|
|
|
|
cidhib xumada lasaaxiibka dadka xun
walaalayaal waxaan kamaarmi waayay inaan idiin ka waramo qisooyin rag iyo saaxiibahooda xun ka dhacay si aad iskaga jirtaan oo aad iskaga ilaalisaan suxbatul al asharaar
1.walaalo qisada koobaad waa qisada ninkii la odhan jiray cuqba walaalo maalin maalmaha kamida ayuu cunto u kariyay nabiga iyo reer quraysheed markay dooneen inay cunaan ayuu rasuulku ku yidhi walaahi cuni maayo cuntadaada waayo islaam matihid, markuu rasuuulku intaa ku yidhi ayuu isla yabayoo waxa uu yidhi ashhadu an laa ilahay ila laahu wa ashhadu ana muxamadan cabduhu warasuuluh markuu islaamay ee uu ashahaadii layimidbuu rasuulkuna cuntadiisii cunay kadib waxa maqlay nin ay saaxiib ahaayeen oo la odhan jiray abuu jahal waa uu soo cararay waxaanuu ku yidhi ma maantaad rumaysay muxamad? walaahi inaanaan kula hadlayn ilaa ad muxamed indhaha candhuuf kaga soo tufayso luquntana kaga soo istaagayso kadibna sidiibuu sameyay waxaanuu ku dhintay gaalnimadaa.
walaalayaal waxad aragtaan aayada kahadlaysa ninkaa oo qiyaamaha leh 蘇oogaygee miyaan rasuulkii raaco, miyaanaan saaxiibkaa xun raaci wuxuu iga lumiyay xaqii intuu ii yimid kadibe shaydaanku insaanka cadawbuu u yahay・
2. walaalyaal tanina waxay dhacday wakhti aan fogayn gabadhaa inan yarbay lahayd inankaa waxay bartay quraanka iyo sunaha waxay gaysay misaajidka walaalyaal muxuu sameeyay waxa uu sameeyay inuu tago misaajidka waxa uu soo mari jiray misajodka qaar agtiisa ku sakhraami jiray waxa uu doonay inuu wacdiyo oo uu ilaahay xasuusiyo walaalo siduu sidaa u ahaa ayuu maalintii dambe siduu wanaaga ufarayay waxay sameeyeen inay iyaguna dacwadoodii xumayd ay ku faafiyaan oo ay u sheegaan inuu tukiyo laakiin waxay yidhaahdeen misaajidka naga daayoo halkan nagu tuki walaal markuu sidaa kayeelay hadana waxa ay sameeyeen inay ku tukadaan halkii mudo kadib maxaa soo xasilay walaalyaal waxa soo xasilay inay siiyaan wax kamida daroogadii ay cabi jireen oo ah sigaar kadibna xashiishad hooyadii oo ahayd tan qisadan kawaramaysa waxay tidhi waxaan bilaabay inaan kabaqdo oo aan uga shakiyo naftayda inuu idilo waayo waxa ka uri jiray sigaar iyo waxyaabo qadhmuun oo kale inankii markii hore ahaa ehlu cibaadada walaal waxa uu sameeyay habeenkii dambe inuu cabo khamri kadibna waxa hooyadii tidhi waxa uu igu soo garaacay albaabka waan kafuri waayay waayo waxa uu usoo garaacay si aad u naxdin leh waxay tidhi ileen waa hooyee markaan shanqadhiisii waayay ayaan is idhi malah waxbaa ku dhacay waxay tidhi hooyadii waxaan furay albaabkii waxaaba igaga soo booday isagii oo sita mindi waan baqday waxa uu igu qasbay inaan galo guriga waan galay waxaabuu bilaabay inuu maryahaygii igaga jeexjeexo mindidi uu sitay waxay tidhi hooyadii waxan moodayay inuu idili doono laakiin hoogiisee muu idilo waxay tidhi markaan arkay inuu maryihii iga wada dhex saaray waxa aan ogaaday waxa uu samee isleeyahay waxay hooyadaasi tidhi waabuu ii galmooday qasab maxaa kadambeeyay waxa uu sameeyay markuu ogaaday inuu hooyadii waxaa ku sameeyey ayuu is gubay inaa lilaahu wa inaa ilayhi raajicuun
walaalayaal hadaba inagoo kasii tix qaadi doona dadka saaxiib xun intay lasaaxiibeen xaqii gees maray sida ibnul jawzi iyo sida ibnu caqiil iyow qaar farabadan oo kale
waxa inala gudboon inaynu ka fogaano inaynu lasaaxiibno ehlu macaasiga amba aynu la mujaalisno ama aynu jeclaano waayo ehlu sunuhu maqabaan in lasiiyo ehlu macaasiga jeceyl ehlu sunaha oo kale.
ilahay xaqa hayna waa fajiyo.
Aamiin. aamiin. aamiin. aamiin. aamiin. Aamiin
waa qaybtii labaad ee cidhib xumada la saaxiibka xun.
waxaynu soo wada aragnay labadii qiso ee aynu kasoo rarnay culimada ehlu sunnaha iyaga oo kawaramaya laba qiso oo layaable labadaa qisoo o kawaramayay laba qof oo wanaag daahirsaday oo kadibna saaxiibkiisii uu ugu jeclaa ama uu doortay kadhigay mid wanaagii waayay, hadaba mantana waynu soo qaadan doonaa qisooyinkaynu hore u balan qaadnay inaynu sheegi doono waxaynu uga jeednaana waxay tahay inaynu wax ku qaadano waayo qisooyinka waxa ku jira waanooyin iyo faa段idooyin fara badan kuwaasoo ilaahay ku sheegay quraanka, waxa rabi yidhi waxa ku sugan qisooyinka anbiyada isagoo kahadlaya ilaahay waxa uu yidhi cibraa ku sugan waxayna ugu sugan tahay cibradaasi kuwa caqliga leh. Waxa rabii nabiga uu amray inuu nabigu qisooyinka inooga waramo markaa waxa rabi ku yidhi rasuulka muxamed uga waran qisooyinka si誕y u waantoobaan hadaba walaayaal ilaahay isaga ayaa nafteena inooga naxariis badan waayo rabi waxa uu inooga baahan yahay inaynu qisooyinka wax ku qaadano waxa qisooyinka ku jira faa段idooyin kaa aynu soo sheegnay iyo qaar kaloo badan ilaahay ha inaga dhigo kuwa wax ku qaata
hadaba hadaynu bilawno bal qisada sadexaad ee inoo noqonaysa waano haduu ilaahay khayr inala doonay qisada sheekh caan ah ee loo yaqaanay ibnul jawzi sheekhaas oo lahaa tafsiirka loo yaqaano zaadul masiir . sheekhaasi waxa uu ahaa culimada ehlu sunaha ah ee xanaabilada madhabkoodu yahay waxa uu ahaa sheekh wayn oo muctabara laakiin maxaa sheekha ku dhacya sheekhu waxa uu ahaa nin kabarta cilmiga loo yaqaano cilmu luqa oo ah barashada naxwaha afka carabiga waxa uu wax kabaran jiray sheekhu niman ehlu bidac ah oo la yidhaahdo muctasilo waxay ku odhan jireen niman kii ay saaxiibka ahaayeen ee xanaabilada ahaa ee ay isku madhabka ahaayeen waar nimankaa waxba haka dhigan waxa uu odhan jiray waan ka dhiganayaa waayo aniga ima qaldi karaan, kadibna mudo yarbuu ku qaatay madhabkoodii oo uu noqday nin laga digo oo kutub tiisa qaar kamida ay noqotay qaar u adeega ehlu bidaca xitaa ay culumada qaar kamida ahi katageen kutubtiis akhriskooda iyaga oo kabaqanaya inuu kashaki galiyo diintooda ilaahay baynu waydiisanaynaa khayr inuu ina siiyo oo uu inaga badbaadiyo sharka iyo xaqa inaynu ka leexano ama laynaga leexiyo
qisada kale waa ninkii ugu kitaabka badnaa culumada dunida soo martay oo sabab isna looga dhigay isla muc taziladaa ilaahay hatir tiree walaalayaal waxa ay culimada taariikhda iyo culimada taraajimtu ay sheegaan ninkan oo magaciisu ahaa ibnu caqiil al xambali inuu isna kabaran jiray nimankaa muc tazilada ah waxa markay culimadii wakhtigiisu u nasteexeeyeen uu odhan jiray ima lumin karaan kadibna waxa uu qaatay madhabkaa muctazilada ilaahay sharkiisa ha inaga ilaaliyee hadaba waxa layaab noqotay isaga oo ahaa nin kani ninkii ugu kitaabka waynaa ehlu cilmigu intay wax qorayeen oo uu noqday ninkii ugu horeeyay uguna dambeeyay ee qora kitaab xajmigiisu yahay 400 oo mujaladood oo waliba magac kaliya uu yeeshay kitaab kiisaasi waxaan la odhan jiray kitaabkaa al funuun iyo hadana inuu noqday nin halaabay oo madhabkii xaqa ahaa kanoqday mid ka lumay ilaahay ha inagu sugu xaqa aamiin aamiin Aamiin
hadaba waxa inala gudboon hadaynu nahay culimo iyo hadaynu nahay arday iyo hadaynu dad aan arday iyo culimo intaba ahayn inaynu kadheeraano inaynu lasaaxiibno nin xun ama hadaad gabadh tahay inaad iska ilaaliso nin xun iyo gabadh xunba ilaahayna waxa uu kugu siinayaa iska ilaalintaaad iska ilaalinay ehlu sharka oo kaliya ajar aanaad goyn karay hadaad doonto inaad soo iibsato oo aanaad helay hadaad is tidhaahdo shaqayso waxa rabi adoomihiisa wanaagsan isaga oo lahadlaya uu kunyidhi hala fadhiisanina kuwa xun xuni oo hala fadhiisanina kuwa daalimiinta ah rabina amarkaa waxa uu siyay nabiga muxamada isgoo lahadlaya waxaanuu amarkaasi ku jihaysan yahay mu.miniinta oo dhan yar iyo way rag iyo dumarba waayo sharcigu waxa uu usoo dagay dhamaan dadka oo dhan mid diida iyo mid yeelaba ilaahay waxaynu kabaryaynaa inuu inagu arsaaqo inaynu kafigaano daalimiina iyo faasiqiinta ilaahay uu ina waa fajiyo khayrka aduun iyo ka aakhiriba
insha laahu halkaasaynu kasii wadi doonaa qisyooyinka sia aynu wax ugu qaadano oo aynu ilaahay u caabudno inagoo kabaqanayna rajaynaynana
waa Qaybtii saddexaad ee
cidhibxumada lasaxiibka dadka xunwaxa inagu waajiba inaynu iska ilaalino waxa inaga dhigaya inay noqono qaar ku dhacay naarta ilaahay waxa kamida waxyaabahaa inaynu lasaaxiibno dadka xunxun ilaahaybaa inaga ilaaliyay hadaynu nahay dadka mu.muniita ah waxa uu ilaahay inoo tilmaamay oo uu inoogu sheegay quraanka inuu daalimkii qofka xun lasaaxiibay uu maalinta qiyaame kamurugoon doono oo uu odhan doono hoogaygee miyaan asukaadeecogayee miyaanaan hebekl asaaxibn wuxuun iga lumiyay jidka toosan ituu ii yimide ilaahay waxa uu yidhi shaydaanku insaanka cadawbuu u yahay cad
hadaba walaalo yaal waxa aynu rabnaa inaynu ogaano maantana qayb kamida cidhi xumada uu leeyahay saaxiibka xumi waxaynu maantana ku soo qaadan doonaa
1.ninkii la.odhan jiray abuu daalib oo ahaa nin isagu nabiga u adeer ahaa oo ahaa ninkii nabiga koriyay waxa hadaba culimada siyarku ay qariyaan nabiga markii ay hooyadii dhimatay ee buu aalib lawareegay xilkiisa in abuu daalib uu ahaa nin nabiga jecel oo ilaaliya waxa hadaba dhacday in nabigu uu koray ilaa naigu uu gaadhay in ilaahay u waxyooday isaga oo ah 40 jir calayhi salaatu wasalaam hadaa naigu waxa uu ahaa mid iska cibaadaysta dadkana diinta ugu yeedha ilaa iyo intuu ilaahay kadigayay diinta nabiga tugu oo galitaanka badan hadaba waxay ahaayeen nimanka quraysheed qaar nabiga diintiisa ilaahay soo dhiibay karaahiyaysta rasuulkuna waxa uu ahaa mid aan isagu cidna aan u aabo yeelin waxa uu ahaa mid faafiya dacwada ilaahay uu amray inuu faafiyo waxay ahaayeen hadaba nimanka quraysheed qaar nabiga uga soo ahkatooda abuu daali waxayna ku odhan jireen waanu dilaynaa amba naga qabo waxa uu ahaa abuu daalibna mid isagu nabiga difaaca callayhi salaatu wasalaam hadaba waxa dhacday in ninkaa abuu daalib nabiga ku odhan jiray adeen walaahi diinta aad wadaa waa diimaha ta ugu khyr badan hadaba hadaanay jirin canaan xaga tolka kaimanaysa ama cay aanaan kabaqay walahi waxaan ahaan lahaa mid cadeeya diintaadu inay xaq tahay waxa dhacday ninkii sidaa odhan jiray inay geelidii ku soo xaadirtay daba deeto waxa lajoogay rasuulka iyo abuu jahal iyo gaalo kale waxa rasuulku ku yidhi adeero waxaad tidhaahdaa ilaah xaq lagu caabudaa majiro ilaahay mooyee daba deeto ay ky lahaayeen abuu jahal iyo gaaladii kaleba waar mawaxaad nacaysa diintii abuu daalib dabadeeto waxa uu yidhi isagoo qiimaynaya saaxiibadiisaa xu xun waxaan ku dhimanayaa diintii abuu daalib waxa uu tilmaamayaa inuu gaalnimada islaam nimada kadoortay ilaahay baynu kabaryaynaa inuu inagu sugo xaqa oo uu inaga ilaaliyo baadilka iy saaxiibka xuna hadaba walaa lyaal waxa is waydiin leh sideen iskaga ilaalin karaa saaxiibkaygu waa xun yahayee walaa layaal waxaynu iskaga ilaalin karnaa inaynu kadheeraano lafadhiisigiisa u tagiisa inaad noqoto mid uxiisooda waxyaabahaasoo dhan iska ilaali si aad uga badbaado hadii kale waxad noqon sidaa aynu soo tilmaanay ilaahay haynaga ilaaliyee ilaahay waxaynu kabaryaynaa inuu xaqa ina waafajio
wasalaamu calayku waraxmatulaahi wabaraklaatuhu
Qore:Sakariya Cali Diiriye
©Xuquuqda oo dhan waxay u xafidantahay Bogan: http//:doorasho.bravehost.com walaalkayga Muslimka ahow dhamaan waxa laga helo Bogan waxaad u isticmaali kartaa si shakhsi ahaaneed iyo fidinta Dacwada
جميع الحقوق محفوطة لموقع الإختيار أخي المسلم بإمكانك الإستفادة من محتويات الموقع في الإستخدام الشخصى ونشر الدعوة
bravenet.com