|
|
|
|
بسم الله الرحمن الرحيم
Xukumka Muusikada iyo Heesaha ee Kitaabka iyo Sunnaha
Iyo waxay ka yidhaahdeen Culimadu
أحكام الموسيقى والغناء في الكتاب والسنة وأقوال العلماء
إنََّ الحمد لله ، نحمده ونستعينه ونستغفره ،ونعوذبالله من شرور أنفسنا، ومن سيئات أعمالنا ، من يهده الله فلامضل له ومن يضلل فلا هادي له، وأشهد أن لا إله إلا الله وحده لاشريك له، وأشهد أن محمداً عبده ورسوله. {يا أيها الذين آمنوا اتقوا الله حقَّ تقاته ولاتموتن إلا وأنتم مسلمون}[آل عمران :102] . {يا أيها الناس اتقوا ربكم الذي خلقكم من نفسٍ واحدة وخلق منها زوجها وبث منهما رجالاً كثيراً ونساءً وتقوا الله الذي تساءلون به والأرحام إن الله كان عليكم رقيباً}[النساء:1] {يا أيها الذين آمنوا اتقوا الله وقولوا قولاً سديدا. يصلح لكم أعمالكم ويغفر لكم ذنوبكم ومن يطع الله ورسوله فقد فاز فوزاً عظيما}[الأحزاب: 70و71]
أما بعد: فإن خير الكلام كلام الله ، وخير الهدي هديُ محمد صلى الله عليه وسلم، وشر الأمور محدثاتها، وكل محدثةٍ بدعة, وكل بدعة ضلالة ، وكل ضلالةٍ في النار .
وبعد:
Allaah ayaa mahad iyo amaan mudan oo iska leh, waan u mahad celinaynaa waan kaashanaynaa dembidhaaf ayaan waydiisanaynaa, waxaan Allaah ka magan gelaynaa shararka nafahayaga, iyo acmaashayada kuwooda xun, kii Allaah hadeeyo cid lumin kartaa ma jirto, kii Allaah luminayona cid hadayn kartaa ma jirto, waxaan qirayaa inaanu jirin Ilaah xaq lagu caabudaa Jiritaanka oo aan Allaah ahayn kelidii oo aan lahayn wax shiriik ah oo lagu lamaaneeyo, waxaan qirayaa in uu Maxamed yahay adoonkii Allaah iyo Rasuulkiisii.
{Kuwii Allaah iyo diintiisa xaqqa ah rumeeyeyow, Allaah ka cabsada cabsi dhab ah hana dhimanina idinkoo aan muslimiin ahayn.} [Aali cimraan: 102] {Dad yohow rabigiina ka cabsada, idinka abuuray naf keliya (Aadam calayhi salaam) ee ka sii abuuray xaaskeedii (Xawaa calayhaa salaam) ee ka sii abuuray rag badan iyo dumar oo ku kala fidiyey dunida guudkeeda, ka cabsada Allaaha aad wax isku waydiisataan iyo inaad riximka gowsaan, Allaah kor buu idinka ilaalinayaa oo waa ogyahay acmaashiina} [Nisaa: 1].
{Kuwii Allaah iyo diintiisa xaqqa ah rumeeyeyow Allaah ka cabsada oo ku hadla hadal toosan wuxuu idiin hagaajin acmaashiina wuuna idiin dembi dhaafi kii Allaah iyo Rasuulkiisa adeeca ayaa liibaanay liibaan wayn (janada nimcooyinka badan gelaaya)} [Alaxzaab: 71&72].
Intaa ka dib: hadal waxaa u khayr badan hadalka Allaah, jid lagu hanuunona wax u khayr badan kii Maxamed sala Allaahu calayhi wasalam, arimaha waxaa u shar badan kuwa la abuuro, arin kasta oo la abuuraana waa bidca, bidca kastaana Naar ayay geli.
Intaas ka dib:
Allaah casaa wajalaa markuu abuuray Aadam calayhi salaam ee ay u sujuuday Malaa’iktu alkiraam iyo Sheekadii uu Allaah inooka sheekeeyay caasinimadii uu sameeyay Ibliiska laciinka ahi amarkii Rabigiisa ee ahaa inuu u sujuudo Aadam calayhi salaam ee dabadeedna Allaah casaa wajalaa ka eryay raxmadiisa iyo inuu ka dheereeyey raxmadiisa ilaa iyo Maalinta Qiyaamaha ayaa laciinkaasu wuxuu ku dhaartay in hadii Allaah dib u dhigo ilaa iyo Maalinta Qiyaamaha uu lumin doono cid kasta oo uu lumin karo oo ah Duriyada Aadam oo uu ku amraayo inay sameeyaan Macsiyado siduu yidhi tacaalaa: {
إذ قلنا للملائكة اسجدوا لآدم فسجدوا إلا إبليس قال ءأسجد لمن خلقت طيناً، قال أرأيتك هذا الذي كرمت علي لئن أخرتن إلي يوم القيامة لأحتنكن ذريته إلا قليلاً، قال اذهب فمن تبعك منهم فإن جهنم جزاؤكم جزاء موفوراً [الإسراء: 61-63]} {Allaah tabaaraka wa tacaalaa wuxuu u digayaa Adoomihiisa waynaanta cadaawada Shaydaanku u hayo iyo siday uga go’antahay inuu lumiyo iyo inuu markuu abuuray Aadam calayhi salaam ee uu ku amray Malaa’ikta inay u sujuudaan ee ay u sujuudeen uu Ibliis diiday isagoo ka kibraya wuxuna yidhi ma waxan u sujuudaa waxaad ka abuurtay Dhoobada isagoo ku andacoonaya inuu ka khayr badan yahay, isagoo Allaah la hadlaya ayuu wuxuu yidhi ma aragtaa ka aad iga sharaftay hadaad dib ii dhigto ilaa iyo Maalinta Qiyaamaha waxaan saydari oo lumin oo jiidan Duriyadiisa, markuu ogaaday khabiisku inay ku jiri doonaan qaar ka hor imanaya oo caasiyaya ayuu wuxuu yidhi in yar maahee, markaas ayaa Allaah ku yidhi tag adiga iyo kii ku raaca ee kaa doorta Rabigiisa iyo Weligiisa dhabta ah waxa idiin ah abaal marin Jahanama abaal marin idiin kaydsan }.Markii Allaah casaa wajalaa u soo dejiyay Aadam calayhi salaam iyo Xaaskiisii Dhulka wuxu uga digay Ibliis wuxuna u sheegay inuu cadaw u yahay isaga iyo Duriyadiisaba markaa ay la gudboontahay isaga iyo Duriyadiisuba inay ka digtoonaadaan oo aanay waxba ku adeecin iyo inay qabsadaan hanuunka Allaah u soo dejin doono wuxuuna yidhi tacaalaa: {
وقلنا اهبطوا بعضكم لبعض عدوٌ ولكم في الأرض مستقرٌ ومتاعٌ إلى حين فتلقىآ ءادم من ربه كلمات فتاب عليه إنه هو التواب الرحيم ، قلنا اهبطوا منها جميعاً فإما يأتينكم منى هدىً فمن اتبع هداىَ فلا خوف عليهم ولاهم يحزنون} {waxaanu ku nidhi u dega qaarkiinba qaarka kale ayuu cadaw u yahay [waa Aadam iyo Duriyadiisa ayaa cadaw u ah Ibliis iyo Duriyadiisa waxana la ogyahay in cadawgu ku dedaalo siduu dhib u gaadhsiin lahaa iyo shar Dariiqad kasta iyo inuu ka xarimo wixii khayr ah Dariiqad kasta] wuxuu idiin yahay Dhulku Hooy iyo negaansho ilaa iyo inta Ajalkiinu imanayo oo aad u wareegaysaan Daartii laydiin abuuray, markaas ayaa Allaah u laqimay oo u ilhaamay Aadam Kelmedo markaas ayaa Allaah ka aqbalay Toobadii oo u naxariistay, Allaah waa toobad aqbale kii u toobad keena oo u soo noqda waana naxariiste, waxaan ku nidhi u dega Dhulka Dhamaantiin haduu idiinka yimaado xagayaga hadaad tihiin saqalaynka [Jinka iyo Insiga] Hanuun [waqti kasta ha noqatee oo ah Rasuul iyo Kitaab idinku hanuuninaya wixii ii kiin soo dhowaynaya oo aad raalinimadayda ku helaysaan ] kiinii raaca hanuunkaas ee aamina Rasuuladayda iyo Kutubtayda ee ku hanuuna isagoo rumaynaya dhamaan Akhbaarta Rasuulada iyo Kutubta ma ay cabsoon doonaan mana ay murugoon doonaan}.Hadaba kii raaca hanuunka Allaah oo ah Kitaabka iyo Sunnaha saxeexa ah oo xalaalaysta wixii xalaal ah ee ku jira xaaraamaystana wixii xaaraam ah ee ku jira ayaa ah kan liibaanay kii aan sidaas yeelinina waa khasaaray.
Wax yaabaha ugu waawayn ee uu Ibliisku Adoomaha Allaah ku lumiyo oo kaga horjoogsado hanuunkiisa waa: Muusikada iyo Heesaha oo uu ku dhaartay Ibliis inuu ka dhigan doono xeelad xeeladihiisa ugu waawayn ah ee uu ku luminayo Adoomaha Allaah casaa wajalaa way inoo imanaysaa cadaynteedu taas in yar ka dib inshaaAllaah.
Muusikada iyo Heesuhu waa sabab wayn oo ka mid ah sababaha uu Qofku kaga jeesto maqalka Hadalka Allaah iyo inuu ku culusaado Qalbiga iyo inaanu ku degin Hadalka Allaah casaa wajalaa, markay sidaas xaaladiisu tahayna ma kari karaayo inuu raaco hanuunka Allaah casaa wajalaa waxayna sababtaa in Qalbigu ka madhnaado Iimaan Qalbiguna haduu ka madhan yahay Iimaanka waxaan shaki ku jirin inuu ka buuxsamo wixii keenaya cadhada Allaah casaa wajalaa waxayna sabab u tahay inay Carrabka ku culusaato Dikriga Allaah casaa wajalaa markaas ayuu ku yaraan Dikrigu Carrabka Adoonka oo haduu dikriyo xataa uu noqanayaa dikri madhan oo aan Qalbiga jirin ee Carrabka uun ah, waxay tahay sababta furta Dariiqa Shaydaanka oo xidha Dariiqa Allaah casaa wajalaa Qalbina haduu camirto Ibliis oo ku dhalo oo Caruurtiisa dhigto kama waantoobayo inuu ku dhaco caasinimo waayo Muusikadu waxay kuugu yeedhaysaa inaad Shahwadahaaga gaadho sidii u suura gal ah waxay kaloo ka hor imanaysaa Cibaadada ugu wayn ee Allaah casaa wajalaa ku waajibiyay Adoomihiisa waan Salaada , Salaadu waxay nahyidaa Xumaanta iyo Munkarka Muusikaduna way kugu amartaa Xumaanta Qofka taas diidaana waa mid Naftiisa khiyaanaynaya.
Walaalkayga Muslimka ahow hadaynu sii wadno dhibaatooyinka ay leedahay Muusikada iyo Heesuhu hadalku waa inala dheeraanayaa kamana bixi karayno ee intaynu soo sheegnay baa inshaaAllaahu tacaalaa inagaga filan Waxaad ogaataa walaalkayga Muslimka ahow in cadowga Ibliis markuu ku dhaartay inuu qabsan doono Adoomaha Allaah oo uu lumin doono ayaa Allaah casaa wajalaa ku yidhi: samay waxaad samayn doonto una soo jiido Askartaada ka mid ah Insiga iyo Jinka abaal marintaada iyo abaal marinta cidii ku raacdaaba waa Naar, abaal marinta kii Rabigiisa adeecaana waa Janah hoyga kuwa fiican.
Hadaba waa kuwaa Askartii Ibliis oo ah Yuhuud iyo Nasaaro iyo taageerayaashoodu ku dedaalayaa inay ku dhex fidiyaan Muusikada iyo Heesaha Muslimiinta dhexdooda waayo waxay ogyihiin inay yihiin Arimaha ugu waawayn ee seexisa Dadyowga oo ka jeedisa Diintooda iyo qadiyadahoodaba ee ka dhigaysa inay noqdaan dabadhilif iyaga daba jooga waxay kaloo tahay Arimaha ugu waawayn ee Dadka ka fogeeya hanuunka Rabigooda, Muusikada iyo Heesuhu waxay Nafta ku samayaan waxaanay ku samayn khudbadaha aadka u wanaagsani iyo Muxaadaradaha aadka loo soo tartiibiyay iyo Kutubta daabacani, ku celcelinta Heesuhu waxay ka dhigtaa inay dihiniga ku negaato Dhegaystayaasha ilaa ay noqato waqti ka dib Arin layska ogolyahay iyo Caqiida raasukh ah inkastoo hadaad miisaanto kelmedeheeda aad ka helayso inuu yahay Hadal aan macna lahayn iyo afkaar aad u fool xun iyo Caqiidooyin baadil ah oo ah waxaanu aqbalayn Qofka caadiga ahi iskaba daa mid tacliin leh ee, hase yeeshee markii lagu dheehay dheeha Alxaanta wax sakhraamisa ee sakhraamisay Caqliyadii Dhegaystayaasha ayay ogolaadeen oo ku celceliyeen iyaguna iyadoo aan lagaba wada hadlin Erayadeeda ama aan loo fiirsanba, markay Muusikada iyo Heesuhu leeyihiin khatartaa wayn xaga qabsashada Caqliyaasha Dadka ayay waxay ku dhaqaaqeen Ibliis iyo Askartiisu oo ah Yuhuud iyo Nasaaro iyo kuwa raacsaniba oo ay qabsadeen adeegyada warfaafinta Caalamiga ah waxayna u qorteen wax aad u tira badan oo Fanaaniin heesta ah Rag iyo Dumarba iyo kuwa laxanka sameeya iyo kuwa alifa Erayada aan ahayn xujo Allaah casaa wajalaa soo dejiyay waxayna siiyeen adeegyada wax soo jiita ee kala duwan ha ahaato Xoolo iyo Khamri iwm waxayna ku jahayeen Dadyowga jihayn u adeegaysa ujeedooyinkooda ay kaga soo horjeedaan Islaamka, markaa imisay Heeso sabab u ahaayeen inay Gabdha yaryari u gacan galaan kuwa bahalaha ah ee aan naxariisan imisaa se Heeso sabab u ahaayeen inay fidaan Fekredo Gaalnimo ahi imisaa se Heeso sabab u ahaayeen Dagaalo Gobolnimo iyo Qoomiyadeed iyo Qabiilnimo imisaa se iyo imisaa se
Waa tan walaalkayga Muslimka ahow waxay Yuhuud ka yidhaahdeen Heesaha iyo Muusikada Brootikoolkoodii saddexaad iyo tobnaad oo ka mid ah Brootikoolada Xukamaa Asahyuun waxay yidhaahdeen: waxay yeeli doonaan Dadwaynuhu inay iska daayaan oo ka maarmaan waxaan u malaynayno inay yihiin Dhaqdhaqaayo Siyaasadeed hadaan siino meelo lahwiga lagu sameeyo oo cusub… si aan uga fogayno inay gartaan wixii ah khidado Camal oo aan ku kacayno oo cusub waxan ku jeedinaynaa hadana Noocyo kala duwan oo ah Meelaha lahwiga iyo Ciyaaraha… isla markiiba waxaan bilaabayna inaan ku xayaysiino Jaraa’idka oo ugu yeedhaynaa Dadku inay soo galaan Ciyaaro kala duwan oo nooc walba leh sida Fanka, Ciyaaraha iwm wax yaabahan lagu raaxaysto ee cusubi waxay ka jeedinayaan Dihniga Dadwaynaha Arimaha aan isku khilaafsanahay markay ka lunto Dadwaynaha nicmada fekeraada madaxa banaan si talaaba talaaba ah ayuu wuxuu inagula dhawaaqi sabab keli ah: oo ah inaan noqonayno xubnaha Bulshada ee keli ah ee noqonayaa kuwa u qalma inay soo bandhigaan afkaaro cusub
Nasaaraduna Shirkii Tabshiiriyiinta Nasaariyiinta kowaad ee lagu qabtay Qaahira Sanadkii 1906 oo uu madaxa u ahaa khabiiska la yidhaahdo Suwaymar waxay ahayd Arintii ugu waynayd ee lagu falanqayay dhibaatooyinka kala kulanta Tabshiiriyiinta Dhulka Muslimiinta ka dib markii la falanqayay waxay garteen inay tahay lagama maarmaan in la helo wax yaabo Muslimiinta soo jiita oo ka dhiga inay ogolaadaan afkaarteena waxay ahayd Arintii kowaad ugun waynayd ee ay dhamaan isku afgarteen sida ku timi Taqriirtoodii: waa Arinta garaacist Muusikada
Kuwa raacsan ee Dabadhilifkooda ahna waxaan ka aqriyay mid Jaraa’idka ka mid ah waraysi lala yeeshay mid u madax ah meel Muusikada lagu barto wuxuu sheegay in ujeedada kowaad ee ugu muhiimsan ujeedooyinkooda ay tahay in lagu fidiyo Muusikada meel kasta oo ka mid ah Dhulka Muslimka ilaa ay dhacdo inaanay meelina ka madhnaan laguna farad yeelo oo uu noqdo Manhaj waxbarasho oo ay lagama maarmaan tahay inuu barto Ardaygu dhamaan marxaladaha kala gedisan ee waxbarashadiisa
Sidaa ayaa walaalayaal keentay in laydiin qoro warqadan si loogu cadeeyo Muslimiinta Xukumka ay leedahay Muusikada iyo Heesuhu xaga Kitaabka Allaah casaa wajalaa iyo Sunnaha saxeexa ah iyo waxay ka yidhaahdeen Culimadu si aan loo khiyaanayn sidii loo khiyaamayay Muslimiin badan, oo aad ka ilaashato Caqligaaga iyo Diintaada kuwa cabaska ku samaynaya oo aanad u noqon igu dar iska daba jooga Cadawga Diinta, waxaanuna u qaybinay laba qaybood iyo geba gebayn waana sidan:
Noocyada Heesaha
Heesuhu waxay u qaybsamaan laba nooc: nooc banaan xaga Shareecada iyo nooc Muxaram ah, hasee yeeshee intaynaan dhexgelin aan Horta is waydiino maxaa la yidhaahdaa Hees maxaa se la yidhaahda Muusiko?
Heestu
: waa codka oo lagu garaaco oo lagu luuqayo Gabayga iyo Buraanburka iwm iyadoo bay noqon codka kor loo qaadayo waxa la raacin karaa Muusiko waana laga dayn karaa oo sideeda baa loogu heesaaMuusikaduna:
waa kelmed Afka Giriiga ah oo lagu magcaabo Fan garaacista alaabta la garaaco Heesaha sida kamaanka, Durbaanka, Dabalka iwm sidaa waxaa inoogu cadaatay inay Heesuhu yihiin Shay Muusikaduna tahay Shay kale oo aanay ku xidhnayn inay Heesta raacdo Muusiko si ay Hees u noqato waayo in codka la garaaco oo lagu luuqayo korna loo qaado baa la yidhaahdaa Hees ama ha raacdo Muusiko ama yaanay raacineeNooca kowaad Heesaha banaan Sharci ahaan
: hadaad garatay intaan soo sheegnay waxaad ogaataa markaan leenahay nooca Heesaha Sharci ahaan banaan waa Heesaha codka lagu garaaco oo lagu luuqayo ee aanay raacin Muusikadu waana noocyo Shuruudo bayna leeyihiin si ay u noqato mid banaan Sharci ahaan oo aan halkan ku sheegi doono inshaaAllaahNoocyada Heesaha Sharci ahaan banaan
Tan kowaad
: Heesta Geela loogu heeso marka Dariiq dheer uu maraayo ama la caraabinayo ama la waraabinayo taas oo uu uga dan leeyahay kan Geela wadaa inuu ku firfircoonaado Geelana ku ilowsiiyo tacabka si uu u socdoTan labaadna
: Heesta marka Dagaalka lagu jiro lagu heeso si raga loogu dhiiri geliyo inay galaan DagaalkaTan saddexaadna
: Heesta marka la shaqaynaaya lagu heeso si ay Dadka u ilowsiiso tacabka shaqadaTan afraadna
: Heesta Hooyadu ugu heesto Ilmeheeda markay ciyaarsiinayso ama aamusinayso ama madaalinaysoTan shanaadna
: Heesaha Dumarka ee Aroosyada iyo Munaasibadaha marka caruurto la gudo ama Dad Dhoof ku maqnaa yimaadaan ama ciidahaNoocyadaa ayaa ka mid ah Heesaha banaan Sharci ahaan hase yeeshee waxay leeyihiin Shuruudo ay lagama maarmaan tahay in laga helo si ay u noqdaan kuwo baanaan Sharci ahaan waana kuwan shuruuduhu:
Noocyada Heesaha aan banaanayn Sharci ahaan
: Hees kasta oo laga helo mid ka mid ah Shuruudihii aan soo sheegnay ayaa ah Hees xaaraam ah xaga Shareecada hees kasta oo ay ku jiraan nooc ka mid ah noocyada Muusikada ama uu ku jiro hadal Shareecada khilaafsan ama kaa jeedisa wixii Allaah kugu farad yeelay ama ay ku heesayso Ruux Dumar ah oo qaangaadh ah oo ay maqlayaan Rag aan ahayn muxaramkeeda ama uu badsado ka ku heesayaa ilaa lagu barto oo uu caan ku noqdo ama xoola lagu qaato kuwaas oo dhami ma banaana xaga Shareecada
Daliilada Shareecada ee loo cuskanayo Muusikada iyo Heesaha aan banaanayn
Tan kowaad Daliilada ku yimid Quraanka
: waxaan ku soo koobaynaa Daliilada ku yimid Quraanka ee loo cuskanayo Heesaha aan banaanayn saddex Aayatood oo ka mid ah Kitaabka Allaah casaa wajalaa oo cadaynaaya xaaraamaynta Muusikada iyo HeesahaSujuudo Aadam calayhi salaam oo uu ku balan qaaday oo ku dhaartay in hadii uu tacaalaa dib u dhigo halaajintiisa ila iyo Maalinta Qiyaamah uu qabsan doono Curuurta Aadam oo uu lumin doono in yar maahee markaas ayaa Allaah tacaalaa dib ugu dhigay ilaa iyo Maalinta waqtigeed Allaah casaa wajalaa ogyahay wuxuuna ku yidhi tacaalaa waxaad doonto samay adiga iyo wixii ku raacaba abaal marintiinu waa Jahanama wuxu yidh tacaalaa: {
Mujaahid Bin Jabar
Allaah ha u naxariistee oo ahaa Iimaamkii Mufasiriinta waqtigiisii oo ah Ninkii hordhigay Quraanka kariimka ah Sodon jeer Ibin Cabaas radiya Allaahu canhumaa ee waydiiyey Aayat kasta oo ka mid ah Kitaabka Allaah wuxuu yidhi: codka Ibliisku waa Heesaha iyo Muusikada iyo Lahwiga baadilka ahAdxaakna
Allaah ha u naxariistee wuxuuna ka mid ahaa kuwii ugu cilmiga badnaa waqtigiisii wuxuu ka bartay Cilmiga Ibin Cabaas iyo Ibin Jubayr wuxuu yidhi codka Shaydaanku waa Qalabka MuusikadaIbin Alqayim
Allaah ha u naxariistee wuxuu yidhi shaki kuma jiro inay Heesuhu yihiin codadka ugu waywayn ee Shaydaanku ku daandaansado Nafaha oo ku argagixiyo oo ku qalqaaliyo waxayna ka soo horjeedaa Quraanka oo ay Qalbiyaalku ku xasilaan oo ku degaanويتخذها
هزواً أولئك لهم عذاب مهين [لقمان:5] } {Dadka waxa ka mid ah kuwa doortay oo iibsaday Hadalka Lahwiga ah ee iska hortaaga wanaaga si uu wax ugu lumiyo markuu isagu lumay ayuu isna wax luminaya isagoon ogayn wuxu iska hortaagayaa oo hadalkanu is hortaagayaa Hadalka anfaca leh iyo Camalka anfaca leh iyo Xaqqa cad iyo Jidka toosan, kuwaas waxay leeyihiin oo geli doonaan Cadaab dulaysa}Hadaba waa maxay hadalka Lahwiga ee kii doonaa iibsado ama jeclaado jacaylka sida kii ku iibsaday xoolaha ee uu ku mutaystay Cadaab dulaysa xaga Allaah tacaalaa? Waxa weeye Heesaha!!!
Cabdullaahi Bin Mascuud
radiya Allaahu canhu oo ah kii ugu aqoonta badnaa Asxaabtii Kitaabka Allaah ee yidhi isagoo ku jooga Minbarka Kuufa oo ay wada rumeeyeen Dadku hadalkiisa uu yidhi waxaan ku dhaartay Allaaha aanu jirin Ilaah xaqq lagu caabudaa isaga maahee ma jirto Suurat ka mid ah Kitaabka Allaah oo aanan ogayn meesha ay ku soo degtay mana jirto Aayat ka mid ah Kitaabka Allaah oo aanan ogayn yay ku soo degtay hadaan ogahay Qof iiga aqoon badan Kitaabka Allaah oo Geelu gaadhaayo waan u sii fuuli lahaa, markii la waydiiyey hadalka Lahwiga ah wuxuu yidhi waa Heesaha waxaan ku dhaartay Allaaha aan Ilaah xaqq lagu caabudaa jirin Jiritaanka isaga maahee waa Heesaha wuxuu ku celceliyay hadalkaa saddex jeerIbin Cabaas
radiya Allaahu canhumaa oo ahaa khadkii Ummada iyo Fiqihiigeedii iyo Turjumaankii Quraanka iyo Iimaamkii Ehelka Tafsiirka kii uu u duceeyay Rasuulkii Allaah sala Allaahu calayhi wasalam markuu yidhi Allaahow bar ta’wiilka Quraanka wuxuu yidhi hadalka Lahwigu waa Heesaha iwmCabdullaahi Bin Cumar
radiya Allaahu canhumaa Fiqhiigii Ehelka Almadiina iyo Muftiigeedii waqtigiisii wuxu yidhi hadalka Lahwigu waa HeesahaJaabir Bin Cabdulla
radiya Allaahu canhumaa wuxuu ahaa Fiqhiigii Ehelka Almadiina Ibin Cumar ka dib iyo Muftiigeedii wuxuu yidhi hadalka Lahwigu waa Heesaha iyo dhegaysigoodaAfartaasu waa Fuqahaadii ugu waawaynaa Asxaabta Allaah ha ka wada raali noqdo dhamaantood ee waxay isku wada raaceen in hadalka Lahwigu yahay Heesaha Hadalka Saxaabiguna ee Tafsiirku waa Xujo waayo Allaah ha ka wada raali noqdee way uga ogaal badnaayeen qayrkood Tafsiirka waayo wax yaabihii ay ka arkeen Quraanka iyo xaaladaha ay khaaska ku noqdeen iyo fahamkoodii dhamaa iyo Cilmigoodii saxeexa ahaa ee ay barteen gaar ahaan Culimadooda iyo waawaynkooda, sidoo kale Taabiciyiinta hadalkooduna waa Xujo haday isku raacaan tafsiirka Aayat ka mid ah Quraanka, hadalka Lahwiga ee Aayatan waxaa isku raacay tafsiirkeeda inuu yahay Heesaha Asxaabtii iyo Taabiciintii lamana oga cid ku khilaaftay. Hadaba aan sheegno Magacyada qaar ka mid ah Taabiciintii isku raacday tafsiirka Aayatan inay tahay Heesaha:
Mujaahid Bin Jabar
Allaah ha u naxariisteeCikrimaha
Allaah ha u naxariistee wuxuna ahaa Iimaamada ugu waawayn ee Tafsiirka iyo Aqriyaataba wuxuu Cilmiga ka qaatay Ibin Cabaas radiya Allaahu canhumaa, wuxuu yidhi Ashacbi ma hadhin cid uga aqoon badan Cikrimah Kitaabka Allaah casaa wajalaaMakxuul
Allaah ha u naxariistee Taabicigii wayna Iimaamkii Ehelka Shaam waqtigiisii ee ay taabacsanaayeen MadhabkiisaIbraahiim Anakhci
Allaah ha u naxariistee Fiqhiigii Ciraaq ee u haystay FatwooyinkaCadaa Alkhursani
Allaah ha u naxariistee oo ahaa Muxadis iyo Mufti Mujaahid ahAlxasan Albasri
Allaah ha u naxariistee Fiqhiigii Ehelka Basra iyo Muxadiskoodii ee uu u duceeyay Cumar radiya Allaahu canhu wuxu yidhi Allaahow fahamsii Diinta Dadkana jeclaysii sidaas buuna ahaaSaciid Binu Jubayr
Allaah ha u naxariistee Iimaamkii Dunida ee tafsiirka waqtigiisii waa kii siday Cilmigii Ibin Cabaas radiya Allaahu canhu wuxu yidhi Ibin Mahraan waa dhintay Saciid Binu Jubayr ma jirto cid Dhulka korkiisa joogta oo aan u baahnayn CilmigiisaQataadah Binu Dacaamah
Allaah ha u naxariistee Alcalaamah oo ahaa Xaafid Mufasir ah Fiqhiigii Basra waqtigiisii iyo kii ugu xaafidsanaaMaymuun Binu Mahraan
Allaah ha u naxariistee Iimaamkii xujada ahaa Caalimkii Jasiirada iyo Muftigeedii waqtigiisiiXabiib Bin Saabit
Allaah ha u naxariistee Xaafidkii Fiqhiiga ahaa Caalimkii Ehelka Kuufa oo ka mid ah kuwii ugu cibaadada badnaaBin Camar Bin Shucayb Bin Maxamed Bin Cabdullaah Camar Bin Caas
radiya Allaahu canhumaa Fiqhiigii Ehelka Daa’if iyo Muxdiskoodii fidiyihii Cilmigii awowgii iyo weriyihii XadiisyadiisaCabdi Almaalik Bin Jariij
Allaah ha u naxariistee ardaygii Cadaa Iimaamkii Alcalaamaha ahaa iyo Xaafidka ee Fiqhiigii ahaa shiikhii Xaramka Makka iyo Bad ah badaha CilmigaSaciid Bin Almusayib
Allaah ha u naxariistee Seyidkii Taabiciinta Caalimkii Ehelka Almadiina wuxuu ka qaatay Cilmiga kuwii ugu waawaynaa Asxaabta wuxu ahaa kii Dadka u badiyay Xukumkii Rasuulka sala Allaahu calayhi wasalam wuxuu fatwayn jiray iyadoo ay joogaan Asxaabtii radiya Allaahu canhum ajmaciinKuwaasu waa saddex iyo toban Taabici waxay isku raaceen in hadalka Lahwiga ee lagu sheegay Aayatan uu yahay Heesaha lamana oga cid ku khilaaftay markaa wuxuu ahaa hadalkoodu xujo ay waajib tahay in lagu socdo waxaynuna ka horaysiinay afar ka mid ah Fuqahaadii Saxaabada sidaas darteed ayuu yidhi Alxaakim Allaah ha u naxariistee ha ogaado Ardayga Cilmiga bartaa in tafsiirka Saxaabiga arkay waxyiga iyo soo degitaankii Diinta uu yahay xaga labada Shiikh [Bukhaari iyo Muslim] Xadiis musnad ah
ولاتبكون
وأنتم سامدون} {ma Quraankan baad la yaaban tihiin inuu Maxamed sala Allaahu calayhi wasalam ku soo degay waad ku qoslaysaan oo ku jees jeesaysaan kamaad ooyaysaan waxa ku yimi ee balan qaad ah ee loogu balan qaaday kuwa Allaah casaa wajalaa caasiya idinkoo lahwisan weliba} hadaba waa maxay Lahwiga Allaah tacaalaa ku sheegay Aayatan? Waa Heesaha!!!Wuxuu yidhi Ibin Cabaas radiya Allaahu canhumaa waa Heesaha waana Afka Yaman waxay yidhaadaan reer Yaman [
اسمد لنا أى تغن لنا] [noo hees] sidaas oo kale waxaa yidhi Mujaahid iyo Cikrimah iyo Adaxaak Allaah ha u naxariisto dhamaantood ee Tan labaad Daliilada ku yimi Sunnaha: Allaah subxaanahu wa tacaalaa wuxuu yidhi isagoo inooka waramayaa ahmiyada uu leeyahay Sunnaha Rasuulku sala Allaahu calayhi wasalam: {وما ينطق عن الهوىآ إن هو إلا وحى يوحى[ألنجم:2-3]} {iskagama hadalaayo Hawadiisa ee wuxuu raacaya wixii loo soo waxyooday oo ah Hanuun iyo Cabsi taas waxay Daliil u tahay in Sunnuhu yahay waxyi Allaah u soo waxyooday Rasuulka sala Allaah calayhi wasalam } wuxuu kaloo yidhi tacaalaa:[ألحشر:7] {وما آتاكم الرسول فخذوه وما نهاكم عنه فانتهوا} {wuxuu Rasuulku idiin la yimaado ama idin faro qaata wuxuu idinka reebona ama nahyiyona iska daaya} wuxuu kaloo yidhi tacaalaa:[النساء:59] {وأطيعوا الله وأطيعوا الرسول } {adeeca Allaah oo adeeca Rasuulka}, wuxuu kaloo Allaah casaa wajalaa ku dhaartay daatadiisa muqadaska ah inaanu Qofku Mu’min noqanayn ilaa uu ku xukumto Rasuulka sala Allaahu calayhi wasalam wax kasta oo ay cid isku khilaafaan xukumka ka dibna waxa waajib ah inuu u hugaansanaado xukumka Rasuulka Allaah sala Allaahu calayhi wasalam hogaansanaan taam ah isagoo u Qalbi furan oo isu dhiibaaya Amarkiisa isu dhibis dhan wuxuuna yidhi tacaalaa: {فلا وربك لا يؤمنون حتى يحكموك فيما شجر بينهم ثم لا يجدوا في أنفسهم حرجاُ مماقضيت ويسلموا تسليماُ [النساء:65]}, wuxuuna ka digay tacaalaa in la khilaafo Amarka Rasuulkiisa sala Allaahu calayhi wasalam diginiin aad u xoogan wuxuuna yidhi tacaalaa: {فليحذر الذين يخالفون عن أمره أن تصيبهم فتنة أويصيبهم عذاب اليم [النور:63]} {ha ka digtoonaadeen kuwa khilaafaya Amarka Rasuulka Allaah sala Allaahu calahi wasalam inay haleesho dhib ama Cadaab Xanuun badan }Iimaam Axmed
Allaah ha u naxariistee wuxuu yidhi ma garanaysaan dhibta haleelaysaa waxay tahay? Waa Shirkiga waxa laga yaabaa inuu celiyo qaar Xadiisyada Rasuulka sala Allaahu calayhi wasalam markaa ay ku dhacdo Qalbigiisa wuxuun leexasha ahi oo uu ku haligmoIimaam Ashaaficina
Allaah ha u naxariistee wuxuu yidhi waxay isku raacsan yihiin Culimada in cidii ay u cadaato Sunnah uu Rasuulka Allaah sala Allaahu calayhi wasalam leeyahay aanay banaanayn inuu u daayo Hadal cid kale tidhiRasuulka Allaahna sala Allaah calayhi wasalam wuxuu yidhi:
[ألا إني أتيت القرآن ومثله معه] [allaa waxa la igu soo djiyay Quraanka iyo mid la mid ah oo la socda] Riwaayad kalena wuxuu yidhi sala Allaahu calayhi wasalam: [ألا إن ما حرم رسول الله مثل ما حرم الله] [allaa wixii Rasuulka Allaah xarimay waa sida wixii Allaah xarimay] wuxuu kaloo yidhi sala Allaahu calayhi wasalam: [ألا إني والله قد أمرت ووعظت ونهيت عن أشياء، إنها لمثل القرآن أو أكثر] [allaa Allaah baan ku dhaartay ee waan Amray waana wacdiyay waxaana nahyiyay Arimo waxay la mid tahay Quraanka ama ka badan]Hadaba walaalkayga Muslimka ahow hadaad taa fahmtay waxad ogaataa inay ka sugnaatay tobanaan war oo mutawaatir ahi Rasuulka sala Allaahu calayhi wasalam oo manacaaya Heesaha iyo Muusikada Xadiisyada mutawaatirka ahina waxay sheegayaan Cilmi aan haba yaraatee wax shaki ahi ku jirin markaa waxa ku waajib ah Muslimku inuu rumaysto oo ku dhaqmo wixii ku yimi ee Amar iyo Nahyi ahba. Halkan inshaaAllaah waxan ku soo qaadanaynaa Xadiisyo qaar saxeex ah oo inaga nahyiyaya Heesaha iyo Muusikada uguna filan waano kii leh Qalbi nool ama wax dhegaysta oo wax ku qaata isagoo uu yahay Qalbigiisu mid jooga oo wax qaadanaya
Xadiiska kowaad
waa: [عن أبي مالك الأشعري رضي الله عنه، سمع رسول الله صلى الله عليه وسلم قال: ليكونن من أمتي أقوام يستحلون الحِرَ والحرير والخمر والمعازف، ولينزلن إلى جنب عَلمَ يروح عليهم بسارحة لهم، يأتيهم يعنى الفقير لحاجة فيقولون:ارجع إلينا غداَ، فيبيتهم الله، ويضع العَلَمَ، ويمسخ آخرين قردة وخنازير إلى يوم القيامة[رواه البخارى تعليقا جازما به]] Xadiiskan wuxu inoogu sheegay Rasuulkii Allaah sala Allaahu calayhi wasalam Arin ku dhici doonto Dad Ummadiisa ka mid ah oo ah inay xalaalaysan doonaan macsiyadihii uu Allaah inaga xarimay oo ah Sinada, Xariirta xidhashadeeda, cabida Khamriga iyo dhegaysiga wax yaabaha la garaaco waana Qalabka Muusikada lagu tumo ha ahaado Dabalka, Cuudka, Rabaabka iwm haday xalaal ahaan la haayeen ma yidhaahdeen way xalaalaysanayaan dabadeedna xalaalaysiga Arimahaa ayaa sabab u noqonayaa in Allaah u cadhoodo Allaah baan ka magan galee wuxuu Allaah halaagayaa Habeenimo wuxuuna ku soo ridayaa Buur dheer qaar kalena wuxuu u rogayaa Daayeero iyo Doofaaro ilaa iyo Maalinta QiyaamahaXadiiska labaadna
waa:[عن عبد الرحمن بن عوف رضي الله عنه، قال: أخذ رسول الله صلى الله عليه وسلم بيدي فانطلق بي إلى النخل الذى فيه إبراهيم يعني ابنه فوضعه في حجره وهو يجود بنفسه،فذرفت عيناه، فقلت له: أتبكي يارسول الله، أولم تنه عن البكاء؟ قال:إنما نهيت عن النوح، عن صوتين أحمقين فاجرين: صوت عند نعمة، لهو ولعب ومزامير شيطان، وصوت عند مصيبة، خمش وجوه وشق جيوب ورنة شيطان [رواه ابن سعد والبزار والآجرى والحاكم]], Xadiiskan wuxuu inoogu sheegay sala Allaahu calayhi wasalam Xumaanta codka Qalabka lagu garaaco Muusikada wuxuuna u nisbeeyay Shaydaanka wuxuna ku sifeeyey codka Qalabkaa inuu yahay cod nacas ah oo faajir ah faajirkuna waa denbiilaha iyo macsiyadlaha iyo fusuuqlaha hadalkiisuna sala Allaahu calayhi wasalam wuxu yahay halkan Nahyi nahyiguna wuxuu waajibiyaa xaaraamaynta, wuxu yidhi Shiikh Alislaam Ibin Taymiyah Xadiiskanu waa kan u wanaagsan ee looga xuja dhigo xaaraamaynta HeesahaXadiiska saddexaadna
waa: [عن ابن عباس رضي الله عنهما،قال: قال رسول الله صلى الله عليه وسلم:إن الله حرم عليَ أو حرم الخمر والميسر والكُوبة ، وكل مسكر حرام [رواه إمام أحمد]], Xadiiskanu waa Nas saxeex ah oo cad xaga xaaraamaynta waxa la yiraahdo Koobada waana Aalad ka mida ah Qalabka Muusikada lagu garaaco oo ay yartahay in Heesuhu ka madhnaadaan waxana la yiri waa DabalkaXadiiska afraadna
waa:[عن عمران بن حصين رضي الله عنه ، أن رسول الله صلى الله عليه وسلم قال: في هذه الأمة خسف ومسخ وقدف ، فقال رجل من المسلمين: يا رسول الله ومتى ذلك؟ قال: إذا ظهرت القيان والمعازف ، وشربت الخمور [رواه الترمدي وهو حديث صحيح لغيره ، وشواهده كثيرة]], Xadiiskan wuxuu inoogu sheegay Rasuulku sala Allaahu calayhi wasalam inay ku dhici doonto Ummada tan wixii ku dhacay qaar Ummadihii ka horeeyey oo ah in Dhulka lala gooyo, oo la masakho yacni loo rogo Suuradahood si kale Tusaale Doofaar oo kale laga dhigo, iyo in Samada lagaga soo tuuro Dhagxaan taasuna waxay dhici markay soo baxaan Dumarka heesaa iyo Qalabka Muusikada lagu garaaco oo la cabo Khamriyada Ciqaabtan Allaah casaa wajalaa kuma soo dejinayo ilaa sababtaa maahee oo ah Denbiyaalka, Macsiyadah, iyo soo bixitaanka Dumarka heesa,iyo Qalabka Muusikada lagu garaaco iyo Khamriyada oo la cabo taasuna waxay Daliil u tahay inay yihiin Denbiyaalka waawaynIntaas ayaan inshaaAllaah ku soo koobaynaa iyadoo ay fara badan yihiin Xadiisyada noocan ahi ayna inaku dheeraanayso Rasaaladanu hadaynu is nidhaahno sii wada inookuna filan Daliil kii doonaya inuu ilaashado Diintiisa
Tan saddexaad Daliilada laga soo guuriyay Asxaabtii iyo Taabiciintii iyo Atbaacdoodii Ehelkii saddexdii Quruunood ee fadliga lahaa
:Tan kowaad
waa: [رأى أبوبكر الصديق رضي الله عنه جاريتين صغيرتين تضربان بالدف وتغنيان فانتهرهما ، وقال: مزمور الشيطان ، واقره النبي صلى الله عليه وسلم [رواه البخارى]] [waxa uu arkay Abu bakar Asidiiq radiya Allaahu canhu laba Jaariyadood oo yaryar oo tumayaa Drubaan oo heesaaya markaas ayuu maagay oo yidhi: waa Qalabkii Shaydaanka Nebigiina sala Allaahu calayhi wasalam waa qiray]Tan labaadna
waa: [وكان عمر رضي الله عنه إذا سمع صوتاً أودفاً ، قال: ماهو؟ فإذا قالوا: عرس أو ختان ، صمت [رواه عبد الرزاق وابن أبي شيبة ]] [wuxuu ahaa Cumar radiya Allaahu canhu haduu maqlo Cod ama Durbaan kan yidhaada: waa maxay? Hadii ay yidhaahdaan waa Aroos ama Gudniin waa aamusi jiray]Tan saddexaadna
waa: [وقال عثمان رضي الله عنه: ذاكراً فضل الله عليه إذ لم يقع في هذه المعصية ،ماتغنيت ولا تمنيت [رواه ابن أبي عاصم واليسوي والطبراني]] [wuxuu odhan jiray Cusmaan radiya canhu isagoo sheegaay fadliga Allaah siiyay inaanu ku dhicin macsidatan: ma heesin mana niyaynin]Tan afraadna
waa: [عن إبن مسعود رضي الله عنه قال: إذا ركب الرجل الدابة ولم يسم الله تعالى ردفه الشيطان ، وقال له: تغنه ، فإن كان لا يحسن قال له: تمنه [رواه عبد الرزاق ، والطبراني، وابن أبي شيبه] وقال في حديث أخر الغناء ينبت النفاق في القلب كما ينبت الماء الزرع ، والذكر ينبت الإيمان في القلب كما ينبت الماء الزرع [رواه إبن أبي الدنيا والبيهقي]وفي حديث أخر قال: الغناء خطبة الزنا [نزهة الأسماع]][Ibin Mascuud radiya Allaahu canhu wuxuu yidhi: haduu Ninku u baxo Daabada (Awr ama Faras iwm) oo aanu magaca Allaah tacaalaa ugu bixin wax ku ciyaara Shaydaanka wuxuu ku yidhaahdaa hees, hadii aanu ku wanaagsanayn heesta wuxu ku yidhaahdaa niyayso], [Xadiis kalena wuxuu yidhi: Heesuhu waxay ka soo saaraan Nifaaq Qalbiga siday u soo saaraan Biyihu Saraca, xusida Allaahna casaa wajalaa wuxu ka soo saaraa Iimaan Qalbiga siday u soo saaraan Biyuhu Saraca] [Xadiis kalena wuxuu yidhi: Heesuhu waa khidbada Sinada ]
Tan shanaadna
waa: [قال أنس رضي الله عنه: أخبث الكسب كسب الزمارة [رواه إبن أبي الدنيا]] [wuxuu yidhi Anas radiya Allaahu canhu: waxa ugu xun kasab kasabka Qalabka Muusikada]Tan lixaadna
waa: [ومر إبن عمر رضي الله عنهما على قوم محرمين ، وفيهم رجل يغني ، فقال ألا لاسمع الله لكم ، ألا لاسمع الله لكم ، [رواه إبن أبي الدنيا]] [ومر بجارية صغيره تغني ، فقال : لو ترك الشيطان أحداً لترك هذه [رواه البخارى]] [wuxuu soo maray Ibin Cumar radiya Allaahu canhumaa Qoom muxrimiin ah oo uu ku jiro Nin heesayaa markaasuu yidhi: allaa Allaah idinkama maqlo allaa Allaah idikama maqlo ] [wuxuu kaloo soo Maray Jaariyad yar oo heesaysa markaasuu yidhi : haduu Shaydaan cid ka tegi lahaa wuxuu ka tegi laah taas]Tan todobaadna
waa: [ومرت عائشة رضي الله عنها برجلي يتغنى ويحرك رأسه طرباً في بيت فقالت: أف شيطان ، أخرجوه ، أخرجوه ، فأخرجوه [رواه البخارى والبيهقي]] [waxay soo martay Caa’isha radiya Allaah canhaa Nin heesayaa oo Madaxa ruxayaa Guri waxay tidhi: uf Shaydaan saara, saara, markaas ayaa la saaray]Tan sideedaadna
waa: [وقال الشعبي رحمه الله: لُعن المغني والمغنى له [رواه ابن أبي الدنياوابن الجوزى]] [wuxu yidhi Ashcbi Allaah ha u naxariistee: waa la lacnaday kan heesa iyo kan loo heesoba]Tan sagaalaadna
waa: [وقال الفضيل بن عياض رحمه الله: الغناء رقية الزنا [رواه أبي الدنيا ابن وابن الجوزى]] [wuxuu yidhi Fudayl Bin Cayaad Allaah ha u naxariistee: Heesuhu waa dalbashada Sinada]Tan tobnaadna
waa: [وقال رافع بن حفص المدني رحمه الله: أربعة لا ينظر الله إليهم يوم القيامة: الساحره ، والنائحه ، والمغنية ، والخائنة لبعلها [رواه ابن أبي الدنيا]] [wuxuu yidhi Raafic Bin Xafsa Almadani Allaah ha u naxariistee: afar Allaah ma eego Maalinta Qiyaamaha: Saaxirada, tan baroorata waqtiga Musiibada, tan heesta iyo tan Ninkeeda khiyaanaysa]Tan koow iyo tobnaadna
waa: [وقال أبراهيم النخعي رحمه الله: الغناء ينبت النفاق في القلب [رواه عبد الرزاق]] [wuxuu yidhi Ibraahim Ankhci Allaah ha u naxariistee: Heesuhu waxay ka soo saaraan Nifaaq Qalbiga]Kuwaasu waxay ahaayeen Hadalo laga soo guuriyay waxay ka yidhaahdeen Heesaha qaar Asxaabtii Rasuulka sala Allaahu calayhi wasalam iyo kuwii wanaaga ku raacay ee Ehelkii Quruunihii saddexda ahaa ee fadlig badnaa kuwii uu ku yidhi Rasuulka Allaah sala Allaahu calayhi wasalam: [
خير أمتي القرن الذى بعثت فيه ، ثم الذين يلونهم ، ثم الذين يلونهم [رواه البخارى والمسلم]] [Ummadayda waxaa u khayr badan Qarniga lay soo diray dabadeedna kuwa ku xiga dabadeedna kuwa ku xiga], markaa kii doonaaya Hanuun ha laasimo Dariiqoodii, kiise ka doona Hanuun Dariiq aan koodii ahayn Allaah subxaanahu wa tacaalaa wuu lumin Allaah baan ka magan galeeTan afaraad waxay ka yidhaahdeen Heesaha Iimmaamadii Afarta ahaa:
Iimmaam Abu Xaniifa
Allaah ha u naxariistee: wuxuu ahaa kan ugu adag Dadka xaga xaaraamaynta Heesaha wuxuna ka yeelay dhegaysigooda inuu ka mida yahay Denbiyaalka, waxay yidhaahdeen Asxaabtiisii: dhegaysiga Qalabka lagu tumo Muusikada waa xaaraam, waxay yidhaahdeen: wuxuu yidhi calayhi salaatu wasalaam: dhegaysiga meelaha lagu tunto waa macsiyad, fadhiisadkeeduna waa faasiqnimo, macaansigeeduna waa kufriIimaam Maalik
Allaah ha u naxariistee ayaa la wadiiyay waxay uga rukhsayeen Heesaha reer Madiina? Wuxuu yidhi xagayaga waxaa sameeya kuwa faasiqiinta ah, wuxu kaloo yidhi: kii iibsada Jaariyada oo arka inay tahay mid heesta waxay tahay inuu iska celiyo waayo Ceeb bay leedahay wuxuu ka dhigay mar haday heesto inay leedahay Ceeb oo uu xaq u leeyahay inuu ugu celiyo kii ka iibiyay ceebtaas ay leedahay darteedIimaam Ashaafici
Allaah ha u naxariistee wuxuu yidhi: kan heesaaga ah iyo tan heestaba ma banaana Maragoodu midkoodna, Qofka heesaana waa Safiih raganimadiina waa ka dhacday wuxuu kaloo yidhi: taas waa Dayuusnimo wuxuu kaloo yidhi: waxaan kaga imi Ciraaq wax la yidhaahdo Taqbiir oo ay abuureen Sanaadiqadu oo kaga hor joogsadaan Dadka Quraanka [Taqbiirku waa Dikriga Allaah iyo Ducooyin la laxino oo lagu luuqayo] hadii uu ahaa xukumka Iimaam Ashaafici ee arintan inay tahay Bidca ay samayeen Sanaadiqo bal ka waran haduu arki lahaa Heesaha waqtigan aan joogno muxuu odhan lahaa?Iimaam Axmed
Allaah ha u naxariistee wuxuu yidhi: Qalabk Muusika lagu garaacaa waa xaaraam wuxuu kaloo yidhi: Taqbiirtu waa Bidca la abuuray waxa lagu yidhi Qalbiga ayay jilcisaa! Wuxuu yidhi waa Bidca,Nin baa waydiiyey: waxa laygu yeedhay inaan Mayt maydho markaas ayaan maqlay cod Dabal [wuxuu ka mid yahay Qalabka Muusikada] wuxuu yidhi: hadaad karto inaad jebiso jebi hadii kalena ka baxa
Nusuustooda Allaah ha u wada naxariistee ee Arinta Heesaha way badan tahay laakiin intaas baa inagaga filan oo aan ku soo koobaynaa si aan Maqaalku inoogu dheeraan
Tan shanaad ijmaac Culimada
: Ijmaaca Culimaduna waa isku raacida Culimada Casriga ee Ummada Maxamed calayhi salaatu wasalaam ay isku raacaan Arin Arimaha Diinta ka mid ah waana Masdarka saddexaad ee Masdarada Fiqiga ka dib Kitaabka Allaah casaa wajalaa iyo Sunnaha Nebiga sala Allaahu calayhi wasalam waana Xujo go’an oo aanay banaanayn in la khilaafo haba yaraatee wuxuu yidhi Allaah tacaalaa isaga oo taas cadaynaya: {ومن يشاقق الرسول من بعد ما تبين له الهدى ويتبع غير سبيل المؤمنين نوله ما تولى ونصليه جهنم وسآءت مصيراً } Aayat tan waxa ku sugan cadayn xaga Allaaha casaa wajalaa in kii mara jid aan ahayn kii Mu’miniinta uu aayihiisu yahay Jahanama Allaah baan ka magan galee, ijmaaca Muslimiintuna waa jidkoodii marka kii khilaafa ijmaacooda waxa uu nasiib u yeeshay blanqaatka Aayatan wuxu yidhi sala Allaahu calayhi wasalam: [لا تجتمع هذه الأمة على ضلالة أبداً] [ma isku raacayso Ummadanu baadinimo waligeedba]Hadaba hadaad intaa fahmtay walaalkayga Muslimka ahow oo aad ogaatay in ijmaacu uu yahay Xujo aanay banaanayn in la khilaafaa waxan is waydiinaynaa su’aasha ah: ma tahay Arinta xaaraamaynta Muusikadu Arin khilaafi ah oo laga munaaqashoon karo Ra’yiyaal kala duwana laga qabi karo mise waa Arin laysku raacsan yahay xaaraamaynteeda Albaabkeeda munaaqashaduna uu xidhan yahay? Jawaabtu waa: waa Arin ay isku raacsanaayeen xaaraamaynteeda Asxaabtii redwaanu Allaahi calayhim iyo kuwii ku raacay wanaaga ilaa iyo Maanta waana Arin aan geli karin munaaqasho iyo Ra’yiyaal kala duwan daliilkuna waa sidan soo socata:
Tan kowaad
waa: wixii aan hore u soo sheegnay oo ahaa hadaladii Asxaabta redwaanu Allaahu calayhim iyo Tabiciintoodii ee ahaa Ehelkii saddexdii Quruunood ee fadliga badnaa waxa ku cad inaanay u arkayn Arinta Muusikada Arin khilaafi ah oo la eegi karo oo ijtihaad laga samayn karo waayo Arimaha khilaafiga kuma adkayaan adaygan xooga leh ee ay tan ku samayeen lamana yidhaahdo kan khilaafsan waa faasiq, faajir, malcuun, Shaydaan ama amraan in Qalabka Muusikada lagu jejebiyo Madaxyada Ehelkooda ama inuu yahay kasab kan ugu xumi kasabkooda iwm ee aan soo sheegnayTan labaadna
waa: lagama soo guurin cid ka mid ah iyaga inuu rukhsayay haba yaraateeTan saddexaadn
waa: wixii aan hore u soo sheegnay oo ahaa hadaladii Iimaamadii afarta ahaa Allaah ha u wada naxariisto dhamaantood ee oo ahaa inay u mamnooceen si adag isticmaalista Muusikada oo ay ka dhigeen Denbiyaalka faasiqnimo taas oo la celinayo Markhaantigiisa Cadaaladuna kaga dhacayso iyo in uu Safiih iyo Dayuus yahay oo ay amreen jejebinta Qalabka Muusikada iyo inuu yahay Bidca aanu samayn Sanaadiqah maahee oo ay ka dhigeen Asxaabtii Abu Xaniifa Allaah ha u naxariistee macaansigooda Gaalnimo waxaas oo dhan iyo qayrkood oo ku fasilan Kutubta Fiqiga waxay muujinayaan Daliil cad inay u arkayeen Arinta Muusikada inay tahay Arin laysku raacsan yahay xaaraamaynteeda oo aan looga baahnayn dood iyo munaaqashad toona, Arimaha se khilaafiga ah sidaa ugumay adkaystaan ee Ra’yigooda bay sheegi jireen waxayna odhan jireen sidaa ayaa xagayaga sawaab ah qaadi kara khada’ taasna waxay ahayd Cadaaladooda Allaah ha u wada naxariisto dhamaantood eeDabadeed markaan soo sheegnay walaalkayga Muslimka ahow waxyaabaha muujinaya inay isku raaceen Salafkii xaaraamaynta Muusikada waxa hadhay in aan sheegno magacyada qaar Culimada waawayn iyo Iimmaamada Ummada Islaamka oo si cad u sheegay inay Muusikada iyo Heesaha wata Muusikada laysku raacsan yahay xaaraamayntooda waana kuwan:
Abu Cumar Binu Cabdulbar Almaaliki – Abu Cumar Binu Asalaax Ashaafici – Abu Adayib Adabari Ashaafici
Abu Cabdallaah Binu Batah Alcakbari Alxanbali – Shiikh Alislaam Ibin Taymiyah Alxanbali – Abubakar Maxamed Binu Alxuseen Alajri – Abu Alfaraj Binu Rajab Alxanbali – Abu Yaxya Asaaji Ashaafici – Abu Sakariyah Anawawi Ashaafici – Abu Alqaasim Araafici Ashaafici – Mowafaq Adiin Binu Qudaamah Alxanbali
Cimaada Diin Binu Kasiir Ashaafici – Axmed Binu Xajar Alhaytami Ashaafici – Saliim Binu Ayuub Araasi Ashaafici – Shihaaba Adiin Aladraci Ashaafici Abubakar Binu Almundar Anisaabuuri - Burhana Diin Binu Cabdulxaqq Alxanafi – Abul waliid Binu Rushdi Almaaliki – Jamaal Adiin Albarasi Ashaafici – Cabdallaah Binu Abii Casron Ashaafici – Maxamed Binu Axmed Alqurdubi Almaaliki – Abu Jacfar Binu Jariir Adabari – Shamsa Adiin Binu Qayim Aljowsi Alxanbali – Abu Isxaaq Ashiiraasi Ashaafici – Shamsa Adiin Aljojari Ashaafici – Sharafa Adiin Binu Qudaamah Almaqdasi Alxanbali
Kuwaasu waa lix iyo labaatan Iimaam Allaah ha u wada naxariisto dhamaantood ee oo ah Iimaamdii ugu waawaynaa Muslimiinta waxay sheegeen in Arinta Heesaha iyo Muusikadu ay tahay Arin laysku raacsan yahay xaaraamaynteeda, wuxu yidhi Alcalaamah Ibinu Xajar Alhaytami kii idiinku sheekeeya sidaa wax khilaafsan waa khaldamy waxana ka xoog badatay Hawadiisa ilaa ay Dhega tirtay oo Indha tirtay oo ka horjoogsatay Hanuunka
Waxad kala kulmi kartaa shubhado Dadka qaarkood oo isku deyaya inay wuxuun ku martaan Diir sarena ha ahaatee waxay ku odhanayaan laakiin Ibin Xasam wuxuu yidhi way banaanyihiin Heesaha ay Muusikadu la socotaa, waxaan leenahay: ma yahay hadalka Ibin Xasam mid ku haboon in lagu celiyo wixii aan soo sheegnay oo ahaa Aayato Kitaabka Allaah casaa wajalaa ah iyo Xadiisyo saxeexa oo ah Sunnaha Rasuulka sala Allaahu calayhi wasalam ee cadaynaysay xaaraamayntaas Muusikada iyo Heesaha Muusikada wata? Iyo wixii aan soo sheegnay oo ahaa hadaladii Saxaabada redwaanu Allaahi calayhim ajmaciin iyo Taabiciintoodii iyo Iimaamadii afarta ahaa? Iyo lix iyo labaatankii Caalim ee midkood waliba sheegay in Arintan laysku raacsan yahay! Arinta sidan oo kale ah oo ay isku raacsan yihiin Ummada oo dhami oo ay ugu horeeyaan Culimadoodii ahayd Saxaabadii iyo kuwii ka dambayayba iyadoo ay wataan Kitaabka Allaah casaa wajalaa iyo Sunnaha Rasuulka sala Allaahu calayhi wasalam ay leeyihiin waa xaaraam Arintanu ayaa Ibin Xasam yimi Qarnigii shanaad oo ina yidhi: waa banaantahay oo aynu hadalkiisa Qaadanaa? Tanu waxay ka mid tahay wax yaabaha la yaabka leh!!!
Taasu se waa haday noqon lahayd in Ibin Xasam uu yahay mid lagu kalsoon yahay hadalkiisa Arimaha khilaafiga ah iyo kuwa laysku raaci karo, sidee weeye iyadoo ay cadayeen Culimada wax xaqiijisaa in aan lagu kalsoonayn wuxuu khilaafay iyo wuxuu waafaqay toona wuxu ahaa Daahiri xaga Furuucda, Jahami xaga Caqiidada, wuxuu dhex dabaashay Falsafadah hadii waqtigu inoo ogolaan lahaa waxan ka sheekayn lahayn qaar waxyaabaha Madhabkiisa ku jira ee kaa qoslinaya marna kaa oohinaya kii aqristaa Kitaabkiisa wuxuu ka heli Arimo lala yaabo ha ahaato werarkiisa Iimaamada siduu Jaahiliin uga dhigayo iyo sida uu ugu dheeraynaayo khilaafida Ijmaaca, Allaahu mustacaan waxaan Allaah u waydiinaynaa inuu uga denbi dhaafo siladihii Carrabkiisa oo uu ka dhaafo Xumaantooyinkiisa Ninkaas wuxuu daaliyay Culimada siday ugu jawaabayeen laga soo bilaabo waqtigiisii ilaa Maantadan aynu joogno
Ka eeg Kutubtan soo socata qaar jawaabihii ay u celiyeen Culimadu:
الصارم المنكي لابن عبد الهادي – وفتاوى ابن الصلاح - وكف الرعاع لابن الحجر الهيتمي – وكتاب ابن حزم وموقفه من الإلهيات- وسيرة أعلام النبلاء للذهبي – البيان والتحصيل لابن رشد
Gebagebo
Intaa ka dib: waa kaas oo waad garatay walaalkayga Muslimka ahow xukumka Heesaha iyo Muusikada ee Shareecada Islaamka ee ku cad Kitaabka Allaah casaa wajalaa iyo Sunnaha Rasuulka sala Allaahu calayhi wasalam iyo Ijmaaca Culimada Allaah ha u wada naxariisto dhamaantood ee, in ay tahay Arintu wax yaabaha xaaraamta ah ee ay tahay waajibka inuu Muslimku ka fogaado oo ka haajiro meelaha lagu samayo oo aanu fududaysan Arimaheeda, waxa hadhay markaa inaad ku dhaqanto walaalkayga Muslimka ahow amarka Allaah casaa wajalaa iyo amarka Rasuulka Allaah sala Allaahu calayhi wasalam hadii aad tahay mid ku dhacay macsiyadatan, hadaanad ahayna Allaah casaa wajalaa ugu mahadnaq sidaas oo waydiiso inuu kugu sugo Xaqqa kuna dhaqaaq inaad waaniso walaalahaaga Muslimiinta ah oo aad u cadayso xukumka Allaah casaa wajalaa ee Arintani daliiladii oo dhamina waa kuwaas oo Gacantaada ayay ku jiraan waxba kuumay hadhin inaad gaadhsiiso walaalahaa mooyaane, hadii aad Carrabkaaga ku gaadhsiin kari waydo Maqaalkan hadyad ahaan ugu dir ama sii Qofkii aad aragto oo macsiyadan dabaalanaya ama ku dhex jira, ogaysiina inaan Muslimku u lahayn ikhtiyaar Arimihiisa balse Arimihiisu ku jiraan Gacanta Rabigiisa casaa wajalaa, Xalaashu waa wixii Allaah subxaanahu wa tacaalaa xalaaleeyey Xaaraamtuna waa wixii Allaah subxaanahu wa tacaalaa xarimay wuxuu yidhi Allaah casaa wajalaa: {
وما كان لمؤمن ولامؤمنةٍ إذا قضى الله ورسوله أمراً أن يكون لهم الخيرة من أمرهم ومن يعصى الله ورسوله فقد ضل ضلالاً مبيناً [الأحزاب:36]} { maaha mu’min iyo mu’minad toona hadii Allaah iyo Rusuulkiisu ay xukumaan arin inay u yeeshaan ikhtiyaar arintooda, qofkii caasiya Allaah iyo Rasuulkiisa wuu lumay lumitaan cad }, waxaad kaloo ogaysiisa in Nolosha Qalbiyaalkeenu ay ku jirto yeelista Amarka Allaah casaa wajalaa iyo Amarka Rasuulka sala Allaahu calayhi wasalam wuxuu yidhi tacaalaa: {يأيها الذين ءآمنوا استجيبوا لله وللرسول إذا دعاكم لما يحييكم واعلموآ أن الله يحول بين المرء وقلبه وأنه إليه تحشرون [الأنفال:24]}Markaa kii khilaafa Amarka Allaah casaa wajalaa iyo Amarka Rasuulkiisa sala Allaah calayhi wasalam Allaah wuxuu kala dhex geli isaga iyo Qalbigiisa Allaah baan ka magan galee macnuhu waa wuxuu ka leexin Xaqqa taasuna waa Ciqaabta ugu adag Dunida oo kii Allaah casaa wajalaa ka leexiyo Xaqqa wuu lumi weligiinba hadaysmi maayo
Waxaan waydiisan Allaah wayn Rabiga Carshig wayn inuu na waafiqiyo wuxuu jecelyahay oo ka raali yahay oo uu naga dhigo kuwa hadalka dhegaystaa oo kiisa wanaagsan raaca oo uu nagu sugo Xaqqa ilaa aan la kulmayno oo uu ka dhigo Camalkayaga mid khaalis u ah Wejigiis oo uu nooga dhigo Xujo ee aanu nagaga dhigin Xujo oo noo tuso Xaqqa inuu yahay Xaqq nana jeclaysiiyo naguna irsaaqo raacistiisa Baadilkana noo tuso inuu yahay Baadil nana necbaysiiyo naguna irsaaqo ka tegistiisa oo aanu ka dhigin mid na dulsaaran oo aan lumno, Allaahow u dembi dhaaf kii qoray iyo kii akhriyay iyo mid kasta oo ku gargaara fidintiisa iyo mid kasta oo ku dhaqma iyo Waalidiintayo iyo Mashaayikhdayada iyo walaalahayo iyo cid kasta oo Xaqq nagu leh biraxmatika yaa arxama raaximiin
اللهم صل وسلم وبارك على عبدك ونبيك محمد وعلى آله وصحبه وأتباعه إلى يوم الذين
Qore: Maessa Asalafi InshaaAllaah
bravenet.com