untitled
viviti

بسم الله الرحمن الرحيم

Adcwah Asalafiyah asalkeeda iyo ulajeedadeeda iyo sababta loogu kacayo

الدعوة السلفية- اصولها ومقاصدها وسبب النهوض بها

Aliimaam Alcalaamah Almujadid Shiikh Alislaam Maxamed Nasiru-diin Alalbani

الإمام العلامة المجدد شيخ الإسلام محمد ناصر الدين الألباني

 

 

إنََّ الحمد لله ، نحمده ونستعينه ونستغفره ،ونعوذبالله من شرور أنفسنا، ومن سيئات أعمالنا ، من يهده الله فلامضل له ومن يضلل فلا هادي له، وأشهد أن لا إله إلا الله وحده لاشريك له، أشهد أن محمداً عبده ورسوله. {يا أيها الذين آمنوا اتقوا الله حقَّ تقاته ولاتموتن إلا وأنتم مسلمون}[آل عمران :102] . {يا أيها الناس اتقوا ربكم الذي خلقكم من نفسٍ واحدة وخلق منها زوجها وبث منهما رجالاً كثيراً ونساءً وتقوا الله الذي تسألون به والأرحام إن الله كان عليكم رقيباً}[النساء:1] {يا أيها الذين آمنوا اتقوا الله وقولوا قولاً سديدا. يصلح لكم أعمالكم ويغفر لكم ذنوبكم ومن يطع الله ورسوله فقد فاز فوزاً عظيما}[الأحزاب: 70و71]

أما بعد: فإن خير الكلام كلام الله ، وخير الهدي هديُ محمد صلى الله عليه وسلم، وشر الأمور محدثاتها، وكل محدثةٍ بدعة, وكل بدعة ضلالة ، وكل ضلالةٍ في النار .

وبعد:

 

Allaah ayaa mahad iyo amaan mudan oo iska leh, waan u mahad celinaynaa waan kaashanaynaa dembidhaaf ayaan waydiisanaynaa, waxaan Allaah ka magan gelaynaa shararka nafahayaga, iyo acmaashayada kuwooda xun, kii Allaah hadeeyo cid lumin kartaa ma jirto, kii Allaah luminayona cid hadayn kartaa ma jirto, waxaan qirayaa inaanu jirin Ilaah xaq lagu caabudaa Jiritaanka oo aan Allaah ahayn kelidii oo aan lahayn wax shiriik ah oo lagu lamaaneeyo, waxaan qirayaa in uu Maxamed yahay adoonkii Allaah iyo Rasuulkiisii.

{Kuwii Allaah iyo diintiisa xaqqa ah rumeeyeyow, Allaah ka cabsada cabsi dhab ah hana dhimanina idinkoo aan muslimiin ahayn.} [Aali cimraan: 102] {Dad yohow rabigiina ka cabsada, idinka abuuray naf keliya (Aadam calayhi salaam) ee ka sii abuuray xaaskeedii (Xawaa calayhaa salaam) ee ka sii abuuray rag badan iyo dumar oo ku kala fidiyey dunida guudkeeda, ka cabsada Allaaha aad wax isku waydiisataan iyo inaad riximka gowsaan, Allaah kor buu idinka ilaalinayaa oo waa ogyahay acmaashiina} [Nisaa: 1].

{Kuwii Allaah iyo diintiisa xaqqa ah rumeeyeyow Allaah ka cabsada oo ku hadla hadal toosan wuxuu idiin hagaajin acmaashiina wuuna idiin dembi dhaafi kii Allaah iyo Rasuulkiisa adeeca ayaa liibaanay liibaan wayn (janada nimcooyinka badan gelaaya)} [Alaxzaab: 71&72].

Intaa ka dib: hadal waxaa u khayr badan hadalka Allaah, jid lagu hanuunona wax u khayr badan kii Maxamed sala Allaahu calayhi wasalam, arimaha waxaa u shar badan kuwa la abuuro, arin kasta oo la abuuraana waa bidca, bidca kastaana Naar ayay geli.

Intaas ka dib:

Asalada Adcwah Asalafiyah waxay ku dhisantahay sida dhamaan la ogyahay saddex Tiir:

Tiirka kowaad: waa Quraanka kariimka ah.

Tiirka labaadna: waa sunnaha saxeexa ah, waxay ku socadaan salafiyiintu wadamada aduunka oo dhan sunnaha saxeexa ah, waayo sunnuhu sida ay isku raacsan yihiin kuwa Ehelka u ah Cilmigu, waxa galay waxayaabo aan ka mid ahayn mudo ka badan toban qarni, arintan layskuma khilaafsana. Sidaa darteed ayaa salafiyiintu waxay u arkaan inaan asalkan labaad ee sunnaha aanay ahayn in sidiisa waaqica ah loo qaato waayo waxaa ku jira xadiiskii daciifka ahaa, iyo kii mawduuca ahaa oo aanay banaanayn in la qaato xataa aan loo qaadan karin acmaasha wanaagsan. Kaas weeye asalka labaad waana laysku waafaqsan yahay badanaa muslimiinta gudahooda mid hore iyo mid dambeba.

Tiirka saddexaadse: waana Kan ay kaga duwantahay Adcwah Asalafiyah dhamaan dcwadaha kale ee maanta ka jira dhulka korkiisa, ha ahaadeen kuwa islaamnimadooda la aqbali karo, ama kuwa aanay islaamnimadood waxba jirin magac maahee. Adcwah Asalafiyah waxay kaga duwantahay tiirkan saddexaad oo ah in Quraanka iyo Sunnaha ay waajibtahay in laga fahamo Manhajka Salafkii suubanaa oo ah Asxaabtii iyo Taabiciintii iyo Atbaacdoodii waa saddexdii Qarni ee looga maragkacay khayrka, sidaan ka helayno Nusuus badan oo Xadiisya la wada yaqaano ah. Taas ayaa waxaa noogu sugan Daliilo kaafi ah oo naga yeelaysa in aan goosano in cid kasta oo rabta inuu Islaamka ka fahmo Kitaabka iyo Sunnaha Tiirka saddexaad la’aantiis uu la imanayo Islaam cusub. Daliil wayn oo taas cadaynaaya ayaa ah Kooxahan ama Firqadahan Islaamka ee maalin walba sii kordhaya, sababtuna waxa weeye iyaga oo aan laasimin Manhajkaas ah Kitaabka iyo Sunnaha Rasuulka calayhi salaam iyo fahamkii Salalafkii suubanaa, sidaas darteedeed baan waxan helaynaa Koox markale soo baxday oo inagaga soo baxday Masar, markaas ayey ku fidiyeen afkaartoodii iyo suntoodii in badan oo caalamka Islaamka ah, waxay ku doodayaan inay ku socdaan Kitaabka iyo Sunnaha, hase yeeshee dcwadoodu u ektahay dcwadii Khawaarijka aad iyo aad, waayo iyaguba waxay odhan jireen waxaan ku soconaa Kitaabka iyo Sunnaha hase yeeshee waxay u fasiran jireen Kitaabka iyo Sunnaha siday hawadoodu doonto, ma eegi jirin haba yaraatee fahamkii Salafkii suubanaa gaar ahaan Asxaabtii. Waxaan la kulmay kuwa badan oo kuwaas ka mid ah, waxaan la dooday mid madax ah oo madaxdooda ka mid ah wuxuu ii sheegay in aanu qaadanayn tafsiir hal Aayad, hadii xataa loo keeno tobanaan Asxaabtii ahi inay sidaas ku fasireen aanu qaadanayn tafsiirkaa mar hadaanay isaga sidaas la ahayn. Ninka hadalkaas lihi ma Kari karo inuu aqriyo Aayad isagoo aan laxan, qalad iyo khada ka feyoobayn, taasuna waa sababta ka leexisay jidka toosan Khawaarijtii hore, kuwaas oo ahaa Carab saafi ah, markaa maxaan odhanaynaa Khawaarijta maanta la soo cusboonaysiiyey kuwaas oo hadaanay ahayn Acaajim (Cajam) runtii, ah Carab cajamooday ee aan ahay Cajam carabowday. Waaqicoodu waa sidaas, kuwaas sheegaaya inaanay aqbalayn tafsiirka Naska haba yaraatee hadii aan loo helin ijmaac Salafkii oo dhan ah, sidaas ayuu yidhi midkood isagoo isku qarinaaya oo wax ku luminaya, waxan ku idhi: ma waxad ictiqaadsan tahay inay suurta gal tahay in loo helo ijmaac Salafkii oo dhan ah hal Nas oo Quraan ah? Wuxuu yidhi: maya taas waa mustaxeel! Waxaan ku idhi: Hadaba ma waxad qabsanaysaa mustaxeelka mise waad isku asturaysaa, markaas ayuu naxay oo aamusay. Wuxuu yahay markhaantiga aan halkan ka rabnaa in sababta lumisay kooxaha dhamaantood kuwa hore iyo kuwa cusuba ay tahay qabsad la’aanta tiirkan saddexaad in aan ka fahamno Kitaabka iyo Sunnaha Manhajka Salafkii suubanaa. Almuctasila, Almurji’ah, Alqadariyah, Alashacariyah iyo Almaaturiidiyah Kooxahan dhamaan leexashada ay ka leexdeen jidkii toosnaa waxa u sabab ah in aanay qabsan sidii ay ahaayeen Salafkii suubanaa. Sidaas darteed ayaa waxay yidhaahdeen Culimadda muxaqiqiinta ahi: khayr oo dhan wuxuu ku jiraa raacitaanka kuwii horeeyey ee tegay, shar oo dhanina wuxuu ku jiraa waxay abuureen kuwii dambe. Hadalkanu maaha gabay ee waa hadal laga soo qaatay Kitaabka iyo Sunnaha sidaa hadalka Allaah casaa wa jalaa: {ومن يشـاقق الرسول من بعد ما تبين له الهدى ويتبع غير سبيل المؤمنين نوله ما تولى ونصله جهنم وسـاءت مصيراً}[النسـاء: 114] {Ruuxii khilaafa Rasuulka ka dib markuu u cadaaday Hanuunku oo raaca Jid aan ahayn kan mu’miniinta waxaanu uga weli dhigaynaa wuxuu ka dhigtay, waxaanuna gelinaynaa Jahanama iyadaana u xun aayo.}[Nisaa: 114]. Maxaa Allaah subxaanahu wa tacaalaa u yidhi: {ويتبع غير سبيل المؤمنين} isagoo Allaah casaa wa jala kari karaaya inuu yidhaahdo: {ومن يشاقق الرسول من بعد ما تبين له الهدى نوله ما تولى ويصله جهنم وساءت مصيراً.} waa si aan midna madaxiisa u fuulin oo u odhan sidaas baan u fahmay Quraanka oo sidaa baan u fahmay Sunnaha, ee waxa la yidhi waxa waajib ah inaad u fahmtid Quraanka iyo Sunnaha say u fahmeen Mu’miniintii hore ee saabiqiinta ahaa, Naskan Quraanka ah waxaa ayiday Nusuus badan oo Xadiisyada Rasuulka ah calayhi salaatu wasalam sida Xadiiska Kooxaha oo aan ka soo qaadanayno markhaanti uun wuxuu yidhi: (قال كلها في النار إلاواحدة، قالوا من هي يارسول الله؟ قال: الجماعة وفي رواية أخرى قال: ما أناعليه وأصحابى ) (wuxuu yidhi dhamaan Naarta ayey gelayaan mid maahee, waxay yidhaahdeen waa tuma Rasuulkii Allaahow ? wuxuu yidhi: waa Jamaacada, Riwaayad kalena wuxuu yidhi: waa kuwa ah sidaan anigu ahay iyo Asxaabtaydu. ). Markuu ku sifeeyey Kooxda badbaaday in ay noqon siday ahayd Jamaacaddu waana Jamaacaddii Rasuulka sala Allaahu calayhi wasalam si dariiqa looga xidho kuwa awilaaya iyo kuwa ku ciyaaraya Nusuusta, waxa taas tusaale u ah: {وجوه يومئذ ناضرة إلى ربها ناظرة} {wejiyaal maalintaa ifaya oo Rabigood eegaaya.} waa Nas cad oo Quraan ah oo sheegaaya in Allaah casaa wa jala ku manaysanayo adoomihiisa Mu’miniinta ah inay arki doonaan Wejigiisa kariimka ah, sida uu yidhi fiqhiigan gabayaaga ahi: way arki doonaan Mu’miniinta iyadoo aan lahayn sidee , waxana lagu shabihin, tusaalena loo yeelin. Waxay yidhaahdeen Kooxda Almuctasilah may aha suurta gal inuu adoonku arko rabigiisa Aduunka iyo Aakhiro toona. Hase yeeshee markaa say noqon Aayat tanu? Waxay yidhaahdeen Aayat da macanaheedu waa: {وجوه يومئذ ناضرة إلي نعيم ربها ناظرة} {Wejiyaal Maalintaa ifaya oo nimcooyinka Rabigood eegaaya} waxa lagu yidhi taas waa Tawiil {إلى نعيم ربها} Rabanaa wuxuu yidhi:{إلى ربها ناظرة} markaa xagaad taas ka keenteen? Waxay yidhaahdeen waa majaas {مجاز}, sidaas darteed ayaa Shiikh Alislaam Ibin Taymiyah u diiday majaaska Quraanka waayo waa Faas Faasaska ugu wayn oo ugu xooga badan lagu dumiyo Caqiidada Islaamka. Kan waa Nas uu Allaah casaa wa jala ku cadeenaayo nicmo uu adoomihiisa siiyey in ay arki doonaan maalinta Qiyaamaha, iyadoo sidaas ah ayey kuwaasu yidhaahdeen ma dhici karto! Sidoo kale qowlka Allaah subxaanahu WA tacaalaa ee ah: {ليـس كمثله شىء وهوالسميع البصير} {wax la mid ah ma jiro waxna wuu maqlaa waxna wuu arkaa} wax yidhaahdeen maya waxna ma maqlo waxna ma arko! Wax la yidhi waayo?! Waxay yidhaahdeen waayo hadaan nidhaahno waxna wuu maqlaa waxna wuu arkaa, waxan ku shabahnay Nafteen. Waxa la yidhi waa Maxay macnaha {سميع بصير} {arag, maqal}? Waxay yidhaahdeen {عليم}{ogaal} labaad kelmedood ee carabiga ah {سميع بصير} waxay ula dhigantahay iyaga {عليم} hase yeeshee mushkiladii Intaa miyey ku dhamaatay? Hebel waa caliim {عليم} Luqada Carabiga marka la yiraahdo waxba kuma jiraan, oo waa la odhan karaa waxna looga jeedaa in la sii buunbuuniyo sifayntiisa qofkaa, waxan waydiin ma la odhan karaa hebel waa caliim? Jawaabtoodu waa haa, Hadaba waa inaynaan odhan Allaah waa caliim waayo waxa ku jira shabahaad Allaah lagu shabahay adoonkiisa (Maxay ku jawaabi). Sidaas ayey u wada horjoogsadeen sifaatkii Allaah casaa wajalaa, waxayna arintoodu gaadhay inay dafiraan jiritaan Allaah haday qirtaan iyo hadaanay qiranba taas waa mid ku laasim ah! Allaah ha u naxariisto Ibin Alqayim markuu yidhi Almujasim Kan Allaah wax ku shabaha wuxuu caabudaa Sanam, Almucadilna Kan is hortaaga sifaatka Allaah wuxuu caabudaa waxba. Sidaas darteed ayay kuwa mu’awiliinta ahi ee aan laasimin Manhajka Salafkii suubanaa xaga Aayaatka sifaatka waxay yidhaahdeen Allaah kor ma jiro, ma ka helaysaan Quraanka Allaah kor ma jiro? Waxan ka helayn Quraanku in uu ku sifaynayo adoomihiisa {يخافون ربهم من فوقهم}{waxay ka cabsadaan Rabigooda ka koreeya} iyo {الرحمن على العرش استوى} {Allaah raxamada leh guud ee Carshiga kor maray (si ku haboon waynidiisa)} iyo {تعرج الملائكة} {ay u koraan Malaa’igta iyo Jibriil xagiisa} iyo {إليه يصعد الكلم الطيب والعمل الصالح يرفعه} {xagiisa ayey u koraan kelmedaha wanaagsani camalka suubanina kor buu u qaadaa} IWM. Waxay yiraahdeen Allaah kor ma jiro, hadaa xaguu ma hoos? Maya hoose ma jiro. Hadaa midig? Maya midig ma jiro, Bidixna ma jiro, horena ma jiro, Gadaalna ma jiro, Caalamka gudihiisa ma joogo, debediisan ma joogo. Hadaba haday sidaas tahay maxaa ka hadhay jiritaanka Allaah. Waxba waa Cilmiga ay u soo jiideen naftooda Culimada hadalku iyadoo aan la kala reebin mid ku suganaa Manhajka Salafkii suubanaa maahee, dhamaan Culimada hadalka iyadoo aan la kala reebin haday tahay Alashacariyah iyo haday tahay Almaturiidiya qof qof ka mid ah maahee oo aaminay siday ahaayeen Salafkii suubanaa, siday yidhaahdeen qaarkood: Rabiga Carshigu wuxuu ka sareeya Carishiga waxa la mid ahna ma jiro. Allaah wuxuu naftiisa ku sifeeyey inuu Carshiga kor maray, Hadaba Rabiga Carshigu Carshiga ayuu ka koreeya wax la mid ahna ma jiro. Eega walaalayaal dhalinyaradow si gaar ah waxaynu sheeganaynaa in aan doonayno Mujtamac Islaami ah iyo inaynu is hortaagno Ilxaadka iyo shuuciyada iyo wixii kaloo la mid ah ee xisbiyaal ah, maxaan isku hortaagnaa? Ma Cilimiga Kitaabka Allaah iyo Xadiiska Rasuulka Allaah calayhi salaatu wa salaam iyo Manhajka Salafkii suubanaa, mise Cilmiga hadalka? Laakiin waxaan leeyahay waxa khayr idiin noqotay ama qaarkiin inaydaan aqriyin Cilmiga hadalka taas baa xaqiiqo ah, manaba oga inuu maqli doono hadalkaa, wuu la yaabi in laga helo Muslimiinta cid ictiqaadsan Caqiidadatan. Haa, aqriya kutubta Alqazaali (إحياء علوم الذين) (Ixyaa culuuma diin) iyo waraaqo qaar cusub ah oo la daabacay oo lagu fidiyey magaca caqaa’idka, waxaad ka heli doontaan jaaxidnimo la daabacay daabacaad cusub oo casri ah, oo ah Allaah kor ma jiro, hoos ma jiro, midig ma jiro, bidix ma jiro iwm. Sidaas darteed Allaah ha u naxariistee mid ka mid ahaa Amiiradii Dimishiq ayaa yimid meel ay munaaqasho ku dhex maraysay Shiikh Alislaam Ibin Taymiyaha Allaah ha u naxariistee iyo kawa mid ah kuwaa ishortaaga Sifaatka Allaah, markuu dhegaystay hadalkoodii iyo hadalkii Ibin Taymiyah ee uu ka soo qaadanaayey Kitaabka iyo Sunnaha iyo hadalkii Salafkii suubanaa ayuu wuxuu ku qancay inay tanu tahay Caqiidada saxa ah, markaas ayuu eegay Ibin Taymiyah wuxuuna yidhi: (kuwanu wuxuu tilmaamayaa kuwii ka soo horjeeday Ibin Taymiyah , waa qoom Ilaahoodii lumiyey ) waa hadal sax ah kuwan waa qoom lumiyey Ilaahood, waayo waa maxay kor ma jiro, hoos ma jiro, midig ma jiro, bidix ma jiro iwm. Waxaa markhaantigu yahay maxaa gaadhsiiyey Culimadii muslimiinta iskaba daa Ardayda Cilmiga barata iyo Cawaamka muslimiintaba ee heerkan aadka u hooseeya iyo Baadnimadatan cad? Waxaan kula talinayaa dhamaan muslimiinta Dunida oo dhan inay ku daraan ahmiyada qabsashada Kitaabka iyo Sunnaha Tiirkan saddexaad oo ah Manhajka Salafkii suubanaa. Hadii kale Koox kasta oo dunida ka jirtaa waxay odhan waxaanu ku suganahay Kitaabka iyo Sunnaha. Firqada ama Kooxda maanta ugu lunsan waxay ka mid tahay Islaamka waxay tukadaan salaadaha shanta ah, waxay u xajiyaan Baytu Allaah Alxaram, waa Alqaadiyaaniya iyagoo sidaas ah bay waxay diidan yihiin xaqiiqooyin Islaamka ka mid ah magaca Tawiilta darteed, qabsad la’aanta siday ku sugnaayeen muslimiintu xataa kuwii dambe. Waayo muslimiintu waxay isku waafaqsan yihiin in aan Nebi jirin ka dambeeya Rasuulkii sala Allaahu calayhi wasalam, siday markaa kuwanu u yimaadeen ku doodaya inay muslimiin yihiin hadana leh waxa yimid Nebi magaciisa la yiraahdo Mirzaa Qulaam Axmed Alqaadiyaani, gadaalkiisana waxaa imanaya Nebiyaal badan, waxa noo yimid mid ka mid ah ardaydiisii wuxuna isku deyey inuu fidiyo fekredan isagoo mar isticmaalaya jeedal, marna qaylo, marna hadal. Alxamdullaah Allaah waa naga kaafiyey sharkoodii. waxan ka qayb galay Doodo badan oo lala yeeshay, markhaantiguse wuxu yahay siday u lumeen kuwaasu? Wuxuu yidh calayhi salaatu wasalam: (لانبي بعدي) (Nebi iga dambeeyaa ma jiro) ma garanaysaan Nebi iga dambeeyaa ma jiro? Waxay ku andacoodeen: (معي ما في نبي) (Nebi ila socdaa ma jiro) laakiin hadaan dhinto wuu imanayaa Nebi, markaa wayna Awileen Naskii Quraanka ahaana ee qowlkiisa casaa wajalaa:{ولكن رسول الله وخاتم النبيين} {laakiin waa Rasuulkii Allaah iyo kii lagu khatimay(ugu dambeeyey) Nebiyaalka} waa maxay lagu khatimay Nebiyaalka? Waxay ku andacoodeen waa quruxda ama ziinada Nebiyaalka, waxay yiraahdeen sida Kaatunku ama Fargalku u yahay quruxda Faraha ayaa Rasuulkuna u yahay quruxda Nebiyaalka ee maaha macnuhu inaanu Nebi imanayn gadaalkiis.hadaba ma waxay ku sugnaayeen muslimiin oo dhami inay qalad u fahmeen Nusuustaa? Baadhitaanka halkanu aad iyo aad buu u dheer yahay, hada waxa ina ku filan Adcwa Asalafiyah usuulkeedu waa saddex: Kitaabka, Sunnaha saxeexa ah iyo Manhajkii Salafkii suubanaa. Waxa Looga goleeyahayse shaki kuma jiro in ula jeedooyinkeeda ay ka mid tahay in aan xaqiijino Mujtamac islami ah oo suura geliya xaqiijinta in laysku xukumo Islaamka oo aan laysku xukumin wax kale, xukum Islaam ah oo lagu xukumo Mujtamac aan muslim ahayn, waa laba iska soo horjeeda oo aan kulmi karin.

Ugu dambayntiina: Madhabka Salafka waxa waajib ah in aan qabsano isaga ayaa damaan u ah inuu ruuxa Muslimka ahi ka mid noqdo Kooxda badbaaday, hadaanu iyada ka mid noqonse wuxuu ka mid noqon Kooxaha lunsan, taas ayey cismadu tahay. Waxa laabud ah inaan aragtidiina ku soo jeediyo ugu dambayntii markaanu leenahay waxan ugu yeedhaynaa Muslimiinta dhamaan inay qabsadaan Kitaabka iyo Sunnaha iyo Manhajkii Salafkii suubanaa, waxaan soo sheegnay cadaymo iyo Daliilo saxeexa ah maanu ihin kuwa ka fog Asalka Iimaanka Kitaabka iyo Sunnaha, hase yeeshee waxaan wanaajinaynaa ugu yeedhitaankooda Kitaabka iyo Sunnaha waayo waxaan ictiqaadsan nahay in ay yihiin kuwa bukaan ah xaga caqaa’idkooda ay ka leexdeen Kitaabka iyo sunnaha, waxaan ugu yeedhaynaa siday tahay waajibka dcwadu, waxayna tahay qaaciidad Aasaasi ah, mid kasta oo doona inuu dadka ugu yeedho Islaamka, waxana weeye qowlka Allaah tabaaraka wa tacaalaa:(ادع إلي سبيل ربك بالحكمة والموعطة الحسنه وجادلهم بالتي هي احسن[النحل: 124]) (ugu yeedh dadka jidka Rabigaaga si xikmad iyo wacdi wanaagsan ah kulana dood sidii ugu wanaagsan). Markaa waxa inagu waajib ah inaynaan fududaysan dadkaa ka leexday Manhajkii Salafka suubanaa maaha oo keliya Axkaam badan balse Caqaa’id badan sidaan hada soo sheegnay wax yaabihii la xidhiidhay Sifaatka Allaah iwm. Waxaanu ugu yeedhaynaa sidii ugu wanaagsan xumaantooda ma muujinayno kamana dhex baxayno anagoo ku soconaa qowlka Rasuulka calayhi salaatu wasalam: (فوالله لأن يهدي الله بك رجلاً واحداً،خير لك من حمرالنعم) (WaAllaahi inuu kugu hadeeyo Allaah Nin keli ah, ayaa kaga khayr badan Geela cascas) halkaas ayuu ku dhamaaday hadalkii Shiikh Allaah ha u naxariistee oo ha ka abaal marayo hana uga daro Miisaanka Xasanaadkiisa Cilmiga balaadhan ee uu uga tegay Ummada inan ha inagu anfaco Cilmigiisa aamiin.

Qore: Maessa Asalafi InshaaAllaah

 


 


Web Hosting · Blog · Guestbooks · Message Forums · Mailing Lists
Easiest Website Builder ever! · Build your own toolbar · Free Talking Character · Email Marketing
powered by a free webtools company bravenet.com