|
|
|
|
Si ay u joojiyaan nooc iska
celiya Daawaynta
South Africa ayaa karantiimaysay Bukaanka
qaba Qaaxada
waxay ku soo rogtay Dowlada
South Africa Karantiimo caafimaad Bukaanka qaba Qaaxada nooc oo aan wax Daawa ah
lahayn,talaabadan oo ay ku sifayeen dadka diidani in ay xad gudub ku tahay
Xuquuqda Aadamaha iyo Akhlaaqaha Daawayntaba,waxayna jiifiyeen dadka Xanuunkaa
qaba Dhisme uu ku wareegsan yahay Taar iyada oo si xoog lehna loo
ilaalinaayo oo ay ku wareegayaan Police ku si aan dadkaasu isugu deyin in ay
halkaa ka baxsadaan sida ay soo werisay Isociated Press
Waxaana fidinta Xanuunkan qayb xoog leh ka qaatay Xanuunka AIDs ka oo keenay
inuu fido Xanuunka Qaaxadu(Tuberculosis)iyo inuu soo baxo giil cusub oo xoog
badan oo iska celiya Daawooyinka ilaa hada la hayo
Waxay gaadhaysaa tirada Dadka qaba Xanuunka Qaaxada ee South Africa 343 kun oo
Bukaan oo ay ku jirto ku dhowaad 6 kun oo xaaladood oo ah nooca iska celiya
Daawada waa sida lagu sheegay tira koob ay samaysay Xukuumada South Africa
Sanadkii 2006 kii waana Natiijadii u horaysay oo rasmi ah oo daboolka lagaga
qaado tirada Dadka qaba noocan ka mid ka ah Xanuunka Qaaxada oo loo yaqaano
(Drug-resistant Tuberculosis ama XDR-TB)waxayna ku fashilmeen dhamaan wax
yaabaha loo adeegsado in lagu baadho Xanuunkan hada iyo wax yaabihii hore loo
adeegsan jirayba inay kala soocaan oo kala gartaan Dadka qaba Xanuunka Qaaxada
iyo kuwa xambarasan virus ka(HIV) ee Xanuunka AIDS ka
Hase yeeshee wuxuu tira koobku sheegayaa in ku dhowaad 60% Bukaanka Qaaxada ee
South Africa ay xambaarsan yihiin virus ka AIDS,waxayna yimaadeen arimahan dambe
iyada oo ay mudo yar ka hor ay Khuburo Dowliyiin ah Digniino ka soo saareen in
soo bixista nooc aan la dawayn karin oo ah Xanuunka Qaaxada uu noqday
tahdiid run ah iyada oo uu soo noqnoqonaayo soo bixista Xanuun iska celiya
Daawooyinka
Waxayna ka soo guurisay Isociated Press Madaxa Qaybta Qaaxada ee Munadamada
Caafimaadka Aduunka(WHO)in uu yidhi in aan shaki ku jirin in ay tahdiidu tahay
mid cad oo dhab ah isaga oo farta ku fiiqaaya arinta ah Xunuunkanu uu ku soo
noqday meela badan oo Aduunka ka mid ah,waxayna ku yeesheen Munadamada
Caafimaadka Aduunku dhowaan Shir Wadanka South Africa oo lagu diraasayay Xaalada
Xanuunkan,wuxuuna yidhi Khabiir Dowli ahi inuu inkastoo uu suurtagal Masiiba ahi
uu u muuqdo mid aan suura gal ahayn hadana ma ah mustaxiil oo waa dhici karaa
Waxayna Tirooyinku muujinayaan in ku dhowaad Milyaar Qof oo Aduunka ku nooli ay
xambaarsan yihiin Germs ka hurda ee Qaaxada oo ay ka dhintaan iyaga in ka
badan Million iyo Badh kuwaas oo ay ku jiraan Bukaanka AIDS ka ee Jidhkoodu
la'yahay awooda iska caabinta Xanuunka ee daruuriga ah,waxayna hore u dalbatay
Munadamada Caafimaadka Aduunku hawl galo gaar ah oo degdeg ah si looga hortago
musiibada ah inuu ku fido Xanuunka Qaaxadu Qaarada Africa iyada oo ay jirto in
in ka badan Nus Million African ahi ay u dhintaan Sanad walba sababta Xanuunkan
Waxa 15 Sano laban laabmay Afar jeer tirada Bukaanka Qaaxada ee 18 Dowladood
wuxuuna gaadhay ku dhowaad 2.5 million oo Qof,waxayna ogaatay Dowlada South
Africa inuu ku dhacay in ka badan 300 oo Qof guud ahaan Wadanka nooca Khatarka
ah ee Xanuunka Qaaxada ee iska celiya Daawada loo isticmaalo
Xanuunkan (Antibiotics) taas oo keentay in ay ka digaan khatarta ah inuu
fido Xanuunkanu gaar ahaan Mandaqadaha sida xooga ah ula il daran tirada badan
ee qabta Xanuunka AIDS ka
Hadaba noocan Qaaxada ee Cilmi ahaan lagu magcaabo XDR-TB oo ka qoran xaga
Mundamada Caafimaad Aduunka inay tahay noocyada iska celiya oo la dagaalam
Daawooyinka caada ahaan loo isticmaalo Qaaxada iyada oo aanay ka muuqan Bukaanka
wax ka soo rayn ah markii ay qaateen Daawooyinka aasaasiga ah ee loo
isticmaalo Xanuunkaa iyo saddex aan aasaasi ahayn ugu yaraan oo ka mid ah
Daawooyinka lixda ah ee la yaqaano
Waxayna tidhi Wakaalada Isociated Press iyada oo ka soo xigatay Wakaalada
Wararka ee South Africa in Madaxa Department Caafimaadka uu qiray in inta badan
Bukaanka Qaaxadu ay ku jiraan Dhakhtarada iyo in Xaalada badan oo Dhimasho ah la
diiwaan geliyay,wuxuuna qiray isaga oo diiday inuu wax number ah oo
rasmi ah sheego oo ku saabsan tirada Dhimasha inay jiraan in ka badan 263 oo
qaba Xanuunka Mandaqada Kuwazoolo Natal oo ah tii ugu horaysay ee lagu arkay
Xaalada qaba Xanuunkan bilowgii Sanadkii 2006 kii
Waxayna ka digtay Munadamada Caafimaadka Aduunku soo noqoshada iyo fidista
Xanuunka Qaaxada si balaadhan Aduunka oo dhan gaar ahaana Qaarada Africa iyadoo
tilmaamaysa in Xanuunkan ay sii kordhayso ka bogsad la'aantiisa sii
adkaanaysa sababta ah inuu la dagaalamayo Daawooyinka hada la hayo,waxayna
qirtay Munadamadan Caalamiga ahi in Xanuunkan ay sii kordhayso si balaadhan fidistiisu
in badan oo ka mid ah Wadamada Africa ee Koonfur ka xiga Saxaaraha Wayn taas oo
digniin u ah in ay ku dhacdo Masiiba Caafimaad Dowladahaa,waxayna gaadhi kartaa
saamaynteedu Wadama kale,iyadoo ku adkaynaysa Ahmiyada ay leedahay dedaal Dowli
ah oo lagag hortago Xanuunkan Dilaaga ah
Wuxuuna yidhi Beyaan ka soo baxay Mundamadu in Xanuunka Qaaxadu sababo
Dhimashada 6 Qof oo ka mid ah 10 u dhinta natiijada ah inay qabeen Xanuunka
AIDS ka ee Qaarada Africa halka uu hal Qof u dhinto oo ka mid ah 10 u
dhinta Xanuunka AIDS ka ee Aduunka intiisa kale.
wuxuuna tilmaamay Beyaanku in ay bilowday Munadamada Caafimaadka Aduunka
dedaalo joogta ah oo lagu wacyi gelinaayo Dadka khatarta uu leeyahay Xanuunka
Qaaxadu iyo sida looga hortegi karo,waxana ka mid ah dedaaladan in lagu qabto
Shir Dowli ah Magaalada Johansberg ee South Africa oo looga goleeyahay in
lagu booriyo Mujtamaca Dowliga ah inay samayaan dedaalo wax ku ool ah oo lagaga
hortegaayo Xanuunkan galaafanaya kumanaanka Qof Sanad walba.
Sida uu sheegaayo Beyaanka Munadamada Caafimaadka Aduunku waxa kor u kacay
tirada Dadka uu ku dhaco Sanadkiiba Xanuunka Qaaxadu taas oo gaadhay ku dhowaad
9 million oo Qof oo ay ka mid tahay 450 kun oo Xaladood oo ay adag tahay
Daawayntoodu taas oo ka dhalatay Germs yo u muujiyay la dagaalan xoogan
Daawooyinka hada la hayo.
Wuxuuna Beyaanku cadayay in Germs yadan yihiin kuwa si xoog leh ula dagaalama
Daawooyinka oo aan uga tegayn camal ahaan wax fursad ah si loogu daaweeyo
Bukaanka Daawooyinka hada la hayo,wuxuuna ka digay in Germs yadan keena Qaaxada
ay yihiin kuwa si xoog badan wax isaga celinaaya oo noqday tahdiid khatar ku ah
Caafimaadka guud gaar ahaan Mandaqadaha uu ku fiday AIDS ku ee aan lahayn
Adeegayada lagu ilaaliyo Caafimaadka
Wuxuuna cadayay Beyaanku inuu yahay Xanuunka Qaaxadu mid aad loo kala qaado
iyadoo ku dhowaad 90% Dadka qaba Xanuunka aanu ka muuqan sidoo kale waxaa suura
gal ah in Qaaxadu ka muuqdo qofka Sanado ka dib markuu qaaday hadii uu daciifo
Awoodiisa wax iska celiska Jidka ka dib markuu qaado Xanuunka AIDS ka
Wabillaah atowfiiq
Waxaa soo guuriyay: Maessa
Asalafi inshaa Allaah
©Xuquuqda oo dhan waxay u xafidantahay Bogan: http//:doorasho.bravehost.com walaalkayga Muslimka ahow dhamaan waxa laga helo Bogan waxaad u isticmaali kartaa si shakhsi ahaaneed iyo fidinta Dacwada
جميع الحقوق محفوطة لموقع الإختيار أخي المسلم بإمكانك الإستفادة من محتويات الموقع في الإستخدام الشخصى ونشر الدعوة
Web Master: maessa2@gmail.com
bravenet.com