|
|
|
|
بسم الله الرحمن الرحيم
Sababaha ugu muhiimsan ee ay Muslimiintu isugu khilaafsan yihiin fahamka Diintooda
أهم أسباب اختلاف المسلمين في فهم دينهم
Iimaam Maxamed Nasiru-Diin Alalbani Allaah ha u naxariistee
للإمام محمد ناصر الدين الألباني رحمه الله
إنََّ الحمد لله ، نحمده ونستعينه ونستغفره ،ونعوذبالله من شرور أنفسنا، ومن سيئات أعمالنا ، من يهده الله فلامضل له ومن يضلل فلا هادي له، وأشهد أن لا إله إلا الله وحده لاشريك له، وأشهد أن محمداً عبده ورسوله.
Allaah ayaa mahad iyo amaan mudan oo iska leh, waan u mahad celinaynaa waan kaashanaynaa dembidhaaf ayaan waydiisanaynaa, waxaan Allaah ka magan gelaynaa shararka nafahayaga, iyo acmaashayada kuwooda xun, kii Allaah hadeeyo cid lumin kartaa ma jirto, kii Allaah luminayona cid hadayn kartaa ma jirto, waxaan qirayaa inaanu jirin Ilaah xaq lagu caabudaa Jiritaanka oo aan Allaah ahayn kelidii oo aan lahayn wax shiriik ah oo lagu lamaaneeyo, waxaan qirayaa in uu Maxamed yahay adoonkii Allaah iyo Rasuulkiisii.
Intaas ka dib:
Alcalaamah Alalbaani oo Daboolka ka qaaday sababaha ugu muhiimsan ee ay Muslimiintu isugu khilaafsan yihiin Diintooda…!!
Wuxuu yidhi Shiikha Mujadidka ah Alcalaamah Maxamed Nasiru-Diin Alalbaani Allaah ha u naxariistee: horay waxay u kala baxeen ama u qaybsameen Muslimiintu Kooxo badan. Waxaad maqashaan Almuctasilah, Almurji’ah waxaad kaloo maqashaan Alkhawaarij, waxaad maqashaan Alsaydiyah iyo Ashiicah, Araafidah iwm.
Ma jirto cid kuwaas ka mid ah oo odhanaaya anagu kuma socono Kitaabka iyo Sunnaha, waayo haday odhan lahayd cid iyaga ka mid ahi taas waxay kaga bixi lahaayeen Islaamka gebi ahaanba
Hadaba waa Maxay kala qaybsanaantanu maadaama ay dhamaantood ictimaadaan ama ku tiirsan yihiin Kitaabka iyo Sunnaha?! Aniguna waxaan markhaanti ka ahay inay ictimaadaan Kitaabka iyo Sunnaha, hase yeeshee waa sidee buu noqonayaa ictimaadkaasu iyaga oo aan ictimaadin Asalka saddexaad oo ah waxay ku sugnaayeen Salafkii suubanaa (yacni siday u fahmeen Kitaabka iyo Sunnaha Asxaabtii, Taabiciintii, Atbaacdoodii iyo Iimaamadii hanuunsanaa ), iyada oo aan mid kale ku daraayo oo ay tahay laabud in loo fiirsado oo lagu baraarugo, waana in uu Sunnuhu ka duwan yahay duwanaan kasta Quraanka Kariimka ah
Iyada oo uu Quraanka Kariimka ahi ku xafidan yahay inta u dhexaysa labada Daafood ee Musxafka ama Kitaabka sida dhamaan la og yahay, Sunnuhu se Wuxuu ugu horayn ku kala qaybsan yahay Boqolaal Kutub ah hadaanan ba odhan Kumanaan Kutub ah, oo ay ka mid tahay qayb wayn oo weli ku jirta Caalamka Qaybka Caalamka Makhduudka ( yacni qayb wayn oo weli aan la daabicin oo aan Dadka soo gaadhin ba). Hadana xataa Kutubta daabacan Maanta ee aan haynaa waxay leedahay Saxeex iyo Daciif ba,
Markaa kuwa ictimaaday Sunnaha ha noqdeen kuwa ka midka ah ee ku abtirsada Ahalka Sunnaha iyo Jamaacada iyo Manhajka Salafkii suubanaa ama ha ka mid ahaadeen Kooxaha kale ee, in badan oo ka mid ah kuwaa aan soo xusnay kama soocaan ama kama gartaan Sunnaha Saxeexa ah kan Daciifka ah, markaas ayay waxay ku dhacaan khilaafida Kitaabka iyo Sunnaha, sababta oo ah iyagoo ictimaadaaya Xadiithyo Daciif ah iyo kuwa Mowduuc ah, hadaba halkan waxa Markhaantigu yahay Qaar Kooxihii aan soo tilmaanay iyaga in ay inkiraan ama diidaan qaar Xaqiiqooyin ah Quraanka iyo Xadiithyo Nabawi ah mar hore iyo hadaba
Quraanka Kariimka ahi Wuxuu sugayaa oo cadaynayaa oo ugu bishaaraynayaa Mu’miniinta nicma aad u wayn oo ay helayaan iyada Maalinta ay kula kulmayaan Allaah casaa wajalaa Janada nicmada badan iyada oo uu Daboolka isaga qaadaayo Rabigeenu Rabiga Caalamiinka oo ay arki doonaan isaga, siduu taas yidhi Caalimka Salafiga ahi: (يراه المؤمنون بغير كيف وتشبيه وضرب من مثال) (way u arki doonaan Mu’miniintu si aan lahayn sidee waxna lagu shabihin oo aan tusaale loo soo qaadan), tan waxa ku timid oo cadaynaysa Nusuus ka mid ah Quraanka iyo Tobanaan Nusuus ah oo ka mid ah Xadiithyada Rasuulka calayhi salaam. Sidee bay u inkireen Nicmadatan qaar Kooxihii hore ahi iyo kuwa cusubiba?!!
Kuwaa hore ee inkiray waa: Almuctasilah, Maanta laga heli maayo sidaan ogaaday Dhulka korkiisa Cid odhanaysa: anagu waxaanu nahay Almuctasilah anagu waxaanu ku sugan nahay Madhabkii Almuctasilah. Hadaba kuwaas ahaa Almuctasilah waxay inkireen Nicmadatan waxayna yidhaahdeen oo ay siisay Caqliyadooda daciifka ahi:waxay yidhaahdeen waa mustaxeel in la arko Allaah casaa wajalaa, markaa Maxay samayeen miyay inkireen Quraanka?! Waayo Allaah casaa wajalaa Wuxuu ku yidhi Quraanka Kariimka ah: {وجوه يومئذ ناضرة إلى ربها ناظرة [القيامه:23]} {Wejiyaal Maalintaas wanaagsan oo ifaaya oo nuuraaya oo eegaaya Rabigooda martabadahooda kala duwan: waxaa ka mid ah kuwa Maalin walba eegaaya Aroor iyo Galaba, waxaana kaloo ka mid ah kuwa arkaaya Jimca kasta hal mar, markaas ayay ku raaxaysanayaan eegista Wejigiisa Kariimka ah ,iyo quruxdiisa wayn ee aanay jirin shay lagu meteli karaayaa, Allaah waxaan waydiisanaynaa inuu naga yeelo kuwa ka mid ah kuwaas}
Hadaba kuwaasu miyay inkireen Aayatatan? Jawaabtu waa maya, hadii ay inkiri lahaayeena way ku Gaaloobi lahaayeen oo ay ku noqon lahaayeen Murtadiin, hase yeeshee ilaa iyo Maantadaa Ahalka Sunnuhu dhab ahaan waxay ku xukumaan Almuctasilah Baadinimo ama Lunsanaan ( yacni inay ka ambadeen Jidkii Xaqqa ahaa ee toosnaa), hase yeeshee kama ay saaraan Daa’irada ama Xaydaank Islaamka, waayo may inkirin Aayatan ee waxay inkireen macnaheedii Xaqqa ahaa ee uu ku yimid cadayntiisu Sunnaha sida aan xusi doono, markaa Allaah casaa wajalaa markuu ka yidhi Xaqqa Mu’miniinta Ahalka Jannada: {وجوه يومئذ ناضرة إلى ربها ناظرة} {Wejiyaal Maalintaas wanaagsan oo ifaaya oo ilaa iyo Rabigooda eegaaya}, way awileen iyada (yacni macnihii bay bedeleen), waxay rumayeen Lafdi ahaan waxayna ku gaaloobeen macna ahaan, Lafdiyaalkuna siday yidhaahdaan Culimadu Lafdiyaalku waa kuwa bedela macnaha
Markaa hadii aan rumayno Lafdiga oo aan ku gaalowno macnaha, markaa Iimaankaasu maaha mid wax naaxinaya mana aha mid Gaajo bi’naaya (yacni maaha mid wax anfacaaya), laakiin Maxay kuwaasu u inkireen Araktidatan? Waayo Caqliyadooda ayaa qaadan waayay inay swirtaan oo malayaan in Adoonka kan la abuuray ee kari kari waayay inuu u arko Allaah casaa wajalaa si cadaan ah, siday ka dalbadeen Yuhuudu Nebi Muse calayhi salaam ee uu Allaah tacaalaa kaga dhigay in aanay arki karayn isaga waana Sheekada la wada yaqaano siduu yidhi tacaalaa: {انظر إلى الجبل فإن استقر مكانه فسوف تراني} {eeg ilaa iyo Buurta, hadii ay meesheeda ahaato ama ku sugnaato markaas waad I arkaysaa}
Waa ay qaadan kari waayeen Caqliyadoodu, markaas ayay waxay geyaysiisay inay ku gedgediyaan Naskii Quraanka ahaa oo ay awilaan waayo?! Waayo Iimaankooda Qaybka ayaa daciif ah, Iimaanka Caqliyadooda ay aaminsan yihiin wuu ka xoog badan yahay Iimaankooda ay aaminsan yihiin Qaybka ee lagu amray iyaga horaanta Suurada Albaqarah: {الم ذلك الكتاب لاريب فيه هدى للمتقين الذين يؤمنون بالغيب [البقرة:1]} {Xuruuftan googo’an ee Aayatanu ku bilaabantay Aayato badanina ku bilaabmaan waxa hagaagsan in laga aamuso oo aan la faadh faadhin macnahooda hadaan ama iyada oo aan loo hayn Sanad Sharci ah iyada oo la aaminaayo oo la yaqiinsanaayo in aan Allaah tacaalaa isaga soo rogin sidaas cabas ahaan ee uu uga gol leeyahay Xikmad aynaan inagu markaas garanayn
Wuxuu yidhi Allaah tacaalaa: Kitaabkan wayni waa Kitaabka Quraanka Kariimka ah ee, ee ah Kitaabka xaqiiqada ah ee sugaaya waxaanay sugin Kutubtii hore iyo kuwii dambeba ee ah Cilmiga wayn iyo Xaqqa cad ee aan haba yaraatee wax shaki ahi ku jirin, bal yaqiinta ah in uu u yahay Hanuun kuwa Allaah ka cabsada ee Mutaqiinta ah, kuwaas oo ah kuwa laga helay Iimaanka ay aaminsan yihiin wixii maqan ee aynaan arag, laakiin Allaah tacaalaa iyo Rasuulkiisu sala Allaahu calayhi wasalam inooga warameen, Iimaankaasuna waa kan uu kaga duwan yahay Muslimku Gaalka, waayo Wuxuu u aaminsan yahay arimo aanu arag uun in uu uga waramay Allaah tacaalaa iyo Rasuulkiisu sala Allaahu calayhi wasalam, Mu’minku Wuxuu aaminsan yahay wax kasta oo uu Allaah tacaalaa uga waramay ama uu uga waramay Rasuulkiisu sala Allaahu calayhi wasalam ama ha arko ama yaanu arag ama ha fahmo ama yaanu fahmin ee }, Allaah tacaalaa waa Maqanaha Maqanayaasha, markaa wax kasta oo uu Rabanaa inooga sheegay Naftiisa waxa inala gudboon in aan rumaysano oo aamino isaga, waayo ogaansheheenu ama garashadeenu waa mid aad u gaaban.
Almuctasilah ma ay garan Xaqiiqadatan sidaas darteed bay waxay jaaxideen oo ka hor yimaadeen Xaqiiqooyin badan oo Sharci ah oo ay ka mid tahay Hadalkiisa tabaaraka watacaalaa ee: {وجوه يومئذ ناضرة إلى ربها ناظرة} {Wejiyaal Maalintaas wanaagsan oo ifaaya oo ilaa iyo Rabigooda eegaaya}, sidaas oo kale bay ka yeeleen Aayat kale, waxana laga yaabaa in ay uga fududahay iyaga Dadkaas Aayata hore waana Hadalka Allaah casaa wajalaa: {للذين أحسنوا الحسنى وزيادة [يونس:26]} {kuwii wanaajiyay Caabudaada Khaaliqa waa Allaah ee, ee wanaajiyay Adoomaha Allaah intay ka kari karayaan oo ah wanaajin xaga Hadalka iyo Ficilkaba, wanaajin xaga Xoolaha iyo Naftaba, ku amrid Samaha ama Macruufka iyo ka reebid Xumaha, wax barista Jaahiliinta, u naseexaynta kuwa diidan iwm oo ah Samaha iyo Wanaaga, markaa kuwaas Wanaaga falay waxay leeyihiin Wanaag, waana Janno oo ay u dhantahay Wanaag, waxay kaloo leeyihiin dheeraad oo ah Arktida Wejiga Allaah ee Kariimka ah iyo Hadalkiisa oo ay maqlaan iyo inay ku guulaystaan Raalinimadiisa iyo Farxada u dhowaanshihiisa, sidaas waxay ku heleen tii ugu saraysay ee ay rajaynaayeen Rajayayaashu ayna waydiisanaayeen Waydiistayaashu} {للذين أحسنوا الحسنى} {kuwii Wanaaga falay waxay leeyihiin Wanaag} waa Jannada {وزيادة} {iyo dheeraad} waa araktida Allaah tacaalaa ee ay Mu’miniintu ku arki doonaan Aakhiro, sidaas ayuu ku yimid Xadiith ku jira Kitaabka Saxeexa ah ee Iimaam Muslim oo Sanadkiisu yahay saxeex ee uu soo weriyay Sacad Ibnu Abii Waqaas wuxuuna yidhi: Wuxuu yidhi Rasuulkii Allaah sala Allaahu calayhi wasalam: (للذين أحسنوا الحسنى : الجنة) (kuwii Wanaaga falay waxay leeyihiin Wanaag: waa Jannada) (وزيادة : رؤية الله ) (iyo waxay kaloo leeyihiin dheeraad: waa Arktida Allaah)
Arintan way inkireen ama diideen Almuctasilah sidoo kale waxaa inkiray Ashiicah- iyaguna waa Muctasilah Caqiida ahaan- Shiicadu waa Muctasilah Caqiida ahaan.
Waxay inkireen araktida Allaah ee lagu cadayay Aayata hore, uuna inoogu cadayay Rasuulkii Allaah sala Allaahu calayhi wasalam Aayata kale, iyada oo ay cadaynayaan taas Xadiithyo meerta ah oo ka sugnaatay Nebigii sala Allaahu calayhi wasalam, markaa waxay ku riday Awilaadoodii Quraanku inay inkiraan Xadiithyo Saxeex ah oo ka sugnaaday Rasuulkii Allaah sala Allaahu calayhi wasalam
Sidaas ayay waxay kaga baxeen in ay ka mid noqdaan Kooxda Badbaaday ee uu tilmaamay Rasuulkii calayhi salaatu wasalaam ee yidhi: (ما أنا عليه وأصحابى) (waa kuwa ku sugan waxaan anigu ku suganahay iyo Asxaabtaydu), Rasuulkuna calayhi salaatu wasalaam Wuxuu aaminsanaa in ay Mu’miniintu arki doonaan Rabigooda, waayo waxaa sidan cadaynaaya Xadiithyo ku yimi labada Saxeex (yacni Saxeexa Iimaam Albukhaari iyo Saxeexa Iimaam Almuslim) oo ah Xadiithyadii Jamaacadii Asxaabta Rasuulka sala Allaahu calayhi wasalam oo uu ka mid yahay Abu Saciid Alkhudariyi iyo Anas Binu Maalik, Saxeexa debediisana: waxaa ka mid ah Abubakar Asidiiq iyo sidaas oo kale
Wuxuu yidhi calayhi salaatu wasalaam: (إنكم سترون ربكم يوم القيامه كما ترون القمر ليلة البدر لا تضامون في رؤيته) (idinku waad arki doontaan Rabigiina Maalinta Qiyaamaha sidaad u araktaan Dayaxa Habeenka 15aad, idinka oo aan ka shakiyi doonin araktidiisa sidaydaan uga shakiyin araktida Dayaxa Habeenka 15aad oo aanu saarayn Caad iyo Daruur tooni) waxay ku inkireen Xadiithyadatan Caqliyadooda, markaa ma ay badbaadin mana ay aaminin, sidaasna waxay ku noqdeen kuwa uu Iimaankoodu yahay daciif, taas waa Tusaale wixii ka dhacay qaar Kooxihii hore, waxana taas cusboonaysiiyay Maanta Alkhawaarij oo ay ka mid tahay " Alibaadiyah" kuwaas oo hada u soo tafaxaytay Dacwadooda Baadinimada iyo Lumista ah, hada waxay leeyihiin Maqaalado iyo Wasiilado ay ku fidiyaan oo ku noolayaan ka bixistoodii Jamaacada Muslimiinta ee lagu yiqiinay Alkhawaarijtii hore, ka leexashooyin kooda Dariiqa Xaqqa ah ee badanaa waxaa ka mid ahayd inkiraadooda araktida Allaah casaa wajalaa ee Jannada
Taasu waa Kooxihii hore ee Qadiimka ahaa, hadana waxaan idiin keenaynaa Tusaale kale oo cusub wuxuuna yahay:
Alqaadiyaaniyuun , waxa laga yaabaa inaad maqasheen iyaga, kuwaasu waxay odhanayaan waxa aan nidhaahno inagu sida " Ashahadu an laa Ilaaha ilaa Allaah wa ashahadu ana Maxameda Rasuulu Allaah" "أشهد أن لا إله إلا الله وأشهد أن محمد رسول الله" waxay tukadaan Shanta Salaadood, waxay ogaan Jimcaha, waxay u soo xajiyaan Baytka Allaah ee Xaramka wayna cimraystaan, wax faraq ah oo inoo dhexeeyaa iyaga iyo inaga ma jiraan, waa Muslimiin, laakiin waxay inagu khilaafsan yihiin arina badan oo xaga Caqiidadaha ah oo ay ka mid tahay waana Markhaantiga Hadalkooda ee ah: "in aan Albaabka Nebinimadu xidhmin" waxay leeyihiin waxaa imanaaya Nebiyaal ka dambaya Maxamed calayhi salaatu wasalaam, waxayna ku andacoonayaan in Nebiyaalkaa mid ka mid ahi yimid oo ka soo baxay Qaadiyaan oo ah Dhul ka mid ah India, markaa Cidii aan rumaynin Nebigaa xagooda waa Gaal
Sidee bay taas u yidhaahdaan iyada oo ay jirto Aayat cad oo Quraanka Kariimka ka mid ah oo arintaas diidaysa waana Hadalkiisa tacaalaa: {ولكن رسول الله وخاتم النبين [الأحزاب:40]} {laakiin se waa Rasuulkii Allaah iyo Nebiyada kii u dambayay}, sidee u yidhaahdaan taas iyada oo ay jiraan Xadiithyada meertada ah ee ah {لانبي بعدي} {ma jiro Nebi iga dambeeyaa}?!!! Way awileen Quraanka iyo Sunnahaba umana ay fasirin Quraanka iyo Sunnaha siday u fasireen Salafkii suubanaa (yacni Asxaabtii Rasuulka, Taabiciyiintoodii iyo Atbaacdoodii) ee ay isku raaceen hadana Muslimiintu sidaas iyaga oo aan isku khilaafsanayn dhexdooda, ilaa u yimi kaa leexday ee lunsan ee lagu magcaabo Mirza Qulaam Axmed Alqaadiyaani ee uu ku andacooday in uu yahay Nebi, wuxuuna leeyahay Sheeka dheer oo aynaan hada gelayn ee waxaa ku hodmay oo uu hoday kuwa badan oo ka mid ah kuwa aan Cilmiga u lahayn arimahan ah Xaqiiqada ee ah tan ka ilaalinaysa Muslimka in aanu uga leexan Xaqqa Midig iyo Bidix toona siday uga leexdeen Alqaadiyaaniyuun
Kuwaas iyo Ninkooda ku andacooday Nebinimada Maxay ka yeeleen Aaytan ah: {ولكن رسول الله وخاتم النبين} {laakiin waa Rasuulkii Allaah iyo Nebiyada kii u dambayay}?! Waxay yidhaahdeen: {خاتم النبين} {Nebiyada kii u dambayay } maaha macnaheedu ma jiro Nebi ka dambeeyaa ee macnaheedu waxa weeye quruxdii Nebiyada sida uu Kaatunku ama Fargalku u yahay quruxda Faraha, sidaas oo kale ayaa Maxamedna sala Allaahu calayhi wasalam u yahay quruxda Nebiyada, markaa sida tan kuma ay gaaloobin Aayatan oo may odhan tan kuma soo dejin Allaah tacaalaa Qalbiga Maxamed calayhi salaatu wasalaam ee, laakiin waxay ku gaaloobeen macnaheeda xaqiiqiga ah, markaa muxuu faa’iidaynayaa rumaynta Lafdiyaalku isagoo aan wadan rumayn xaqiiqadaha macnaha ah?
Hadii uu galo Xaqiiqada shaki waa Maxay Dariiqa aynu ku gaadhi Garashada Xaqiiqadaha macnayaalka Kitaabka iyo Sunnaha?!!! Waad garateen Dariiqaas waana in aynaan ku tiirsanaanin inagu Aqoonteena Luqada Carabiga iyo Aadaabteeda oo aynaan u fasirin Quraanka iyo Sunnaha siday Hawadeenu doonto ama Caadooyinkeena iyo Dhaqankeena ama Madhabaheena iyo Dariiqooyinkeena, ee aynu sidii la yidhi: (وكل خير في إتباع من سلف وكل شر في إبتداع من خلف) (khayr oo dhami wuxuu ku jiraa raacitaanka kuwii horee tegay ee ahaa Asxaabtii Rasuulka sala Allaahu calayhi wasalam iyo Tabiciintoodii iyo Atbaacdoodii iyo Iimaamadii Muslimiinta ee hanuunsanaa, shar oo dhamina wuxuu ku jiraa Bidcada ay abuureen kuwii dambeeyay)
Laga yaabee in intaasu u noqoto Waano iyo Xusuus cidii leh Qalbi wayn oo nool waxna garanaaya oo ku waana qaadanaaya Aayaatka Allaah markuu maqlo isaga oo Qalbigiisu joogo. Intaas ayuu ku dhamaaday Hadalkii Alcalaamah Alalbaani Allaah ha u naxariistee, wuxuuna ka mid ahaa Hadalkanu oo ku jiray Muxaadarada dheer ee qiimaha badan ee aadka loo yaqaano oo la yidhaahdo " Waa taas Dacwadayadu" "هذه دعوتنا", Allaah ha u naxariisto Shiikha inagana ha inagu anfaco Cilmiga balaadhan ee uu inooga tegay aamiin.
Qore: Maessa Asalafi Inshaa Allaah
©Xuquuqda oo dhan waxay u xafidantahay Bogan: http//:doorasho.bravehost.com walaalkayga Muslimka ahow dhamaan waxa laga helo Bogan waxaad u isticmaali kartaa si shakhsi ahaaneed iyo fidinta Dacwada
جميع الحقوق محفوطة لموقع الإختيار أخي المسلم بإمكانك الإستفادة من محتويات الموقع في الإستخدام الشخصى ونشر الدعوة
Web Master: maessa2@gmail.com
bravenet.com