untitled
Ma
yeelan doontaan laba Baal oo aad ku duushaan, ka dib markaad ogaataan maxay?!!!!
Mahad iyo Amaan Allaah ayaa mudan oo iska leh,
Rabiga Caalamiinka, Amaan iyo Nabad gelyo korkiisa ha ahaato kii aanu jirin Nebi
ka dambeeyaa iyo Ahalkiisii iyo Asxaabtiisii dhamaantood
Intaas ka dib:
Qoraalkanu wuxuu la xidhiidhaa Caafimaadka, waana wax yeelada uu u leeyahay Bani
Aadamka Sharaabka Tamarta ee la yidhaahdo RedBull, kaas oo beryahan dambe ay Dad badani aad u xiisayaan oo aad u
jecel yihiin, waxayna yidhaahdaan Dadka lagu ibtilayay cabistiisa Sharaabkan,
markaad cabto wuxuu kuu yeelayaa laba Baal oo aad ku duusho, taasna waxaynu ka
fahmi doonaa wax yaabaha keenaaya Warbixinahan soo socda, runtii Qoraalkan hore
ayaan ugu soo gudbiyay Mareegaha qaar oo ay soo daabaceen laakiin ku soo
celintiisa waxaa keenay ahmiyada uu leeyahay iyo iyadoo aan helay Warbixin ka
soo baxday Dalka Australia oo lagaga hadlaayo wax yeeladiisa taageeraysana
Warbixinihii aan hore halkan ku sheegnay
Inshaa Allaah Sheekada aan Qoraalkan ku soo qaadan doonaa, waa Sheeka run ah oo
dhacaday aadna u muhiim ah, waxaana ka rajaynayaa dhamaan in mid kasta oo idinka
mid ahi uu ku dedaalo fidinteeda oo aynu isku gargaarno taas, waayo waa Arin
anfacaysa Muslimiinta in looga digo Sharaabkaa iyo kuwa la mid ka ah, waana Arin
laynagu amaray in aan isku gargaaro siduu yidhi tacaalaa:
{وَتَعَاوَنُواْ عَلَى
الْبرِّ وَالتَّقْوَى} {waxaad isku gargaartaan qaarkiinba qaarka kale Samafalka oo ah Magac
kulminaaya wax kasta oo uu Allaah tacaalaa jecel yahay oo uu ka raali yahay ee
ah Camalada muuqda iyo kuwa qarsoonba ee ah Xuquuqda Allaah iyo Xuquuqda Bini
Aadamkaba, waxaad kaloo isku gargaartaan Taqwada oo ah Magac kulminaayaan ka
tegista wax kasta oo uu karhaayo Allaah casaa wajalaa iyo Rasuulkiisu sala
Allaahu calayhi wasalam ee ah Camalada muuqda iyo kuwa qarsoonba iyo samaynta
wax kasta oo ka mid ah Waxyaabaha Khayrka ah ee laysku amray samaynteeda iyo ka
tegista wax kasta oo ka mid ah Waxyaabaha Sharka ah ee laysku amray ka
tegisteeda, Adoonkuna wuxuu ku amran yahay inuu isagu Naftiisu samayo kuna
gargaaro samaynteeda Walaalihiisa Mu’miniinta ah}
Waxayna tahay Sheekadu in Nin Guri iyo laba Gabdhood leh ay qadertu
noqotay in uu u dhoofo isaga iyo Xaaskiisii iyo labadiisii Gabdhoodba Wadanka
Thailand si uu isugu soo samayo Baadhitaano Caafimaad, Ninkii wuxuu Dhakhtarkii
u sheegay Arin aanu filanayn oo kedisa ku noqotay, waana in uu yahay Madhalays
yacni aanu Caruur dhali Karin, bal malay siday noqon karto Xaaladiisu Ninkaa
markii loo sheegay Warkan aan wanaagsanayn, wuu wareeray wuxuuna ku dhowaaday
Waali
Ficilkii ugu horeeyay ee uu samayayna wuxuu noqday in uu tuhmo Xaaskiisii
Miskiinada ahayd, isagoo ku tuhmaaya maadaama uu yahay Madhalays meesha ay ka
keentay labadan Gabdhood, ku dheeraan mayno faah faahinta halkan wixii dhex
maray labada dhinac iyo Xaaladii Nafsiga ahayd ee ay ku noolaayeen Mudadaa,
laakiin ugu dambayntii waxaa yimi Baaditaankii DNA ga kaas oo soo geba gebayay
Arintii oo ka kor qaaday Xaaskiisii Miskiinada ahayd ee Shariifada ahayd
Tuhumkii iyo Dembigii aanay lahayn ee uu dusha ka saaray oo uu cadayay in uu
isagu waa Ninkii ee Gabdhahan dhalay,
Halkan ayaa waxaa ku dhacay Dhakhtaradii Amaankaag aad u adag iyo Arintii oo la
garan waayay siday u dhacday, waxayna la yeesheen Reerkii Fadhiyo badan oo
waraysi ah, iyaga oo Su’aalo ka waydiiyay Arima badan oo Xasaasi ah oo ku
saabsan Noloshooda, waxa ka mid ah faah faahinta jawaabahaa ay bixiyeen Qowsku
in Xaaska Jawaabeheeda ay ka mid ahayd in uu Ninkeedu cabo 3 ilaa 4 Qasacadood
oo ah Sharaabka Tamarta ee la yidhaahdo RedBull Maalin kasta, waxayna bilaabeen
Dhakhtardii in ay Baadhaan Sharaabkaa iyaga oo ka soo qaaday Goobo kala gedisan
Taas oo Reerkii loo sheegay Baaditaanka ka dib, in ay Sharaabkan samayso isla
Shirkada samaysa Sharaabka Gaasta ah ee la yidhaahdo Pepsi Cola, ayna ku jirto
Nisbad ah Viagra, ayna tahay Maadada laysay Xayawaankii Manida ee Biyaha Ninka,
taas oo keentay in uu Madhalays noqdo
Waxa kale oo jirtay in Dalka Sweden ay Maamulkiisu uga digeen Dadka si Rasmi ah
in ay cabaan Sharaabka la yidhaahdo RedBull, waxayna tilmaameen in ay ku jirto
qaar Sharaabada Noocan ah Maadada la yidhaahdo Aivdrin ee u eg Maadada
Adrenaline taas oo u kalkaalisa Maadada Caffeine si Waxyeelo gaadhsiinaysa
Wadnaha
Waxaa ku
jirta Nisbad badan oo Isbiirta ah
Bal waxaa ku jirta Nisbada badan oo Isbiirta ah, sida lagu cadayay Shaybaadhka
Police ka ee Dubai, Warkaas oo lagu qoray labada Jariidadood ee Alitixaad iyo
Alkhaliijba, oo ah in Sharaabka RedBull ay ku jirto Nisbad Isbiirto ah oo ah
0.04%grms, waxaana taas lagu ogaaday iyada oo Nin lagu soo qabtay Tuhmada ah in
uu Gaadhi kaxayay Isaga oo cabsan ama sakhraansan
Dabadeedna uu Ninkaasu kaga dooday Maxkamada horteeda in aanu Weligii cabin
Khamri iyo wax la mid ah toona, markii aad loo baadhay oo la waraystayna wuxuu
sheegay in uu Habeenkaa cabay dhowr Qasacadood oo ah Sharaabka RedBull, iyadoona
Cadaalada la meel marinaayo waxay Amartay Maxkamadii Police ka ee Dubai in la
baadho Samples kala duwan oo meela kala duwan laga soo qaaday oo ah Sharaabka
RedBull
Runtiina waxaa Warbixintii lagu cadayay sida aan kor ku soo xusnay, sidaas
darteedna waxay ka bari yeeshay Maxkamadii Police ku Ninkii eedaysanaha ahaa oo
ka korqaaday dhamaan wixii lagu soo eedeeyay, laakiin Arintani waxay raali gelin
wayday oo ka biyadiiday Dowladihii hoose ee Imaaraatka iyaga oo ku andacoonaaya
in Nisbada Isbiirtada ah ee ku jirtaa Sharaabka RedBull ay tahay mid la ogol
yahay Caalam ahaan!!!!
RedBull wuxuu kordhinayaa khatarta ah qaadista Stroke
ga Maskaxda (Mind stroke)
Waxay ka digeen Baadhayaal Australian ah Maalintii Sabtida ee 16/8/2008 dii, in
cabista Qasacad ama Quraarad ah Sharaabka Tamarta ee RedBull Maalin kasta ay
suuragal tahay in ay kordhiso khatarta ah inaad qaado Xanuunada Wadnaha iyo
Stroke ga Maskaxda, xataa Dadka Da’doodu yar yar tahay, waxayna ku sheegeen
Diraasad ay samayeen in cabista Qasacad mugeedu yahay 250mls oo ah Sharaabkaas
kuu yeelaya labada Baal ee aad ku duusho siday qaarkood ku sifayaan, uu kordhiyo
isku dhegista iyo adkaanta Dhiiga wuxuuna sii kordhiyaa halista qaadista Stroke
ga Maskaxda
Wuxuuna yidhi Khabiirka ku takhasusay Xanuunanada Wadnaha ee Dhakhtarka
Boqortooyada ee Edelaid ee Australia Baadhaha Dr. Scot Wolfbe, in Saacad ka dib
markaad cabtid Sharaabka RedBull uu iska taagayo Qalabka Dhiigu shaqada si
dabeeci ah, wuxuuna ku daray in Calaamadahan ay suuragal tahay in ay fishaan
kuwa qaba Xanuunada Wadnaha iyo Mareenada Dhiiga
Wuxuuna sheegay, in hadii ay sii korodho isku dhegista iyo adkaanta Dhiigu oo ay
hoos u dhacdo saamaynta uu ku leeyahay Mareenada Dhiiga, in ay tanu Arinta ku
sii kordhinayso Adayg iyo faham la’aan, isaga oo tilmaamaya in Arinku
noqonaayo mid ka sii khatar badan hadii uu Qofku qabo Dhiig Kar ama Xanuunada
Wadnaha iyo Mareenada Dhiiga
Wuxuuna yidhi waxaan dareemay welwel kaas oo gaadhsiisan in aan iska daayo
cabista Sharaabkan RedBull ka biqis khatarta uu ii leeyahay awgeed, waxaana ku
jirta Sharaabkan nisbad aad u saraysa oo ah Maadada Caffeine, iyada oo ay ku
jirto Qasacada caadiga ah 80mgs oo Maadadaas ah
Waxana ka mamnoocay in Dalkooda lagu iibiyo Dowlado sida Norway, Uruguay iyo
Denmark sababta oo ah khatartiisa Caafimaad ee suuragalka ah, hase yeeshee taasu
kama ay horjoogsan Shirkada samaysa Sharaabkaas in ay ka iibiso ku dhowaad 3.5
milyaarood oo Qasacado iyo Quraaradood 143 Dowladood oo Caalamka ah Sanadkii
tegay, Warbixintan waxaan ka soo xigtay Bogga Internetka ee Aljaziira
Markaa walaalayaal inaguma cusba Mowduuca Sharaabka Gaasta iyo Tamarta ah oo
horaynu wax badan uga hadalnay Dhibta Caafimaad ee uu Jidhkeena u leeyahay iyo
tan Diineedba, hase yeeshee kana waxaa uu sii kordhinayaa Cadaymaha aan kala
go’ayn ee aynu Maalin walba ka ogaanayno waxa yeelada Dhinac kasta ah ee uu
inoo leeyahay Sharaabkanu, markaa waa in aan ka fogaynaa oo aynaan keensan
Guryeheena iyo Meheradeheenaba oo aan ka fogaynaa cabistiisa Dadkeena oo uga
dignaa dhamaan Muslimiinta Sharaabkan Laciinka ah
Wabillaahi atowfiiq
©Xuquuqda oo dhan waxay u
xafidantahay Bogan: http//:doorasho.bravehost.com
walaalkayga
Muslimka ahow dhamaan
waxa laga helo Bogan
waxaad u isticmaali kartaa si shakhsi
ahaaneed iyo fidinta Dacwada
جميع الحقوق محفوطة لموقع الإختيار
أخي المسلم بإمكانك الإستفادة من محتويات
الموقع في الإستخدام الشخصى ونشر الدعوة
Webmaster: maessa2@gmail.com