|
|
|
|
بسم الله الرحمن الرحيم
Allaah wuxuu u yeelay wax walba sabab
قد جعل الله لكل شيئ سبباً
Aliimaam Maxamed Nasira Diin Alalbani
للإ مام محمد ناصر الدين الألباني
إنََّ الحمد لله ، نحمده ونستعينه ونستغفره ،ونعوذبالله من شرور أنفسنا، ومن سيئات أعمالنا ، من يهده الله فلامضل له ومن يضلل فلا هادي له، وأشهد أن لا إله إلا الله وحده لاشريك له، وأشهد أن محمداً عبده ورسوله. {يا أيها الذين آمنوا اتقوا الله حقَّ تقاته ولاتموتن إلا وأنتم مسلمون}[آل عمران :102] . {يا أيها الناس اتقوا ربكم الذي خلقكم من نفسٍ واحدة وخلق منها زوجها وبث منهما رجالاً كثيراً ونساءً وتقوا الله الذي تسآءلون به والأرحام إن الله كان عليكم رقيباً}[النساء:1] {يا أيها الذين آمنوا اتقوا الله وقولوا قولاً سديدا. يصلح لكم أعمالكم ويغفر لكم ذنوبكم ومن يطع الله ورسوله فقد فاز فوزاً عظيما}[الأحزاب: 70و71]
أما بعد: فإن خير الكلام كلام الله ، وخير الهدي هديُ محمد صلى الله عليه وسلم، وشر الأمور محدثاتها، وكل محدثةٍ بدعة, وكل بدعة ضلالة ، وكل ضلالةٍ في النار .
وبعد:
Allaah ayaa mahad iyo amaan mudan oo iska leh, waan u mahad celinaynaa waan kaashanaynaa dembidhaaf ayaan waydiisanaynaa, waxaan Allaah ka magan gelaynaa shararka nafahayaga, iyo acmaashayada kuwooda xun, kii Allaah hadeeyo cid lumin kartaa ma jirto, kii Allaah luminayona cid hadayn kartaa ma jirto, waxaan qirayaa inaanu jirin Ilaah xaq lagu caabudaa Jiritaanka oo aan Allaah ahayn kelidii oo aan lahayn wax shiriik ah oo lagu lamaaneeyo, waxaan qirayaa in uu Maxamed yahay adoonkii Allaah iyo Rasuulkiisii.
{Kuwii Allaah iyo diintiisa xaqqa ah rumeeyeyow, Allaah ka cabsada cabsi dhab ah hana dhimanina idinkoo aan muslimiin ahayn.} [Aali cimraan: 102] {Dad yohow rabigiina ka cabsada, idinka abuuray naf keliya (Aadam calayhi salaam) ee ka sii abuuray xaaskeedii (Xawaa calayhaa salaam) ee ka sii abuuray rag badan iyo dumar oo ku kala fidiyey dunida guudkeeda, ka cabsada Allaaha aad wax isku waydiisataan iyo inaad riximka gowsaan, Allaah kor buu idinka ilaalinayaa oo waa ogyahay acmaashiina} [Nisaa: 1].
{Kuwii Allaah iyo diintiisa xaqqa ah rumeeyeyow Allaah ka cabsada oo ku hadla hadal toosan wuxuu idiin hagaajin acmaashiina wuuna idiin dembi dhaafi kii Allaah iyo Rasuulkiisa adeeca ayaa liibaanay liibaan wayn (janada nimcooyinka badan gelaaya)} [Alaxzaab: 71&72].
Intaa ka dib: hadal waxaa u khayr badan hadalka Allaah, jid lagu hanuunona wax u khayr badan kii Maxamed sala Allaahu calayhi wasalam, arimaha waxaa u shar badan kuwa la abuuro, arin kasta oo la abuuraana waa bidca, bidca kastaana Naar ayay geli.
Intaas ka dib:
Waxaa Naftayda ku soo
dhacday in aan ku furo Fadhigan Kelmed ah in kasta oo aanay ku saabsanayn Arin ka qarsoon Dadka guud ahaan ama qaar badan oo ka mid ah laakiin kama madhan Kelmedanu inay soo qadinto Cilmi Dadka badankiisu u baahan yahay ama ay noqoto Kelmedanu baabka xusuusin iyo waano, waanada iyo xusuusintuna waxay anfacaan Mu’miniintaAllaah casaa wajalaa wax walba wuxuu u yeelay sabab Xikmadiisa darteed, sababaha uu Allaah casaa wajalaa u yeelay ee xaqiijinaya wixii sababay waxay u qaybsamaan laba qaybood:
Tan kowaad
waa: sababah Koonka ah ee MaadadeedTan labaadna
waa: sababah Sharci ah ee DiineedHadaba qaybta kowaad waxa ka wada qayb gala oqoonteeda kuwa wanaagsan iyo kuwa xunba, Mu’miniinta iyo Kaafiriintaba waana sababaha Maadadeed, Cuntada iyo Cibitaanka tusaale ahaan Dadka oo dhami way wada ogyihiin inay yihiin sababaha Nolosha, Hawada aan qaadanayno Dadku waa sidoo kale, dabadeed ayaa waxaa bilaabanta inay sababahaasu sii horuu maraan oo sii dhuuntaan ilaa ay ku soo hadhaan Dad gaar ahi aqoonteeda taasu waa sababah Maadadeed, sidaas oo kale weeye Arintu sababaha macna ahaaneed ee Sharciga ahina, waxa ka mid ah sababaha dhamaan la wada yaqaano in gelista Janada iyo gelista Naarta mid waliba leedahay sababteeda Sharciga ah waana:{
من عمل صالحاً فلنفسه ومن أ سـآء فعليها [فصلت: 46} {kii samaya Camal wanaagsan waana Camalka Allaah casaa wajalaa uu amray iyo Rasuulkiisu sala Allaahu calayhi wasalam taas wuxuu u samayay Naftiisa isaga ayay anfacaysaa abaal marinteeda Aduunka iyo Aakhiroba, kii Camal xun samayaana waana Camalka aan Allaah casaa wajalaa ka raali ahayn wuxuu u samayay Naftiisa dhita ciqaabteeda Aduunka iyo Akhiroba}, iyo {أدخلوا الجنة بما كنتم تعملون [النحل:32} {ku gala Janada Camalkiinii wanaagsanaa ee aad samayn jirteen oo ah iimaankiinii Allaah casaa wajalaa iyo u hogaansanaantiinii Amaradiisa waayo Camalku waa sababta iyo Asalka gelista Janada iyo ka badbaadida Naarta}, sidaas oo kale Naarta ma gelaayo ilaa Kufaar iyo Faasiqiin mooyaane iyada oo uu yahay faraqa labadan u dhexeeya in kuwa hore ay ku waari doonaan Naarta kuwa dambe se way ka nabad gelayaan ku waaritaanka Naarta sababtuna waa Iimaankoodii iyo Towxiidkoodii ma rabo inaan halkan ku sii dheeraado ee waxaan rabaa in aan sheegoXadiis uu ku soo weriyey Iimaam Muslim Saxeexiisa waana Xadiiska Abu Hurayra radiya Allaahu canhu wuxuu yidhi:[قال رسول الله صلى الله عليه وسلم: والذي نفس محمد بيده لا تدخلوا الجنة حتى تؤمنوا، ولاتؤمنوا حتى تحابوا، أولا أدلكم على شيئ إذا فعلتموه تحاببتم أفشوا السلام بينكم] [wuxuu yidhi Rasuulkii Allaah sala Allaah calayhi wasalam: waxaan ku dhaartay kay Nafta Maxamed Gacantiisa ku jirto ee (yacni wuxuu ku dhaartay Allaah subxaanahu wa tacaalaa) maad gelaysaan Janada xataa aad aamintaan mana aaminaysaan xataa aad is jeclaataan, ma idin tusaa Shay hadaad samaysaan aad is jeclaanaysaan ku fidiya salaamta dhexdiina], Halkan weeye taan u jeeda oo u soo araranaayey in aan cadayo in ay jiraan sababa Sharci ah oo aanay garanayn Dad badani [لا تدخلوا الجنة حتى تؤمنوا، ولا تؤمنوا حتى تحابوا، أولا أدلكم على شيئ إذا فعلتموه تحاببتم أفشوا السلام بينكم], hadaba fidinta salaamta ee Muslimku walaalkiisa Muslimka ah waxay sababa Sharci ah u tahay inay jirto kalgacal dhex mar Muslimiinta. Maanta waxaad helaysaa Dad badan qaar Wadamada Carabta ah ee ay ahayd inay noqdaan kuwa ugu dhow Kitaabka iyo Sunnaha ugu horayn xaga fahamka tan labaadna ku camal falkiisa ayaad helaysaa oo wax ahmiyada aan siinayn maaha fidinta salaamta ee laakiin gaysashada salaamta waxaan u malaynayaa inaad iila fiirsataan faraqa u dhexeeya gaysashada salaamt iyo fidinta salaamta halkan Arintu waa guud ahaan iyo gaar ahaan, fidin salaamta oo kasti waa gaysasho salaam ma se aha gaysasho salaamta kasti fidin salaamta ah, fidinta salaamtu waa yacni isticmaalista badan waa salaamista badan, gaysashada salaamtu se macnaheedu maaha fidinta salaamta, Adigu tusaale ahaan gaysashada salaamta ee ay tahay laabudka inaad samaysid Sharci ahaan oo aad noqonayso mid dembaabay Allaah ka ma dhigee hadii aanad gaysan salaamta sida saxa ah Hadalada Culimada ee ah hadaad la kulanta walaalkaa oo aadan salaamin waad denbaabtay[إذا لقيت مسلماً فسلم عليه،فإذا لقيت ولم تسلم فقد أثمت] waayo gaysashada salaamtu sidaan soo ishaaray hadda sida saxa ah ee Hadalada Culimada waa waajib sida celinteeda, hadaba Dad badan baa qaarkood ba qaarka kale la kulmaa isumana gaystaan salaamta laynku amray Islaamka ee waxay is yidhaahdaan Subax wanaagsan, Galab wanaagsan, marxaba iwm Hadalkan, waxa taa ka sii xun oo ah wax aad looga xumaado Wadankan uun hadaad u gashid mid oo aad u gaysatid salaamta wuxuu ku odhanayaa ahlan ama marxaba iwm Hadalkaan, gaar ahaan hadaad salaamta ku sagootido kamaad maqlaysid wax celin ah salaamtaas taasuna waxay khilaafsantahay Quraank kariimka ah, Arintaanu inkastoo aanay ka mid ahayn Arkaanta Islaamka ama Tiirarka Islaamka laakiin se waxay ka mid tahay runtii waajibyada Diinta hadii aanay gudan Muslimiintu ma u malaynaysaan inay gudanayaan Jihaadka wayn? Ma kari karaan sidaas darteed ma jiro waxa Dariiq ah inay damcaan Muslimiinta u caadifadaysan Jihaadka dhabta ah ee dar Allaah casaa wajalaa ilaa Cilmi mooyaane ugu horayn dabadeedna Camal fal ku salaysan Cilmiga nafciga leh markaa waxa ah Cilmiga nafciga leh hadaad la kulanto inaad salaamtid {وإذا حييتم بتحية فحيوا بأحسن منهآ أوردوها [النساء: 86]} {Allaah casaa wajalaa wuxuu ku amray Mu’miniinta hadii la salaamo Salaam inay u salaamaan si ka sii fiican ama u celiyaan si la mid ah} hadaba hadaan Dad waynaha Muslimiintu ee Maanta ay dayaceen waajibkan aan waxba kalifayn inuu yidhaahdo mooyaane halkuu ka odhan lahaa marxaba uu yidhaahdo Asalaamu calaykum [السلام عليكم] wax ay kalifaysaa ma jirto laakiin iyaga oo aan ku soo raboobin tarbiyad Islaami ah ayay waxay ku noolaayeen iyagoo ka fog odhan maayo Sunnaha Maxamediga ah ilaa macnahiisa Sharci ahaaneed mooyee ee waa Manhajka Maxamediga ah oo ah kii uu oogay sala Allaahu calayhi wasalam iyo Asxaabtiisii kiraamka ahayd redwaanu Allaahi calayhim ajmaciin. Ma doonaayo sidii aan goostay in aan ku dheeraado Kelmedayda ee waxaan doonayaa in aan u sheego walaalahayga feejig ee aan u malaynaayo in aanay u baahanayn hordhacan oo kale ilaa in la yidhaahdo waa dhinaca xusuusinta iyo waanada maahee xusuusinta iyo waanaduna waxay anfacaan Mu’miniinta laakiin waxa laga yaabaa inay u baahan yihiin in ay bartaan ama ugu yaraan la xusuusiyo sida mudan sidan ay soo socoto cadaynteedu oo ah Xadiis saxeex ah oo uu weriyey Iimaam Axmed iyo qayrkiiba waana: [أن النبي صلى الله عليه وسلم كان في مجلس حينما دخل رجلٌ وقال: السلام عليكم، فرد عليه ثم جلس، فقال النبي صلى الله عليه وسلم: عشره، ثم جاء أخر،فقال: السلام عليكم ورحمة الله، فرد عليه فجلس، فقال النبي صلى الله عليه وسلم: عشرون، ثم جاء أخر،فقال: السلام عليكم ورحمة الله وبركاته،فرد عليه فجلس، فقال النبي صلى الله عليه وسلم:ثلاثون، إنتبه بعض الحاضرين فقالوا يارسول الله دخل فلان، فقلت:عشره، ولما دخل فلان، قلت: عشرون، ولما دخل فلان، قلت ثلاثون، قال صلى الله عليه وسلم: نعم، الأول قال: السلام عليكم، فكتب له عشره حسنات، والثانى زاد عليها ورحمة الله فكتب له عشرون حسنه، والثالث زاد عليها وبركاته فكتب له ثلاثون حسنه] [Nebigii sala Allaahu calayhi wasalam ayaa wuxuu fadhiyay Gole markuu u soo galay Nin wuxuuna yidhi: Asalaamu calaykum, markaas ayaa loo celiyay Salaamtii dabadeedna wuu fadhiistay, markaas ayaa Nebigii sala Allaahu calayhi wasalam yidhi: toban, dabadeedna mid kale ayaa yimi oo wuxuu yidhi: Asalaamu calaykum waraxmatullaah, markaas ayaa loo celiyay dabadeedna wuu fadhiistay, markaas ayaa Nebigii sala Allaahu calayhi wasalam yidhi: labaatan, dabadeedna mid kale ayaa yimi wuxuuna yidhi: Asalaamu calaykum waraxmatullaahi wabarakaatuhu, markaas ayaa loo celiyay dabadeedna wuu fadhiistay, markaas ayaa Nebigii sala Allaahu calayhi wasalam yidhi: sodon, waxa u fiirsaday qaar kuwii joogay Golaha waxayna yidhaahdeen: Rasuulkii Allaahow waxa soo galay hebel, markaas baad tidhi toban, markuu soo galay hebelna waxaad tidhi labaatan, markuu soo galay hebelna waxaad tidhi sodon, markaas buu yidhi sala Allaahu calayhi wasalam haa, kii hore wuxuu yidhi: Asalaamu calaykum, markaas baa loo qoray toban xasanadood, kii labaadna wuxuu dheeraysiiyay waraxmatullaah, markaas baa loo qoray labaatan xasanadood, kii saddexaadna wuxuu dheeraysiiyay wabarakaatuhu, markaas baa loo qoray sodon xasanadood], markaa waxaan idin la doonayaa inaad u feejignaataan in aad ku kasbataan xasanaadka sababaha ugu hawsha yar, midkeen wuu fadhiisanayaa oo ku hadlayaa Hadal hadii aan nidhaahno in aan lagu xisaabin isaga Maalinta Qiyaamaha, laakiin ugu yaraan aan nidhaahno in aan looga qorayn wax Ajar ah, markaas noloshiisii waa khasaare, hadaba hadaad soo gashaan Gole u qaata fursad si intaydaan fadhiisanba laydiinku qoro sodon xasanadood, ha soo gelin oo ha odhan: Asalaamu calaykum ha noqonina kuwa ku qanca Ajarka yar bal waxaad noqotaan kuwa damaaciin ah xaga khayrka waxaad tidhaahdaa: Asalaamu calaykum waraxmatullaahi wabarakaatuhu si laguugu qoro sodon xasanadood tan kale waxaad u tahay sabab iyo tuse inuu kuu celiyo kan salaamta celinayaa kaas oo ay noqonayso celintiisu Ajarkii mid la mid ah hadii ay celintiisu tahay la mid ama uu ku dheeraysiin karo toban xasanadood oo kale waayo markaad u gaysatay Salaamtii oo dhan oo ay jumlada u dambaysaa tahay wabarakaatuhu waxaa lagu qorayaa sodon xasanadood ,haduu isaguna ku joojiyo celintii ilaa halkaa isagana waxa loo qorayaa sodon adigana waxaa lagu qorayaa sodon Camal ah iyo sodon Tusmo ah waayo Rasuulku sala Allaahu calayhi wasalam wuxuu yidhi: [الدال على الخير كفاعله] [kan khayrka tusaa kii sameeyay buu la mid yahay] wuxuu ku celin karaa kan Salaamta celinayaa taasuna waa tan aan uga goleeyahay hadalkayga kan waayo Arintu waa Guri laga guuray oo aan lagu camal falin waana hadii uu Muslimku kugu yidhaahdo: Asalaamu calaykum waraxmatullaah wabarakaatuhu Allaahna casaa wajalaa uu yidhi Macsharka Muslimiintow: {وإذا حييتم بتحية فحيوا بأحسن منها أوردوها} maxaa hadaba ka wanaagsan: Asalaamu calaykum waraxmatullaahi wabarakaatuhu Culimo badani waxay yidhaahdeen waxba kama wanaagsan markaa waxay is hortaageen celintii ahayd mida ka wanaagsan iyadoo aad iyo aad dabiqida Quraanka ah inaad dheeraysiiso celinta Salaamta dhan [ومغفرته] [wamaqfiratuhu] markaas ayaa waxaa laguu qorayaa xaaladanuna waa tusmo maxaa laguu qorayaa? Afartan xasanadood [والدال على الخير كفاعله], taas weeye taan doonaayay in aan fiiradiina u soo jeediyo oo idinku waaniyo iyadaana ahayd gundhigii hadalkayga oo dhan hadana waxaynu furaynaa su’aalihii ha ku soo galo midkiin idinka mid ahi Salaam dhan si loogu qoro sodon xasanadood oo loogu qoro tusmo sodon xasanadood oo tusid ah waayo ma banaana kan celinayaa Salaamta inuu ku joojiyo: Wacalaykumu asalaam waayo kii Salaamta gaystay wuxuu yidhi: Asalaamu calaykum Waraxmatullaahi wabarakaatuhu, markaa waxa waajib ah Muslimkow inaad ku tidhaahdo: Wacalaykumu Asalaamu waraxmatullaahi wabarakaatuhu, waxaan ka sii wanaagsan celinta inaad dheeraysiiso Wamaqfiratuhu taas ayaan doonaayay Allaah baana waafiqinta haya.Halkaa ayuu ku dhamaaday hadalkii Shiikhu Allaah ha u naxariistee naxariis waasac ah anana xaqqa hana waafiqiyo oo hanaga dhigo kuwii hadalka dhegaysta oo kiisa fiican raaca aamiin
اللهم صل وسلم وبارك على عبدك ونبيك محمد وعلى آله وصحبه وأتباعه إلى يوم الدين
Qore: Maessa Asalafi InshaaAllaah
Xusuus
: waxaa jira walaala fara badan oo markay qorayaan tusaale ahaan: Asalaamu calaykum waraxmatullaahi wabarakaatuhu ama sala Allaahu calayhi wasalam ama subxaanahu watacaalaa iwm masa'ladahan way soo gaabiyaan sidan bayna u qoraan: Asc ama asc wr wb iyo Scw iyo shwt iwm Arintaan maaha mid banaan Culimaduna wax badan bay ka hadleen waana diideen aadna waa uga digeen hadaba cidii jecel faah faahin Mawduucan ku saabsan waxaad ka heli kartaan halkan ee halkan guji
bravenet.com