untitled
Maxaad ka taqaanaa Sharaabka Coca Cola iyo
Pepsi Cola?!!!!
Coca Cola oo soo saarta Sharaabka Coca
Cola, Sprite, Fanta iwm iyo Pepsi Cola oo soo saarta Sharaabka Pepsi Cola, 7up,
Mandrine iwm ayaan dhamaanteen waxaan si fiican u naqaanaa Sharaabkan aan kor ku
xusay iyada oo aanu jirin Guryeheena mid ka madhan oo aan lagu cabin Sharaabkan
aadka looga jecel yahay Aduunka oo dhan bal wuxuu noqday lagama maarmaan wuxuuna
galay halkii Biyaha oo maadaama isaguba Biyo yahay weliba dhandhan aad u fiican
leh oo uu dheer yahay Biyaha ayaa waxay noqotay inuu galo halkii Biyaha, ma
suuroobayso inuu qofku u soo fadhiisto Cunto hadaanu meesha oolin oo aanu ku
dejinayn Cuntada Sharaabkaasi!!
Laakiin Muslimiintu iskama waydiiyaan Su'aalo haba yaraatee muxuu ka samaysan
yahay Sharaabkani iyo Shirkadahan soo saara toona, Aduunka intiisa kale gaar
ahaan Reer Galbeedku aad bay isu waydiiyaan oo waxaan xusuusnahay in dhowaan ay
Dacwadi ka socatay Dalka Germany u dhexaysay Dowladaas iyo Shirkada Coca Cola oo
ay Dowlada Germany ka doonaysay Shirkadaas inay cadayso waxa uu ka samaysan
yahay Sharaabkeedu
Iyada oo aanay jirin Aduunka cid taqaana waxa uu ka samaysan yahay Coca
Cola oo aan ahayn Madaxa Shirkadaas iyo Ku-xigeen kiisa oo keli ah, hadaba
Shirkadan oo laga leeyahay America ahna Shirkadaha Aduunka ugu Dhaqaalaha badan
oo ay ku tiirsan yihiin Adminstration ka xukuma America hantilayaasheeduna
yihiin Yuhuud ayaan cidna is hortaagi karin Aduunka, siday doonaan ba ha u
diidanaadeen ee, laakiin Wadamada Islaamka iyada cidiba isma waydiiso iyada
oo ay haboonayd maadama aynu nahay Dad Muslimiin ah in aan eegno bal waxan aan
cabaynaa horta ma Xalaal baa mise waa Xaaraam ugu horayn bal haba dambayso
arinta Shirkadan iyo Siyaasadeheedu ee
Hadaba Walaalayaal waxaan jeclaystay Maanta bal inaan Qoraalkayga aan ku eegno
Sharaabkan iyo Shirkadahan sameeya Siyaasadahooda intii Allaah tacaalaa inooga
yasiro bal inay ina ku hambaabiraan arintan Dadka Muslimiinta ahi, aniga shakhsi
ahaan Waqti aad u dheer ka hor ayaan joojiyay cabista Sharaabkan walxamdulilaah
markaygii horena maan badsan jirin oo uma xiisayn jirin siday Dadku u xiisayaan
Coca Cola waa Shirkad laga leeyahay
America waxana la aasaasay Sanadkii 1893M waxaana Saldhigeedu yahay State ka
Atlanta waxayna khaas ku tahay soo saarista Sharaabka Gaasta ah ee ka madhan
Isbiirtada (Alchol), waxayna ka hawl gashaa ilaa iyo 200 oo Wadan oo Aduunka ah
Asalka Shirkadanu wuxuu ka bilaabmay hal Nin oo Barwaaqo si lama filaan ah ugu
turunturooday, waxana weeye Nin baa wuxu ka iibsaday Nin kale oo lahaa Pharmacy
Duug ahaa oo uu Dadka ku daawayn jiray, Pharmacy gii iyo wixii yiilayba,
Alaabtii uu halkaa ku iibsaday waxaa ka mid Mooye uu ninkaasu ku samayn jiray
Daawooyinka Waqtigaana waxa ku jirtay Daawo uu ku diyaar garayay, Ninkii sidii
buu Meeshii oo dhan kula wareegay wuxuuna ogaaday in Daawadii ku jirtay Mooyaha
looga faa'iidaysan karo si kale oo aanu ogayn Ninkii samayay Daawadaasi
Waana in laga samayn karo Sharaabka Gaasta ah ee Maanta loo yaqaano Coca
Cola, taas waxay u soo jiiday Ninkaas iyo Qowskiisii inay mudo yar ka mid noqdaan
dadka Aduunka ugu taajirsan, waxaana Waqti ka dib ka dhinac samaysmay Shirkada
kale oo iyaguna soo saara Sharaabka Gaasta ah sida Pepsi Cola iwm laakiin
dhamaan waxay ka soo qaataan Maadada Aasaasiga ah ee laga samayo Sharaabkaa
Shirkada Coca Cola iyaga oo aan ogayn waxa uu ka samaysan yahay Coca Cola,
Shirkadan oo ay badankeeda iska leeyihiin Caa'iladii Ninkii aasaasay Shirkada oo
ay kala dhaxlaan ayaa waxaa Qaanuunka u dejisan Shirkadu yahay in Madaxa
Shirkada iyo Ku-xigeenkiisuba yihiin had iyo goor Niman ka soo jeeda
Caa'iladaas Aduunka oo dhana labadaas Qof oo keli ah baa og waxay ay ka
samaysan tahay Coca Cola
Hadaba waxay tahay Coca Cola Astaamaha ugu waawayn America ee ay
ku faanto Idaarada (Adminstration) America waxayna ka mid tahay kuwa ugu
waawayn ee taageerada siiya Siyaasada George Buush ee Gumaysiga, Cadaawada iyo
Tirtirida Muslimiinta ku salaysan
Waxayna ku caanbaxday Shirkadatanu taageeradeeda aan kala go'a lahayn ee ay
siiso Israel iyada oo ay taasu si xoog leh u cadaatay Sanadkii 1997M kii iyada
oo ay ku kacday Xukuumada Israel inay Abaalmarin gudoonsiiso Shirkada
Coca Cola taas oo ay gudoonsiisay Golaha Tijaarada ee Israel iyadoo ka abaalmarinaysay
Shirkadaas taageeradeedii aan kala go'a lahayn ee ay u fidinaysay Israel mudo ka
badan 30 Sanadood
Sanadkii 2001M waxay ahayd Xarunta Shirkada Coca Cola tii ugu waynayd
ee ilaalinaysay iyo Martiqaadihii aasaasiga ah ee Shirkii Qolka Sanaacada iyo
Tijaarada ee America iyo Israel, waxay kale oo ku kacday Shirkadanu inay
samaysay Barnaamij Tababar ah oo ay u samaysay Shaaqaalaha Shirkada oo
ay Cinwaan uga dhigtay "Dagaalka u dhexeeya Carabta iyo Israel"
dhamaan wuxuu ka koobaanaa Barnaamijkaasuna waxaa samaysay Shirkada
lafteeda waxaana maal gelinaysay Wakaalada Yuhuuda iyo Xukuumada Israel
Sanadkii 2002 Bishii Febaruary waxay iclaamisay Shirkada Coca Cola iyada oo
Xoolaha uga soo xerooda Shirkada Dowlada Israel ay aad u wayn yihiin ayay
waxay ku kacday Shirkadu inay ka qayb qaadato dhisida Deegaanka cusub Kiriyat
Gate oo laga samaynaayo Dhulka la qabsaday ee la boob ee Falastiin
Waxay sheegtay Xukuumada Israel in lix meelood meel ahaan qiimaha Dabaaldegyada
Sanadkii ee Dowlada Israel ay ilaalinayso Shirkada Coca Cola, waxay kale oo u
doortay in tahay Shirkadanu Mu'ayidiinta ugu waawayn ee Israel laga soo bilaabo
Sanadkii 1966M
Waxay mar kale maal gelisay Coca Cola Barnaamij lagu tababaraayo Shaqaalaheeda
iyo Muhaajiriinta ku socota Dowlada Israel wuxuuna ahaa Mowduuca
tababarku "Dagaalka u dhexeeya Carabta iyo Israel"
Iyadoo la eegayo taageerada isdaba
jooga ah ee aan kala go'a lahay ee Coca Cola u fidinayso Dowlada Israel ayay
waxay ka heshay Israel inay ka yarayso ama hoos u dhigto Cashuurta ay ka qaado
Shirkadatan, sidaas darteedna waxay goostay Coca Cola in ay ka dhisto Dhulka
Carabta ee la haysto Warshad cusub oo shaqaalaynaya 700 oo Israelians ah
Markii la qabsaday Ciraaq waxa uu yidhi Ninka Madaxda u ah Shirkadaasu "
qabsashada ay qabsatay America Ciraaq ama ay Ciraaq ku dhacday Gacanta
America waxay u furaysaa Albaabada Caalamka Islaamka inay soo dhowayaan
Sharaabkan guulaystay ee American iyo Dhaqankooda iyo Asluubtoodaba
Web ka ay Shirkadanu ku leedahay Internet ka ayaa la waydiiyay Su'aal ah inay
Shirkadanu tahay Yuhuudiyad iyo in kale, waxayna taas kaga jawaabtay Shirkadu:
in Sharaabkeedu u banaan yahay dhamaan Diinaha oo dhan mana ay beenin inay tahay
Shirkad Yuhuudiyad ah, markii la waydiiyay taageerada ay u fidiso Israel na ma
ay beenin Shirkadu laakiin waxay tidhi: "Coca Cola waa Shirkad Caalami ah
hase ahaate shaqadeed Wadan walba waa Daakhili"
Sanadkii 10/9/2001 kii waxay soo daabacday oo fidisay mid ka mid ah Wargaysyada
Carabta Iclaan ay leedahay Shirkada Coca Cola kaas oo loo qaybiyay Malaayiin ah
Shabakada Internet ka, kaas oo ku boorinaayay Iibsadayaasha inay cabaan Coca
Cola oo taageeraan Israel, wuxuuna odhanaayay Iclaanku: "taageerada aad
taageerayso waxay soo saarto America macnaheedu wuxuu yahay waxaad taageeraysaa
Israel" wuxuuna ka bixiyay Wargaysku tacliiq arintan wuxuuna yidhi:
"Iclaankanu uma baahna Tacliiq iyo in wax lagu daro toona" mana ay
beenin Shirkadu Iclaankan!!
Sidaan soo sheegnay waxa ka dhinac samaysmay Coca Cola Shirkada kale oo aan ka
xusnay Pepsi Cola Shirkadan oo aan odhan karo waa mataano Coca Cola Siyaasada
hooduna waa isku mid, bal hadaba Walaalayaal ila eega Xaqiiqadan qadhaadh
ee ka maqan ama aanay ogayn 95% Muslimiintu, waana in Coca Cola iyo Pepsi Cola
inagoo soo sheegnay in aan la garanayn waxay ka samaysan yihiin ayaa hadana
baadhitaano badan oo lagu samayay waxa lagu ogaaday inay ka mid tahay
Maadooyinka laga sameeyo Maadad ka mid ah Caloosha Doofaarka
Maaha arintanu hadal aan iska idhi oo aan uga jeedo in Shirkada
uun aan ku wax yeelayo ee waa arin Daliil leh oo lagu ogaaday Baadhitaano
lagu samayay Sharaabka, waxaadna ka heli kartaa Macluumaadkan Book la yidhaahdo:
(Picture is not shown) kaas oo la daabacay Sanadkii 1987 waxadna aqridaa Page ka
145 halkaas ayaad ka helaysaa Macluumaadka ku saabsan Coca Cola iyo Pepsi Cola
waxaadna ka heli kartaa Book gaa Maktabadah Caamka (Public Libraries) ah ee
Wadamada aad joogtaan
Waxaa lagu odhan karaa Sharaabkan waxa lagu samayaa Wadamada Islaamka taasuna
maaha Xaqiiqo ee waxaa loo keena Warshadaha ku yaala wadamada Islaamka isaga oo
Powder ah markaas ayay dib ugu samayaan Warshadahooda, mana jirto cid og waxa uu
ka samaysan yahay oo aan ahayn sidaan soo sheegnay labadaa Nin ee America jooga
Allaah ha burburiyee
Waxaa kaloo ka qarsoon Muslimiin fara badan macnaha Kelmedan Pepsi Cola oo ahaan
lahayd hadii ay fahmi lahaayeen inaynaan hadalkan dheer iyo cadaymahanba u
baahaneen, waana kelmeda Pepsi waa hadal la soo gaabiya oo sidan ah (pay every
Penny to save an Israel) u bixi Penny kasta in aad ku badbaadiso Israel,
gundhiga hadalkanuna waxa weeye u bixi Penny kasta inaad ku disho Muslim
ama aad Dhulkiisa ku xoogto, Markaa Muslimow tasho adba Caqli baad leedahay ee
miyaanay ahayn inaad Dadkaa badbaadiso oo aanad adigu bixin lacagta Xabada lagu
dilaayo Dadkaaga
Tan kale inta aynu ku jiro Dagaal aan isu dheeli tirayn oo ah in halka aad hal Qof
kaga disho Cadawgaaga uu kaaga dilaayo Kumanaan in le'egna ku barakicinaayo
burbur laxaad lehna ku gaadhsiinaayo oo aanad adigu gaadhsiin karayn haba
yaraatee, ayaan u arkaa inay ka xoog badan tahay oo ka haboon tahay inaad
Cadawgaaga arimahan oo kale kula dagaalanto oo ah inaad gowso oo joojiso waxa uu
soo saaro iyo ku dayashada Dhaqaankooda aadna dhiiri geliso oo iibsato waxa ay
soo saaraan Wadamada Islaamka ahi haba iska taya liiteen ee, Diintaadana
ilaashato oo ku dhaqanto Dhaqanka suuban ee Islaamka
Waayo Dagaalka lagugu hayo ujeedadiisu wax kale maaha ee waxa la rabaa in lagu
ogolaysiiyo inaad gadato Bucshiradooda Dhaqankooda iyo Diintoodna qaadato siduu
Allaah tacaalaa inoogaga waramay Quraanka kariimka ah ee yidhi:
:{ولن
ترضى عنك اليهود ولاالنصارى حتى تتبع ملتهم
قل إن هدى الله هو الهدى}
{Aayatan kariimka ah wuxuu Allaah tacaalaa uga
waramayaa Rasuulkiisa sala Allaahu calayhi wasalam in aanay marnaba ka raali
noqonayn isaga iyo Mu'miniinta toona Yuhuuda iyo Kiristaanku ilaa uu raaco
Millada ay ku sugan yihiin waayo waxay ku baaqayaan oo dadka ugu yeedhayaan oo
rabaan in dadka oo dhami kala mid noqdo Diinta ay ku sugan yihiin ee ay ku
andacoonayaan inay tahay Hanuunka ee waxaad ku tidhaahdaa Hanuunku waa kan
Allaah ee uu igu soo diray uuna dhamaan ku soo diray Rasuuladiisii waana
Islaamka},
markaa Walaalayaal waxaa inala
gudboon in Islaaxa ama Hagaajinta aan ka bilowno Nafteena dabadeedna u
gudbino Bulshada inta aan ka gaadhi karo
Dhinac kale Baadhitaano badan oo la sameeyay waxaa loo aanaynayaa inuu
Sharaabkanu ka masuul yahay Xanuuna fara badan oo hada Caalamka ku batay oo ku
fidaaya sida Sonkoriga, Kelya xanuun, Lafaha oo jilca iwm
Ugu dambayntii waxay Culimada qaar ku fasireen waxa Allaah tacaalaa inooga
xaaraamayay Hilibka Doofaarka waa inuu ka suuliyo Qiirada iyo Dareenka Qalbiga
Qofka Allaah baana og taas
Markaa Walaalayaal inooma hadhin wax kale oo aan iska nidhaahno arinta
Sharaabkan oo aan ahayn inaan gowno oo ka joojino cabistiisa Dadkeena iyo
Guryeheen oo aan badbaadsano Diinteena iyo Dadkeena
Wabillaahi atowfiiq
Qore: Maessa Asalafi
©Xuquuqda oo dhan waxay u
xafidantahay Bogan: http//:doorasho.bravehost.com
walaalkayga
Muslimka ahow dhamaan
waxa laga helo Bogan
waxaad u isticmaali kartaa si shakhsi
ahaaneed iyo fidinta Dacwada
جميع الحقوق محفوطة لموقع الإختيار
أخي المسلم بإمكانك الإستفادة من محتويات
الموقع في الإستخدام الشخصى ونشر الدعوة
Web Master: maessa2@gmail.com