untitled
viviti

بسم الله الرحمن الرحيم

Geerida – الموت

الحمد لله والصلاة والسلام على من لانبي بعده وعلى آله وصحبه أجمعين

أما بعد:

Allaah ayaa mahad iyo amaan mudan oo iska leh amaan iyo nabad gelyo ha ahaato korkiisa kii aanu jirin Nebi ka dambayaa iyo Ahalkiisii iyo Asxaabtiisii dhamaan

Intaas dabadeed:

 

Allaah casaa wajalaa wuxuu yidhi: {تبارك الذى بيذه الملك وهو على كل شيئ قدير. الذى خلق الموت والحياة ليبلوكم أيكم أحسن عملاً, وهو العزيز الغفور [تبارك: 1و2]} {waxaa waynaaday oo sareeyay khayrkiisuna batay sama falkiisuna gaadhay khalqiga dhamaan Allaah casaa wajalaa waynaantiisa waxa ka mid ah in ay Gacantiisa ku jirto mulkiga Caalamka sare iyo kan hooseba, waa kii abuuray oo ugu tasarufaaya siduu doono ha ahaato xukumo qadar ah iyo kuwo diineedba ee ku salaysan Xikmadiisa, waynaantiisa waxa ka mid ah oo kale awoodiisa uu ku karaayo wax kasta sidaas buu ku samayay wuxuu samayay oo ah Makhluuqaatka waawayn sida Samooyinka iyo Dhulkaba, wuxuu abuuray tacaalaa Geerida iyo Noloshaba oo wuxuu u qadaray Adoomihiisa inuu noolayo dabadeedna Geeri uga dambaysiiyo si uu idiinku imtixaano kiinii u Camal wanaagsan, Allaah casaa wajalaa waa awood badane dembi dhaafa}, wuxuu kaloo yidhi tacaalaa: {وما هذه الحياة الذنيا إلا لهوٌ ولعب وإن الدار الأخرة لهي الحيوان لو كانوايعلمون[العنكبوت:63]} {sida xaqiiqada ah ma aha noloshan Aduunyadu ilaa madadaalo iyo ciyaar oo keli ah mooyee kan jeclaystaana uu ku dambayn doono murugo iyo khasaare, Daarta Aakhirona waa Nolosha dhabta ah ee dhan haday ogyihiin Dadkuna kama doorteen Nolosha Dunida}

Rasuulkii Allaahna sala Allaahu calayhi wasalam wuxuu yidhi: (مالي ولدنيا؟ ما أنا في الدنيا إلاكراكب استطل تحت شجرة، ثم راح وتركها [حديث صحيح وهو مخرج في تخريج فقه السيرة للغزالى وفي الأحاديث الصحيحه،وفي صحيح الجامع الصغير وزيادته للشيخ محمد ناصر الدين الألباني رحمة الله]) (maxaa na kala galay aniga iyo Dunida? Ma ihi anigu Dunida ilaa mid socdaal ah maahee oo hadhsaday Geed hoostii dabadeedna ka socday oo iskaga tegay), wuxuu kaloo yidhi sala Allaahu calayhi wasalam: (أكثروا ذكر هادم اللدات: الموت، فإنه لم يذكره أحد في ضيق من العيش إلاوسعه عليه،ولاذكره في سعة إلاضيقها عليه [حديث صحيح في صحيح الجامع الصغير: 1222]) (badiya xusuusashada kan macaansiga dumiya: Geerida, isaga ma jirto cid xusuusataa isagoo ay diiqad kaga jirto noloshu ilaa inuu u waasiciyo oo u balaadiyo maahee, mana jirto cid xusuusataa isagoo nolol waasac ah oo balaadhan ilaa inuu ku soo diiqo ama ku soo cidhiidhyo maahee)

Walaalayaal: Geeridu waa xaqiiqo adag oo cabsi leh oo ka hor imanaysa Noole kasta, ma uu laha wax uu iskaga celiyo, ma kari karaan cid ka mid ah kuwa hareera joogaa inay ka celiyaan, waana mid soo noqnoqanaaya ilbidhiqsi kasta waxaa la kulmaya oo uu haleelayaa kuwa waawayn iyo kuwa yaryar, kuwa xoolaha leh iyo kuwa aan xoolaha lahayn ee faqiiriinta ah, kuwa xooga badan iyo kuwa itaalka daran dhamaantood waxay ka wada taagan yihiin mowqif keli ah waana in aanay u lahayn wax xeelad ah iyo dariiqad iyo awood iyo cid uga shafeecaysa iyo iska celin iyo dib u dhigis toona, taas oo ka imanaysa Allaaha casaa wajalaa awooda saraysa leh ee aanay Basharku wax awooda ah u lahayn lagana baxsan karayn isu dhiibisteeda, Allaah casaa wajalaa Gacantiisa oo keli ah bay ku jirtaa bixinta Nolosha, Gacantiisa oo keli ah bayna ku jirtaa la noqoshada wuxuu bixiyay Waqtiga uu u qabtay iyo Ajalka uu u sameeyay, ha ahaadeen markaas Dadku kuwa Guryahooda iyo Ahalkooda dhex jooga, ama Goobaha Risqiga kifaaxa loogaga jiro ama Caqiidada jooga, Allaah casaa wajalaa isagaa ayaa leh abaal marinta isaga ayaana leh wax ugu bedelistan ogaan iyo awoodba. Dhamaan Allaah casaa wajalaa ayaa loo noqonayaa, Allaah casaa wajalaa baana laysu soo xashrinayaa, may laha Basharku meel kale oo loo noqdo oo aan noqoshadaa ahayn, mana laha Aayah kale oo aan Aayahaa ahayn.

Hadaba waxa lagu kala gedisan yahay wuxuu noqonayaa Camalka iyo Niyada iyo meesha la raacsan yahay iyo meesha ahmiyada la siinaayo laakiin ugu dambayntu waa isku mid, waana Dhimasho waqtigeeda kama dambaysta ah iyo Ajalka qaybsan iyo noqosho loo noqdo xaga Allaah casaa wajalaa iyo xashrin Maalinta isa soo shirinta iyo xashrinta, wuxuu ruuxu ku sugan yahay Maalintaas ama dembi dhaaf xaga Allaah ah iyo raxmadiisa ama cadhada subxaanahu wa tacaalaa xagiisa ah iyo cadaabtiisa Allaah baan ka magan galee.

Hadaba waxa Axmaq Axmaqa ah waa kan u doorta Naftiisa Aayaha xun isagoo kolayba dhimanaaya siduu Allaah tacaalaa yidhi: {كل نقس ذآئقة الموت [العنكبوت: 56] } {Naf kastaa way dhadhamin doontaa Geerida}, marka waxa laabud ah in xaqiiqadaasu ku degto Nafta, xaqiiqada ah in Noloshatan dhulku ay tahay mid waqtiyaysan oo ku xadidan Ajal, dabadeedna ay imanayso dhamaadkeedu shaki la’aan. Way dhimanayaan kuwa wanaagsani oo waa dhimanayaan kuwa xumi waana dhimanayaan kuwa Mujaahidiinta ahi oo waa dhimanayaan kuwa iska fadhiyaa waana dhimanayaan kuwa Adoomaha gumaystaa oo waa dhimanayaan kuwa geesiyiinta ah ee aan cidna ka baqani waana dhimanayaan kuwa fulayaalka ah ee nolosha raba wax kasta ha ku joogtee waa dhimanayaan kuwa ihtimaamka wayn lihi ee hiigsanaya bartilmaameedada sarsare waana dhimanayaan kuwa aan waxba ahayn ee isaga nool mataaca rakhiiska ah uun, dhamaan way dhimanayaan Naf kastaaba way dhadhamin doontaa Geerida (كل نفس ذآئقة الموت), Allaah casaa wajalaa wuxu ku sheegay Geeridu inay tahay musiibo sida hadalkiisa tacaalaa: {فأصبتكم مصيبة الموت[المائدة:107] } {oo ay idin haleesho Musiibada Geeridu}, hase yeeshee kaan weli dhadhamin way ka qafilantahay oo ma oga, Naf waliba waa dhadhamin kabadatan wayna ka baxaysaa Noloshan wax faraq ah oo u dhexeeyaa ma jiro Naf iyo Naf dhadhaminta kabadatan ee ku jirta Galaaskaa ku dhex wareegaya dhamaan, hase yeeshee kala duwanaantu waa si kale kala duwanaantu waa qiima kale kala duwanaantu waa Aayaha dambe {وإنما توفون أجوركم يوم القيامة فمن زحزح عن النار وأدخل الجنة فقد فاز [آل عمران:185]} {waxa uun laydiin wafaynayaa Ajaradiina Maalinta Qiyaamaha, hadaba Ruuxii laga saaro Naarta oo Janada la geliyo ayaa guulaystay }, tan ayaa noqonaysa kala taga kala duwanaashaha, tan baana ah Aayaha uu ku kala duwanaanayo Dadku oo hebel hebel kaga duwanaanayo waa qiimaha hadhaya ee mudan in loo ordo oo loo shaqaysto, wallaahi Aayuhu waa mid baqdin leh oo mudan in loo xisaabiyo kun xisaabood.

Waxaa ku soo degay sheegista Geerida Aayaat waawayn oo fara badan ay ka mid tahay hadalka Allaah subxaanahu watacaalaa: {وما جعلنا لبشر من قبلك الخلد، أفائن مت قهم الخالدون كل نفس ذآئقة الموت، ونبلوكم بالشر والخير فتنة وإلينا ترجعون [الأنبياء: 34و35]} {markay ahaayeen cadawyaalkii Rasuulku kuwa yidhaahda u kaadiya ilaa intuu ka dhimanayo, ayaa Allaah tacaalaa ku yidhi: kan waa Dariiqii la wada maray oo la wada mari doono, kama aanu yeelin Bashar Maxamedow mid ku waara Dunida, sida Rasuuladii iyo Nebiyaalkii iyo Awliyadii iyo qayrkoodba ee kaa horeeyay ee ma hadaad dhimato ayay dabadaa waarayaan, Arintu sidaas maahee bal cid kasta oo ku nool Dunidan way dhiman Naf walibana way dhadhamin Geerida, taasu waxay koobaysaa dhamaan khaliqiga Koobkan waxaa laabud ah in cid kastaa ka cabto kabadeeda haba u dheeraado Adoonka waqtigu iyo Sanadaha cimrigu ee waa kii dhadhamiya hase yeeshee Allaah tacaalaa wuxu ku abuuray Adoomihiisa Dunidan wax buuna ku amray waxna waa ka reebay oo ka nahyiyay wuxuuna ku imtixaanay khayr iyo shar ,taajirnimo iyo faqri cis iyo dulinimo,Nolol iyo Geeri Fitnad xagiisa ka ahaatay tacaalaa si uu ugu imtixaano koodee Camal wanaagsan, xagaygaana laydiin soo celin doonaa markaas ayaanu idinka abaal marin doonaa Camaladiinii haduu khayr ahaa waa khayr haduu shar ahaana waa shar}, wuxuu kaloo yidhi tacaalaa: {قل إن الموت الذى تفرون منه فإنه ملاقيكم، ثم تردون إلى عالم الغيب والشهادة فينبئكم بما كنتم تعملون [الجمعة:8]} {waxaad ku tidhaahdaa Maxamedow gaalada Geerida aad ka cararaysaan waa mid idinla kulmaysa oo idin haleelaysa cid idinka badbaadinaysaana ma jirto bal waxaa laabud ah in ay la kulanto ruux kasta Geerida uu Allaah tacaalaa u qoray Adoomihiisa, hadana taas dabadeed waxa loo soo celinayaa khalqiga dhamaan Maalinta Qiyaamaha Allaaha og wixii maqan iyo wixii joogaba markaas ayuu uga warami waxay samayn jireen oo ah khayr iyo shar mid badan iyo mid yarba}.

Xadiisyada se Nebiga sala Allaahu calayhi wasalam ee ku soo aroortay Geerida iyo wixii la xidhiidha aad bay u badan yihiin waxan se ku kaaftoomayaa oo inagaga filan Xidiis keli ah oo qiima wayn leh, waxa laga soo weriyey Albaraa Bin Caasib radiya Allaahu canhumaa inuu yidhi: (waxaan ula baxnay Nebiga sala Allaahu calayhi wasalam Jinaasad Nin reer Alansaar ka mid ahaa, waxaanu gaadhnay Qabrigii, markii la loxdaayay ayaa Rasuulkii sala Allaahu calayhi wasalam fadhiistay isagoo Qiblada u jeeda, markaas ayaanu fadhiisanay hareerihiisa, waxana ahaa madaxyadayada Shimbir yacni maanaan dhaqdhaqaaqayn, wuxuu ku haystay Gacantiisa Qori uu ku qodqodaayay Dhulka wuxuuna eegaayay Samada oo hadana eegayay Dhulka aragiisa buu kor u qaadaayay oo hadana hoos u dhigaayay ilaa saddex jeer, markaas buu yidhi: Allaah ka magan gala Cadaabta Qabriga laba jeer ama saddex jeer, markaas ayuu hadana yidhi: (اللهم إني أعود بك من عداب القبر ثلاثاً ) (Allaahow waxaan anigu kaa magan gelayaa Cadaabta Qabriga saddex jeer), markaas buu yidhi Adoonka mu’minka ahi haduu ka sii go’aayo Dunida oo ka tegaayo oo uu u sii jeedo Aakhiro waxa kaga soo dega isaga Malaa’ik xaga Samada wejiyaal cadcad siday yihiin wejiyadoodu Qorax, waxay sidaan Kafan ka mid ah Kafanaha Janada, iyo Xanuud ka mid ah xanuudka Jananda yacni Xanuudku waa uduga la mariyo Maytka ilaa ay u soo fadhiistaan inta Aragiisu gaadho, dabadeedna waxa u yimaada Malak Almawt calayhi salaam ilaa uu u soo fadhiisto Madaxiisa wuxuuna yidhaahdaa: (أيتها النفس الطيبه وفي رواية المطمئنة أخرجى إلى مغفرة من الله ورضوان)yaa Naf yahay wanaagsani,riwaayat kalena waa, xasilooni u soo baxa ilaa iyo Denbi dhaaf Allaah iyo raalnimooyin), wuxuu yidhi: way soo baxdaa iyadoo u soconaysa siday uga dareerto dhibicda biyaha ahi Qasabada, markaas ayuu qaadaa riwaayat kalena waa, markay ka soo baxdo Ruuxu waxa ku saliya Malak kasta oo ku sugan Samada iyo Dhulka dhexdooda iyo Malak kasta oo ku sugan Samada, waxa loo furaa isaga Albaabada Samada, ma jiro Albaab aan Ahalkiisu ilaa iyagoo ka dalbanaya Allaah in xagooda loo soo korsiiyo Ruuxiisa, hadii uu qaado Malak Almawt uma daayo Gacantiisa ilbidhiqsi ilaa ay qaadaan oo dhigaan Kafantaa iyo Xunuudkaa sidaas weeye macnaha hadalka Allaah tacaalaa: {توفته رسلنا وهم لايفرطون [الأنعام:61]} {waxa Ruuxa ka qaada Malaa’iktayada iyaguna ma kordhinayaan sidii Allaah qadaray oo uu xukumay, saacad kama naaqisinayaan iskamana daayaan ee way oofiyaan Amarka Allaah}, waxa ka soo baxda ur Ruuxaa ka wanaagsan urta Miskiga ugu udgoon ee laga helo Dhulka korkiisa, wuxuu yidhi: way la korayaan iyada lamana maraan mala’ Malaa’ikta ka mid ah ilaa inay yidhaahdaan mooyee waa maxay Ruuxakan wanaagsani? Waxay odhanayaan waa hebel hebel iyagoo ku magcaabaya Magacyadii ugu wanaagsanaa Dunida ee loogu yidhi Jiray Dunida, ilaa ay kula dhamaadaan oo gaadhaan Samada Dunida, waxay dalbadaan in loo furo, markaas baa loo furayaa waxa daba gelaya Sama kasta kuwooda ugu dhow ilaa iyo Samada xigta ilaa ay kula dhamaadaan oo gaadhaan Samada todobaad, wuxuu odhanayaa Allaah casaa wajalaa: ku qora Kitaabka Adoonkayga Ciliyiinta oo ah meelaha ugu sareeya oo ugu waasacsan siday Aayatu tidhi: {وما أدراك ما عليون،كتاب مرقوم يشهده المقربون [المطففين: 18]} {maxaa ku ogaysiiyay ciliyuunka waxay tahay waa Kitaab la calaamadayay oo lagu qoro magacyada Dadka wanaagsan oo ay arkayaan kuwa Allaah u dhowi Malaa’ikta kiraamka ah iyo Ruuxyaalka Nebiyada iyo Sidiiqiinta iyo Shuhadaada}, markaas ayaa lagu qorayaa Kitaabkiisa Ciliyiinta, markaas waxa la odhan: ku celiya ilaa iyo Dhulka waayo waan ugu balanqaaday in aan iyada ka abuuray, oo iyada aan ku soo celinayo oo iyada ka soo saaraayo mar kale, wuxu yidhi: markaas baa lagu soo celinayaa Dhulka oo ay ku soo noqonaysaa Ruuxiisu Jasadkiisa, wuxuu yidhi: markaas isagu wuxuu maqlayaa sanqadha Kabaha Asxaabtiisa markay doonayaan inay ka tagaan oo ka sii jeestaan, markaas ayaa waxa u imanaaya laba Malak oo canaan adag markaas bay canaananayaan oo ay la fadhiisanayaan, waxay ku odhanayaan isaga: waa kuma Rabigaa?-من ربك؟

Wuxuu odhanayaa: Rabigay waa Allaah, markaas bay ku odhanayaan isaga hadana: waa maxay Diintaadu?ما دينك؟ , Wuxuu ku odhanayaa: Diintaydu waa Alislaam, markaas ayay ku odhanayaan isaga hadana: muxuu ahaa Ninkaas ee laydiin soo diray? – ما هذا الرجل الدى بعث فيكم؟ , Wuxuu ku odhanayaa: waa Rasuulkii Allaah sala Allaahu calayhi wasalam, markaas ayay ku odhanayaan isaga: waa maxay Camalkaagu? – وما عملك؟ , Wuxuu ku odhanayaa waxaan aqriyay Kitaabka Allaah markaas baan rumayay oo rumaystay, markaas ayay canaananayaan waxay ku odhanayaan: waa kuma Rabigaa? Waa maxay Diintaadu? Waa kuma Nebigaagu? Waana imtixaanka ugu dambayaa ee la kulmaya Mu’minka, waana taas markuu yidhi Allaah casaa wajalaa: {يثبت الله الذين آمنوا بالقول الثابت في الحياة الدنيا وفي الأخرة، ويضل الله الظالمين [إبراهيم: 27]} {wuxuu Allaah tacaalaa inooga waramayaa inuu ku sugayo Adoomihiisa Mu’miniinta ah ee ku kacay wixii ay ahayd inay rumayaan iyo wixii camal ah ee ay laasiminaysay taasu, wuxuu ku sugayaa Allaah oo ku adkaynayaa noloshooda Dunida markay yimaadaan Shuhbado ilaa iyo hanuunka iyo xaqqa yaqiinka ah, haday hor yimaadaan Shahwadona wuxuu siiyaa iraadad xoog leh si ay uga hor mariyaan wixii Allaah jecel yahay Hawada Nafta, Aakhirona markay geeriyoodaan wuxuu ku sugaa Diinta Islaamka iyo khaatumo wanaagsan, Qabrigana markay su’aalayaan labada Malak wuxuu ku hanuunin Jawaabta saxa ah, hadii la yidhaahdo Maytka: waa kuma Rabigaa? Waa kuma Nebigaagu? Waa maxay Diintaadu? Wuxuu ku hanuuniyaa Jawaabta saxa ah inuu yidhaahdo: Rabigaygu waa Allaah, Islaamkuna waa Diintayda, Maxamedna waa Nebigayga, kuwa Daalimiinta ahna Allaah wuxuu ka lumiyaa sidaas saxa ah Aduunka iyo Aakhiroba, Allaah ma dulmin ee laakiin iyagaa Nafhooda dulmiyay}, wuxuu odhanayaa: Rabigaygu waa Allaah, Diintayduna waa Islaam, Nebigayguna waa Maxamed sala Allaahu calayhi wasalam, wuxuu ka yeedhayaa mid yeedhayaa Samada: haduu run sheegay Adoonkaygu uga gogla Janada, ugana geliya Janada, Albaabana ugu fur ilaa iyo Janada, wuxuu yidhi: markaas ayaa waxaa uga imanaaya urkeedii iyo wanaageeda, waxaana loo waasicinayaa Qabrigiisa ilaa iyo inta uu aragiisu gaadho, wuxuu yidhi: waxa u imanaaya Riwaayad kalena isugu soo metelaaya Nin Weji wanaagsan, oo Dhar wanaagsan, oo Ur wanaagsan, wuxuu ku odhanayaa: ku bishaarayso wax ku farxad gelya, ku bishaarayso raalinimo kaaga sugnaatay xaga Allaah iyo Janooyin ay dhexdooda tahay nimco aan dhamaanayn, tanu waa Maalintaadii laguugu balanqaaday,wuxu ku odhanayaa isaga: oo adiguna ha kuugu bishaarayo Allaah khayr ee kumaad tahay? Wejigaagu waa wejiga khayrka keenee, markaas buu odhanayaa: anigu waxan ahay Camalkaagii wanaagsanaa, Allaah baan ku dhaartay ee kaamaan ogaan ilaa inaad tahay mid u dheeraya u daacad falista Allaah, kana gaabiya Macsiyadaha Allaah, markaas ayaa Allaah kugu abaal mariyay khayr, markaa ayaa loo furayaa Albaab Janada ah iyo Albaab Naarta ah, waxaana lagu odhanayaa: waa kaa Gurigaagii hadii aad caasiyi lahayd Allaah, wuxuuna kuugu bedelay Allaah isaga kaa, marka uu arko waxa dhex ah Janada wuxuu odhan: Rabigayow soo dedeji markay dhacaayso Saacada Qiyaamuhu, saan ugu noqdo ilaa iyo Ahalkaygii iyo Xoolahaygii, waxa lagu odhanayaa deg oo ku noolow.

Wuxuu yidhi: in Adoonka Kaafirka ahi riwaad kalena waa Faajirka ahi haduu noqdo mid ka go’aaya oo ka tegaaya Dunida oo u jeeda Aakhiro waxa kaga soo dega Samada Malaa’ik Akhlaaq aad u adag leh ha ahaato caanaantooda, Codkooda iyo aragooda ka bajinaya Qofka oo wejiyaal madow, waxay sidaan wax Maytka lagu masaxo oo Naarta laga keenay, waxay u soo fadhiisanayaan inta aragiisu gaadho, markaas ayaa waxaa u imanaaya Malak Almowt ilaa uu u soo fadhiisto Madaxiisa, wuxuu odhanayaa Nafyahay xumi ee khabiisada ahi u soo bax ilaa iyo quudhsashada Allaah iyo cadhadiisa, wuxuu yidhi: markaas ayay dib ugu carari oo ku kala farqami Jasadka, markaas ayuu wuxuu uga soo saarayaa sida uu uga soo saaro Safuudku[waa Faralay fara badan leh oo lagu feedho Cudbiga] Cudbiga qoyan, markaas ayay waxay soo goosanaysaa Curuuqda iyo Casabyaalka, waxa lacnadaya Malak kasta oo Samada iyo Dhulka dhexdooda ku sugan iyo Malak kasta oo Samada ku sugan, waxa laga xidhayaa Albaabada Samada, ma jiro Albaab aan kuwa joogaa waydiisanayn Allaah in aan loo soo korsiin Ruuxiisa xagooda, wuu qaadayaa haduu qaadona uma daayo Gacantiisa ilbidhiqsi ilaa ay ku ridaan Almasuuxaa, waxana ka soo baxaaya Urka ugu qudhmoon ee ka soo baxa Mayt qudhmay ee laga helo Dhulka korkiisa, way la korayaan ma maraan mala’ ka mid ah Malaa’ikta ilaa in ay yidhaahdaan maahee: waa maxay Naftan xun ee khabiisada ahi? Waxay odhanayaan: waa hebel hebel iyagoo ku magcaabaya magacyadiisii ugu xumaa ee lagu magcaabi jiray Dunida, ilaa ay kula dhamaadaan oo gaadhaan ilaa iyo Samada Dunida, markaas ayay waydiisanayaan in loo furo, markaasna looma furaayo, dabadeedna wuxuu aqriyay Rasuulka Allaah sala Allaahu calayhi wasalam: {لاتفتح لهم أبواب السماء ولا يدخلون الجنة ، حتى يلج الجمل في سم الخياط [الأعراف: 40]} {Allaah tacaalaa wuxuu inoo ka waramayaa in kuwa beeniyey Aayaatkiisa ee kibraya ay yihiin kuwa khayr oo dhan ka qaday, markay dhintaana looma furaayo Ruuxyaalkooda Albaabada Samada, [waxaynu kana fahmaynaa Aayatan in Ruuxyaalka Mu’miniinta u hogaansan Allaah ee rumayay loo furaayo Albaabada Samada ilaa ay u koraan xaga Allaah oo ay gaadhayaan ilaa iyo intuu doono] Janadana ma gelayaan ilaa iyo inta uu Awrka oo ah kan xayawaanka ugu wayni ka gelaayo irbada daloolkeeda oo ah waxayaabaha daloola kan ugu yar, ma dhici kartaa weeye su’aashu? Waana maya, sidaas oo kale baanay iyana u gelayn Janada}, markaas ayuu odhanayaa Allaah casaa wajalaa: ku qora Kitaabkiisa Sijiin ee Dhulka hoose, markaas ayaa la odhanayaa: ku celiya Adoonkayga ilaa iyo Dhulka waayo waxaan ugu balan qaaday in aan iyada ka abuuray oo aan iyada ku soo celinayo iyaga oo aan iyada ka soo saaraayo markale, markaas ayaa laga soo tuurayaa Ruuxiisa Samada tuuritaan ilaa ay ku dhacdo Jasadkiisa, markaas ayuu aqriyay calayhi salaatu wasalaam: {ومن يشرك بالله فكأنما خر من السماء فتخظفه الطير أو تهوى به الريح في مكان سحيق [الحج: 31]} {kii u shirki yeela Allaah tacaalaa wuxuu ka dhigan yahay sidii mid ka soo dhacay Samada oo ay la booday Shimbiri ama ay ku tuurtay Dabayli meel fog, Iimaanku wuxuu ka dhigan Samada sidii la ilaaliyay oo koreeya, kan se ka taga Iimaanka wuxuu ka dhigan yahay mid Samada ka soo dhacay oo ay la booday Shimbiri oo Xubnihiisa jarjartay, sidaas oo kale Mushriku haduu ka tago Iimaanka waxa kala boodi dhinac kasta Shaydaamada oo googoyn oo ka socodsiin Diintiisa iyo Dunidiisaba}, markaas ayay Ruuxiisa lagu soo celin Jasadkiisa wuxuuna maqli sanqadha Kabaha Asxaabtiisa markay ka tegayaan oo ka jeestaan, waxana u imanaya laba Malak oo canaan adag, way canaananayaan oo la fadhiisanayaan waxay ku odhanayaan isaga: waa kuma Rabigaagu? –من ربك؟ , wuxuu odhanayaa: haa, haa, ma garanaayo, waxay ku odhanyaan: waa maxay Diintaadu? – ما دينك؟ , wuxuu odhanayaa: haa, haa, ma garanaayo, waxay ku odhanayaan: maxaad ka odhan Ninkaas laydiin soo diray? – فما تقول في هذا الرجل الدى بعث فيكم؟ , kuma uu hanuunayo magaciisa, waxaa lagu odhan: Maxamed, wuxuu odhanayaa: haa, haa, ma garanaayo Dadkaan ka maqlay iyagoo kaas leh, wuxuu yidhi: waxa la odhanayaa: maad garanayn, mana aad aqriyin, markaa ayuu ka yeedhi mid yeedhayaa Samada, haduu been sheegay uga gogla Naarta, oo uga fura Albaab ilaa iyo Naarta, waxaa uga imanaaya kulkeedii iyo sumeheeda, waxana lagu soo cidhiiyi Qabrigiisa ilaa ay Feedhihiisu is dhaafaan, waxana u imanaya Riwaayad kalena wuxuu isaga soo dhigayaa Nin weji xun, oo dhar xun, oo ur qudhun ah leh, wuxuu ku odhan: ku bishaarayso wax ku xumaan gelya, tanu waa Maalintaadii ee laguugu balan qaaday, markaas ayuu odhanayaa: oo adiguna ha kuugu bishaareeyo Allaah Shar ee kumaad adigu tahay? Wejigaagu waa Weji Shar keena ee! Wuxuu ku odhanayaa: Anigu waxan ahay Camalkaagii xumaa, Allaah baan ku dhaartee kuguma aanan baran ilaa inaad ahayd mid ka gaabiya Daacada Allaah, kuna dheereeya macsiyada Allaah, wuxuuna kugu abaal mariyay Allaah shar wuxuu u yeelayaa mid Indha la’ oo dhegoole ah, oo aan hadlin, oo Gacanta ku sita Sabarad! Hadii lagu dhufan lahaa Buuri waxay noqon lahayd Ciid, wuuna ku dhufanayaa dhufasho ilaa uu noqdo Ciid, markaas ayaa Allaah ku soo celinayaa sidii uu ahaa, hadana wuxuu ku dhufanayaa dhufasho kale, markaas ayuu qaylinayaa qaylo ay maqlayaan shay kasti Jinka iyo Insiga maahee, Markaas ayaa looga furayaa Albaab Naarta, oo loo goglayaa furaash Naarta ah, markaas ayuu wuxuu odhanayaa Rabigayow aanay iman Saacadu [waxaa weriyey Xadiiskan Abu Daa’uud waxana saxeex yeelay Alalbaani – رواه أبوداود وصححه الألباني ].

Hadaba Allaah ka cabso Adoonka Allaahow adigoo og inay Dunidanu guurtay oo sii jeesatay iyo inay Aakhiro tahay mid soo guurtay oo soo fool leh, xusuusona Saacada Geerida wareegista iyo waxay kuu tahay Saacadaasu iyo xumaatada Faraha badan iyo wanaaga yar, wixii aad dooni lahayd inaad samayso Saacadaa u soo degdeji samaynteeda Maanta, wixii aad dooni lahayd inaad ka foogaato oo ka tagtidna hada samay, wuxuu yidhi Nin Gabayaa ahi: (فلو أنا إذا متنا تركنا * لكان الموت راحة لكل حي

ولكنا إذا متنا بعثنا * ونسأل بعده كل شيء)

(Hadii aan hadaan dhimano nala ka tegi lahaa * waxay u ahaan lahayd dhimashadu raaxo shay kasta oo nool

Laakiin se hadaan dhimano waa nala soo saari * waxana nala waydiin dabadeed shay kasta), Walaal waa taas Dunida aad ku hawlan tahay urursigeeda oo aad ku qaadanaysid Waqtiyaal iyo Saacado saad u urursan lahayd burburkeeda, hadii laguu soo bandhigi lahaa wax kasta oo ay leedahay ha ahaato Dahab, Fidad, Qasaro, Webiyaal iyo Dhir markaad dhimanaysid waxaad odhan lahayd mayee ma rabo waxaan aan ahayn naxriista Allaah casaa wajalaa mana aan doonaayo waxaan ahayn in aan ka badbaado Cadaabta Allaah jalaa wacalaa . Qabrigu sidaan hada soo sheegnay wuxuu noqonayaa ama Beer Beeraha Janada ka mid ah ama God Godadka Naarta ka mid ah, Adoonkuna waa inuu ku jiraa ama Nicmo ama Cadaab, taas oo dhamina waxay ku dhacaysaa Ruuxiisa iyo Badankiisaba waayo Ruuxu waxay ahaan markay ka baxdo Badanka mid ama nicmaysan ama cadaaban waxayna ku soo noqon Badanka waxayna la wadaagi ama nicmada ama Cadaabta, wuxuu yidhi Rasuulkii Allaah sala Allaah sala Allaahu calayhi wasalam: (كل أهل الجنة يرى مقعده من النار فيقول: لولا أن الله هذاني فيكون له شكر ، وكل أهل النار يرى مقعده من الجنة فيقول: لو أن الله هذانى فيكون عليه حسرة [رواه أحمد والحاكم عن أبي هريرة رضي عنه وحسنه الألباني في صحيح الجامع: 4514]) (mid kasta oo Ahalka Janada ahi wuxuu arkayaa halkuu ka fadhiisan lahaa Naarta markaas ayuu odhanayaa hadaan Allaah I hadayn lahayn, markaas ayay waxay u noqon mahad naq, mid kasta oo Ahalka Naarta ahina wuxuu arkayaa halkuu ka fadhiisan lahaa Janada odhanayaa: hadii uu Allaah I hadayn lahaa markaas ayay ku noqon tiiraanyo), waa Tiiraanyo daa’im ah waayo wuxuu yaqiinsaday in aanu ku noqonayn Dunida si uu u sameeyo Camal wanaagsan oo ka badbaadiya Cadaabta tan sidaas darteed wuxuu ka qaylin Qabriga isagoo leh: {رب ارجعون لعلى أعمل صالحاً فيما تركت [المؤمنون:100]} {wuxuu Allaah tacaalaa inooga waramayaa xaalka Qofka ay Geeridu u timaado ee ah kuwa gabood falay ee Daalimiinta ah inuu tiiraanyoonayo marka uu arko meesha uu u jeedo iyo Xumaanta Camaladiisa markaas ayuu dalbanaya in Dunida lagu celiyo maaha inuu ku raaxaysto macaankeeda iyo shahwadaheeda ee bal wuxuu sidaas u odhanayaa inuu sameeyo camal wanaagsan iyo wuxuu kaga gabood falay Allaah }, markaas ayaa waxaa u imanaysa Jawaabtii xaqqa ahayd: {كلا إنها كلمة هو قائلها * ومن ورائهم برزخ إلى يوم يبعثون [المؤمنون:101]} {iska dhaaf ma jiro noqod iyo u kaadin toona Allaah wuxuu qadaray inaanay ku soo noqon iyada waa Dunida ee, ee waxay tahay odhaahadiisanu uu ku doonaayo inuu Dunida ku noqdo hadal uun Carabka ah oo aan isaga waxba u faa’iidaynayn tiiraanyo iyo murugo maahee, waxana hor yaala oo ku kala gudban Barsakh [oo ah wax laba shay kala gooya] ilaa iyo Maalinta laysa soo saaraayo}, wax qiima ah oo ay leedahay Kelmedaasu ma jirto, waayo kii yidhi baan xaga Allaah jalaa wacalaa aan qiimo ku lahayn, sidaas darteed ayaa Allaah inoogu digay Kitaabkiisa kariimka ah ka hor intaynaan arag inagoo ku dhex jira tiiraanyooyinkaa, wuxuuna yidhi jalaa wacalaa: {يا أيها الذين آمنوا لاتلهكم أموالكم ولا أولادكم عن ذكر الله ومن يفعل ذالك فأولئك هم الخاسرون ، وأنفقوا من ما رزقناكم من قبل أن يأتي أحدكم الموت فيقول رب لولا أخرتني إلى أجل قريب فاصدق وأكن من الصالحين ، ولن يؤخر الله نفساً إذا جآء أجلها والله خبير بما تعملون [المنافقون:9- 11]} {wuxuu ku amray tacaalaa Adoomihiisa Mu’miniinta ah inay badiyaan xusidiisa iyo caabudaadiisaba waayo taas waxaa ugu jira liibaan iyo badbaado iyo khayrar badan, wuxuuna ka nahyiyaa inay ka mashquuliso xuskiisa Xoolahoodu iyo Caruurtoodu ee ay ka hor mariyaan jeclaantooda Xoolaha iyo Caruurta jeclaanta Allaah tacaalaa kiina uu ka mashquuliyo Xoolihiisu iyo Caruurtiisu xuska Allaah tacaalaana uu yahay mid ka khasaaray khasaara abadi ah badhaadhaha abadiga ah iyo nicmada aan dhamaanayn, wuxuu kaloo Allaah tacaalaa ku amray Adoomihiisa mu’miniinta ah inay baxsadaan wax ka mid ah wixii uu ku irsiqay taas oo ah waajib iyo mid mustaxab ah ka hor intaanay u iman midkiin Geeridu oo aanu odhan isaga oo tiiraanyaysan Rabigayow I celi mudo yar si aan u guto wixii aan ku gabood falay oo aan wax u baxsado si aan uga mid noqdo Dadka wanaagsan, Allaah tacaalaa se dib uma dhigayo Nafna haduu Ajalkii loo qadary yimaado Allaah tacaalaana wuxuu og yahay waxaad samaysaan khayr iyo sharba waana idinku abaal marinayaa haduu khayr ahaa waa khayr haduu shar ahaana waa shar }.

Walaalkayow marka xaalku sidaas yahay ilaali oo ku dedaal in aad ka buuxiso Qabrigaaga nuurka Camalka wanaagsan iyo nuurka Quraanka iyo u Samafalka labada waalid iyo Agoomah iyo Jaarka iyo ilaalinta Salaadaha.

Cusman Bin Cafaan radiya Allaahu canhu: wuxuu ahaa kii haduu is dul taago Qabri ooya ilaa Gadhkiisu qoyo, markaas ayaa la waydiiyay taas waxaana lagu yidhi: waxaad xusuusataa ama xustaa Janada iyo Naarta mana owdid! Waadna owdaa hadaad is dul taagto Qabri? Wuxuu yidhi: (سمعت رسول الله صلى الله عليه وسلم يقول: إن القبر أول منازل الأخرة فإن نجا منه فما بعده أيسر منه ،وإن لم ينج منه فما بعده أشد منه [رواه الترمدي وإبن ماجه وحسنه الألباني في صحيح الجامع]) (waxaan maqlay Rasuulkii Allaah sala Allaahu calayhi wasalam oo leh: Qabrigu waa Guryaha ugu horeeya ee Aakhiro hadii Ruuxu ku badbaado isaga wixii ka dambayaana waa ka sii sahlan yihiin, hadaanu se ku badbaadin wixii ka dambeeyaana waa ka sii daran yihiin).

Mujaahidna wuxuu yidhi: waxa ugu horeeya ee la hadla Ibnu Aadamka waa Godkiisa wuxuuna odhan: anigu waxan ahay Gurigii Dirxiga iyo Aboorka iyo Gurigii kelinimada iyo Gurigii Qariibka iyo Gurigii madowga taas weeye waxaan kuu diyaariyey ee maxaad ii diyaarisay?

Abuudarna wuxuu yidhi: war maydiinka warama Maalinta aan faqriyay waa Maalinta lay dhigo Qabrigayga

Abuudardaa: ayaa wuxuu ahaa mid fadhiista Xabaalaha hadii la waydiiyona taas wuxuu odhan jiray waxaan la fadhiyaa Qoom igu xusuusanaya soo noqodkayga hadaan kacona aan I xamanayn

Sufyaana wuxuu yidhi: Ruuxa badiya xusuusta Qabriga wuxuu u noqdaa Beer ka mid ah Beeraha Janada, Ruuxa moogan ee aan xusuusna wuxuu u noqdaa God ka mid ah Godadka Naarta

Arabiic Binu Khaysam: ayaa ka qoday Qabri Gurigiisii wuxuuna ahaa mid haduu ka helo Qalbigiisa adayg wuu gali jiray oo jiifsan jiray waana ku negaan jiray ilaa intii Allaah doono wuxuuna odhan jiray: {رب ارجعون لعلى أعمل صالحا فيما تركت}, wuuna ku cel celin jiray, dabadeed wuxuu u jawaab celin jiray Naftiisa wuxuuna odhan jiray: Rabiicow waad soo noqotay ee Camal wanaagsan samee

Cumar Binu cabdilCasiis: bal waxa la rabaa inaad maanka ku hayso Sawirka Maytka marka la soo qaado wuxuu sheegay Cumar Binu CabdilCasiis markuu u soo galay Nin Faqhii ahi markaas ayuu la yaabay siday isu bedeshay Suuradiisu badnaanta ku dedaalista caabudaada Allaah awgeed, markaas ayuu ku yidhi Cumar: hebelow hadaad I arki lahayd saddex ka dib: iyadoo lay geliyay Qabrigayga oo ay soo bexeen labada Indhood oo ay dareereen labada dhaban oo ay Bishimihii ka dhamaadeen Ilkihii oo ay Malaxdu ka soo baxday Afka oo Afkii fuuray oo ay qudhuntay Calooshu oo kor ka martay Laabta oo ay ka soo baxday Macdantii dabada oo ay ka soo baxeen Dirxi iyo Malaxi labada dul ee Sanka ayaad arki lahayd wax ka la yaab badan waxaad aragto hada

Walaalkaygii dar Allaahow iyo Walaashay dar Allaahey sidaan hada soo sheegnay wax kasta oo bilaabmaa wuxuu leeyahay Meel uu ku dhamaado, Xoog kastana waxa ka dambaysa awood daro, Nolol kastana waxaa ka dambaysa Geeri, waana ku kaas Ibinu Aadamow oo aad kala tagteen Noloshii oo aad noqotay Mayt Meel yaala oo aan dhaqdhaqaaq lahayn oo lagaa bixiyay dharkii iyo dhamaan waxaad isku qurxin jirtay kugumana hadhin ilaa Go’ yar oo dhar ah oo lagu qarinaayo Cawradaada maahee, waxaad goglantahay Looxaan dushood si laguugu maydho, maye Indhihii aad wax ku aragtid oo ku eegtid ee? Maye Gacmihii ha dhaqdhaqaaqeen ee? Meeyay Jasadkaagii? Wuxuu goglan yahay Loox dushiis, Dharkii oo dhana waa laga saaray, Ruuxna ma leh iyo xoog iyo dhaqdhaqaaq toona… Wallaahu Almustacaan. Ma gelisay weli maankaaga Walaalkayow ama Walaashayay mawqifkan? Hada waxaa la maydhayaa Jasadkaaga, sidaas baana laguu kafnayaa, hada waxaad diyaar u tahay in lagugu tukado, ka dib marka lagugu tukado ayaa lagugu qaadi Garbaha Ragga si laguu dhigo Qabrigaaga, hadii ay tahay Jinaasadaasu mid wanaagsan waxay odhan: hore ii mariya … hore ii mariya, haday se tahay mid taa ka duwan waxay odhan: hoogeeda eey xagee ila tegaysaan.

Hadaba Qabrigu waa Guryaha ugu horeeya ee Aakhiro, eeg Gurigaaga, eeg Aqalkaaga, eeg Godkan siduu cidhiidh u yahay ka dib Qolkii iyo Gurigii iyo Fiiladii iyo Qasarkii, wuxuu noqon!!! God, haa Walaalayaal Qabrigaasu waa Gurigii baahida, waa Gurigii Qariibka, waa Gurigii Dirxiga, waa Gurigii Loxodka, waana kaas Qabriga aad ilowsan tahay, waana kaas kan ka oohiya kuwa wanaagsan iyo Culimada iyo Mujtahidiinta waxaan Allaah ka magan gelaynaa gudcurka Qabriga iyo baahida Qabriga iyo cidhiidhka Qabriga --- hada ayay Jinaasadii diyaar u tahay aasid Allaahu Almustacaan--- subxaana Allaah siduu u yimid Ibnu Aadam isaga oo keli ah ayuu uga baxay keli Dunida, ma jirto Xoolo iyo Ahal iyo Caruur ee wuxuu kaga baxay Dunida tan Camal iyo Kafan oo la tegay gudcurka Qabriga, ma jirto Hooyo iyo Aabe naxariista iyo Walaal aad weheshato toona, dabadeed marka la dhigo Jinaasada Loxodka ayaa laga furayaa wixii ku xidhnaa Madaxa iyo Labada Adin mooyee, waxa lagu awdayaa Maytka Loxodka iyadoo lagu awdaayo Dhagax ama Jaajuur iyo Dhoobo iwm, say u adkaysoo oo u awdo daldaloolka u dhexeeya Dhagxanta ama Jaajuurka, dabadeedna waxaa lagu boobayaa oo lagu awdayaa Ciid Godka, iyada laga abuuray wuuna u noqonayaa.

Walaalkayga qaaliga ahow Walaashayda kariimada ahay Walaalhayga Muslimiinta ahay bal iska yeel Ilbidhiqsina ha ahaatee inaad tahay kan la dhigay Godkaa maxaad dooni lahayd inaad qabsan lahayd??? Wixii aad markaa is odhan lahayd maad qabsatid hadda u samee Godkaa awgii mar hadii hada uu Ruuxaagii ku jiro Jasadkaaga ayna suura gal tahay inaad toobad keento oo wanaajisto wixii dhexdiina ah Adiga iyo Rabigaa, hadaba Albaabka toobadu waa furan yahay hada raxmada Allaah tacaalaana waa mid Waaberi iyo Gabaldhacba joogta, cudur daarka waa lagaa ogolyahay Denbigana waa la dhaafi ee iska tirtir oo iska xoray gumaysiga Macsiyadaha inta aanad tiiraanyoon iyo inta aydaan Nafta kala tegin…

Walaalayaal gaadhsiiya warqadan oo ugu diga kuwa ay ka qafilan tahay waxaan soo sheegnay hada waana kuwan:

  1. Ilaa iyo mid kasta oo iska sahlada Salaada ama ku gabood fala
  2. Ilaa iyo mid kasta oo diida bixinta Sakada oo fududaysta
  3. Ilaa iyo mid kasta oo caaq ku ah Waalidkii oo dhiba
  4. Ilaa iyo mid kasta oo gooya riximkiisa oo ka hijrooda
  5. Ilaa iyo mid kasta oo kula dagaalama Allaah iyo Rasuulkiisa cunida Ribada
  6. Ilaa iyo mid kasta oo Qish ku sameeya Iibka ama Laaluush bixiya ama Laaluush qaata
  7. Ilaa iyo mid kasta oo heesa ama dhegaysta Heesaha
  8. ilaa iyo mid kasta oo qishay Ahalkiisa oo soo geliyay Gurigiisa Dhiishka iwm
  9. Ilaa iyo mid kasta oo sinaysta
  10. Ilaa iyo mid kasta oo sameeya Camalkii Qooma Luud
  11. Ilaa iyo mid kasta oo Dharkiisa dheereeya oo maradiisa jiida
  12. Ilaa iyo mid kasta oo xiiray Gadhkiisa
  13. Ilaa iyo mid kasta oo Dulmi sameeya oo cuna Xuquuqda kuwa kale gaar ahaan kuwa u shaqaya
  14. Ilaa iyo mid kasta oo ka seexday Salaada Fajarka
  15. Ilaa iyo mid kasta oo u taga kuwa Sixiroolayaasha ah iyo Mushacwadiinta
  16. Ilaa iyo mid kasta oo ku jees jeesa kuwa Ahalka Diinta ah iyo Dadka wanaagsan
  17. Ilaa iyo mid kasta oo xaasida oo xiqdiya walaalihiisa Muslimiinta ah
  18. Ilaa iyo mid kasta oo wareegaysta Suuqyada isagoo daba ordaaya Muxaarimka Muslimiinta ee ku sii daayay aragiisa isagoo eegaaya Dumarka
  19. Ilaa iyo mid kasta oo isticmaala Maandooriyayaalka
  20. Ilaa iyo mid kasta oo ku xumeeyay Afkiisa uu ku xuso Shahaadad Sigaar ama Shiishad iwm oo Ur xun
  21. Ilaa iyo mid kasta oo ka haajiray Quraank aqriyidiisa iyo fahamkiisa iyo ku Camal falkiisaba
  22. Ilaa iyo mid kasta oo la fadhiista kuwa Ahalka u ah Xumaanta iyo sharka
  23. Ilaa iyo mid kasta oo ka haajira Dadka wanaagsan iyo Majlisyada Allaah lagu xuso
  24. Ilaa iyo mid kasta oo aan xajiyin isagoo kari karaaya oo leh dhamaan awoodii Xajka
  25. Ilaa iyo mid kasta oo fura Markhaanti Suur ah ama been ah ama cid ku kalkaaliyay
  26. Ilaa iyo mid kasta oo sokeeye ka dhigta Gaalada
  27. Ilaa iyo mid kasta oo keensada Shaqaale aan Muslimiin ahayn oo aan ugu yeedhin Islaamka
  28. Ilaa iyo mid kasta oo Bidaca ku sameeya Diinta Allaah
  29. Ilaa iyo mid kasta oo been sheega oo ku dheereeya Beenta
  30. Ilaa iyo mid kasta oo ku baaqa is qaawinta iyo Gaalo isu ekaysiinta iyo Guri ka soo saarista Dumarka Muslimiinta
  31. Ilaa iyo mid kasta oo moogan oo uu ka qafilan yahay Dikriga Allaah tacaalaa
  32. Ilaa iyo mid kasta oo ku kaca Denbiyaalka kale ee Faraha badan oo aynaan halkan ku soo koobi karayn

Ar miyaanay iman goortii aan dib ugu noqon lahayn Xisaabeheena … ar miyaanay iman goortii aynu haleelo lahayn waxa ka hadhay Cumriyaalkeena … ar miyaanay iman goortii aan ka dhamaan lahayn mooganaanteena … ar miyaanay iman goortii aan ka kici lahayn Hurdadeena … ar miyaanay iman … ar miyaanay iman … ????

وصلى الله وسلم على نبينا محمد وعلى آله وصحبه

 

 

Qore: Walaalkiin Maessa Asalafi

 


 

 

©Xuquuqda oo dhan waxay u xafidantahay Bogan: http//:doorasho.bravehost.com walaalkayga Muslimka ahow dhamaan waxa laga helo Bogan waxaad u isticmaali kartaa si shakhsi ahaaneed iyo fidinta Dacwada

جميع الحقوق محفوطة لموقع الإختيار أخي المسلم بإمكانك الإستفادة من محتويات الموقع في الإستخدام الشخصى ونشر الدعوة

 

 

 


Web Hosting · Blog · Guestbooks · Message Forums · Mailing Lists
Easiest Website Builder ever! · Build your own toolbar · Free Talking Character · Email Marketing
powered by a free webtools company bravenet.com