untitled
viviti

Ma ka faa’iidaysanaa Geela ma se naqaanaa Waxtarkiisa?

  Allaah ayaa mahad iyo amaanba mudan oo iska leh, Rabiga Caalamiinka Amaan iyo Nabadi ha u sugnaato kii aanu jirin Nebi ka dambeeyaa iyo Ahalkiisii iyo Asxaabtiisii iyo Taabiciintoodii iyo Atbaacdoodii iyo mid kasta oo wanaag ku raacay kuna hadaysmay Hanuunkiisii ilaa iyo Maalinta Qiyaamaha

 Intaas ka dib:

 Hilibka Geelu wuxuu kaa ilaaliyaa korodhka Miisaanka iyo Xanuunada Wadnaha

 Waxay Baadhayaal Tunisian ahi cadaynayaan kuna adkaysanayaan in Hilibka Geelu uu ka wanaagsan dhamaan Hilbaha kale oo dhan, marka laga eego in uu Dufanku ku yar yahay, uuna kaga sarayo qiimaha quudinta Hilbaha kaloo dhan. Waxay muujisay Diraasad lagu samayay Tunisia, iyadoo lays barbar dhigay Hilibka Geela, kan Lo’da, kan Adhiga iyo kan Digaaga, in Hilibka Geelu uga wanaagsan yahay dhamaan Hilbaha kale oo dhan, xaga ku haboonaantiisa iyo waxtarkiisa kuwa doonaaya in ay dhimaan Miisaankooda iyo inuu ka ilaaliyo Xanuunada Wadnaha ee kala duwan, marka loo eego in ay nisbada Dufanku ku yar tahay Hilibka Geela

  Waxay kaloo intaas ku dartay Diraasadanu oo lagu soo qoray Wargayska Aladwaa oo ka soo baxa Caasimada Tunis, in Hilibka Geela ay ku gaar tahay Fibres adadag oo qalafsan oo balbalaadhan oo isku xidh xidhan oo ka madhan Dufanka ku khaldan Muruqyada. Waxa kaloo ku yimid Diraasada in ay Dhakhaatiirtu kula talinayaan cunista Hilibka Geela Dadka iyagu raacaa ama ku socda Nidaamka Regime ka Cuntada (yacani doonaaya in ay miisaanka dhimaan) iyo in ay yarayaan nisbada Cholesterol ka Dhiiga, marka laga eego in ay ku jirto Hilibka Geela Acids ka Dufanka ah ee aan buuxin (Unsaturated fat acids) waana waxa yaraynaaya suurtagalka ah in ay Qofka ku dhacdo Xanuunada Wadnaha ee kala gedisan

  Waxayna tilmaantay natiijadii Diraasadu, in ay Dhakhaatiirtu heleen xidhiidh dhow oo ka dhexeeya qaadista Xanuunadatan iyo kordhinta cunista Acids ka Dufanka ah ee buuxa (saturated fat Acids) ee Dufanka Hilibka Lo’da, Buffalo ga, Adhiga iyo Riyaha. Waxana Diraasadan ku timid in dhadhanka Hilbaha ee ay Dadka qaarkood ka doorbidaan Hilbaha kale ay ku xidhan tahay nisbada Dufanka ee ku jirta Hilibkaas, iyada oo tilmaamaysa in Hilibka Geela ay ku jirto nisbad ka yar tan ku jirta Hilibka Lo’da.

  Hase yeeshee Hilbaha Geelu waxay ka sarayaan Hilbaha kale oo dhan xaga qiimaha quudinta caafimaadka leh, marka laga eego nisbada aadka u saraysa ee Amino Acids ka ee ku jira Dufanka Hilibka Geela marka la barbar dhigo Hilibka Lo’da. Waxayna sugeen oo cadayeen Baadhitaanadii Cilmiga ahayd ee kala duwanayd ee Diraasadan, in Amino Acids ka daruuriga ah ee ku jira Hilibka Geela ay ka sarayso kuwa ka jira Hilibka Adhiga, Hilibka Lo’da iyo Hilibka cad iwm.

  Faa’iidooyinka Caanaha Geela

  Guud ahaan Caanaha Geelu waa cadaan u janjeedha casuus, sida caadiga ahna waa macaan, hase yeeshee mararka qaarkood waxa dhadhankiisu u janjeedhaa dhanaan, mararka qaarna wuxuu noqonayaa dhadhankiisu sida dhadhanka Biyaha. Wadamada qaarkood Dadku ma jecla Caanaha Geela, bal waa diidaan sababta oo ah Dhadhankooda oo la necbaysto waa siday yidhaahdeen ee, hadii la rux ruxo Caanihiisa ama marka la lisaayoba waxaa ku samaysma Xoor ama Xumbo haba ahaato Waqti gaaban ee, waxana keena isbedbedelka dhadhanka Caanihiisa oo ay ku xidhan tahay Geedaha ama Dhirta uu daaqo ama waxyaabaha la siiyo iyo Biyaha uu cabo.

Marka in mudo ah meel la dhigo Caanah Geela waxaa korodha heerka Acid da waana nisbad boqolkiiba ah ee Lactic Acid, wayna ku sii korodhaa Caanaha Acid daa aan soo sheegnay laga bilaabo 03% markay oolaan laba Saacadood ilaa iyo 0,14% ka dib lix Saacadood markay yaalaan. Guud ahaan waxay leeyihiin Caanaha cusubi Acid hoosaysa dabadeedna qunyar qunyar bay u korodhaa marka la dhigo Caanaha, midabka Dambarka Caanaha Hasha oo ah Caanaha laga liso maalmaha u horeeya ee ay dhasho waa cadaan, wax yarna wuxuu ka khafiifsan yahay marka la barbar dhigo kan Lo’da.

  Wadamada qaar waxa loo isticmaalaa Dambarka Cunta ahaan, hase yeeshee inta badan looma isticmaalo wax aan ahayn Calool socodsiiye, inta badana Wadamada dhaqda Geela waxaa loo ictibaar in aanu ku haboonayn cabista, bal waxaa loo ictibaaraa in aanu u haboonayn Nirgaha yar yar xataa, waxaana lagu shubaa Dhulka, iyada oo ay sidaas tahay markaan eegno in ay Dambarka ku jirto kimiyado waawayn oo Antibodies ah, Maadadaas oo Jidhka ka difaacda Jeermiska iyo in uu faa’iido u leeyahay Shiidista Cuntada ee Nirgaha yar yar, ayaa waxaa haboon in iyaga la siiyo hadaanu ku haboonayn in Dadku cabo.

  Waxaynu kor ku soo sheegnay qaar faa’iidooyinka muhiimka ah ee ay Caanaha Geelu leeyihiin oo quudin muhiim ah ugu yihiin Dadka, marka la eego hodonimada Maadadaha ku jira Caanahakan iyo lahaantooda in ay ku jirto nisbado ah Biyo, Dufan, Protien, Solids, Lactose, Vitamin iwm, qadaro ka saraya nisabadaha la midka ah ee ku jira Caanaha Lo’da, Adhiga, Riyaha, Fardaha, Dadka iwm, ayay waxay u leeyihiin Ahmiyad wayn quudinta Dadka. Sidaas oo kale waxay sheegeen baadhitaano Cilmi ahi in shaqooyinka Beerku ku hagaagaan si wayn Bukaanka qaba Infections ka Beerka, taasna waxay timid markii lagu daawayay Caanaha Geela, taas oo cadaysay waxtarkooda xaga isku daawaynta

  Kenya waxaa cadaatay in Xoola dhaqatada cabta Caanaha Geela oo keli ah iyo sidoo kale Xoola dhaqatada cabta Caanahaa ee Mandaqada Dhaqxaanta ee Saxaarah wayn, inay ay ku sugan yihiin Caafimaad wanaagsan iyo firfircooni joogta ah, Caanaha Geelu xagooda waa ka caan in uu leeyahay Caafimaad iyo firfircooni joogta oo ay ku jirto inuu dhiso Lafaha Jidhka adkayona, qaar Xoola dhaqatada ku nool Caanaha Geela oo keli ah,waxaa Timohoodu isu rogaan casaan, laakiin se Timahaasu waxay ku soo noqdaan midbkoodii dabeeciga ahaa markay Dadkaasu helaan Cunto isu dheeli tiran, sidoo kale waxay noqon karaan Caanaha Geelu Calool Socodsiiye aad u xoog badan hadaanu Qofku cadaysan cabistooda,

 Waxaana cadaan ah inay Calooshu kacdo marka la cabo Caanaha Geela iyagoo kulul oo markaa la soo lisay, haday se qaboobaan wax wayn oo saamayn ah kuma yeeshaan socodsiinta Caloosh, guud ahaana si kastaba ha ahaatee Caanaha Geelu way jilciyaan Caloosha. Waxayna cadayeen Baadhitaanada qaar in Caanaha Geelu leeyihiin Sifooyin keenaaya in ay dhimaan Miisaanka Qofka, sidoo kale waxay fududayaan shiidista Cuntada ee Jidhka, sidoo kale waxaa la siiyaa Caanaha Geela Bukaanka, Dadka da’da ah, Caruurta iyo Dumarka Uurka leh, sababta oo ah hodonimada rakibaadooda Caanahan ee Maadadaha quudinta ee aan hore u soo sheegnay, gaar ahaan Acid da Dufanka ah iyo Maadadaha Protein ka ah iyo Vitamins ka iyo in ay Diraasadahaasu sugeen in Caanahanu ay faa’iido balaadhan u leeyihiin Caafimaadka iyo dhisida Lafaha

 Waxa lagu tiriyaa in Caanaha Geelu ay yihiin masdar ku hodon ah Vitamin G da ama waxa loo yaqaan Ascorbic Acid, sidaas darted waxaa lagu talinayaa in la siiyo Dumarka Uurka leh iyo kuwa Ilmaha nuujinaaya iyo Dadka duraysan iyo kuwa qaba Xanuunada Neefsiga ee kale, Wadanka France na waxay muujiyeen Baadhitaano lagu samayay Caanaha Geela in inta u dhexaysa 4 ilaa 5kgs oo ah Caanaha Geela iyo waxyaabaha laga samayaa, ay ku filan tahay inay siiso dhamaan baahida Dadka ee Calories ka iyo Dufanka iyo Proteins ka iyo Calcium ka. Waxana odhan karnaa iyada oo aan Qoraalo lagu soo koobi karayn faa’iidooyinka Caanaha Geela iyo Hilibkiisaba, waa khasnad uu Allaah tacaalaa inagu manaystay, laakiin se aynaan garanayn sidaan uga faa’iidaysan lahayn.

 Wabillaahi atowfiiq

 

 


©Xuquuqda oo dhan waxay u xafidantahay Bogan: http//:doorasho.bravehost.com walaalkayga Muslimka ahow dhamaan waxa laga helo Bogan waxaad u isticmaali kartaa si shakhsi ahaaneed iyo fidinta Dacwada

ÌãíÚ ÇáÍÞæÞ ãÍÝæØÉ áãæÞÚ ÇáÅÎÊíÇÑ ÃÎí ÇáãÓáã ÈÅãßÇäß ÇáÅÓÊÝÇÏÉ ãä ãÍÊæíÇÊ ÇáãæÞÚ Ýí ÇáÅÓÊÎÏÇã ÇáÔÎÕì æäÔÑ ÇáÏÚæÉ

Webmaster: maessa2@gmail.com

 


Web Hosting · Blog · Guestbooks · Message Forums · Mailing Lists
Easiest Website Builder ever! · Build your own toolbar · Free Talking Character · Email Marketing
powered by a free webtools company bravenet.com