|
|
|
|
بسم الله الرحمن الرحيم
Dhibta ama Fitnada ay leedahay Kufrisiintu
فتنة التكفير
Shiikh Alislaam Aliimaam Maxamed Nasiru Diin Alalbani
لشيخ الإسلام الإمام محمد ناصر الدين الألباني
إنََّ الحمد لله ، نحمده ونستعينه ونستغفره ،ونعوذبالله من شرور أنفسنا، ومن سيئات أعمالنا ، من يهده الله فلامضل له ومن يضلل فلا هادي له، وأشهد أن لا إله إلا الله وحده لاشريك له، وأشهد أن محمداً عبده ورسوله. {يا أيها الذين آمنوا اتقوا الله حقَّ تقاته ولاتموتن إلا وأنتم مسلمون}[آل عمران :102] . {يا أيها الناس اتقوا ربكم الذي خلقكم من نفسٍ واحدة وخلق منها زوجها وبث منهما رجالاً كثيراً ونساءً وتقوا الله الذي تساءلون به والأرحام إن الله كان عليكم رقيباً}[النساء:1] {يا أيها الذين آمنوا اتقوا الله وقولوا قولاً سديدا. يصلح لكم أعمالكم ويغفر لكم ذنوبكم ومن يطع الله ورسوله فقد فاز فوزاً عظيما}[الأحزاب: 70و71]
أما بعد: فإن أصدق الحديث كتاب الله ، وأحسن الهدي هديُ محمد صلى الله عليه وسلم، وشر الأمور محدثاتها، وكل محدثةٍ بدعة, وكل بدعة ضلالة ، وكل ضلالةٍ في النار .
وبعد:
Allaah ayaa mahad iyo amaan mudan oo iska leh, waan u mahad celinaynaa waan kaashanaynaa dembidhaaf ayaan waydiisanaynaa, waxaan Allaah ka magan gelaynaa shararka nafahayaga, iyo acmaashayada kuwooda xun, kii Allaah hadeeyo cid lumin kartaa ma jirto, kii Allaah luminayona cid hadayn kartaa ma jirto, waxaan qirayaa inaanu jirin Ilaah xaq lagu caabudaa jiritaanka oo aan Allaah ahayn kelidii oo aan lahayn wax shiriik ah oo lagu lamaaneeyo, waxaan qirayaa in uu Maxamed yahay adoonkii Allaah iyo Rasuulkiisii.
{Kuwii Allaah iyo diintiisa xaqqa ah rumeeyeyow, Allaah ka cabsada cabsi dhab ah hana dhimanina idinkoo aan muslimiin ahayn.} [Aali cimraan: 102] {Dad yohow rabigiina ka cabsada, idinka abuuray naf keliya (Aadam calayhi salaam) ee ka sii abuuray xaaskeedii (Xawaa calayhaa salaam) ee ka sii abuuray rag badan iyo dumar oo ku kala fidiyey dunida guudkeeda, ka cabsada Allaaha aad wax isku waydiisataan iyo inaad riximka gowsaan, Allaah kor buu idinka ilaalinayaa oo waa ogyahay acmaashiina} [Nisaa: 1].
{Kuwii Allaah iyo diintiisa xaqqa ah rumeeyeyow Allaah ka cabsada oo ku hadla hadal toosan wuxuu idiin hagaajin acmaashiina wuuna idiin dembi dhaafi kii Allaah iyo Rasuulkiisa adeeca ayaa liibaanay liibaan wayn (janada nimcooyinka badan leh gelaya)} [Alaxzaab: 71&72].
Intaa ka dib: hadal waxaa u rumaysan Kitaabka Allaah, waxana u wanaagsan hanuun hanuunkii Maxamed sala Allaahu calayhi wasalam, arimaha waxaa u shar badan kuwa la abuuro, arin kasta oo la abuuraana waa bidca, bidca kastaana Naar ayay geli.
Intaa ka dib:
Arinta Kufrisiintu guud ahaan maaha Madaxda oo keliya ee bal kuwa la xukumona waa Dhib iyo Fitnad wayn oo horaysay waxana qaatay oo jideeyey Koox Kooxaha Islaamka ee hore ah waana tan loo yiqiin Alkhawaarij, waxa ah wax laga xumaado in qaar Ducaata ka mid ahi ama kuwa xamaasadaysani ay ku dhici karaan ka bixida Kitaabka iyo Sunnaha laakiin ay kaga baxayaan magaca Kitaabka iyo Sunnaha sababtu waxay tahay laba Arimood:
Midkood ay tahay fara badnida Cilmiga iyo isku noqnoqdkiisa
Tan kalena waxay tahay waana mid aad u muhiim ah ee iyagoo aan si fiican u fahmin Qawaacidka Sharciga ee ah aasaaska Dacwada Islaamka ee saxeexa ah ee lagu tirinayo mid kasta oo ka baxa Kooxaha ka leexday Jamaacada uu ku amaanay Rasuulkii Allaah sala Allaahu calayhi wasalam dhowr Xadiis bal uu sheegay Rabigeen casaa wajalaa oo cadeeyay in kii ka baxaa uu noqonayo mid khilaafay Allaah iyo Rasuulkiisa taas oo ah hadalkiisa casaa wajalaa: {
ومن يشاقق الرسول من بعد ما تبين له الهدى ويتبع غير سبيل المؤمنين نوله ما تولى ونصله جهنم وسآءت مصيراً [النساء: 115]} {Ruuxii khilaafa Rasuulka ka dib markuu u cadaaday Hanuunku oo raaca Jid aan ahayn kan mu’miniinta waxaanu uga weli dhigaynaa wuxuu ka dhigtay, waxaanuna gelinaynaa Jahanama iyadaana u xun aayo}, hadaba Allaah casaa wajalaa iyadoo ah Arin u cad Ehelka Cilmiga kuma soo koobin hadalkiisa: {ومن يشاقق الرسول من بعد ما تبين له الهدى .....نوله ما تولى ....} {Ruuxii khilaafa Rasuulka ka dib markuu u cadaaday Hanuunku…waxaan uga weli dhigaynaa wuxuu ka dhigtay…}, ee wuxuu ku daray khilaafida Rasuulka raacida Jid aan ahayn kii Mu’miniinta wuxuna yidhi tacaalaa: {ومن يشاقق الرسول من بعد ما تبين له الهدى ويتبع غير سبيل المؤمنين نوله ما تولى ونصله جهنم وسآءت مصيراً} {Ruuxii khilaafa Rasuulku ka dib markuu Hanuunku u cadaaday ee raaca Jid aan ahayn kii Mu’miniinta waxaanu uga weli yeelaynaa wuxuu ka dhigtay waxaanuna gelinaynaa Jahanama iyadaana u xun aayo}, hadaba raacista Jidka Mu’miniinta iyo raacis la’aantiisu waa Arin muhim ah aad iyo aad toos iyo qaloocba kii raaca Jidka Mu’miniinta waa mid badbaaday xaga Rabiga Caalamiinka kii khilaafa Jidka Mu’miniintuna xisaabtiisu waa Jahanama iyadaana u xun meel aayo laga dhigto. Halkan ayay ku lumeen Kooxa aad u fara badani kuwa hore iyo kuwa dambeba waayo kumay joogin inaanay raacin Jidka Mu’miniinta oo keli ah laakiin waxay u baxeen Caqliyaalkooda oo waxay raaceen Hawooyinkooda xaga tafsiirka Kitaabka iyo Sunnaha dabadeedna taas ayay waxay ku dhiseen Natiijooyin khatar aad u ah waxay kaga baxeen sidii ay ahaayeen Salafkii suubanaa redwaanu Allaahi tacaalaa calayhim dhamaantood ee ee uu inooku akiday calayhi salaatu wasalaam Xadiisyo Nabawi ah oo saxeex ah iyo faqradan ka mid ah Aayata kariimka ah, Xadiisyadaa aan soo sheegi doono qaarkood maaha kuwa ka qarsoon Dadka guud ahaan iskaba dhaaf kuwooda gaarka ah oo laakiin waxa qarsoon ee ku jiraa waa inay muujinayaan daruurada ah in lagu sugnaado Jidka Mu’miniinta xaga fahamka Kitaabka iyo Sunnaha iyo waajib ahaanteeda iyo ku adkayntiisa sala Allaahu calayhi wasalam, barta tan way ka sahwiyeen wayna ka qafilantahay inay tahay daruuri ku sugnaansheheedu kuwa badan oo ah kuwa gaarka ah iskaba daa kuwa loo yaqaano Jamaacat Atkfiir ama qaar noocyada Kooxaha ugu abtriya Naftooda Jihaadka oo ah runtii kuwa ka soo hadhay hadhaagii Takfiiriyiinta, markaa kuwaa iyo kuwaas waxa laga yaabaa in Nafahooda gudayaashooda ay ku jiraan kuwa wanaagsan oo mukhlisiin ahi laakiin taas kelideed kuma fila’ si uu u noqdo kaasu xaga Allaah casaa wajalaa kuwa badbaaday ee liibaanay, markaas Muslimku waa inuu laba Arimood kulmiyaa:Tan kowaad
waa: inuu uga run sheego si mukhilsnimo ah Niyada Allaah casaa wajalaaTan labaadna
waa: inuu la yimaado raacitaan wanaagsan siduu ahaa Nebigii sala Allaahu calayhi wasalam,Markaa hadaba kuma fila inuu noqdo Muslimku Mukhlis ka run sheegaaya wuxuu ku socdo oo ka mid ah camal falka Kitaabka iyo Sunnaha iyo inuu Dadka ugu yeedhu bal waxaa laabud ah inuu ku daro taas inuu noqdo Manhajkiisu Manhaj toosan oo saliim ah iyo saxeex toosan kaasuna ma ahaanayo sida ay tahay inuu noqdo ilaa uu raaco siday ahaayeen Salafkii Ummada redwaanu Allaahu calayhim ajmaciin, waxa ka mida ah Xadiisyada sugan ee la yaqaano ee asal garaynaya waxaan soo sheegnay oo aan ishaaray hadaanyo Xadiiska Kooxah saddex iyo labaatanka ah waana hadalkiisa calayhi salaatu wasalaam: [
افترقت اليهود على إحدى وسبعين فرقة، وافترقت النصارى على اثنتين وسبعين فرقة، وستفترق أمتي على ثلاث وسبعين فرقة، كلها في النار إلا واحدة، قالوا: من هي يارسول الله؟ قال: ما أنا عليه وأصحابي وفي رواية: الجماعة], waxaan halkan ka helaynaa in Jawaabta Nebiga sala Allaahu calayhi wasalam ay isu imanayaan Aayatii hore: {ويتبع غير سبيل المؤمنين}, kuwa ugu horeeya ee gelaya Aayatan guud ahaanteeda waa Asxaabta Rasuulka sala Allaahu calayhi wasalam, hadii uu ku joojin lahaa Rasuulku sala Allaahu calayhi wasalam Xadiiska hadalkiisa ah [ما أنا عليه ] in kasta oo ay ku filan tahay sida runta ah Qofka Muslimka ah oo u fahamsan si dhab ah Kitaabka iyo Sunnaha laakiin calayhi salaatu wasalaam wuxuu dabaqayaa dabaqaad camal ahaaneed hadalkiisa subxaanahu wa tacaalaa ee uu ku yidhi Rasuulka sala Allaahu calayhi wasalam: {بالمؤمنين رءوف رحيم [التوبة:128}{oo u tudhaal iyo raxmad badan Mu’miniinta}, hadaba waa tudhistiisa iyo raxmadiisa ee uu u leeyahay Asxaabtiisa iyo Atbaacdiisa inuu u cadayo iyaga salawaatu Allaahi wasalaamuhu calayhi inay Calaamada Kooxda badbaaday tahay inay noqdaan Ubadkoodu iyo Asxaabtoodu sidii uu ahaa Rasuulku sala Allaahu calayhi wasalam iyo siday ahaayeen Asxaabtiisu dabadii sidaas darteed ma banaana inay ku soo kooban Muslimiintu guud ahaan iyo Ducaatu gaar ahaan fahmida Kitaabka iyo Sunnaha adeegyada la yaqaano ee fahamka sida Luqada Carabiga iyo Anaasikh iyo Mansuukh iwm bal waxa laabud ah inuu taa kuwaa dhamaan ka hor u noqdo siday ahaayeen ama u fahamsanaayeen Kitaabka iyo Sunnaha Asxaabtii Nebigu sala Allaahu calayhi wasalam waayo sida ku cad wax yaabihii laynooka soo guuriyay iyo Siiradoodii waxay ahaayeen kuwii ugu Ikhlaaska badnaa Allaah casaa wajalaa xaga Cibaadada oo ina ka fahamsanaa Kitaabka iyo Sunnaha iwm oo tilmaamo wanaagsan ah oo ay ku akhlaaqoobeen ayna ku adaaboobeen Adaabteeda, wuxuu u eg yahay Xadiiskanu aad iyo aad marka la eego xaga Midhihiisa iyo Faa’iidadiisaba Xadiiska Alkhulafaa Arraashidiin ee lagu soo weriyey Sunnanka Xadiiskii Carbaad Binu Saariya radiya Allaahu tacaalaa canhu wuxuu yidhi: [وعظنا رسول الله صلى الله عليه وسلم موعظة وجلت منهاالقلوب وذرفت منها العيون، فقلنا: كأنها موعظة مودع فأوصينا يارسول الله! قال: أوصيكم بالسمع والطاعة، وإن ولي عليكم عبد حبشي،وإنه من يعش منكم فسيرى اختلافاً كثيراً، فعليكم بسنتي وسنة الخلفاء الراشدين من بعدي، عضوا عليها بالنواجد...وذكر الحديث] [waxaa na wacdiyay Rasuulka Allaah sala Allaahu calayhi wasalam wacdi ay Qalbiyaalku baqeen oo ay indhuhu ooyeen waxanu ku nidhi: waxaad moodaa inuu yahay wacdi sagootiina ah ee noo dardaaran Rasuulkii Allaahow! Wuxuu yidhi: waxaan idiinku dardaarmi ismaqal iyo isadeecid haduu xataa idiin Madax noqdo Adoon Xabashi ahi waxa dhici kii noolaadaa inuu arki isdhaafyo fara badan waxan idinku ogahay Sunnahayga iyo Sunnaha kuwa I dhaxli doona ee hanuunsan dabaday Goosdambeeda ku qaniin… markaas ayuu sheegay Xadiiska], hadaba wuxuu yahay marag Xadiiskanu waa macnaha Jawaabtiisii su’aashii hore inuu ku booriyo sala Allaahu calayhi wasalam Ummadiisa shakhsiyadah Asxaabtiisa inay qabsadaan Sunnihiisa dabadeedna intaas kuma soo koobin ee bal wuxuu yidhi iyo Sunnaha kuwa I dhexli doona ee hanuunsan dabaday, hadaba waxaa inala gudboon markay xaaladu sidaas tahay in aan raacno had iyo jeer iyo weligeenba Asalka asliga ah hadii aan doonayno inaan fahmno Caaqiidadeena oo aan fahmno Cibaadooyinkeena oo aan fahmno Akhlaaqdeena iyo Asluubteena mana jirto wax lagaga maarmayo inaan ku noqano Manhajkii Salafkeenii suubanaa oo lagu fahmaayo dhamaan Arinahan daruuriga u ah Muslimka si ay ugu xaqiiqowdo run ahaan inuu ka mid yahay Kooxda badbaaday, halkan ayay ku lumeen Kooxa hore iyo kuwa dambeba markay u fiirsan waayeen waxay daliilinayso Aayata aan soo sheegnay iyo waxa looga jeedo Xadiiska Khulafaa Arraashidiin sidoo kale Xadiiska kala qaybsamida Ummada, markaa waa iska Arin dabeeci ah aad iyo aad inay ka leexdaan Jidka toosan siday uga leexdeen kuwii ka horeeyay Kitaabka Allaah casaa wajalaa iyo Sunnaha Rasuulka sala Allaahu calayhi wasalam iyo Manhajkii Salafka suubanaa, waxaa ka mid ah kuwaas leexday Alkhwaarijkii hore iyo kuwa cusuba, hadaba asalka Fitnada Kufrisiinta waqtigan aan joogno iyo waqtiyadii horeba waa Aayat ay had iyo jeer hadal hayaan oo hareereheeda ku warwareegayaan waana hadalka Allaah tacaalaa: {ومن لم يحكم بما أنزل الله فأولئك هم الكافرون [المائدة: 44} {cidaan wax ku xukumin wixii Allaah subxaanahu wa tacaalaa soo dejiyay kuwaasu waa Gaalo waayo isku xukumka waxaan Allaah casaa wajalaa soo dejin waa Camalada Gaalada wuxuu noqon karaa Gaalimo aad Milada kaga baxdo hadii aad ictiqaado inuu xalaal yahay ama banaan yahay wuxuuna noqon karaa Denbiyaalka waawayn aan se Milada kaa saarin}, markaas waxay qaadanayaan Aayatan iyagoo aan si balaadhan u fahmin waana soo daliilsanayaan iyagoon si sugan u garanayn, anagu waxaan ognahay Aayatan kariimka ah in lagu soo celceliyay oo ay ku timi dhamaadkeeda saddex lafdi waana: {فأولئك هم الكافرون}{فأولئك هم الظالمون}{فأولئك هم الفاسقون}, waxa hadaba Jaahilnimo wayn ah kuwa ku xujaysanaya Aayatan lafdigeeda kowaad oo keli ah ma ay ururin ugu yaraan qaar Nasaska Shareecada-Quraanka ama Sunnaha ee ku timi sheegista lafdigan [الكفر] markaas ayay qaateen iyagoo aan eegin inay tahay macnaheedu ka bixis Diinta ah iyo inaanay waxba u dhexaynin faraq ahi kaa ku dhacay Kufrinimada iyo kuwaa Mushrikiinta ah ee Yuhuuda iyo Nasaarada iyo kuwa Miladaha kale ee debeda ka ah Milada Islaamka, iyadoo ay lafdiga kufri [الكفر] xaga Luqada Kitaabka iyo Sunnaha aanay macanaheedu ahayn had iyo jeer taa ay hadal hayaan ee ay ku qaateen fahamkan khada’ ah, hadaba shaniga’ lafdiga Alkaafiruun[الكافرون] iyadoo aan muujinayn macna keli ah ayuu yahay shaniga’ labada lafidi ee kalena Adaalimuun [الظالمون] iyo Alfaasiquun [الفاسقون] sida kii lagu Sifeeyo inuu yahay Daalim[ظالم] ama Faasiq [فاسق] aanay u laasiminayn inuu yahay mid Diintiisa ka baxay sidoo kale ayaa kii lagu Sifeeyo inuu yahay Kaafir [كافر] aanay u laasiminayn inuu yahay mid Diintiisii ka baxay, taas kale gedgedisanaanta macnaha lafdiga kelidiis ah waa kan ay muujinayso Luqadu dabadeedna Sharcigu ee ku yimi Luqata Carabta Luqata Quraanka kariimka ah, sidaas darteed wuxu waajibku ahaa in mid kasta oo isku daya inuu Xukum ku soo saaro Muslimiinta ha ahaadeen Madax ama kuwa loo madax yahay ee inuu u leeyahay Cilmi balaadhan Kitaabka iyo Sunnaha iyo Manhajkii Salafka suubanaa. Kitaabka iyo Sunnaha suura gal maaha fahamkoodu iyo sidoo kale wixii ka farcama ilaa iyo Dariiqa aqoonta Luqata Carabiga iyo Adaabteeda aqoon sugan, markaa hadii Ardayga Cilmiga bartaa uu ku liito aqoonta Luqada Carabiga, waxa taageeri kara si uu ugu buuxiyo waxa ka dhiman inuu dib ugu noqdo fahamkii kuwii ka horeeyay ee Iimaamadii iyo Culimadii gaar ahaan Ehelkii Quruuntii saddexda ahayd ee loogu maraga kacay khayrka. Aan ku noqono Aayatii: {ومن لم يحكم بما أنزل الله فأولئك هم الكافرون} waa maxay muraadka laga leeyahay Kufriga? Ma mid kaa saaraya Milada baa? Mise waa si kale? Waxan leeyahay waa in si sugan loo fahmaa Aayatan waxa macnaheedu noqon karaa Kufri Camal ahaaneed waana ka bixid qaar Axkaamta Islaamka, waxa inaga taageeraya fahamkeeda Khadkii Ummada Turjumaankii Quraanka Cabdullaahi Binu Cabaas ridiya Allaahu canhumaa kii ay isku raaceen Muslimiintu dhamaan ilaa iyo cid ka mid ah Kooxahaa lunsan maahee in uu yahay Iimaam aan cid la mid ahi jirin xaga tafsiirka, sidii inay Maalintaa maqalkiisa ku soo dhacday waxaynu maqlayno Maanta oo ah inay jiraan Dad u fahmay Aayatan faham guud oo aan tafaasiil lahayn wuxu yidhi radiya Allaahu canhumaa: maaha Kufrigu kaad moodeen mana aha kufri Milada kaa saaraaya waana kufri aan kufri ahayn waxa laga yaabaa inuu ula jeeday Alkhawaarijkii ka baxay Amiirkii Mu’miniinta Cali radiya Allaahu canhu dabadeedna ay noqotay taa cidhibteediina inay Dhiigiisa daadiyaan oo ay ku samayaan waxaanay ku samayn Mushrikiintii, wuxuu yidhi Ibin Cabaas radiya Allaahu canhumaa: maaha Arintu siday yidhaahdeen ama ay la tahay ee waa kufri aan ahayn kufri [كفر دون كفر], jawaabta gaaban ee cad ee Turjumaankii tafsiirka Quraanka ee Aayatan ayaa ah Xukumka aanay suura gal ahayn in la fahmo la’aantiisa Nusuusta aan hore u soo ishaaray, tan kale Kelmeda Alkufur [الكفر] waxa lagu sheegay Nusuus badan oo Quraanka iyo Xadiiska ah suura galna maaha in loo xambaariyo dhamaantood inay la mid tahay ka bixid Milada ah, taas waxa ka mid ah tusaale ahaan Xadiiska lagu yaqaano Saxeexaynka: [عن عبد الله بن مسعود رضي الله تعالى عنه قال: قال رسول الله صلى الله عليه وسلم: سباب المسلم فسوق، وقتاله كفر [صحيح البخارى وصحيح المسلم] ] [waxa laga soo weriyey Cabdullaahi Binu Mascuud radiya Allaahu tacaalaa canhu wuxuu yidhi: wuxuu yidhi Rasuulkii Allaah sala Allaahu calayhi wasalam: cayda Muslimku waa Faasiqnimo Dagaalkiisuna waa Kufrinimo] hadaba Kufriga halkan lagu sheegay waa Macsiyad oo ah inuu ka baxay Daacadii laakiin Rasuulkii Allaah calayhi salaatu wasalaam isagoo ah kii Dadka ugu faseexsanaa xaga cadaynta ayuu sii buunbuuniyay digniinta oo yidhi: Dagaalkiisuna waa Kufri, dhinac kale maynoo suura gelaysaa in aan ku fasirno Faqrada kowaad ee Xadiiskan: [سباب المسلم فسوق] macnaha faasiqnimada ee lagu sheegay lafdiga saddexaad ee Aayatii hore: {ومن لم يحكم بما أنزل الله فأولئك هم الفاسقون}? Jawaabtu waa kaas wuxu noqon karaa Faasiqnimo looga muraad leeyahay kufrinimo ah mid Milada kaa saaraysa, wuxuuna noqon karaa Faasiqnimo looga muraad leeyahay kufrinimo ah mid aan Milada kaa saarayn ee ah siduu yidhi Turjumaankii Quraanka Kufri aan ahayn kufrinimo, Xadiiskaasuna wuxuu ina ku sii adkaynayaa in kufrigu noqon karo macnaha taas waayo Allaah casaa wajalaa wuxu yidhi: {وإن طائفتان من المؤمنين اقتتلوا فأصلحوا بينهما فإن بغت إحدهما على الأخرى فقاتلوا التي تبغي حتى إلى أمر الله []} {hadii laba kooxood oo Mu’miniinta ahi dagaalamaan dhexdooda wanaag ka dhaliya oo heshiisiiya haday midood markaa ku gardarooto tan kale la dagaalama tii gardarootay ilaa iyo ay u soo noqoto Amarka Allaah }, hadaba wuxuu ku sheegay Rabigeen casaa wajalaa halkan kooxda gardarootay ee la dagaalantay Kooxdii Xaqq lahayd ee mu’minada ah iyada oo ay sidaas tahay hadana kuma xukumin Kooxdii gardarootay kufrinimo in kastoo Xadiisku leeyahay: la dagaalankiisuna waa kufri, markaa dee la dagaalankiisu waa Kufri aan kufrinimo ahayn sidii uu yidhi Ibinu Cabaas radiya Allaahu canhumaa tafsiirkii Aayatii hore oo kale, markaa la dagaalanka uu Muslimku Muslim la dagaalamo waa gardaro iyo xadgudub waana Faasiqnimo iyo kufrinimo laakiin se taas waxa macnaheedu yahay in Kufrigu uu noqon karo Kufri Camal ahaaneed wuxuuna noqon karaa Kufri Ictiqaad ahaaneed, halkan ayaa waxa timi tafaasiishan sugan ee uu qaatay muujinteeda iyo sharaxaadeeda Iimaamka dhabta ah Shiikhu Alislaam Ibinu Taymiyah Allaah ha u naxariistee dabadeedna uu qaatay muujinteeda gadaalkiise Ardaygiisii Baariga ahaa Ibinu Qayim Aljowsiyah iyaga ayaa lahaa fadliga ku baraarujinta iyo ka hadlida qaybinta Kufriga ilaa qaybintaa uu Calankeeda ku tagay Turjumaankii Quraanku Kelmedaa jaamica ah ee kooban, markaa Ibinu Taymiyah Allaah ha u naxariistee iyo Ardaygiisii Saaxiibkiina ahaa Ibinu Qayim Aljowsiyah Allaah ha u naxariistee ayaa hadalkoodu ahaa had iyo jeer inay lagama maarmaan tahay in la kala saaro Kufriga Ictiqaadka ah iyo Kufriga Camalka ah, hadii kale uu ku dhacaayo Muslimku isagoo aan ogayn Fitnada ka bixida Jamaacada Muslimiinta ee ay ku dhaceen Alkhawaarijkii hore iyo qaar dabadhilifyadooda cusub ah. Hadalkii oo dhan waa in aanu hadalkiisu sala Allaahu calayhi wasalam la dagaalankiisuna waa Kufri [وقتاله كفر]aanu macnahiisu ahayn haba yaraatee ka bixid Milada ah, Xadiisyada Arintaas ka hadlayaana aad bay u badan yihiin dhamaana waxay ku yihiin Xuja cad kuwaa ku jooga fahamka aan dhamayn ee Aayatii hore ee laasimay in ay ku fasiraan Kufriga Ictiqaadka ah, hada se waxaa inagu filan Xadiiskaa waayo wuxu Daliil qaadic ah u yahay in la dagalaanka Muslimku walaalkiisa Muslimka ah uu yahay Kufri oo macnihiisu yahay Kufri Camal ahaaneed ee aanu ahayn Kufri Ictiqaad ahaaneed. Hadaba aan ku noqono Kooxdii Takfiiriyiinta [جماعة التكفير] ama kuwa ka farcamay ee ku yidhaahda Madaxda iyo kuwa Xukumkooda iyo Nadaamkooda hoos yimaada ee iyaga Amarkooda ku socda oo u shaqeeya Kufri iyo inay Milada ka baxeen taasuna waxay ku dhisantahay aragtidooda faasidka ah ee ah inay kuwaasu gaysteen Macsiyado oo ay taas ku kufriyeen. Waxa ka mid ah Arimaha faa’iidada ay leedahay sheegisteedu iyo ka sheekaysadkeedu in aan la kulmay qaar kuwaa ka midka ahaa Jamaacat Atkfiir dabadeedna Allaah casaa wajalaa hadeeyay: waxaan ku idhi: waydinkaas oo waxaad kufrisiiseen Madaxdii bal se ka warama waxaad u kufrisiinaysaan Iimaamada Masaajidka, Khudabaada Masaajidka, Mu’adiniinta Masaajidka iyo kuwa ka shaqaya Masaajidka? Balse ka warama waxaad u kufrisiinaysaan Macalimiinta Cilmiga Sharciga ah ee Iskuulada iwm? Waxay yidhaahdeen: waayo kuwaasu waxay ku raali noqdeen Xukumka Madaxdaas wax ku xukumaya waxaan Allaah casaa wajalaa soo dejin! Waxan leeyahay: hadii ay tahay raalinimadaasu raalinimo Qalbiga ah ee Xukumkaa aan Allaah casaa wajalaa soo dejin markaa wuxuu isu rogayaa Kufrigii Camal ahaaneed ilaa iyo Kufri Ictiqaad ahaaneed, Xaakim ama Madaxwayna kasta oo wax ku xukuma waxaan Allaah casaa wajalaa soo dejin oo u arka ictiqaadsana inuu yahay kaasu Xukumka haboon ee lagu socon karo Casrigan oo aanay haboonayn in lagu socdo Xukumka Sharciga ee ku cad Kitaabka iyo Sunnaha shaki kuma jiro in Xaakimkaasu ama Madaxwaynahaasu uu noqonayo kufrigiisu Kufri Ictiqaad ahaaneed oo aanu ahayn Kufri Camal ahaaneed oo keli ah, kii ku raali garooba wuxuu raali ku noqday iyo wuxuu ictiqaaday isna waa raacayaa oo waa la mid,Dabadeed waxaan ku idhi: idinku marka hore ma xukumi kartaan inaad ku xukumtaan mid kasta oo Madax ah oo wax ku xukuma Qawaaniinta Reer Galbeeda Gaalada ah ama wax badan oo ka mid ah Qawaaniintooda hadii la waydiiyo Xukumka waxaan Allaah casaa wajalaa soo dejin?! Uu ku jawaabayo inay Qawaaniintaasu Xaqq tahay oo ku haboon tahay Casrigan aan ku jiro iyo inaanay banaanayn in laysku xukumo Islaamka waayo haday sidaas yidhaahdaan waxay noqon lahaayeen Kufaar dhab ah iyadoo aan wax shaki ah iyo murantoona ku jirin. Hadaynu u wareegno kuwa la xukumo oo ay ku jiraan Culimada iyo Dad wanaagsan iwm sidee baad ugu xukumaysaan Kufri uun waxay ku hoos nool yihiin Xukum saameeya siduu idinkaba idiin saameeyo? Laakiin idinku waxaad sheegaysaan in ay kuwaasu Kufaar yihiin ka baxay Diintoodii, Xukumka wixii Allaah casaa wajalaa soo dejiyayna uu yahay waajib, markaas baad hadana leedihiin idinkoo u cudurdaaranaya Nafihiina khilaafida Xukumka Sharciga Camal ahaan uun ma laasiminayso in kaa Camalka sameeyay inuu yahay mid Diintiisii ka baxay! Taasuna waa ta ay leeyihiin qayrkiinba aan ahayn inaydin idinku dheeraysiiseen si aan Xaqq ahayn Xukumka kufrisiint iyo Diin ka baxa! Waxa ka mid ah Arimaha cadaynaaya khaldanaantooda iyo lunsanaantooda hadii la yidhaahdo goorma ayaa lagu Xukumayaa Muslimka qiraya Shahaadataynka [
يشهد أن لا إله إلا الله وأن محمداً رسول الله] oo laga yaabo inuu tukado inuu Diintiisa ka baxay? Ma ku filan tahay hal mar? Mise waxa waajib ah inuu ku dhawaaqi inuu Diintii ka baxay?! Ma ay garanayaan jawaabta kumana hanuunayaan sida sawaabka ah, markaa waxay keeni in aanu Tusaalaha soo socoda u soo qabsano waxaanuna leenahay: Qaadi Sharciga wax ku xukuma waa sidaas caadadiisu iyo nadaamkiisa laakiin hal xukum baa ka dhacay oo wuxuu xukumay si Sharciga khilaafsan yacni wuxu siiyay Xaqqii kii gardarada ama daalimka ahaa wuxuuna ka xarimay kii Xaqqa lahaa ama laga gardaraa kaasu waa Xukum waxaan Allaah casaa wajalaa soo dejin oo cad, ma waxaad odhanaysaan wuu kufriyay kufri Diinta ka saaraya? Waxay odhanayaan: maya waayo hal mar buu sameeyay, waxan ku odhanayaa: haduu sameeyo isla Xukumkii mar kale ama xukum kale oo uu hadana Sharciga khilaafo ma kufriyayaa? Hadana waan ugu soo celcelinaynaa saddex goor buu sameeyay, afar goor buu sameeyay, goormaad odhanaysaan wuu kufriyay?! May kari karaan inay xad u sameeyaan tirada inta xukum ee uu khilaafay Sharciga, hadana kuma ay kufrisiinayaan iyagoo samayn karaayay sidaas si ka gedisan aad iyo aad, hadii laga ogaado inuu Xukumkii kowaad wanaajistay Xukumka waxaan Allaah casaa wajalaa soo dejin isagoo xalaalaysanaya xumaynsanayana Xukumk Sharciga markaas ayay noqonaysaa in lagu xukumo inuu Diintii ka baxay oo sax ah oo ah marka kowaadba, taas mid ka gedisan: hadaynu ka aragno tobanaan xukum oo ah Qadiyada kala duwan oo uu khilaafay Sharciga oo hadii aan waydiinona: maxaad wax ugu xukumaysaa waxaan Allaah casaa wajalaa soo dejin? Oo uu inooku jawaabo: waan baqay, Naftaydaan u baqay ama Laaluush baan qaatay tusaale ahaan tanu aad bay uga xuntahay tii kowaad hadana iyada oo ay sidaas tahay maynu kari karayno in aan nidhaahno waa kufriyay ilaa uu inoo sheego waxa Qalbigiisa ku jira oo ah inaanu haboonayn Xukumka wixii Allaah casaa wajalaa soo dejiyay markaas oo keli ah baynu kari karaynaa in aan nidhaahno wuxuu kufriyay Kufri uu Diinta kaga baxayo.Hadalkii oo dhan waxa laabud ah in aan garano in kufrinimadu
[الكفر] sida faasiqnimada iyo daalimnimada [الفسق والظلم] ay u qaybsanto laba qaybood:Tan kowaad
waa: Kufri iyo Faasiqnimo iyo Daalimnimo kaa saara Milada taas oo dhamina waxay u noqonaysaa xalaalaysiga Qalbiga ahTan labaadna
waa: Kufri iyo Faasiqnimo iyo Daalimnimo aan kaa saarin Milada taas oo dhamina waxay u noqonaysaa xalaalaysiga Camalka ahMacsiyadaha oo dhan gaar ahaan kuwa fiday waqtigan aan joogno ay ka mid tahay xalaalaysi Camal ahaaneed ee Ribada, Sinada, cabitaanka Khamriga iwm waxa weeye Kufri Camal ahaaneed, markaa ma banaana in aan ku kufrisiino kuwa Caasiyiinta ah ee aan ku aragno iyagoo samaynaya wax ka mid ah Macsiyadahaa uun way sameeyeen wayna xalaalaysteen Camal ahaan ilaa ay inoo ka muuqato si yaqiin ah wax yaqiin ah oo inoo muujinaya waxa Nafahooda ku jira oo ah inaanay xarimayn wixii uu xarimay Allaah casaa wajalaai iyo Rasuulkiisu sala Allaahu calayhi wasalam Ictiqaad ahaan, hadaan ogaano inay ku dhaceen Mukhaalifadan Qalbiga ah waxaan ku xukumaynaa markaa inay kufriyeen Kufri Milada ka saaraya hadaynaan se taa ogaan ma jirto wax Wada ah oo inoo banaan oo aan ku kufrisiin karayno waayo waxaan ka baqaynaa inaan ku dhacno balan qaadka hadalkiisa sala Allaahu calayhi wasalam:
[إذا قال رجل لأخيه: يا كافر، فقد باء أحدهما] [haduu ku yidhaahdo Ninku walaalkii: kaafirow,midkood baa ah taa] Xadiisyada ku soo arooray Macnahaasuna way fara badan yihiin aad iyo aad waxan ka sheegaynaa Xadiis leh Daliil wayn waana Qisada Saxaabiga la dagaalamay mid Mushrik ah markuu arkay Mushrikaasu inuu hoos yimi Seeftii Muslimka Saxaabiga ah ayuu yidhi: Ashadu an laa Ilaaha ila Allaah[أشهد أن لا إله إلا الله] wax ahmiyada ah ma siin Saxaabigaasu ee wuu dilay, markii Warku gaadhay Nebigii sala Allaahu calayhi wasalam wuu ka xumaaday xumaato aad iyo aad wayn wuxuu samayay Saxaabigaasu, markaas ayuu cudurdaartay Saxaabigii oo sheegay inaanu Mushriku u odhan Kelmedaa ilaa iyo baqdin uu ka baqaayay Dilka maahee, jawaabtiisiina waxay ahayd sala Allaahu calayhi wasalam: [هلاء شققت عن قلبه؟ [أخرجه البخارى ومسلم من أسامة بن زيد رضي الله عنه]] [ma waxaad jeexday Qalbigiisa] hadaba Kufriga Ictiqaad ahaaneed lama laha cilaaqad Aasaasi ah uun Camalka ee cilaaqadiisa wayn wuxuu la leeyahay Qalbiga inaguna ma kari karo in aan ogaano waxa ku jira Qalbiga Faasiqa, Faajirka, Tuuga, kan sinaysta, kan Ribada cunaya iwm hadii aanay ku sheegin waxa ku jira Qalbigooda Carrabkooda, Camalkiisu se waa muuqda inuu Sharciga khilaafsan yahay khilaaf Camal ahaaneed, markaa inagu waxaan odhaynaa: waa khilaaftay, waa faasiqday, waa faajirtay laakiin odhan mayno waad kufriday oo Diintaadii baad ka baxday ilaa iyo ay inooga muuqato wax inoo noqda cudurdaar xaga Allaah casaa wajalaa oo aan ku xukumno inuu Diinta ka baxay, dabadeedna waxa imanaya Xukumka lagu yaqaano Islaamka waana hadalkiisa sala Allaahu calayhi wasalam: [من بدل دينه فاقتلوه] [kii Diintiisa bedela dila] dabadeedna waxan idhi welina aan ku leeyahay kuwaa ka hadlaya kufrisiinta Madaxda Muslimiinta: ka soo qaad inay Madaxdaasu yihiin Kufaar Kufri ka saaraya Milada oo ka soo qaad hadana inuu jiro halkaa mid Madax ah oo ka sareeya kuwaas Madaxda ah waxa waajibku yahay markay xaaladu sidaas tahay inuu isagu kaa ka wada sareeyaa ku dabaqo oo ku qaado Xadka laakiin se hadeer maxaad ka faa’iidaysaan idinku dhinaca Camal ahaaneed hadaynuba nidhaahno ka soo qaad in Madaxdaasu wada yihiin Kufaar Kufri Milada ka saaraya?! Waa maxay waxa suura galka ah ee aad samaynaysaan ama qabanaysaan?! Haday yidhaahdaan: walaa wa baraa’ [ولاء وبراء] [ka weli yeelasho iyo ka beri ahaan] waxaanu leenahay: walaa wa baraa waxay ku xidhan yihiin weli ka yeelasho iyo cadaawadaysi Qalbi ahaaneed iyo Camal ahaaneed iyo sidii loo kari karo hadba lagumana shardiyayo jirtaankood in lagu dhawaaqo kufrin oo la fidiyo Milad ka saaris bal walaa wa baraa waxay noqon karaan mid Bidcoole ah ama Caasi ah ama Daalim ah dabadeedna waxan ku leeyahay kuwaas: waa kuwaas kuwaa Gaalada ahi ka qabsaday Dhulkii Islaamka meela dhowr ah waxana laynagu ibtileeyay oo ah wax laga xumaado qabsashada Yuuhuuda ee Falastiin markaa waa maxay waxaan kari karaa anaga iyo idinku inaan ku samayno kuwaas?! Intaad istaagaysaan idinku kelidiin ka dhan kuwaas Madaxda ah ee aad u malaynaysaan inay ka mid yihiin Gaalada?! Ma iskaga tagtaan taas oo gees ma iska dhigtaan oo ma bilowdaan inaad aasaastaan Qaaciidada ay tahay in Aasaakeeda ay isku taagto Dawlad Muslim ahi, taasuna waa raacitaanka tii uu ku rabeeyey calayhi salaatu wa salaam Asxaabtiisa ee uu ku koriyay nadaamkeeda ee aasaakeedu yahay Sunnihii Rasuulka Allaah calayhi salaatu wasalaam, taas ayaanu sheegnaa mar walba waanuna ku adkaynaa ku celcelinteeda: waxaa laabud ah in Jamaacad kasta oo Muslim ahi ka shaqayso si dhab ah in lagu soo celiyo Xukumkii Islaamka maaha oo keli ah Dhulka Islaamka bal Dhulka oo dhan sidaas ayaan ku xaqiijinayna hadalka Allaah tabaaraka wa tacaalaa ee ah: {هو الذي أرسل رسوله بالهدى ودين الحقَّ ليظهره على الدين كله ولو كره المشركون [الصف: 9]} {Allaah casaa wajalaa waa kii ku soo diray Rasuulkiisa sala Allaah calayhi wasalam hanuunka oo ah Cilmiga nafciga leh, Camalka wanaagsan iyo Diinta Xaqqa ah ee lagu caabudo Rabiga Caalamiinka casaa wajalaa oo ah mid run ah oo nuqsaan iyo wax is dhaafsan lahayn si uu uga saraysiisyo Diinaha kaloo dhan haba karaahiyaysteen Mushrikiintu ee}, waxaa ku yimi bushaarooyin qaar Xadiisyada Nebigu leeyahay sala Allaahu calayhi wasalam in Aayatanu xaqiiqoobayso marka dambe, hadaba si ay ugu suura gasho Muslimiinta inay xaqiijiyaan Naska kan Quraanka kariimka ah iyo wacdiga Allaah casaa wajalaa waxa laabud ah Dariiq muuqda oo cad, hadaba ma wuxu noqonayaa Dariiqaasu in Afgembi lagu sameeyo kuwaa Madaxda ah ee ay u malaynayaan kuwaasu in kufrigoodu yahay kufri Milada ka saaray?! Hadana iyadoo malahoodu sidaas yahay waana male’ ku khalad ah ee ma kari karayaan inay wax sameeyaa! Markaa Muxuu yahay Manhajku? Muxuu yahay Dariiqu? Shaki kuma jiro in Dariiqa saxeexa ahi uu yahay sidii uu Rasuulku sala Allaahu calayhi wasalam odhan jiray ee uu ugu sheegi jiray Asxaabtiisa Khudbad kasta waana: Hanuun waxa u khayr badan Hanuunkii Maxamed sala Allaahu calayhi wasalam: [وخير الهدي هدي محمد صلى الله عليه وسلم], markaa waxaa la gudboon Muslimiinta dhamaan gaar ahaan kuwooda danaynaya soo celinta Xukumkii Islaamka inay ka bilaabaan halkii uu ka bilaabay Rasuulku sala Allaahu calayhi wasalam waana tan aan ku soo koobno laba kelmedood oo fudfudud:[التصفية والتربية] [Shaandhayn iyo Barbaarin], sidaas waayo waxaanu ognahay xaqiiqooyin sugan oo raasikh ah oo ka qafilan ama ay iska qafileen kuwaas Mintidka ah ee xag jiraa ee aan wax kale hayn inay kufrisiiyaan Madaxdooda maahee dabadeedna waxba, sidaas bayna u wadayaaan ugu dhawaaqayaan kufrisiinta Madaxda dabadeedna waxba ka iman maayaan iyaga oo aan ahayn Fitnado iyo Mixnado!! Waxa dhacaayay Sanadahakan dambe Gacmahooda kuwaa laga soo bilaabo Fitnadii Xaramka Makka ilaa Fitnatii Masar iyo Dilkii Saadaat, Suuriya iyo ugu dambayn Masar iyo Aljeeriya Qof waliba waa arkaa Dhiiga Muslimiinta aan waxba galabsan ee daadanaya sababta fitnatahaa iyo Belaayooyinkaa iyo inay dhacayso Mixnado badan waxaaso oo dhamina sababteedu waa inay khilaafeen kuwaasu Nusuus badan oo Kitaabka iyo Sunnaha ah tan ugu muhiimsanina tahay hadalka Allaah tacaalaa: {لقد كان لكم في رسول الله أسوة حسنة لمن كان يرجو الله واليوم الآخر وذكر الله كثيراً [الأحزاب:21]} {waxaa idiinku sugan Rasuulkii Allaah sala Allaah calayhi wasalam ku dayasho wanaagsan kii rajaynaya ee Camalkeedii la yimi Allaah iyo Maalinta Qiyaamaha ee in badan xusay Allaah casaa wajalaa}, hadaynu doonayno in aynu ka oogno Xukumka Allaah Dhulka si dhab ah sheegasho maahee ma waxaynu ku bilownaa Kufrisiinta Madaxda inagoo aan kari karin ka hortagooda iskaba daa la dagaalankooda ee? Mise waxaan ku bilownaa waajib ahaan wixii uu ku bilaabay Rasuulku sala Allaahu calayhi wasalam? Shaki kuma jiro inay Jawaabtu tahay: {لقد كان لكم في رسول الله أسوة حسنة}, laakiin se Muxuu ku bilaabay Rasuulkii Allaah sala Allaahu calayhi wasalam? Waxa yaqiin ah mid kasta oo uriyay Urta Cilmiga inuu sala Allaahu calayhi wasalam ku bilaabay ugu yeedhista Qofafyaal dhexdooda kuwii uu u malaynaayay inay diyaar u yihiin inay aqbalaan Xaqqa dabadeedna waxa yeelay intii yeeshay oo ka mid ahaa Qofafyaalka Saxaabada sida lagu yaqaano Siirada Nebiga, dabadeedna waxa dhacay taas ka dib Cadibaadihii iyo Dhibaatooyinkii adkaa ee la gaadhsiiyay Muslimiintii Makka dabadeedna waxa yimi Amarkii Hijrada kowaad iyo tii labaad xataa uu Allaah Cagaha u dhig Islaamka oo ku quweeyay Almadiina Almunawarah, waxa ka dib ka bilaabantay halkaa is tuur tuurkii iyo iska hor imaadyadii waxaana bilaabmay Dagaalkii Muslimiinta iyo Gaalada dhinac dabadeedna dhinaca kale Yuhuudii iyo Muslimiintii iyo sidaas. Hadaba waxaa laabud ah in aan bilowno inagu inaan baro Dadka Islaamka Xaqqa ah siduu u bilaabay Rasuulku calayhi salaatu wasalaam ee, laakiin inooma banaana hada inaan ku soo koobno wax baris oo keli ah waayo waxaa galay Islaamka waxaan ka mid ahayn iyo wax yaabo aan meelaba ka soo gelin oo Bidcooyin iyo wax yaabo la abuuray ah kuwaas oo sabab u ahaa Dumistii jiritaanka Islaamka ee sareeyay, sidaas darteed wuxu waajibku ahaa Ducaatu inay bilaabaan ka shaandhaynta Islaamka wixii galay kaas weeye Asalka kowaad: [Shaandhayn - التصفية], Asalka labaadna: waxaa weeye in shaandhaynta ay raacdo oo garab socato in lagu barbaariyo Dhalinta Muslimka ah ee soo koraysa Islaamkaa la shaandhayay [التربية]. Inagu hadaan diraasayno siday yihiin Kooxaha Islaamka ee jiray ilaa Mudo ku dhow Qarni Fekredahooda iyo siday u dhaqmaan waxan helaynaa qaar badan oo ka mid ah oo aan waxba faa’iidaysan waxna faa’iidaynin wax la sheegi karo iyagoo qaylinaya oo sanqadha samaynaya oo ah inay rabaan Dawlad Islaam ah taas oo sababtay inuu daato Dhiiga Dad badan oo aan waxba galabsan, Xujada tan aan jirin darteed iyagoo aan waxba ka xaqiijin taas, weli waxaan ka maqlaa’ iyaga Caqiidooyinkii khilaafsana Kitaabka iyo Sunnaha iyo Camaladii ka soo horjeeday Kitaabka iyo Sunnaha iskaba dhaaf isku dayada faashilka ah ee khilaafsan SharcigaUgu dambayntii waxaan leeyahay: waxa jirta halkan Kelmed uu yidhi mid ka mid ah Ducaatu oo aan rajaynaayay inay kuwii raacsanaa ay laasimaan xaqiijinteeda waxayna tahay: [
أقيموا دولة الإسلام في قلوبكم تقم لكم على أرضكم] [ka ooga Dawlada Islaamka Qalbiyaalkiin waxay idiin ka dhalan Dhulkiina] waayo Muslimku haduu saxo Caqiidadiisa isagoo ku salaynaaya Kitaabka iyo Sunnaha shaki kuma jiro inay hagaagi Cibaadadiisu oo ay hagaagi Akhlaaqdiisu oo ay hagaagi Suluuktiisu iwm laakiin Kelmedan wanaagsan waxa ah wax laga xumaado inaanay ku Camal falin Dadkaasu waxay uun iska sii wadaan qaylo iyagoo dalbanaya in la oogo Dawlad Muslim ah, waxaad rajayn badbaado Dariiqeediina maad marin… laakiin faa’iida la’aan waxana ku rumoomay Wallaahi hadalka Gabaayagan: [إن السفينة لا تجري على اليبس] [Doonidu kuma orodo Dhulka ee]Waxaan filayaa in ay taasu tahay mid qancinaysa mid kasta oo cadaaladle ah, ayna Deris u noqotay mid kasta oo dhiboole ah Wallaahu mustacaan
Halkaa ayuu ku dhamaaday hadalkii Shiikhu Allaah ha u naxariisto raxmad waasac ah anagana Allaah ha naga dhigo kuwa aan fitnadoobin oo hanagu sugo Xaqqa isaga ayaa casaa wajalaa iska leh waafiqinta ee aamiin.
وصلى الله وسلم على أشرف المرسلين وإمام المتقين، نبينا محمد وآله وصحبه أجمعين، والحمد لله رب العالمين
Qore: Maessa Asalafi InshaaAllaah
bravenet.com