|
|
|
|
بسم الله الرحمن الرحيم
Xukumka dabaaldega dhalashada Nebiga (Mawluudka)
حكم الإحتفال بالمولد النبي
Aliimaam Alcalaamah Almujadid Shiikh Alislaam Maxamed Nasiru-diin Alalbani
الإمام العلامة المجدد شيخ الإسلام محمد ناصر الدين الألباني
إنََّ الحمد لله ، نحمده ونستعينه ونستغفره ،ونعوذبالله من شرور أنفسنا، ومن سيئات أعمالنا ، من يهده الله فلامضل له ومن يضلل فلا هادي له، وأشهد أن لا إله إلا الله وحده لاشريك له، وأشهد أن محمداً عبده ورسوله. {يا أيها الذين آمنوا اتقوا الله حقَّ تقاته ولاتموتن إلا وأنتم مسلمون}[آل عمران :102] . {يا أيها الناس اتقوا ربكم الذي خلقكم من نفسٍ واحدة وخلق منها زوجها وبث منهما رجالاً كثيراً ونساءً وتقوا الله الذي تسآءلون به والأرحام إن الله كان عليكم رقيباً}[النساء:1] {يا أيها الذين آمنوا اتقوا الله وقولوا قولاً سديدا. يصلح لكم أعمالكم ويغفر لكم ذنوبكم ومن يطع الله ورسوله فقد فاز فوزاً عظيما}[الأحزاب: 70و71]
أما بعد: فإن خير الكلام كلام الله ، وخير الهدي هديُ محمد صلى الله عليه وسلم، وشر الأمور محدثاتها، وكل محدثةٍ بدعة, وكل بدعة ضلالة ، وكل ضلالةٍ في النار .
وبعد:
Allaah ayaa mahad iyo amaan mudan oo iska leh, waan u mahad celinaynaa waan kaashanaynaa dembidhaaf ayaan waydiisanaynaa, waxaan Allaah ka magan gelaynaa shararka nafahayaga, iyo acmaashayada kuwooda xun, kii Allaah hadeeyo cid lumin kartaa ma jirto, kii Allaah luminayona cid hadayn kartaa ma jirto, waxaan qirayaa inaanu jirin Ilaah xaq lagu caabudaa Jiritaanka oo aan Allaah ahayn kelidii oo aan lahayn wax shiriik ah oo lagu lamaaneeyo, waxaan qirayaa in uu Maxamed yahay adoonkii Allaah iyo Rasuulkiisii.
{Kuwii Allaah iyo diintiisa xaqqa ah rumeeyeyow, Allaah ka cabsada cabsi dhab ah hana dhimanina idinkoo aan muslimiin ahayn.} [Aali cimraan: 102] {Dad yohow rabigiina ka cabsada, idinka abuuray naf keliya (Aadam calayhi salaam) ee ka sii abuuray xaaskeedii (Xawaa calayhaa salaam) ee ka sii abuuray rag badan iyo dumar oo ku kala fidiyey dunida guudkeeda, ka cabsada Allaaha aad wax isku waydiisataan iyo inaad riximka gowsaan, Allaah kor buu idinka ilaalinayaa oo waa ogyahay acmaashiina} [Nisaa: 1].
{Kuwii Allaah iyo diintiisa xaqqa ah rumeeyeyow Allaah ka cabsada oo ku hadla hadal toosan wuxuu idiin hagaajin acmaashiina wuuna idiin dembi dhaafi kii Allaah iyo Rasuulkiisa adeeca ayaa liibaanay liibaan wayn (janada nimcooyinka badan gelaaya)} [Alaxzaab: 71&72].
Intaa ka dib: hadal waxaa u khayr badan hadalka Allaah, jid lagu hanuunona wax u khayr badan kii Maxamed sala Allaahu calayhi wasalam, arimaha waxaa u shar badan kuwa la abuuro, arin kasta oo la abuuraana waa bidca, bidca kastaana Naar ayay geli.
Intaas ka dib:
Waxa ii muuqatay inaan ka dhigo kelmedayda Caawa halkii Deriskii joogtada ahaa Mawduuca ah dabaaldega ay Muslimiin badani u dabaaldegaan dhalashada Nebiga calayhi salaatu wasalaam, wax kalena igama aha aan ahay inaan ku kaco Waajibka waanada iyo inaan u soo jeediyo Naseexo guud ahaan Muslimiinta waayo waa Waajib Waajibada ka mid ah sida la wada yaqaan dhamaan. Waxa Curuf u noqday Muslimiinta ka dib Saddexdii Qarni ee loogu maraga kacay khayrka, inay u dabaaldegaan dhalashada Nebiga sala Allaahu calayhi wasalam. Wuxuu ku bilaabmay dabaaldegaasu Dariiqad Maantana wuxu ku dhamaaday Dariiqad, muhiim iima aha kelmedaydan inaan kaga hadlo dhinaca Taariikhda Dabaaldegan iyo wuxuu soo maray ee is bedbedelo ahaa ee waxaa ii muhiim ah kelmedaydan in aan garano halkaan ka taaganahay Sharci ahaan Dabaaldegyadan kuwii hore iyo kuwa Casriganba, hadaanu nahay Macshar Ahlu Sunnah uma dabaaldegno siday ugu dabaaldegaan Dadkaasu dhalashada Nebiga sala Allaahu calayhi wasalam laakiin waxaan dabaaldegnaa Dabaaldeg nooc kale ah, waxaana layska garan karaa inaanan doonayn in aan ku warwareego Dabaaldegyadayada hadaan nahay Macshar Ahlu Sunnah ee waxay noqon kelmedayda tanu inaan kaga hadlo Dabaaldegyada kuwa kale si aan u cadeeyo in Dabaaldeganu in kastoo uu qaatay Qalbiyaalka Dadwaynaha Muslimiinta waayo waxay isu dhiibeen Caadifadahooda aan oqoon inuu soo xidho wax Sharci ahi haba yaraatee ee waa Caadifad iska dabaalanaya. Waxaynu ognahay in Nebigii sala Allaahu calayhi wasalam uu la yimid Diin dhan oo waafi ah aad iyo aad, Diintu waxa weeye wax kasta oo ku diin qaato Muslimku ee uu doonaayo inuu ugu dhowaado Allaah casaa wajalaa, Diin kale ma jirto oo aan taas ahayn, Diintu waa wixii uu ku diin qaato Muslimku oo uu Allaah casaa wajalaa ugu dhowaado, suura galna maaha in shay Diinta ka mid noqdo hadaanu shaygaas la iman Nebigeenii sala Allaahu calayhi wasalam, waxay se abuureen Dadku dhimashadiisii ka dib sala Allaahu calayhi wasalam siiba ka dib Saddexdii Quruunood ee looga marag kacay khayrka shaki kuma jiro inay tahay Arino la abuuray, waxaadna wada ogtihiin Dhamaantiin Xukumka waxyaabahan la abuuray oo aad ku barateen furitaanka Derisyadeen dhamaan markaan leenahay sidaad markii dhowayd maqlayseen: (
خير الهدى هدى محمد صلى الله عليه وسلم، وشر الأمور محدثتها، وكل محدثة بدعة، وكل بدعة ضلاله، وكل ضلالة في النار), Anaga iyo iyaguba waxaan isku waafaqsanahay in Dabaaldeganu uu yahay Arin la abuuray, ma jiri jirin oo keliya waqtigiisii sala Allaahu calayhi wasalam bal ma uu jiri jirin waqtigii Saddexdii Quruunood ee khayrka looga maraga kacay, sidaan soo sheegnay, waxa markaa iska cad inaan Nebigii sala Allaahu calayhi wasalam noloshiisii aanu ahay mid u dabaaldega dhalashadiisii sidaas darteed inuu Qofku u dabaaldego dhalashadiisa waxay tahay Dariiqada Nasraaniyada ama Masiixiyada ee laguma oqoon Islaamka haba yaraatee Quruunahaa aan soo sheegnay hada, markaa waxa Arin mudan ah inaan nidhaahno inaanu oqoon Rasuulkii Allaah sala Allaahu calayhi wasalam, Ciise calahi salaam Naftiisuna ee ay u dabaaldegaan kuwa loogu yeedho inay yihiin kuwii raacay uma uu dabaaldegi jirin dhalashadiisii in kasta oo ay ahayd dhalasho Caadada ka baxsan,bal dabaaldega dhalashada Ciise calayhi salaam waa Bidca ay ku soo kordhiyeen Nasaaradu Diintooda waa siduu Allaah yidhi: (إبتدعوها ما كتبناها عليهم), Rabanaa casaa wajalaa Bidcooyinkan ay qaateen Nasaaradu oo ay ka mid tahay Dabaaldega dhalashada Ciise calayhi salaam Allaah casaa wajalaa kama yeelin Sharci ee iyaga ayaa abuurtay, sidaas darteed hadaan Ciise calayhi salaam u dabaaldegin dhalashadiisii Maxamedna sala Allaahu calayhi wasalam sidoo kale aanu u dabaaldegin dhalashadiisii Allaahna casaa wajalaa uu yidhi: (وبهداهم اقتدوا) (hanuukoodii raaca), markaa taas baa ah raacitaan Nebigeenii Ciise calayhi salaam waana Nebigeenii laakiin Nebinimadiisii waa la nasakhay oo kor loogu qaaday Nebinimada kii lagu khatimay Nebiyaalka iyo Rasuulada salawaatu Allaahi wasalaam calayhi, sidaas ayaa Ciise marka uu soo dego Aakhira samaanka sida ku timi Xadiisyo saxeex ah wuxuu wax ku Xukumayaa Shareecada Maxamed sala Allaahu calayhi wasalam, hadaba hadii Maxamed sala Allaahu calayhi wasalam aanu u dabaaldegin dhalashadiisii, halkan waxay odhanayaan qaar kuwa lagu ibtilayay dabaaldegan aan Sharciga ahayni ee aynu hadalkiisa ku jiro hada waxay odhanayaan Maxamed sala Allaahu calayhi wasalam uma uu dabaaldegin dhalashadiisii waana Hadal wanaagsan waxaanu leenahay uma dabaaldegin dhalashadiisii calayhi salaatu wasalaam markuu dhintay ka dib kii wixii Allaah abuuray oo rag ahaa ugu jeclaa iyo tii wuxuu Allaah abuuray oo Dumar ahaa ugu jeclayd waana Abu Bakar iyo gabadhiisii Caa’isha radiya Allaahu canhumaa umay ay dabaaldegi jirin dhalashadiisii sala Allaahu calayhi wasalam sidoo kale Asxaabtii oo dhami umay dabaaldegi jirin sidoo kale Taabiciintii oo dhami sidoo kale Atbaacdoodii oo dhan,markay sidaas tahay sax maaha Ruux Allaah ka cabsanayaa oo aan ka gudbin Xuduudaha Allaah oo ku waana qaata Hadalka Allaah casaa wajalaa ee ah: {ولا تقف ما ليس لك به علم إن السمع والبصر والفؤاد كل أولئك كان عنه مسؤلاً } {hana raacin waxaanad oqoon u lahayn ee waa inaad hubtaa waxaad samaynayso waayo Maqalka, Araga, Qalbiga kuwaas oo dhan waa la waydiin ee}, waa inaanu odhan mid ka mid ah Dadka Rasuulkii sala Allaahu calayhi wasalam ma samayn waayo waxay ku saabsan tahay Shakhsiyadiisa, waayo waxa u imanaysa Jawaabta ah, Cid ka mid ah Asxaabtiina oo samaysayna ma jirto dhamaantood. Hadaba yaa bilaabay Dabaaldegan Ragaa ka dib oo ahaa kuwii ugu fadliga badnaa Rag oo dhan weligeedba, Dumarna ma dhalayaana kuwaa la mid ah haba yaraatee, Mudadaas gaadhaysa Saddexda Boqol ee sanadood may oqoon Dabaaldegan ama kaas, laakiin Dabaaldeg kale ayay samayn jireen oo aan u sheegi doono si kooban sidaan hada samayay taas ayaa ku filan Muslimku inuu ogaado in Arintu aanay ahay Arin caadifaadeed oo iska dabaalanaysa oo aan oqoon wax Xuduud ah oo Sharci ah, ee ay tahay raacis iyo isu dhiibis Xukumka Allaah casaa wajalaa siduu yidhi casaa wajalaa: {قل إن كنتم تحبون الله فاتبعونى يحببكم الله } {waxaad ku tidhaahdaa hadaad Allaah jeceshihiin I raaca Allaah wuu idin jeclaanayaa ee}, hadaba Rasuulkii Allaah uma dabaaldegin dhalashadiisii markaa anuna u dabaaldegi mayno,haday yidhaahdaan isagu Shakhsiyadiisa uma dabaaldegin waxaanu leenahay Asxaabtiisiina uma dabaaldegin ka dib dhimashadiisii, xagay qaban-maxay odhan? Dariiq oo dhami waa ka xidhan yahay aan ahayn inay hortaalo Xuja cad oo aanu u banaynayn Dariiq haba yaraatee inay yidhaahdaan waa Bidca wanaagsan. Waxa se bishaara wanaagsan ah oo khayr ah Maanta in qaar ah kuwa khudbadeeya iyo wacdigeliyayaasha ahba ay bilaabeen inay ictiraafaan xaqiiqadan ah in Dabaaldega dhalashada Nebiga sala Allaahu calayhi wasalam ay tahay Bidca oo aanay ka mid ahayn Sunnaha, laakiin waxay u baahan yihiin wax ah dhiiranaan Cilmi oo ay u baahantahay ishortaagista caadifadaha Dadkan Noloshoodii ku soo qaatay Quruuntaa dheer iyagoo u dabaaldegaya dhalashada Nebiga sala Allaahu calayhi wasalam, markaas kuwaa waxaad moodaa inay baqayaan ama ka warwareegayaan inay muujiyaan Xaqqa ay ku qanceen, waxay bilaabeen inay warwareegaan oo odhan maayo marna xaqiiqada ku soo dhowaadaan oo yidhaahadaan waa sax oo Dabaaldeganu ka mid maaha Sunnaha ma samayn Rasuulkii sala Allaahu calayhi wasalam iyo Asxaabtiisii iyo dhamaan Salafkii suubanaatooni laakiin Dadku way u barteen waana iska Arin yar. Sidaas buu ku marmarsoon waa khilaaf yar! Laakiin waxa xaqiiqa ah inay ku baraarugeen ugu dambayn in Arintanu ka baxday Mawduucii Dabaaldega dhalashada Rasuulka sala Allaahu calayhi wasalam in badan waxay ka hadlaan kuwa khudbadeeya Arimo aan la lahayn cilaaqo Dabaaldega dhalashada Rasuulka sala Allaahu calayhi wasalam ma rabo inaan halkan ku dheeraado laakiin waxan sheegayaa Arin aad u wayn oo had iyo jeer ka qafilan Dadwaynaha Muslimiinta xataa qaar walaalahayaga nagu la socda Dariiqa toosan inay ka fogaadaan inay ku caabudaan Allaah casaa wajalaa wax Bidca ah waayo waxa ka qarsoonaan karta in Bidca kasta oo uu Muslimku ku caabudo Rabigiisa casaa wajalaa aanay ahayn Arin yar, sidaas darteed waxaanu ictiqaadsanahay in loo qaybiyo Bidcada Muxaram iyo Makruuh iyadoo la yara nasahayo, aanay qaybtaasu lahayn wax Asal ah xaga Shareecada Islaamka, sidee bay u tahay iyadoo ka hor imanaysa Xadiiska cad ee aad had iyo jeer maqashaan iyo weligiinba: (كل بدعة ضلالة، وكل ضلالة في النار) (Bidca waliba waa baadi, baadi walibana Naarta ayay geli), Ma jirto Bidca kan sameeyaa aanu mutaysan Naarta,haday sax ahaan lahayd qaybintaasu waxay jawaabtu noqon lahayd Bidca kasta kan sameeyaa ma mutaysan Naarta waayo? Waayo qaybintaas ayaa ka dhigaysa Bidcada mid Muxaram ah oo kan sameeyaa Naar mutaystay iyo Makruuh iyadoo la yara nasahayo oo kan sameeyaa aanu mutaysan Naarta laakiin waxa fiican inuu iskaga tago oo uu diido, hadaba sirtu waxay tahay halkan baana markhaanti u ah sidaan markii hore ishaaray ee aan idhi umay fiirsan kuwa badani in Bidca kastaa siduu yidhi calayhi salaatu wasalaam dhab ahaan waa baadi, waayo Arintu waa xaga Tashriicda Sharciga taas oo aanay cidina xaq u lahayn oo aan ahay Rabiga Caalmiinka tabaaraka wa tacaalaa, hadii aad nuqdadan u fiirsateen waad garateen markaa wuxuu u yidhi calayhi salaatu wasalaam in Bidca kastaaba ay Naarta geli, waxay tahay in kan Bidcada samaynaya wuxuu sharciyayay sidii inuu ka yeelay Naftiisa inuu shuraako la yahay Rabigiisa tabaaraka wa tacaalaa, Allaahna casaa wajalaa wuxu inagu amrayaa inaan ku keliyayno Cibaadadiisa iyo Tashriicdiisa wuxu yidhi tusaale ahaan: {ولاتجعلوا لله أنداداً وأنتم تعلمون} {ha u yeelina Allaah waxaad u ekaysiisaan idinkoo garanaaya}, waxaad u ekaysiisaan dhinac kasta oo ay ka mid tahay Tashriicdu, halkan ayay ka muuqanayaan Macsharka Dhalinyarada Muslimka ee Wacyiga iyo Saqaafada leh ee uu u furmay Dariiqa barashada Islaamka saxa ah ee Muftaaxiisu yahay kelmeda Towxiidka (لا إله إلا الله) Towxiidkaas oo inagu laasiminaya siday cadeeyeen Culimada qaarkood hore oo ay ku sharxeen sharax cad markaas baa waxa raacay Qorayaal Casri ah in Towxiidkanu uu inagu laasiminayo in aan ku keliyayno Allaah casaa wajalaa Tashriicda waa inaan cidina la tashriicin Allaah casaa wajalaa Arin ha ahaato mid yar ama mid waynee waayo Arintu maaha in aan eegno Xukumkeedu ma yaryahay mise waa wayn yahay ee waxaan eegaynaa wixii keenay Tashriicdan. Hadii Tashriicdu xaga Allaah ka timid waxaan ugu dhowaanaynaa Allaah haday se ka timid cid aan Allaah casaa wajalaa ahayn isaga iyo Tashriicdiisaba waanu diidi, mana banaana Muslim inuu ugu dhowaado Allaah casaa wajalaa wax ka mid ah Arintaa waxaana ka sii mudan inaanay u banaanayn kii isagu sharci gareeyey Arintaa inuu ku sii socdo sidaas iyo inuu wanaajisto. Noocan ah ku keliyaynta Allaah casaa wajalaa Tashriicda waa kay ku magcaabeen qaar Qorayaalka Islaamiyiintu in Xukumka Allaah casaa wajalaa iska leeyahay kelidiis(الحاكمية لله ), laakiin waxa ah wax aad looga xumaado way qaateen Dhalinyaradeenu kelmedan kelmedu ma cada oo ma fasila oo ma koobayso Sharci kasta ama Arin kasta oo la soo geliyay Islaamka oo aan ka mid ahayn Islaamka iyo in kan soo geliyay uu la wadagay Allaah casaa wajalaa Arintan u khaaska ah oo kuma keliyayn Allaah casaa wajalaa Tashriicdiisa, taas ayaa sababtu tahay sidaanu ictiqaadsanahay inaanu cadayn macnahaas balaadhan ee jumladan in Xukumka Allaah casaa wajalaa iska leeyahay, kuwii wax ka qoray Mawduucan baan leeyahay oo runtii wax aad looga xumaado ah may qoreen sidaas ee waxay ku baraarugeen cadaadiska Gaalada iyadoo ay inoo ka imanayso Tashriicdan iyo Qawaaniintanu Dhulka Gaalada iyo Dhulka lagu lunsan yahay, sidaas darteed iyagu markay ugu yeedhayaan Muslimiinta oo ay ku muxaadraynayeen oo qorayeen mar walba iyo waligoodba kelmedaan Xaqqa ah oo ah in Xukumka Allaah casaa wajalaa iska leeyahay kelidii waxa hadalkoodu had iyo jeer ku biyashubaayey diidista Qawaaniintaa Shisheeyaha oo inooga timi Dhulka Gaalada sidaan soo nidhi waayo taasu waa soo gelin Sharciga waxaan aan Allaah casaa wajalaa sharciyayn Kaasuna waa hadal Xaqq ah oo aan shaki iyo murantooni ku jirin, laakiin ulajeedadaydu waxay ahayd inaan idinku baraarujiyo in Qaaciidatan wayni ee ah in Xukumka Allaah casaa wajalaa iska leeyahay kelidii aanay ku koobnayn oo keliya diidista Qawaaniintan inooga timi Dhulka Gaalada, bal waxay koobtaa kelmedan Xaqqa ahi wax kasta oo soo galay Islaamka ha ahaado mid debeda inagaga yimid iyo mid gudaheena ka yimidba mar hadaanu Islaamka ka mid ahayn, nuqdatan ayaa ah waajib inaan u fiirsano oo aynaan uun xamaasad kula kicin wixii debeda inagaga yimid oo keliya iyo Gaalnimadeed cadaanka ah aad iyo aad, taas oo keliya waa inaan u fiirsanaa markay Gaaladu Muslimiinta soo dhex galeen mudo laga joogo Quruun aad u fog oo badan Dadkuna ay qaflad kaga jireen xaqiiqadatan ku dar Masa’looyinka ay u qaadanayeen wax yaabo iska fudud, taas ayaa ku filan inaad garataan in Dabaaldeganu uu yahay wax la abuuray ee aan ka mid ahayn Islaamka, laakiin waxa waajib ah inaad xusuusataan iyada oo ay sidaas tahay hadana lagu sii adkaysto in la wanaajisto Bidcadatan oo la yara qurxisto sidaan hada soo sheegnay waa Bidca, hadaba ku sii adkaysatkeeda waxaan ka baqayaa baan ka biqi inuu galo kan ku sii adkaysanayaa kuwuu Allaah casaa wajalaa ku yidhi: {اتخذوا أحبارهم ورهبانهم أرباباً من دون الله}, waad ogtihiin in markay Aayatani soo degtay ee uu aqriyey Nebigu sala Allaahu calayhi wasalam waxa fadhiyay Golaha Cuday Bin Xaatim Adaa’I oo ahaa carabta yar ee wax aqrida oo qorta oo teeda kale Nasraaniyoobay (Masiixiyoobay) Islaamka ka hor wuxu ahaa Nasraani, markay Aayatanu soo degtay uma ay cadaan ujeedada laga leeyahay, markaas buu yidhi Rasuulkii Allaahow sidee yacni ayaa Rabigayo noo yidhaahdaa hadaanu nahay Nasraaniyiintii Islaamka ka hor: {اتخذوا أحبارهم ورهبانهم أرباباً من دون الله}, kama aanaan dhigan Rabiyaal Allaah casaa wajalaa sokadii sidii in uu u fahmay inay ictiqaadeen inay Axbaartoodu iyo Rahbaaniyiintu ay la abuuraan Allaah casaa wajalaa oo la irsaaqaan Allaah casaa wajalaa iwm, oo ah sifooyinka Allaah casaa wajalaa uga goonida ah Makhluuqaatkiisa, markaas ayuu u cadeeyey calayhi salaatu wasalaam in macnaha uu u qaatay aanay ahayn ka looga jeedaa Aayatan haba ahaado macna Xaqq ah ee yacni ma banaana in Muslim ictiqaado in insaan wax abuuri karo ama irsaaqi karo laakiin macnuhu halkan waa ka sii shisheeyaa wuxu ku yidhi: miyaydaan haday idinka xarimaan Xalaal aydaan xirmi jirin? Iyo haday idiin xalaalayaan Xaaraam aydaan xalaalaysan jirin? Wuxuu yidhi: taas waa jirtay, markaas buu yidhi calayhi salaatu wasalaam waa sidaas sida aad uga dhigateen Rabiyaal Allaah casaa wajalaa sokadiis, sidaas darteed ayaa Arinkanu khatar aad ah yahay ah wanaajisadka Bidcada, kan wanaajisanayaa isagoo og inaanu ahayn camalkii Salafkii suubanaa oo haduu khayr ahaan lahaa ay inooka horayn lahaayeen wuxuu Naftiisa soo dhex gelinayaa Axbaartii iyo Rahbaaniyiintii ee laga dhigtay Rabiyaalka Allaah casaa wajalaa sokadii, kuwa ku dayanaayaana sidoo kale waxay ka dhigan yihiin kuwii Aayatanu ku soo degtay{اتخذوا أحبارهم ورهبانهم أرباباً من دون الله}, qaradka aan taa ka leeyahay waa inaanay u banaanayn Muslimka sidaan maqalo hada iyo jeer iyo sidaan maqalay dhowaan in la yidhaahdo waxba maaha waa khilaaf yar bal khilaafku waa wayn yahay waana dheer yahay aad iyo aad waayo waxaanu u aragnaa Bidcadan iyo qayrkeedba waxay soo gelaysaa ugu horayn guud ahaan Xadiiskii hor: (كل بدعة ضلالة، وكل ضلالة في النار), tan labaadna Mawduuca Bidcadu wuxuu ku xidhan yahay Tashriicda taas oo aan Allaah casaa wajalaa cidna aanu u idmin siduu yidhi tacaalaa: {أم لهم شركاء شرعوا لهم من الدين ما لم يأذن به الله} {mise waxay leeyihiin kuwa shuraako la ah Allaah oo uga jidayay Diinta waxaan Allaah idmin } taas oo dhan waxa la odhan karaa oo keli ah markay Arintu ku joogsato waxay ku magcaabeen Dabaaldega dhalashadiisa calayhi salaatu wasalaam yacni aqriyida Qisata dhalashada(Mawluudka) markay se ku soo darsamaan aqriyidaa Arimo iyo Arimo aad u fara badan oo ay ka mid tahay waxay aqriyaan Qisatiisa calayhi salaatu wasalaam ee loo yaqaano Qisat Mawlid ugu horayn wax yaabo aan sax ahayn in loo nisbeeyo Nebiga sala Allaahu calayhi wasalam tan labaad waxay ka sheegaan sifaatkiisa calayhi salaatu wasalaam wixii ku saabsan dhalashadiisii oo ay Basharkoo dhami la wadaagaan guud ahaan, haduu waajib ahaan lahaa Dabaaldega ama banaanan lahaa ugu yaraan Rasuulku sala Allaahu calayhi wasalam waxa waajibku ahaa in la sheego Manaqibkiisii calayhi salaatu wasalaam iyo Akhlaaqdiisii iyo Jahaadkiisii Allaah dartii iyo siduu uga rogay Jasiirada Carabta meel loogu shirki yeelo Allaah casaa wajalaa ilaa meel lagu keliyayo Allaah casaa wajalaa, meel lagaga dhaqmo Akhlaaq Jaahili ah oo xun oo faasid ah ilaa iyo Akhlaaq Islaam ah, sidaa ayaa waajibku ahaa inay sameeyaan laakiin waxay qaateen Caadada ah inay aqriyaan Mawaaridka siiba ilaa iyo waqti dhowayd wax lagu tilmaami karayo Nashiidooyin iyo kelmedo aan macna lahayn, tusaale wixii xusuustayda kaga sii hadhay waayo waxay ahayd waqti fog (حملت يه أمه تسعة أشهر قمريه) (waxay Hooyadii siday Sagaal Bilood oo Qamari ah), bal waa maxay faa’iidada ku jirta sheegista warkan? Iyadoo Insaan kasta oo inaga mid ah ay Hooyadii siday Sagaal Bilood oo Qamari ah, ujeedada ma kii ugu fadliga badnaa Basharka iyo Seyidkii Bashaka calayhi salaatu wasalaam ayaa lagu xusayaa warkan ay Basharka oo dhami ka siman yihiin xataa Gaalka, haday ka baxdo ulajeedadu Mawluudka wuxu kaga bixi ulajeedadii hadalkan aan macnaha lahayn oo kale, qaarkood waxay sheegaan inuu gudnaa markuu dhashay taasuna waa Xadiisyo daciif ah iyo mawduuc, sidaas ayaa lagu amaanayaa Rasuulka calayhi salaatu wasalaam? Yacni waxaanu leenahay in Dabaaldega Asalkiisa iyadoo aanayba ku jirin wax laysku maandhaafsanyahay oo aan ahayn inuu yahay wax la abuuray ayaa ku filaan lahayd waajib ahaan in lagaga fogaado labadii Arimood ee aan soo sheegnay ee hore dartood oo ah waayo waa Bidca waana Tashriic, Allaahna casaa wajalaa kaga raali noqon maayo Insaan inuu Sharci u sameeyo wixii uu doono khalqiga balse waa sidee iyadoo ay ku soo darsamayeen Dhalashadan Sanado fara badan wax yaabo oo aan qaar soo sheegnay qaarna ay dheeraanayso ka hadlidoodu hadaan hada bilowno, markaa waxa ku filan Muslimku hadaba xusuusin iyo waano inuu ogaado wax kasta oo aan jiri jirin waqtigii Rasuulka calayhi salaatu wasalaam iyo waqtigii Salafkii suubanaa si kasta ha u dhaldhalaaliyeen Dadku ee oo si kasta ha u qurxiyeen Dadku ee oo si kasta ha u yidhaahdeen waa jeclaanta Rasuulka sala Allaahu calayhi wasalam intooda badanina waa beenaalayaal kuma jeclaadaan Rasuulka sala Allaahu calayhi wasalam ilaa hadal iyo Hees iyo Durbaan tumis iwm mooyaane, si kasta oo ay u dhaldhalaaliyaan Bidcadahakan waxa inala gudboon inaga inaan ku joogno qabsashada siday ahaayeen Salafkii suubanaa Allaah ha ka raali noqdo dhamaantood ee waxaad kaloo xusuusataan inay tahay Dabeecada Insaanka inuu ka badbadiyo qaderinta Qofka uu jecel yahay siiba haduu yahay Qofkaasu mid aan cid u dhigantaa jirin Dunida oo dhan waana Rasuulka Allaah calayhi salaatu wasalaam, markaa Dabeecada Dadka weeye ka badbadinta waynaynta Qofkaa oo aan ahayn kuwa ku amar qaata Amarada Allaah casaa wajalaa ee aan xad gudbin, kuwaasu waxay xusuusan yihiin had iyo jeer iyo waligoodba sida Hadalka Allaah tabaaraka wa tacaalaa: {وتلك حدود الله فلا تعتدوها ومن يتعد حدود الله فقد ظلم نفسه} {kuwaas weeye Xuduudihii Allaah ee ha ku xad gudbina kii ku xad gudbaana Xuduudaha Allaah wuxuu dulmay Naftiisa}, hadii Allaah casaa wajalaa uu ka dhigay Maxamed sala Allaahu calayhi wasalam Nebi markaa ka hor buu ka dhigay Bashar dhan kama uu dhigin Malak laga abuuray Nuur tusaale siday ku andacoodaan ee wuxuu ahaa Bashar iyadoo Quraanka kariimka ahi taa sugayo Markuu yidhi tacaalaa: {قل إنما أنا بشرٌ مثلكم يوحى....إلي اخر الأنة} {waxaad ku tidhaahdaa(Maxamed sala Allaahu calayhi wasalam) Anigu wax kale miihi ee waxan ahay Bashar idinka oo kale ah oo loo waxyoodo}, Isaga laftiisuna waa xaqiijiyey taas marar badan wuxuna yidhi: (إنما أنا بشر مثلكم أنسى كما تنسون فإدا نسيت فذكرونى) (wax kale maahee anigu waxaan ahay Bashar idinkoo kale ah waxbaan ilaabaa sidaad wax u ilaabtaan ee hadii aan ilaabo I xusuusiya)Marna wuxuu yidhi:
(لا ترفعوني فوق منزلتي التي أنزلني الله فيها، وإنما ضعوني حيث وضعنى ربي عزا وجلا عبداً رسولاً) (kor hay qaadina ka koraysa meeshayda uu Allaah ii yeelay, ee waxaad I dhigtaan halkii Rabigay casaa wajalaa I dhigay Adoon Rasuul ah), waxa kale oo uu ku yidhi Xadiiskan saxeexa ah ee ku yimid Bukhaari iyo Muslimba wuxuu yidhi calayhi salaatu wasalaam: (لا تطروني كما أطرت النصارى عيسى بن مريم إنما أنا عبد فقولوا عبدالله ورسوله) (hay amaanina siday Nasaaradu u amaaneen Ciise Bin Maryam ee wax kale miihi ee waxan ahay Adoon ee I dhaha Adoonkii Allaah iyo Rasuulkiisii), Anaguna markaan leenahay Rasuulka Allaah sala Allaahu calayhi wasalam Adoonkii Allaah iyo Rasuulkiisii kor baan u qaadnay oo waxaan dhignay martabadii Allaah casaa wajalaa dhigay kamana aanaan soo dejin martabadaa korna ugama qaadin waana taas tuu doonaayay Rasuulku sala Allaahu calayhi wasalam, markaas baad waxaad helaysaa in Nebigu sala Allaahu calahi wasalam inuu dabiqi jiray Qaaciidooyinkaa oo ka dhigi jiray nolol ay ku socdaan Asxaabtiisu sala Allaahu calayhi wasalam, waxan idiin sheegay marar badan oo hore Sheekadii Mucaad Bin Jabal radiya Allaahu canhu markuu ka yimid Shaam waxayna ahayd waagaas Dhulka Ruum ama Nasaarada waxayna caabudi jireen Qasiisiintooda iyo Raahibiinta. Mudo ayuu joogay Shaam oo ka baayacmushtaraynaayay sida muuqata, markii uu ku soo noqday Madiina markii uu aragiisu ku dhacay Nebiga sala Allaahu calayhi wasalam wuxuu ku hamiyey inuu u sujuudo, kuma? Seyidkii Dadka markaas ayuu ku yidhi sala Allaahu calayhi wasalam waa maxay Mucaadow waa maxay waxaasu? Wuxuu ku yidhi: Rasuulkii Allaahow waxaan ka imi Shaam, waxaan arkay Nasaarada oo u sujuudaysa Qasiisiintooda iyo kuwooda waawayn markaa waxay ila noqotay inaad adigu kaga xaqq leedahay Sujuuda. Wuxuu ku yidhi sala Allaahu calayhi wasalam: (لو كنت أمراً احداً أن يسجد لأحد لأمرت الزوجة أن تسجد لزوجها لعطم حقه عليها) (hadaan cid ku amri lahaa inay cid u sujuudo waxaan ku amri lahaa inay Xaasku u sujuudo Ninkeeda waynaanta xaqqa uu ku leeyahay dartiis), Xadiiskan waa ina soo maray oo aan ka hadalay marar badan maan rabo inaan hada sii dhex galo waxa inagaga filan halkan inaan u fiirsano wuxuu u doonaayay Mucaad inuu u sujuudo Nebiga sala Allaahu calayhi wasalam maxaa ku kalifay sujuudaa? Ma necbaansho uu necbaa Nebiga sala Allaahu calayhi wasalam baa? Jawaabtu waa maya bal waa jacayl uu u qabay Rasuulka sala Allaahu calayhi wasalam ee ka badbaadiyay Naar, hadaanu jiri lahayn halkan waxa la yidhaahdaa dhexdhexaadinta lama inkirayo hadaan Rasuulka sala Allaahu calayhi wasalam Allaah u soo dirin Dadka hadayntooda Caalamkoo dhami waxay ahaan lahaayeen Dadku maanta kuwa ku nool Jaahiliyadii hore iyo labanlaab labanlaab iyadoo kale, sidaas darteed maaha wax lala yaabo weligeed siiba iyadoo aanay Tashriicdu ahayn weli markaa kaamil oo aanay dhamaystirmin maaha wax lala yaabo haba yaraatee in Mucaad Bin Jabal ku hamiyo inuu u sujuudo Rasuulka sala Allaahu calayhi wasalam si uu ugu muujiyo qaderin iyo ixtraam iyo waynayn laakiin Nebigu sala Allaahu calayhi wasalam wuxuu rabay inuu cadeeyo camal ahaan inuu yahay Bashar sujuuduna aanay mudayn cid aan ahay Rabiga Basharka wuxuuna yidhi hadaan amri lahaa cidi inay cid u sujuudo waxaan ku amri lahaa Xaasku inay Ninkeeda u sujuudo Riwaayadah qaarkood waxay raaciyaan (laakiin ma mudna sujuuda cid aan Allaah casaa wajalaa ahayni), markaa inaguna hadaan isu dhiibi lahayn caadifadaheena waxaan u sujuudi lahayn Nebigii sala Allaahu calayhi wasalam ama ha noolaado ama ha dhinteen waayo ? Waynayntiisa darteed waayo ujeedadu waa waynayntiisa ee maaha caabudaadiisa sala Allaahu calayhi wasalam laakiinse hadaan run ka sheegayno jeclaantiisa sala Allaahu calayhi wasalam waxa waajib ah inaan ku amar qaadano Amaradiisa oo aan ka joogsano wuxuu inka nahyiyay oo aynaan dhabarkeena ka tuurin Amarakiisii iyo Nahyigiisiiba inagoo ku andacoonayna waxaan sidaas u yeelaynaa waa jacaylka Rasuulka sala Allaahu calayhi wasalam waa sidee sidaasu? Taasu ugu horayn waxay ka soo horjeeda Naska Quraanka ah dabadeedna Mandaqa iyo Caqliga fiyow, Rabigeenu casaa wajalaa wuxuu yidhi: { قل إن كنتم تحبون الله فاتبعونى يحبيكم الله } {waxaad ku tidhaahdaa hadaad jeceshihiin Allaah I raaca(Sunnaha) Allaahna wuu idin jeclaanayaa}, hadaba markaas raacista Rasuulka sala Allaahu calayhi wasalam waa Daliilka xaqqa ah ee runta ah ee aanu jirin Daliil kale oo la mid ah, kaas raacay Rasuulkuna sala Allaahu calayhi wasalam waa mid jecel Allaah iyo Rasuulkiisa sala Allaahu calayhi wasalam halkan wuxu yidhi Nin Gabayaa ahi Hadalkan mashhuurka ah: (تعصى الإ له وأنت تظهر حبه هذا لعمرك في القياس بديع \ لو كان حبك صادق لأطعته أن المحب لمن يحب مطيع) (waxaad caasiyaysaa Ilaah adigoo muujinaya jacaylkii walaahi taasu waa Arin qiyaasta ka baxsan \ haduu jacaylkaagu run ahaan lahaa waad adeeci lahayd kan wax jeceli kuu jecel yahay wuu adeecaa ee), halkaa waxa jira tusaale aan kaas ahayn, hadana iyadoo ay sidaas tahay ayaa Rasuulkii sala Allaahu calayhi wasalam ku rabeeyey Asxabtiisii radiya Allaahu canhum sidaas waayo Dadku waqtigii Jaahiliyada waxay ku noolaayeen Caadooyin Jaahili ah iyo Caadooyin kale oo Faarisi Cajemi ah, waxaa ka mid ahaa way isu kaakici jireen qaarkoodba qaar sidaynu Maanta samayno oo kale waayo maynu raacno Rasuulka sala Allaahu calayhi wasalam Nafaheena uguma run sheegno camaladeena inaan jecelahay calayhi salaatu wasalaam ee waa hadaladeena oo keli ah, taas waxa weeye Dadku waa isu kaakici jireen qaarkoodba qaarka kale, Rasuulku se sala Allaahu calayhi wasalam wuxuu ahaa markuu Asxaabtiisa la joogo sidii mid iyaga ka mid ah oo kale cidina uma muujin waynayntaas ah Caadooyinkii Wasaniga Faarsiga Acjemiga ah haba yaraatee taasna waxaan ka fahmaynaa si cad Xadiiska Anas Bin Maalik radiya Allaahu canhu wuxu yidhi: (ما كان شخص أحب إليهم من رسول الله صلى الله عليه وسلم وكانوا لا يقومون لما يعلمون من كراهيته لذلك) (ma jirin Qof ay ka jeclaayeen Rasuulkii Allaah sala Allaahu calayhi wasalam hadana uma ay kici jirin waayo waxay ogaayeen siduu u karaahiyaysto taas), eega Saxaabigaa wayn ee Allaah ku fadli yeelay u shaqaynta Nebigiisa sala Allaahu calayhi wasalam Toban Sano, Anas Bin Maalik sidee buu u kulmiyey Xadiiskan xaqiiqada ka dhex dhacday isaga calayhi salaatu wasalaam iyo Asxaabtiisii jacaylka ay u qaabeen iyo tan aynu ka hadlayno oo ah in jacaylka ay waajib tahay in lagu xidho raacitaan oo aanu Qofkaasu iska raacin Hawadiisa oo aanu noqon jacaylkaagu sidii wax indho iyo dhegaba la’, wuxu yidhi dhab ahaan ma jirin cid ay ka jeclaayeen Rasuulka Allaah sala Allaahu calayhi wasalam taas waa xaqiiqo aan wax muran ahi ku jirin laakiin wuxu raaciyay taas oo uu yidhi may ahayn kuwa u kaca ogaanshaha ay ogaayeen karaahiyada uu u qabo in laysu taago darteed. Hadaba maxay ugu kici waayeen Asxaabtii Rasuulka sala Allaahu calayhi wasalam? Waa raacitaan ay isaga raacayeen iyagoo xaqiijinaya Aayatan soo sheegnay: {إن كنتم تحبون الله فا تبعوني}, raacista Rasuulka sala Allaahu calayhi wasalam ayaa Daliil u ah jeclaanta aad Allaah jeceshahay jacayl sax ah isumay dhiibin Caadifadahooda sida ka dhacaday kuwan dambe ee aan wanaagsanayn. Anagu waxaanu aqrinaa Risaaladaha laga alifay Dabaaldegan ama Mawluudkan aan hada ka hadlayno cadayntiisa inuu Bidca la abuuray yahay waxa laga yeeshay munaaqashado badan iyadoo ay tahay wax laga xumaado Arintanu way cadahay sidii Dharaar cad Dadkuse way caadaysteen Arintan aan ka hadlayno mana aha Camalkii Salafkii suubanaa, Cibaadana maaha, Daacadna maaha Dadkuse waxay iskaga la kaceen xamaasad waxayna isu dhiibeen Caadifadahood waxayn iskaga hadlayaan Hadal aanu odhan Binu Aadam aan odhan karo isaga oo kale Allaah casaa wajalaa haduu la noqdo wuxuu bixiyay wuxuu ridaa wixii uu waajibiyay waayo? Waayo Mawluudka xataa Dariiqadii hore maan garanayo inay nasakheen iyo inay wax ka bedeleen ee waxay fadhiisan jireen Dhulka marka goorta uu u yimaado kan Mawluudka aqriyayaa way u kici jireen dhamaan Qofkana way ku qaylin jireen oo dhibi jireen hadaanu kicin, markaa waxa laga yeeshay munaaqashado ku saabsan Mawduucan qaarkood baa warqad alifay wuxuu yidhi Qofkaa Axamaqa ahi wuxu yidhi hadaan kari karaayo Dhalashada Rasuulka sala Allaahu calayhi wasalam inaan Madaxayga isku taago waan yeeli lahaa markaa kaas ma ogyahay waxa uu leeyahay, Xaqq waxa ah siduu Gabayaagu yidhi:(
فإن كنت لا تدري فتلك مصيبة، وإن كنت تدري فالمصيبة أعطم) (Hadii aadan ogayn taasu waa Belaayo, hadaadse ogtahay Belaayadu way ka sii wayntahay), ka waran hadaan kulan siino Qofkaa Axmaqa ah iyo Saxaabadii Rasuulka sala Allaahu calayhi wasalam waxa ingu filan mid ka mid ah ee maaha Asxaabtii si aynaan u dulmin ka waran koodee baa u ixtraam iyo qaderin badan Rasuulka calayhi salaatu wasalaam ma Saxaabigaa haduu Rasuulku sala Allaahu calayhi wasalam u soo galo aan u kici jirin mise kan dambeeyay oo Axmaqa ah ee leh hadaan kari karaayo Madaxaygaan isku taagi lahaa? Kaas waa hadal Qof sidaan nidhi hada yacni ma uu garanaayo waxa Afkiisa ka soo baxaya waayo haduu garanaayo wuxuu xusuusan lahaa Siirada Rasuulka sala Allaahu calayhi wasalam iyo Akhlaaqdiisii iyo tawaaduciisii iyo inuu Dadka ku amray inaanay kor u qaadin iwm ee aan soo sheegnay hada kuma degdegeen inuu yidhaahdo kelmedatan siiba isagoo leh taa Geeridiisii ka dib calayhi salaatu wasalaam iyada oo uu Shaydaanku qaatay Dariiq aad u balaadhan si uu ugu lumiyo Dadka oo uu mushkiladeeyo Dadka Geeridii Nebigooda sala Allaahu calayhi wasalam ka dib si ka badan markii uu noolaa calayhi salaatu wasalaam waayo Nebigu sala Allaahu calayhi wasalam markuu noolaa wuu arkaayey wax kasta markaas ayuu la talinaayey oo waaninaayay oo baraayay wuxuna ahaa Seyidkii Barayaalka Shaydaankuna ma kari karayn inuu ka dhaadhiciyo cid sida waynayntaas oo kale oo ah baabka Shirkiga markuu dhintay se calayhi salaatu wasalaam waxa dhici karaysa in Shaydaanku sii dhex galo Qalbiyaalka Dadka oo ka saaro Dariiq uu kaga tegay Rasuulku sala Allaahu calayhi wasalam hadii aan Nebigii calayhi salaatu wasalaam noloshiisii cidi u kici jirin ahaana kii ugu xaqqa mudnaa in laysu taago haduu banaan lahaa, Anaguna waxan ka ogaanay Xadiiskaa oo ah Xadiiskii Anas radiya Allaahu canhu inay Asxaabtii jeclaayeen Rasuulka sala Allaahu calayhi wasalam jacayl xaqiiqi ah hadayna isku sii dayn lahaayeen Nafahooda way u kici lahaayeen mar walba iyo weligoodba laakiin waxay ahaayeen Mujaahidiin run ah waxay uga tageen Hawooyinkoodii raacista Rasuulka calayhi salaatu wasalaam iyo iyagoo rajaynayaa denbi dhaaf Allaah casaa wajalaa si ay u ilaayaan jeclaantooda Allaah casaa wajalaa markaas Allaahna waa u denbi dhaafi, sidaas ayuu noqonayaa Islaamku, Islaamku waa is dhiibis sidaas weeye xaqiiqada ay tahay waajib inaan xusuusnaano weligeen oo aan ka fogaano had iyo jeer iyo weligeenba caadifadaha kiciya Dadka si aad iyo aad u badan ee ka saaraysa Dariiqa toosan, kumay hadhin hadeer waynaynta Rasuulka sala Allaahu calayhi wasalam Bulshooyinka Islaamka aan ahayn Arimo shakli ah waynaynta xaqqa ah se sidaan soo sheegnay oo ah raacistiisa taasu waxay noqotay mid ku kooban Dad aad u yar. Muxuu odhanayaa Qofku Dabaaldega Mawluudka Maanta codka kor loo qaadayo, tumista iyo heesida. Ka waran haduu codka kor u qaadi lahaa kaa heesayaa oo tumayaa oo Madax ruxayaa iwm Rasuulka hortiisa sala Allaahu calayhi wasalam waxay ahaan lahayd odhan maayo Gaalnimo ee waxay ahaan lahayd meel ka dhac loo gaystay Rasuulka calayhi salaatu wasalaam mana ay aha waynayn iyo jacayl toona markaad arkaysaan isagoo codka kor u qaadaya oo hoos u dejinaya sida taba tabaha Muusikada wuxuu odhan wuxuu sidaas u yeelayaa jacaylka Rasuulka Allaah calayhi salaatu wasalaam daraadeed waase beentii sidaasu jacayl maaha jacaylku waa raacitaankiisa, sidaas darteed baa hada Dadku laba qaybood noqdeen qayb ku qanacsan in ay cadayaan inay u jecel yihiin Rasuulka Allaah calayhi salaatu wasalaam siday ina farayaan Nusuustu iyagoon qayl qaylin waa inay ku camal falaan Nafahoodu iyo Xaasaskooda iyo Ubadkooduba, iyo qayb kale oo ugu yeedhaya dhincan madhan Guryahooda, Xaasaskooda iyo Ubadkoodaba, may baraan Sunnaha kumana barbaariyaan sidee Nina waxaanu haysaan ma bixiyo! Waxba kale kuma hadhin aan ahayn muuqaaladan iyo u Dabaaldegista Dhalashada Rasuulka sala Allaahu calayhi wasalam, hadana waxaba yimi Dabaaldegyo fara badan iyo Ciidad sidii loo keenay Dabaaldega Dhalashada Basharka seyidkoodii sala Allaahu calayhi wasalam iyadoo lagaga dayanayno Nasaarada, sidoo kale baan waxan kaga daynay xataa in loo dabaaldego Dhalashada Caruurteena sida Nasaarada! Hadaad se yaab arkto waxa yaab ah qaar ka mid ah kuwaa leexday ayaa waxay yidhaahdeen Nasaaradu waxay u Dabaaldegaan Ciise Nebigoodii ee maxaanu anakuna ugu dabaaldegi waynay Dhalashada Nebigayaga calayhi salaatu wasalaam? Waxaan leeyahay taasu waxay ina xusuusinaysaa markay Rasuulka iyo Asxaabtiisii iyagoo safar ah ay soo mareen Geed ay Mushrikiintu Hubka sudhaan, markaas ayay qaar ka mid Asxaabtii yidhaahdeen Kelmed aanay wax xumaan ah uga jeedin oo waxay yidhaahdeen Rasuulkii Allaahow noo yeel sida kuwaas Geed aan Hubka sudhano, markaas ayuu ku yidhi calayhi salaatu wasalaam: Allaahu akbar tanu waa sunan waxaad tidhaahdeen siday yidhaahdeen Qoomkii Muuse calayhi salaam oo kale markay ku yidhaahdeen Muusow noo yeel Ilaah siday iyaguba u leeyihiin Ilaahyo, waxa uu la yaabi Qofku sidee ayuu Rasuulkii calayhi salaatu wasalaam ugu soo qabsaday Aayatan inuu ku xujeeyo kuwaas aan iyagu odhan noo yeel Ilaah siday iyaguba u leeyihiin Ilaahyo ee yidhi noo yeel Geed aan Hubkayaga sudhano siday iyaguba u leeyihiin Geed markaasuu isna ku yidhi tanu waa sunan- yacni waxaad bilowdeen sunnankii oo waxaad raacdeen kuwii idinka horeeyey Sunnahoodii siday ku yimaadeen Xadiisyada saxeexa ahi: waxaad tidhaahdeen siday ku yidhaahdeen Qoomkii Muuse, muusow noo yeel Ilaah siday u leeyihiin Ilaahyo kuwaasu, bal ka waran kuwa maanta sida cadaanka ah u yidhaahda Nasaaradu waxay u dabaaldegaan Ciisahooda ee maxaanu anakuna ugu dabaaldegi waynay Nebigayaga calahi salaatu wasalaam? Allaahu Akbar tani waa sunan waxaana run sheegay Rasuulkii Allaah sala Allaahu calayhi wasalam markuu yidhi: (لتتبعن سنن من قبلكم شبراً بشبر وذراعاً بذراع حتى دخلوا جحر ضب لدخلتموه قالوا يارسول الله اليهود والنصارى هم قال فمن الناس؟) (waxad raaci doontaan sunankii kuwii idinka horeeyey Shibir iyo Shibir iyo Diraac iyo Diraac xataa haday galaan Godka masacagalayda waad gelaysaan, waxay yidhaahdeen Rasuulkii Allaahow Yuhuuda iyo Nasaarada miyaa, wuxu yidhi oo hadaa wa ayo Dadku?)Ugu dambayntii waxaan leeyahay Shaydaanku wuxu u fadhiyaa Ibin Aadamka jidka had iyo jeer iyo weligiisba wuxu ku dedaalayaa inuu ka jeediyo Muslimiinta Diintooda ugamana jeedinayo si badheedh ah.
Halkaas ayaa Mawduucii ku dhamaaday Allaah ha u naxariisto Shiikhayaga hana nagaga abaalmariyo Cilmiga balaadhan ee uu uga tagay Muslimiinta Allaah casaa wajalaa ha ugu daro miisaanka xasanaatkiisa anaga hanaga dhigo kuwii ka faa’iidaysta aamiin.
اللهم صل وسلم وبارك على عبدك ونبيك محمد وعلى آله وصحبه وأتباعه إلى يوم الدين
bravenet.com