|
|
|
|
Xanuunka Sonkoriga (diabetes)oo
si xawli ah ugu fidaaya Aduunka
Iyada oo uu yahay Xanuunka
Sonkorigu Xanuun khatar ah Aduunkana aad ugu fidaayo beryahan dambe iyada oo ay
is bedeshay hab nololeedkii Dadyowga Aduunka, ayaa iyana waxa habkan cusubi la
yimi Xanuuno aan markii hore aad looga caban jirin fidistooda ama aan laba
aqooni jirin inay hada aad u fidaan, markaa Xanuunka Sonkoriga oo ka mid
ah Xanuunadaa aan hada soo xusnay ayaa meela badan oo Aduunka ka mid ah
hadaanay ba ahayn Aduunka oo dhan uu noqday mid aad looga dareemay oo ay ka
imanayso Qayladhaan xoogani
Wuxuu yidhi Madaxa Xarunta Xanuunada Sonkorta ee Boqortooyada Urdun horena u
ahaan jiray Wasiirka Caafimaadka ee Dalkaas Pro.Kaamil Alcajalooni in Maanta
hal Qof uu u dhinto tobankii Ilbidhiqsi ee kasta Xanuunka Sonkoriga mid
kalena uu qaado Xanuunkaas
Wuxuu intaas ku daray isaga oo u waramaayay Wakaalada Wararka ee Kuwait (KUNA)
in Xanuunka Sonkorigu uu yahay sababta kowaad ee keenta Indha beelka,Kelyaha oo
shaqayn waaya iyo Waaxyaha oo la gooyo Aduunka,wuxuuna tilmaamay in tirada Dadka
qaba Xanuunka Sonkoriga ay aad u sarayso Dowladaha Khaliijka Carabta iyada oo uu
sheegay in ay Nisbadaasu gaadhayso boqolkiiba sodon 30% halka ay gaadhayso
Dowladaha Carabta ee kale boqolkiiba 15% ilaa boqolkiiba labaatan 20% Dadka
Da'doodu ka wayntahay 25jirka
Wuxuuna amaanay doorka Kuwait ka qaadatay la dagaalanka Xanuunka Sonkoriga iyada
oo u kaydisay tirada ugu badan ee Dhakhtarada iyo Daawooyinka si loogula
dagaalamo Xanuunkaas.
wuxuuna ku booriyay in la sii kordhiyo Ololaha wacyi gelinta ee ay wadaan
Warbaahinta ee ku hawlan in ay ku jihayaan Bulshada oo uga digaan khatarta
uu leeyahay Xanuunkaasu
Wuxuu kaloo timaamay in Canada ay u bixisay Xanuunka Sonkoriga magaca ah
Xanuunka Ummada iyada oo ay gaadhayso tirada Dadka qabaa inta u dhexaysa
boqolkiiba saddex 3% ilaa boqolkiiba afar 4% tiradaas oo ah mid aad u yar marka
la barbar dhigo tirada Dowladaha Carabta
Waxaana xusid mudan in aan
sheegno in tirada Dadka qaba Xanuunka Sonkoriga ee Aduunku ay gaadhayso in ka
badan 300 oo million oo Qof marka la gaadho Sanadka 2025 ka sida la saadaaliyay
iyo in tirada Dadka uu ku dhici karo Sonkorigu ay gaadhayso 427 million oo Qof
isla Sanadkaas.
waxa loo haystaa Kuwait in ay ka mid tahay Dowladaha ugu sareeya Aduunka xaga
tirada Dadka qaba Xanuunkaas iyada oo ay gaadhay tiradu in ka badan boqolkiiba
shan iyo toban 15% Dadka Qaangaadhka ah ayna gaadhay tirada Caruurta
qabta Xanuunkaas ilaa iyo 22 Xaladood boqolkii kun ee kasta Caruurta Da'doodu ka
yartahay 14jirka
Muxuu yahay Xanuunka Sonkorigu?
Hadaba iyada oo ay sidaas
Xanuunkan looga qaylinaayo Aduunka oo dhan ayaa waxaa mudan bal in aan wax ka
ogaano Xanuunkan waxa uu yahay,waxyaabaha keena,Calaamadaha lagu garan karo
ciduu hayo iyo wax yaabo badan oo ah muhiim inaad ka ogaato,arimahaas baan
Qoraalkan intiisa dambe ku eegaynaa inshaa Allaah
Waxa weeye Beeryaradu (Pancreas) Xubinta ka masuulka ah soo saarista Harmoonka
(Harmone) loo yaqaano Insuuliinta(Insulin) kaas oo isna ku kaca xukumista
nisbada Gluukoosta (Glucose) oo ah Sonkorta gelaysa Dhiiga.
wuxuuna qaadaa Qofku Sonkoriga markuu ku fashilmo Jidhku in uu xukumo siyaadada
Sonkorta ee ku soo kordhaysa Dhiiga sababta oo ah dhowr arinood oo
ay ka mid tahay:
1-Beeryarada oo ku guuldaraysatay in ay soo saarto kimiyado dabeeci ah oo ah
Insuliin sababta oo ah khalal ku jira Cells ka Beeryarada badanaabana waxay
taasu ku dhacdaa Dadka Da'da yar (Caruurta).
2-waxay noqon kartaa arin Dhaxal ah oo Waalidkaa ama Waalidkiis qabi jireen ama
waxay noqon kartaa sababtu siyaado kedisa ah oo ku timi Miisaanka Jidhka,wuxuuna
badanaa kaas ku dhacaa Dadka
Qaangaadhka ah ee Da'doodu u dhexayso 40 ilaa 50 jirka
3-waxa dhici karta in Beeryaradu bedqabto laakiin sababtu tahay in uu ku jiro
khalal Jidhka Qofka Buka iyada oo ay soo baxdo Cells ah Jidhka Qofka oo la
dagaalanta Insuliinta taas oo keenta in uu daciifo ama aan Waxqabadkiisu
muuqan waayo iyada oo uuna yahay Gluukoosku(Glucose)kan ugu wayn ee siiya Awooda
uu ka helo Jidhku si uu u qabto Shaqooyinkii daruuriga ah ee kala gedisan iyo
iyada oo ay ka maqan tahay Insuliintii oo ay
waday waxqabadkeedii ayaa
Jidhku wuxuu waayayaa awoodii uu kaga faa'iidaysan lahaa Gluukoosta si talaab
talaaba ah ayna dhinac socoto kor u kaca la mid ah oo ku imanaaya heerka
Sonkorta ee Dhiiga taas oo sababaysa qaaditaanka Sonkoriga taas oo lagu ogaanayo
marka la baadho Sonkorta Dhiiga si loo ogaado Xaanuunka
Hadaba waqti ka dib iyo iyada oo ay meesha ka maqan tahay daawaynta loo baahan
yahay ama la waayo raacitaan nadaamsan oo loo cuno Daawooyinka ayuu wuxuu
gaadhayaa Gluukoosku heer cayiman,taas oo keenaysa in Jidhku iska saaro oo ka
takhaluso isaga, doorkaana waxa u qabta Jidhka Kelyaha oo iyagu ka saara
Sonkorta oo ku dara Kaadida iyagoo ku khafiifinaya Biyo,waxana suuragal ah
in laga ogaado heerka Sonkorta ee ku jirta Kaadida marka la baadho Baadhitaan
haboon oo sax ah
Wuxuu iskaga saaraa Jidhku Sonkorta isagoo ku daraya Kaadida iyada oo ay la
socoto kimiyado badan oo Biya ah taas oo ay la socoto in JIdhku waayo
kimiyada badan oo Biya ah oo dabadeedna sababta in ay soo baxaan Calaamadaha
muuqda ee Xanuunka Sonkorta
Calaamadaha la yaqaano ee Xanuunka Sonkorta
1-Haraad badan oo aanu
Qofku hore ugu aqoon Naftiisa
2-Gaajo fara badan
3-Kaadi badan
4-Afka oo qalala
5-Caajis,Hurdo iyo Daal
6-Xanuun Afka Caloosha
7-Hungaaco ama Mantag
8-Neefsi dheer oo degdeg
9-Ur ka soo baxda Afka oo la ur ah Khalka Tufaaxa(Apple Vinegar)
10-Miyir beel ama Suuxdin
Waxay noqon karaan Calaamadahaasu kuwa aan la garan oo aan cadayn taas
oo ka dhigaysa Xanuunka Sonkoriga in aan la garan waqtigaas ama ay adkaato
garashadiisu waqtigaas,waxa kale oo dhici karta in loo ogaado si lama filaan ah
iyada oo laga ogaanaayo mid ka mid ah Calaamada kale oo aan caadi ahayn inta
badan oo Xanuunku leeyahay iyada oo ay Qofka haleelayaan dhibahan soo socda
mid ahaan
Calaamada aan caadi
ahayn oo ay suura gal tahay in lagu garto Xanuunka
1-Nabarada oo aan bogsan
2-Farajka oo uu xoqo Qofku waana Dumarka uun
3-Faraha Gacamaha iyo Adimada oo aad gubasho ka dareentid
4-Araga oo aan caadi ahayn iyo muuqashada oo waadix ahayn
Noocyada Xanuunka
Sonkoriga
(diabetes)
1-Sonkor ku tiirsan
Insuliinta "Sonkorta Caruurta" marka la soo gaabiyona loo yaqaan
IDDM,wuxuu ku dhacaa caadi ahaan kuwa Da'da yar sababta oo ah telef ku yimi
Cells ka Beeryarada,taas oo keenta in aanu soo saari karin Insuliin sababo ku
tacaluqa system ka wax iska caabinta Jidhka ama waxaa suuragal ah in uu ka
dashay infection virus ah oo kaaliyay in uu Xanuunku yimaado,Xalkiisa keli ahina
wuxuu yahay in loo bedelo Jidhka Insuliinta ka maqan iyada oo la siinaayo oo
lagu mudaayo Irbado Insuliin ah waxayna dhibtu tahay in Qofkan bukaa uu ku
qasban yahay in uu qaato Insuliin inta noloshiisa ka hadhay
2-Sonkor aan ku tiirsanayn Insuliinta "Sonkorta kuwa Qaangaadhka
ah" marka la soo gaabiyona loo yaqaan NIDDM, wuxuuna ka dhashaa
Beeryarada oo soo saari karta Insuliin laakiin soo saarta kimiyado ka yar intii
uu u baahnaa Jidhku in uu isticmaalo si uu ugu bedelo Gluukoosta Awoodii
keenaysay in uu Jidhku ku kaco Shaqooyinkiisa wuxuuna ku dhacaa badanaa Dadka Da'doodu
ka sarayso 40jirka ama inta badan Bukaanka la ila ildaran siyaada xad dhaaf
ah oo Miisaankooda ah,taas oo keenta in ay daciifto aqbalaada Cells Jidhku ay
qaataan insuliinta ay soo saartay Beeryaradu ayna sii yaaraanayso waxqabadkiisu
keenayana inay kor u kacdo heerka Sonkorta Dhiiga, tan waxa suuragal ah in lagu
daawayo in uu qaato Xubuub ama Kiniin hoos u dhiga Sonkorta wuxuuna ka
qaadanayaa Afka taas oo sii saacidaysa in Beeryaraduna soo saarto insuliin kale
Sababo ku keena
Bukaanka in ay kor u kacdo Sonkorta Dhiiga ilaa iyo heer khatar ah in kast
oo uu u cunaayo si nadaamsan Daawada
1-Sagsaagis cunida Daawada
hoose u dhigaysa Sonkorta
2-Iyada oo aanay ku filayn qaderka Daawada Qofku qaadanaayo ama aanay u
miisaanayn heerka Sonkorta Dhiiga
3-Badsashada Cuntada ku hodonka ah Sonkorta si ka badbadin ah
4-In uu qaaday infection ama Xanuun keenay inuu diido waxqabadka Insuliinta
Sonkorta Dhiiga oo hoos u dhacda
waxa ku dhici karta Bukaanka
in ay ku timaado Xaalado ah Sonkorta Dhiiga oo hoos u dhacda,sidaas darteed
waxaa muhiim ah in uu cuno kimiyada cunta ah oo ku munaasib ah Daawada uu
cunaayo,sidoo kale waxaa waajib ah inuu cuno Daawada kimiyado ku haboon Jimicsiyada
iyo Dhaqdhaqaaqyada kale ee uu ku kacaayo
Waxaan jecelahay hadii Allaah idmo in aan Qoraalka dambe ku soo qaadano ka
hortaga iyo daawaynta Xanuunkan wixii ku tacaluqa iyadoo aan hada waqtigu
ii saamaxayn
Wabillaahi atowfiiq
Waxa soo guuriyay: Maessa
Asalafi inshaa Allaah
©Xuquuqda oo dhan waxay u xafidantahay Bogan: http//:doorasho.bravehost.com walaalkayga Muslimka ahow dhamaan waxa laga helo Bogan waxaad u isticmaali kartaa si shakhsi ahaaneed iyo fidinta Dacwada
جميع الحقوق محفوطة لموقع الإختيار أخي المسلم بإمكانك الإستفادة من محتويات الموقع في الإستخدام الشخصى ونشر الدعوة
Web Master: maessa2@gmail.com
bravenet.com