|
|
ÒßÑíÇ Úáí ÏíÑíÉ
ÇáÓáÝí ÃÈæ íÍíì
ÇáÃËÑí ÍÝÙå Çááå
æËÈÊå Úáì ÇáÍÞ
|




             
{qaraxa
iyo aragtida sharciga iyo xalka}
WAAJIB
AKHLAAQEED, DIINEED, SIYAASADEED IYO MID
BULSHADEED INTABA AYAA SAARAN MUSLIMIINTA MAANTA
SIDII DUNIDA EEY U GAARSIIN LAHAAEEN DHANBAALKA
SAXDA AH EE ISLAAMKA EE KU SALEEYSAAN NAXARIISTA,
JACEEYLKA IYO KARAAAMADA NAFTA AADNAHA.
Modoow,
Cadaan, Muslim , Kirishtaan, Yahuud, Hinduu, Budu,
Culumo, Caamo iyo dhamaan bulshooyinka iyo diimaha
kala duwan ee dunida ka jira
ayaa iyaga oo aan u kala harin eedeeyn iyo
cambaareeyn huwiyay qaraxyadii argagaxiso ee
7/07/05 ka dhacay magaalada London iyo
iskudayadii fashilmay 21/07/05. Qaraxyadaas oo
lala beegsaday dad rayid ah oo ku sii jeeday
shaqooyinkooda. Hadaba
qormadaan waxaan ku eegi doonaa aragtida islaamka
ka taaganyaha falalka noocaan oo kale ah, iyo
asbaabaha keenay in kooxo isticmaalayo magaca
Islaamka eey hadaf ka dhigtaan dad aan wax danbi
ah galin oo ku kala nool dunida daafaheeda.
{Islaamka
iyo ilaalinta nafta aadanaha}
Qur,aanka
ayaa waxa uu ka sheekeeyay ninkii ugu horeyay ee
fal argagax u geeysta naf aan wax danbi ah
laheeyn, waa Qaabiil oo isugu astaan u noqday
argagax iyo shar oo dhan, halka Haabiil uu u
taaganyahay kheeyr iyo wanaag oo dhan, ka dib
markii uu ka gaabsaday in uu la ficlitamo
walaalkii; sidaana waxa uu ku noqday qofkii ugu
horeeyay dunida ee canbaareeeyn dusha kaga tuura
argagaxa, isaga oo yiri, sida Qur,aankuba noo soo
tabiyay: “HIDII AAD DOONEEYSID IN AAD I DISHID,
ANIGA DOONI MAYO IN AAN KU DILO; WAXAAN KA BAQAYAA
ALLE”AL-MA,IDAH 28. Waxa igu soo
dhacay markii aan magaca “Qaabiil” qorayay in
ereyga “Qabiil” oo asalkiisa Carabi ah laga
yaabo, in laga soo qaatay magaca Qaabiil; Waxeey
labaduba wadaagaan xasuuqa iyo gumaadka xaq
darrada ah, in kasta oo qabiilka wanaag iyo dhib
labadaba loo isticmaalo, hadana waxaa badan in
sida xun loo adeegsado.
“NINKII
HAL QOF XAQ DARO KU DILO WAXA UU LA MID YAHAY
ISAGA OO DADKA OO DHAN DILAY, HALKA NINKII HAL NAF
NOOLEEYA UU LA MID YAHAY ISAGA OO DADKA OO DHAN
NOOLEEYAY”AL- MA,DAH 32. Aayadaan ayaa
asal u ah karaamada islaamka siiyay nafta aadanaha
iyada oo aan loo kala qaadeeyn Muslim iyo Gaal.
Nafta muslimka ayaan aheeyn mid ka qiimo badan tan
Kirishtaanka, Yahuudka, iyo Hinduuska,sida oo kale
nafta dadka diimahaas ayaan aheeyn mid ka qiimo
badan tan muslimka. Dhinaca kale, Dhaqanka Nabiga
ayaa waxa uu ahaa mid sii xoojinaya qiimaha iyo
karaamada ilaaheey siiyay nolosha qofka, iyada oo
aan la eegeeynin diintiisa ama dhalashadiisa.
Nabiga, isaga oo weeyneeynayo qiimaha nafta, ayaa
waxa uu u istaagay janaazad nin Yahuudi ah!
saxaabadii ayaa iyaga oo yaaban u sheegay in
ninkani yahay Yahuudi! “MIYEEYSAN NAF AHEEYN”
ayuu ugu jawaabay nabiga CW.
Cadeeymaha
diinata Islaamka eey ku xarimeeyso in lagu
xadgudbo nolosha dadka weey fara badan yihiin
lamana soo koobi karo waana wax iska cad oo aan u
baahneeyn in la sii tixo. Hadaba hadii diinta
moowqifkaa cad eey ka taagantahay xurmada qofka
iyo naftiisa, maxaa keenay in kooxo Muslimiin ah
baneeystaan dhiiga dadyoowga ku nool dunida, iyaga
oo wilaba isticmaalayo magaca Islaamka, Taa waxaa
kasii daran iyaga oo taageero iyo beerlaxawsi fara
badan ka helo dadyoow badan oo muslim ah?
{FIQHIGA
NACEEBKA IYO FUQAHADIISa}
In
kasta oo dad badan eey
aaminsanyihiin in sababta dhalisay qaraxyadii
London eey salka ku haayso dagaalka Ciraaq iyo
guud ahaan dulmiga bulshadeed iyo siyaasadeed oo
eey awoodaha waaweeyn ku hayaan dalal ban oo
Muslim ah, ayaa hadana su,aashu waxeey tahay
dulmigaas siyaasadeed ama bulshadeed ma
kuu xalaaleeyneeyaa in aad xasuuq u
geeysatid dad aan danbi galin oo rayid ah? waxaan
shaki ku jiran jawaabtu in eey tahay maya weeyn,
inaga oo tix raaceeyno aragtida Islaamka ee aan
kor ku soo xusnay.
Waxaan
aaminsanahay sababta ugu weeyn oo eey kooxahaan
dadka u xasuuqaan in eey salka ku haayso
aragtiyooyin diineed oo eey caadeysteen in eey
baahiyaan kooxo muslimiin ah oo uu fikirkooda
dhagaxoobay, iyaga oo madaxa ku socodsiiya
mabaadi'da wanaagsan ee islaamka ee ku saleeysan
naxariista, jaceeylka iyo nabada. Tusale, aragtida
Islaamka ee Jihaadka ayaa waxeey tahay mid ku
saleeysan kacdoon dulmi diid ah oo u taagan
ilaalinta xuquuqda, xuriyaadka, karaamada qofka
iyo naftiisa, halka kooxahaan xasuuqida dadka
rayidka ah eey ku sheegaan in uu yahay Jihaad!
ninkii fuliyana Shahiid!
Fuqahada
argagaxa ee badanaa falalkaas ku sheega in uu
yahay Jihad, Shahiid! ayaan iyaga ama ilmahoodo
marnaba u diyaarin in eey
shahiidaan si eey ugu raaxeeystaan janada eey
dadka kale u dirayaan!
Dhaqankaan ayaa waxa uu isoo xasuusiyay sida uu
ugu egyahay dhaqanka dagaal oogayaasha Soomaliya,
oo iyaga dagaalada ku gubo ilmo eey waalid
kale dhaleen iyaga oo waliba ku sheego in eey
yihiin Mujaahidiin, halka wiilashiisa iyo
reerkiisa uu usoo diro dibadaha si eey u
badbaadaan mustaqbal wanaagsana u helaan. Fuqahada
naceeybka ayaa waxaan shaki ku jirin in eey gumaad
kasta oo dunida ka dhaco, oo lala beegsado dad
rayid ah, eey la wadagayaan eeda iyo danbiga kuwii
fuliyay sida Qaabiil oo kale.
Kooxahaan
ayaa waxeey suntooda la beegsadeen badanaa
dhalin da’yar oo uusan wali fikirkooda
bislaanin, marka hore waxeey ka gooyaan reerkooda
ka dibna waxeey ku abuuraan naceeybka bulshooyinka
eey la noolyihiin; ugu danbeeyn dhalintaas waxaa
lasoo darasto xaalad nafsi oo xun, iyaga oo
dareemo ciriiri fara badan oo dhinac walba leh.
Hadii aad dib u raacdo
noloshii hore ee dhalinyarada badanaa eey u
ugaartaan kooxahaan ayaa waxaad ogaaneeysaa in
badankood eey yahiin dhalin aan aqoon ama xariir
qota dheer la laheeyn Islaamka, waxeeyna si fudud
gacanta ugu galaan fuqahada naceeybka oo fursad u
halo in sida eey doonaan eey u sameeyaan fikirka
diineed ee dhalintaas.
{ Soomaalida
iyo dhaqanka argagaxa}
“dhaqan
uma lihin falalka noocaan oo kle ah” ayeey
soomaali badan kaga jawaabeen markii uu dhacay
iskudaygii argagixiso ee fashilmay 21/07/05 ee
lagu tuhmay in eey ku lug lahaayeen dhalinyaro
soomaali ah. Su,aashu waxeey tahay ma cid gooni ah
oo dhaqan u leh falalkaan ayaa jiro? Jawaabta waa
maya Waxaase jiro sadax sabab
oo hadii eey kulmaan eey ka dhalaneeyso falalkaan:
-
Nin
dhalinyaro ah oo eey karineeyso xamaasad
diineed, kana gubanayo dulmiga iyo
ihaanooyinka siyaasadeed ee dunida Muslimka
lagu hayo.
-
Fikir
diineed oo ku saleeysan argagax iyo naceeyb.
-
Faqiih
ku takhasusay fiqhiga naceebka iyo argagaxa
oo soo saaro “QIIL” ama “FATAAWA” uu
ku xalaaleeynayo dhiiga daka ku nool dunida
ee arigtada ku khilaafsan isaga iyo
kooxdiisa xitaa hadii eey muslimiin yihiin.
Qof
kasta oo eey lasoo darasto sadxdaan xaalad ayaa
waxa aan shaki ku jirin in uu dhaqan u yeelanayo
falalka noocaan oo kale ah dhalshadiisa ama
diintiisa cida uu doonaba ha ahaado. Taa waxa
sii dheer Dhalinyarada
Soomalida ee London ayaa waxa eey ka mid yihiin
jaaliyadaha muslimiinta ee ku nool carigaan kuwa
eey ugu fududahay in eey afka u galaan
kooxahaan, marka aan eegno guud ahan burburka
manta ku habsaday dadkeena meel walba eey
joogaan, iyo gaar ahaan burburka qooyska oo
wadamadaan yurub aad agu badan.
Dhamaadkii
sanadkii tagay 2004, ayaa salaadii Casir waxaan
ku tukaday masjid ku yaalo waqooyiga London,
isla markii salaadii laga baxay ayaa wxa
istaagay wiil da’yar oo soomaali ah, waxuuna
isaga oo qeeylinayo ku dhaqaaqay xaga iyo
imaamkii masjidka, wiilkaas waxa uu ka careysnaa
imaamka, oo la sheegay, in uu u duceeyay
Janazana ku tukaday hogaamiyihii hore ee reer
Falastiin Carafat. Imaamka,
oo aan u maleeynayo in uu ahaa falastiini, ayaa
waxa uu iila muuqday nin dagan oo aqoon leh,
waxuuna si dagan ula hadlay wiilkii somaaliga
ahaa, oo isaga oo aan hadalba dhageeysaneeyn
aflagaadooyin iyo xadgudubyo badan oo afka ah u
geeystay Imamkii.
Arinta
kale ee aan aad ula yaabeey waxeey aheeyd,
wilkaa waxa taageersanaa oo hoos kasii riixayay
koox kale oo uu muuqaalkooda u ekaa
Aasiyaan(Pakistan), waxeeyna ku wada guuxayeen
si hoos ah He is right! He is
right! Tan kale ee iga sii yaabisay waxeey
aheeyd wiilka waxa uu ahaa kan ugu da,yar uguna
lafa yar kooxdaan oo xabadkooda iyo qoortooda
eey isgashanaayeen cayil daraadii. Waxaan is
weeydiiyay sababta eey wiilkaan yar isaga
harumarinayaan iyaga oo xoogaan leh! hab
dhaqameedka wiilkaas markan arkay waxaa igu
abuurmay walwal weyn, waxaana ogaaday boqolaal
kale oo wiilkaan la mid ah in eey gacnata u gali
karaan fuqahada argagaxa.
{MAXAA
XAL AH?}
Waxaan
aaminsanahay dhibka eey kooxahaan u geeysteen
diinta Islaamka in uu yahay mid aad u weeyn.
Mabaadi,dii ugu waaweeynaa ee uu Islamka u soo
dagay ee ku saleeysnaa nabad, naxariis,
isjaceeyl, iskaashi iyo wada noolaasho, waxeey
ku badaleen kuwaas lidkood oo ah qarxin,
burburin, isnaceeyb;. Hadaba Culimada iyo
aqoonyahanada muslimiinta
ayaa waxa loo baahanyahy in eey sameeyaan dadaal
badan oo eey kaga hortagayaan aragtiyadaas
guracan iyada oo la qaadayo tilaabooyinkaan hoos
ku xusan:
1-Talaabada ugu
horeeysa waa in eey noqotaa in
laga xayoobiyo marada Islaamka oo eey howadeen
kooxahaan si loo arko wajigooda dhabta ah.
2- In
lala galo kooxahaan dood furan iyo isqancin ku
saleeysan usuusha iyo dhaxalka aqooneed ee
hudanka ah ee islaamka.
3-In
si cad oo uusan warwareeg ku jirin loo
cambaareeyo falalka kooxahaan, iyada oo aan loo
yeeleeyn cudrdaar siyaasadeed iyo mid bulshadeed
midna iskaba dhaaf mid diineed.
4-In
muslimiinta gaaar ahaan dhalinyarada iyo
bulshooyinka dunida intaba loo sharxo aragtida
saxda ah ee uu islaamka ka taaganyahay falalka
kooxahaan, si looga hoos bixiyo diinta eey
gabaadka ka dhigteen.
Ugu danbeeyn, waxaa muhiim ah muslimiinta in eey
ogaadaan kooxahaan in eey khatar ku yihiin
dunida oo dhan, gaar ahaan islaamka iyo
muslimiinta,waayo waxa eey huwanyihiin magaca
diintooda. Taariikhda islaamka mar walba waxa
soo bixi jiray kooxo tira yar oo noocaan oo kale
ah oo dhan ka ah Islaamka iyo muslimiinta, mar
walbana culimada islaamka ayaa kala hortagi
jiray aragtida saxda ah ee islaamka,
ugudanbeeyna guusha waxeey raaci jirtay culimada
iyo aragtida dadka tirade badan ee muslimiinta.
Marxalada
maanta eey marayaan muslimiinta ayaa waxa eey ka
mid tahay kuwa ugu khatarsan ee soo maro
taariikhdooda, sidaa aawgeed waxaa saaran
muslimiinta waajib akhlaaqeed, diineed,
siyaasadeed iyo mid bulshadeed intaba in eey
islaamka ka badbaadiyaan kooxahaan afduubka u
haaysta, dunidana gaarsiiyaan dhanbaalka saxda
ah ee islaamka ee ku saleeysan nabad, naxariis,
karaamada qofka iyo naftiisa, ixtiraamka diimaha
bulshooyinka kala duwan ee dunida
xaqqa
waa loo dhaga nuglaadaa oo aan qaadanaa allaah
ayaa inaga raali noqonaya hadaan sidaa samayno
wallaahu
aclam wa axkam wabillaahi tawfiiq"
wasalaamu
calaykum waraxmatullaahi wabarakaatuh"
Qore: Shiikh Sakariye Asalafi Alathari
|
|
|