untitled
viviti

بسم الله الرحمن الرحيم

ASALAFIYAH- السلفية

Maxay tahay Asalafiyah waa kuma se hugaamiyohoodu?

ما هي السلفية ومن زعيمهم؟

Shiikh Axmed Binu Yaxyaa Anajmi

لشيخ أحمد بن يحي النجمي

 

 

إنََّ الحمد لله ، نحمده ونستعينه ونستغفره ،ونعوذبالله من شرور أنفسنا، ومن سيئات أعمالنا ، من يهده الله فلامضل له ومن يضلل فلا هادي له، وأشهد أن لا إله إلا الله وحده لاشريك له، أشهد أن محمداً عبده ورسوله. {يا أيها الذين آمنوا اتقوا الله حقَّ تقاته ولاتموتن إلا وأنتم مسلمون}[آل عمران :102] . {يا أيها الناس اتقوا ربكم الذي خلقكم من نفسٍ واحدة وخلق منها زوجها وبث منهما رجالاً كثيراً ونساءً وتقوا الله الذي تسألون به والأرحام إن الله كان عليكم رقيباً}[النساء:1] {يا أيها الذين آمنوا اتقوا الله وقولوا قولاً سديدا. يصلح لكم أعمالكم ويغفر لكم ذنوبكم ومن يطع الله ورسوله فقد فاز فوزاً عظيما}[الأحزاب: 70و71]

أما بعد: فإن خير الكلام كلام الله ، وخير الهدي هديُ محمد صلى الله عليه وسلم، وشر الأمور محدثاتها، وكل محدثةٍ بدعة, وكل بدعة ضلالة ، وكل ضلالةٍ في النار .

وبعد:

Allaah ayaa mahad iyo amaan mudan oo iska leh, waan u mahad celinaynaa waan kaashanaynaa dembidhaaf ayaan waydiisanaynaa, waxaan Allaah ka magan gelaynaa shararka nafahayaga, iyo acmaashayada kuwooda xun, kii Allaah hadeeyo cid lumin kartaa ma jirto, kii Allaah luminayona cid hadayn kartaa ma jirto, waxaan qirayaa inaanu jirin Ilaah xaq lagu caabudaa Jiritaanka oo aan Allaah ahayn kelidii oo aan lahayn wax shiriik ah oo lagu lamaaneeyo, waxaan qirayaa in uu Maxamed yahay adoonkii Allaah iyo Rasuulkiisii.

{Kuwii Allaah iyo diintiisa xaqqa ah rumeeyeyow, Allaah ka cabsada cabsi dhab ah hana dhimanina idinkoo aan muslimiin ahayn.} [Aali cimraan: 102] {Dad yohow rabigiina ka cabsada, idinka abuuray naf keliya (Aadam calayhi salaam) ee ka sii abuuray xaaskeedii (Xawaa calayhaa salaam) ee ka sii abuuray rag badan iyo dumar oo ku kala fidiyey dunida guudkeeda, ka cabsada Allaaha aad wax isku waydiisataan iyo inaad riximka gowsaan, Allaah kor buu idinka ilaalinayaa oo waa ogyahay acmaashiina} [Nisaa: 1].

{Kuwii Allaah iyo diintiisa xaqqa ah rumeeyeyow Allaah ka cabsada oo ku hadla hadal toosan wuxuu idiin hagaajin acmaashiina wuuna idiin dembi dhaafi kii Allaah iyo Rasuulkiisa adeeca ayaa liibaanay liibaan wayn (janada nimcooyinka badan gelaya)} [Alaxzaab: 71&72].

Intaa ka dib: hadal waxaa u khayr badan hadalka Allaah, hanuuna waxa u khayr badan hanuunkii Maxamed sala Allaahu calayhi wasalam, arimaha waxaa u shar badan kuwa la abuuro, arin kasta oo la abuuraana waa bidca, bidca kastaana waa baadi, baadi kastaana Naar ayey geli.

Intaas ka dib:

Su’aal: waa Maxay Asalafiya ama Asalafiyuun yaa se u madax ah?

Asalafiya waxaa loo nisbeeyaa ama loola jeedaa Asalaf, Asalafna waa asxaabtii Rasuulka sala Allaahu calayhi wasalam iyo Taabiciyiintii iyo Atbaacdoodii waana ehelkii saddexdii qarni ee fadliga badnaa iyo kuwii ka dambeeyey ee wanaaga ku raacay. Waa sidaas Asalafiya macanaheedu, ka mid ahaansheheedana waxaa loola jeedaa ka mid ahaanta sidii ay ahaayeen oo ay ku dhaqmi jireen Asxaabtii Rasuulku sala Allaahu calayhi wasalam iyo dariiqada kuwa ehelka u ah Xadiiska. Kuwa ehelka u ah xadiiska ayaa ah asxaabta Manhaj Asalafi ee ay ku socdaan.

Hadaba Asalafiyah waa caqiida magacyada Allaah iyo sifaatkiisa, waa caqiidah qadarka, waa caqiidah asxaabtii.

Sidaas darteed Asalafiyuun waxay aaminsan yihiin Allaah jala waa calaa iyo magacyadiisa wanwanaagsan iyo sifaatkiisa sareeya ee Allaah cazaa wajalaa ku sifeeyey naftiisa uuna ku

Sifeeyey Rasuulkiisu sala Allaahu calayhi wasalam waxay u aaminsan yihiin sidii ku haboon Allaah waynidiisa subxaanahu watacaalaa, iyaga oo aan leexinayn, oo waxba ku tusaalaynayn, waxbana ku shabahayn, aana cadilayn (is hortaagayn), oo aan awilayn (macna kale u samaynayn).

Waxay aaminsanyihiin qadarka khayrkiisa iyo sharkiisaba, iyo inaanu adoonka Iimaankiisu dhamayn ilaa uu aamino qadarka Allaah u qadaray adoomihiisa, Allaah jala WA calaa wuxuu yidhi: [القمر:49]{إنا كل شيء خلقناه بقدر} {wax walba waxaan ku abuuray qadar}[alqamar: 49].

Iimaanka asxaabtana macanaheedu wuxuu yahay waxay aamisanyihiin in asxaabtii Rasuulku sala Allaahu calayhi wasalam ay wajib tahay in laga raali noqdo oo Allaah loo waydiiyo raalinimo, waxay kaloo ictiqaadsanyihiin cadaladooda, iyo inay dhamaan ahaayeen kuwii ummadaha ugu khayrka badnaa qarniyaashana ugu khayrka badnaa, waxay ictiqaadsanyihiin in ay dhamaantood caadiliin ahaayeen, taas oo khilaafsan siday aaminsanyihiin Shiicada iyo Khawaarijku, kuwaas oo kufrinimo ku xukuma asxaabtii Rasuulka sala Allaahu calayhi wasalam oo aana garan ama siin xaqqa ay leeyihiin.

Malaha Asalafiyah madax ama hogaamiye aan ahayn Rasuulkii Allaah sala Allaahu calayhi wasalam isaga ayaa Iimaam u ah iyo qudwad, Asxaabtii Rasuulkuna sala Allaahu calayhi wasalam iyana waxay u yihiin qudwad ay ku daydaan, taas waxaa saldhig u ah ama asalba xadiiska Rasuulka sala Allaahu calayhi wasalam ee ah:

إفترقت اليهود على إحدى وسبعين فرقة، وإفترقت النصارى على إثنتين وسبعين فرقة،وستفترق هذه الأمة على ثلاثة وسبعين فرقة،كلها فى النار إلا))

واحدة-قالوا من هي يارسول الله؟ قال:هم الذين على مثل ما أنا عليه وأصحابي) ((waxay u qaybsantay yuhuudi koob iyo todobaatan kooxood, Nasaarona waxay u qaybsantay laba iyo todobaatan kooxood,Ummaddanuna waxay u qaybsami saddex iyo todobaatan kooxood,dhamaan Naarta ayey gelayaan mid mooyee, waxay yidhaahdeen waa tuma Rasuulkii Allaahow ? Wuxuu yidhi waa kuwa ah sidaan anigu ahay iyo asxaabtayda)). Waxaa kale oo asal u ah xadiiskiisa sala Allaahu calayhi wasalam ee xadiiskii Alcarbaad bin Saariya Allaah raali ha ka noqdee, ee uu inoogu sifeeyey khudbadii Nebiga sala Allaahu calayhi wasalam iyo inuu dabadeed kula dardaarmay inay Allaah ka cabsadaan wuxuuna yidhi: ((أوصيكم بتقوى الله والسمع والطاعة إن تإمر عليكم عبد حبشي)) ((Waxaan idinkula dardaarmayaa cabsada Allaah iyo ismaqal iyo is adeecid hadii xataa uu idiin madax noqdo adoon Xabashi ahi – markaas ayuu hadana amray in la raaco sunnihiisa iyo sunnaha kuwa ka dambayn doona ee hanuunsan wuxuuna yidhi: ((عضوا عليها بالنواجذ وإياكم ومحدثات الأمور فإن كل محدثة بدعة وكل بدعة ضلالة)), Gawsdambeedada ku qabsada waxaan idinka digi arimaha la abuuro, wax kasta oo la abuuraa waa bidca, bidca kastaana waa baadi.)).Intaas ayay ku dhamaatay Jawaabtii Shiikhu Allaah ha xifdiyee oo ha ka abaal mariyo Cilmiga uu Dadka Muslimiinta ah barayo inagana ha inagu anfaco waxaan ka faa’iidaysanay aamiin.

Asalaamu calaykum waraxamatullaahi wabarakaatuhu.

 

 

 

Qore: Maessa Asalafi InshaaAllaah

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 


Web Hosting · Blog · Guestbooks · Message Forums · Mailing Lists
Easiest Website Builder ever! · Build your own toolbar · Free Talking Character · Email Marketing
powered by a free webtools company bravenet.com