|
|
|
|
بسم الله
الرحمن الرحيم
Dhadhanka Iimaanka ma heshay
|
زكريا علي ديرية السلفي أبو يحيى
الأثري حفظه الله وثبته على الحق
|



![]()
Haddaad mar hore dhadhamisay macaanka iimaanka, laakin aad
waayahan dareemi la'dayhay, ogow inaad ka tagtay wax wanaagsan ood sameyn
jirtay, oo ku dhadhansiiyey macaanka iimaankaas. Qoraalkan waxaan ugu tala
galay sidii marlabaad aad usoo ceshan leheyd macaanka imaanka eed soo
dhadhamisay.
Maanta waxaan halkan is xasuusineynaa sidii aan ku hanan laheyn macaanka
iimaanka haddaan marlabaad ku guuleysanno inaan dhadhamino, iyo sidaan ku
xaqiijin laheyn macaankaas.
Dadka bartay cabbidda khamriga, ama daroogada oo dhadhansada , wexey ku
dadaalaan sidey mar walba dareenkaas u heli lahaayeen, wexeyna u huraan wax
walba si ay dareenkaas u gaadhaan ayagoo og inuu u jar ka tuurayo, ama inuu
halaagayo.
Waxaa kaloo la soo wariyey in Bilaal Ibnu Rabaax, Mu'addinka Rasuulka SAWS la
wareystay sababta uu ugu adkeystay oo uu ugu sabray iimaankiisa cadaabta lagu
caddibay bacaadka Makka ee kulul, wuxuu ku jawaabay: " Waxaan isku daray
xanuunka cadaabta iyo macaanka iimaanka, waxaa soo dul martay macaanka
iimaanka" taasoo macnaheedu yahay, in macaanka iimaanka haduu qofku dhab
ahaan u dhadhamiyo, inuu wax walba siisanayo, maxaa yeelay Allah ayaa ka
iibsaday muminiinta naftooda iyo maalkooda oo ka iibiyay Janno. Hadaba, qofkii
ay u dhabowdo macaanka iimaank, wuxuu helay jannadii adduunka sidii uu yidhii
Sheikh Ibnu Taymia markii lagu xidhay xabbiskii Qalcada " Haddii la i
xidho, waan khalweyn, xasuusta Allah iyo cibaadadiisa ayaan waqti u heli,
haddiii la dhoofiyo, waan jihaadi, haddii la i dilo, waa shahhidnimo,
Jannadeydu wexey iigu taallaa laabteyda, cadowgeygu maxey igu fali?"
Mar uu Rasuulku SAWS wareystay nin saxaabi ah " Maxaad ku barisay?"
ninkii saxaabiga ahaa wuxuu ku jawaabay " waxaan ku ku bariistay
muumin-nimo", markaasuu Rasuulku SAWS yidhi, maxaa muujinaya iimaankaaga?"
ninkii saxaabiga ahaa wuxuu yidhi " waxaa ii muuqda reer jannaadkii oo
isa soo salaamaya, waxaa ii muuqda ahlu naarkii oo is eedaya" rasuulkii
Allah SAWS wuxuu markaa ku yidhi ninkii, " Waad haleeshayee, ee ku mitid"
rasuulku wuxuu kaloo tilmaamay iimaanka " wax qalbiga ku jira oo uu
dhabeeyo waxa la sameeyo"
Hadaba waxaad is warsaneysaa, sidee baan iimaan ku helnaa, dabadeedna u
hanannaa?
Jawaabtu wexey ku xidhan tahay hadba qiimaha uu kula leeyahay iimaanka, taasoo
keensaneysa howshaad ku gaadhi leheyd iimaankaas. Waxaa lagu hantaa iimaanka:
1. Sabirka : Allah SWT wuxuu yidhi " Kuwa sabraa, waxaa la siiyaa
ajarkooga xisaab la'aan"
2. Ixtisaab: oo macnehhedu yahay in waxaad sameysneyso OO DHAN aad ku
raadineyso wajiga Allah oo qudha
3, Ducada: Taasoo ah qallbiga cibaadada
4. Soonka Sunnada ah; ( Khamis, iyo isniin, iyo maalmaha caddaha ah, lixda
shawaal, carafa, caashuuraa)
5. Quraankoo la khatimo bil walba hal jeer ( salaad walaboo la akhriyo afar
bog)
6. Salaadaha oo loo dhakso loogu dhaksado ( Tabkiir bacdal aadaan oo kaa
saaraya munaafiqiinta)
7. Ilaalinta sunnooyinka Rawaatibta ah. ( guri janno ayaa laguugu dhisaa)
8. Ku dadaalidda labada rakcdood ee Salaadda barqaha ( duxaa, taasoo
xubnahaaga ka bixineysa sadaqada)
9. Ku dadaal maalinkii oo dhan inaad ku sugnaatid weysoqab, ( caajiska iyo
sheitaanka ayey kaa fogeysaa)
10. Ku dadaaal labada rakcadood oo sunnada ah aadaanka dabadiis
11. Ku dadaalidda adkaarta subaxa iyo kuwa fiidka ( Faaiido cajiib badan ayaan
ka dhaxlay)
12. Labo rakcadood oo intaadan seexanin aad tukato ayadood u niyeyesato
Qiyaamulleil
13. Akhrinta Quraanka iyo ku cibro qaadashada sheekooyinkiisa
14. Sunnada habeenkii ee Shafciga iyo watriga
15. Habeenkii intaadan seexan ood is xisaabisid ( maxaan maanta korosaday,
maxaan khasaaray, maxaa iga dhiman?)
16. Dambi dhaaf ood Allah ka bariso si joogto ah.
17. Ku fakaridda uunka Allah iyo yaabkiisa ( abuurka cirka iyo cajaaibta
dhulka)
18. Qalbiga oo laga meydho ( dhaqo) cudurrada ( xasadka, dakanaha iwm)
19. Dadkood ugu yeedho waxaad aaminsantahay ( Taasoo iimaanka si weyn u
kordhisa)
20. Macsida Allah oo laga tago ( macsidu wexey nusqaamisaa iimaanka)
21. Waalidka oo baarri loo noqdo.
22. Qaraabada soke ( rixinka) oo la xidhiidhiyo ( loo kaalmeeyo, lagana
warhayo)
waxan rabaa inaan halkan ku soo gudbiyo qayb
kamid ah xadiithka jibriil een wada garanayno , waana qaybta ka hadlaysa lixda
tiir ee iimaanka
(1) wuxu yidhi nabigu(scw)(iimaanku waa inaad rumayso Alle)micneheeduna waxa
weeye inaad alle inuu kaligii yahay rumayso qalbiga iyo carabkaba aad ka
rumayso isuna dulayso awaamirtiisa una hogaan santo, go'aana aad ku gaadho
inaad u hogaansanto waxa uu alle ku faray , adigoo kana fogaanaya iska kibrin
iyo santaag iyo cinaad inaad latimaado, hadaad saa samayso waxad latimid wuxu
alle kugu jeclaanayo waxadna ka dheraatay wixi cadho alle kuso jiidi lahaa.
(2) (rumaynta malaa'igta )waxaa weeye inaad rumayso inta alle magac yadooda u
ku sheegay kitaabkiisa aadna rumayso in alle leeyahay malaa'ig kale oo aynaan
garanayn tiradooda iyo magacyadooda alle mooyee.
(3) (rumaynta kutubtiisa)waxa weeye inaan rumayno inta alle magac yadooda
inoogu sheegay kitaabkiis sida Towraad, Injiil, iyo Zabuur aanna rumayno in
alle leeyahay kutub kale oon kuwan ahayn oo aynaan garanayn,waxana rumaynaynaa
Furqaan farqibaana u dhexeeya rumaynta kutubahaa kale iyo keenan Furqaan,
rumaynta aan rumaynayno kutubta kale waa inaan qalbiga ka qirno in kutub alle
soo dajiyay ay yihiin iyo carabkaba, rumaynta aan rumaynayno kitaabkeena
Furqaana waa inaan qalbiga iyo carabkaba ka qirno waxa intaa siidheer inaan
inaan wuxu ina farayo raacno wuxu inaga reebayana ka hadhno.
4)(rumaynta rususha)waa inaan rumayno inta uu alle inoogu sheegay kitaabkiisa
magac yadooda, rumaynana inya jiraan rusul iyo nabiyo kale oo aynaan aqoon,
waxaynuna rumaynaynaa nabigeena(scw)Muxamad rumayntaa aan rumaynayno
nabigeenana way ka duwan tahay rumaynta aan rumaynayno nabiyada kale, rususha
kale saan urumaynayno waa inaan qirno inay yihiin rusul alle soo diraya, amaa
nabigeena(scw)saan urumaynayno waa inaan qalbiga iyo carabkaba ka rumayno,
rumaynana marwalba wuxu ina faray iyo wuxu inaga reebay, marka hadaan raacno
wuxuu inoola yimid waajibaadkana aan gudano xaaraantana aan xaaraan u
ictiqaadino xalaashan xalaal shubahaadkana aan ka fogaano khayraadkana aan ku
dadaalo, saasaa ah rumaynta rasuulkeena(scw).
(5) (rumaynta aakhiro)waxa weeye inaan rumayno in laysa soo saarayo dhimasha
kadib xisaabina ya jirto, rumaynana mizaanka iyo abaal marinta iyo ciqaabta
iyo inay jirto jano iyo naar, rumaynana wax kasta oo alle iyo
rasuulkiisu(scw)noosheegen inay maalintaa dhacayso.
(6) (rumaynta qadarta khayr & sharba)waa inaan rumayno in wixi ina asiiba
uuna ahayn mid marnaba inagafi lahaa, wixi ina gafana inuuna ahayn mid marnaba
inagu dhici lahaa, waana inaynaan odhan haday saas iyo saas ahaan lahayd saas
iyo saasbay noqon lahayd , hadu waxas iyo waxaas jiri lahaana waxaas iyo
waxaas madheceen
waana sidaas rumaynta alle iyo maa'igtiisa iyo kutubtiisa iyo rusushiisa iyo
maalinta qiyaamo iyo qadarta khayr iyo sharba
kuli isku soo wada duuboo waxa macnuhu u dhacayaa hadaad rumayso wax kasta oo aallaah kaa doonay inaad rumayso qayb ama qayrkiiye waxaad tahay mu,min alaah rumeyay sida allaah leeyahay {kitaabkaa qur,aanka ahi waxaanuu shaki ku jiri nuu hanuuninayo kuwa allaah ka baqanaya kuwaasoo rumaynaya qaybka}
allaah ayaan waydiisanaynaa inuu iimaanka inoo xoojiyo inaga dhigo mu,minn xaq ah
wasalamu calaykum
Qore: Shiikh Sakariye Asalafi Alathari
©Xuquuqda oo dhan waxay u xafidantahay Bogan: http//:doorasho.bravehost.com walaalkayga Muslimka ahow dhamaan waxa laga helo Bogan waxaad u isticmaali kartaa si shakhsi ahaaneed iyo fidinta Dacwada
جميع الحقوق محفوطة لموقع الإختيار أخي المسلم بإمكانك الإستفادة من محتويات الموقع في الإستخدام الشخصى ونشر الدعوة
bravenet.com