untitled
viviti

بسم الله الرحمن الرحيم

Ku daysho indhala’aan ah

التقليد الأعمى

Shiikh Maxamed Jamiil siino

لشيخ محمد بن جميل زينو

 

إنََّ الحمد لله ، نحمده ونستعينه ونستغفره ،ونعوذبالله من شرور أنفسنا، ومن سيئات أعمالنا ، من يهده الله فلامضل له ومن يضلل فلا هادي له، وأشهد أن لا إله إلا الله وحده لاشريك له، وأشهد أن محمداً عبده ورسوله. {يا أيها الذين آمنوا اتقوا الله حقَّ تقاته ولاتموتن إلا وأنتم مسلمون}[آل عمران :102] . {يا أيها الناس اتقوا ربكم الذي خلقكم من نفسٍ واحدة وخلق منها زوجها وبث منهما رجالاً كثيراً ونساءً وتقوا الله الذي تسآءلون به والأرحام إن الله كان عليكم رقيباً}[النساء:1] {يا أيها الذين آمنوا اتقوا الله وقولوا قولاً سديدا. يصلح لكم أعمالكم ويغفر لكم ذنوبكم ومن يطع الله ورسوله فقد فاز فوزاً عظيما}[الأحزاب: 70و71]

أما بعد: فإن خير الكلام كلام الله ، وخير الهدي هديُ محمد صلى الله عليه وسلم، وشر الأمور محدثاتها، وكل محدثةٍ بدعة, وكل بدعة ضلالة ، وكل ضلالةٍ في النار .

وبعد:

Allaah ayaa mahad iyo amaan mudan oo iska leh, waan u mahad celinaynaa waan kaashanaynaa dembidhaaf ayaan waydiisanaynaa, waxaan Allaah ka magan gelaynaa shararka nafahayaga, iyo acmaashayada kuwooda xun, kii Allaah hadeeyo cid lumin kartaa ma jirto, kii Allaah luminayona cid hadayn kartaa ma jirto, waxaan qirayaa inaanu jirin Ilaah xaq lagu caabudaa Jiritaanka oo aan Allaah ahayn kelidii oo aan lahayn wax shiriik ah oo lagu lamaaneeyo, waxaan qirayaa in uu Maxamed yahay Adoonkii Allaah iyo Rasuulkiisii.

{Kuwii Allaah iyo Diintiisa xaqqa ah rumeeyeyow, Allaah ka cabsada cabsi dhab ah hana dhimanina idinkoo aan muslimiin ahayn.} [Aali cimraan: 102] {Dad yohow Rabigiina ka cabsada, idinka abuuray naf keliya (Aadam calayhi salaam) ee ka sii abuuray xaaskeedii (Xawaa calayhaa salaam) ee ka sii abuuray rag badan iyo dumar oo ku kala fidiyey dunida guudkeeda, ka cabsada Allaaha aad wax isku waydiisataan iyo inaad riximka gowsaan, Allaah kor buu idinka ilaalinayaa oo waa ogyahay acmaashiina} [Nisaa: 1].

{Kuwii iyo Allaah iyo Diintiisa xaqqa ah rumeeyeyow Allaah ka cabsada oo ku hadla hadal toosan wuxuu idiin hagaajin acmaashiina wuuna idiin dembi dhaafi kii Allaah iyo Rasuulkiisa adeeca ayaa liibaanay liibaan wayn (janada nimcooyinka badan gelaya)} [Alaxzaab: 71&72].

Intaa ka dib: hadal waxaa u khayr badan hadalka Allaah, hanuuna waxa u khayr badan hanuunkii Maxamed sala Allaahu calayhi wasalam, arimaha waxaa u shar badan kuwa la abuuro, arin kasta oo la abuuraana waa bidca, bidca kastaana waa baadi, baadi kastaana Naar ayey geli.

Intaas ka dib:

Allaah casaa wajalaa wuxuu yidhi: {وإذا قيل لهم تعالوا إلى ما أنزل الله وإلى الرسول قالوا حسبنا ما وحدنا عليه آباءنا، أولوكان آباؤهم لايعلمون شيئاً ولايهتدون [المائدة:104]}, waxaa Allaah inoo ka waramayaa xaaladii ay ku sugnaayeen kuwii Mushrikiinta ahaa, markii uu ku yidhi Rasuulkii sala Allaahu calayhi wasalam u kaalaya Quraanka iyo inaan keliyayno Allaah oo aynaan wax Shiriik ah ku lamaanayn iyo inaan u ducaysano kelidii, ayay waxay yidhaahdeen waxa nagu filan Caqiidadii Aabayaalkayo. Markaas ayaa Allaah ugu jawaabay Quraanka oo yidhi: Aabayaalkiin waxay ahaayeen Jaahiliin oo waxba may garanayn, mayna ahayn kuwa ku hanuunsan Jidka xaqa ah.

Kuwa badan oo Muslimiin ah ayaa ku dhacay ku dayashadan indhala’aanta ah, waxaan maqlay mid ka mid ah kuwa wax wacdiya isagoo ku khudbadaynaya Muxaadarad inuu yidhi: ma ahaayeen Aabayaalkiin kuwa ogaa inuu Allaah leeyahay Gacan? Wuxuu Xujo uga dhigtay Aabayaalkii inkiraadan! Iyadoo uu Quraanku cadayey in Allaah Gacan leeyahay sida ku timi hadalka Allaah tacaalaa ee ah:[] {مامنعك أن تسجد لما خلقت بيدي}, oo uu Allaah ula jeedo abuuristii Aadam calayhi salaam, in Allaah Gacmihiisa ku abuuray, lagumana shabihi karo Gacanta Allaah sida kuwa uu abuuray oo kale siduu yidhi tacaalaa: [الشورى:11] {ليس كمثله شئ وهو السميع البصير}, wax la mid ah oo u dhigmaa ma jiro waxna waa maqlaa waxna waa arkaa.

Waxa kaloo jira Nooc kale oo ku dayasho dhib leh ah waana kaga dayashada Gaalada Faajirnimada iyo is qaawinta iyo dharka is ku dhejintiisa, waxa haboonaan lahayd hadaynu wax kaga dayanayno inaan kaga dayano Cilmiga iyo Ikhtiraacida wax yaabaha Nafciga leh sida samaynta Diyaaradaha iwm, ee aan ka faa’iidayno. Dad fara badan hadaad tidhaahdo Allaah wuxuu yidhi ama Rasuulkii wuxuu yidhi, waxay ku odhanayaan waxaa yidhi Shiikha!! Miyaanay maqal hadalka Allaah casaa wajalaa: {يآ أيها الذين آمنوا لا تقدموا بين يدي الله ورسوله [الحجرات:1]}, oo ah kuwii Allaah iyo Diintiisa xaq ah rumeeyeyow ha ka hor marinina cid hadalkeeda hadalka Allaah iyo Rasuulkiisa. Wuxuu yidhi Ibin Cabaas radiya Allaahu canhumaa: waxaan ka baqayaa inay Dhagxaan idinkaga soo dhacaan Samada, waxaan idin leeyahay Rasuulkii Allaah baa yidhi, markaas baad leedihiin: waxa yidhi Abubakar ama Cumar. Nin gabayaa ah oo diidan kuwa ku xujayeelanaya hadalada Shiikhyadooda ayaa yidhi:(أقول لك قال الله، قال رسوله فتجيب شيخي إنه قد قال. ), Waxan ku leeyahay Allaah baa yidhi Rasuulkiisii baa yidhi, markaasaad ku jawaabi Shiikhaygii wuxuu yidhi!

Xaqqa ha celinina

Allaah wuxuu u soo diray Rasuulo Dadka, wuxuna ku soo amray inay Dadka ugu yeedhaan inay caabudaan Allaah iyo inay keliyeyaan oo aanay ku la’maanin wax Shiriik ah, hase yeeshee Ummadihii badankoodu way beeniyeen Rasuuladii loo soo diray, xaqqigii loogu yeedhayna way celiyeen oo ahaa inay keliyeyaan Allaah, waxay markaa cidhibtoodii noqotay in la halaago, wuxuu yidhi Rasuulkii Allaah sala Allaahu calayhi wasalam: [رواه مسلم](لايذخل الجنة من كان فى قلبه مثقال ذرة من كبر) (ma gelayo Janada kii ay Qalbigiisa ku jirto wax Miisaan le’eg waxa ugu yar ee nool oo Kibir ahi). Wuxuu hadana yidhi: (الكبر بطر الحقَّ، وغمط الناس) (Kibirku waa xaqqa oo aad ka qooqdid, iyo Dadka oo aad xaqirto), sidaas darteed uma banaana Mu’minka inuu celiyo xaqqa iyo naseexada si aanu u shabihin Gaalada uguna dhicin Kibirka u diidaya saaxiibkii inuu galo Janada, Xikmadu waa badida Mu’minka meel kasta oo uu ka helo waa kii qaata. Sidaas darteed waxa waajib ah in laga aqbalo xaqqa Qof kasta xataa Shaydaanka waxa la soo weriyey in Rasuulkii sala Allaahu calayhi wasalam: (وضع أبا هريرة حارساً على بيت المال، فجاءه سارق ليسرق فقبض عليه أبوهريرة، فجعل السارق يرجوه ويشكو ضعفه، فتركه، ثم عاد مرة ثانية وثالثة فقبض عليه وقال له: لأرفعنك الى رسول الله، فقال: دعني، فإني أعلمك آية من القرآن إذا قرأتها لايقربك الشيطان قال: ماهي؟ قال آية الكرسي، فتركه، وقص أبوهريرة على الرسول مارأى، فقال له الرسول: أتدري من تكلم؟ إنه شيطان، صدقك وهو كذوب [رواه البخارى]) (inuu ka dhigay Aba Hurayra radiya Allaahu canhu Ilaaliye Guriga Maalka, markaas baa waxaa u yimi Tuug si uu u xado, markaas buu qabtay AbuHurayra, Tuugii baa baryay isagoo ku cabanaya taag daradiisa, markaas buu sii dayey, hadana wuu soo noqday Habeen Labaad iyo mid saddexaadba, markaas buu qabtay oo yidhi: waxaan kuu gaynayaa Rasuulka Allaah, wuxu ku yidhi: iska kay daa, waxaan ku baraya Aayat Quraanka ah oo hadaad aqrido aanu Shaydaanku kuu soo dhowaanayn ee, wuxu ku yidhi maxay tahay? Wuxuu yidhi: waa Aayat Alkursi, markaas buu sii daayay. Wuxuna uga sheekeeyay AbuHurayra wuxuu arkay Rasuulka, markaas ayaa Rasuulku ku yidhi? Ma garanaysay cida hadlaysay? Wuxu ahaa Shaydaan, run buu kuu sheegay, waana beenaale).

 

Raaca oo ha abuurina

 

Hadaad doontid inaad Dadka uga digto in Bidca lagu soo kordhiyo Diinta oo aad ku xukumto Qofka samaynaya baadinimo, waxay ku odhanayaan Dadka qaarkood, Ookiyaalaha aad gashantahay ee Galaaska ka samaysan waa Bidca! Jawaabtiisu waxay tahay tani kama mid aha Diinta, bal waxay tahay wax yaabaha ikhtiraacayada Dunida ah, taas oo uu yidhi Rasuulkii calayhi salaatu wasalaam: [رواه مسلم] (أنتم أعلم بأمر دنياكم) (idinka ayaa iga og Arimihiina Dunida), hadaba Ikhtiraacyadanu waa Hub laba Af leh, Raadyaha tusaale ahaan hadaynu hagaajino isticmaalkiisa oo aan ka dhegaysano Quraanka iyo Axaadiista Diiniga ah, waa wax xalaal ah oo loo baahanyahay, hadaad se xumayno isticmaalkiisa oo aan ka dhegaysano Heesaha hadalka qaawan ah iyo Muusikada waxa uu noqonayaa wax xaaraam ah waayo wuxu xumaynayaa Akhlaaqda, Bulshadana wax buu yeelayaa.

Bidcada Diinta: waa wixii aan looga helayn wax Daliil ah Kitaabka Allaah iyo Sunnaha saxeexa ah, waxayna tahay Bidcadaasu Cibaadada iyo Diinta oo dhan, Noocaas Bidcada ahina waa tii uu diiday Islaamku oo ku xukumay Lunsanaanta, Allaah tacaalaa wuxu yidhi isagoo diidaaya Mushrikiinta Bidcadooda: {أم لهم شركاء شرعوا لهم من الذين مالم يأذن به الله [الشورى:21]} (mise waxay leeyihiin (Mushrikiintu) kuwo Sharaako la ah Allaah oo uga jideeyey Diinta waxaan Allaah idmin), Rasuulkuna wuxuu yidhi sala Allaahu calayhi wasalam: (من عمل عملاً ليس عليه أمرنا فهو رد ) (kii sameeya Camal aan waafaqsanayn Sunnahayga waa lagu soo celin), wuxu kaloo yidhi sala Allaahu calayhi wasalam: [حديث صحيح رواه الطبرانى وغيره] (إن الله حجب التوبة عن كل صاحب بدعة حتى يدعها) (Allaah wuxu ka saaray Xijaab Toobada mid kasta oo ku dhaqma Bidcada ilaa uu iska daayo), wuxu kaloo yidhi sala Allaahu calayhi wasalam: [رواه الترمدي وقال حسن صحيح ] (إياكم ومحدثات الأمور فإن كل محدثة بدعة، وكل بدعة ضلاله ) (waxan idiinka digi Arimaha la abuuro, Arin kasta oo la abuuraana waa Bidca, Bidca kastaana wa lumis ).

Ibin Cumar Allaah ha ka raali noqdo labadoodaba ee wuxuu yidhi: Bidca kastaa waa lumis haba u arkeen Dadku inay wanaagsantahay ee

Iimaam Malikna Allaah ha u naxariistee wuxuu yidhi: midkii ku sameeya Islaamka, Bidca uu u arko inay wanaagsantahay waa mid ku andacooday in Maxamed sala Allaahu calayhi wasalam uu khiyaanayay Risaaladii, waayo Allaah tacaalaa wuxuu yidhi: [المائدة:3]{اليوم اكملت لكم دينكم وأتممت عليكم نعمتي ورضيت لكم الإسلام ديناً } {maanta ayaan idiin dhamaystiray Diintii, waxaan idiin dhameeyey nimcadaydii, waxaana idiinka raali noqday in Islaamku idiin yahay Diin}, hadaba wixii aan Maalintaa Diin ahayni Maantana ma noqonaayo Diin.

Iimaam Shaaficina Allaah ha u naxariistee wuxuu yidhi: kii wanaajista (Bidcada) waa Sharciyeeyey, hadii ay banaan lahayd in la wanaajisto (Bidcada) waxay u banaanaan lahayd kuwa Ehelka u ah Caqliga oo aan ahayn Ehelka Iimaanka, waxa kaloo banaanaan lahayd in Sharci loo samaysto Baab kasta oo Diinta ka mid ah iyo inuu Qof kastaa Sharci cusub u samaysto Naftiisa.

Qadiifna Allaah ha u naxariistee wuxuu yidhi: ma soo baxdo Bidca ilaa laga tago iyadoo kale oo Sunnah ah.

Xasan Albasrina Allaah ha u naxariistee wuxuu yidhi: ha la fadhiisanina Qofka Bidca ku dhaqma yaan Qalbigaagu bukoon ee.

Xudayfana Allaah ha u naxariistee wuxuu yidhi: Cibaada kasta oo aanay wax ku caabudin Asxaabtii Maxamed sala Allaahu calayhi wasalam wax ha ku caabudina.

 

Waa maxay xaqiiqada Suhdigu?

 

Waxay tahay inaanu Muslimku ka dhigan Dunida qaayada ujeedadiisa iyo inaanay ka jiidan oo aanu kaga kaaftoomin Aakhiradiisa, oo aanu door bidin inuu daba ordo FaanFaan badsasho Dunida, ee uu ka dhigo qaayada ujeedadiisa inuu ka shaqeeyo u hiilinta Diinta Allaah iyo inuu u ordo Aakhiradiisa oo xaqiijinaysa dhamaan macnayaalka Jihaadka dar Allaah iyo inuu kula dhaqmo macaamil wanaagsan Allaah iyo Khalqigiisa. Ee maaha Suhdigu inaad Shaqooyinka iskaga tagtid oo aad Nolosha iyo Arimeheedaba iska daysid oo aad u nolaato sida Nolosha kuwa aan xilku saarayn taas oo ah Caadooyinkii ka soo hadhay Wasaniyiintii, mana banaana in lagu magcaabo Suhdi taas ee waa Fulaynimo iyo Daciifnimo Nafta ah iyo ishortaagis Mawhibada iyo Awooda Basharka. Waana Bidcooyinka ay keentay Suufiyadu ee saamaynta xun leh ee sababtay dibu dhaca Muslimiinta ay ka dib dhaceen Tartanka saxa ah ee soo kala dhex gashay iyaga iyo Horuumarka ilaa ay ku qabsadeen Ehelka Baadilku Guryohooda hoostooda oo ay u googooyeen googoyn tii ugu sharka badnayd.(waxan ka soo xiganay hadalkan Kitaabka la yidhaahdo: Alajwibah Almufiida Lidoosari- من كتاب الأجوبة المفيده للدوسري)

 

Waa maxay Xukumka ku dayashadu?

 

Ku dayashada Asalada Diinta iyo Towxiidku maaha mid banaan, balse waxaa waajib ah in loo fahmo Diinta siday ugu soo degtay Rasuulada sideeda saxa ah ee ah Kitaabka iyo Sunnaha saxeexa ah, oo lagu noqdo fahamkii Salafkii suubanaa si looga qaato Caqiidada iyaga. Furuucda Diinta se way banaantahay in lagu daydo Madhab uun ka mid ah Madhabaha Sunnaha, wallow aanu laasimin Madhab gaar ah waxa se Shardi ah inaanu daba gelin Rukhsadaha, Caalimkana waxa lagudboon inuu doono Daliil ilaaliyona sidii ugu dhow Xadiisyada Nebiga sala Allaahu calayhi wasalam oo aanu kaga kaaftoomin wixii qayrkiisa ah ee Faracyaalka Madhabaha.

 

Qabsashada Mujtahidiintii ee Xadiiska

 

Afartii Iimaam Allaah ha u wada naxariistee, anagana Allaah hanagaga abaal mriyo wax kastoo khayr ah, midkood waliba wuxu ku Ijtihaaday intii uu gaadhay ee Xadiisyada ahayd, Arimo badana way isku khilaafeen iyadoo midkood waliba arkay ama helay Xadiisyo aanay kuwa kale helin, waayo Xadiisyadu waqtiga may ahayn wax fidsan Dadkii Xadiisyada qaybsanaana waxay ku kala firidhsanaayeen Xijaas, Shaam, Ciraaq, Masar iyo wadamada kale ee Islaamka. Waqti bay ahayd ay is gaadhsiintu ay aad u dhib badnayd, sidaas darteeda baan waxaan aragnaa in Iimaam Alshaafici Allaah ha u naxariistee kaga tegay Madhabkiisii hore Ciraaq markuu qabtay Masar oo halkaa ka helay Xadiisyo cusub.

Waxaan aragnaa in Alshaafici uu u arko in taabashada Qofka Dumarka ahi ay weesada jebiso, laakiin Iimaam Abu Xaniifa uma uu arko inay taabashada Qofka Dumarka ahi ay jebiso weesada, markay sidaas tahay waxa inagu waajib ah inaan ku noqono Kitaabka iyo Sunnaha saxeexa ah iyadoo aan raacayno hadalka Allaah Tacaalaa ee ah:[النساء:59] {فإن تنازعتم في شيئ فردوه إلى الله ورسوله إن كنتم تؤمنون بالله واليوم الآخر ذلك خيرٌ وأحسن تاويلاً } {hadii aad Arin ku murantaan u celiya oo Xukumka ka qaata Kitaabka Allaah iyo Sunnaha Rasuulka ee saxeexa ah, waa hadaad tihiin kuwo Allaah rumeeyey iyo Maalinta Qiyaamaha taas baa khayr ah cidhib iyo noqoshona u wanaagsan}, waayo suura gal maaha inuu Xaqqu kala duduwanaado oo taabashadu marna mid Weesada jebisa tahay marna mid aan jebin, inagana wax kale laynaguma amrin oo aan ahayn in aan raacno Quraanka ka soo degay xaga Allaah casaa wajalaa, waxana inoo sharxay Rasuulkii Allaah sala Allaahu calayhi wasalam oo inoogu sharxay Xadiisyadiisa saxeexa ah sida uu odhanaayo Hadalka Allaah tacaalaa uu yidhi:

[الأعراف:3]{اتبعوا ماأنزل إليكم من ربكم ولا تتبعوا من دونه أولياءَ قليلاً ما تذكرون } {raaca wixii laydinka soo dejiyay xaga Allaah, hana raacina wax ka sokeeya oo Awliyaa ah, waxa yar intaad waantoobaysaan }, markaa uma banaana Qofka Muslimka ah ee maqla Xadiisyada saxeexa ah inuu celiyo ama diido, waayo wuxuu khilaafsan yahay Madhabkiisa, waxay isku raacsan yihiin Iimaamadii in la qaato Xadiiska saxeexa ah lagana tago wax kasta oo Hadal ah oo khilaafsan Xadiiska.

 

Waxay Iimaamadii ka yidhaahdeen Xadiiska saxeexa ah

 

Waa kuwan qaar Hadaladii Iimaamada Allaah ha u wada naxariistee oo ka kor qaadaya canaanta oo u muujinaya Xaqqa kuwa raacsan.
Iimaam Abu Xaniifa Allaah ha u naxariistee Dadka oo dhami waxay u yihiin Caruur Fiqihigiisii wuxuu yidhi:

  1. Uma banaana Qofna inuu qaato Hadalkayaga hadaanu garanayn meesha aan ka qaadanay.
  2. Waxa xaaraam ah Qofka aan garanayn Daliilkayaga inuu ku fatwoodo Hadalkayga, waayo waxaan nahay Bashar Hadal baan odhanaynaa Maanta Beritoona waan ka noqonaynaa
  3. Hadii aan idhi Hadal khilaafsan Kitaabka Allaah iyo khabarka Rasuulka sala Allaahu calayhi wasalam ka taga Hadalkayga
  4. Wuxuu ku yidhi Ibin Caabidiin Kitaabkiisa: haduu Xadiisku sax noqdo oo uu khilaafsan yahay Madhabka, waxan ku dhaqmi Xadiiska, sidaasuna waxay noqonaysaa Madhabkiisa, kana saari mayso kaa ku dayda ahaanshaha uu yahay Xanafi ku dhaqanka Xadiiskaa waayo waxa ka sugnaatay Aba Xaniifa inuu yidhi: haduu Xadiisku sax noqdo waa Madhabkayga

Iimaam Maalik Allaah ha u naxariistee Iimaamkii AlMadiina AlMunawarah wuxuu yidhi:

  1. Waxaan anigu ahay Bashar waa qaldamaa waana asiibaa markaa eega Ra’yigayga wax kasta oo ka waafaqa Kitaabka iyo Sunnaha qaata wax kasta oo aan waafiqina Kitaabka iyo Sunnaha iskaga taga
  2. Ma jirto cid Nebigii sala Allaahu calayhi wasalam ka dib aan Hadalkiisa lana qaadanayn lagana tegayn Nebigii sala Allaahu calayhi wasalam maahee

Iimaam Shaaficina Allaah ha u naxariistee oo ahaa AalalBaytka wuxuu yidhi:

  1. Ma jirto cid aanay ka tegayn Sunnah ka mid ah Sunnahyaalkii Rasuulka Allaah sala Allaahu calayhi wasalam oo ay ka maqnaanayso, markaa wax kasta oo aan idhaahdo Hadal ama aan asal gareeyo Asal oo laga soo weriyo Rasuulka Allaah sala Allaahu calayhi wasalam wax khilaafsan wixii aan idhi, Hadalku waa Hadalka Rasuulka Allaah sala Allaahu calayhi wasalam waana Hadalkayga
  2. Waxay isku raacsan yihiin Muslimiintu ciday u cadaato Sunnah uu leeyahay Rasuulkii Allaah sala Allaahu calayhi wasalam uma banaana inuu u daayo Hadal cid kale leedahay
  3. Hadaad ka heshaan Kitaabkayga wax khilaafsan Sunnaha Rasuulka sala Allaahu calayhi wasalam waxaad tidhaahdaan Hadalka Rasuulka Allaah sala Allaahu calayhi wasalam waana hadalkaygii
  4. Haduu Xadiisku sax noqdo waa Madhabkayga
  5. Isagoo la hadlaya Iimaam Axmed Binu Xambal wuxuu yidhi: idinka ayaa naga og Xadiiska iyo Ragaba ee haduu Xadiisku yahay saxeex na soo ogaysiiya si aan ugu tagno
  6. Arin kasta oo uu ka sax noqday khabarkeedu Rasuulkii Allaah sala Allaahu calayhi wasalam xaga Ehelka Naqalka oo khilaafsan waxaan idhi waan ka noqday Noloshayda iyo Geeridayda ka diba

Iimaam Axmed bin Xambal Allaah ha u naxariistee waa Iimaamkii Ehelka Sunnaha wuxuu yidhi:

  1. Haygu daynina, oo ha ku dayanina Maalik iyo Alshaafici iyo Alowsaaci iyo Alsowri ee ka qaata meesha ay ka qaateen (waa kii fahma ee Aqoon leh)
  2. Qofka celiya Xadiis uu leeyahay Rasuulka Allaah sala Allaahu calayhi wasalam wuxuu qarka u saaran yahay halaag

Halkaas ayaa hadalkii Shiikhu ku dhamaaday Allaah ha ka abaal mariyo oo ha ugu daro miisaanka Xasanaadkiisa anana hanaga dhigo kuwii ka faa’iidaysta oo ku camal fala aamiin

 Qore:


©Xuquuqda oo dhan waxay u xafidantahay Bogan: http//:doorasho.bravehost.com walaalkayga Muslimka ahow dhamaan waxa laga helo Bogan waxaad u isticmaali kartaa si shakhsi ahaaneed iyo fidinta Dacwada

جميع الحقوق محفوطة لموقع الإختيار أخي المسلم بإمكانك الإستفادة من محتويات الموقع في الإستخدام الشخصى ونشر الدعوة

Web Master: maessa2@hotmail.com

 

 

 

 

 


Web Hosting · Blog · Guestbooks · Message Forums · Mailing Lists
Easiest Website Builder ever! · Build your own toolbar · Free Talking Character · Email Marketing
powered by a free webtools company bravenet.com