|
|
|
|
ÈÓã Çááå ÇáÑÍãä ÇáÑÍíã
Daawada Murugada
|
ÒßÑíÇ Úáí ÏíÑíÉ ÇáÓáÝí ÃÈæ
íÍíì ÇáÃËÑí ÍÝÙå Çááå æËÈÊå Úáì
ÇáÍÞ
|



![]()
{dawada murugada}
Haddaad
u kuur gasho nolosha Bulshada Soomaaliyeed ee maanta, waxaad mooddaa in
Murugada, Wel-welka, Tiiraanyada iyo fekarku noqdeen qayb nolkoshooda ka
mid ah, mid yar iyo mid wayn, mid dal jooga iyo mid dibed jooga, mid
Taajira iyo mid sabool ahba.
Qof walba arintiisu waa u gaar laakiin wel welka iyo Tiiraan yadu waa
simantahay oo inta ka bed baaday waa faro ku tiris.
Sababtu waa qof iyo xaaladdi, Mid naafo iyo hawl gabnimo la yaal, Mid
xooluhuu sanado aruurinayay mar qura laga xayuubiyay, mid gaajo iyo baahi
lagu ibtileeyay, mid warasaduu ku tiir iyo tacab beelay sabab la’aan
dhagta dhiiga loogu daray, midbaa u fiirsada daaduunka iyo dac darada
Soomaali ku haysta dhulalka shisheeye, Dhulkii buu gadaal usoo day moodaa
mise wax’aan dux lahayn ayaa laysku xasuuqayaa, midbaaba dhulkii lacagta
lagu sheegay cagaha dhigi la’ oo laynkuu galaaba ka qarxaa, dabadeedna
inuu is dilo khatar ugu jira.
Sababahaas iyo kuwa kaloo badan waxay keeneen in Tiiraan yada iyo isla
hadalku qayb ka noqdaan nolol maal-meedka qof ksta oo soomaali ah, ilaa
qaar is dila ama waasha iyo kuwo dayro noqday intuba tiro beeleen.
Haddaba haddaan intaas isku raacno waxaan halkaan kusoo bandhigayaa 10
qodob oo aan is leeyahay qofkii u fiirsada ama talooyinkaa ku dhaqma
noloshiisa waxbay ka badalaysaa, intaananse tobanka Arimood soo badhigin
waxaan door bidayaa inaan akhristaha xasuusiyo in arintaan laga qoray
kitaabo aad u fara badan, oo miduba aragtidiisa falsafad ku dhisayo,
aniguse aragtida ama talooyinka halkaan aan kusoo gudbin doono, waxay ku
dhisan yihiin Shareecada Islaamka, Qur’aanka iyo Sunada, intooda badanse
waxaan kasoo xulay Kitaabo rag kala duwan oo muslimiin ahi arintaas ka
qoreen waxaanse aad ugu bogay kiyaab lagu sheegay inuu ka mid yahay
kitaabada loogu gadashada badan yahay waqtiyadaan Danbe Dunida Islaamka,
Kitaabkaas oo uu Qoray Sh. Caa’id Bin Cabdalla Al-qarni, oo kusoo baxay
afka carabiga loona tarjumay luuqado ay ka mid tahay tan Ingiriiska,
magaca kitaabkuna waa LAA TAXZAN ama DON’T BE SAD.
Haddaba aan wada aragno dawooyinka Murugada:
1. ILAAHAY KA MAGAN GAL, welwelka iyo tiiraan yada, Waayo?, waa bur burka
nafta banii aadamka, waa cudur halis ah, daal iyo quus ayuu nafta
dhaxalsiiyaa, Shalaytada iyo haaraanka ayuu dabeecad kaaga dhigayaa, waa
Shaqada shaydaanka inuu Muslimiinta welwel geliyo, waxaa nabigii SCW ka
sugan inuu ilaahay ka magan gali jiray HAMIGA IYO XUZNIGA, oo maxay kala
yihiin?. Haduu qofku ka welwelo dhib uu mustaqbalka ka baqayo waa HAMI,
wax lasoo dhaafay haduu ka tiiraan yoonayana waa XUZNI. Labadaba ilaahay
ka magan gal qalbiga qofkay dilaan, talada iyo go’aankana ka qaadaane.
2. MAXAAD KA WEL WELAYSAA?, ugu horanba is waydii su’aashaas, waxa aad
ka wel welayso waa noocee?. Hadday cibaado yaridaada iyo maxaad rabi u
caasiday tahay, waa Gar; laakiin Towbad keen iyo allood u noqotaa lagu
daweeyaa, walbahaar kaligiis ahi xal noqon maayo. Hadday Dhibka
Muslimiinta haysta kuwa la gumaadayo iyo kuwa ayagu is warjeefaya ku
salaysan tahayna waa gar, Laakiin xalkeedu waa inaad wel welka iyo Isla
hadalka fal wax qabad leh u badashid oo wixii awooddaada ah ku taageertid
Ducada iyo alla barigana aad Heegan la ahaatid. Hadduu welwel kaagu ku
slaysan yahay hawlo adduun iyo hanti xoolaad waa gar darro, waayo?. ayadoo
dhanbaa Imtixaan ka samaysan, haddii laguu daro iyo hadii lagaa darbeeyaba
Su’aalbaa daba taal, Nabiyadii rabi soo diray oo dhan ayaa lagu dhibay,
qaar la dilay, qaar dalkoodii laga tarxiilay iyo kuwo dab lagu ridayba waa
lahaayeen. Maxaad adduunyo ka wel weshaa adoo qaawan baad timid adoo qayd
kaliya wataadna ka tagaysaa, Fekerkaaga meel ku xir, oo Maalinta Qiyaame
maxaad alle la hor tagaysaa ku koob. Nebi Muxamed SCW wuxuu yiri haddii
adduunyo alla agti garab Kaneeco Qiimihi ku leedahay, Gaal koob biyo ah
kama waraabiyeen, marka ma garbaa inaad la walbahaarto oo har iyo hoyba u
seegtid.
3. SABIR IYO DULQAAD: hadii dhibaato adduunyo kugu habsato noocay doonto
ha’ahaato intay doontana ha le’ekaatee; samir iyo dulqaad ha illoobin,
waa qayb cibaadada ka mid ah, Allana wuxuu la jiraa kuwa samra, abaalkooda
iyo ajarkooda xisaab la’aan ayaa faraha looga saaraa, dhib kasta allaa
faydi kara, Cudur kastana dawo ayuu leeyahay, waxaan geeri iyo gabaw ka
ahayn, Dhibaato adduunyoo kastana waatii faydanta, mar kastoo mugdigu
batana iftiinka ayaa soo dhawaada, ee marnaba ha sugi waayin, xaga rabbina
wanaag ka filo.
4. TIIRKA ALLE QABSO: waa tiir aad u adag, oo aan dumayn dabcaynna, waa
tiirka kaliya ee laysku hubo, waa albaabka aadan ku hungoobayn lagaana
horayn, Markaad tiirarka kaloo dhan ka quusatid, irdaha kaloo dhan lagaa
ooto, magaca alle ha illoobin, dhibkasta asagaa fayda qof kastoo
kurbaysanna u gar gaara, Nebi Ibraahim Caleyhi salaam ayaa dab lagu riday
oo ku dhawaaqay Xasbuna laahu wa nicmal wakiil, Qabaw aan qar qaryo lahayn
ayaa alla uga dhigay, Culays kastoo ku saaran alle ka bari inuu kaa
dajiyo, waxaadna ogaataa noolaha oo dhani wax aan alla kaaga soo qaadin
inayan kusiin Karin, haddaan Rabbi kugu sababinna ayan wax dhib ah kuu
gaysan Karin. Habaynka Qaybtiisa danbe ha moogaan, waxaad cuntaana xalaal
ha noqdaan niyad samina alle ku bari insha allaah dhibkuna waa tagayaa
kurbaduna waa ku daynaysaa.
5. RUMAYNTA QADARKA: Tiirarka Iimaanku ku dhisan yahay waxaa ka mid ah
Rumaynta Qadarka, dhib iyo dheef wixii kugu dhaca inaad ogaato in alla kuu
qoray adigoon dunida Imaan, marka waxa laysku dhaafay waa dulqaadka iyo
iimaanka, Nebigu SCW wuxuu yiri waxaa yaab leh qofka Muslimka arimihiisa,
wax kastoo qabsadaa waa u khayr, qof aan muslin ahayna arrintaas ma helo,
Haduu wanaag helo Alluu mahdiyaa markaas ayuu khayr u noqdaa, haddu dhib
qabsadana wuu Sabraa(dulqaataa) markaasaa Sabirkaasi khayr u noqdaa.,
Sidaas ayuuna Suubanuhu ku barbaariyay Saxaabada, C/laahi Bin Cabaas ayaa
nebigu SCW ku yiri ..ogow hadii dadkoo idili ku heshiiyaan inay dhib kuu
gaystaan inayan kuu gaysan Karin waxaan alla kuu qorin, haddiise ay ku
heshiiyaan inay wanaag kuu qabtaan inayan kuu qaban Karin wax aan alla kuu
qorin, Aayadda 30aad ee suuradda Al-shuuraana waatii macnaheedu ahaa Wixii
idinku dhaca oo musiibo ah (dhib ah) waa waxay kasbadeen gacmihiinnu,
wuxuuna idinka cafiyaa (Eebe) wax badan.
Haddaba ogow Inay Iimaanka ka mid tahay Rumaynta Qadarka iyo u
hogaansamidda xukunka Alle.
6. QUUSASHADA: Waligaa haka quusan hana ka samrin in kurbada alla kaa
faydo, albaabada khayrka ee furmi doonana ha sugi waayin hana daahsan,
qofkii Alle Cabsidiisa iyo cibaadadiisa garab ka dhigta wax walboo culus
wuu u fududeeyaa, dib u milicso maalmihii kusoo maray meeqaa albaabadoo
dhani isa soo xireen?,horay iyo gadaalba dhan aad u tallaabto meeqaad
garan wayday?, meeqaad is tiri Maanta Ciirsi ma jiro?,meeqaa dunidii kula
madoobaatay, Dhulkiina kula yaraaday?, hadana Rabi kaa samata bixiyay
wixii oo dhani ku dhaafeen adoo bad qaba, bal Akhri Dagaalkii KHANDAQ
wixii mulimiinta qabsaday, kolkii afarta dhinacba cadawgu ka degay ee
muslinna adkaystay Munaafaqna Tawaawacay, qura’aanku aad ayuu dagaalkaas
u faah faah faahiyay ayaaduhuu kaga hadlayna waxaa macnahooda ka mid ahaa
xusuuta markay idinkaga yimaadeen kor iyo hoosba, indhuhuna iisheen
Quluubtuna dhuunta gaadhay, Eebana aad u malayseen malooyi, Malooyinkaas
oo Culimadu ku fasireen in Muslimiintunu Guul iyo Gargaar malaysteen
Munaafiqiintuna Jab iyo naasabeel, iyo in Muslimiinta la dabar goyn doono
maleeyeen. Haddaba dhib oo dhan Allaa Faydee magiciisa Cusko.
7. MAANTA KU XISAABTAN: waxyaabaha dadka welbahaarka ku abuura waxaa ka
mid ah, noloshiisa Mustaqbalku waxa ay noqon doonto, halka uu degi doono
iyo sida uu dunida uga shaqaysan doono, taasna waxaa looga gudbi karaa in
la ogaado Mustaqbalka dhabta ah ee qof walba leeyahay inuu u diyaar
garoobana uu u baahanyahay inuu yahay kan Aakhiro iyo Xisaabteeda,
raaskiisii janada inuu ka diyaarsadana inay lagama maar maan u tahay,
aduunyadase anagoo dhani socotaan ka nahay qof walbana waxaa la gudboon
inuu sahaydiisii uu Mustaqbalka u baxsan lahaa ka qaato, Nolosheedana uu
kaga ekaado intii alla ka siiyo, asagoo ku xisaabtamaya dhibkeeda iyo
dheefteeduba inay Imtixaan tahay.
8. SALAADDA IYO WARDIGA: Hadday xaaladdu kugu adkaato, cabsi soo dhabar
madow aad dareentid, welwel iyo welbahaar isku kaa duubaan, Salaadda u
carar, siduu alla na faray Kaalmaysta sabirka iyo salaadda, akhrinta
Qur’aanka, wardiga, iyo baryada allaba waxay ka mid yihiin waxyaabaha
qofka dhibaatooyinka aduunyada hilmaansiiya, Allihii abuurayna ku xira,
garansiiyana qiimaha aduunyada, taasoo ka dhigaysa ruuxa mid himiladiisa
ka dhiga siduu Jannatul firdowsa ku geli laa, Nebigu wuxuu yiri SCW Qofka
alle xusa iyo kan aan xusin waxay kala yihiin qof nool iyo mid dhintay oo
kale..
9. GALLADAHA ILAAHAY: aad ugu fiirso Galladha ilaahay kuu galay, adoo huba
inaadan koobi karin sida qur’aanku u sheegay, waa tuu Darwiishkiina
lahaa (Galladaha Ilaahay ka badan Geedahaas baxaye..), alla wuxuu Quraanka
ku sheegay inuu nicmooyinmkiisa nagu deday kuwa muuqda iyo kuwa qarsoonba,
Nimcooyinkaas iyo Galadahaas waxaa ugu wayn inuu alle Muslim kaa dhigay,
inta dad Dhagax Caabudayaan inuu kugu daray kuwa Allaha wayn ee waaxidkaa
Cuubudaya, Janadii Rajaynaya Cadaabkana ka baqaya, Hadaad xubnahaagii mid
wayday meeqaa kuu fiyow ?, haddii aad Caruurtii mid waydayse imisaa kuu
hartay?,Haddaba waxa yaroo aad wayday intaad la taahayso lana tawaawacayso
maad intuu Rabbi ku siiyay ku mahdisid.
10. KOLKAAD DHIBKA KA BAXDID: Waxaa Caadooyinka Aadanaha ka mid ah markii
dhibku ku bato ama arrini ka Gurracato inuu Baroor, Qaylo iyo Calaacal
isku daro, Alla bari iyo Tawbab keen muujiyo, Dhaqan akhyaareed isku
yeelo, Markiise Alle Il u bixiyo oo dhibkaasi dhinac u dhaafo, wixii oo
dhan hilmaamo, allana awooddiisa iyo xukunkiisa uu ka dafiro.
Wuxuu Rabbi Qur’aanka noogu sheegay Qaybo ka mid ah dhaqamadii Gaalada
oo ay ka mid tahay inay markay Doomaha iyo Maraakiibta saaran yihiin, alle
kaliya baryaan, markayse soo badbaadaan oo Barriga yimaadaan ayay
Sanamyada iyo Dhagxaanta Alle la caabudi jireen, Dhaqankaas aadka u foosha
xun iska ilaali.
Kolka markii inta xaalku kugu xumaado rabbi Il kuu bixiyo maxaad mudan
tahay?., Inaad kaligi Caabudid, kaligi u mahadcelisid, Diinta Alle iyo
Dadka u taagan garab u noqotid ,Meel kastoo aad cagta dhigaysidna inuu ku
arko inaad ku xisaab tantid, haddiise aad danbigii iyo dabamaridii amarka
alle u noqotid ogow aduunkii ma dhamaan oo dhib waa kii yimaadee.
Tobankaas qodob ee aan soo tiriyay waxaan isleeyahay qofkii maanka ku haya
noloshiisa wax bay ka badalayaan, Qanaaco iyo Qalbi degana wuu helayaa,
Allaha wayna waxaan ka baryayaa inuu nagu anfaco, markastana maanka ku hay
Wixii idinku dhaca oo musiibo ah (dhib ah) waa waxay kasbadeen
gacmihiinnu, wuxuuna idinka cafiyaa (Eebe) wax badan
Qore: Shiikh Sakariye Asalafi Alathari
©Xuquuqda oo dhan waxay u xafidantahay Bogan: http//:doorasho.bravehost.com walaalkayga Muslimka ahow dhamaan waxa laga helo Bogan waxaad u isticmaali kartaa si shakhsi ahaaneed iyo fidinta Dacwada
ÌãíÚ ÇáÍÞæÞ ãÍÝæØÉ áãæÞÚ ÇáÅÎÊíÇÑ ÃÎí ÇáãÓáã ÈÅãßÇäß ÇáÅÓÊÝÇÏÉ ãä ãÍÊæíÇÊ ÇáãæÞÚ Ýí ÇáÅÓÊÎÏÇã ÇáÔÎÕì æäÔÑ ÇáÏÚæÉ
bravenet.com