|
|
|
|
muxuu ilaahay u abuuray jinka iyo insigaba ?!
illaahaybaa mahad leh ilaaha sheegay inuu inoo abuuray shay aad u wayn oo muhhim ah shaygaas oo ah cibaadadiisa ilaahaas oo taagay samaawaadka iyo dhulalka ilaahaas oo inagu manaystay nicmooyin aynaan koobi karahayn aynaan ka mahad naqi karahayn waxaan ku saliyayaa rasuulka muxamed ah calayhi assalaatu wasalaam rasuulkaas oo yidhi waar
{qofka allaah xusaya {oo caabudayaa}iyo kaan xusayn waxay kala yihiin nin dhintay iyo nin nool oo kale}
waxaan illaah u waydiinayaa naxariis iyo amaan saxaabadii iyo rasuulka reerkiisii muslimiinta ahaa ee rumeeyay
intaa kadib
walaalayaal waxaynu nahay dad ilaahay uu siyay caqli ilaahay uu siiya maskax ay ku fikiraan laynagama dhigin sida xoolaha oo kale ama xawayaanka waayo hadaynu sidaas oo kale noqon lahay laynama ciqaabeen waxbana laynama waydiiyeen laakiin maadaama oo laynaga dhigay dad wax kala garanayo inbadan oo khalqiga illaahay ka mid ahna laynaga fadilay ama laynaga duway oo aan isku mid laynaga dhigin waxa waajib inagu ah inaynu garano wixii allaah inoo abuuray wuxuu allaah inoo keenay aduunkan wuxuu allaah inaga rabo ee uu maalinta qiyaame inagula xisaab tamayo waayo hadaynu garan wayno taa waxaynu noqonaynaa sida allaah yihdi {iska daa ha cunaan ha cabaan yididiiladu ha lumisee mar dambay ogaane}
allaahu akabar
qaar ayaa ilaahay ka waramayaa waana dadka aan ilaahay caabudayn waxaana la leeyahay nabi muxamed iska daa waa la cadaabayaa kuwaa waxaa nuu allaah mar kale yidhi
{waxaanu u abuuray jahanamo dad badan oo ka mid ah insiga iyo jinka kuwaas oo caqliga aan kaga shaqaysiin dhagahooda xaqqa aan ku dhagaysan indhahooda aan ku arag xaqqa kuwaasi waa xoolaha oo kale may waabay ka daran yihiin kuwaasi waa kuwa aan ogayn meel ay u socdaan iyo meel ay ka socdaan}
waxay ilaabeen xaqii allaah ku lahaa wuxuu allaah ka rabay wixii lagu waajibiyay waxay noqdeen qaar ka meeqaan liita xoolaha walaalayaal hadaba maadaama ay tahay arintu sidaa waxa is waydiinta lihi waxay tahay ilaahay muxuu iinoo abuuray ileen ilaahaybaa yidhi
{mawaxay u malaynayaan inaanu ciyaar ciyaar u samaynay ama u abuuray ilahaybaa ka nazahan inuu wax ciyaar ciyaar u sameeyo isaga oo ay ka mid tahay magacyadiisa magaca {alxaq} ilaah xaq lagu caabudaa ma jiro isaga mooyee ilaah kale oo xaq lagu caabudaa rabiga leh carshiga wanaagsan }
walaalayaal hadaan u daadago waxa ilaahay inoo abuuray waa cibaado sidi ilaahay yidhi
{insiga iyo jinkaba waxaan u abuuray inay i caabudaan kama rabo inay ibiiliyaan inay i arsaaqaan}
waxa ilaahay inoo keenay kawnkan ama aduunkan hadaynu nahay jin iyo insiba waa cibaado walaalayaal cibaadada aan ilaalino
cibaadadu waa maxay?!
waxay tahay cibaadadu siduu yidhi shaikh al islaam inbu taymiyah raximahu allaah
{cibaadadu waa hadal kasta ama ficil kasta oo illlaahay jecelyahay raalina ka yahay ha muuqdo ama ha qarsoonaadee}
allaahu akbar
dadka qaar ayaa waxay odhanayaan waar hadaan ashahaato maxaa layga rabaa qaar aya ku odhanaya sheekh hadaan tukado meeshaan doono aan ku tukadee maxaa laygu leeyahay
waxaad moodaa inay ilaahay kala shaqaysanayaan walaal u fiirso nabigu waxa uu yidhi
{
ogaada qof idinka mid ahi camal kiisa janno kuma galo markaasay saxaabadu ku yidhaahdeen rasuul aloow macal adiga miyaanad camalkaag ku galayn jannada' wuxuu yidhi haa macal aniga inuu ilaahay naxariistiisa igu galiyo janada mooyee'}hadaba walaal maanta hadaad qof wajileh doonayso inaad u tagto oo aad gurigiisa gasho maxaad samaynaysaa ma wax raali galinaya o uu jecelyahay mise waxaanuu raali ka ahayn oo uu u cadhoonayo hadaba kawaran hadii lagu yidhaahdo guriga hebel kuma galaysid waxaad u tarto ama camal fiican oo aad samaysee waxaad ku galaysaa amarkiisa ma waxaad odhanaysaa hadad caqli leedahay waan caayayaa wax cadho galinaya ayaan samaynayaa mise waxaad is odhanaysaa walaw camal fiican oo samayso yaanad ku galin gurigee yaanuu kaa cadhoone isaga iska jir uun wuxuu diidayo
hadaba maxaad illaahayna u malayn subxaanah isagoo abuuray adoomahan yaryar
waa inaad ku dadaashaa cibaadada aad ku dadaashaa wuxu kaa rabo oo aad ka baqataa iska jirtaa ciqaabkiisa waxa allaah yidhi
{kuwa i rumeeyayoow iga baqa baqaha dhabta ah hana dhimanina idinka oo muslimiin ah mooyee}
islaamnimada gacanta kuma haysano lakaiin waxa loo jeeda idinka oo ku dadaalaya camalka fiican mooyee camalkaasoo ilaahaybraali galinaya ha soo dhimanina idinka oo allaah caasiyaya
ilaahay cibaado ayuu inoo abuuray aan caabudno
cilmi aynu u yeelano cibaadadaa
wayo ma hagaagayso cibadadu cilmi la,aan
ilaahay dartii aan u qabano cibaadada
allaah baa mahad leh
qofka hela warqadan ha fara badiyo si looga wada faa,iidaysto ajar badanbaa ugu jira
waxa qoray
sheikh sakariye cali diiriye
©Xuquuqda oo dhan waxay u xafidantahay Bogan: http//:doorasho.bravehost.com walaalkayga Muslimka ahow dhamaan waxa laga helo Bogan waxaad u isticmaali kartaa si shakhsi ahaaneed iyo fidinta Dacwada
جميع الحقوق محفوطة لموقع الإختيار أخي المسلم بإمكانك الإستفادة من محتويات الموقع في الإستخدام الشخصى ونشر الدعوة
bravenet.com