa cadayn dheeraad ah, waana halka Hadalkeenu ku soo ururaayo, halkan ayayna ka bilaabmaysaa Jawaabta Su’aashaa aadka u muhiimka ahi. Dhamaanteen waxaan aqrinaa Aayaat Aayaatka Allaah casaa wajalaa ka mid ah bal Aayaatan waxaa dhacda in lagu qurxiyo Golayaasha qaarkood ama Gidaarada Guryaha qaarkood waana Hadalka Allaah tacaalaa: {إن تنصروا الله ينصركم [محمد:6]}
{Tan Wuxuu amray Allaah tacaalaa hadii aan Allaah ugu hiilino raacitaan Diintiisa ah oo aan ku toosnaano oo fidino Dacwadeeda oo ugu yeedhno Ummadaha kale soo gelitaanka Diintan oo aan ku jihaadno Cadawgiisa oo ujeedada aan taas ka leenahay tahay Allaah dartiis uun, hadaan sidaas samayno Allaahna waa inoo hiilinayaa} waxaad arkaysaa Boodhadh lagu qoray Aayaatan oo lagu qoray Khad Dahabka oo kale ah oo qurux badan Khad Ruqca ah mid Faarasi ah iwm oo dabadeedna la sudho Gidaarada, waxaana ah wax aad looga xumaado in ay Aayatanu noqotay mid Gidaarada lagu qurxiyo ay se ka madhan tahay ku quruxinteeda Quluubta Muslimiintu, ma dhacdo in aan dareeno waa Maxay ujeedada Allaah tacaalaa ka leeyahay Aayatan! {إن تنصروا الله ينصركم} sidaas darteed ayaa Wuxuu noqday Wadciga Caalamka Islaamku Maanta mid ku sugan xasilooni daro iyo qalaq aan loo helin wax lagaga baxo ama Xal ah iyada oo uu Xalku ku xusan yahay in badan oo Aayaatka Quraanka Kariimka ah ka mid ah, Aayaatan aan kor ku xusnayna waxay ka mid tahay Aayaatahaa.
Hadii aan xusuusinay Muslimiinta Aayaatan waxan u malaynayaa in aan arintu u baahanayn sharax wayn iyo cadayn ee uun ay tahay xusuusin oo keli ah, Xusuustuna waxay anfacdaa Mu’miniinta uun {الذكرى تنفع المؤمنين } dhamaanteen waxaan ognahay inshaa Allaah in Hadalka Allaah tabaaraka watacaalaa: {إن تنصروا الله} hadaad Allaah u hiilisaan ay tahay Shardi Jawaabtiisuna tahay {ينصركم} waa idiin hiilin, siday u tahay Shardiga ah hadaad wax cuntaan, cabtaan iwm Jawaabteed waydin noolaan ama hadaydaan waxba cunin, cabin iwm maxaa dhacaya? Waydin dhiman weeye Jawaabtu, aad iyo aad sidaas oo kale weeye macnaha Aayaatan {إن تنصروا الله ينصركم} Mafhuumku Wuxuu yahay sida ay yidhaahdaan Asal raacu Mafhuumka ka gedisan, hadii aydaan Allaah u hiilin isna idiin hiilin maayo, kaas weeye Waaqica ay Maanta Muslimiintu ku sugan yihiin. Cadaynta Aayaatanu waxay ku timi Sunnaha in badan oo ah Nusuus Sharci ah, gaar ahaan ka mid ah Xadiithyada Nebiga [إن تنصروا الله] waxana la ogyahay oo aan wax wayn ahayn in Allaah aanu ula jeedin in aan u hiilino, in aan ugaga hiilino Cadawgiisa Ciidamadeena iyo Maraakiibteena iyo Xoogeena Maadad ahaaneed, maya maaha sidaas, Allaahna casaa wajalaa wuu ka adag yahay Arimihiisa umana uu qabo baahi in ay cidi u hiiliso hiilin Maadi ah, Arintanu waa mid layska wada yaqaanaa oo sharxaad uma baahna, sidaas darteed ayuu yahay macnaha {إن تنصروا الله} een in aad raacdaan Xukumada Allaah iyo Shareecadiisa taas ayaa ah u hiilinta Allaah tabaaraka watacaalaa
Ma oofiyeen Muslimiintu Shardigan oo ma ku dhaqmeen
Hadaba hada miyay ku kaceen Muslimiintu Shardiga kan? Miyay ku kaceen Waajibkan ugu horayn? Dabadeedna waa Shardi lagu xaqiijinaayo Hiilinta Allaah ee Muslimiinta tan labaad? Jawaabta mid kasta oo idinka mid ahi waxa weeye kuma kicin Muslimiintu in ay u hiiliyaan Allaah casaa wajalaa, waxaana doonayaa in aan xuso halkan Kelmed, hadana xusuus ahaan ee maaha tacliin ahaan ugu yaraan qaar inta halka joogta, in guud ahaan Muslimiintu Maanta ay iskaga jeesteen Aqoonta ama ogaanshaha Diintooda iyo inay bartaan Axkaamta Diintooda, markaa intooda badani waxba kama yaqaanaan Islaamka, kuwa badan ama in badan oo ka mid ahina haday wax ka bartaan Islaamka waxa ay bartaan maaha Islaam xaqiiqi ah ee waxay bartaan Islaam Munxarif ka ah ama ka leexsan kii uu ku sugnaa Rasuulkii Allaah sala Allaahu calayhi wacalaa Aalihii wasalam iyo Asxaabtiisii sidaas darted Hiilka Allaah ee loogu balanqaaday cidii Allaah u hiilisa Wuxuu ku xidhan yahay inuu Aqoon u leeyahay Islaamka ugu horayn, Aqoon saxeex ah sida ku yimi Quraanka iyo Sunnaha dabadeedna ku camal falo isaga tan labaad, waayo hadii kale Aqoontaasu isaga ayay Dhib ku noqonaysaa siduu yidhi tacaalaa: {ياأيها الذين آمنوا لم تقولون ما لاتفعلون،كبر مقتاً عندالله أن تقولوا ما لا تفعلون [الصف:3]} {kuwii Allaah iyo Diintiisa rumayayow maxaad u tidhaahdaan khayrka oo ugu dhiiri gelisaan idinka oo aan idinku samaynayn oo aad u nahyidaan sharka oo uga fogaysaan Naftiina idinka oo Gacmaha kula jira oo ku sifaysan, miyay ku haboon tahay Xaaladan xumi Ruuxa Mu’minka ah, Allaah xagiisa waxaa ugu Cadho iyo Karaahiyo badan in Adoonku yidhaahdo wax aanu samaynayn, sidaas waxaa la rabaa inuu kan khayrka amrayaa noqdo kan ugu horeeya ee ku dhaqma, kan sharka ka digaayaana ama nahyiyayaana uu noqdo kan ugu horeeya ee ka fogaada }
Hadaba markay sidaas tahay arintu waxaynu u baahan nahay in aan barano Islaamka iyo inaan ku camal falo Islaamka, markaa waxaan doonayaa in aan xuso sidaan hada idhi waxa weeye in sida caadada ah Dadyowga Muslimiintu Maanta ay dusha ka saaraan Canaanta oo dhan sababta keentay waxan ku daxalaystay Muslimiinta dhamaan ee ah Duli iyo Ceeba Madaxdooda, inay Canaanta dusha ka saaraan Canaanta oo dhan Madaxdooda ee aan u hiilinayn Diintooda, waxaana ah wax laga xumaado inay sidaas yihiin Madaxdaasu, uma ay hiilinayaan Diintooda uma ay hiilinayaan Muslimiinta ay duleeyeen kuwa Gaalada ugu waawayn ee ah Yuhuuda iyo Nasaarad iyo qayrkoodba, waa kaa curfka taagan Maanta Muslimiinta dhexdooda, in dusha laga saaro Canaanta canaanta oo dhan Madaxda iyada oo sidaas tahay! Ayaad waxaad moodaa in aan Shacabku waxba ku lahayn Canaanta ay ujeedinayaan Madaxda! Xaqiiqaduna waxay tahay in Canaantanu dusha ka saran tahay dhamaan Ummada mid Madax ah iyo mid Madax loo yahayba ee maaha kuwaas oo qudha, bal halkaa waxaa jira Koox ka mid ah kuwaa canaananaya Madaxda Muslimiinta sababta ah in ay ku kici waayeen in ay dabaqaan Axkaamta Diintooda, wayna ku gar leeyihiin Canaantan, laakiin! Iyaga laftoodu waxay khilaafeen oo baal mareen Hadalka Allaah tacaalaa: {إن تنصروا الله} waxaan u jeedaa waa isla Muslimiinta canaananaya Madaxda ee marka ay iyaga Canaanta ku koobayaan oo ku gaar yeelayaan waxay khilaafeen Axkaamta Islaamka,
Markay doonayaan inay maraan Dariiq ay ku bedelaan Wadcigan tiiraanyada leh ee ku habsaday Muslimiinta ay u maraan Dariiq khilaafsan Dariiqii Rasuulka sala Allaahu calayhi wacalaa Aalihii wasalam, waa marka ay iclaaminayaan oo ay Gaalaysiinayaan Madaxda Muslimiinta taas ugu horayn! Oo hadana ay iclaaminayaan in laga horyimaado oo daacadooda laga baxo tan labaad! Oo ay halkaa ka dhacdo fidnad Indha la’aan, Maqal la’aan iyo Hadal la’aan ah oo ay ku gaysteen Gacmahooda Muslimiintii Naftoodu, iyada oo ay Muslimiintii qaarba qaar ka goosteen oo ay kala baxeen, waxaana ka mid ah kuwaa aan tilmaamay iyaga ee u malaynaaya in bedelista Wadcigan Dulinimada ah ee ku habsaday Muslimiinta in lagu bedeli karaayo Madaxda oo daacadnimadooda laga baxo, dabadeedna iskuma taagto arintu Mushkiladan oo keli ah ee way sii balaadhataa sii balaadhataa ilaa uu noqdo khilaafku mid dhexdooda yimaada Muslimiinta Naftooda! Oo uu noqdo kii Madaxda ahaa isagu mid debeda ka ah khilaafkan dambe.
Wuxuu ka bilaabmay khilaafku iyada oo ay buunbuuniyeen oo xagjirnimo ku muujiyeen qaar Islaamiyiinta ahi daawaynta Waaqican xanuunka badan inay laabud tahay in lala dagaalamo Madaxda Muslimiinta si loo hagaajiyo Wadcigan! In yar ka dibna waxay arintiiba isu rogtay in Muslimiintaasu ay is qabsadeen oo is khilaafeen Muslimiin kale oo u arka in daawaynta Waaqican xanuunka badani aanay ahayn Madaxda oo u daacadnimadooda laga baxo in kasta oo qaar badan oo ka mid ahi istaahilaan in laga baxo! Sababta oo ah wax kuma xukumaan wixii Allaah tacaalaa soo dejiyay, hase yeeshee miyay noqonaysaa daawadu sida ay ku andacoonayaan Dadkaasu, miyay noqonaysaa suulinta waxan Muslimiinta haleelay ee ay gaadhsiiyeen Gaaladu in aan ka bilowno in aan Maxkamad saaro Madaxda Wadamada Islaamka ee Muslimiinta ah? In kasta oo aan qaarkood u ictibaari karo Muslimiin Guqraafi ahaan (Geographicaly) uun sida la yidhaahdo Waqtigan hada ah.
Dhibtan si aan wax uga qabano xagee ka bilownaa?
Halkan ayaanu leenahay anagu: (أوردها سعدٌ وسعد مشتمل ما هكذا يا سعد تورد الإبل) (Waxaa waraab geeyay Sacad, Sacadna waa iska hulaaban yahay maaha sidaa Sacadow in loo waraabiyo Geela)waxaan shaki ku jirin in mowqifka Cadawga Islaamku uu yahay mid soo jireen ah waana Yuhuuda, Nasaarada iyo Mulxidiinta ku sugan debeda Wadamada Islaamka ayaa ah kuwa aad uga wax yeela badan shaki la’aan qaar Madaxdaa aan tix gelin oo yeelin rabitaanka Muslimiinta ee ah inay ku xukumaan wixii Allaah soo dejiyay, markaa Maxay yeeli karaan Muslimiintaasu? Waxaan u jeedaa daraf ama dhinac iyaga ka mid ah waana kuwa iclaaminaaya in lala dagaalamo Madaxda ka mid ka ah Muslimiinta, Maxay kari karaan inay samayaan kuwaasu hadiiba ay ahaan lahayd in laga baxo Madaxdu Waajib ka hor intaynaan bilaabin in aan hagaajino Nafaheena inagu?! Sidii uu ahaa daawayntii uu ku bilaabay isaga Rasuulku sala Allaahu calayhi wasalam, kuwaas ma kari karayaan inay wax samayaan haba yaraatee, Waaqica aan ku jirnaana waa Daliilka ugu wayn taas, iyada oo ay daawaynta ay raacayaan oo ah inay ku bilaabaan la dagaalanka Madaxda Muslimiinta aanu dhalayn Midhaha laga rajaynaayo
Waayo Ciladu waxa weeye sidaan hada idhi maaha Madaxda oo keli ah bal iyo kuwa la xukumona. Hadana waxaa la gudboon dhamaan inay Nafahooda hagaajiyaan, Hagaajintaasuna waxay leedahay Baxas kale oo aanu ka hadalay marar badan kuna celcelinay waxaana ka hadli doonaa goordhow inshaa Allaah. Hada waxaa muhiim ah Muslimiintu dhamaantood waxay isku waafaqsan yihiin inay Xaaladoodu aad u liidato oo Dhibta haysataa badan tahay bal Dulinimada iyo Ceebta ay Maanta ku sugan yihiin maaha mid weligeed soo martay Islaamka, hadaba si aynu wax uga qabano xagee ka bilownaa? Ma waxa aynu ka bilownaa la dagaalanka Madaxda Muslimiinta?! Mise Wuxuu noqonayaa bilowgu la dagaalanka Gaalada dhamaan Wadan kasta?! Mise Wuxuu noqonayaa bilowgu la dagaalanka Nafta xumaanta ku farta? Halkan ayaa ah waajib in laga bilaabo taas waayo Nebigii sala Allaahu calayhi wacalaa Aalihii wasalam Wuxuu ka bilaabay hagaajinta Nafaha Dadkii Muslimiinta ee loogu yeedhay Bilowgii Dacwada Islaamka sidaan soo xusnay Hadalkan horaantiisii.
Waxay ka bilaabantay Dacwadu Makka hadana waxay u wareegtay ilaa iyo Madiinah, hadana waxaa bilaabantay is tuur tuurkii Gaalada iyo Muslimiinta iyo hadana Muslimiintii iyo Ruum iyo hadana Muslimiintii iyo Faaris iwm! Sidaan nidhi hada Taariikhdii baa Nafteedii dib isu soo celisay, markaa hada waxaa la gudboon Muslimiinta oo ay tahay in ay Allaah u hiiliyaan si ay u daawayaan Waaqican xanuunka badan, ee maaha inay ka daawayaan dhinac aan dhalayn Midhihii laga rajaynaayay isaga, waa hadii ay kari karaan inay ku kacaan ee, muxuuna yahay Dhinacaasu? Waa la dagaalanka Madaxda ee wax ku xukumaaya waxaan Allaah soo dejin! Taas ugu horayn, sidaan hada idhi waxaa laabud ah in aan halkan in yar isku taagno, waxaana leeyahay ma kari karo Maanta in lala dagaalamo Madaxda waxayna tahay taasu in Madaxdaasu haday ahaan lahaayeen Gaalo sida Yuhuuda iyo Nasaarada ma kari karaan Muslimiintu Maanta in ay la dagaalamaan Yuhuuda iyo Nasaarada?
Jawaabtu: waa maya, markaa arintu waxay tahay aad iyo aad siday ahaayeen Muslimiintii hore Waqtigii Makka, waxay ahaayeen kuwa jilicsan oo daciifiin ah oo la dulaysan jiray dhinac walba lagala dagaalamaayay oo la laynaayay, waayo?! Waayo waxay ahaayeen kuwa daciif ah oo aan lahayn wax Xeelad ah iyo wax xooga toona oo aan ahayn Iimaanka ku sugnaa Laabahooda sababta ah in ay raaceen Dacwadii Nebigooda sala Allaahu calayhi wacalaa Aalihii wasalam, raacitaankan iyo inay u sabreen dhibkii lagu hayay ayaa ahaa kii dhalay Midhihii la filaayay ee aynu inaku Maanta hiigsanayno, hadaba waa maxay Wadada aan ku gaadhi karayno Midhahaas? Waa isla Wadadii uu maray Rasuulku calayhi salaatu wasalaam maca Asxaabtiisii karaamada lahayd. Markaa Maanta ma kari karaan Muslimiintu inay la dagaalaamaan Gaalada Baadinimadooda kala gedisan ee maxaa la gudboon?
Waxaa la gudboon inay rumayaan Allaah iyo Rasuulkiisa si dhab ah, hase yeeshee Muslimiintu Maanta siduu yidhi Rabiga Caalamiinku: {ولكن أكثرهم لايعلمون} {hase yeeshee intooda badani ma garanayaan} Muslimiintu Maanta waa magac ee maaha Muslimiin dhab ah! Waxaan idiin malaynayaa inaad ila dareensantihiin ujeedada diidmadatan, hase yeeshee waxaan idin xusuusinayaa hadalka Allaah tacaalaa ee ah:{قد أفلح المؤمنون، الذين هم في صلاتهم خاشعون، والذين هم عن اللغو معرضون، والذين هم للزكاة فاعلون، والذين هم لفروجهم حافطون، إلا على أزوجهم أوماملكت أيمانهم فإنهم غير ملومين، فمن ابتغى وراء ذلك فأولئك هم العادون [المؤمنون:1،4]}
{Waxaa foosay oo liibaanay Mu’miniinta oo ah kuwa Allaah rumayay oo rumayayna Rasuuladii Allaah soo diray ee Salaadooda u guta si khushuuc leh oo Qalbigoodu joogo oo og in uu Allaah tacaalaa hor taagan yahay, taas ayaa Qalbiga ku degaysa oo Naftu ku xasilaysaa dhaqdhaqaaqiisuna ku degi oo jeed jeedsadkiisa iyo dhaqdhaqaaqiisuba ku joogsan isaga oo aadaab isu taagaaya Allaah hortiisa, ee ka jeedsada oo iska dhaafa Hadalka aan khayrka iyo faa’iidada tooni ku jirin, ee ka bixiya Xoolahooda Zakada oo u bixiya sidii Allaah amray siiyana cidii uu u amray in la siiyo, ee ka ilaaliya Ferjiyadooda Xaaraanta yacni Sinada, oo aan ahayn kuway is qabaan ama ay leeyihiin lahaansho kaamil ama buuxda taas kuma eedaysana, hadaba cidii doonta wax ka baxsan kuwa ay is qabaan ama cida ay leeyihiin kuwaas baa ah kuwa xadgudbay oo Daalimiin ah ku xadgudbay wixii Allaah ka xaaraamayay oo ku dheereeyay wixii Allaah ka xaaraamayay } xadgudbay yacni Daalimiin ah
Hadii aan markaas soo qaadano Sifooyinkan oo keli ah oo aynaan u dhaafin Aayaatkan ay ku jiraan Sifooyinkanu ilaa iyo Aayaat kale oo lagu xusay qaar Sifaatka Mu’minka ee aan lagu xusin Aayaatkan oo dhamaantoodba ku soo biya shubanaaya ku dhaqanka Islaamka, markaa ciday ku xaqiijisanto oo ku dhabowdo Sifaatkan lagu sheegay Aayaatkan aan hada soo aqrinay iyo Aayaatka kale, kuwaas ayaa ah kuwii uu yidhi Allaah casaa wajalaa ee ku sheegay iyaga: {أولئك هم المؤمنون حقاً [الأنفال:4]} {waa kuwa ku sifoobay Sifaatkaas ayaa dhab ahaantii ah Mu’miniin waayo waxay ku kulmiyeen Nafahooda Islaamkii iyo Iimaankii, Camalkii Baadinka ahaa iyo kii Daahirka ahaa, Aqoontii iyo Camalkii, gudashada Xuquuqda Allaah iyo Xuquuqda Adoomaha, Allaah tacaalaa Wuxuu ka hormariyay Camalka Qalbiyada waayo waa Asalka Camalka Xubnaha wayna ka sii mudan tahay waxaana ku sugan Daliilka in Iimaanku kordho oo naaqusmo, Wuxuu ku kordhaa falista Daacadaha wuxuuna ku naaqusmaa falista wixii taas ka soo horjeeda }
Markaa ma aynu nahay Mu’miniin dhab ah?! Jawaabtu waa maya, hadaba markaa Walaalayaal waxba ha is wareerinina! Waxaynu nahay Maanta kuwa tukada oo Musaliyiin ah, sifadatan uu Allaah ku sheegay Aayaatkii aan hada soo aqrinay: hadaba ma nahay kuwa {قد أفلح المؤمنون، الذين هم في صلاتهم خاشعون} khushuucsan markay Salaada tukanayaan? Kama aan hadlaayo Qof, Labo, Shan, Toban, Kun, Laba Kun, maya, waxaan ka hadlayaa ugu yaraan Muslimiinta is waydiinaaya waa Maxay Xalka lagu daawaynayo Dhibtan ku habsatay Mu’miniinta? Uma aan jeedo kuwaa Muslimiinta ah ee iskaga dhex jira Lahwiga ee Faasiqiinta ah ee aan wax dan iyo heela toona ka lahayn Aakhiradooda ee ay uun ay khusayso oo ku mashquulsan Shahwaatkooda iyo Caloolahooda, maya waxaan ka hadlayaa Muslimiinta tukata ee Musaliyiinta ah, markaa ma yihiin kuwaas Muslimiinta ahi kuwa ku sifoobay Sifaatkan lagu sheegay horaanta Suuratu Almu’minuun? Jawaab: Jamaacad ahaan, Ummad ahaan waa maya. Hadaba: waxaad rajaynaysaa in aad badbaado Dariiqeediina ma aadan marin, Doontuna kuma orodo Dhulka korkiisa
Qybta labaad ee qoraalka halkan riix
©Xuquuqda oo dhan waxay u xafidantahay Bogan: http//:doorasho.bravehost.com walaalkayga Muslimka ahow dhamaan waxa laga helo Bogan waxaad u isticmaali kartaa si shakhsi ahaaneed iyo fidinta Dacwada
جميع الحقوق محفوطة لموقع الإختيار أخي المسلم بإمكانك الإستفادة من محتويات الموقع في الإستخدام الشخصى ونشر الدعوة
Web Master: maessa2@gmail.com
bravenet.com