|
|
|
|
Siiradii iyo Taariikhdii Iimaam Maxamed Nasiru-Diin Alalbani Allaah ha u naxariistee
Shiikh Calaama ah
Shiikha Calaamaha ahaa ee Maxamed Nasiru-Diin Alalbaani Wuxuu ka mid ahaa Culimada ugu waawayn Muslimiinta Casrigan cusub,waxana loo haystaa Shiikh Alalbaani inuu ahaa Culimada Xadiithka ee waawayn ee ku keliyaystay Cilmiga loo yaqaano Aljarax Watacdiil (الجرح والتعديل) ,Shiikh Alalbaani Wuxuu ahaa Xujo xaga Cilmiga Musdalaxa Xadiithka waxayna ka yidhaahdeen isaga Culimada Muxadithiinta ahi Wuxuu dib u soo celiyay Casrigii Ibnu Xajar Alcasqalaani, Xaafid Ibnu Kathiir iyo qayrkood oo ah Culimadii Cilmiga Aljarax Watacdiil
Dhalashadiisii iyo Barbaarintiisii
Wuxuu dhashay Shiikh Maxamed Naasiru-Diin Bin Alxaji Nuux Alalbaani Sanadkii 1333h oo waafaqsan Sanadkii 1914m wuxuuna ku dhashay Magaalada Ashkodarah oo markaa ahaan jirtay Caasimadii Dowlada Albaaniya,Wuxuu ka dhashay Qows faqiir ah oo Ahlu Diin ah oo uu ku badnaa ama lagu yiqiinay Cilmiga,Aabihii Wuxuu ahaan jiray kay Dadku u noqdaan oo wax bara oo hanuuniya
Waxa uu u haajiray Shiikhu isaga oo Aabihii la socda ilaa iyo Dimishiq oo Shaam ah (Suuriya) si uu halkaa u dego si daa’im ah ka dib markii uu wadadii Islaamka ka leexday Axmed Ragu Boqorkii Albaaniya waqtigaa ee uu u weeciyay Wadankiisii xaga Xadaarada Reer Galbeedka ee Cilmaaniga ah
Waxa uu ku dhamaystay Alcalaamah Shiikh Alalbaani waxbarashadiisii hoose Dugsiga Aliscaaf Alkhayri oo ku yaala Dimishiq isaga oo ahaa ardaydii ugu saraysay natiijadii Imtixaanka ee Dugsigaa
Isaga oo tixgelinaaya Ra’yiga Aabihii ka qabay waxbarashada Dugsiyadaa Nadaamiga ah Diin ahaan ayuu Wuxuu goostay in aanu sii wadan waxbarashadiisii Dugsiga Nadaamiga ah oo aanu dhamaysan, Aabihii baa Wuxuu u dhigay Manhaj Cilmi ah oo xoog leh wuxuuna ku baratay oo Aabihii baray Quraanka Kariimka ah, Tajwiidka,Naxwaha iyo Sarafka,Fiqhiga Madhabta Xanafiga,wuxuuna ku dhamaystay oo ku khatimay Shiikh Alalbaani Gacanta Aabihii Xifdinta Quraanka Kariimka ee Riwaayadii Xafs can Caasim,Wuxuu kaloo ka dhigtay Shiikh Saciid Alburhaani Kitaabka Maraaqii Alfalaax fii Alfiqhi Alxanafi (
مراقي الفلاح في الفقه الحنفي) iyo qaar Kutubta Luqada iyo Balaaqada ah,isla waqtigaa Wuxuu aad u ilaalin jiray oo iman jiray Duruusta iyo Nadawaatka uu bixin jiray Alcalaamah Bahjat AlbaydaarWuxuu ka qaatay Aabihii oo ka bartay Mihnada ah Saacada samaynta aadna waa u bartay oo waa ku soo baxay ilaa uu ka mid noqday dadka ugu caansan ee Saacadaha samaya,wuxuuna ka kasban jiray Risiqiisa oo waa ku shaqaysan jiray,wuxuuna ka helay oo ay u sahashay Mihnadatanu inuu u helo waqti wanaagsan oo uu wax ku barto waxna ku aqristo,waxayna u suura gelisay hijradiisii uu ku tegay Shaam Aqoonta iyo barashada Afka Carabiga iyo inuu ka daalacdo oo ka barto Culuumta Sharciga ah Masdaradeeda Asliga ah
Barashadiisii Xadiithka ama u jeedshadiisii Cilmiga Xadiithka iyo ahmiyaduu siiyay
In kasta oo uu Aabihii ku jiheeyay Shiikh Alalbaani Manhajkiisii ahaa inuu raaco oo ku daydo Madhabka Xanafiga iyo isaga oo uga digay si aad iyo aad in uu isku hawlo oo barto Cilmiga Xadiithka ayuu hadana Shiikh Alalbaani qaatay oo u jeestay barashada Cilmiga Xadiithka iyo Culuumtiisa,wuxuuna bartay Cilmiga Xadiithka isaga oo uu Cimirigiisu ahaa ku dhowaad 20jir isaga oo ay saamayn wayn ku yeelatay Naftiisa Baadhitaanadii ku soo bixi jiray Majaladii la odhan jiray Almanaar ee uu soo saari jiray Shiikh Maxamed Rashiid Rida Allaah ha u naxariistee,wuxuuna ahaa camalkii Xadiith ee ugu horeeyay ee uu ku kacaa in uu nasakhay Kitaabka la yidhaahdo:Almuqni can xamli Alasfaar fii takhriij ma fii alixyaa min alakhbaar (
المغني عن حمل الأسفار في تخريج ما في الإحياء من الأخبار) oo uu lahaa Alxaafid Alciraaqi Allaah ha u naxariistee wuxuuna ku sameeyay tacliiqoWaxay taasi u noqotay Shiikh Alalbaani Fure khayr oo wayn iyada oo uu noqday ihtimaamkiisii Xadiithka iyo Culuumtiisu Shaqadiisa shaqaynaysa oo uu sidaas darteed maruuf kaga noqday Ahalka Cilmiga dhexdooda ee Dimishiq ilaa ay gaadhay in Idaaradii Maktabada Adaahiriya (مكتبة الطاهرية) ee Dimishiq u samaysay Qol gaar u ah si uu halkaa ugu sameeyo Baadhitaanadiisa Cilmiga ah ee faa’iidada leh waxa kale oo taas ka sokow la siiyay Nuskhad ah Muftaaxii Maktabada si uu u furto oo u galo waqti alaale iyo waqtigii uu doono, xaga se alifaada iyo tasniifta Wuxuu bilaabay 20jir kiisii waxayna ahayd Mu’alafaatkiisii Fiqhiga ahayd ee ugu horeeyay ee ku dhisnaa Aqoonta iyo Daliilka iyo Fiqhiga barbardhiga ah Kitaabka la yidhaahdo: taxdiir asaajid min itikhaad alqubuur masaajida (تحذير الساجد من إتخاد القبور مساجد) waana la daabacay marar badan,iyana waxay ahayd kuwii ugu horeeyay ee ahaa soo saaritaanka Xadiithka manhajiga ah isna Kitaabka la yidhaahdo: arowd anadiir fii tartiib wa takhriij mucjam adabaraani asaqiir (الروض النضير في ترتيب وتخريج معجم الطبراني الصغير) ilaa hadana lama daabicin
Waxay ahayd ku hawlanantii Shiikh Alalbaani ee Xadiithka Rasuulka sala Allaahu calayhi wasalam mida ku yeelatay saamaynta wayn in uu noqdo Shiikhu Salafi ah waxana sii kordhiyay ku dheganaantiisa iyo ku sugnaantaa Manhajkaa aqriyistii iyo daalacashadiisii Kutubtii Shiikh Alislaam Ibn Taymiyah iyo Ardaygiisii Ibnu Alqayim iyo qayrkoodba Culimadii Dugsiga Asalafiyah.
Waxa uu qaaday Shiikh Alalbaani Calankii Dacwada Towxiidka iyo Sunnaha ee Suuriya wuxuuna soo booqday Mashaa’iikh badan oo ku sugnaa Dimishiq markaas waxaana dhex martay falanqayno ku saabsan arimaha Towxiidka,Raacitaanka,Tacasubka Madhabnimo iyo Bidcada wuxuuna taas kala kulmay Shiikhu mucaaradad aad u wayn in badan oo ka mid ah kuwa ku caan baxay Tacasubka Madhabnimo, Mashaa’iikhda Suufiyiinta, kuwa Khuraafaatka iyo been abuurka iyo Bidciyiinta, waxayna ku kicin jireen Caamada iyo waxmagaratada, waxayna fidin jireen in uu yahay Wahaabi Lunsan Dadkana waa uga digi jireen isaga, taasu waxay ahayd waqti ay Dacwadiisa waafaqeen Culima fadli badan oo lagu yiqiin ama caan ku ah Cilmiga iyo Diinta Magaalada Dimishiq kuwaas oo aqbalay horena ugu sii socoday Dacwadiisa waxana ka mid ahaa:Alcalaamah Bahjat Albaydar,Shiikh CabdulFataax-Iimaamkii iyo Madaxii Jamciyat Ashubaan Almuslimiin ee Suuriya,Shiikh Towfiiq Albisrah iyo qayrkood oo ahaa Ahalka Fadliga iyo Wanaaga Allaah ha u naxariisto dhamaantood
Firfircoonidii Shiikh Alalbaani ee Dacwada
Wuxuu Shiikh Alalbaani firfircooni ka mujiyay ku hawlanantiisa Dacwadeed oo ahayd sidatan:
Tan Kowaad
:Druustii Cilmiga ahayd ee uu dhigi jiray taas oo uu u fadhiisan jiray Todobaadkiiba laba jeer iyada oo ay iman jireen Ardayda Cilmiga barata iyo qaar Barayaasha Jaamacadaha,Kutubtii uu ku dhigi jiray Xalqado Cilmi ahna waxaa ka mid ahaa:Fatax Almajiid- waxaa lahaa CabdulRaxmaan Binu Xasan Binu Maxamed Binu CabdulWahaab- فتح المجيد-لعبد الرحمن بن حسن بن محمد بن عبدالوهاب
Arowdah Anadiyah Sharx Adurar Albahiyah ee Showkaani-waxa sharxay Sidiiq Xasan Khaan-الروضة الندية شرح الدرر البهية للشوكاني-شرح صديق حسن خان
Usuul Alfiqihi- oo uu sharxay CabdulWahaab Khalaaf-أصول الفقة-لعبد الوهاب خلاف
Albaacis Alxasiis sharax ikhtisaar Culuum Alxadiith ee Ibnu Khathiir- waxa sharxay Shiikh Axmed Shaakir-الباعث الحثيث شرح إختصار علوم الحديث لإبن كثير-شرح الشيخ أحمد شاكر
Manhaaj Alislaam fii Alxukum- waxa sharxay Maxamed Asad- منهاج الإسلام في الحكم-لمحمد أسد
Fiqihi Asunnaha ee Seyid Saabiq-فقه السنة لسيد سابق
Tan Labaad
:Safaradiisii Bilaha ahaa ee aan kala go’a lahayn ee ka bilaabantay Todobaad Bil kasta ee hadana ay sii kordhay mudadiisu isaga oo ku kici jiray in uu soo booqdo Gobolada Suuriya ee kala duwan iyo qaar ka mid ah Mandaqadaha Boqortooyada Urdun intii aanu iyada degin markii dambe,taas arintan ayaa waxay keentay in kuwii ka soo horjeeday qaar Dacwada Shiikh Alalbaani ay ka ashkatayaan Dowlada taas oo keentay in la xidhoU dulqaadashadiisii ama u sabirkiisii Dhibta iyo Hijradiisii
Horaantii Sanadkii 1960m Wuxuu ku sugnaa Shiikh Alalbaani kor ka ilaalin ay ku haysay Xukuumada Suuriya, waxaana mudan ogaansho in Shiikh uu ka fogaa Siyaasada oo aanu dhex geli jirin,ilaalintaasu waxay u keentay Shiikha carqalado badan,waxana loo taxaabay Jeelka laba goor,waxay ahayd tan kowaad ka hor 1967m wuxuuna ku xidhnaa mudo Bil ah Qalcada Dimishiq waana isla goobtii uu ku xidhnaan jiray iyada Shiikh Alislaam Ibnu Taymiyah Allaah ha u naxariistee,markii uu dhacay Dagaalkii Bariga Dhexe ee Sanadkii 1967m waxay garatay Xukuumada Suuriya inay sii dayso dhamaan Maxaabiistii Siyaasada,hase yeeshee markii uu Dagaalkii sii xoogaystay ayaa hadana mar labaad la xidhay Shiikha,laakiin markan maahayn Jeelkii Qalcada ee bal waxaa lagu xidhay Jeelka Alxaskah oo ku yaala Wooqooyi Bari Dimishiq wuxuuna Jeelka ku jiray mudo ah sideed Bilood, Wuxuuna mudadaa gudeheeda Taxqiiq ku samayay Kitaabka Mukhtasar Saxeex Muslim ee Xaafid Almundari (مختصر صحيح مسلم لحافط المنذري) wuxuuna kula kulmay halkii uu ku xidhnaa Shakhsiyado waawayn
Hawlihiisii iyo Waxqabadadiisii
Wuxuu lahaa Shiikhu majhuud Cilmi ah oo balaadhan iyo khidmado kala gedisan ayna ka mid ahayd:
Tan kowaad
: Wuxuu Shiikheenu Allaah ha u naxariistee iman jiray Nadwadaha Calaamat Ashiikh Maxamed Bahjat Albaydaar Allaah ha u naxariistee isaga iyo qaar Barayaash Majmaca Cilmiga ah ee Dimishiq oo uu ka mid ahaa Ciza-Diin Atanuuxi Allaah ha u naxariistee waxayna aqriyi jireen Alxamaasah oo uu lahaa Abaa Tamaam (الحماسة لأبي تمام)Tan labaad
:waxaa u dooratay Kuliyada Shareecada ee Jaamacada Dimishiq in uu ku kaco soo Saarista Xadiithyada Buyuuca ee u gaarka ah Mowsuucada Alfiqhi Alislaami (موسوعة الفقة الإسلامى) ee ay goostay Jaamacadu inay soo daabacdo Sanadkii 1955mTan saddexaad
: waxaa loo doortay Xubin Lajnada ama Gudida Xadiithka ee la sameeyay waagii ay midoobeen Masar iyo Suuriya waxaana loo sameeyay Gudidaas in ay maamulaan fidinta Kutubta Sunnaha iyo inay ku samayaan taxqiiqTan afraad
: waxay ka dalbatay isaga Jaamacada Salafiga ah ee Banaris ee India inuu qabto Shiikhnimada Xadiithka waana ka cudur daartay taas iyada oo ay ku adkaatay kaxaysashada Caruurtiisa iyo Ahalkiisa sababta Dagaalkii u dhexeeyay Pakistan iyo India waqtigaasTan Shanaad
: waxaa ka dalbaday Wasiirka Macaarifka ee Boqortooyada Sucuudiga Shiikh Xasan Binu Cabdullaahi Aala Shiikh Sanadkii 1388h inuu qabto maamulka Qaybta Diraasatka Islaamiga ee Sare ee Jaamacada Makka Duruuf baana soo kala dhex gashay oo ma dhicin taasuTan lixaad
: waxa loo doortay Xubin Golaha Sare ee Jaamacada Islaamiga ah ee Madiinah Almunawarah Sanadkii 1395h ilaa iyo Sanadkii 1398hTan todobaad
: Wuxuu yeelay Martiqaad uga yimi Isutaga Ardada Muslimiinta ee Spain, wuxuuna halkaa ka jeediyay Muxaadarad aad u muhiim ahayd oo markii dambe la daabacay Cinwaankeeduna ahaa "Xadiisku naftiisa ayuu xujo ku yahay dhinac Caqiidadaha iyo Axkaamta" (الحديث حجة بنفسه في العقائد والأحكام)Tan sideedaad
: Wuxuu booqasho ku tegay Qatar wuxuuna ka jeediyay Muxaadarad aad u qiima badan Cinwaankeeduna yahay "Meesha Sunnuhu kaga jiro Islaamka" (منزلة السنة في الإسلام)Tan sagaalaad
: wuxuu ka metelay Samaaxat Shiikh CabdulCaziiz Ibnu Baas Allaah ha u naxariistee Madaxii Idaarada Buxuusta Cilmiga ah iyo Fatwooyinka, Dacawada Wadamada Masar,Morocco iyo Britain ugu yeedhista dadka Dacwada Towxiidka, ku sugnaanta Kitaabka iyo Sunnaha iyo Manhajka Islaamka ee Xaqqa ahTan tobanaad
: waxa lagu martiqaaday Shirar badan oo uu qaar ka qayb galay qaar badana ka cudurdaartay sababta oo ah ku hawlanaantiisa Cilmiga ee badnaydTan kow iyo tobnaad
: wuxuu booqday Kuwait iyo Emaaraatka wuxuuna ka jeediyay Muxaadaraad badan wuxuu kaloo booqday dhowr Wadan oo Europe ah wuxuuna halkaa kula kulmay Jaaliyadaha Islaamka iyo Ardayda Muslimiinta wuxuuna halkaa ku qabtay Duruus Cilmi ah oo wax tar lehTan laba iyo tobnaad
: Shiikhu wuxuu lahaa Alifaado wayn iyo Taxqiiqo qiima badan oo kor u dhaaftay Boqol,loona turjumay in badan oo ka mid ah Afaf kale oo kala duwan,waana la daabacay inta badan daabacaado kala gedisan oo fara badan waxaana ka mid ah: Irwaa’u Alqaliil fii Takhriij Axaadiith Almanaar Asabiil (إرواء الغليل في تخريج احاديث المنار السبيل), Silsilat Axaadiith Asaxeexa wa shayu min Fiqhihaa wa Fa’waa’idahaa (سلسلة احاديث الصحيحه وشئ من فقهها وفوئدها ),Silsilat Axaadiith Adaciifa wa Almowduuca wa atharuhaa asiyi Lilummسلسلة احاديث الضعيفة والموضوعه وأثرها السيئ في الأمة)),Sifat Asalaat Anebiyi mina atkbiir il atasliim ka’anka taraahaa (صفة صلاة النبي من التكبير إلى التسليم كأنك تراها)Tan saddex iyo tobnaad
: waxay goosatay Lajnada ama Gudida soo xulista AbaalGudka Boqor Faysal ee Caalamiga ah ee Diraasaatka Islaamiga in la siiyo Sanadkii 1419h oo waafaqsan 1999m Mowduuceeduna ahaa "Juhuuda Cilmiga ah ee la siiyay Xadiithka Nabawiga ah Taxqiiq ahaan iyo Soosaaritaan ahaan iyo Diraasad ahaanba" Shiikh Maxamed Nasiru-Diin Alalbaani oo u dhashay Suuriya iyada oo la qaderinaayo Juhuudiisii qaymaha lahayd ee uu ugu adeegay Xadiithka Nebiga sala Allaahu calayhi wasalam Soosaaritaan ahaan, Taxqiiq ahaan iyo Diraasad ahaanba taas oo ku sugan Kutubtiisa gaadhaysa boqolkaAmaantii ay ka yidhaahdeen Culimadu
Wuxuu yidhi Samaaxat Aliimaam Shiikh CabdulCasiis Ibnu Baas Allaah ha u naxariistee: maan ku arag Samada hoosteed Caalim Xadiith Casrigan aan joogno oo la mid ah Alcalaamah Maxamed Naasiru-Diin Alalbaani
Waxaa la waydiiyay Iimaam CabdulCasiis Xadiithka Rasuulka sala Allaahu calayhi wasalam ee ah [إن الله يبعث لهذه الأمه على رأس كل مائة سنة من يجدد لهاأمر دينها] [Allaah tacaalaa Wuxuu u soo diraa Ummadatan boqolkii Sano oo kasta cid u cusboonaysiisa Diinteeda] markaas ayaa waxaa la waydiiyay waa kuma Cusboonaysiiyaha Qarnigani? Wuxuuna yidhi Allaah ha u naxariistee: Shiikh Maxamed Naasiru-Diin Alalbaani waa Cusboonaysiiyaha Casrigan sida ay ila tahay Allaah baana og
Wuxuu yidhi Fiqhiigii Alcalaamah Iimaam Maxamed Binu Saalax Alcusaymiin isna: waxaan ka ogaaday Shiikha mararkii aan la kulmay isaga oo yarayd inuu aad isugu hawlo oo aad u ilaaliyo ku dhaqanka Sunnaha iyo la dagaalanka Bidcada, ha ahaato xaga Caqiidada ama Camalka ee, markaan aqriyayna Wuxuu Qoray ama Mu’alifaatkiisii waxaan ka ogaaday isla sidaas, wuxuuna u leeyahay Aqoon badan Xadiithka Riwaayad ahaan iyo Diraayad ahaanba, Allaah tacaalaana Wuxuu ku anfacay wixii uu qoray Dad badan xaga Cilmi ahaan iyo Manhaj ahaan iyo u jeedsashada Cilmiga Xadiithka, waxayna taasu u tahay Midha dhal wayn Muslimiinta walilaah Alxamdu, xaga se Taxqiiqaadka Cilmiga ah ee Xadiithka iyada iskaba daa
Alcalaamah Mufasirkii Maxamed Alamiin Ashanqiidi
Hadalkii Shiikh CabdulCasiis Alhadih: Alcalaamah Ashanqiidi Wuxuu waynayn jiray Shiikh Alalbaani waynayn la yaab leh, hadii uu arko isaga oo dhex soconaayaa markuu Duruusta ka bixinaayo Xaramka Madaniga ah waa uu u kici jiray isaga oo salaamaaya oo qaderinaaya oo waynaynaaya
Wuxuu yidhi Shiikh Muqbil Alwaadici: waxa aan ictiqaadsanahay oo Allaah ugu Diin qabaa in uu yahay Shiikh Maxamed Naasiru-Diin Alalbaani Allaah ha xafidee uu ka mid yahay Cusboonaysiinayaasha uu ku runoobay iyaga Hadalka Rasuulka sala Allaahu calayhi wasalam ee ah: [إن الله يبعث لهذه الأمه على رأس كل مائة سنة من يجدد لها أمر دينها]
Dardaarankiisii u dambeeyay Muxadiska
Waxaan kula dardaarmayaa Xaaskayga, Caruurtayda, Saaxiibadayda iyo mid kasta oo I jecel haday soo gaadho ama uu maqalo Geeridayda in uu Allaah ii waydiiyo oo iiga baryo Denbi dhaaf iyo naxariis ugu horayn iyo in aanay Ooyin si qayla ah oo aan Codka kor loo qaadin
Tan labaad inay dedejiyaan Aasidayda iyo in aydaan u sheegin Qaraabadayda iyo Walaalahay oo aan ahayn qadarka kaga soo aadan waajibka Diyaarintayda iyo in uu I maydho Cizat Khudur Abu Cabdullaah Jaarkayga iyo Saaxiibkayga Mukhliska ah iyo cidii uu isagu doorto ee ka caawinaysa taas
Tan saddexaad ii doora meesha ugu dhow in laygu Aaso, si aanay ugu kalifin cida Jinaasadayda qaadaysa in ay saaraan Gaadhi Dadkuna ay raacaan Gawaadhidooda iyo in uu Qabrigaygu ku yaalo Qubuuro duug ah taas oo laga yaabo in aan la baadhbaadhin
Waxaa korkiisa ah cidii joogta Beledka aan ku dhinto in aanu u sheegin cidii debediisa joogta ee ah Caruurtayda iyo qayrkoodba ilaa iyo inta lay Aasaayo, si aan taasu Caadifadah u rogin oo aanay samayn camalkeeda oo aanay taasu u noqon sabab in la raajiyo Jinaasadayda
Waxaan Allaah waydiisanayaa in aan la kulmo isaga oo ii dhaafay Denbiyaalkaygii waxaan hormarsaday iyo waxaan dib u dhigtayba
Waxaan ugu dardaarmayaa Maktabadaydii dhamaanteed ha ahaadeen wixii daabacan ama sawiran ama makhduud ah oo ah Khadkaygii iyo Khadkii qayrkayba in la siiyo Maktabada Jaamacada Islaamiga ah ee Madiinah Munawarah waayo waxaan ku leeyahay Xusuuso wanaagsan xaga Dacwada Kitaabka iyo Sunnaha iyo Manhajkii Salafkii suubanaa markaan ka ahaa Baraha halkaa, anoo Allaah ka rajaynaaya in uu ku anfaco kuwa aqrista ee wax ka barta siduu u anfacay Saaxiibkii lahaa Maalintaas Ardaydeeda, anigana igu anfaco iyaga Ikhlaaskooda iyo Ducadooda {رب أوزعنى أن أشكر نعمتك التى أنعمت على وعلى والدى وأن أعمل صالحاً ترضاه وأصلح لى في ذريتى إنى تبت إليك وإنى من المسلمين}waxay ahayd Taariikhdu 27kii Jamaad Alawal 1410h
Bushaaradii ka oohisay Muxadiska
Waxay ay Gabadh Reer Marooca ahi ugu bushaaraysay Shiikha Bushaaro aan Allaah tacaalaa ka rajaynaayo in uu dhab uga yeelo Shiikha isaga ayaa wax walba awooda ee, waxayna ahayd iyada oo ay Shiikh Golihiisa uu ka bixin jiray Duruusta uu kaga jawaabi jiray Su’aalaha ay dadku waydiiyaan Deriska dabadii ayaa waxa dhici jirtay in debedana Su’aalo laga soo waydiin jiray uu kaga jawaabo Telephone ka taas oo laga soo waydiin jiray Aduunka oo dhan, ayaa Maalin Maalmaha ka mid ah Gabadhi ka soo waydiisay Su’aalo Dalka Morocco sidii caada ahayd ayuu Shiikhu ugaga jawaabay Gabadhii Su’aalihii
Dabadeedna Gabadhii waxay u sheegtay Shiikh in ay Ri’yo ku arktay Rasuulkii calayhi salaatu wasalaam ee waxay tidhi aniga iyo Gabadh kale oo saaxiibtay ah anaga oo wada taagan meel ayaa waxaana soo hormaray Rasuulkii sala Allaahu calayhi wasalam wuxuuna noo dhaafay xagaa koonfurta markuu in yar naga sii maqnaa ayaa waxa ka daba yimid Nin, waxay tidhi Ninkaas oo sifaysay siduu u ekaa Wuxuu daba socday Rasuulka sala Allaahu calayhi wasalam Wuxuuna Cagta saaraayay Raadkii Rasuulka calayhi salaatu wasalaam ee, markaas ayaan waydiiyay saaxiibtay oo waxaan idhi Ninkaasu waa kuma? Waxayna igu tidhi saaxiibtay miyaadan garanayn waa Shiikh Alalbaani ee, Shiikhu Allaah ha u naxariistee markay Gabadhu Sheekada bilowday oo uu gartay siday u socoto ayuu Oohin la dhacay laakiin Dadkii Golaha la fadhiyay baa duubay hadalkii Gabadha iyada oo ay awelba caado ahayd oo Su’aalaha debeda laga soo waydiiyo iyo kuwa gudahaba la duubi jiray
Geeridii Shiikha
Wuxuu geeriyooday Alcalaamah Alalbaani Maalintii Sabtida ee laba iyo labaatankii Jamaad Alaakhir Sanadkii 1420h oo waafaqsan labadii October 1999m waxaana la Aasay Salaatii Cishe ka dib, waxaana loo Aasay Shiikha si degdeg ah laba Arinood awgeed:
Tan kowaad
: iyada oo la fulinaayay Dardaarankiisii sidii uu amrayTan labaad
: Maalmahaa ay ku soo beegantay Geerida Shiikhu iyo Maalmihii xigayba waxay ahaayeen waqtiga uu aad u daran yahay Kulku,markaa waxaa laga baqay hadii dib loo dhigo Aaska Shiikha Allaah ha u naxariistee in ay wax dhib ahi kala kulanto Dadka ka qayb gelya Jinaasada Shiikha ee ay haboon tahay in la dedejiyo AasidiisaIyada oo aan cidna loo sheegin Geeridii Shiikha Allaah ha u naxariistee intii ay isku dhowaayeen mooyee si ay u maamulaan diyaar garayntiisa iyo Aasidiisa iyo marka lagu daro yaraanta waqtiga u dhexeeyay Geeridii Shiikha Allaah ha u naxariistee iyo Aasidiisa ayaa hadana waxaa yimi oo ku tukaday Jinaasadii Shiikha kumanaan Dad ah iyada oo ay Dadku isu sheegayeen in Qof walbaaba gaadhsiiyo Walaalkii
Halkaas ayaa waxaa ku soo afjarantay Taariikhdii Tiir ka mid ah Tiirarka u adeega Sunnah Rasuulka sala Allaah calayhi wasalam iyo Dacwada Salafiga ee ku dhisan Manhajkii Salafkii suubanaa, Allaah tacaalaa waxaan waydiisanayn in aan noqono kuwa ka faa’iidaysta Cilmiga balaadhan ee uu nooga tegay iyo inuu nagu anfaco Aduunka iyo Aakhiroba, Ummadana ugu bedelo Tiirar kale oo halkaa ka sii wada Dacwada Xaqqa ah isagana uu u naxariisto oo gelyo Janooyinkiisa balaadhan Aamiin
Wabillaahi atowfiiq
Qore: Maessa asalafi inshaa Allaah
©Xuquuqda oo dhan waxay u xafidantahay Bogan: http//:doorasho.bravehost.com walaalkayga Muslimka ahow dhamaan waxa laga helo Bogan waxaad u isticmaali kartaa si shakhsi ahaaneed iyo fidinta Dacwada
جميع الحقوق محفوطة لموقع الإختيار أخي المسلم بإمكانك الإستفادة من محتويات الموقع في الإستخدام الشخصى ونشر الدعوة
Web Master: maessa2@gmail.com
bravenet.com