untitled
viviti

قال الامام مالك رحمه الله لايصلح أخر هذه الامة الأبما صلح به أولها

بسم الله الرحمن الرحيم

ADacawa Asalafiyah – الدعوة السلفية

الحمد لله رب العالمين والعاقبة للمتقين ولاعدوان إلي علي الظالمين وأشهد أن لاإله إلاالله وحده لاشريك له وأشهد أن محمدأ عبده ورسوله

أما بعد : -

Allaah ayaa mahad iyo amaanba mudan oo iska leh, Rabiga koonka oo dhan, cidhibta wanaagsan waxa leh kuwa ka cabsada Allaah, colaad iyo Dagaal toona ma laha kuwa dulmiga idinku sameeya maahee, waxaan qirayaa in aanu jirin Ilaah xaq lagu caabudaa Jirtaanka oo aan ahayn Allaah kelidiis ma lah wax shiriik ah, oo waxaan qirayaa in Maxamed yahay Adoonkii Allaah iyo Rasuulkiisii.

Intaas ka dib: -

Bogan waxaan aad isugu deyaynaa in aanu dadka Muslimiinta ah u soo bandhigno oo fahamsiino Manhajka xaqa ah ee ay tahay in aan dhamaanteen ku sugnaano waayo waa Manhajkii Rasuulkeena sala Allaahu calayhi wasalam iyo Rasuuladii uu Allaah casaa wajalaa soo diray oo dhan, waa Manhajkii Asxzaabtii Rasuulka calayhi salaatu wasalaam iyo kuwii ka dambeeyey ee wanaaga ku raacay siduu yidhi Allaah casaa wajalaa: {والسبقون الأولون من المهاجرين والأنصار والذين اتبعوهم باحسان رضى الله عنهم ورضوا عنه وأعد لهم جنات تجرى تحتها الأنهار خالدين فيهآ أبداً ذلك الفوز العظيم [التوية: 99]} {kuwii ku dheereeyey khayrka(oo ah rumaynta ama Iimaanka, iyo Hijrada,iyo Jihaadka, iyo oogista Diinta Allaah) ee horeeyey oo ahaa Muhaajiriin iyo Ansaar iyo kuwii ku raacay wanaaga (oo ah Ictiqaadyada iyo Hadalka iyo Camalka) Allaah baa ka raali noqday iyana way ka raali noqdeen, wuxuuna u diyaariyey Janooyin ay dhexdeed ordayaan Webiyaal, iyagoo ku waari doona, taasuna waa liibaan wayn }, waa Manhajka Asalafiyah, magacaanu inaguma cusba, hase yeeshee cidina uma fiirsato ama iskuma daydo inay fahmaan ujeedada laga leeyahay in yar oo Allaah u naxariistay mooyee. Sababah ay dadku ugu fiirsan la’yihiin way fara badan tahay oo kala ged gedisantahay, waxa ka mid ah in iyadoo sidaynu ognahay dhamaanteen ay fara bateen kooxaha iyo Xisbiyaasha ku abtirsanaya Islaamku ay iska hortaagaan dadka inay fahmaan Clmig saxeexa ah iyadoo Madhab ama Xisbi waliba kula taliyo kuwa raacsan inay dhegaha ka furaystaan wixii iyaga khilaafsan. Hadaba walaalhayga Musliniinta ahow shaki kuma jiro in Diinteena wax yaabo fara badan oo aan ka mid ahayn ay soo galeen intii ka dambaysay saddexdii Quruumood ee kahayrka looga marag kacay, sidaas darteed waxa inala gudboon in aan Diinta dib u barano oo ka barano Kitaabka Quraanka kariimka ah iyo Sunnaha saxeexa ah oo aan ka qaadano Culmada Ehelka u ah Sunnaha ee u daacadda ah Kitaabka iyo Sunnaha saxeexa ah, wuxuu yidhi Ibin siiriin raxmahu Allaah: ((إن هذا أمر دين فأنطروا عمن تأخدون دينكم)) ((Arintanu waa Diin ee eega cida aad ka qaadanaysaan Diintiina)) taas ayaynu ku noqon karaa Kooxada badbaaday ee ay tilmaamayso Aayadii aan hada soo sheegnay. Allaah casaa wajalaa inaga aqbal mayo camal aynaayn u samayn sidii laynagu amray ee ku sugan Quraanka iyo Sunnaha saxeexa ah oo aynaan kaga dayan Salafkeenii suubanaa siday u fahmeen Diinta guud ahaan, Allaah casaa wa jalaa inaga aqbali mayo inaan la nimaadno oo ku caabudno Bidca aan inagu abuuranay oo aan Allaah inagu amrin iyo Rasuulkiisu toona si kasta halaynoogu dhadhalaaliyo ee bal kan ku dhaqmaa wuxuu mutaysanayaa Khasaara aad u wayn, Cadaabta buuna ku geli hadaanu ka toobad keenin, xataa inuu Allaah u toobad keeno waxa ka saaran Xijaab ilaa uu ka tago oo iska daayo Camalkaa Bidcada ah siduu yidhi Rasuulku sala Allaahu calayhi wasalam: ((إن الله حجب توبة عن كل صاحب بدعة حتى يدعها)) ((Allaah wuxuu ka saaray Xijaab Toobada mid kasta oo ku dhaqma Bidcada ilaa uu iska daayo )). Walaalayaal Bidcadu waa cudur qofka ku dhaqma aanay suura gal ahayn inuu iska daayo, waayo wuxu isu arkaa inuu sax yahay, markaa ma dhacayso inuu ku fekero inuu iska daayo oo ka toobad keeno, Dad badani runtii ma oga Bidcadu khatarta ay leedahay, waayo waxay meel walba ka helayaan cid u banaynaysa oo u dhaldhalaanaysa ama ka dhaadhicinaysa inay iyagu sax yihiin, haday arkaan in ay arintu fashilantahay oo loola yimaado Daliilo cadna waxay ku marmarsoon inay tahay Bidca wanaagsan oo ay Bidcada wanaagsan banaantahay,Rasuulkiina sala Allaahu calayhi wasalam wuxu yidhi: ((كل بدعة ضلاله،وكل ضلالة في النار)) ((Bidca waliba waa baadi, baadi walibana Naarta ayey geli )) Masiibadu runtii waa taa, waxa dhacda markaa inayba la coloobaan kuwa uga digaya Bidcada ee ku waaniye inay Diintooda ka fahmaan Kitaabka iyo Sunnaha saxeexa ah, waayo taas ayaa damaan u ah qofku inuu ka mid noqdo Kooxda badbaaday.

Wuxuu yidhi Iimaam Maalik Allaah ha u naxariistee: ((من إبتدع في الإسلام بدعة يراها حسنة، فقد زعم أن محمداً صلى الله عليه وسلم خان الرسالة، لأن الله تعالى- يقول {ْاليوم أكملت لكم دينكم وأتممت عليكم نعمتى ورضيت لكم الإسلام ذيناًْ} فما لم يكن يومئد ديناً، فلا يكون اليوم ديناً )) ((midkii Bidca ku sameeya Islaamka, Bidca uu u arko inay wanaagsantahay wuxuu ku andacooday in Maxamed sala Allaahu calayhi wasalam uu khiyaameeyey Risaaladii Allaah casaa wajalaa ugu soo dhiibay dadka, wuxuuna soo daliishaday Aayada kor ku xusan dabadeedna wuxuu yidhi: wixii aan maalintaa Diin ahayni maantana ma noqonaayo Diin )) .

Iimaam Shaaficina Allaah ha u naxariistee wuxuu yidhi: ((من إستحسن فقد شرع، ولوجاز إلاستحسان في الذين لجاز ذلك لأهل العقول من غير أهل الإيمان، ولجاز أن يشرع في الذين في كل باب، وأن يخرج كل إنسان لنفسه شرعاً جديداً)) ((kii wanaajista (Bidcada) wuxu sameeyey Tashriic, hadii ay banaan lahayd in la wanaajisto (Bidcada) Diinta waxay u banaanaan lahayd Ehelka Caqliga oo aan ahayn Ehelka Iimaanka, waxana banaanaan lahayd in Tashriic loo samaysto Baab kasta oo Diinta ah iyo in qof kastaaba sharci cusub u samaysto Naftiisa )).

Iimaam Maxamed Nasiru-deen Alalbani Allaah ha u naxariistee wuxuu yidhi: ((نحن ننطرأن موضوع البدعة مربوط بالتشريع الذي لم يأذن به الله عز وجل كما قال تعالى:{أم لهم شركاء شرعوا لهم من الذين ما لم يأذن به الله } ولأنه تشريع والله عز وجل لايرضى من إنسان أن يشرع للخلق مايشاء)) (( Anagu waxan u aragnaa in Mawduuca Bidcadu uu ku xidhan yahay Tashriicda taas oo aan Allaah casaa wajalaa cidna u idmin siduu yidhi tacaalaa:{mise waxay leeyihiin kuwa Allaah la shuraako ah oo uga jideynaaya Diinta waxaan Allaah amrin} waayo waa Tashriic Allaahna casaa wajalaa kagama raali ah qofna inuu Sharci u sameeyo Khalqiga siduu doono)). Sidaas darteed ayaa walaalayaal waxa inala gudboon inaan Diinta barano oo kala ogaano waxa saxa ah oo Diinta ka mid ah iyo wixii khalad ah ee aan Diinta ka mid ahayn, wixii banaan iyo wixii aan banaanayn, wixii Iimaankaaga kordhinaya iyo wixii Islaamnimadaada burinaaya. Allaah wuxuu inagu amray inaan aqoon u yeelano waxaan ku caabudayno wuxuu yidhi tacaalaa: {فاعلم أنه لآ إله إلا الله} {waxaad ogaataa (Nebiyow) in aan Ilaah kale oo xaq lagu caabudaa jirin jiritaanka oo aan ahayn Allaah kelidiis oo aanad u yeelin wax shiriik ah, }, Cilmigaa Allaah amray waa Cilmiga Towxiidka Allaah waana Farad alcayn (فرض العين) buu ku yahay Qof kasta, mana sii dhex gelayno hada InshaaAllaah Maqaalo badan baad ka heli doontaan webkan oo ku saabsan arimaha Towxiidka. Dad badani waxay ku odhanayaan arintan weligeedba waa arin lagu soo dhaqmaayey Ab ka Ab bay soo jirtay ee ma Diintii baa la bedelay, waxaanu leenahay maya ee Diintii lama bedelin, khaladkanuna qarinyaal badan buu soo jiray oo sii kordhaayey iyada oo ay soo gelinaayeen arimahan Bidcada ah Dad cadow u ah Diinta iyo Muslilmiin khaldantahay, sababtu siday doonto ha ahaatee, qaar jaahilnimo u geeysay isna lahaa waxbaad hagaajinaysaan iyo qaar ay keeneen Culimo Ijtihaadaysay oo khaldantay, inkastoo Culimadu ay mar walba Ajar leeyihiin, haduu khaldamo iyo haduu sax noqdoba, inagase waxaa inagu waajiba ah inaan raacno wixii sax ah oo keli ah, owgowna Qarniyaalkaas oo dhan kamay madhnayn Culima xaqa sheegta oo Dadka ugu yeedha oo uga degta Bidcada laakiin wax ku waano qaata baa yara. Dad kalena waxay ku odhanayaan Muslimiin oo dhan baa sidaa ku dhaqanta kuna soo dhaqmi jirtay waxaas oo dad ahi miyey wada khaldanaayeen wax dhici kara maaha sidaas ayaa dadku u badan yihiin, waxaan leenahay badida Dadku maaha Xujo bal waxay Nusuusta Quraanka iyo Sunnaha saxeexa ah ba ka helaynaa inay mar walba Dadka toosan ee Mu’miniinta ahi ay yar yihiin siduu yidhi tacaalaa: {إلا الذين ءامنوا وعملوا الصالحات وقليل ماهم} {kuwii Allaah iyo Diintiisa xaq ah rumeeyey maahee, iyaguna waa yaryihiin} wuxuu yidhi Alfadiil bin Cayaad Allaah ha u naxariistee: {عليك بطرق الهدى ولايضرك قلة السالكين وإياك وطرق الضلال ولاتغتر بكثرة الهالكين} {ku sugnaw Dariiqyada hanuunka waxna ku yeelimayso yaraanta ku maraya waxna kaga digi Dariiqyada lumista yaanayna ku hodin badnaanta kuwa halaagsani }, sidaas ayaanay walaalayaal badnidu xujo u ahayn, waxba ku dheeraan maayo arimahan hada waxaad sharax faahfaahsan ka helaysaan qaybta Maqaalada InshaaAllaah, iyadoo aanu ahmiyada kowaad siinay Maqaalada waxaanu idiinku soo diyaarin doonaa Maqaalo ay qoreen Culimada Ehelka u ah Sunnaha ee aadka loo qaderiyo kuwo hore iyo kuwo dambeba, hada hadalkayga waxaan ku soo gownayaa oo aan kula dardaarmayaa Idinka iyo Naftaydaba qabsashada Manhajkaa xaqa ah ee Asalafiyah waayo isaga ayaa damaan u ah inaan ka mid noqano Kooxda badbaaday, Sunnuhuna waa: ((السنة سفينة نوح من ركبها نجا ومن تخلف عنها هلك)) ((Sunnuhuna waa doontii Nuux cidii u baxdaa way badbaadi, cidii ka hadhaana way halaagmi )), maxaa keenay inay dadka Sunnaha saxeexa ah ku socdaa ay la baxaan Salafiyiin? Iyo ma waafaqsan tahay Shareecada? Iwm. Waxaad ka helaysaan Maqaalada links kooda hoos baan ku qoridoonaa InshaaAllaah, hadase waxaan soo qaadanaynaa u jeedooyinka laga leeyahay Adcwa Asalafiyah waana sidan:

Ujeedooyinka laga leeyahay Adcwa Asalafiyah

Ku noqosho: in lagu noqdo Quraanka kariimka ah iyo Sunnaha Nebiga calayhi salaatu wasalaam ee saxeexa ah iyo in loo fahmo Dariiqadii ay ku sugnaayeen Salafkii suubanaa Redwaanu Allaahi calayhim iyadoo aan ku camal falayno hadalka Rabigeena casaa wajalaa: {ومن يشاقق الرسول من بعد ما تبين له الهدى ويتبع غير سبيل المؤمنين نوله ما تولى ونصله جهنم وسآءت مصيراً} {Ruuxii khilaafa Rasuulka oo cinaada wuxuu la yimi markii hanuunku u cadaaday, oo raaca Dariiq aan ahayn kii Mu’miniinta xaga Caqaa’idka iyo Acmaalka, waxaanu u dayn wuxuu doortay, waxaanuna gelin Jahanama oo waxaanu cadaabi cadaab wayn, Jahanamaana u xun aayoh}, wuxuu kaloo yidhi casaa wajalaa: {فإن آمنوا بمثل ماآمنتم به فقد اهتدوا} {haday u rumayaan Ehelka Kitaabku hadaad tihiin Mu’miniinta sidaad u rumayseen Kutubtii Allaah casaa wajalaa soo dejiyey oo dhan iyo Rasuuladii Allaah soo diray oo dhan oo ay isu dhiibaan Allaah kelidii oo aanay kala soocin Rasuuladiisa, waxay ku hanuuneen Jidka toosan ee gaadhsiinaya Janooyinka nimcada badan leh }.

Shaandhayn: in laga shaandhayo wixii soo raacay Muslimiint noloshooda ee ah Shirkiyo si kasta ha u kala dowanaadeen eh, iyo in looga digo Bidcada xun ee munkarka ah, iyo fekredaha soo dhex galay Diinta ee baadilka ah, iyo in laga shaandhayo Sunnaha riwaayadaha Daciifka ah iyo kuwa Mowduuca ah ee xumaysay wanaagii Islaamka, keentayna inaanay Muslimiintu hore ugu marin si ay u gutaan amaanada Cilmiga ah ee saaran, siduu Allaah casaa wajalaa yidhi: {وتعاونوا على البر والتقوى ولاتعاونوا على الإثم والعدوان} {isku kaalmaysta hadaad tihiin Mu’miniinta samaha (oo ah dhamaan wixii Allaah jeclyahay oo uu idinkaga raali noqonaayo ) iyo cabsida (oo ah ka tegitaanka dhamaan wuxuu Allaah iyo Rasuulkiisu necebyihiin oo ah Camalada muuqda iyo kuwa baadinka ahba), hana isku kaalmaysanina Dembiga (oo ah dhamaan wuxuu Adoonku ku caasiyo Allaah) iyo colaada (oo ah dhamaan wixii gardaro ah oo lagula kaco khalqiga Allaah (Dhiigooda, Xoolahooda iyo Acraadooda) }.

Barbaarin: in lagu barbaariyo Muslimiinta Diintooda xaqa ah oo loogu yeedho inay ku camal falaan Axkaamteeda, oo ku dhaqmaan aadaabteeda, taas oo kafaala qaadi in Allaah ka raali noqdo, una xaqiijinaysa sharaf iyo sacaado, siduu Quraanku ugu sifeeyey Kooxda laga reebay kuwa khasaartoobay markuu Allaah casaa wajalaa yidhi: {وتواصوا بالحق وتواصوا بالصبر} {ee isugu dardaarmay Xaqa (oo ah Iimaanka iyo Camalka wanaagsan) oo isugu dardaarmay Samirka (oo ah inay ku samraan adeecida Allaah, iyo inay ku samraan inaanay Allaah caasiyin iyo inay ku samraan Qadarta Allaah ee xanuunka badan) }, iyo amarkiisa ah subxaanahu: {ولكن كونوا ربانيين بما كنتم تعلمون الكتاب وبما كنتم تدرسون} {hase yeeshee noqda Culimo xikmad leh oo degan oo ah Macalimiin Dadka wax baraya oo barbaarinaya, Kitaabka aad baraysaan dartiis iyo dhigista aad dhigaysaan Kitaabka Allaah iyo Sunnaha Nebiga}.

Noolayn: in la noolayo Manhajka Cilmiga Islaamiga saxeexa ah ee ku salaysan Kitaabka Allaah iyo Sunnaha saxeexa ah iyo Dariiqadii Salafkii Ummadda, iyo in laga saaro meesha ku dheganaanshaha Madhabka iyo tacasubka Xisbinimo ee qabsaday Caqliyaalka Muslimiin fara badan oo ka fogeeyey wanaagii walaaltinimada Islaamka ee saafiga ahayd, anagoo fulinayna amarka Allaah jallaa wacalaa: {واعتصموا بحبل الله جميعا ولاتفرقوا} {oo qabsada Xadhiga Allaah Dhamaantiin (oo ah Diinta Islaamka waayo inay isugu yimaadaan Muslimiintu Diintooda, Qalbiyaalkooduna isku mid noqdaan, waxaa ugu hagaagi arimohooda Diinta iyo Dunidaba)hana kala tegina (waayo kala tegistu iyo is cadaawadaysigu waxay keeni in Nidaamka Muslimiintu burburo oo xidhiidhkoodu kala furfurmo oo mid waliba goonidiisa u daba ordo waxay Naftiisu jeceshahay, xataa haday keenayso dhib guud) }, iyo Xadiiskiisa sala Allaahu calayhi wasalam ah: ((وكونوا عباد الله إخواناً )) ((oo noqda Adoomo Allaah dartiis walaala ah)).

Inaan lagu kicin Dadka Madaxdooda: inaan lagu kicin Dadka oo lagu dirin Madaxdooda haba ahaadeen kuwa wax dhiba ee, oo aan loo adeegsan taa Minbarada iwm, waayo taas waxay ka soo horjeeda hanuunkii Salafkii suubanaa iyo inagoo ku dhaqmayna oo dabaqayna Xadiiska Mustafaa sala Allaahu calayhi wasalam ee uu yidhi: ((من أراد أن ينصح لذى سلطان فلا يبديه علانية وليأخذ بيده، فإن سمع منه فذاك، وإلا كان أدى الذى عليه)) ((kii doona inuu waaniyo mid Madax ah waa inaanu u muujin Dadka kale ee uu Gacanta qabsadaa oo hoos ugu sheegaa, hadii uu ka maqlo waanada waa taas, hadii kalena isagu wuxuu gutay wixii saaraa)).

Inaan u socano sidii loo soo celin lahaa Noloshii Islaamiga ahayd: inaan u socano sidii loo soo celin lahaa Noloshii Islaamiga ahayd ee ku hanuunsanayd Manhajka Nabawiga ah, iyo inaan dhisno Bulsho Culimo ah iyo inaan ku dabaqno Xukumka Allaah Dhulka korkiisii, inagoo ka bilaabayna Manhajka Shaandhayn iyo Barbaarin (waxaad ka helaysaan tafaasiisha Manhajka Shaandhayn iyo Barbaarin webkan qaybta Maqaalada) ee ku dhisan hadalkiisa tacaalaa: {ويعلمهم الكتاب والحكمة ويزكيهم} {oo baraya Kitaabka Quraanka ah lafdi ahaan iyo macana ahaan iyo qaybisba oo ku rabaynaya Camalada wanaagsan kana reebaaya kuwa xun si ay Naftoodu u noqato mid daahir ah } iyo anagoo indhaha ku hayna hadalka Allaah tacaalaa ee ah: {وإما نرينك بعض الذى نعدهم أونتوافينك فإلينا مرجعهم} {haka tiiraanyoonin Rasuulow kuwaa ku beeniyey, hana degdegin waxa laabud ah inuu haleelo Cadaabtii aan ugu balan qaadnay ama Dunida adoo arkaaya ama Aakhiro geeridaada dabadeed, xaga Allaah uun baa loo soo celin }, iyo anagoo xaqiijinayna Qaaciidada Sharciga ah oo ah:((من تعجل الشيىء قبل أوانه عوقب بحرمانه)) ((kan deg degsada shay intaan waqtigiisu iman ka hor waxa lagu ciqaabaa ka qatanaashihiisa)).

Taas weeye Dacwadayadu waxaanuna ugu yeedhaynaa Muslimiinta dhamaan inay isku kaaya garab taagaan qaadista Amaanadatan kor u qaadi doonta oo ku fidin doonta Calamka Islaamka Dhulka oo dhan, walaalnimo dhab ah iyo kalgacal saafi ah, anagoo hubna hiilka Allaah inuu makansiinayo Adoomihiisa wanaagsan siduu yidhi tacaalaa: {ولله العزة ولرسوله وللمؤمنين} {awood iyo sharaf waxaa iska leh Allaah, Rasuulkiisa iyo Mu’miniintuna waxay leeyihiin awood iyo sharaf}, wuxuu kaloo yidhi tacaalaa: {هوالذي أرسل رسوله بالهدى ودين الحق ليظهره على الدين كله ولوكره المشركون} {Allaah waa kan ku soo diray Rasuulkiisa Cilmiga nafciga leh iyo Camalka wanaagsan iyo Diinta xaqa ah ee lagu caabudo Allaah iyadoo aan waxba ka dhinayn, wax is dhaafsana aan lahayn, si uu uga saraysiiyo Diinaha oo dhan xaga xujada iyo burhaantaba, kuwa ku dhaqmana uga saraysiiyo kuwa kale }.

Allaahayow noo tus Xaqu inuu Xaq yahay nana jeclaysii naguna irsiq raacitaankiisa, Baadilkana noo tus inuu Baadil yahay nana karahsii naguna irsiq ka fogaanshihiisa.

Asalaamu calaykum waraxamatullaahi wabarakaatuhu.

 

Qore: Maessa Asalafi InshaaAllaah


©Xuquuqda oo dhan waxay u xafidantahay Bogan: http//:doorasho.bravehost.com walaalkayga Muslimka ahow dhamaan waxa laga helo Bogan waxaad u isticmaali kartaa si shakhsi ahaaneed iyo fidinta Dacwada

جميع الحقوق محفوطة لموقع الإختيار أخي المسلم بإمكانك الإستفادة من محتويات الموقع في الإستخدام الشخصى ونشر الدعوة

Web Master: maessa2@gmail.com

 


Web Hosting · Blog · Guestbooks · Message Forums · Mailing Lists
Easiest Website Builder ever! · Build your own toolbar · Free Talking Character · Email Marketing
powered by a free webtools company bravenet.com