untitled
viviti

بسم الله الرحمن الرحيم

Kooxda badbaaday - الفرقة الناجية

Shiikh Maxamed Jamiil sinoo

لشيخ محمد جميل زينو

 

إنََّ الحمد لله ، نحمده ونستعينه ونستغفره ،ونعوذبالله من شرور أنفسنا، ومن سيئات أعمالنا ، من يهده الله فلامضل له ومن يضلل فلا هادي له، وأشهد أن لا إله إلا الله وحده لاشريك له، وأشهد أن محمداً عبده ورسوله. {يا أيها الذين آمنوا اتقوا الله حقَّ تقاته ولاتموتن إلا وأنتم مسلمون}[آل عمران :102] . {يا أيها الناس اتقوا ربكم الذي خلقكم من نفسٍ واحدة وخلق منها زوجها وبث منهما رجالاً كثيراً ونساءً وتقوا الله الذي تساءلون به والأرحام إن الله كان عليكم رقيباً}[النساء:1] {يا أيها الذين آمنوا اتقوا الله وقولوا قولاً سديدا. يصلح لكم أعمالكم ويغفر لكم ذنوبكم ومن يطع الله ورسوله فقد فاز فوزاً عظيما}[الأحزاب: 70و71]

أما بعد: فإن أصدق الحديث كتاب الله ، وأحسن الهدي هديُ محمد صلى الله عليه وسلم، وشر الأمور محدثاتها، وكل محدثةٍ بدعة, وكل بدعة ضلالة ، وكل ضلالةٍ في النار .

وبعد:

Allaah ayaa mahad iyo amaan mudan oo iska leh, waan u mahad celinaynaa waan kaashanaynaa dembidhaaf ayaan waydiisanaynaa, waxaan Allaah ka magan gelaynaa shararka nafahayaga, iyo acmaashayada kuwooda xun, kii Allaah hadeeyo cid lumin kartaa ma jirto, kii Allaah luminayona cid hadayn kartaa ma jirto, waxaan qirayaa inaanu jirin Ilaah xaq lagu caabudaa jiritaanka oo aan Allaah ahayn kelidii oo aan lahayn wax shiriik ah oo lagu lamaaneeyo, waxaan qirayaa in uu Maxamed yahay adoonkii Allaah iyo Rasuulkiisii.

{Kuwii Allaah iyo diintiisa xaqqa ah rumeeyeyow, Allaah ka cabsada cabsi dhab ah hana dhimanina idinkoo aan muslimiin ahayn.} [Aali cimraan: 102] {Dad yohow rabigiina ka cabsada, idinka abuuray naf keliya (Aadam calayhi salaam) ee ka sii abuuray xaaskeedii (Xawaa calayhaa salaam) ee ka sii abuuray rag badan iyo dumar oo ku kala fidiyey dunida guudkeeda, ka cabsada Allaaha aad wax isku waydiisataan iyo inaad riximka gowsaan, Allaah kor buu idinka ilaalinayaa oo waa ogyahay acmaashiina} [Nisaa: 1].

{Kuwii Allaah iyo diintiisa xaqqa ah rumeeyeyow Allaah ka cabsada oo ku hadla hadal toosan wuxuu idiin hagaajin acmaashiina wuuna idiin dembi dhaafi kii Allaah iyo Rasuulkiisa adeeca ayaa liibaanay liibaan wayn (janada nimcooyinka badan leh gelaya)} [Alaxzaab: 71&72].

Intaa ka dib: hadal waxaa u rumaysan Kitaabka Allaah, waxana u wanaagsan hanuun hanuunkii Maxamed sala Allaahu calayhi wasalam, arimaha waxaa u shar badan kuwa la abuuro, arin kasta oo la abuuraana waa bidca, bidca kastaana Naar ayay geli.

Intaa ka dib:

Allaah subxaanahu wa tacaalaa wuxuu yidhi:[آل عمران:103] {واعتصموابحبل الله جميعاً ولاتفرقوا} {qabsada oo isugu soo urura Xadhiga Allaah casaa wajalaa Dhamaantiin oo ah qabsashada Diinta Islaamka waayo isugu soo ururista ay Muslimiintu isugu soo ururaan Diintooda iyo Qalbiyaalkooda oo isku mid noqda waxaa ugu hagaagi Arimohooda Diinta iyo Dunidaba, hana kala tegina oo hays colaysanina waayo kala tegista iyo iscolaysadka waxa ku burburaya Nadaamkooda waxana ku kala go’aya xidhiidhkooda mid walibana wuxuu u ordi Naftiisa shahwadaheeda haday xataa keenayso dhibaata guud }, wuxuu kaloo yidhi tacaalaa: {ولا تكونوا من المشركين، من الذين فرقوا دينهم وكانوا شيعاً كل حزب بما لديهم فرحون[الروم:31،32]} {oo ha ka mid noqonina Mushrikiinta kuwii ku kala tegay Diintooda, in kasta oo ay Diintu tahay mid keli ah oo ah in loogu ikhlaas yeelo Cibaadada Allaah casaa wajalaa kelidiis hase yeeshee Mushrikiintaasu way ku kala tageen Diintood, qaarkood waxay caabudaan Wasano qaarkoodna Sanamo qaar kalena Qoraxda iyo Dayaxa qaar baa caabuda Awliyada iyo Dadka wanaagsan, kuwo waa Yuhuud kuwana waa Nasaaro,sidaas darteed baa Allaah casaa wajalaa yidhi: ee noqday Kooxo iyo Xisbiyaal midkood kasti Kooxahaa Mushrikiinta ahi waxay isu soo dhowaystaan oo u tacasubaan u hiilinta waxay haystaan ee baadilka ah iyo la dagaalanka waxaan iyaga ahayn, Koox walibana waxay ku faraxsan tahay waxay haystaan}.

Rasuulkii Allaahna sala Allaahu calayhi wasalam wuxuu yidhi: {أوصيكم بتقوى الله عز وجل والسمع والطاعه وإن تأمر عليكم عبد حبشي ، فإنه من يعش منكم فسيرى إختلافاً كثيراً ، فعليكم بسنتي وسنة الخلفاء الراشدين المهدين تمسكوا بهاوعضوا عليها بالنواجد ،وإياكم ومحدثات الأمور ، فإن كل محدثة بدعة ، وكل بدعة ضلالة ، وكل ضلالة في النار [رواه النساء والترمدي وقال حسن صحيح]} {waxaan idinkula dardaarmayaa inaad ka cabsataan Allaah casaa wajalaa iyo inaad is maqashaan oo is adeecdaan haba idin xukumo Adoon Xabashi ahi ee, midkiinii noolaadaa wuxuu arki doonaa ismaan dhaaf ama is khilaaf fara badan, waxaa idinla gudboon Sunnahayga iyo Sunnaha kuwa I dhaxli doona ee hanuunsan ee mahdiyiinta ah qabsada oo Gows dambeedada ku qaniina, waxaan idiinka digayaa Arimaha la abuuro, Arin kasta oo la abuuraa waa Bidca, Bidca kastaana waa lumis, mid kasta oo lunsanina Naarta ayuu gelayaa }.

Wuxuu kaloo yidhi sala Allaahu calayhi wasalam: (ألا وإن من قبلكم من أهل الكتاب إفترقوا على ثنتين وسبعين مله وإن هذه المله ستفترق على ثلاث وسبعين: ثنتان وسبعين في النار، وواحده في الجنة، وهي الجماعة [رواه أحمد وغيره وحسنه الحافط] وفي رواية: كلهم في النار إلا ملة واحده، ما أنا عليه واصحابي [رواه الترمدي وحسنه الألباني في صحيح الجامع: 5219] وفي رواية: إثنتين وسبعين فرقة.... وفي رواية:وتفترق أمتي) (Allaa kuwii idinka horeeyay ee ka mid ahaa Ahlal Kitaabka waxay u kala baxeen laba iyo todobaatan Miladood, Maladatanuna waxay u kala baxay saddex iyo todobaatan: laba iyo todobaatan Naarta ayay gelayaan, hal midna Janada ayay gelaysaa, waana Jamaacada… Riwaayad kalena wuxuu yidhi: dhamaantood Naarta ayay gelayaan Milad keli ah maahee, waana tan ah sidaan anigu ahay iyo Asxaabtaydu… Riwaayad kalena wuxuu yidhi: waa laba iyo todobaatan Kooxood… Riwaayad kalena wuxuu yidhi: waxay u kala bixi Ummadaydu).

Ibin Mascuudna Allaah raali ha ka noqdee wuxuu yidhi: (وعن ابن مسعود رضي الله عنه قال: خط لنا رسول الله صلى الله عليه وسلم خطاً بيده ثم قال: هذا سبيل الله مستقيماً، وخط خطوطاً عن يمينه وشماله ثم قال: هذه السبل ليس منها سبيل إلا عليه شيطان يدعو اليه ثم قرأ قوله تعالى:وأن هذا صراطى مستقيماً فاتبعوه ولاتتبعوا السبل فتفرق بكم عن سبيله، ذالكم وصاكم به لعلكم تتقون[صحيح رواه أحمد والنسائي][الأنعام:153]) (Ibin Mascuudna radiya Allaahu canhu wuxuu yidhi: wuxuu noogu jeexay Rasuulkii Allaah sala Allaahu calayhi wasalam Gacantiisa Xariijin toosan markaas ayuu yidhi: kanu waa Jidkii Allaah casaa wajalaa ee toosnaa, wuxuun ka jeexay Midigtiisa iyo Bididiisa Xariijimo markaas ayuu yidhi: kuwanuna waa Jidad ma jiro mid aan Shaydaan hor joogin wax uga yeedhaya, markaas ayuu aqriyay hadalkiisa tacaalaa: {Allaah casaa wajalaa wuxuu Adoomihiisa u cadayay jidkiisa toosan ee isaga gaadhsiinaya iyo Daartiisa karaamada leh ee dhibta yar ee gaaban sidaas darteed buu u yidhi kaasuna waa jidkayga toosan ee raaca si aad u heshaan guul iyo liibaan, hana raacina Wadiiqooyinka ama Jidadka khilaafsan Jidka Allaah casaa wajalaa ee toosan yaydaan lumin oo aanay idiinla kala kicin Midig iyo Bidex, hadaad samaysaan wixii Allaah casaa wajalaa idiin cadayay cilmi ahaan iyo camal ahaanba waxaad noqonaysaan Adoomaha Allaah tacaalaa ee liibaanay } )

Wuxuu ku yidhi Shiikh CabdulQaadir Aljaylaani Allaah ha u naxariistee Kitaabkiisa (Alquniyah- الغنيه) : hadaba kooxda badbaaday waxa weeye Ahlu Sunnah waljamaacah, Ahlu Sunnah waljamaacana magac kale ma laha hal magac mooyaane waana Asxaabu Alxadiis .

Allaah subxaanahu watacaalaa wuxuu inagu amrayaa inaan qabsano dhamaanteen Quraanka kariimka ah, oo aynaan noqon sida Mushrikiinta ugu kala baxay Diintoodii Shiicooyin iyo Xisbiyaal, Rasuulka kariimka ahina wuxuu inooga waramay inay Yuhuud iyo Nasaaro u kala baxeen Kooxa fara badan, Muslimiintuna inay u kala baxayaan kuwa ka sii badan iyaga iyo inay Kooxahaasu yihiin kuwa gelaya Naarta waayo waxay ka leexashadooda iyo ka fogaanshahooda Kitaabka Rabigood casaa wajalaa iyo Sunnaha Nebigooda sala Allaahu calayhi wasalam iyo inay Koox keli ahi ka badbaadayso oo ay Janada gelayso, waana Jamaacada qabsatay oo ku dhaqantay Kitaabka iyo Sunnaha sugnaaday iyo Camalkii Asxaabta Rasuulka sala Allaahu calayhi wasalam, Allaahow naga yeel kuwa ka mid ah Kooxda badbaaday, Muslimiintana waafiqi in ay ka mid noqdaan iyada.

Manhajka Kooxda badbaaday

Kooxda badbaaday: waa tan laasimta Manhajkii Rasuulka sala Allaahu calayhi wasalam ee noloshiisii iyo Manhjkii Asxaabtiisa dabadiis, waana Quraanka kariimka ah ee uu ku soo dejiyay Allaah casaa wajalaa Rasuulkiisa sala Allaahu calayhi wasalam ee uu isna u cadayay oo ku fahamsiiyay Xadiisyadiisa ka sugnaatay wuxuuna ku amray Muslimiinta inay qabsadaan oo ku dhaqmaan wuxuuna yidhi sala Allaahu calayhi wasalam: (تركت فيكم شيئين لن تضلوا بعدهما: كتاب الله وسنتي،ولن يتفرقا حتى يردا علي الحوض[صححه الألباني في صحيح الحامع]) (waxaan idiinka tegay laba shay oo aydaan dabadood lumayn: waa Kitaabka Allaah iyo Sunnahayga kalana bixi maayaan ilaa laygu soo celiyo Xowdka)

Kooxda badbaaday: waxay u noqdaan hadalka Allaah casaa wajalaa iyo Rasuulkiisa sala Allaahu calayhi wasalam markay timaado is qabsasho iyo is khilaaf ama maandhaaf iyagoo ku camal falaya hadalkiisa tacaalaa: {فإن تنازعتم في شيئ فردوه إلى الله والرسول إن كنتم تؤمنون بالله واليوم الأخر ذلك خيرُ وأحسن تأويلاً [النساء: 59 ]} {hadii aad isku qabataan shay ama ha ahaado Usuulka Diinta ama Furuucdiisa ee u celiya oo ku kala xukum qaata Allaah casaa wajalaa iyo Rasuulka sala Allaahu calayhi wasalam waana ka qaata xukumka Kitaabka Allaah iyo Sunnaha Rasuulka waayo iyaga ayaa Diintu ku dhisantahay Iimaankuna ma toosnaanayo iyaga la’aantood, hadaad tihiin kuwa rumayay Allaah casaa wajalaa iyo Maalinta dambe(Qiyaamaha), waxaynuna ka qaadanaynaa in Ruuxii aan Arimahaa laysku qabto u celin Allaah casaa wajalaa iyo Rasuulkiisa sala Allaahu calayhi wasalam aanu ahayn Mu’min xaqiiqi ah, sidaas u celinta loo celinayo Arimaha Allaah casaa wajalaa iyo Rasuulkiisa sala Allaahu calayhi wasalam ayaa khayr ah oo wanaag ah xaga Aayaha, waayo xukumka Allaah casaa wajalaa iyo Rasuulkiisa sala Allaahu calayhi wasalam waa xukumada kuwa ugu wanaagsan oo ugu caadilsan oo ugu fiican Dadka Arimahooda Diineed iyo Dunidaba iyo Cidhibtooda dambeba }

Wuxuu kaloo yidhi tacaalaa:{فلا وربك لايؤمنون حتى يحكموك فيما شجر بينهم ثم لايجدوا في أنفسهم حرجاً مما قضيت ويسلموا تسليماُ [النساء:65]} {Allaah casaa wajalaa wuxuu ku dhaartay Naftiisa kariimka ah inaanay rumayn ilaa ay ku xukumtaan Rasuulka sala Allaahu calayhi wasalam wixii dhex mara oo ah wax kasta oo laysku khilaafo dabadeedna aanu ku filayn isku xukumitaankaasu ilaa ay ka suusho Naftooda wax dhibsasho ah oo xukumkaas aad xukumtay ahi, hadana inaanay taasuna ku filayn ilaa ay isu dhiibaan xukumkaas is dhiibis ah Qalbi furan iyo Naftoodu ku degta iyo u hogaansanaan kor iyo hoosba}

Kooxda badbaaday: kama horaysiiyaan hadalka cid kale hadalka Allaah casaa wajalaa iyo Rasuulkiisa sala Allaahu calayhi wasalam iyagoo ku camal falaya hadalkiisa tacaalaa: {ياأيها الذين أمنوا لاتقدموا بين يدي الله ورسوله ، واتقوا الله إن الله سميع عليم [الحجرات:1]} {kuwii Allaah iyo Diintiisa xaqqa ah rumayayow waxba ha ka hor marinina Allaah casaa wajalaa iyo Rasuulkiisa sala Allaah calayhi wasalam taas waxay koobaysaa Aadaabta aad Allaah tacaalaa kula dhaqmaysid iyo Rasuulkiisa sala Allaahu calayhi wasalam waynayntiisa awgeed iyo ixtraamkiisa iyo ikraamistiisa, Amarka Allaah casaa wajalaa iyo Rasuulkiisa sala Allaahu calayhi wasalam oo ay fuliyaan wixii Allaah ku amray kana fogaadaan wuxuu ka reebay oo ay noqdaan kuwa daba socda Amarada Allaah casaa wajalaa oo raacaya Sunnaha Rasuulka sala Allaahu calayhi wasalam dhamaan Arimahooda iyo inaanay ka hormarin hadalka Allaah iyo Rasuulkiisa hadal cid kale, markaas ayuu hadana Allaah casaa wajalaa amray in laga cabsado si caam ahaan ah waana siduu yidhi Dalaq binu Xabiib inaad u samaysid adeecista Allaah tacaalaa si cad Allaah casaa wajalaa dartiis adigoo ka rajaynaaya abaal marinta Allaah tacaalaa wax walba waa maqlayaa wax walbana waa ogyahay }, wuxuu yidhi Ibin Cabaas radiya Allaahu canhumaa: (قال إبن عباس رضي الله عنهما: أراهم سيهلكون،أقول: قال النبي صلى الله عليه وسلم ويقولون: قال أبوبكر وعمر [رواه أحمد وابن عبد البر]) (waxaan arkaa inay halaagmayaan waxan odhanayaa: waxaa yidhi Nebigii sala Allaahu calayhi wasalam markaas ayay odhanayaan: waxaa yidhi Abu Bakar iyo Cumar )

Kooxda badbaaday: waxay u ictibaariyaan ama u haystaan Towxiidka oo ah in Allaah casaa wajalaa lagu keliyayo Caabudaada, Taageeradoonista, Ducada waqtiga adag iyo marka la nimcaysan yahayba, Gowracaada, Nadarka, Talasaarashada, isku xukumista wixii Allaah soo dejiyay iwm, oo ka mid ah noocyada Caabudaada uu yahay aasaaska ay ku dhismayso Dawlad Islaam ah oo saxeex ahi, waxa laabud ah in la fogeeyo Shirkiga iyo muuqaaladiisa ka jira inta badan dhulka Islaamka, waayo waxay ka mid tahay wax yaabaha uu u baahan yahay Towxiidku, suura galna uma aha guuli Jamaacad kasta oo sagsaagta Towxiidka oo aan la dagaalamin Shirkiga Noocyadiisa kala gedisan, ku dayasho ahaan Rasuuladii oo dhan iyo Rasuulkeenii kariimka ahaa salawaatu Allaahi wasalaamuhu calayhim ajmaciin

Kooxda badbaaday: waxay jecel yihiin Sunayaalka Rasuulka sala Allaahu calayhi wasalam xaga Caabudaadooda iyo Asluubtooda iyo Noloshooda markaas ayay waxay ku noqdeen qariib Qoomkooda dhexdooda siduu inoo ku sheegay Rasuulku sala Allaahu calayhi wasalam Xadiiskiisa ah: (إن الإسلام بدأ غريباً (وسيعود غريباً كما بدأ، فطوبى للغرباء [رواه مسلم] وفي رواية (فطوبى للغرباء، الذين يصلحون إذا فسد الناس [رواه أبو عمرو الدانى بسند صحيح]) (Islaamku wuxuu ku bilaabmay qariibnimo, wuxuuna ku soo noqanayaa qariibnimo siduu ugu bilaabmay, markaa Duubaa waxaa iska leh Qariibiinta [ Duubaa waa geed Janada ku yaalaa oo aanu hadhkiisa ka dhamaan ka wax fuushan Boqol Sanadood] ) riwaayat kalena waa: (Duubaa waxaa iska leh Qariibiinta hagaajinaya oo toosinaya hadii Dadku xumaado)

Kooxda badbaaday: ma qabsato ilaa hadalka Allaah casaa wajalaa mooyee iyo hadalka Rasuulka sala Allaahu calayhi wasalam ee Macsuumka ah ee aan iskaga hadlayn Hawadiisa, wixii se Qayrkiisa ah oo Basharka ka mid ah si kasta ha u sarayso derejadiisu ee wuu khaldami karaa siduu yidhi sala Allaahu calayhi wasalam: (كل بني أدم خطاء،وخير الخطائين التوابون [حسن رواه أحمد]) (mid kasta oo Bini Aadam ahi waa kii khaldama waxan ugu khar badan kuwa khaldama toobad keenayaasha)

Aliimaam Maalik Allaah ha u naxariistee wuxuu yidhi: ma jirto cid ka dib Nebigii sala Allaahu calayhi wasalam aan hadalkiisa la qaadanayn lagana tegayn ilaa Nebigii maahee sala Allaahu calayhi wasalam

Kooxda badbaaday: waxa weeye Ahalka Xadiiska ee uu ku yidhi Rasuulku sala Allaahu calayhi wasalam: (لا تزال طائفة من أمتى ظاهرين على الحق، لايضرهم من خذلهم حتى يأتي أمر الله) (kama suusho koox ka mid ah Ummadayda oo ku koraysa xaqq oo aany dhibayn cidii is tidhaahda dhiba ilaa intuu uga imanayo Amarka Allaah waa Qiyaamaha ee)

Nin Gabayaa ah baa yidhi: (أهل الحديث هم أهل النبي وإن * لم يصحبوا نفسه أنفاسه صحبوا) (Ahalka Xadiisku waa Ahalkii Nebiga yaanayba la saaxiibin Naftiisii ee waxay la saaxiibeen Anfaastiisii yacni Sunnihiisii iyo Dagaaladiisii iyo Akhlaaqdiisiiba)

Kooxda badbaaday: waxay amraan wanaaga iyo Sama falka waxayn nahyiyaan Xumaanta, waxayna inkiraan oo diidaan Dariiqyada bidcada ah iyo Xisbiyaalka wax dumiya kuwaas oo kala saar saaray Ummadii Diintiina bidcayay kana fogaaday Sunnihii Rasuulka sala Allaahu calayhi wasalam iyo Asxaabtiisii ridwaanu Allaahi calayhim

Kooxda badbaaday: waxay ugu yeedhaan Muslimiinta inay noqdaan kuwa qabsada Sunnaha Rasuulka sala Allaahu calayhi wasalam iyo Asxaabtiisii ridwaanu Allaahi calayhim ilaa loo qoro iyaga Guusha iyo ilaa ay ku galaan Janada fadliga Allaah casaa wajalaa iyo shafaacada Rasuulka sala Allaahu calayhi wasalam ka dib markuu Allaah casaa wajalaa u idmo isaga

Kooxda badbaaday: waxay inkirtaa oo diidaan Qanuunada wadciga ah ee ah mid ay dhigteen Basharku waayo waxay khilaafsan yihiin Xukumka Islaamka, waxayna ugu yeedhaan Muslimiinta in laysku xukumo Kitaabka Allaah casaa wajalaa ee uu u soo dejiyay badhaadhaha Basharka Aduunka iyo Aakhiroba, isaga ayaana og subxaanahu watacaalaa wixii u wanaagsan Basharka, waana mid sugan oo aanay is bedbedelin Axkaamtiisu Maalma gudohood waxayna ku haboon tahay Ahalka waqti kasta, iyo inay tahay sababta dhibta ka taagaan Caalamka guud ahaan iyo Caalamka Islaamka khaas ahaan iyo waxay la kulmayaan Tacab iyo Dulinimo iyo Hayaanad ay tahay ka tegistooda inay isku xukumaan Kitaabka Allaah casaa wajalaa iyo Sunnaha Rasuulka sala Allaahu calayhi wasalam, iyo inaanu jirayn cis ay yeeshaan Muslimiintu ilaa ay ku noqdaan barashadii Islaamka ha ahaato keli keli iyo Jamaacado iyo Xukuumadoba iyagoo ku camal falaya hadalkiisa tacaalaa: {إن الله لايغير ما بقوم حتى يغيروا مابأنفسهم [الرعد: 11]} {Allaah casaa wajalaa ma bedelo Qoomna waxay ku sugan yihiin oo ah nicmo iyo wanaag iyo Nolol barwaaqo ah ilaa ay bedelaan iyagu waxay ku sugnaayeen Nafahoodu oo ah inay Iimaankii ku bedelaan Kufri iyo Adeecidii oo ay ku bedelaan Macsi ama ku mahad naqii Nimcada Allaah casaa wajalaa oo ay ku bedelaan Kibir iyo Qooqid markaas ayaa Allaah tacaalaa ka qaadaa, sidoo kale haday Adoomuhu ka bedelaan Nafahooda oo ay Macsiyadihii ku bedelaan in ay Allaah casaa wajalaa adeecaan Allaahna tacaalaa wuxuu ugu bedelaa wixii ay ku sugnaayeen ee dhibta ahaa khayr iyo farxad iyo raxmad }

Kooxda badbaaday: waxay ugu yeedhaan dhamaan Muslimiinta Jihaad Allaah casaa wajalaa dartiis ah, waana waajib buu ku yahay mid kastoo Muslim ah iyadoo loo fiirinaayo awoodiisa iyo karitaankiisa wuxuuna noqonayaa Jihaadku sidan soo socota:

Tan kowaad: waa Jihaad Carabka ah iyo Qalamka oo loogu yeedho Muslimiinta iyo Dadyowga kaleba in ay qabsadaan oo qaataan Islaamka saxeexa ah iyo Towxiidka ka madhan oo ka feyow shirkiga ku fiday badi dhulka Islaamka kaas oo uu inoo sheegay Rasuulkii sala Allaahu calayhi wasalam inuu ka dhacayo Muslimiinta dhexdooda wuxuuna yidhi: (لاتقوم الساعة حتى تلحق قبائل من أمتي بالمشركين، وحتى تعبد قبائل من أمتي الأوثان [صحيح رواه أبوداود ومعناه في مسلم]) (ma dhacayso Saacadu ama Qiyaamuhu ilaa ay gaadhaan oo ka mid noqdaan Qabiilooyin Ummadayda ka mid ahi Mushrikiinta, iyo ilaa ay caabudaan Qabiilooyin Ummadayda ka mid ahi Owsaanta)

Tan labaadna: waa Jihaadka Maalka ama Xoolaha wuxuuna noqonayaa inaad nafaqayso fidinta Islaamka oo ka qayb qaadato daabacaada Kutubta ugu yeedhaysa Dadka Islaamka saxeexa ah ee dhabta ah, wuxuuna kaloo noqonayaa inaad ku nafaqayso Xoolaha kuwa la soo dhowaynaayo ee ah kuwa taagta daran ee ka mid ah Muslimiinta si loo adkeeyo oo loogu sugo Islaamnimada, wuxuu kaloo noqonayaa inaad ku nafaqayso samaynta Hubka iyo soo iibsashadiisa iyo Qalabka ay u baahan yihiin Mujaahidiintu iyo waxay u baahan yihiin ee ah Cunto iyo wax la gashado iwm.

Tan saddexaadna: waa Jihaadka Naftaada wuxuuna noqonayaa Dagaalka iyo inaad ka qayb gasho goobta Dagaalka loogu hiilinaayo Islaamka iyo inay noqoto Kelmeda Allaah casaa wajalaa tan saraysa, Kelmeda Kuwa gaaloobayna ay noqoto tan hoosaysa, wuxuuna inoo tilmaamay Rasuulka kariimka ahi sala Allaahu calayhi wasalam noocyadatan Jihaadka ah wuxuuna yidhi: (جاهدوا المشركين بأموالكم وأنفسكم ألسنتكم [صحيح رواه أبوداود]) (kula Jihaada Mushrikiinta Xoolihiina iyo Nafihiina iyo Carabyaalkiina)

Xukumka Jihaadka Allaah dartiina waa noocyo:

Tan kowaad: waa fardu alcayn wuxuuna noqonayaa tusaale ahaan in laga hortago Cadawga soo weerara qaar Dhulka Muslimiinta sida Falasdiinta ay xoogeen Yuhuuda mujrimiinta ahi, markaa Muslimiinta karikaraysa inay daafacaan waxaa saaran Denbi ilaa ay ka saaraan Dhulkaa Yuhuudu oo ay u soo celinayaan Masjid Alaqsaa Muslimiinta iyagoo isticmaalaya waxay karikarayaan ee ah Xoolo ama Nafba

Tan labaadna: waa fardu kifaayah wuxuuna noqonayaa in hadii ay ku kacaan oo ay sameeyaan Muslimiinta qaarkood uu ka dhacaayo intooda kale, wuxuuna noqonayaa in la gaadhsiiyo oo loo qaado Dacwada Islaamka dhamaan dhulka kale oo dhan ilaa iyo ay noqoto in Islaamku xukumo, Cidii is hortaagta Dariiqa Dacwada waa lala dagaalamaya ilaa ay Dacwadu ku soconayso Dariiqaa

 

Tilmaamaha Kooxda badbaaday

 

Kooxda badbaaday waa in yar oo Dadka ku dhex jirta oo uu u duceeyay Rasuulkii sala Allaahu calayhi wasalam markuu yidhi: (طوبى للغرباء ، أناس صالحون، في أناسى سؤ كثير، من يعصيهم أكثر ممن يطيعهم [صحيح رواه أحمد]) (Duubaa waxa iska leh kuwii qariibka ahaa [Duubaa waa Geed Janada ku yaalaa oo kan wax saarani ay ku qaadato inuu hadhkeeda ka dhamaado Boqol Sano], waa Dad suuban oo ku dhex jira Dad xun oo fara badan, kuwa caasiyaana ay ka badan yihiin kuwa adeeca)

Waxana inooga waramay iyaga Quraanka kariimka ah wuxuuna yidhi isagoo amaanaya iyaga: {وقليل من عبادي الشكور [سـباء: 13]} {wuxuu inooga waramayaa tacaalaa in Adoomihiisu intooda badani aanay ugu mahad niqin Nimcooyinka uu siiyay iyo Belaayada uu ka celiyay}

Kooxda badbaaday: waxaa colaadiya in badan oo Dadka ka mid ah, oo korkooda ku been abuurta, oo ugu yeedha Naanaysyo, iyagana waxay ku dayasho ugu sugantahay Nebiyaalkii uu Allaah tacaalaa ku yidhi: {وكذالك جعلنا لكل نبي عدواً شياطين الإنس ولجن يوحي بعضهم إلى بعض زخرف القول غروراً [الأنعام: 112] } {Allaah tacaalaa wuxuu yidhi isagoo sabir siinaaya Rasuulkiisa Maxamed sala Allaahu calayhi wasalam sidaanu kuugu yeelay Cadaw ka hor yimaada Dacwadaada oo kugu la dagaalama oo ku xaasida, ayay tahay tani Sunnahayaga in aan u yeelo Nebi kasta oo aanu u soo diray Khalqiga Cadaw ka mid ah Shaydaanada Insiga iyo Jinka oo ku kacaaya wax ka soo horjeeda waxay la yimaadeen Rasuuladu, waxay u qurxinayaan qaarkoodba qaarka kale Arinta ay ugu yeedhayaan, iyagoo Baadilka u dhalaalinaya iyo Odhaahaha ilaa ay ka yeelaan sawirka ugu wanaagsan si ay ugu dagmaan kuwa aan wax garadka ahayni oo ay u hugaansamaan kuwa aqoonta xumi ee aan fahmayn xaqiiqooyinka oo aan fahmayn macnaha bal waxa cajebinaysa uun Kelmedaha la dhaldhalaaliyay iyo odhaahaha laysku dagaayo, markaas ayay waxay u qaadanayaan Xaqqu inuu Baadil yahay Baadilkuna uu Xaqq yahay }, waa kaa Rasuulkii Allaah sala Allaahu calayhi wasalam ee ay ku yidhaahdeen Qoomkiisii: {ساحرٌ كذاب} {waa Sixiroole beenaale ah} waa markuu ugu yeedhay Towxiidka iyagoo ahaa markaa ka hor kuwii ku magcaabi jiray (الصادق الأمين) (run sheegihii Amaanada lahaa)

Aliimaam CabdulCasiis Ibin Baas ayaa la waydiiyay Kooxda badbaaday wuxuuna yidhi: waa Salafiyiinta iyo cid kasta oo ku socota Dariiqiiqii Salafkii suubanaa waa Rasuulkii sala Allaahu calayhi wasalam iyo Asxaabtiisii iyo cid kasta oo ku socota Manhajkoodii

Intaas waxay ahayd qaar Manhajka iyo Tilmaamaha Kooxda badbaaday intaas ayuuna ku dhamaaday hadalkii Shiikhu Allaah ha xifdiyo oo ha ka abaal mariyo Cilmiga saxeexa ah ee uu baraayo Muslimiinta hana naga yeelo Allaah iyo idinkaba Hanuuniyaal hanuunsan oo aan lunsanayn oo aan waxba luminayn hana na waafiqiyo wuxuu jecel yahay oo ka raaliga yahay aamiin

وصلى الله وسلم على أشرف المرسلين وإمام المتقين، نبينا محمد وآله وصحبه أجمعين، والحمد لله رب العالمين.

 

Qore:

 


©Xuquuqda oo dhan waxay u xafidantahay Bogan: http//:doorasho.bravehost.com walaalkayga Muslimka ahow dhamaan waxa laga helo Bogan waxaad u isticmaali kartaa si shakhsi ahaaneed iyo fidinta Dacwada

جميع الحقوق محفوطة لموقع الإختيار أخي المسلم بإمكانك الإستفادة من محتويات الموقع في الإستخدام الشخصى ونشر الدعوة

Web Master: maessa2@gmail.com  

 

 


Web Hosting · Blog · Guestbooks · Message Forums · Mailing Lists
Easiest Website Builder ever! · Build your own toolbar · Free Talking Character · Email Marketing
powered by a free webtools company bravenet.com