|
|
|
|
بسم الله الرحمن الرحيم
Shaandhayn iyo Barbaarin iyo baahida ay Muslimiintu u qabaan
التصفية والتربية وحاجة المسلمين إليهما
Shiikh Alislaam Aliimaam Maxamed Nasiru-Diin Alalbaani
لشيخ الإسلام الإمام محمد ناصر الدين الألباني
Hordhac
: -
إنََّ الحمد لله ، نحمده ونستعينه ونستغفره ،ونعوذبالله من شرور أنفسنا، ومن سيئات أعمالنا ، من يهده الله فلامضل له ومن يضلل فلا هادي له، وأشهد أن لا إله إلا الله وحده لاشريك له، أشهد أن محمداً عبده ورسوله
أما
بعد:Allaah ayaa mahad iyo amaan mudan oo iska leh, waan u mahad celinaynaa waan kaashanaynaa dembidhaaf ayaan waydiisanaynaa, waxaan Allaah ka magan gelaynaa shararka nafahayaga, iyo acmaashayada kuwooda xun, kii Allaah hadeeyo cid lumin kartaa ma jirto, kii Allaah luminayona cid hadayn kartaa ma jirto, waxaan qirayaa inaanu jirin Ilaah xaq lagu caabudaa jiritaanka oo aan Allaah ahayn kelidii oo aan lahayn wax shiriik ah oo lagu lamaaneeyo, waxaan qirayaa in uu Maxamed yahay adoonkii Allaah iyo Rasuulkiisii.
Intaas dabadeed:
Si aan u fahamno Dacawada Salafiga ah iyo waxa keenay baahideeda waxan halkan idinku soo bandhigayaa InshaaAllaah Mawduucan Shaandhayn iyo Barbaarin iyo baahida ay muslimiintu u qabaan (
التصفية والتربية وحاجة المسلمين إليهما), waxaa asalkeedu ahaa Muxaadarad uu Iimaam Maxamed Nasiru-Diin Alalbaani Allaah ha u naxariistee uu ka jeediyey Machadka Culuumta Sharciga ee magaalada Camaan ee dalka Urdun mudo hada laga joogo lix iyo sodon sanadood (36). Waxa uu shiikhu Allaah ha u naxariistee Muxaadaradan ku cadeeyey Manhajka ay tahay in aan dhamaanteen ku sugnaano, waxa uu ku soo ururiyey laba kelmedood oo ah: Shaandhayn iyo Barbaarin- التصفية والتربية. Waxa uu shiikhu Allaah ha u naxariistee noloshiisii oo dhan ku soo qaatay ku dhaqanka Manhajka xaqqa ah. Isagoo ka shaandhaynaya Caqiidada wax aleele iyo wixii soo galay ee ahaa Caqiidooyin badil ah, kuwo faasid ah, khuraafaat ah iyo shirkiyaat. Waxa uu ka shaandhaynaayey Sunnaha wixii galay ee aan ka midka ahayn isaga oo ka soocaaya saxeexa iyo xasanka kan daciifka, mawduuca iyo kaan asalkaba lahayn. Waxa uu ka shaandhaynaayey Fiqiga wixii galay Ra’yiyaal ahaa iyo wax yaabo la abuuray oo khilaafsan Nusuusta cad ee Diinta. Shiikhu wuxuu ugu horayn naftiisa ku rabeeyey dabadeedna intii hareera joogtay wixii sax ah ee ka sugnaaday Rasuulkii Allaah sala Allaah calayhi wasalaam. Markaas ka dib ayuu ugu baaqay dhamaan dadka in ay qaataan Manhajkaa xaqqa ah Shaandhayn iyo Barbaarin. Waxa qaatay Dacawadii shiikha oo aqbashay koox akhyaar ah oo ka tirsan dunida oo dhan, kuwaas oo ahaa dad Ehelka Cilmiga ah (Culimo iyo Ardayda Cilmiga barata). Markaas ayaa waxa bilaabantay Casri cusub oo uu Cilmiga saxa ahi ku baahay aduunka oo dhan. Waxa ay garteen Walaalaha Almktabah Alislaamiya (المكتبة الإسلامية) Camaan, inay qoraan oo daabacaan Muxaadaradan wanaagsan ee ah nuxurkii Cilmiga Shiikh ee qaaliga ahaa si ay faa’iidadu u wada gaadho dhamaan Muslimiinta Aduunka ku dhaqan, Allaahna Ajar ha ka siiyo oo ha ugu daro miisaanka xasanaadkiisa Iimaam Maxamed Nasiru-Diin Alalbaani, Shiikhu wuxuu hadalkiisa ku bilaabay khudbatu alxaajah oo caado u ahayd Shiikha inuu ku bilaabo hadalkiisa isagoo ka tusaale qaadanya Rasuulkeenii sala Allaahu calayhi wasalaam wuxuuna yidhi:
إنََّ الحمد لله ، نحمده ونستعينه ونستغفره ،ونعوذبالله من شرور أنفسنا، ومن سيئات أعمالنا ، من يهده الله فلامضل له ومن يضلل فلا هادي له، وأشهد أن لا إله إلا الله وحده لاشريك له، أشهد أن محمداً عبده ورسوله. {يا أيها الذين آمنوا اتقوا الله حقَّ تقاته ولاتموتن إلا وأنتم مسلمون}[آل عمران :102] . {يا أيها الناس اتقوا ربكم الذي خلقكم من نفسٍ واحدة وخلق منها زوجها وبث منهما رجالاً كثيراً ونساءً وتقوا الله الذي تسألون به والأرحام إن الله كان عليكم رقيباً}[النساء:1] {يا أيها الذين آمنوا اتقوا الله وقولوا قولاً سديدا. يصلح لكم أعمالكم ويغفر لكم ذنوبكم ومن يطع الله ورسوله فقد فاز فوزاً عظيما}[الأحزاب: 70و71]
أما بعد: فإن أصدق الحديث كتاب الله ، وأحسن الهدي هديُ محمد صلى الله عليه وسلم، وشر الأمور محدثاتها، وكل محدثةٍ بدعة, وكل بدعة ضلالة ، وكل ضلالةٍ في النار .
وبعد:
Allaah ayaa mahad iyo amaan mudan oo iska leh, waan u mahad celinaynaa waan kaashanaynaa dembidhaaf ayaan waydiisanaynaa, waxaan Allaah ka magan gelaynaa shararka nafahayaga, iyo acmaashayada kuwooda xun, kii Allaah hadeeyo cid lumin kartaa ma jirto, kii Allaah luminayona cid hadayn kartaa ma jirto, waxaan qirayaa inaanu jirin Ilaah xaq lagu caabudaa jiritaanka oo aan Allaah ahayn kelidii oo aan lahayn wax shiriik ah oo lagu lamaaneeyo, waxaan qirayaa in uu Maxamed yahay Adoonkii Allaah iyo Rasuulkiisii.
{Kuwii Allaah iyo Diintiisa xaqqa ah rumeeyeyow, Allaah ka cabsada cabsi dhab ah hana dhimanina idinkoo aan muslimiin ahayn.} [Aali cimraan: 102] {Dad yohow Rabigiina ka cabsada, idinka abuuray naf keliya (Aadam calayhi salaam) ee ka sii abuuray Xaaskeedii (Xawaa calayhaa salaam) ee ka sii abuuray rag badan iyo dumar oo ku kala fidiyey dunida guudkeeda, ka cabsada Allaaha aad wax isku waydiisataan iyo inaad riximka gowsaan, Allaah kor buu idinka ilaalinayaa oo waa ogyahay acmaashiina} [Nisaa: 1].
{Kuwii Allaah iyo Diintiisa xaqqa ah rumeeyeyow Allaah ka cabsada oo ku hadla hadal toosan wuxuu idiin hagaajin acmaashiina wuuna idiin dembi dhaafi kii Allaah iyo Rasuulkiisa adeeca ayaa liibaanay liibaan wayn (jano gelaya)} [Alaxzaab: 71&72].
Intaa ka dib: hadal waxaa u rumaysan Kitaabka Allaah, waxa u wanaagsan hanuun hanuunkii Maxamed sala Allaahu calayhi wasalaam, Arimaha waxaa u shar badan kuwa la abuuro, arin kasta oo la abuuraana waa Bidca, Bidca kastaana Naarta ayey geli.
Intaas ka dib:
Maanta sidaad ogtihiin Dhamaantiin waxan joogna waqti ay Muslimiintu gaadheen ilaa iyo xad, aanay suura gal ahayn inay gaadhaan mid ka xun dad Muslimiin ah oo rumeeyey Allaah iyo Rasuulkiisii, oo ah dulinimo iyo adoonsi ay ummadaha kale inagu hayaan. Sidaas darteed iyo iyadoo uu dareensan yahay mid walba oo inaga mid ahi dulinimadaa na saraan dhamaan dhulka Islaamka oo ah wax laga xumaado, si kasta ha u kala gedisanaadeen dabqaadkoodu ee, waxaan is waydiinaa had iyo jeer iyo weligeenba, ha ahaato Shirarka guud, kuwa gaar ahaaneed iyo nadwadahaba, sababta Muslimiinta gaadhsiisay ilaa iyo xaaladan xun, iyo wadcigan hayaanada leh ee foosha xun, iyo sirta gaadhsiisay derejadan hoosaysa ee dulinimada, sidoo kale waxan is waydiinaa is daawaynta iyo Dawadaba, si ay noogu suura gasho in aan ka badbaadno dulinimadaa iyo dhibtaa . Markaas ayaa waxa la keenaa aaraaho kala duduwan iyo warbixino kala gedisan, qof walbaaba wuxuu la yimaadaa Manhaj ama dariiqa ay la tahay ay la tahay in dhibtaan lagaga baxayo ama Dawada dhibtan lagu daawaynayo, say la tahay. Anigu waxan leeyahay oo u arkaa in Mushkiladan uu inoo sheegay Rasuulkii calayhi salaatu wasalaam oo inoogu sifeeyey qaar ka mid ah Xadiisyadiisa ka sugnaatay, wuxuuna inoogu muujiyey Dawadeeda. Xadiisyadaa waxa ka mid ah hadalkiisa sala Allaahu calayhi wasalaam ah: ((
إذا تبايعتم بالعينة، وأخذتم أذناب البقر،ورضيتم بالزرع، وتركتم الحهاد، سلط الله عليكم ذلاً لاينزعه حتى ترجعوا إلى دينكم[ السلسلة الصحيحه:11])) ((hadaad wax ku kala iibsataan Ciinada (waa nooc ka mid ah Ribada), oo aad qabsataan Dabooyinka Lo’da(waa xoola dhaqashada aad ku mashquulto),oo aad ku raali noqotaan Beer falashada (aad ku mashquultaan beer falis iyo hawla Aduun ), oo aad ka tagtaan Jihaadka ama iska daysaan, waxaa Allaah idinku salidayaa oo korkiina saari dulinimo aanu idinka qaadayn ilaa aad dib ugu noqotaan Diintiina )).Wuxuu yidhi Shiikhu Allaah ha u naxariistee, waxan ka helaynaa Xadiiskan si kooban sheegitaanka Xunuunka ku fiday Muslimiinta dhexdooda, wuxu inoo sheegay Rasuulku sala Allaahu calayhi wasalaam laba nooc oo Xanuun ah waan si tusaale ah, ee maaha inay Intaa ku xadidan yihiin Cudrada Muslimiinta dhexdooda ku fiday
Nooca kowaad: inay muslimiintu ku dheceen wax yaabaha Muxaramaadka ah qaarkood si khiyaama ah iyagoo og taas, waxa ka mid ah hadalka Rasuulka sala Allaahu calayhi waslam ee ah: ((إذا تبايعتم بالعينة)), Alciinah- sida loogu yaqaano Kutubta Fiqiga waa nooc ka mid ah iibka oo uu Xadiisku tilmaamaayo inay Xaaraam tahay, iyada oo ay sidaas tahay ayey u arkaan qaar Culimada ka mid ahi iyo qayrkoodba in Iibkaasu uu banaana yahay xaga Shareecada. Waana sidan Ciinadu: inuu qof ka iibsado Taajir Alaab, tusaale aan nidhaahno wuxu ka iibsaday Gaadhi waana dayn buu ku qaatay Lacagtana marba in buu bixinayaa, ilaa mudo lagu balamay, markay sidaas u dhacday baa kii Gaadhiga iibsaday isu rogay iibiye oo uu Gaadhigii ka iibiyey isla Taajirkii uu ka iibsaday markii hore, laakiin wuxu kaga iibiyey Lacag ka yar tii uu kaga iibsaday, hase yeeshee waa lacag uu kaash ahaan u qaadanayo oo Taajirkii isu rogay iibsadaha ayaa lacagta kaash u bixinaya iyada oo ka yar tii markii hore lagaga iibsaday ee daynka ahayd. Aan nidhaahno tusaale ahaan Ninkaasu waxa uu Taajirka kaga iibsaday toban kun oo Liire oo dayn ah, markaas buu hadana Taajirkii dib ugaga iibiyey Sideed Kun oo kaash ah. Markaa Ninkaa waxa lagu qorayaa oo lagu leeyahay lacag dhan laba Kun oo Liire. Markaas dulsaarka noocaas ahi waa Ribo. Waxaana waajib ah ruux Muslimka ah oo maqlay Aayaatka Allaah casaa wajalaa iyo Xadiisyada Nebiga sala Allaah calayhi wasalaam ee xarimaysa Ribida ma aha inuu xalaalaysto noocaan Iibka Ciinada ah mar haday ku jirto siyaado la bixinayaa, waayo siyaadadaasu waa Ribo cadaan ah, hase yeeshee Dadka qaarkii waxay u arkaan inay taasu banaantahay, waayo waxay ka dhigeen iibin iyo iibsasho, waxayna soo Daliilsadaan Nusuusta guud ee muujinaysa in iibinta iyo iibsashadu ay banaan yihiin. Tusaale ahaan sida Aayat da la wada yaqaano ee ah [البقرة:275] {وأحل الله البيع وحرم الربا} {Allaah wuxuu xalaaleeyey iibka wuxuna xarimay Ribada}, markaas bay waxay yidhaahdeen tan waa iib iyo iibsasho waxbana ma leh hadii la kordhiyo ama la dhimo! Hase yeeshee runtu waxay tahay in Ninkii ku iibsaday Gaadhiga Toban Kun ee daynka ah ee hadana ku sii iibiyey Sideeda Kun ee kaash ka ah, wuxuu doonaayey oo Arintaa uga gol lahaa inuu helo Sideed Kun oo kaash ah, markaa isagoo og inaanu Taajirkaa Muslimka sheeganayaa amaahinayn Sideed Kun dar Allaah subxaanahu wa tacaalaa! Ee uu doonaayo Lacag siyaada ah, ayaa labadoodiiba si khiyaano ah u xalaalaysteen Lacagtaas siyaadada ah iyagoo ku magcaabaya Iib. Rasuulkiina sala Allaahu calayhi wasalaam ugu horayn wuxuu ahaa kii dadka u cadaynaayey Diintooda sida Allaah yiri tabaaraka wa tacaalaa: [النحل:44] {وأنزلنا إليك الذكر لتبين للناس ما نزل إليهم} {waxaanu kuu soo dejinay Quraanka si aad ugu cadayso dadka wixii loo soo dejiyey}. Waxaa Allaah tabaaraka wa tacaalaa ku sifeeyey Rasuulka sala Allaahu calayhi wasalaam: [التوبة:128] {بالمؤمنين رؤوف رحيم} {wuxu u tudhis iyo naxariis badan yahay Mu’miniinta}, tudhis iyo naxariis darteed xageena ayuu calayhi salaatu wasalaam inooga digay oo inoo muujiyey wax yaabaha ay ku jirto xeeladaha Shaydaanka ee uu ku khiyaanayo Dadka. Wuxuu inoo ka digay inaan ku dhacno Xadhkaha Shaydaanka oo uu ku xusay Xadiisyo aad u fara badan oo uu ka mid yahay kan aan hada ka hadlayno. Waxa uu yidhi calayhi salaatu wasalaam: ((إذا تبايعتم بالعينه)), hadii aad xalaalaysataan wixii Allaah xarimay iyo Rasuulkiisu oo ku xalaalaysano khiyaanooyin kuwa ugu hooseeya oo aad ku magcawdaan Iib, runtiina taas waa sitaarad aad ku qarinaysaan siyaadada iibkan ku jirta, waana Ribo cad oo aan dabool saarayn, sidaas ayaa Rasuulku sala Allaahu calayhi wasalaam Xadiiskan inoogaga digay inaan ku dhacno khiyaanooyinkan oo kale sidaan u xalaalaysano wixii Allaah xarimay, waayo taasu way ka khatar badan tahay inuu Muslimku ku dhaco xaraam isaga oo og inay xaraam tahay, waayo waxa laga raja qabaa oo laga yaabaa in uu maalin uun Allaah u soo noqdo oo dembi dhaaf waydiisto, waayo wuu og yahay in waxa uu sameenayaa ay tahay xaaraam. Hadiise loo qurxiyey Camalkiisa xun sabab sababaha ka mid ah awgeed, ha ahaato in Tawiil ama Tafsiir khalad ah uu qaatay ama jaahilnimo xoog lihi kaga jirto, oo uu u haysto inayn Camalkiisa waxba ka khaldanayn, waxa qof kastaa fahmi karaa inaanay maalina ku soo dhacayn in uu Allaah casaa wajalaa u noqdo oo dembi dhaaf waydiisto. Sidaas darteed baa xaaraamta la xalaalaysto Fekred ahaan iyo Ictiqaad ahaanba si weyn uga khatarsantahay xaaraamta cad ee muuqata, Ruuxii cunaya Ribo oo og inay tahay Ribo ictiqaadsan inay tahay Ribo, kaas in kasta oo uu Allaah iyo Rasuulkiisii la dagaalamayo sida ku cad Aayat da Quraanka ah, hadan khatartiisa natiija ahaaneed wa ka sahlantahay tan kan cunaya Ribada ee aaminsan in uu xalaal cunayo, kaas waxa ka dhigan kan cabaya wax yaabaha maanka dooriya ee aaminsan inuu xaaraam cabayo, waxa laga yaabaa in Allaah casaa wa jalaa uu dembi dhaaf waydiisto, kanse cabaaya maandooriyahaa oo aaminsan inuu cabaayo xalaal, sababtu si kasta ha ahaatee waa ka khatar badan kii hore waayo lagama yaabo in uu Allaah dembi dhaaf waydiisto mar hadii uu si xun u fahamay Xukumka Arintan ( waxan idhi: sidaas waxa ka dhigan Bidcada way ka khatar badan tahay macsiyada uu ogyahay kan sameeynayaa inay tahay macsiyad ). Hadaba Rasuulku sala Allaahu calayhi wasalaam wuxuu inoogu sheegay Xadiiskan aan ku jiro sidaan hadalkaygu bilowgiisii ku soo sheegay tusaale ahaan ee maaha in dembigaas oo keli ah Allaah dartiis inagu dulaynaayo, bal wuxuu tilmaamayaa in wax kasta oo xaaraam ah oo uu Muslimku galo isaga oo xalaalaysanaya si kasta ha u awiltee, taas waxa ka dhalanaya in Allaah casaa wajalaa ku dulayo, oo ku duleeyo sababta awgeed Muslimiinta haday ku dhex fido, oo ku shaacdo dhamaan xaaraamtaa ay xalaalaysteen.Hadana wuxuu Rasuulku inoo sheegay
Nooca labaad: ee ah arimaha ay iskaga mid yihiin Dadkoo dhami aqoonteeda inay Shareecada khilaafsantahay oo wuxuu yidhi sala Allaah calayhi wasalaam: ((إذا تبايعتم بالعينة، أخدتم أذناب البقر، ورضيتم بالزرع)), inaad ku mashquul taan daba orodka kasabka dunida ee iska burburi doona, iyo inaad heshaan risiqi idinkoo ku marmarsoonaya in Allaah casaa wajalaa nagu amaray inaan risiqa doon doon, oo markaa ay ka badbadiyaan Muslimiintu doon doonka risqiga, oo ay ilaabaan wixii Allaah ku farad yeelay oo Faraa’idka ahaa, oo uun isku mashquuliyaan Xoola dhaqis,Beer falis, iwm oo la kasbado, oo ay taasu ilowsiiso wixii Allaah ku farad yeelay ee Waajibaatka ahaa, wuxuuna halkan inoo sheegay tusaale ahaan Jihaadka loo gelayo Allaah dartiis oo wuxuu yidhi calayhi salaatu wasalaam:((إذا تبايعتم بالعينة، وأخدتم أذناب البقر، ورضيتم بالزرع، وتركتم الجهاد،سلط الله عليكم ذلاً، لاينزعه حتى ترجعوا إلى دينكم)), sidaad argtaan Xadiiskan wuxuu ka mid yahay Calaamadaha Nebinimada waayo waa inagu dhacday dulinimada uu Xadiisku inoo sheegayo waa wax laga xumaadaa sidaan u aragno. Hadaba waxa inagu waajib ah maadaama aan Xanuukii aragnay inaan qaadano Dawadii oo aan ka qaadano Xadiiskan. Markuu inoo sifeeyey Xanuunkii iyo Xanuukaa waxa dulinimo ku jirta, waayo waxaan ku kacnay wixii keenaayey Xanuunka taas waxay ina gaadhsiisay Xanuunkii oo ah dulinimo, hadaba waxa inala gudboon inaan ku noqono Xadiiska oo dabaqno oo qaadano Dawada uu inoo sifeeyey Rasuulku calayhi salaatu wasalaam, taas oo ah inuu inoo sheegay hadaan xagiisa ku noqono in Allaah inaga kor qaadi doono dulinimadan. Dadku way aqriyaan Xadiiskan in badana waa maqlaan hadalka Rasuulka sala Allaahu calayhi wasalaam ee ah: ((حتى ترجعوا إلى دينكم)), waxay se u malaynayaan in ku noqoshada Diintu tahay Arin sahlan, anigu se waxaan u arkaa in ku noqoshada Diintu ay u baahantahay culays wayn oo aanay ahayn wax sidaa isaga sahlanayn, waayo waxaan dhamaanteen ognahay in Diintan ay ku dhacday isku dayo fara badan si xaqaa’iq badan Diinta looga bedelo, waana u suura gashay qaarkood inay gaadhaan bedelistan ama leexistan(تحريف), hadaba bedelistan qaarkeed Dad badan way ogyihiin, qaar badanina ma oga, bal iska daayoo waxa jirta guud ahaan Dadku arimo qaarkood yihiin Ictiqaadi, iyo qaar laamaha Fiqiga ah oo ay u haystaan inay Diinta ka mid tahay, hase yeeshee aan ka mid ahayn Diinta, Tusaalihii hore inagama foga waana ciladii uu inoo sheegay Rasuulku sala Allaahu calayhi wasalaam Xadiiskan uu yiri (إذا تبايعتم بالعينة ), markaa iibka Ciinada ahi ma ah mid ay dadkoo dhami ka nabad galeen ama ogyihiin inuu xaaraam yahay, bal iska daayoo waxaa jira Culima fara badan oo kala joota qaar ka mid ah wadamada Islaamka oo aan u rajaynayno inay noqdaan saldhiga Islaamka oo ay ka fogaadaan inay ku dhacaan wax yaabaha ay ku dheceen Wadamada kale ee Islaamku ayaa Fatwado ku bixinaaya inuu banana yahay iibka Ciinadu, iibkaa ay ku jirto khiyaanada lagu xalaalaysanayo Ribada. Kaasuna waa tusaale ka mid ah Tusaalayaal aad u fara badan oo ay yaqaaniin Dadka ku hawlan Fiqiga Islaamka. Noocakan iibka ah iyadoo uu xaaraameeyey Rasuulkii calayhi salaatu wasalaam oo ka dhigay sababaha ku ridaya Muslimiinta dulinimadaa waa tusaale ka mid ah Tobanaan tusaale oo muujinaya waxaynu soo sheegnay oo ah inay waajib tahay inaan Diinta dib u fahmno inagoo ka baranayna Kitaabka iyo Sunnaha. Markaanu tilmaamayno Culimo banaynaysa arimo lagu xaaraameeyey Nusuusta cad ee Sunnaha taas ulama jeedno inaan dhabarka ka wareemo ama Cilmigiisa wax u dhimo kaa baneeyey wixii ay ku yimaadeen xaaraamayntoodu Xadiisyada, ee waxaan rabaa inaan u naseexayno Muslimiinta oo waanino, waxaanuna rabnaa in aan dhamaan iskaalmaysano gaar ahaan kuwooda ku hawlan Fiqiga Islaamka oo la fahmo wixii inxiraaf ah oo ka dhacay Dadka qaarkii sababtu si kasta ha ahaatee taasna waxay ku imanaysaa inaan dib ugu noqono oo isku xukumno Aayat da kariimka ah ee Quraanka ku jirta Aayt daas oo aan dhamaanteen wada naqaano, hase yeeshee ay yartahay kuwa ku hawlan dabaqaadeed ama ku camal falkeeda. Aayat daasu waa hadalka Allaah tabaaraka wa tacaalaa:{فإن تنازعتم في شئ فرذوه الى الله والرسوله إن كنتم تؤمنون بالله واليوم الأخر ذلك خير وأحسنا تأويلاً [النساء:59]} {hadii aad arin ku murantaan u celiya oo Xukumka ka qaata Kitaabka Allaah iyo Sunnaha Rasuulka, waa hadaad tihiin kuwo Allaah rumeeyey iyo maalinta Qiyaamaha, taas baana khayr ah cidhib iyo noqoshona u wanaagsan }, hadaba Dadka dersa Fiqiga waxay ogyihiin in iibka Ciinada iyo iibab kaloo fara badanba ay isku khilaafsanaayeen Culimadii hore iyo kuwa dambeba, markaa maxaa la gudboon Culimada maanta joogta inay sameeyaan arimahan laysku khilaafsan yahay oo kale? Sidaan ka warqabona intooda badani way qirsan yihiin khilaafkaa waxayna ku riixayaan kii duuga ahaa duugiisii. Markay sidaas tahay waxaan leeyahay: sidee ayey Muslimiintu Diintooda ugu noqonayaan? Oo ah Dawadii uu Rasuulku calayhi salaatu wasalaam inoo sheegay hadii aan qaadano in dulinimadaa laynaga kor qaadi, hadii kale se sidaas ayaan ugu jiraynaa! ((إذا تبايعتم بالعينة، وأخدتم أذناب البقر، ورضيتم بالزرع،وتركتم الجهاد، سلط الله عليكم ذلاً لاينزعه حتى ترجعوا إلى دينكم؟!)), sidaas darteed Daawada keliya waa Diinta oo lagu noqdo, hase yeeshee Diintaan sidaan dhamaanteen ognahay gaar ahaan qolyaha fahmay ee ku xeesha dheeri waa laysku khilaafsan yahay, khilaaf aad u wayn,mana aha khilaafkaasu siday u malaynayaan Qoraayaal iyo Culimo fara badani mid ku kooban arimo farciyo ah oo yar yar siday yidhaahdaan, bal khilaafkaasu wuxuu gaadhsiisan yahay ilaa iyo Arimo Ictiqaadi ah oo xaga Iimaanka ah, waxa jira khilaafa wayn oo u dhexeeya Kooxda la yiraahdo Alashcariyah iyo Kooxda kale ee la yiraahdo Almaaturiidiyah, waxa jira khilaafa kale oo u dhexeeya labada kooxood iyo Kooxda la yiraahdo Almuctasilah, ku dar khilaafa u dhexeeya kooxahaas iyo kooxaha kale ee Faraha badan iyo dhexdoodaba, kuwaas oo dhami waxay xisaabsan yihiin inay yihiin Muslimiin, dhamaantoodna Xadiisku waa loola jeedaa oo waa la hadlayaa ((سلط الله عليكم ذلاً لا ينزعه حتى ترجعوا إلى دينكم)), markaa waa tee Diinta ay tahay inaan ku noqono?! Ma waxa weeye siday u fahmeen madhabta hebel?! Mise tan madhab kale oo aan taa ahayn?! Madhabaha Faraha badan ee maanta jira aan ku soo koobno khilaafka madhabaha afarta ah ee aan nidhaahno waa madhabaha Ahlu Sunnaha. Waa tee tan Daawada ah ee dulinimadaa laynkaga kor qaadi?! Hadaan madhabahaa midkood ku noqono, waxaan halkaa ka helaynaa dhowr Arimood ama afar meelood oo meel amba Tobanaan Arimood oo khilaafsan Sunnaha hadaanayba Kitaabka Allaah casaa wajalaa khilaafsanayn qaarkood. Sidaas darteed baan waxaan arkaa in wixii islaax ah ama is toosin ah ee ay waajib tahay inay ku kacaan Ducaatu Alislaam ama qolyaha ku dhawaaqaya in la dhiso Dawlad Islaam ah si dhab ah ay tahay inay ku noqdaan fahmsiiyaan naftooda ugu horayn tan labaadna Ummadda Diintii uu la yimi ama lagu soo dejiyey Rasuulka calayhi salaatu wasalaam waa taas oo majirto dariiqa kale laga aadaayo sidaan ictiqaadsanahay ama aaminsanahay oo ay isku waafaqsanyihiin Fuqahada oo dhami inaanay jirin dariiqa kale oo aan ahayn in lagu noqdo oo laga fahmo Diinta xaqiiqadeeda uu soo dejiyey Allaah casaa wajalaa, in laga barto ama laga derso Kitaabka iyo Sunnaha. Dembi maaha in Iimaamadii Allaah ha u naxariisto dhamaantood ee, waa fadligooda fadligooduna waa xaga Allaahood, waxay uga digeen kuwii raacsanaa ee hore oo ahaa kuwa Cilmi lahaa in ay iska raacaan oo siday yidhaahdeen uun ku socdaan, oo ay ka dhigaan inay yihiin Asalkii loo noqanaayey oo ay taasu ilowsiiso Asalkii Shareecada: Kitaabka iyo Sunnaha.Uma aydin baahnidin Dhamaantiin in aan halkan ku sheego hadaladii ay odhan jireen Iimaamadu oo ku soo ururta kelmedan oo ah mid ka sugnaatay dhamaantood:
((إذا صح الحديث فهو مذهبي)) ((haduu Xadiisku sax noqdo waa madhabkayga)), hadaba waxaa inagaga filan iyaga hadalkaa hadan, wuxuna Daliil u yahay in Iimaam kastaaba oo ka mid ahi, uu naftiisa u naseexeeyey, oo u naseexeeyey Ummadda iyo kuwii raacsanaaba, markay ku amreen in ay ku noqdaan Xadiiska oo qaataan hadii uu khilaafsan yahay Ijtihaadkoodii iyo Ra’yigoodii. Hadaba wuxuu hadalkaasu dariiqa u furayaa haba noqato inaan ku magcawno ku dayashada Iimaamada ee in lagu noqdo Kitaabka iyo Sunnaha.Waxaan soo qaadanaynaa Tusaalayaal qaar ah oo weli ku qoraan Kutubteena oo lagu dhigto Dugsiyada Sharciga iyo Kuleejooyinka iwm, madhabaha Islaamka mid ka mid ah baa waxay qabtaa in qofka tukanayaa haduu Salaada galo uu Gacmaha sii daayo oo aanu laabta ku qaban, waayo?! Sidaas weeye madhabtu! Waxay ku dedaaleen Culimada Xadiisku bal inay la yimaadaan hal Xadiis haba ahaado mid daciif ah, balse ha ahaado mid mawduuc ah oo sheegaya in Rasuulkii sala Allaahu calayhi wasalaam aanu ku qaban jirin Gacantiisa Midig tan Bidix haduu is taago markuu tukanaayo, Arintaas waa mid aan jirin, markaa ma kaas baa Islaamku? Waxaan garanayaa in qaarkiin odhanayaan Arintani waa arin farci ah, balse qaar baa sii sahlan doono cabiraada oo odhanaaya Arintani waa wax aan macna lahayn. Ana waxaan aaminsanahay in wax kasta oo uu la yimid Rasuulkii sala Allaahu calayhi wasalaam oo cilaaqo la leh Diinta iyo Cibaadada aanay ahayn Arimo yar yar oo aan macna lahayn. Waxaan aaminsanahay in wax kasta oo uu la yimid Rasuulkii calayhi salaatu wasalaam ay waajib tahay inaan u qaadano Diin ahaan marka u horaysa, inaga oo ku miisaamayna daliilada Sharciga ah, haduu yahay Farad waa Farad, haduu yahay Sunnah waa Sunnah, laakiin inaan ku magcawno Arin aan micna lahayn ama waa diir sare waa waa mustaxab! Taasu maaha mid ka mid ah adaabta Islaamka haba yaraatee, siiba inaan Cadka la ilaalin karin hadaan la ilaalin Diirka ama Haraga, sidaas baan odhan lahaa hadaan doono inaan la murmo. Taas waa tusaale yar waxa weeye in Gacmaha la sii daayo marka Salaada lagu jiro, maxay keenay inay ku socdaan Muslimiintu Arintan oo ku Camal falaan, iyadoo Xadiisyadu ka buuxaan dhamaan Kutubta Sunnaha in Rasuulkii sala Allaahu calayhi wasalaam uu Gacmaha isku qaban jirey?! Wax kale maahee waa isku dayasho iyo ku dheganaan in la khilaafo Iimaamada hadalkoodii ahaa ((
إذا صح الحديث فهو مذهبى)). Tusaalahan yari Dadka qaarkii baanu raali gelinayn, markaas waxaan u soo qaadayaa Tusaale kale, oo ah in qaar Kutubta Fiqiga madhabaha ayaa weli waxa ku qoran oo ay sheegayaan in Khamrigu uu yahay laba qaybood:Qybta Kowaad
: waa qayb laga sameeyo Cinabka, qaybta yaraantiisa iyo badnaantiisuba waa XaaraamQaybta Labaadna
: waa qaybta kale oo ah kan laga sameeyo waxaan Cinab ahayn, sida Hadhuudhka, Arabikhida Timirta iwm oo ay maanta ku xeel dheeraadeen Gaaladu inay ka samayaan Khamriga. Qaybtan bay yidhaahdeen Khamriga ka mid ahi gidigiis Xaaraam ma wada aha, ee ilaa intaad kaga sakhraanto ama Maankaagu ku doorsamo ayaa Xaaraam ah oo keli ah! Maxaa hadaba hadaladan noocas ahi Kutubteena ugu qoran yihiin?! Waxa dhacayso Dadka qaarkii inay hadalkan u difaacaan siyaabo kala duduwan ama difaacyo midaba badan leh! Wax kale maahee waxaa loo difaacayaa hadalkan oo aan ahayn inuu yahay Ijtihaad uu sameeyey Iimaam ka mid ah Iimaamada Muslimiinta oo dabadeedna uu hadalkaa yidhi! Inagoo dhamaanteen si kasta aan u kala duwanaanee oo Madhabaheenu ha u kala dowanaadeen ee waxan ku aqrinaa Kutubta Sunnaha sanadyo saxeexa ah hadalkiisa sala Allaahu calayhi wasalam ee ah: [الإرواء:2375] ((ما أسكر كثيره فقليله حرام))و ((وكل مسكرخمر،وكل خمر حرام [الإرواء: 2373])) ((wixii badnaantiisu wax sakhraamiyaan,wixiisa yarina waa xaaraam)) ((wixii wax sakhraamiya oo dhami waa khamri, khamri oo dhamina waa xaaraam )). Maxaa uu inoo dhex yaalaa hadalkan khatarta ah oo kale ee dhiiri gelinaya Dadka iyagoo sidoodaba ah kuwo qarka u saaran Fusuq ama ah kuwo ku dhacayba run ahaantii, maxaa loogu dhaldhalaalinayaa inay wax yar oo khamri ah ay iska cabaan oo ah nooca aan Cinabka ka samaysnayn, xujaduna waa Iimaam hebel oo ah Caalim faadil ah ayaa saas yiri?! Waa maxay xujada noocaan ahi! Anuna waxaanu ictiqaadsanahay in uu yahay Caalim faadil ah, hase yeeshee faraqa noo dhexeeyaa waa inaanaan anagu ilowsanayn in uu yahay Caalim faadil ah oo aan macsuum ka ahayn khaladka, ee waa khaldami karaa, iyagu se xaqiiqadaa waa ilowsan yihiin, markaas bay sii wadaan inay daafacaan kelmedaas, qaarkood waxay u adeegsadaan hadalkaa inay ku dhex fidiyaan wax yaabaha Mankadooriya Muslimiint dhexdooda, qaarna waxay daafacayaan Iimaamka ee maaha hadalka.Waxa laga yaabaa in kuwa badan oo idinka mid ahi ogyihiin in wargayska la yiraahdo Majalah Alcarabi [
مجلةالعربي] ay qortay Maqaalo ay qaarkood ku ayidayaan hadalkaa ah wax yaabaha la cabo ee lagu sakhraamo oo ka samaysan waxaan Cinab ahayn, waxay ku qoreen wargayskaa aan soo sheegnay maqaal u xalaalaynaya Muslimiintu inay cabaan waxay ka doonaan wax yaabaha wax sakhraamiya ee cusub, xujaduna waa: ha cabin wax ku sakhraamiya ee wax yar ka caba. Arintanu waa mid khayaali ah waayo runtii sidaan wada ognahay dhamaanteen dhibicda hore tan labaad bay soo jiidaa, tan saddexaadna tan afraad bay soo jiidaa iyo sidaas oo kale ilaa laga gaadho intii wax sakhraaminaysay, intii yarayd ee aan lagu sakhraamayn (waana wax aan suurta gal ahayn in la xidido oo meel lagu joojiyo ) waxay keenaysaa intii badanayd ee lagu sakhraamaayeey. Waxan leeyahay maxaa hadalkaas oo kale ugu qoran yahay Kutubta Fiqiga isagoo ka hor imanaya Xadiisyada daliilada cad leh ee ka sugnaatay Rasuulkii sala Allaahu calayhi wasalaam ee burinaysa hadalkan oo kale?! Maxaynu isugu fasaxaynaa oo fursad u siinaynaa Qoraa qardle ah inuu fidiyo hadalkan oo kale, oo ka dhisto Daara dhaadheer iyo Qasaro, oo uu u baneeyo Muslimiinta inay cabaan wixii laga xarimay, isagoo ku xidhaya wax ku sakhraamiya ha cabin ee wax yar cab oo ha cabin wax badan! Waxa laga yaabaa in ninkaas qoray Maqaalka uu yahay mid qardle ah, waxa kaloo laga yaabaa inuu yahay mid Niyadiisu wanaagsantahay oo doonaaya inuu maro dariiqadii Dadka qaarkood oo yiraahdo Dadyohow! Ha ku adkaynina Muslimiinta, mar haduu jiro hadal Iimaam Iimaamada ka mid ah Muslimiinta oo banaynaaya in waxan la cabo, maxaan inagu u xarimaynaa?! Waxa laga yaabaa inuu qoraagaasu sidaas yahay, hase yeeshee bal ka warama in la arko Caalim faadil ah oo ka mid ah Culimada Shaam oo qoray Warqad uu kaga jawaabayo Maqaalkaa. Waxad arkay in uu jawaab celinta ku jaah wareeray, mar wuxuu u hiilinaya cidii hadalkan tidhi uu soo qaatay qoraagu, marna wuxuu soo daliilinayaa Xadiisyada aan qaarkood soo sheegnay, kuwaas oo jawaab u ah qoraaga iyo cida uu isku tiirinayoba. Maxaa keenay Caalimkaas faadilka ah inuu warwareego?! Taas waxaa keenay, waayo hadalkan ayaa muqadas la ah, waayo wuxuu ka soo baxay Caalim Culimada Muslimiinta ka mid ah, Caalimkaasuna kuma hadlaayo Hawo iyo Jaahilnimo toona, Ana sidaas waan ku raacsanahay, kuma hadlayo Hawo iyo Jaahilnimo toona, hase yeeshee ma macsuum baa (yacni ma khaldami karo miyaa) Ijtihaadka uu sameeyey ee ka fog hawa raac iyo Jaahilnimo?! Dhamaanteen waxaan leenahay maya, dhamaanteen waan garanaynaa hadalka Rasuulka calayhi salaatu wasalaam : [البخاري: 735ومسلم:1716] ((إذا حكم الحاكم فاجتهد ثم أصاب، فله أجران، وإذا حكم فاجتهد ثم أخطأ،فله أجر)) ((haduu xukumo Xaakimku oo ku ijtihaado oo asiibo wuxuu leeyahay laba Ajar, haduu xukumo oo ku ijtihaado oo khaldamo wuxuu leeyahay hal Ajar )). Hadaba maxaan u ilownay in qofkan ijtihaadka sameeyey lagu abaal marinayo hal Ajar oo aan u odhan waynay wuu khaldamy?! Waayo Dadka qaar bay ku adag tahay in uu yidhaahdo Hebel oo Iimaam ah waa khaldamay, Anuna waxaan leenahay waa maxay tanaducanu?! Ama maxaan uga baqaynaa inaan nidhaahno Iimaam Iimaamada Muslimiinta ka mid ah baa arin ku khaldamay ama Ijtihaad amaba Ra’yi uu leeyahay, wuxuuna Ajar u heli hal Ajar halkuu ka heli lahaa laba Ajar?! Maxaan sidaas u odhan waynay mabda ahaan ugu horayn tan labaadna aan ugu dabiqi waynay Furuucda kale qaar, oo uu ka mid yahay Faracan aan ku jiro oo aan hada ka hadlayno?! Markaad aqrido Warqadii uu qoray Caalimkaasu ee uu ugu jawaab celinaayey Qoraagaa kamaad soo saaraysid wax natiija ah oo ah inuu Qoraagaasu ku khaldamay ku tiirsanaanta Ra’yiga Iimaam Iimaamada Muslimiinta ka mid ah, waayo Ra’yigaas markii la baadhay oo la hor dhigay daliilada Shareecada, waxay ku kaliftay qaar ka mid ahaa kuwii raacsanaa Iimaamkaa laftiisa inay diidan Arintan oo ay iskaga dhaafeen in Iimaamku heli hal Ajar, waxayna qaateen Xadiisyadii saxeexa ahayd, markaa maxaan uga aqriyi waynay Warqadaas in Iimaamku khaldamay oo Ajar leeyahay aanayna ahayn in Qoraagaasu uu isku hortaago Sunnaha Ra’yiga Iimaamkaas?! Jawaabtu waxa weeye waxa inagu daxalaystay oo Qalbiyaalkeena ku daxalaystay in aan ka dhigno Iimaamada wax muqadas ah iyo ixtraam ka badan kii Allaah inagu waajibiyey, Anagu waxaan aaminsanahay hadalka Rasuulka calayhi salaatu wasalaam ee uu inagu yiri: ((ليس منا من لم يجل كبيرنا، ويرحم صغيرنا، ويعرف لعالمنا حقه [صحيح الجامع: 5443])) ((naga mid maaha kaan qaderin kaayaga wayn, oo aan u naxariisan kaayaga yar, oo aan garan Caalimkayaga xaqiisa)), taas weeye tuu ku booriyey Muslimiinta Rasuulku calayhi salaatu wasalaam, inay gartaan xaqa Caalimka, hase yeeshee ma waxaa xaqa Caalimka ah inaan kor u qaadno ilaa iyo heerkan Nebinimada iyo Rasuulnimada, ilaa aan gaarsiino inaan siino Cismad(inaanu khaldami karin )?! Haday tahay in aan ixtraamno oo qaderino qadarta uu mudan yahay, waa in aan ku dayanaa markuu ina tuso Daliil, ee maaha inaan kor u qaadno hadalkiisa oo iska dhaafno hadalka Rasuulka calayhi salaatu wasalaam! Tani waa tusaale kale oo ka mid ah tusaalayaalka weli dhexdeena ku socanaaya iyadoo aanay inkirin oo aany is hortaagin kuwa aqoonta u leh Kitaabka iyo Sunnaha. Arintan waxan kaga hadlay Warqad aan qoray oo la daabacay, waxayna ahayd in uu Aqristuhu hal natiijo ka soo saaro, oo ah in ay Arintanu tahay siduu yidhi Rasuulku sala Allaahu calayhi wasalaam oo keli ah: ((ما أسكر كثيره فقليله حرام)) ((wixii wixiisa badan wax sakhraamiyaan, wixiisa yarina waa xaraam)), sidaas darteed Qoraaga Maqaalkan ku qoray Majalat Alcarabi(مجلة العربي)waa khaldan yahay, cidii isku tiirisa oo ah Ehelka Cilmigana waa qaldan yahay, cidna cid kama jeclin haduu khaldamo, khalad waa khalad, Gaalnimo waa Gaalnimo, haday ka dhacdo ruux weyn iyo mid yarba, Rag iyo Dumarba dhamaan waa khalad oo kuma kala duwana cidii uu ka soo baxay.Waxa jira tusaale kale oo xaga Meherka ah oo ilaa iyo maanta aan joogno lagu isticmaalo Qawaniinta loo yaqaan Qanuunka Qowska. Waxa la ogyahay maanta in Qawaaniinta farad laynagaga dhigay iyadoo wax laga xumaado ah iyada oo ay ku jiraan wax yaabo Shareecada khilaafsan sida laysku waafaqsan yahay, hase yeeshee Xukumkanu ilaa maanta waa jiraa iyada oo uu yahay Ra’yi Islaami ah oo qaderin mudan, waxa weli laysku xukumaa in Gabadha qaan gaadhka ahi, ay tahay inay iyadu guursato iyada oo aan wax idan ah ka haysan weligeedii, taas waxa la isticmaalaa iyada oo Rasuulkii sala Allaahu calayhi wasalaam yidhi: ((
أيما امرأة نكحت بغير إذن وليها، فنكحها باطل،فنكحها باطل، فنكحها باطل، [الإرواء: 1840] )) ((Rux Dumar ah oo kasta oo la meheriyo iyada oo aan idan ka haysan weligeeda, meherkaasu waa baadil, meherkaasu waa baadil, meherkaasu waa baadil,)), Xadiiskan laguma dhaqmo, Hadalkaas se waa lagu dhaqmaa waana laysku xukumaa, waxa laga yaabaa inay dadka qaar yidhaahdaan miyaanay Xadiiskaa cid kale fahmin adig maahee?! Ana waxan odhanayaa Xadiiskan waxa laga qaatay Iimaamada kii ugu fahamsanaa Afka Carabiga iyo Asluubihiisa, waana Iimaam Alshaafici, ee maaha Ra’yi uu iska leeyahay Nin loo yaqaano inuu Asalkiisu ka soo jeedo Albaniya. Hase yeeshee Albanigaasu wuxu helay Xadiis, wuxuu kaloo helay Xadiiskaa siduu u fahmay Iimaamkaasu, waana Iimaam Qurayshi ah oo ka sii ah Mudalabi. Markaa maxaa loogaga tegay Ra’yigaa saxa ah oo ku salaysan Xadiiskan saxa ah, Ra’yi uu leeyahay Iimaam kale oo Iimaamada Muslimiinta ka mid ah?! Haa, ijtihaadka Iimaamka Madaxayga korkiisa ayaan saarayaa oo waan aqbalayaa, laakiin ijtihaadku wuxuu qiima yeelanayaa marka aanu ka hor iman Naska Macsuumka ah ee ka mid ah Kitaabka iyo Sunnaha. Dhamaanteen waxaan ka aqrinaa Kutubta Usuulka hadaladan: ((إذا ورد الأثر بطل النطر)) ((hadii uu soo arooro Sunnuhu waxa baaba Ra’yiga)) iyo ((إذا جاء نهر الله بطل نهرمعقل)) ((hadii uu yimaado webigii Allaah waxa baaba webigii Mucaqil)) iyo ((لاأجتهاد في مورد النص)) ((ma jiro ijtihaad haduu soo arooro Nas)), kuwaas dhamaan waa Qaaciidooyin Cilmi ahaan la yaqaan, markaa maxaan ahmiyad u siin waynay dabaqaadooda Qaaciidooyinkaa Cilmiga ah, oo aan ugu adkaysanaynaa sii haysashada Furuucda qaarkood ee khilaafsan Sunnaha?! Hadii aan doono inaan qaadano Dawadii uu inoo sifeeyey Rasuulku sala Allaahu calayhi wasalaam ka dib markuu inoo sifeeyey Xanuunkii: ((حتى ترجعوا إلى دينكم)), hadaba ku noqoshada Diintu ma Carabka oo keliya baa mise waa Ictiqaad iyo ku dhaqan?! Dad badan oo Muslimiin ah baa labada Ashahaado qiraaya in Ilaah xaq lagu caabudaa jirin Jiritaanka oo aan ahayn Allaah iyo inuu Maxamed yahay Rasuulkii Allaah iyo Adoonkiisii, hadana waxay farayaan iyo waxay ka reebayaan labada Shahaado aan u hogaansanayn, taasuna waa baxas dheer (hada ma geli karno), in badan oo Muslimiinta maanta ka mid ahi xataa kuwa lagu tiriyo inay yihiin kuwo hanuunsan ma siiyaan oo uma fasiraan Tafsiirta dhabta ah ee ay leedahay kelmedan suubani ee (لاإله إلاالله ), waxa ku baraarugay Arintan Dhalinyaro badan oo Muslimiin ah iyo Qorayaal Muslimiin ah, taas oo ah in xaqa shahaadada ay ka mid tahay in Xukumka Allaah iska leeyahay, haa, waxan rabaa inaan si cad u idhaahdo, way ku baraarugeen Dhalinta Muslimiintu iyo Qorayaalkaa Muslimiintu maanta xaqiiqadan, waxayna tahay in Xukumka Allaah casaa wajalaa iska leeyahay kelidiis, in lagu dhaqmo Qawaaniinta Dhulka (tan bini Aadamku sameeyey ) oo lagu tiirsanaado lagu xaliyo mushkiladaha maanta jooga, waxay ka hor imaanaysaa oo diidaysaa in Xukumka Allaah casaa wajalaa iska leeyahay, hase yeeshee waxaan arkaa in kuwa badan oo Qoraayaalkaa ahi aanay la jaan qaadin baraarugaa weyn ee ay ku baraarugeen in Xukumka Allaah casaa wajalaa uu iska leeyahay, Xukumka Allaah waa Xukumka Kitaabka iyo Sunnaha. Bal ka warama hadii Xukum khilaafsan Kitaabka iyo Sunnaha uu ka yimaado hebel oo Gaal ah uu yahay mid khilaafsan Xukumka Allaah, haduu se ka yimaado ijtihaad uu sameeyey mujtahid khaldan uu yahay mid aan khilaafsanayn Xukumka Allaah?! Anigu waxaan Ictiqaadsanahay inaan wax faraqi u dhexeen, waayo waxa waajib ah inaanu ruuxa Muslimka ahi qaadan hadal kasta ciduu doono ha ka soo baxee, mar haduu khilaafsan yahay Kitaabka iyo Sunnaha, hase ahaatee waxa jira faraq kale oo u dhexeeya hadalkaa uu yidhi Gaalku waayo isagu waa Gaal wuxuuna ku waarayaa Naarta iyo hadalkan uu yidhi Muslimku isagu khaladkiisa Ajar buu ku heli, sidii aynu isugu soo baraarujinay Xadiiskii hore ee saxeexa ahaa. Hadaba waxa waajib ah in Diinta lagu noqdo ka dib marka la maro Dariiqa fahamka Diinta, taasna waxay noqon in la dabaqo Fiqiga maanta loo yaqaano Fiqhi almuqaaran ama Fiqhi almuqaarin, waxa waajib ah in la dhigto Fiqigaa oo ay dhigaan Dad ku xeel dheer oo ah kuwa sita Shahaadadaha Sharciga ah ee Fiqiga iyo Xadiiska. Marka aynu leenahay waxaan u ololaynaynaa in la dhiso Dawlad Muslim ah, waxa laabud ah in Dawladaasu yeelato Distoor cad iyo Qawaaniin cad cad, markaa madhabkee ayaa lagu dhisi Distoorkaa?! Oo madhabkee ayaa lagu fasiri Distoorkaa Qaanuunka ah?! Waxa jira qaar Qorayaalka Muslimiint maanta ah oo kala soocaaya Axkaamta qaar ee ay waajibka tahay in lagu saleeyo Qaanuunka Dawladaa Muslimka ah ee aan hiigsanayno, waxaan helaynaa in aan Qaanuunkaa loo diraasayn sida Dariiqadii aan soo sheegnay ee ahayd Alfiqihi almuqaarin ula jeedadeenuna waa dersida Kitaabka iyo sunnaha, bal se Nin baa Madhab dersay dabadeedna wuxu ku soo naqilay Ra’yiga Madhabkaa furuuca badan oo uu qaanuuneeyey, markaas ayuu Kitaab ku qoray si markay dhalato Dawlad Islaam ahi laga yaabee inay noqoto dhowaan ee, uu u noqdo kaas Qaanuunkeedii. Isagu runtii sida waaqica ah wax cusub ma keenin, sidii aanu Qoraagii Warqadii cabitaanka wax yaabaha Maandoorshaha ah wax cusub u keenin. Waxa cusub ee aan doonayno waa in aan Muslimiinta baraarujino, hase yeeshee waxa ugu yar ee la odhan karaa waa waxa saxa ah hadalka kale ee laga qaatay Iimaamka kale, waayo wuxu ayidsan yahay Sunnaha, kaa aan tilmaamayaa wuxuu ku yimid Maadada ah: hadii uu Muslim dilo Gaal ah kuwa la nool Muslimiinta waa loo dilayaa. Ra’yigan waa mid aad loogu yaqaano Fiqiga Islaamka, hase yeeshee waxaa jira Ra’yi kale oo ka soo horjeeda waana: hadii Muslimku dilo Gaal ah kuwa la nool Muslimiinta aan loo dilayn, sida hadalkiisu odhanaayo sala Allaah calayhi wasalaam:[صحيح البخاري-الإرواء] ((لايُقتل مسلم بكافر ))((looma dilaayo Muslimka Gaal)) Hadalkaa maxaa keenay Caalimkaa faadilka ahi iyo Qoraagaa casriga ahiba inuu ku dhigo nadaamka Islaamiga iyo Qaanuunka Islaamkaba in Muslimka loo dilo Gaal, hadalkaas oo ka soo horjeeda oo khilaafsan Xadiiska Rasuulka sala Allaahu calayhi wasalaam?! Waxan ictiqaadsanahay in sababtu tahay inuu dersay Fiqigaas uu ku koray, markaas ayuu wuxuu ka dhigay qasab. Markaa ma sidaas baa ku noqoshada Diintu?! Diintu waxay odhanaysaa: (لايقتل المسلم بكافر) Muslimka looma dilaayo Gaal, laakiin Madhabku wuxu odhanayaa waa loo dilayaa, sidaas oo kale ayuu Qoraagu leeyahay isla Mawduucaas, hadii Muslimku si aan ula kac ahayn u dilo Gaal ah kuwa Muslimiinta la nool, maxay noqonaysaa Magtiisu? Magtiisu waa tan Muslimka oo kale! Sidaas ayuu odhanayaa Qaanuunka uu Qoraagaasu dejiyey isagoo tix raacaya Madhabka uu ku saleeyey Qaanuunkiisa, Rasuulkii sala Allaahu calayhi wasalaam wuxuu yidhi:[صحيح الجامع: 3391] ((دية عقل الكافر نصف عقل المؤمن)) ((Gaalka magtiisu waa badh ahaan magta Mu’minka)), hadaba ma Xadiiskan baan Qaanuun ka dhiganaa mise hadalka khilaafsan?!Waxaa jira Tusaalayaal kale oo aad u fara badan aad iyo aad, marka ku noqoshada Diintu waa ku noqoshada Kitaabka iyo Sunnaha, waayo taas weeye Diintu sida ay Iimaamada oo dhami isku waafaqsan yihiin, taas baa cismad ah oo kaa celinaysa inaad leexato ama aad Baadi ku dhacdo, sidaas darteed buu yidhi calayhi salaatu wasalaam:[
صحيح الجامع: 2937] ((تركت فيكم شيئين لن تضلوا بعدهما: كتاب الله وسنتى، ولن يتفرقا حتى يردا على الحوض)) ((waxaan idiinka tegay laba shay oo aydaan lumi doonin dabadood: Kitaabka Allaah iyo Sunnahayga, kalana tegi maayaan ilaa laygu soo celiyo Xowdka )), waxaan isu soo sheegnay Tusaalayaal qaar ku waajibinaya Dadka Cilmiga leh maanta inay ku noqdaan oo ka fahmaan Diinta labada Asal ee aan soo sheegnay: Kitaabka iyo Sunnaha, si aanay u dhicin oo loo xalaalaysan wixii Allaah xarimay iyaga oo moodaaya inuu yahay wax banaana.Hadana waa kelmedaydii ugu dambaysay ee Mawduucan ku noqoshada Diinta
:Hadaan ka doonayno quwad xaga Allaah tabaaraka wa tacaalaa iyo inuu inaga kor qaado Dulinimada, oo inooga hiiliyo Cadawyaalkeena, inaguma fila waxaan soo sheegnay oo ahaa inay waajib tahay in la saxo fahamka Diinta oo laga kor qaado Ra’yiyaalka ka duway Ehelka Cilmiga iyo kuwa ku xeel dheer Fiqigaba daliiladii Sharciga ahaa, ee waxaa kaloo jira Arin kale oo aad u muhiim ah waana taan u soo araranaayey si aan u saxno fahamyaasheena, waa Camal falka, waayo Cilimigu waa wadada loo maro camal falka, hadii qofka wax barto, Cilmiga uu bartayna yahay mid saafi ah oo la shandheeyey, dabadeedna aanu ku Camal falin, waxa qof waliba iska garan karaa inaanu Climigaasu midha dhalin, markaa waxa laabud ah in Cilmigaas uu raaco Camal fal. Waxa waajibku ah Ehelka Cilmiga inay hantaan barbaarinta Muslimiinta yar yar ee cusub, oo ay ku barbaariyaan wixii ka sugnaaday Kitaabka iyo Sunnaha, wax banaan maaha inaan isaga dayno Dadka oo ay ku dhaqmaan wixii ay kala dhaxleen ee fahamyo iyo khaldaadba oo ay qaarkood yihiin wax yaabo baadil ah siday isku waafaqeen Iimaamadu qaarna laysku khilaafsan yahay waxayna leeyihiin Wejiyaal ah ka fiirsi iyo ijtihaad iyo Ra’yiba, qaar ijtihaadadaas iyo Ra’yiyaalkaas waxay khilaafsan yihiin Sunnah. Ka dib marka la shaandheeyo Arimahaa oo la cadeeyo, waxay waajibka tahay inaan ku dhaqaano oo ku socono, ayaa waxa laabud ah inaan ku barbaarino Ubadka yar yar ee cusub Cilmigaas saxeexa ah. Barbaarintaas ayaa ah tan inoo midha dhalin toona Bulsho Muslim saafi ah, tan labaadna inoo ku dhismaysaa Dawlad Islaam ahi. Labadaa Hordhac la’aantood: 1-
Cilmi saxeexa ah iyo 2- Barbaarin saxeexa ah oo ku salaysan Cilmigaa saxeexa ah, waa mustaxeel sida aan anigu ictiqaadsanahay in la helo jiritaan Islaam ama Xukum Islaam ama Dawlad Islaam ah. Waxaan tusaale u soo qaadanayaa ahmiyada ay leedahay Barbaarintan saxeexa ah ee ku salaysan Cilmiga saxeexa ah: waxa jira xagayaga Shaam Jamaacad Muslimiin ah oo doonaysa inay ku dhaqmaan Islaamka, kuna kacaan oo ku barbaaraan kuna barbaariyaan Ubadka soo koraaya, hase yeeshee aanu dareensanahay si aad iyo aad ah in kuwa badan oo ah kuwa hugaaminaya ay u baahan yihiin inay Islaamka diraasad balaadhan ku sameeyaan oo ku salaysan Manhajkaa sugan ee saxeexa ah, ee aan hore u soo cadaynay. Waxaad arkaysaa in dhalin yaro badan oo ah Muslimka soo koraaya ay isugu yeedhaan shir habeenka Jimcaha si ay u noolayaan habeenkaa, isugu yeedhitaankaasu waa mid daacadnimada iyo caabudaada Allaah casaa wajalaa loola jeedo, Arintaasu waa mid wanaagsan aad iyo aad, hase yeeshee iyaga oo aan dersin Sunnaha oo aan fahmin, oo aan helin jiilkii ku barbaarin lahaa markay yaryaraayeen, sidaas darteed waxay ku dheceen inay Sunnaha khilaafaan, markaan sidaas leenahay waxaan tilmaamaynaa hadalkiisa calayhi salaatu wasalaam ah: ((لاتخصوا ليلة الجمعه بقيام من بين الليالي، ولاتخصوا يوم الجمعة بصيام من بين الأيام [مسلم:1144])) ((ha kaga khaas yeelina Qiyaam Habeenka Jimcaha Habeenada kale, hana kaga khaas yeelinina Soom Maalinta Jimcaha Maalmaha kale)), hadaba sidee u noolaynaa Habeenkaa Jimcaha iyadoo Rasuulkii calayhi salaatu wasalaam inaga nahyiyey taas?! Jawaabtu waxay tahay waayo Cilmi baanaan u lahayn. Laakiin waxay ahayd in taas ka timaado oo ay inagu wajihiyaan Ehelka Cilmigu inaanay banaanayn noolaynta Habeenkaasu iyadoo laga daliilsanayo Xadiiskii Rasuulka sala Allaahu calayhi wasalam ee aan soo sheegnay hada. Waxaad heli qaar kale oo dhalinyaradaa wanwanaagsan ka mid ah oo xalaalaystay dhegaysiga Heesaha iyo Qalabka lagu garaaco, waayo waxay helayaan Idaacado maqalka ka batay, mana ay helin wax ku booriya Ubadkan yar yar ee Muslimka ah in Rasuulkii sala Allaahu calayhi wasalam uu ina ka nahyiyey Qalabka heesaha lagu garaaco oo uu inooga digay dhegaysadkooda oo ku hadiday kuwa ku cawaynaaya lahawga iyo ciyaaraha oo dhegaysanaya Qalabkaas in loo rogi doono Daayeero iyo Doofaaro. Kuma barbaarin ubadkan yar yar ee cusubi inay bartaan waxa banaan iyo waxaan banaanayn, waayo waxay helayaan hadalo fara badan, waxay helayaan tusaale ahaan Ibna Xasam oo Iimaam ahaa oo leh, Ri’saalad banaynaysa meelaha lahawga. Isla markiiba waxaad arki in la daabaco warqadaas oo ay ku dhex fido Dadka, oo is waafaqaan hawadoodu, waxaba laga yaabaa in qaar kuwa wax hanuuniya ahi iyo qaar sheegta inay wax hagaajiyaan ay yiraahdaan: mar haduu kaasu yahay Iimaam oo Ra’yigan oo kale leeyahay waa inaan raacnaa oo ku dayanaa oo iska dhegaysanaa Muusikada siiba iyada oo ay noqotay Balwad caam ah. Markay sidaas tahay meeyey Sunnihii?! Sunnihii wuxuu noqday waxaan jirin oo aan la garanayn! Hadii uu Rasuulkii calayhi salaatu wasalam ka dhigay Dawada laynagaga kor qaadayo Dulinimada ina saaran uu yahay ku noqoshada Diinta, markaa waxa inagu waajib ah inaan Diinta ka fahamno oo ka barano Ehelka Cilmiga oo aan uga barano si sax ah oo waafaqsan Kitaabka iyo Sunnaha, oo aan ku barbaarino Ubadka saalixa ah ee wanwanaagsan sidaas. Waana sidaas dariiqada lagu daawayn karo mushkiladan uu ka ashkatoonayo qof kasta oo Muslim ahi. Waxa I cajebisay kelmed runtii uu muuqata inay tahay ama koobtay dhamaan waxaan soo sheegay ama aan soo cadeeyey hada. Waxa yiri kelmedaa qaar ka mid ah kuwa wax hagaajiya Casirigan aan ku jiro, waxayna tahay Ra’yigayga sidii ay tahay Waxyi Samada ka soo degay, wuxuu yidhi: (أقيموا دولة الإسلام في قلوبكم تقم لكم على أرضكم) (ka ooga ama ka dhisa Qalbiyaalkiina Dawlada Islaamka waxay idinka dhismi Dhulkiina). Waxaa laabud ah inaan Nafaheen hagaajino si ku salaysan Islaamnimadeena iyo Diinteena, taasuna ku iman mayso sidaan soo sheegnay jaahilnimo ee waxay ku imanaysaa si Cilmi ah, ilaa ay inooga dhalato Dawlad Islaam ahi Dhulkeenan.Ugu dambayntii waxaan ku dardaarmayaa in cid kasta oo ka qayb geli karta xaqiijinta Arintan aadka u wayn, inay is kaalmaystaan iyaga iyo qayrkoodba oo ah kuwa aqoomaha gaarka ah lehi, inay cadeeyaan Islaamka ku yimid Kitaabka iyo Sunnaha, oo lagu barbaariyo Ubadka soo koraaya sidaas, taasuna waa waano, waanaduna waxay anfacdaa mu’miniinta.
Wasalaamo calaykum Waraxmatullaahi wabarakaatuhu
Halkaas ayay ku dhamaatay Muxaadaradii Shiikhu Allaah ha u naxariisto raxmad waasac ah Cilmiga balaadhan ee uga tegay Muslimiintana Allaah ha ugu daro Miisaanka xasanaatkiisa, inana ha inagu anfaco waxaan ka faa’iidaysanay oo hayna ka dhigo kuwa ku dhaqma Cilmigaa saxeexa ah oo dabaqa aamiin.
Qore: Maessa Asalafi InshaaAllaah
Xusuus
: - waxaa xusuus mudan inaan sheegno in Shiikh waqti dheer ka dib Muxaadaradan uu qiray in Manhajkan qaybtiisa hore oo ah Shaandhayn wax badan lagaga guulaystay oo la helay Culima badan oo Cilmiga shaandhaysaa, hase yeeshee qaybtiisa dambe oo ah Barbaarin aan lagu guulaysan lanaba bilaabin haba yaraatee, wuxuu odhan jiray Allaah ha u naxariistee ayaamihii ka horaysay geeridiisa sidan: (الساحة الإسلامية فيها الكثير من الذين يقومون بالتصفية ولله الحمد ولكنها تقتقد لمربين ولا فى الساحة من يقوم بهذه الوظيفة) (waxa ah Maanta Saaxada Islaamka kuwa badan oo shaqaynaaya shaandhaynta Cilmiga waa Allaah mahadiis, laakiin waxay la’dahay kuwa wax barbaariya mana jirto Saaxada cid shaqaadaa ku hawlani)Asalaamu calaykum waraxmatullaahi wabarakaatuhu
bravenet.com