untitled
viviti

بسم الله الرحمن الرحيم

Waa tuma kooxda loo hiiliyay?

من هي الطائفة المنصورة؟

Shiikh Maxamed Bin Jamiil Sinoo

 

الحمد لله رب العالمين ، والصلاة والسلام على رسول الله ، وعلى آله وأصحابه ومن سلك سبيله واهتدى بهداه إلى يوم الذين

أما بعد:

Mahad iyo amaan Allaah ayaa mudan oo iska leh Rabiga Caalamiinka, amaan iyo nabad gelyona ha ahaato Rasuulka Allaah korkiisa iyo Ahalkiisii iyo Asxaabtiisii iyo cidii martay Jidkiisii oo ku hanuuntay Hanuunkiisii ilaa Maalinta Qiyaamaha

Intaas ka dib:

 

Wuxuu yidhi Rasuulkii Allaah sala Allaahu calayhi wasalam: (لا تزال طائفة من أمتي على الحق لا يضرهم من خدلهم حتى يأتي أمر الله [رواه مسلم]) (kama suusho Koox Ummadayda ku taagan xaqqa oo aanay waxba u dhimayn cidii ay ku hungoobaani ilaa uu yimaado amarka Allaah [waana Qiyaamaha]), wuxuu kaloo yidhi sala Allaahu calayhi wasalam: (إذا فسد أهل الشام فلا خير فيكم ، ولاتزال طائفة من أمتي منصورون ، لا تضرهم من خدلهم حتى تقوم الساعة [صحيح رواه أحمد]) (haday xumaadaan Ahalka Ashaam ma aydin lihidin khayr, kamana suusho Koox Ummadayda loo hiiliyay oo aanay waxba u dhimayn cidii ay ku hungoobaani ilaa ay dhacdo Saacadu [yacni Qiyaamuhu])

Ibinu Mubaarak: wuxuu yidhi aniga xagayga waxa weeye Kooxdaasu Ahalka Xadiiska

Albukhaarina: wuxuu yidhi wuxuu yidhi Cali Bin Almadiini: waxa weeye Kooxdaasu Ahalka Xadiiska

Axmed Binu Xanbalna: wuxuu yidhi hadaanay ahayn Kooxda loo hiiliyay Ahalka Xadiiska garanmaayo kuwa ay yihiin

Aliimaam Ashaaficna: wuxuu yidhi isagoo la hadlaaya Aliimaam Axmed Binu Xanbal: idinka ayaa iiga ogaal badan Xadiiska aniga ee haduu idiinku yimaado saxeex ahaan I soo ogaysiiya si aan ugu tago isaga haduu noqdo Xijaasi ama Kuufi ama Basriba ee.

Hadaba Ahalka Xadiisku waxa weeye iyada oo ay keenayso ku ikhtisaasida ay u leeyihiin barashada Sunnaha iyo wixii ku saabsanba kuwa ugu aqoonta badan Dadka oo dhan Sunnaha Nebigooda sala Allaahu calayhi wasalam iyo Hanuunkiisii iyo Akhlaaqdiisii iyo Dagaaladiisii iyo wixii kaloo la xidhiidhaba.

Hadaba Ahalka Xadiisku Allaah hana la soo shiriyee uma ay tacasubaan hadal Qof la ogyahay ama ha sareeyo ama ha waynaado Magaciisu ee xaashaa Maxamed sala Allaahu calayhi wasalam mooyee, taas oo ka gedisan qayrkooda aan ka midka ahayn Ahalka Xadiiska iyo ku camal falkiisaba iyagu waxay u tacasubaan hadalada Iimaamadooda iyadoo laga nahyiyay taas, siday ugu tacasubaan Ahalka Xadiisku hadalada Nebigooda sala Allaahu calayhi wasalam, markaas wax la yaaba maaha inay noqdaan Ahalka Xadiisku iyagu Kooxda loo hiiliyay iyo Kooxda badbaadayba.

Alkhatiib Albaqdaadi: wuxuu ku yidhi Kitaabkiisa la yidhaahdo Sharafu Asxaabul Xadiis (شرف أصحاب الحديث) hadii ay kuwa Ra’yiga u saaxiibka ahi isku mashquulin lahaayeen wixii ka anfacaya Cilmiyada oo ay dhigan lahaayeen Sunayaalka Rasuulka Rabiga Caalamiinka waxay ka heli la haayeen wax ka maaran siiya wixii ka sokeeya, waayo Xadiisku wuxuu koobayaa garashada Usuulka Towxiidka iyo cadaynta wixii ku yimi wejiyaasha balaqaadka wanaagsan iyo ugu balan qaadista ciqaabtaba iyo Sifooyinka Rabiga Caalamiinka iyo wararka Sifada Janada iyo Naarta iyo wuxuu Allaah ugu diyaariyay kuwa ka cabsooda ee Mutaqiinta ah iyo Fujaarta iyo wuxuu Allaah ku abuuray Dhulka iyo Samooyinka, waxa kaloo ku jira Xadiiska sheekooyinkii Nebiyaalka iyo wararkii Suhdiyiinta iyo Awliyada iyo mawaacidkii kuwa balaaqada lahaa iyo hadalkii Fiqhiyiinta iyo khudbadihii Rasuulka sala Allaahu calayhi wasalam iyo mucjisaadkiisii, waxaad kaloo ka heli tafsiirka Quraanka wayn iyo wixii ku sugan ee warar iyo dikri xakiima ahba ah iyo hadaladii Saxaabada ee ku saabsan xukumada laga xifdiyay iyaga, waxaa Allaah casaa wajalaa ka yeelay Ahalkiisa waa Ahalka Xadiiska ee Rukunada Shareecada wuxuuna ku dumiyay iyaga Bidca kasta oo fool xun, waxay yihiin kuwuu Allaah ku aaminay Khalqigiisa, waa kuwa u dhexeeya Nebiga iyo Ummadiisa, waa kuwa ku dedaalayaa qaybista matniyaalkiisa yacni hadalkii laga soo guuriyay Rasuulka sala Allaahu calayhi wasalam oo sidiisii ah, Iftiinkooda ayaa ifayaa oo fadliyaalkooda ayaa socda, Koox kastaaba waxay jidaystaa wax hawadooda ah oo ay u noqdaan iyo Ra’yi ay wanaajistaan oo u daacad noqdaan Asxaabul Xadiis maahee iyaga Kitaabka Allaah ayaa hubkooda ah Sunnuhuna waa xujadooda Rasuulkuna waa qoladooda oo isaga ayay u nisba sheegtaan umana jeestaan oo ma eegaan Ra’yiyaalka, cidii shirqoolta oo dhibtana Allaah baa tirtira oo baabi’iya, cidii colaadisana Allaah baa hungaysiiya.

Allaahayow naga yeel kuwa ka mid ah Ahalka Xadiiska oo nagu irsiq ku camal falkiisa iyo jeclaanta Ahalkiisa iyo u hiilinta kuwa ka shaqeeya aamiin.

وصلى الله وسلم على أشرف المرسلين وإمام المتقين، نبينا محمد وآله وصحبه أجمعين، والحمد لله رب العالمين.

 

Qore:


©Xuquuqda oo dhan waxay u xafidantahay Bogan: http//:doorasho.bravehost.com walaalkayga Muslimka ahow dhamaan waxa laga helo Bogan waxaad u isticmaali kartaa si shakhsi ahaaneed iyo fidinta Dacwada

جميع الحقوق محفوطة لموقع الإختيار أخي المسلم بإمكانك الإستفادة من محتويات الموقع في الإستخدام الشخصى ونشر الدعوة

 Web Master: maessa2@gmail.com

 

 


Web Hosting · Blog · Guestbooks · Message Forums · Mailing Lists
Easiest Website Builder ever! · Build your own toolbar · Free Talking Character · Email Marketing
powered by a free webtools company bravenet.com