|
|
|
|
Ka digtoonow Hurdada ka badan 9
Saacadood
Waxa laga yaabaa in Dadka qaarkii la yaabaan markay
aqriyaan Cinwaanka Qoraalkan,waayo Hurdadu waxay u leedahay Qofka ahmiyad gaar
ah oo aanay suurta gal ahayn in uu ka maarmo haba yaraatee weligiiba
Waxayna u arkaan qaarkood in markii ay sii badato Hurdadooduba ay sii
badanayso dareenkooda Raaxda ay ka heleen Hurdadaasi, Aragtida noocan ahina waa
mid khaldan oo aan sax ahayn laakiin ku jirta Dihniga Dad badan, waxay se
cadayeen Diraasado ama Baadhitaano la samayay in Hurdada ka badan intii loogu
tala galay ay u soo jiido Saaxiibkeeda Xanuuno aad u Khatar ah gaar ahaan
Xanuunada Wadnah iyo Maskaxda waxana ay keeni kartaa Xanuunada kala duwan ee
labadaa Xubnood ku dhaca taas oo keeni karta taas ka dib Geerida Qofkaa
Allaah ha inaga hayee
Hadaba Qiyaasta feyow ee Hurdada Maalin walba ahi waa inta u dhexaysa 7
ilaa iyo 9 Saacadood Maalin walba, taas ayaa waxay siinaysaa Qofka firfircooni
aad u badan, waana tan u adeegaysa Qofka Noloshiisa Shaqa ahaaneed, mar kastana
oo ay badato mudada Hurdada ee Maalin walba waxaa sii badanaaya Caajiska
iyo Daalanaanta Qofka wuxuuna isu arkayaa inuu u baahan yahay Hurda intaa ka sii
badan oo ka sii badan
Waxayna cadayeen Diraasado ama Baadhitaano kale in Hurdada badani sababto
inuu u shaqeeyo si aan caadi ahayn Mishiinka Neefsashada waxayna daciifisaa
Awooda uu ku helaayo Kimiyado ku filan oo ah Oxygen ta, markaas ayaad arkaysaa
inuu Qofku ka kaco Hurdada isaga oo dareensan Daal iyo deganaansho la'aan
Waxayna u malayaan Dadka qaar in ay Raaxadu ku jirto inta ay le'eg tahay Mudada
Hurda ee uu Qofku seexdo, taasina waa Fikir aan feyowbayn Raaxaduna kuma timaado
Mudada Hurdada gaabnideeda iyo dheeraanteeda midna ee bal waxay ku timaadaa inta
ay godan tahay ama xoogan tahay Hurdadu, marka uu ka fogaado Qofku
Daawooyinka Qofka dejiya, kuwa seexiya iyo wax yaabaha soo jeedista keena oo uu
helo Jawi dhexdhexaad ah oo aan Qabowna ahayn Kulna ahayn taas ayuu ka helayaa
Raaxada la doonaayo ee laga faa'iidaysanaayo Hurdada, waxana ka mid ah
Hurdooyinka khaladka ah ee badanaa dhacada gaar ahaan Bulshooyinkeena waa
Hurdooyinka la seexdo marka wax la cuno ka dib si toos ah
Hurdoonyinka noocaas ahi waxay sababaan inuu Qofku naaxo
waxayna daciifisaa Awooda jidhka, Arintana waxa waajib ah inay ogaadaan dhamaan
Dadka ay Bulshadu ka kooban tahay waayo Dadka qaar ma siiyaan sababahakan qadar
ku filan oo ay kaga fogaadaan markaas ayay ugu dhacaan si ka fiirsi la'aan ah
Hurdada se caafimaadka ahi waxa waajib ah in ay xaqiijiso saddex Shuruudood:
1- tan ugu horaysa Raaxa xaga Jidhka ah
2- tan labaad Raaxa xaga Caadifada ah
3- tan u dambaysaana waa Raaxa xaga Fikirka ah
Markii ay dhamaystirmaan Shuruudahan saddexda ahi waxay u soo jiidayaan Qofka
Hurda caafimaad leh oo ku haboon Jidhkiisa, waxaana jira halkaa Jidhka Qofka
Hormone la yidhaahdo Cyrotonin kaas oo qabta muhimada ah seexinta Jidhka Qofka,
waxana la yaab leh Hormone kan ay ku kordho soo dayntiisu Gudcurka ama
meesha madow oo aan Iftiinka lahayn wuxuuna ku tiirsan yahay hadba inta ay le'eg
tahay Derejada Iftiinka ku xeeran Jidhka Qofka
Markaa siduu Allaah tacaalaa inoogu sheegay Quraanka kariimka ah ee uu yidhi:
(وجعلنا
نومكم سباتا * وجعلنا اليل لباسا * وجعلنا
النهار معاشا) ( waxaanu ka yeelnay Hurdadiina
Nasasho iyo Raaxo, waxaanuna ka yeelay Habeenka mid ku dedaaya madowgiisa,
waxaanuna ka yeelay Maalinta Risqi raadsasho)
Hadaba Hurdada dabeeciga ahi ma noqonayso mid aan ahayn
tan Habeenkii, Hurdada se loo yaqaano Qayluulada oo ah tan Duhurkii la seexdo
goorta aad dareento Hurdo Waqtiga Duhurnimada iska seexo waa mudo Raaxa ah
oo u soo celinaysa Jidhka firfircoonaantiisii ee mana aha laasim inay noqoto
Hurdo qaadata Saacado ee bal waxa ku filan muda yar oo gaaban oo aan ka badnayn
Saacad Badhkeeda
Caajiska iyo dawadiisa se waxa suura gal ah inaad kaga
adkaato adoo ka fogaada Hurdada Muda dheer Maalinimadii kana fogaada wax
yaabaha soo jeedista keena saddex Saacadood ka hor ugu yaraan intaadan seexan
iyo adiga oo u diyaariya Jawiga ku haboon Hurdada sidaas ayaa suura gal ah inaad kaga
adkaato Caajiska
Wax
yaabaha kaa saacidi kara inaad hesho Hurda Degan
Arima kala duwan ayaa suura gal ah inay saamayn ku
yeeshaan Hurdadaada laga soo bilaabo Daal iyo ilaa Tiiraanyo ilaa iyo isbedela
yaryar oo ku yimaada Hawlahaaga Maalin laha ah, hadaba hadii ay kula tahay ama
aad dareemaysid inaad waayayso Hurdadaada Habeen degan waxa kula gudboon inaad
ku kacdo talooyinka Habeenkaa ama aadba caado ka dhigto markaad ka baqdo Hurda
la'aanba:
1- Is debci Dihinkaagana deji una ogolow Caqligaaga iyo Jidhkaagaba mudo
Deganaansha ah, waxaadna isku daydaa inaad ku kacdo Shaqa degan sida inaad
Xamaamka gasho oo aad maydhato ama aad heshid wax yar oo is Duugis ah ama aad
dhegaysato Quraanka Allaah oo loo aqriyaayo si degan
2- Ha isku deyin inaad isku dirqido Hurdada maadaama ay Dhibi kaa haysato
Hurdada hana u ogolaan Naftaada inuu burbur ku yimaado waayo taasu waxay sii
kordhinaysaa Xaalada deganaansha la'aanta ah ee ku haysa arintuna waa ay sii
xumaanaysaa, markaa Xeeldheerayaal badan ayaa waxay ku talinayaan inaad ka kacdo
Sariirta Laydhka Qolkana shidato oo isku mashquuliso wuxuun Shaqa ah oo
degan sida inaad wax aqrido ama aad internet ka furato Bogag ku xiisa geliya oo
aad daalacato ama aad dhegaysato Quraanka oo lagu aqriyaayo Cod degan
sidaasna ku soco ilaa aad dareento inaad Hurdo u baahantahay dabadeedna ku noqo
Sariirta oo seexo, hadaad dareento inaan weli Hurdo ku hayn dib u samay arintii
aad ka hor samaynaysay
3-Seexo Hurdada qadarka uu uga baahan yahay Jidhkaagu Hurdada mana ah inaad
seexato mid ka badan ama ka yar ogowna in Kimiyada Hurdada ee uu u baahan yahay
inuu ku soo ceshado Caqligaagu iyo Jidhkaagu firfircoonaantiisa uu Qofba Qofka
kale kaga duwan yahay markaa si aad u qiyaastid Kimiyadaas waa inaad ogaataa
Saacadaha Hurdada ee kugu filan ee aad dabadeed dareemaysid inaad raaxaysatay oo
dareemayso inaad si haboon u gudanayso Hawlahaaga Maalinta xigta
4- Waxaynu raacnaa in badan Caadooyinka Jidhkeenuna waa
sidaas oo kale markaa caadayso inaad seexato oo kacdo Waqtiya cayiman xataa
markaad ku jirto Fasaxa Todobaadkii,xataa hadii ay Dhibi kaa haysato taas seexato
in aad ilaaliso in aad Waqtiya cayiman seexato oo kacdo waxay kugu celinaysaa
Hurdadii Caafimaadka ahayd kana fogow inaad ku qaadato Fasaxaaga Todobaadkii
dhamaantiis Hurdo waayo taasi waxay ka dhigaysaa Nidaamka Hurdadaada ee Maalinta
Sabtida ah waxaan caadi inaba ahayn, arintan waxa kaa gargaraaya oo aad
Badhaadhe labada Daaroodba ah iyo Hurda Caafimaad lehba aad ka helaysaa waa
adiga oo ilaaliya inaad tukato Salaad walba Waqtigeeda oo Jamaacada cadaysto
inaad la tukato
5- ka fogow Caffeine ta ama yaray wax yaabaha laga helo sida Bunka,Chocolate ka
iyo Shaaha waayo waxa suur gal ah in Caffeine tu ka dhigto wax adag inaad hesho
Hurda degan markay Habeenkii tahay ama ugu yaraan uu ku gaadhsiiyo Hurda la'aan
joogta ah, saamaynta ay ku yeelato Caffeine tu way ku kala gedisan tahay Dadka
badankiisu waxa laga yaabaa in qaar ay saamaynta ay ku reebto Caffeine ta Koob
Bun ah ama Jab Chocolate ahi ay la socoto muda gaadhaysa in ka badan Sideed
Saacadood
6- ka fogow wixii Isbiirta leh(Alchole), Dad badan baa waxay u malaynayaan in
Sharaabkaas leh Isbiirtadu ay ku gargaraayso in ay seexdaan ama ay dareemaan
Raaxo sida xaqiiqda ah se waxay sababtaa xasilooni daro Hurdada ah iyo Hurdada
oo aad hadba ka kacdid marar badan
7- Jooji cabista Sigaarka iyo wixii la mid ahba ee leh Maadada wax soo jeedisa
ee Nicotine ka, Baadhitaano ayaa waxay muujiyeen in Dadka caba Sigaarku ay la il
daran yihiin dhibaato ka haysata xaga Hurdada, cabista Sigaarkuna waxa suura gal
ah inuu keeno Cadaadinta Dhiiga (Blood Pressure) oo kor u kaca iyo saamaynta uu
ku reebi karo Wadnaha, han ilaabin khatarta ku sugan Xabad Sigaar ah oo aad shidato
adoo Sariirta jiifa
8-Ilaali waxaad cunayso iyo goorta aad wax cunaysoba, in
aad cuntid Saami Cunta ah oo wayn wuxuu kaa yeelayaa in dareento Daal, isku
dayga inaad hesho Qadar yar oo Hurda ah dabadiisana wuxuu noqon karaa arin aad
u Wareer ah waayo Jidhku Waqtigaas wuxuu noqonayaa inuu ku
mashquulsan yahay raqdinta Kimiyadahaa badan ee cuntada ah oo hada cuntay,
dhinaca kale inaad Sariirta aado adiga oo dareemaaya Gaajo ma ay wanaagsana
sidaas darteed ka dhig wax yar Saamigaaga Cuntada ah ee Gelinka dambe waana
inuu lahaadaa wuxuun Proteine ah si aad isaga ilaaliso Gaajada markaa ka
dib, hadiina ay tahay laabud inaad wax cunto inta aanad Hurda tegin waxa lagama
maarmaan ah inuu noqodo ugu yaraan Laba Saacadood ka hor intaadan Hurda tegin
Cuntadaasuna lahaato Carbohyderates sidoo kale Caanaha diiran iyaguna aad ayay
muhiim u yihiin, waxa kale oo haboon inaad ka fogaato Cuntada Dufanku ku badan
yahay iyo tan leh Xawaashka badan iyo Thoomta xad dhaafka ah waayo kuwaas waxay
keenayaan inay adkayaan raqdinta cuntada iyo Acidity Xiidmaha ah
9- Inaad ku kacdo Ciyaaro Jimicsi ah si joogta ah Waqtiga ku haboon taas waxaa
suura gal ah inay kaa gargaarto in badan in aad u seexato si sahlan oo
wanaagsan, Ciyaaraha Jimicsiga ee aad samayso Waqti dambe oo Duhurkii ah ama
goor hore oo Galabnimada ah waxay uga waxtar badan tahay inaad hesho Hurda
wanaagsan Jimicsiyada aad samaysid Aroortii ama goor dambe oo Galabnimadii
ah
10- Iska hubi nadaafada Qolkaaga iyo inay Sariirtaadu ka madhan tahay ama
ka feyowdahay wax Xasharaad ah waayo nadaafad la'aanta Sariirta iyo inay
Xasharaad leedahay waxay ka dhigaysaa inaad hesho Hurdo wax dhib badan sidoo
kale iska hubso ma ka jiraa halkaa Buuq cod dhaadheer ah Habeenkii?
iyo ma kaaga soo gelaayaa Laydh ama Iftiin kale Daaqadaha iyo Albaabada?
miyuu Qolku u diiran yahay si xad dhaaf ah? ma Caruur ama Xayawaano Murabi ah
baa Hurdada kaa kiciya Habeenkii? Wareerada noocan ah oo ay Bii'adu
leedahay waxa suura gal ah in aan bedelo oo tusaale ahaan waxa suura gal inoo ah
inaan gashano waxyaabaha Indhaha lagu qariyo oo kaa ilaaliya Iftiinka Habeenkii
ama inaad Daahyo ku xidhid dhamaan Daqadaha Qolka ama Gurigaba
Waxay tahay Mushkilada Dad badan haysataa gaar ahaan kuwaa
la il daran Hurda yarida ama Hurdada aan nadaamsanayn inay kaga imanayso kuwa ay
Sariirta la wadaagaan, hadii uu kaad Sariirta wadaagtaan la il daran yahay Hurda
la'aan iyo Khuuro ama uu leeyahay caada taas la mid ah waxay taasu saamaynaysaa
Hurdadaada, markaa waxa lagama maarmaan ah inaad arintaa dib u eegto oo aad kala
falanqooto arimahan cidaad Sariirta wadaagtaan ama Qolka si aad uga
badbaadaan is faham la'aan aadna ugu heshaan Xal ku haboon arintan oo ay ka mid
noqon karto inaad kala seexataan Sariiro ama Qolal kala gaar ah
Xikmad baa waxay tidhaahdaa ha waydiin Dhakhtarka ee waydii Mujaribka dabcan tan
wax walba kuma dabiqi karo in la waydiiyo wax walba oo loo tago Dhakhtarkana waa
waajib in taladiisa la qaataana waa waajib waayo isaga ayaa Aqoon u leh
Xanuunada iyo daawayntooda oo waxa laga yaabaa in Daawo Qof kale ku bogsaday
aanay adiga kugu haboonayn amaba ay wax ku yeelayso, taasna Dhakhtarka oo keli
ah baa garan kara. laakiin waxa jirta marmar aan dabaqi karo sida tan soo socata
oo kale:
Waana mid aan khibrad u leeyahay anigu oo isoo martay waxayna tahay Waqti sii
horeeyay oo aanay Islaamnimadaydu fiicnayn Allaah ha iga cafiyo ee baan waxaan
ku ibtilaysnaa sida Soomaali badani hada ugu ibtilaysan tahay ruugista Bahalka
la yidhaahdo Qaadka, si xun baan u ruugi jiray Waqtigaas waxay aad dhibi iiga
haysan jirtay Hurdada oo aanan Hurda fiican seexan jirin
Markii aan isagii iska daayayna waxan ku bedelay soo jeed iyo in aan daawado TV
ga Hurda xumadiina way igaga sii dartay runtii maan seexan jirin Hurda la sheego
markaan hada xusuustona waxan la yaabaa sidaan u noolaa, si kastaba ha ahaatee
waxa Hurda caafimaad leh oo nadaamsan iigu horaysa Maalintaan bilaabay in
aan ilaaliyo oo Salaada ku tukado Waqtigeeda Jamaacadana la tukado runtii
taas baana ku filan in ay dhamayso Dhibaatooyinka kaa haysta Hurdada oo dhan
Wabillaahi atowfiiq
Waxaa ururiyay oo diyaariyay: Maessa Asalafi Inshaa Allaah
©Xuquuqda oo dhan waxay u xafidantahay Bogan: http//:doorasho.bravehost.com walaalkayga Muslimka ahow dhamaan waxa laga helo Bogan waxaad u isticmaali kartaa si shakhsi ahaaneed iyo fidinta Dacwada
جميع الحقوق محفوطة لموقع الإختيار أخي المسلم بإمكانك الإستفادة من محتويات الموقع في الإستخدام الشخصى ونشر الدعوة
Web Master: maessa2@gmail.com
bravenet.com