|
|
|
|
|
يا أيها الناس اعبدوا ربكم الذى خلقكم والذين من قبلكم لعلكم تتقون |
بسم الله الرحمن الرحيم
Cadaynta macnaha Kelmeda laa Ilaaha ilaa Allaah
بيان معنى كلمة لا إله إلا الله
Iimaam CabdulCasiis Ibin Cabdullaah Bin Baas
الإمام
عبدالعزيز ابن عبدالله ابن باز رحمه الله
الحمد
لله رب العالمين ، والصلاة والسلام على رسول
الله ، وعلى آله وأصحابه ومن سلك سبيله واهتدى
بهداه إلى يوم الدين .. أما بعد :
Mahad iyo amaan Allaah ayaa mudan oo iska leh, Rabiga Caalamiinka, naxariis iyo nabad gelyona ha ahaato korkiisa Rasuulka Allaah iyo Ahalkiisa iyo Asxaabtiisa iyo mid kasta oo maray Jidkiisii oo ku hadaysma Hanuunkiisa ilaa iyo Maalinta Qiyaamaha
Intaas ka dib
:Wuxuu yidhi shiikhu Allaah ha u naxariistee walaalahayga Allaah dartiisow waxay garatay Gudiga loo xil saaray inay qaybiyaan Nadwadaha iyo Muxaadaradaha Wadankan aan joogno inay noqoto Kelmeda caawada tan (cadaynta macnaha Kelmeda laa Ilaah ilaa Allaah
–بيان معنى كلمة لا إله إلا الله ), ana waan waafaqay oo ogolaaday sidaas waayo Kelmedanu waa Ahalka Diinta iyo asalka Milada, waana tii uu Allaah casaa wajalaa ku kala soocay Kaafirka iyo Muslimka waana tii ay ugu yeedheen Ummadaha Rasuuladii oo dhami oo aawadeed loo soo dejiyay Kutubta oo loo abuuray awgeed Saqalaynka Jinka iyo Insiga, waxa ku baaqay Aadam aabeheen calayhi salaatu wasalaam, waxana ku socday oo ku dhaqmayay isaga iyo duriyadiisii ilaa iyo waqtigii Nuux calayhi salaam, dabadeed ayaa shirkigu ka dhex dhacay Qoomkii Nuux calayhi salaatu wasalaam, markaas sidaas ayaa Allaah subxaanahu watacaalaa u soo diray Nuux calayhi salaatu wasalaam in uu ugu yeedho Towxiidka Allaah casaa wajalaa oo ku yidhaahdo: Qoomkaygiiyow Allaah caabuda maydin lihidin Ilaah kale ee, sidaas oo kale ayaa Allaah casaa wajalaa ugu soo diray Qoomamkoodii Huud iyo Saalax iyo Ibraahiim iyo Luud iyo Shucayb iyo kuwii kaloo ka mid ahaa Rasuulada dhamaantood waxay ugu yeedheen Ummadahoodii Kelmedatan Towxiidka Allaah casaa wajalaa iyo in badhax yeelaan isaga iyo inay ka tagaan caabudaada waxaan isaga ahayn kii ugu dambeeyay ee khatimay ee ugu fadliga badnaa Nebigeena Maxamed sala Allaahu calayhi wasalam Allaah casaa wajalaa wuxuu ugu soo diray Qoomkiisii Kelmedatan wuxuuna ku yidhi: (يا قوم قولوا لا إله إلا الله) (Qoomkaygiiyow waxaad tidhaahdaan ma jiro Ilaah xaqq lagu caabudaa oo ahayn Allaah waad liibaanaysaan oo guulaysanaysaan ee), wuxuuna ku amray inay aanay u badhax yeelin caabudaada Allaah casaa wajalaa kelidii iyo inay iska dhaafaan oo iska daayaan waxay ku sugnaayeen Aabayaashood iyo Salafyadoodii hore oo aanay u shirki yeelin Allaah casaa wajalaa oo aanay caabudin Sanamada, Wasanada, Dhirta , Dhaxaanta iwm kuwaasu way xumaysteen taas waxayna yidhaahdeen siduu Allaah casaa wajalaa inoogaga waramay Quraanka: { أجعل الآلهة إلهاً واحداً إن هذا لشئٌ عجاب [ص:5] } {ma wuxuu ka yeelay Ilaahyadii Ilaah keli ah markuu naga nahyiyo inaan la caabudin Ilaahyadii mid keli ah maahee taasu waa wax la yaab leh}, waayo waxay caadaysteen caabudaada Sanamada, Awliyada, Dhirta iwm kuwaas way u goowrici jireen waa u nadri jireen waxayna ka dalban jireen inay u qabtaan baahidooda iyo inay uga ferejaan Kurbiga, sidaas bayna u diideen Kelmedatan waayo waxay baadil ka dhigaysaa Ilaahyadoodii iyo kuway caabudi jireen Allaah sokadiisa, wuxuu ku yidhi subxaanahu Suurat Asaafaat: {إنهم كانوا إذا قيل لهم لا إله إلا الله يستكبرون * ويقولون إئنا لتاركوا آلهتنا لشاعرٍِِ مجنون [الصافات: 35-36]} {waxay ahaayeen kuwa hadii loogu yeedho oo la yidhaahdo dheh laa Ilaah ilaa Allaah kibraayay waxayna odhanayeen ma waxaan uga tegaynaa Ilaahyadayadii kuwii naga horeeyayna caabudi jireen Gabayaa waalan}, waxay ku magcaabeen Nebiga sala Allaahu calayhi wasalam Gabayaa Waalan jaahilnimadooda darteed iyo lunsanaantooda iyo cinaadkoodaba iyaga oo og inuu yahay kan Dadka ugu run badan iyo inuu yahay Aamin iyo weliba inuu yahay kan Dadka ugu Caqliga badan iyo inaanu ahayn Gabayaa laakiin waa jahal iyo dulmi iyo cadaawad iyo ku khaldis iyo been ka sheegid iyo u ekaysiin la tusaayo Dadka, hadaba mid kasta oo aan xaqiijin Kelmedatan oo aan garan macnaheeda oo aan ku camal falin iyada ma aha Muslim, Muslimku waxa weeye kan Allaah casaa wajalaa keliyaya oo uga gaar yeela caabudaada wax kasta oo aan isaga ahayn, isaga ayuu u tukadaan isaga ayuu u soomaa kelidiis ayuu baryaa isaga ayuu u qayla dhaansadaa oo u nadraa isaga ayuu u gowracaa iwm taas oo ah noocyada cibaadooyinka waxa uu u og yahay si yaqiin ah ama run ah in Allaah subxaanahu watacaalaa uu yahay kan mustaxaqqa ah in la caabudo iyo in aan waxaan isaga ahayni aanay mustaxaqq ahayn ama istaahilin in la caabudo ha ahaado Nebi ama Malak ama Weli ama Sanam ama Geed ama Jini iwm kuwaas dhamaantood aanay mustaxaqq ahayn ama istaahilin in la caabudo bal ay tahay xaqqa Allaah casaa wajalaa kelidii taas darteed ayaan Allaah casaa wajalaa yidhi:{وقضى ربك ألا تعبدوا إلا إياه [الإسراء:23]} {Wuxuu Allaah casaa wajalaa ku dardarmay Diin ahaan oo amray Amar sharci ah inaydaan caabudin cid ka mid ah Ahalka Dhulka iyo Samooyinka ee nool ama dhintay isaga maahee waayo waa kan keli ah kelida ah ee leh Sifaatka dhamaystiran oo dhan } yacni Wuxuu amray oo ku dardaarmay inaydaan caabudin cid kale isaga maahee taasuna waa macnaha "Laa Ilaaha ilaa Allaah" – "لا إله إلا الله" , waxay tahay Diidmo iyo Sugis, Diidmo aad Ilaahnimada u diidaysid cidaan Allaah ahayn iyo Sugis aad Ilaahnimada u sugaysid si dhab ah Allaah kelidiis subxaanahu watacaalaa, hadaba Ilaahnimada lagu sifayo cid aan Allaah casaa wajalaa ahayn waa Baadil waxaana Ilaahnimada iska leh Allaah kelidii waa Xaqq sugan oo uu leeyahay isagu subxaanahu watacaalaa siduu yidhi casaa wajalaa: {ذالك بأن الله هوالحق وأن ما يدعون من دونه هو الباطل [الحج:62] } {taas waxa weeye in Allaah casaa wajalaa uu yahay mid sugan oo jooga weligii aana suulayn waa kii horeeyay aan wax ka horeeyaa jirin kii dambayay oo aan wax ka dambaynayaa jirin leh Magacyada iyo Sifaatka dhamayska tiran oo leh wacdka runta ah ee uu yahay wacadkiisu Xaqq , Diintiisu tahay Xaqq, Caabudaadiisun Xaqq nafci leh oo jiraaya weligii, waxa ay caabudaayaan ee ah Sanamo, Andaad, Xayawaan, Dhir, ee ay tahay naftiisu Baadil, caabudaadiisuna tahay Baadil waayo waxay ku saabsan tahay wax suulaaya oo baaba’aya } hadaba Cibaadada waxaa leh Allaah kelidii iyada oo aan lagu lamaaninayn wax kasta oo ka sokeeya, siinta se ay siiyaan Gaaladu cid aan isaga ahayn subxaanahu taas waa Baadil iyo dhigis la dhigay meel aan meesheedii ahayn, Allaah tacaalaa Wuxuu yidhi : {يا أيها الناس اعبدوا ربكم الذى خلقكم والذين من قبلكم لعلكم تتقون [البقرة:221] } {Dad yohow caabuda Rabigiina waan Amar guud ahaaneed oo Dadka oo dhan ah waana Cibaada oo dhan in loo hugaansamo Amarada Allaah casaa wajalaa lagana fogaado wuxuu naga nahyiyay ama naga reebay waayo Rabigiin waa kii idin abuuray idinka oo ah waxaan jirin idinka iyo kuwii idinka horeeyayba si aad uga cabsootaan }, wuxuu kaloo ku yidhi subxaanahu Suurat Alfaatixah waana Suurata ugu wayn Suuratah ee: { [5 :الفاتحة] إياك نعبد وإياك نستعين} {adiga ayaan kugu gaar yeelaynaa kelida caabudaada oo adiga ayaanu kugu gaar yeelaynaa kelidaa kaalma waydiisashada}, wuxuu amray Allaah casaa wajalaa Mu’miniinta inay yidhaahdaan sidaas {إياك نعبد وإياك نستعين} yacni waxaanu caabudaynaa kelidaa oo waxaanu kaalmo waydiisanaynaa kelidaa, wuxuu kaloo yidhi casaa wajalaa: {واعبدوا الله ولا تشركوا به شئاً [النساء:36] } {Allaah casaa wajalaa wuxuu ku amrayaa Adoomihiisa inay isaga uu caabudaan dhamaan Cibaadooyinkoo dhan ha noqdeen kuwa muuqda iyo kuwa qarsoonba wuxuuna ka reebay ama ka nahyiyay in aanay cid la wadaajin Cibaadada oo ugu Shiriik yeelin}, wuxuu kaloo yidhi subxaanahu: {وما أمروا إلا ليعبدوا الله مخلصين له الدين حنفآء [البينه:5]} {Dadkana wax kale laguma amrin aan ahayn in ay caabudaan Allaah casaa wajalaa iyaga oo aan u badhax yeelayn oo ula jeeda Cibaadooyinkoodoo dhan ha noqdeen kuwa muuqda iyo kuwa qarsoonba Allaah casaa wajalaa dartiis iyaga oo ka dalbaya ku dhowaansho oo ka diidaya oo ka leexanayo dhamaan Diinaha khilaafsan Diinta Towxiidka}, wuxuu kalo yidhi casaa wajalaa: {فادعوا الله مخلصين له الدين ولو كره الكافرون [غافر:14] } {Allaah casaa wajalaa barya idinkoo ugu gaar yeelaya oo aan u badhax yeelaynin isaga Diinta, tan waxay koobaysaa Baryada cibaadada ah iyo Masa’ladahaba waa inaad Allaah subxaanahu watacaalaa dartiis ula jeedaa Cibaadooyinkoo dhan ha ahaadeen kuwa Waajib ah ama Mustaxaba ah ee, haba dhibsadeen ama ha karheen Gaaladu ee, ha ku dayanina oo yaanay taasu idinka leexin Diintiina waayo Gaaladu way dhibsadaan oo neceb yihiin in cibaadada Allaah subxaanahu watacaalaa loo gaar yeelo}, wuxuu kaloo yidhi subxaanahu watacaalaa: {فاعبدوا الله مخلصين له الدين ، ألا لله الدين الخالص[الزمر:2-3] } {caabud Allaah casaa wajalaa oo ku keli yeel tacaalaa oo u badhax tir isaga Diintaada oo dhan ha ahaato Sharciyaalka muuqda iyo kuwa qarsoonba sida Islaamka, Iimaanka iyo Ixsaanka waa inaad ku keli yeeltaa Allaah subxaanahu watacaalaa kelidii, allaa Diinta badhaxa tiran ee aan lahayn wax ceeb ah ee dhamays tiran waxaa iska leh Allaah casaa wajalaa }, Aayatahan iyo kuwa kalee Faraha badani dhamaantood waxay cadaynayaan inuu subxaanahu watacaalaa uu yahay kan istaahila caabudaada ee mustaxaqqa ah oo aanay kuwuu abuuray taas u lahayn wax nasiib ah, waana taas macnaha laa Ilaaha ilaa Allaah tafsiirkeeda iyo xaqiiqadeeda waxay khaas u tahay caabudaada dhab ahaan Allaah casaa wajalaa kelidii iyo in loo diido si dhab ah cidaan isaga ahayn, waxana la og yahay in caabudaada Allaah subxaanahu watacaalaa cidaan ahayn ay tahay wax jira waxaa la caabuday Sanamo iyo Wasano Allaah casaa wajalaa sokadiisa, waxaa la caabuday Fircoon Allaah sokadii, waxaa la caabuday Malaa’ik Allaah sokadii, waxaa la caabuday Rasuulo Allaah sokadii, waxaa la caabuday Dadkii wanwanaagsanaa Allaah sokadii, waxaasi oo dhami way dhaceen laakiin waa baadil waxayna khilaafsantahay Xaqqa iyo kan ay tahay in la caabudo si dhab ah waana Allaah kelidii subxaanahu watacaalaa, Kelmeda laa Ilaah ilaa Allaahna waa diidis iyo sugis sidaan hore u soo sheegnay, in loo diido caabudaada dhabta ah wixii Allaah ka sokeeya ciduu doono ha noqdee iyo in loo sugo caabudaada Allaah casaa wajalaa kelidii si dhab ah siduu yidhi jalaa wacalaa isagoo inooka waramaya Ibraahiim Alkhaliil calayhi salaam in uu ku yidhi Aabihii iyo Qoomkiisii: {إننى برآء مما تعبدون ، إلا الذى فطرني فإنه سيهدين، وجعلها كلمة باقية في عقبه لعلهم يرجعون [الزخرف:26-28]} {Allaah subxaanahu watacaalaa wuxuu inooga waramay Miladii Ibraahiim Alkhaliil calayhi salaam oo ay u nisba sheegtaan Ahalka Kitaabku iyo Mushrikiintuba oo mid waliba ku doodayo inay iyagu Dariiqadiisii ku socdaan, markaa Allaah casaa wajalaa wuxuu inoo sheegay Diintiisii uu dhaxal siiyay Duriyadiisa wuxuuna yidhi markuu Ibraahiim calayhi salaam ku yidhi Aabihii iyo Qoomkiisii ka yeeshay Allaah casaa wajalaa sokadiisa Ilaahyo ay caabudaan oo ugu dhowaadaan, anigu waxaan ka beri ahay oo ka fogaanayaa oo colaadinaya Ahalkiisa waxaad caabudaysaan aan ahayn kii I abuuray isaga ayaan Weli ka yeelanayaa waxaana ka rajaynayaa inuu igu hanuuniyo Cilmiga xaqqa ah iyo camal falkiisa waayo siduu ii abuuray oo iigu deberay wixii u wanaagsan Jidhkayga iyo Dunidayda ayuu iigu hadayn wixii u wanaagsan Diintayda iyo Aakhiradayda wuxuuna ka dhigay Ibraahiim Alkhaliil Kelmedatan wanaagsan oo ah Hooyadii iyo Aasaaskii Kelmedaha waxayna tahay in loogu gaar yeelo caabudaada Allaah jalaa wacalaa kelidii lagana beri yeesho caabudaada wixii isaga ka sokeeya, mid ku hadha Duriyadiisa si ay ugu noqdaan ku caan bixi uu ku caan baxay iyo dardaarankii uu kula dardaarmay Duriyadiisa awgeed }, wuxuu kaloo yidhi subxaanahu watacaalaa: {قد كانت لكم أسوة حسنة في إبراهيم والذين معه إذ قالوا لقومهم إنا برءآؤ منكم ومما تعبدون من دون الله كفرنا بكم وبدا بيننا وبينكم العدواة والبغضآء أبداً حتى تؤمنوا بالله وحده [الممتحنة:4]} {waxay ku dayasho wanaagsani idiinku sugnaatay Mu’miniintow Ibraahim calayhi salaam iyo Mu’miniintii raacday waayo waxaa laydinku amray inaad raacdaan Miladii Ibraahiim calayhi salaam ee toosnayd, markay ku yidhaahdeen Qoomkoodii waanu idinka beri yeelanay idinka iyo waxaad caabudaysaanba Allaah jalaa wacalaa sokadiisa waanu idinka kufrinay waxaana dhexdeena ahaatay colaad iyo is necebaysi weligeenba ilaa aad rumaysaan oo caabudaan Allaah jalaa wacalaa kelidii}, kaas weeye hadalkii Rasuulada dhamaantood waayo hadalkiisa subxaanahu: {قد كانت لكم أسوة حسنة في إبراهيم والذين معه } waxa loo la jeedaa Rasuuladii oo dhan waana iyaga kuwa la socday koodii u horeeyay ilaa koodii u dambayay Dacwadooduna waa Dacwadiisii Kelmedooduna waxay ahayd inay ka beri yeeshaan caabudaada wax Allaah jalaa wacalaa ka sokeeya iyo kuwa la caabudo Allaah sokadii ee in la caabudo raaliga ku noqda oo ugu yeedha, Mu’minku wuxuu ka beri yeeshay iyaga waana diiday Caabudaadooda oo inkiray wuxuuna rumayay Allaah kelidii inuu yahay kan keli ah ee caabudaadiisu xaqq tahay subxaanahu watacaalaa, sidaas ayuu u yidhi subxaanahu Aayatii hore Ibraahiim inuu ku yidhi Aabihii iyo Qoomkiisii: {إننى برآء مما تعبدون ، إلا الذى فطرني} {tafsiirkeeda waan soo sheegnay}, waa Allaah subxaanahu watacaalaa kii abuuray oo abuuray qayrkiis sidaas ayaanu uga beri yeelanayn caabudaadiisa ee wuxuu ka beriyeelanayaa caabudaada qayrkii, markaa beri yeelashadu waxay noqon caabudaada qayrkii subxaanahu, kii abuuray Adoomaha ee abuuray iyagoo aan ahayn wax jira ee siiyay nimcooyinka ayaa istaahila oo mustxaq ah caabudaada subxaanahu watacaalaa, kaas weeye tay muujinaysa Kelmedatanu macna ahaan iyo faham ahaanba, xaqiiqadeeduna waa ka beri yeelasho caabudaada Allaah qayrkii iyo inaad diido inkirto oo xumaysato oo ictiqaado inay baadil tahay, aadna rumaysto inay caabudaadu xaqq Allaah jalaa wacalaa iska leeyahay kelidii subxaanahu watacaalaa waana kaa macnaha hadalka Allaah jalaa wacalaa: {فمن يكفر بالطاغوت ويؤمن بالله فقد استمسك بالعروة الوثقى لا انفصام لها [البقرة:256]} {cidii ku kufrida ama ka tagta Daaquudka oo ah wixii la caabudo dhamaan Allaah jalaa wacalaa sokadiisa, oo rumaya Allaah wuxuu qabsaday Guntubtii Xadhiga adag ee aan go’ayn waana waxana taas looga jeedaa Islaamka}, macnaha inuu ku kufriyo Daaquutkuna waa inuu diido oo necbaysto caabudaada Daaquutka oo ka beri yeesho, Daaquutkuna waa magac wax kasta oo la caabudo Allaah sokadii, markaa mid walba oo la caabudo Allaah sokadii waxaa lagu magcaabaa Daaquut, Sanamada, Dhirta, Dhagxanta iyo Xidigaha la caabudo Allaah sokadii dhamaantood waa Daaquutyo, sidaas oo kale kii la caabudo isagoo raali ka ah sida Fircoon, Namruud iyo kuwa la midka ah waxa la odhanayaa waa Daaquut, sidaas oo kale Shaydaanadu waa Daaquutyo waayo waxay ku baaqaan Shirkiga, hase yeeshee kii la caabudo oo aan raali ka ahayn sida Nibiyaalada, Dadka wanwanaagsan iyo Malaa’ikta kuwaasu may aha Daaquutyo ee Daaquutyadu waa Shaydaanka ugu yeedhaya in la caabudo oo ah Jinka iyo Insigaba, hase yeeshee Rasuulada, Nebiyaalka, Dadka wanwanaagsan iyo Malaa’ikta taas berii bay ka yihiin oo may aha Daaquutyo waayo way diideen oo waa inkireen in la caabudo waana ka digeen waxayna cadayeen in ay caabudaadu tahay Xaqq Allaah iska leeyahay kelidii subxaanahu watacaalaa siduu yidhi jala wacalaa: {فمن يكفر بالطاغوت } yacni diida oo inkira caabudaada waxaan Allaah ahayn oo ka beri yeesha oo jaaxida oo cadaya inay tahay baadil {ويؤمن بالله } yacni rumaya in uu Allaah yahay kan la caabudo ee dhabta ah iyo inuu yahay kan istaahila caabudaada iyo inuu yahay Rabiga Caalamiinka oo dhan iyo inuu yahay abuure ogaal badan Rabiga shay kasta iyo kan iska leh Caalamka iyo shay kastaba oo uu yahay kan aan cidna loodin karayn ee isagu siduu doono ugu tasarufay ee ka sareeya Adoomihiisa wuxuuna ku sugan yahay Carshiga korkiisa Samooyinka korkooda subxaanahu watacaalaa, ogaalkiisuna wuxuu gaadhsan yahay meel kasta isaga oo keli ah baana istaahila in la caabudo jalaa wacalaa, Iimaankuna ma sugna saxna maaha ilaa la helo ka beri yeelasho caabudaada waxaan Allaah ahayn iyo la diido oo la inkiro oo la necbaysto oo la ictiqaado inay baadil tahay oo la rumeeyo in Allaah uu yahay ka istaahilka ama mustaxaqqa ah in la caabudo subxaanahu watacaalaa, waana kaa macnaha hadalkiisa subxaanahu watacaalaa ee Suurat Alxaj: {ذالك بأن الله هو الحق وأن ما يدعون من دونه هو الباطل} iyo Suurat Luqmaan: {ذالك بأن الله هو الحق وأن ما يدعون من دونه الباطل [لقمان:30]} iyo hadalkiisa subxaanahu: {يا أيها الناس اعبدوا ربكم [البقرة:21] } iyo hadalkiisa jalaa wacalaa: {وعبدوا الله ولا تشركوا به شيئاً [النساء:36] } iyo hadalkiisa jalaa wacalaa: {وما أمروا إلا ليعبدوا الله مخلصين له الدين حنفآء [البينه:5] } iyo Aayatka kale ee la midka ah dhamaana Aaytkan waan soo sheegnay tafsiirkoodii
Waxay ahaayeen Dadku waagii Aadam calayhi salaam iyo dabadiis ilaa iyo toban Qarni dhamaantood kuwa ku sugan Towxiidka Allaah siduu yidhi Ibin Cabaas radiya Allaahu canhumaa, dabadeed ayuu ka dhex dhacay Shirkigu Qoomkii Nuux calayhi salaam markaas waxay la caabudeen Allaah Wada, Suwaac, Yaaquus iyo Yaacuuq iyo Nasraa siduu Allaah inoogu sheegay taas Suurat Nuux, markaas ayaa Allaah u soo diray iyaga Nuux calayhi salaatu wasalaam suu ugu yeedho Towxiidka Allaah jalaa wacalaa oo uga digo Niqimada Allaah iyo ciqaabtiisa, waxay se ku sii socdeen qooqii ama kibirkii iyo kufrinimadii iyo baadinimadoodii kamana ay rumayn iyaga in yar mooyaane badankoodii way ka kibireen taas siduu inoogu sheegay Allaah jala wacalaa Kitaabkiisa wayn, markaas maxaa Allaah ku samayay? Wuxuu ku samayay wuxuu inoogu cadayay Kitaabkiisa wayn oo ah inuu ku halaagay Duufaan waana Biyaha caamka ah ee buuxiyay Dhulka ee kor maray Buuraha oo uu Allaah ku qarqiyay cidii ka kufriday Allaah jalaa wacalaa oo caasiday Rasuulkiisii Nuux kamana badbaadin cid ahayn intii kula jirtay Nuux Doonida siduu yidhi subxaanahu: {فأنجيناه وأصحاب السفينة وجعلناها آية للعالمين [العنكبوت:15] } {waxaanu badbaadinay isaga iyo kuwii la raacay Nuux calayhi salaam Doonta oo ah Ahalkiisii iyo intii rumaysay waxaana ka yeelay Doontii Sheekadii ama Qisadii Nuux mid ay ku cibrad qaataan Caalamiinku in cidii beenisa Rasuulada ay u dambayn Halaag, Mu’miniintana uu Allaah jalaa wacalaa uga yeeli Hami kasta faraj, diiq kastana oo ka hor yimaadana meel uu ka baxo, hadana wuxuu ka yeelay Allaah jalaa wacalaa Doontii mid ay ku cibrad qaataan Caalamiinku oo ku ogaadaan raxmada Allaah u leeyahay ee uu ku xidhay sababaheed iyo in uu u sahlay amarkeeda oo ka dhigay inay u qaado iyaga iyo Alaabtooda meel ilaa meel iyo Wadan ilaa Wadan kale}, taasuna waa ciqaabtoodii loo soo dedejiyay Aduunka waxayna lee yihiin ciqaab kale oo Aakhiro ah waana Cadaabta Naarta Maalinta Qiyaamaha, Allaah waxaan waydiisanaynaa Caafiyad, hadana waxaa yimi Qoomkii Caad taas dabadeed Allaah jalaa wacalaa wuxuu u soo diray Huud Nuux dabadii, waxay mareen halkii ay mareen kuwii ka horeeyay ee Qoomkii Nuux xaga cinaadka iyo ku kufriga Allaah jalaa wacalaa iyo lunsanaanta, markaas ayaa Allaah u soo diray iyaga Dabayshii ma dhalayska ahayd wayna halaagmeen ilaa iyo koodii u dambayay cidna kama badbaadin iyaga aan ahayn ilaa intii rumaysay Huud waana intii yarayd, hadana waxaa yimi dabadeed Qoomkii Saalax waana Samuud iyana waxay mareen halkii ay mareen labadii Ummadood ee ka horeeyay Ummadii Nuux iyo Ummadii Huud way caasiyeen Rasuuladii waana ka kibireen Xaqqii Allaah jalaa wacalaa markaa wuxuu ku ciqaabay Qaylo iyo Arjumaad laga soo arjumay Samada ilaa ay halaagmeen ilaa iyo koodii u dambayay cidna kama badbaadin ilaa intii rumaysay Nebigoodii Saalax calayhi salaatu wasalaam maahee, hadana waxa yimi dabadood Ummada kale , Ummadii Ibraahiim, Ummadii Luud iyo Shucayb iyo Ummadii yacquub iyo Isxaaq iyo Yuusuf, hadana waxaa yimi dabadood Muuse iyo Haaruun iyo Daa’uud iyo Sulaymaan iyo qayrkoodba oo ahaa Nebiyaal dhamaantoodna waxay ugu yeedhayeen Dadka Towxiidka Allaah [inay ugu gaar yeelaan caabudaada Allaah kelidii] sidii lagu amray, wuxuu yidhi Allaah tacaalaa: {ولقد بعثنا في كل أمة رسولاً أن اعبدوا الله واجتنبوا الطاغوت [النحل:36] } {Allaah jalaa wacalaa wuxuu inooga waramayaa inay xujadu ku oogantahay dhamaan Ummadaha oo dhan mana jirto Ummada ama ha horayso ama ha dambaysee aan Allaah jalaa wacalaa ka soo dhex saarin Rasuul oo u soo dirin, dhamaantoodna Rasuuladaas waxay isku waafaqeen oo lagu soo amray inay Dadka gaadhsiiyaan Dacwad keli ah iyo Diin keli ah waana in la caabudo Allaah kelidii lagana fogaado ama laga dheeraado caabudaada Daaquutka ama wixii Allaah ka sokeeya}, wuxuu kaloo Allaah tacaalaa yidhi: {وما أرسلنا من قبلك من رسولٍ إلا نوحي إليه أنه لآ إله إلآ أنا فاعبدون [الأنبياء:25]} {Allaah jalaa wacalaa isagoo u waramaya Rasuulkiisa Maxamed sala Allaah calayhi wasalam wuxuu yidhi: maanaan soo dirin hortaa Rasuul aanaan u waxyoon isaga in aanu jirin Jiritaanka Ilaah xaqq lagu caabudaa oo aan ahayn Aniga ee I caabud, dhamaan Rasuuladii kaa horeeyay iyo Kutubtoodiiba ubucda Risaaladooda iyo Asalkeeduba waxay ahayd Amarka ah in la caabudo Allaah jala wacalaa kelidii oo aan loo yeelin wax shiriika ah iyo inay cadayaan in uu yahay Ilaaha xaqqa ah ee la caabudo iyo in caabudaada waxaan isaga ahayni ay tahay baadil}, dhamaantood way guteen wixii loo soo diray ee gaadhsiin iyo cadaynba ahayd calayhim salaatu wasalaam way gaadhsiiyeen Risaaladii waana guteen Amaanadii waana u nasiixayeen Ummadii wayna u cadayeen macnaha Kelmeda: " laa Ilaaha ilaa Allaah" waxayna cadayeen inay Waajib tahay in loogu gaar yeelo caabudaada Allaah kelidii iyo inuu isagu yahay kan istaahila oo kaga xaqq leh caabudaada waxaan isaga ahayn oo dhan iyo in Dhirta, Dhagxaanta, Sanamada, Xidigaha, Jinka iyo Insiga iyo iwm ee ah kuwa la abuuray dhamaantood aanay u qalmin caabudaada waayo waxaa Waajib ah in loo samayo Allaah jalaa wacalaa kelidii. Markii Fircoon qooqay ee xadgudbay oo cinaaday Muusa calayhi salaam ee uu u soo baxay inuu dilo wuxuu u socodsiiyay Allaah jalaa wacalaa xaga Bada oo uu ku qarqiyay isaga iyo wixii la socdayba Ilbidhiqsi keli ah, taas waa Cadaab loo soo dedejiyay waan qarqinta waxana uga dambayn Cadaabta Naarta, waxaan waydiisan Allaah Caafiyad iyo nabad gelyo.
Nebigeenii Maxamed sala Allaahu calayhi wasalam wuxuu ugu yeedhay Dadka inay caabudaan Allaah wuxuuna ugu bishaarayay Jano kii rumaya wuxuuna uga digay Naarta kii ka kufriya, waxaa rumaysay intii rumaysay waana in yar Reer Makka dabadeedna dhibtii la dhibay isaga iyo Asxaabtiisa awgeed ayaa Allaah ku amray inay u hijroodaan ilaa iyo Madiinah, wuuna u hijrooday isaga iyo intii rumaysay ee kari karaysay Hijrada markaas ayay noqotay Madiinah Daartii Hijrada iyo Caasimadii kowaad ee Muslimiinta, waxaana ku fiday Diintii Allaah waxaana laga oogay Suuqii Jihaadka Tacab aad u wayn dabadiis iyo iyadoo ay aad u dhibeen Quraysh iyo qayrkoodba Rasuulka Allaah sala Allaahu calayhi wasalam iyo Mu’miniintii la socotay ee Reer Makka, waxaas oo dhan waxay u dhaceen Kelmedan awgeed ah " laa Ilaaha ilaa Allaah" ee ay Rasuuladu ugu yeedheen Dadka Maxamedna oo ahaa khaatumahoodii calayhi salaatu wasalaam taas ayuu ugu yeedhay, wuxuu ugu yeedhaayay in la rumayo iyada oo macnaheeda la ictiqaado iyo in layska daayo Ilaahyada kale ee la caabudaayay Allaah sokadii oo la diido ama la inkiro oo loo badhax tiro ama loo gaar yeelo caabudaada Allaah kelidii, Mushrikiintuna way diidayeen taas waxayna odhanayeen inay iyagu ku soconayaan Dariiqyadii kuwii ka horeeyay waxayna odhanayeen siduu subxaanahu inooga waramay: {إنا وجدنا آباءنا على أمة وإنا على آثارهم مقتدون [الزخرف:23] } {anagu waxaan ka helay Aabayaalkayo Milad ama Diin anaguna iyaga ayaan kaga dayanaynaa oo raacayna Jidkii ay mareen, hadaba ku xujaysadkan Mushrikiintaa lunsan ay ku xujaysanayaan inay ku dayanaayaan Aabayaashoodii lunsanaa ula jeedadiisu maaha inay xaqq iyo hanuun ku hogaansan yihiin ee bal waa tacasub ay u tacasubayaan baadilka ay haystaan}, hadaba Ummadii Carabeed ee loo soo diray Nebiga sala Allaahu calayhi wasalam waxay mareen Jidkii ay mareen kuwii ka horayay xaga Cinaadka iyo Kufriga iyo Lunsanaanta iyo Beentaba, Nebigiina sala Allaahu calayhi wasalam mudo saddex iyo toban Sanadood ah ayuu Makka ugu yeedhaayay Towxiidka Allaah iyo inay ka tagaan ama iska daayaan u shirki yeelista Allaah jalaa wacalaa mana ay rumaynin isaga in yar maahee, sidaas oo kale ka dib Hijradii ilaa iyo Madiinah waxay ku sii socdeen xadgudubkoodii iyo qooqoodii wayna la dagaalameen Maalintii Badar, Maalintii Uxud iyo Maalintii Alaxsaab kufrinimo, cinaad iyo lunsanaan awgeed, waxaa taageeray wixii taageertayay ee Kufaarta Carabta ka mid ahayd, laakiin Allaah karitaankiisa ayaa waynaa ee wuxuu ayiday Nebigiisa iyo Mu’miniinta waana u gargaaray wixii dhacay Maalintii Badar iyo Jabistii cadawga Allaah iyo guushii Awliyada Allaah, dabadeedna waxa dhacay wixii dhacay Maalintii Uxud ee ahaa Imtixaankii Allaah u qoray Adoomihiisa waxana dhacay wixii dhacay ee ahaa Dhaawac iyo Dhimasho ku dhacay Muslimiinta sababtana uu inoogu cadayay Kitaabkiisa wayn subxaanahu watacaalaa, dabadeedna waxaa timi waqcadii Alaxsaab ee dhex martay Rasuulka sala Allaahu calayhi wasalam iyo Ahalkii Kufriga, Allaah wuxuu cisayay ama quwayay Askartiisii wuxuuna u hiiliyay Adoonkiisii, wuxuuna ku soo dejiyay dhibtiisii Gaalada dibayna ula noqdeen guul daraysi maanay helin wax khayr ah, Allaah jalaa wacalaa ayaa uga hiiliyay Muslimiinta Cadawyaalkoodii, taas dabadeedna waxaa timi Dagaalkii Alxudaybiyah Sanadkii lixaad ee Hijrada waxana dhacay wixii dhacay ee heshiis dhex maray Rasuulka sala Allaahu calayhi wasalam iyo Ahalkii Makka iyo la qaboojiyo dagaalka Muddo toban Sano ah si ay u helaan nabad Dadka oo la xidhiidhaan qaarba qaarka kale oo ay u dhowraan Dacwadiisa sala Allaahu calayhi wasalam iyo wixii uu la yimi ee Hanuun ahaa, dabadeedna ay buriyeen Qurayshi Cahadkii ama Balankii markaas ayuu Dagaal ku qaaday Nebigu sala Allaahu calayhi wasalam Sanadkii sideedaad ee Hijrada bishii Ramadaan, wuxuu u furay Allaah isaga Makka Dadkiina u soo galay Diinta Allaah Cuntub Cuntub mahadaa Allaah jalaa wacalaa ayaa iska leh.
Hadaba Diintatan wayni waana Islaamka ee wuxuu Ahalkiisa uga baahan yahay sabir iyo inay ku sabraan iyo inay u badhax tiraan Allaah iyo inay ugu yeedhaan oo rumayaan isaga iyo Rasuuladiisii iyo inay ku joogaan Xuduudiisa oo ka tagaan ka nahyiyay ama u diiday iyaga casaa wajalaa, taas weeye Diinta Allaah ee uu ku soo diray Rasuuladiisa oo ku soo dejiyay Kitaabkiisa waana Diinta uu ku soo diray Maxamed sala Allaahu calayhi wasalam waana in la keliyayo Allaah oo loo badhax tiro iyo in la rumayo Rasuulkiisa Maxamed sala Allaahu calayhi wasalam iyo in loo hugaansamao Shareecadiisa Hadal ahaan, Camal ahaan iyo Caqiida ahaanba, Asalkiisa iyo Aasaaskiisuna waa Shahaadatu an laa Ilaaha ilaa Allaah ee uu Allaah ku soo diray dhamaan Rasuuladii ma jiro Islaam iyada la’aanteed laga soo bilaabo Waqtigii Nuux calayhi salaam ilaa Waqtigii Maxamed sala Allaahu calayhi wasalam ma jiro Islaam la’aanteed Kelmedatan: "laa Ilaaha ilaa Allaah" Hadal ahaan iyo Camal ahaan iyo Caqiida ahaanba yacni wuxuu ku odhanayaa "laa Ilaaha ilaa Allaah" Carabkiisa oo wuxuu ka rumaynaya Qalbigiisa iyo Camaladiisa wuxuu keliyaynayaa Allaah subxaanahu watacaalaa wuxuu ugu gaar yeelayaa ama u badhax tirayaa Caabudaada wuxuuna ka beri yeelanayaa caabudaada wixii Allaah ka sokeeya waxana laabud ah inay taas raacdo Shahaadada Nebiga inaad ugu markhaanti kacdo Risaalada sala Allaahu calayhi wasalam waxaana laabud ah inaad rumayso Allaah kelidii iyo inaad u gaar yeeshid isaga caabudaada, waxa iyana laabud ah inaad rumayso Rasuulada la soo diray laga bilaabo Waqtigii Nuux ilaa Waqtigii Maxamed sala Allaahu calayhi wasalam, laabud waxa ah inay la socato Shahaadada "laa Ilaah ilaa Allaah"
"لا إله إلا الله" iyo rumaynta Allaah inaad rumayso Nuux calayhi salaatu wasalaam ma jiro Islaam ilaa taas mooyaane, Waqtigii Huudna sidoo kale ma jiro Islaam inaad rumayso Huud mooyaane calayhi salaatu wasalaam oo ay la socoto keliyaynta Allaah iyo inaad u gaar yeelto caabudaada oo aad rumayso macnaha "laa Ilaah ilaa Allaah" , sidoo kale Waqtigii Saalax ma jiro Islaam taas mooyaane, in Allaah la keliyayo oo loo gaar yeelo caabudaada iyo in Saalax la rumayo inuu yahay Rasuul xaqq ah calayhi salaatu wasalaam, sidaas oo kale dabadood Nebi kasta oo loo soo diray Ummadiisa, waxa laabud ah Islaamnimada in la keliyayo Allaah iyo in la rumayo Rasuulkaa la soo diray iyo la rumaysto kii ugu dambeeyayna wuxuu ahaa Ciisa Ibin Maryam calayhi salaatu wasalaam wuxuu ahaa kii ugu dambeeyay Nebiyadii Benii Israa’iil iyo kii ugu dambeeyay Nebiyada ka hor Maxamed sala Allaahu calayhi wasalam, ma jiro Islaam ilaa isaga cidii rumaysay maahee oo raacday wixii uu la yimi, hadaba iyada oo ay inkireen ama diideen Yuhuudi oo beeniyeen waxay sidaas ku noqdeen Gaalo, dabadeed ayaa Allaah soo diray Maxamed sala Allaahu calayhi wasalam kii soo khatimay Nebiyada iyo kii ugu dambeeyay, wuxuuna ka yeelay in gelitaanka Islaamku aanu dhamayn saxna ahayn ilaa in la rumayo isaga maahee sala Allaahu calayhi wasalam, hadaba waxa laabud ah in la keliyayo jalaa wacalaa iyo in la rumayo Kelmedatan waana "laa Ilaaha ilaa Allaah" "لا إله إلا الله" iyo in la ictiqaado macnaheeda iyo in macnaheedu yahay in la keliyayo Allaah jalaa wacalaa oo lagu keliyayo caabudaada oo loogaga gaar yeelo wax kasta oo ka sokeeya iyadoo la raacinayo rumaynta Rasuulkiisa Maxamed sala Allaahu calayhi wasalam iyo inuu yahay kii lagu khatimay Nebiyaalka oo aanu jirin Nebi ka dambeeyaa, sidaas ayuu baray Rasuulku sala Allaahu calayhi wasalam Ummadiisa, sidaas buuna muujiyey Kitaabka Allaah, sidaas oo kale wuxuu yidhi tacaalaa: {ليس البر أن تولوا وجوهكم قبل المشرق والمغرب ولكن البر من آمن بالله واليوم الآخر والملائكة والكتاب والنبيين [البقرة:177]} {maaha sama falka looga jeedaa Adoomaha baadh baadhista badan iyo Muranka isku kalifidooda ee aanay ka hoosaynin kala tag iyo is khilaaf uun maahee, laakiin se Samafale waa kii rumayay in Allaah jalaa wacalaa uu yahay keli oo ku sifoobo Sifa kasta oo dhamaystiran oo uu ka nasahan yahay wax kasta oo nuqsaan ah, iyo Maalinta dambe yacni Qiyaamaha waana wax allaale iyo wixii Allaah inooku sheegay Kitaabkiisa ama uu inooka waramay Rasuulku ee noqon doon Geerida ka dib, iyo Malaa’ikta uu Allaah inoogu sifeeyay Kitaabkiisa uuna inoo Sifeeyo Rasuulku sala Allaahu calayhi wasalam, iyo Kutubta oo ah dhamaan Kutubtii Allaah jala wacalaa ku soo dejiyay Rasuulada kan ugu waynina uu yahay Quraanka inay rumayaan waxay koobayso ee Akhbaar iyo Axkaamba ah, iyo Nebiyaalka guud ahaan gaar ahaana kii lagu soo khatimay ee u fadliga badnaa Maxamed sala Allaahu calayhi wasalam}, waxa laabud ah in la rumayo Nebiyaalka dhamaan oo kii u dambeeyay yahay Maxamed sala Allaahu calayhi wasalam, markuu su’aalay Jibriil Nebiga sala Allaahu calayhi wasalam Iimaanka wuxuu yidhi: [أن تؤمن بالله وملائكته وكتبه ورسله واليوم الأخر ، وتؤمن بالقدر خيره وشره] [inaad rumayso Allaah jala wacalaa oo aad caabudaada u badhax tirto, iyo Malaa’iktiisa Allaah inoogu sifeeyay Kitaabkiisa Rasuulkiisuna inoo sifeeyay iyo Kutubtiisa oo ah dhamaan Kutubtii Allaah Jalaa wacalaa ku soo dejiyay Rasuulada kan ugu waynina yahay Quraanka iyo Rasuuladiisa oo ah dhamaan Rasuuladii Allaah jalaa wacalaa soo diray guud ahaan gaar ahaana kii lagu soo khatimay ee ugu fadliga badnaa Maxamed sala Allaahu calayhi wasalam iyo Maalinta dambe yacni Maalinta Qiyaamaha waana dhamaan wixii Allaah jalaa wacalaa inoogu sheegay Kitaabkiisa oo inooga waramay Rasuulkiisu sala Allaahu calayhi wasalam ee noqon doona Geerida ka dib iyo inaad rumayso Qadarka Allaah jalaa wacalaa u qadaray Adoomihiisa wuxuu Khayr leeyahay iyo wuxuu Shar ah ee uu leeyahayba].Hadaba waxaa laabud ah inay raacdo Islaamnimada Shahaadada "ah laa Ilaaha ilaa Allaah wa ana Maxameda Rasuulu Allaah" "
أن لآ إله إلا الله وأن محمداً رسول الله" oo la raaciyo rumayn dhamaan Malaa’ikta iyo Kutubtii lagu soo dejiyay Nebiyada iyo Rasuulada calayhim salaatu wasalaam dhamaan, waxaana laabud ah in la rumayo Qadarka Khayrkiisa iyo Sharkiisaba iyo in la rumayo Maalinta dambe iyo isa soo saaritaanka Geerida dabadeed iyo Janada iyo Naarta iyo inay taasu tahay xaqq laabuda ah, laakiin Asalka taas iyo Aasaaskeedu waa rumaynta Allaah kelidii iyo inuu isagu yahay kan u qalma caabudaada, kaas weeye Asalku , waana kaas Aasaasku wixii hadhayna waxay raacsan yihiin kaas, hadaba kii doonaya inuu soo galo Islaamka oo ku toosnaado oo ku guulaysto Janada kana badbaado Naarta oo uu ka mid noqdo kuwa raacay Maxamed sala Allaahu calayhi wasalam ee leegu yeedhay Janada iyo karaamada uma ay dhamaanayso ama uma suura gelayso taasu ilaa uu xaqiijiyo Shahaadatu "an laa Ilaaha ilaa Allaah wa ana Maxameda Rasuulu Allaah" " أن لآ إله إلا الله وأن محمداً رسول الله"
Xaqiijinta labada Shahaado
Xaqiijinta tan hore: waana "laa Ilaaha ilaa Allaah" "
لآ إله إلا الله" oo ah inaad ku keliyayso caabudaada Allaah uguna gaar yeeshid iyo inaad rumayso wax kasta oo Allaah jalaa wacalaa inooka waramay iyo Rasuulkiisu sala Allaahu calayhi wasalam oo ah Arimaha Janada iyo Naarta iyo Malaa’ikta iyo Kutubta iyo Rasuulada iyo Maalinta dambe iyo Qadarka Khayrkiisa iyo SharkiisabaXaqiijinta tan dambena: waa inaad rumaysaa isaga sala Allaahu calayhi wasalam inuu yahay Adoonkii Allaah iyo Rasuulkiisii uu u soo diray Dadka dhamaan ilaa iyo Jinka iyo Insigaba si uu ugu yeedho ilaa iyo keliyaynta Allaah jalaa wacalaa iyo inay rumayaan isaga oo ay raacaan wuxuu ula yimi Rasuulka sala Allaahu calayhi wasalam oo ay raaciyaan rumayn dhamaan Rasuuladii iyo Nebiyadii hore hadana taas dabadeed rumayaan Sharciyaalka Allaah ee uu u sharciyay Adoomihiisa taas oo ay ka qaadanayaan Rasuulkiisa Maxamed sala Allaahu calayhi wasalam waa inay qaataan oo qabsadaan ha ahaato Salaat iyo Sakaat iyo Soom iyo Xaj iyo Jihaad iwm. Wuxuu ahaa sala Allaahu calayhi wasalam mid hadii la waydiiyo Camal gelinaaya Adoonka Janada oo ka badbaadinaaya Naarta kii ku yidhaahda: "waa inaad qirtaa in aanu jirin Jirtaanka Ilaah xaqq lagu caabudaa Allaah mooyaane iyo inuu yahay Maxamed Rasuulkii Allaah" "
تشهد أن لا إله إلا الله وأن محمداً رسول الله" "tashhadu an laa Ilaaha ilaa Allaah wa ana Maxameda Rasuulu Allaah" waxaba dhici karta inuu ku yidhi: "caabud Allaah hana ugu shiriik yeelin isaga Shayna" "تعبد الله ولا تشرك به شيئاً" wuxuu u cabiray isagu macnihii waayo macnaha "Shahaadatu an laa Ilaaha ilaa Allaah" waa inaad caabudo Allaah oo aanad ugu shiriik yeelin isaga Shayna, sidaas darteed markuu waydiiyay Jibriil calayhi Asalaam Xadiiskii Abu Hurayra radiya Allaahu canhu wuxuu yidhi: Rasuulkii Allaahow iiga waran ama ii sheeg Islaamka? Wuxuu yidhi sala Allaahu calayhi wasalam: Islaamku waa in aad Allaah caabudaa isaga oo aanad ugu shiriik yeelin Shayna, Xadiiskii Cumarna radiya Allaahu canhu wuxuu yidhi sala Allaahu calayhi wasalam: Islaamku waa inaad qirtaa in aanu jirin Jiritaanka Ilaah xaqq lagu caabudaa Allaah mooyee iyo inuu yahay Maxamed Rasuulkii Allaah " الإسلام أن تشهد أن لآ إله إلا الله وأن محمد رسول الله" Xadiiskanu wuxuu fasirayaa kii hore waayo "shahaadat an laa Ilaaha ilaa Allaah" macnaheedu waa ku keliyayn Allaah caabudaada waana kaas caabudaada Allaah iyo in aanad u shiriik yeelin isaga oo aad raaciso rumayn Rasuulkiisa sala Allaahu calayhi wasalam, waxaana u yimid Nin markaas ayuu yidhi: Rasuulkii Allaahow waxaad I tustaa Camal aan Janada ku galo Naartana kaga badbaado, wuxuu ku yidhi: "caabud Allaah hana ugu shiriik yeelin isaga Shayna" dabadeedna hadana wuxuu ku yidhi: "وتقيم الصلاة إلى أخره"ثم قال "تعبد الله ولا تشرك به شيئاً " "iyo Salaada oo aad oogto" ilaa iyo halka uu ku dhamaado Xadiisku.Hadaba caabudaada Allaah jalaa wacalaa iyo inaan loo yeelin wax shiriika ah isaga kaas weeye macnaha "laa Ilaaha ilaa Allaah", wuxuu yidhi Allaah tacaalaa: {فاعلم أنه لآ إله إلآ الله واستغفر لذنبك [محمد:19] } {waxaad ogaataa Maxamedow sala Allaahu calayhi wasalam in aanu jirin Jiritaanka Allaah xaqq lagu caabudaa oo aan ahayn Allaah, denbi dhaafna waydiiso, waxaa laabud ah inay taas ku degto Qalbiga oo uu ogaado waxa laga dalbay ogaansheheeda uuna ku camal falo, ogaalkaa ama Cilmigaa uu Allaah amrayna waa Cilmiga Towxiidka Allaah jalaa wacalaa waana Fard Alcayn ayuu ku yahay Qof kasta }, yacni waxaad ogaataa inuu yahay kan istaahila caabudaada iyo inaanu caabudaad lahayn qayrkii bal isaga ayaa istaahila kelidii waana Ilaaha dhabta ah ee aanay ahayn in la caabudo qayrkii casaa wajalaa. Diidmada ay diideen Mushrikiintuna wuxuu muujinayaa macnaheeda waayo iyagu waxay diideen markay ogaadeen inay baabinayso oo ay baadil ka dhigayso Ilaah yadooda oo ay muujinayso inay lunsan yihiin, sidaas ayay u diideen waxayna yidhaahdeen: {أجعل الآلهة إلهاً واحداً [ص:5] } {waynu soo sheegnay tafsiirka Aayatan}, Allaahna wuxuu ku yidhi: {إنهم كانوا إذا قيل لهم لآ إله إلآ الله يستكبرون ، ويقولون أئنا لتاركوا آلهتنا لشاعر مجنون [الصافات: 35-36]} {waynu soo sheegnay tafsiirka Aayatan}, waxay garteen inay baabinayso Ilaah yadooda oo muujinayso inay been yihiin iyo in aanay u qalmin caabudaad iyo inay yihiin baadil iyo inuu yahay Ilaaha dhabta ahi Allaah kelidii subxaanahu watacaalaa, sidaas ayay u diideen markaa Caabudaadooda Sanamada, Dhirta, Dhagxaanta, kuwa dhintay ama Jinka iwm caabudaadoodu waa baadil, dhamaan waxa la abuuray may hayaan dhib iyo wax tar toona, dhamaantood waxa iska leh Allaah subxaanahu watacaalaa waa Adoomihiisa jalaa wacalaa markaa uma ay qalmaan caabudaad waayo Allaah subxaanahu watacaalaa ayaa abuuray shay kasta, waana kan yidhi subxaanahu watacaalaa: {وإلهكم إله واحد لآ إله إلا هو الرحمن الرحيم [البقرة: 163]} {Ilaahiinuna waa Ilaah keli ah ma jiro Ilaah xaqq lagu caabudaa isaga mooyee, daatadiisu waa keli buu u yahay iyo Magacyadiisa iyo Ficiladiisa, ma leh isagu shiriik daatadiisa iyo magacyadiisa ma leh wax u dhigma ama tusaale u ah ama la mid ah, ma jiro cid wax abuurtaa ama dabartaa oo qayrkiis ahi, hadaba haduu sidaas yahay isaga ayaa istaahila dhamaan noocyada caabudaada iyo in weli laga dhigto oo aan loogu shiriik yeelin cid ka mid ah kuwuu abuuray, wuxuu yahay oo ku sifoobay raxmada guud iyo raxmada gaar ahba oo wayn oo aan lagu tusaalayn karin raxmad cid kale waa raxmad wada gaadhay shay kasta, gaadhayna noole kasta}, wuxuu kaloo yidhi jalaa wacalaa: {إنما إلهكم الله الذى لآ إله إلا هو وسع كل شيئ علماً [طه:98] } {Ilaahiinu waa Allaah ee aanu jirin Jiritaanka Ilaah kale oo xaqq lagu caabudaa isaga maahee ee uu gaadhay Ogaalkiisu ama Cilmigiisu shay kasta ma jiro mid kale oo xaqq lagu caabudaa oo aan ahayn Wejigiisa kariimka ah, lagama weli yeelanayo, lamana jeclaanayo, lagamana rajaynaayo, lagamana baqaayo, lamana baryaayo cid aan isaga ahayn waayo isagu waa ka dhamaystiran ee leh magacyada wanaagsan iyo sifooyinka sareeya ee Ogaalkiisu gaadhsiisan yahay shay kasta ee aanay nicmo uga iman Adoomaha isaga mooyee, dhibna aanay ka celin isaga mooyee, ma jiro Ilaah aan isaga ahayn mana jiro mid la caabudaa isaga maahee}
Markaa waxa waajib ku ah mid kasta oo qaan gaadh ah iyo mid kasta oo Mu’min iyo Mu’minadba ah oo ka mid ah Jink iyo Insigaba inay arkaan arintan oo ay ku dedaalaan wax badan ilaa ay u noqoto wax muuqda oo cadaan ah waayo Asalka Diinta iyo Aasaaskeeduba waa caabudaada Allaah jalaa wacalaa kelidii waana macnaha "Shahaadatu an laa Ilaaha ilaa Allaah"
"شهادة أن لآ إله إلا الله" oo ah ma jiro Jiritaanka mid xaqq lagu caabudaa oo aan ahayn Allaah kelidii subxaanahu watacaalaa, waxa lagu darayaa taas rumayn Rasuulada iyo khaatumahoodii Maxamed sala Allaahu calayhi wasalam, taas ayaa laabud ah iyadoo la raacinayo rumayn Malaa’ikta Allaah iyo Kutubtii Allaah iyo Maalinta dambe iyo Qadarka khayrkiisa iyo sharkiisa iyo rumayn wax kasta oo Allaah inoo ka waramay iyo Rasuulkiisu, kuwaas oo dhami waa laabud si ay kuugu xaqiijiso gelitaanka Islaamka, sidaan hore u soo sheegnay ama u soo cadaynay, Dad badan baa waxay u malaynayaan in odhaanshaha "laa Ilaaha ilaa Allaah ama ashahadu an laa Ilaaha ilaa Allaah wa ana Maxamed Rasuulu Allaah" ay ku filan tahay haba sameeyo wuxuu sameeyay ee taasuna waxay ka mid tahay Jaahilnimada wayn waayo may aha Kelmedo la yidhaahdo uun bal waa Kelmedo leh macne ay laabud tahay in la xaqiijiyo, in la yidhaahdo oo lagu camal falo waxay u baahan tahay.
Dheh oo ku camal fal waxay u baahantahay
Hadii uu yidhaahdo: "laa Ilaaha ilaa Allaah" isagoo kula dagaalamaya Allaah u shiriik yeelis iyo caabudaad qayrkiis ah markaa ma uu xaqiijin Kelmedatan, way yidhaahdeen Munaafiqiintiiba oo uu u horeeyay Cabdullaahi Binu Ubaya Bin Salool iyadoo ay saas ahaayeen ayay waxay yihiin Derkiga Derkiyada ugu hooseeya ee Naarta, siduu tacaalaa yidhi: {إن المنافقين في الدرك الأسفل من النار ولن تجد لهم نصيرا [النساء:145] } {wuxuu inooka waramayaa Allaah tacaalaa waxa ku dhici doona Munaafiqiinta inay ku sugnaan doonaan Derkiga ugu hooseeya ee Naarta iyo Xaaladaha ugu sharka badan ee Ciqaabta, waxay ku sugnaan Gaalada kale oo dhan hoostooda waayo waxay kala qayb galeen inay Allaah ku kufriyaan oo ay colaadiyaan Rasuulada waxayna dheeraysiiyeen iyaga Dhagar iyo Khiyaano iyo iyadoo ay u suurtowday inay gaadhsiiyeen noocyo badan oo Cadaawad ah Mu’miniinta si aanay u dareensanayn sidaas owgeed iyo siyaabo la mid ah ayay waxay ku mutaysteen Cadaab tan ugu daran mana jirto cid ka badbaadinaysa Cadaabta Allaah iyo cid uga hiilinaysa iyo Ciqaabtiisa qaar, taasuna waa guud ahaan Munaafaq kasta oo aan ahayn kuwa Allaah ku manaystay inay ka toobad keenaan Xumaantooyinka} waayo?! Iyagu waxay ka yidhaahdeen Carabka waxayna kaga kufriyeen Qalbiyaalkooda mana ay ictiqaadin kumana ay camal falin waxay u baahan tahay markaa waxba u tari maayo hadalka ay ka yidhaahdeen Carabka uun, sidaas oo kale cidii tidhi oo ka mid ah Yuhuud iyo Nasaaro iyo kuwa Sanamada caabuda dhamaantood waxay ku sugan yihiin Dariiqaa waxbana u tari mayso ilaa ay rumayaan macnaheeda iyo ilaa ay u gaar yeelaan Allaah jalaa wacalaa caabudaada iyo ilaa ay u hogaansamaan Sharcigiisa sidaas oo kale kuwii raacay Musaylimah Alkidaab iyo Alaswad Alcansi iyo Almukhtaar Bin Abii Cubayd Asaqafi ee sheegtay Nebinimada iwm waxay odhanayeen "laa Ilaaha ilaa Allaahu wa ana Maxamed Rasuulu Allaahi" "
لآ إله إلآ الله وأن محمداً رسول الله" laakiin markay rumayeen cidii sheegatay Nibinimo dabadiis Maxamed sala Allaahu calayhi wasalam ayay ku kufriyeen waxayna noqdeen "Murtadiin" kuwa Diinta ka baxay waayo waxay beeniyeen hadalka Allaah tacaalaa ee ah: {ما كان محمد أبا أحدِ من رجالكم ولكن رسول الله وخاتم النبيين [الأحزاب:40] } {ma ahayn Maxamed sala Allaahu calayhi wasalam Aabaha cid Ragiina ka mid ah, halkaa waxa lagu jaray ku abtirsadkii uu ku abtirsanaayay Sayd Binu Xaarisah isaga waana Aabaha nasabka ah laakiin guud ahaan Rasuulku waa Aabihii Mu’miniinta iyo Mu’minadah, waxay hadana cadaysay Aayatu oo tidhi: laakiin waa Rasuulkii Allaah iyo khaatamihii Nebiyaalka}, }, markaa waa khaatumahoodii iyo kii u dambeeyay cidii sheegata dabadiis inuu Nebi yahay ama Rasuul wuxuu noqonayaa Gaal lunsan, sidaas cidii rumaysa sida kuwii raacsanaa Almusaylimah ee reer Yamaamah iyo Alaswad Alcansi ee reer Yaman iyo Almukhtaar ee reer Ciraaq iyo qayrkoodba markay rumayeen kuwaas beenaalayaasha ah inay yihiin Nebiyaal, waa Gaaloobay kii rumayay taas wuxuuna mutaystay in lala dagaalamo, hadaba hadii kii sheegtay maqaamka Nebinimadu uu noqonaayo Gaal waayo wuxuu sheegtay maqaam wayn oo aanu lahayn wuuna beeniyey Allaah casaa wajalaa bal ka waran kan sheegtay maqaamka Ilaahnimada oo u baneeyey Naftiisa in la caabudo Allaah sokadiisa, shaki kuma jiro in kani sii mudan yahay Kufrinimada iyo lunsanaanta, cidii la caabudayo Allaah sokadii ee la siinaayo Caabudaada oo Weli lagaga dhiganayo sidaas oo wax loo colaadinaya wuxuu la yimid Gaalnimo wayn iyo lunsanaan, cidii mid la abuuray u qirta Nebinimo dabadii Maxamed sala Allaahu calayhi wasalam waxa weeye Gaal lunsan, ma leh Islaamnimo ma leh Iimaan ilaa uu qiro: "an laa Ilaaha ilaa Allaah" "أن لآ إله إلا الله" Hadal ahaan iyo Camal ahaan iyo Caqiida ahaanba iyo inaanu jirin cid xaqq lagu caabudaa oo aan ahayn Allaah waxana laabud ah inaad rumayso inuu Maxamed yahay Rasuulkii Allaah oo aad raaciso rumayn Nebiyaalkii tegay iyo inaad uga marag kacdo inay gaadhsiiyeen Risaalatihii calayhim asalaatu wasalaam, hadana taas dabadeed waa inuu ku kaco Adoonku wixii Allaah ku waajibiyay isaga ee ah Amaro iyo wax yaabaha laga reebay ama laga nahyiyay, kaas weeye Asalka aanu noqonayn Adoonku Muslim ilaa laga helo Asalkaa ah inuu ku keliyayo Allaah caabudaada iyo rumayn waxay muujinayso Kelmedatan "laa Ilaaha ilaa Allaah" "لآ إله إلا الله" iyo inay laabud tahay in la raaciyo rumayn Rasuulka Allaah iyo Nebiyaalkii ka horayay iyo in la rumaysto oo la ictiqaado inay gaadhsiiyeen Risaaladii iyo inay guteen Amaanadii calayhim asalaatu wasalaam. Kuwa badan oo Jaahiliinta ahi sidaan hore u soo sheegnay waxay u malaynayaan inuu goortuu yidhaahdo "laa Ilaaha ilaa Allaah" "لآ إله إلا الله" oo qiro in Maxamed yahay Rasuulkii Allaah wuxuu isu qaadanayaa inuu yahay Muslim haba caabudaayo ee Nibiyaalka ama Sanamada ama kuwa dhintay iwm taasuna waxay ka mid tahay jahliga wayn iyo fasaadka wayn iyo lunsanaanta fog bal waxa laabud ah inuu ku camal falo macnaheeda kuna toosnaado iyada oo aanu la iman wax ka hor imanaaya taas Hadal ha ahaato iyo Camal iyo Caqiidaba, sidaas ayaa Allaah jalaa wacalaa ugu yidhi Suurat Alfusilat: {إن الذين قالوا ربنا الله ثم استقاموا تتنزل عليهم الملائكة ألا تخافوا ولا تحزنوا وأبشروا بالجنة التى كنتم توعدون ، نحن أوليآؤكم في الحياة الدنيا وفي الأخرة [فصلت:30-31]} {Allaah tacaalaa wuxuu u sheegayaa Awliyadiisa waa Mu’miniinta ee ee gartay oo yidhi kuna raali noqday Rabinimada Allaah tacaalaa ee isu dhiibay Amarkiisa oo hadana ku toosnaaday Jidka toosan Cilmi ahaan iyo Camal ahaanba inay leeyihiin bishaaro nolosha Aduunka iyo Aakhiroba oo ay ku soo degdegayso Malaa’ikta kiraamka ahi oo ku soo noqnoqon markay Naftu ka sii baxayso iyagoo ugu bishaaraynayaa in aany ka biqin waxa ka hor imanaaya ee Arimohooda ah oo aanay u murugoon wixii dhaafay, markaa waxay u diideen iyaga wax xun ha ahaado wixii tegay ama soo socda kuna bishaaraysta Janadii laydiinku balan qaaday way idiin waajibtay oo idiin sugnaatay, balan qaadka Allaah wuxuu ahaa mid dhacaya, waxay kaloo ku odhanayaan iyagoo dejinaya una bishaaraynayaa anaga ayaa idiin ah Awliyo nolosha dunida iyo Aakhiroba dunida waxay fari jireen khayrka oo u qurxin jireen waxayna ka bajin jireen sharka oo ugu xumayn jireen Qalbiyaalkooda} macnuhu waxa weeye waxay odhan jireen: Rabigayo waa Allaah dabadeedna way ku toosnaadeen taas oo way keliyayeen oo waa adeeceen oo waxay raaceen wixii raali gelinaayay oo way ka tageen wixii macsiyadiisa ah, markay sidaas ku toosnaadeen ayay noqotay Janadu mid ay leeyihiin oo ay ku guulaysteen karaamada, Aayat kalena oo ka mid ah Suuratu Alaxqaafna wuxuu yidhi subxaanahu: {إن الذين قالوا ربنا الله ثم استقاموا فلاخوف عليهم ولاهم يحزنون * أولئك أصحاب الجنة خالدين فيها جزاء بما كانوا يعملون [الأحقاف: 13-14]} {yacni kuwii qiray Rabigoodu inuu yahay Allaah ee u qiray kelinimada ee ku sugnaaday Dacwadiisa oo sidaa ku toosnaaday oo ku socday Noloshoodii oo dhan maaha korkooda baqdin waxa ka hor imanaaya Geeridooda ka dibna kama tiiraanyoonayaan wixii dhaafay, kuwaas ayaa ah Ahalka Janada ee joogidoona aana ka tegayn ama ka wareegayn ee ku waari doona abaal marin darteed wixii ay samayn jireen ee ahaa rumayntoodii Allaah jalaa wacalaa iyo waxay taasu u baahnayd ee ahaa Camalada wanaagsan ee ay ku toosnaayeen Noloshoodii oo dhan}, hadaba Adoonkii Allaahow waxa kula gudboon inaad taas Arintaas garato oo aad u fahamto si ay ku jirto fiira dheeri, si aad u ogaato inuu yahay Asalka Asliga ah iyo Aasaaska wayn ee Diinta Allaah jalaa wacalaa waayo ma jiro Islaam iyo Iimaan toona ilaa laga helo "Shahaatu an laa Ilaaha ilaa Allaah" "شهادة أن لآ إله إلا الله" Hadal ahaan iyo Camal ahaan iyo Caqiida ahaanba iyo rumayn wax kasta oo uu inooka waramay Allaah iyo Rasuulkiisu wixii ahaaday iyo waxa ahaan doonaba, hadana taa dabadeed aad la timaado Camaladii Islaamka ha ahaato Salaat iyo Sakooyin iyo Soom iwm, mana aha kii Caqli lihi inuu ku dagmo Ducaada Baadilka iyo Ducaada Shirkiga ee ugu yeedhaaya waxaan Allaah ahayn oo ugu shiriik yeelaya Allaah qayrkii ee caabuday kuwa la abuuray Allaah sokadii oo ku andacoonaya inaanay iyagu sidaas ku noqonayn Kufaar waayo waxay yidhaahdeen "laa Ilaaha ilaa Allaah" "لآ إله إلا الله" waxay ku yidhaahdeen Carabkooda waxayna ku buriyeen Camaladooda iyo Hadaladooda Kufriga ah, way yidhaahdeen waxay se ku faasidiyeen shiriik u yeelistooda Allaah iyo caabudaadooda qayrkii subxaanahu watacaalaa, markaa ma nabad gelin Dhiigooda iyo Xoolohoodu, waxa ku soo arooray labada Saxeex oo laga weriyey Ibinu Cumar radiya Allaahu canhumaa in Nebigu sala Allaahu calayhi wasalam yidhi: (أمرت أن أقاتل الناس حتى يشهدوا أن لآ إله إلا الله وأن محمداً رسول الله ، ويقيموا الصلاة، ويؤتوا الزكاة ، فإذا فعلوا ذالك عصموا مني دماءهم وأموالهم إلا بحق الإسلام وحسابهم على الله عز وجل) (waxa laygu amray inaan la dagaalamo Dadka ilaa ay ka qiraan "an laa Ilaaha ilaa Allaah wa ana Maxameda Rasuulu Allaah" oo ay ogaan Salaada oo ay la yimaadaan Sakada, haday sidaas samayaan waxay iga nabad geliyeen Dhiigooda iyo Xoolahooda ilaa xaqq Islaamka maahee sida Sinada, Tuugada, Dilista iwm, xisaabtoodana waxa haya Allaah casaa wajalaa), sidaas ayuu u cadayay Nebigu sala Allaahu calayhi wasalam inay tahay laabud Arimahaani, Xadiiskii Daariq Bin Ashiim Alashgaci ridiya Allaahu canhu wuxuu yidhi in Nebigu sala Allaahu calayhi wasalam uu yidhi: (من قال لآ إله إلا الله ، وكفر بما يعبدون من دون الله حرم ماله ودمه وحسابه على الله عز وجل- وفي اللفط الأخر: ومن وحد الله وكفر بما يعبدون من دون الله حرم ماله ودمه [أخرجهما الإمام مسلم في صحيحه]) (cidii tidhaahda "laa Ilaaha ilaa Allaah" oo ku kufrida waxay caabudayaan Allaah sokadii waxa xaaraam ah Maalkiisa iyo Dhiigiisa xisaabtiisana waxa haya Allaa casaa wajalaa/ lafdi kalena waa: cidii keliyaysa Allaah oo ku kufrida waxay caabudayaan Allaah sokadiisa waxa xaaraam ah Maalkiisa iyo Dhiigiisa)Waxa uu ku cadayay Nebigu labadan Xadiis iyo kuwa la midka ahba inuu yahay laabud in la keliyayo Allaah oo loo badhax tiro isaga iyo inay laabud in laga kufriyo Caabudaada wixii qayrkiis ah oo la diido lagana beri yeesho iyadoo la raacinayo odhaanshaha labada Shahaado iyo Salaada oo la oogo iyo Sakada oo lala yimaado iyo in la guto inta hadhay ee ah Xuquuqda Islaamka, kaas weeye Islaamka dhabta ahi, wixii ka soo hor jeedaana waa ku kufriyida Allaah casaa wajalaa. Asalkan ayaa waajib ah in la laasimo oo lagu socdo waana inaad keliyayso Allaah oo u gaar yeesho isaga Caabudaada meel kasta oo aad joogto adoo raacinaya gudashada Xuquuqda ee Allaah kugu farad yeelay iyo inaad ka tagto wixii Allaah uu kaa xarimay, taas ayaad ku noqon Muslim mutaystay abaal marinta Allaah iyo karaamadiisa subxaanahu wa tacaalaa Aduunka iyo Aakhiroba, sidaas darteed ayuu ku soo degay hadalkiisa jalaa wacalaa: {وما خلقت الجن والإنس إلا ليعبدون [الذاريات:56] } {tan weeye qaayada uu u abuuray Allaah Jinka iyo Insiga ee uu ugu soo diray dhamaan Rasuulada inay ugu yeedhaan waana caabudaadiisa tacaalaa oo ka kooban garashadiisa, jeclaantiisa, u soo noqoshadiisa, ogolaantiisa iyo diidista caabudaada wixii ka sokeeya tacaalaa taasuna waxay ka kooban tahay garashadiisa waayo caabudaada dhami waxay ku xidhan tahay garashada aad garanayso Allaah tacaalaa waayo markay sii korodho aqoonta Adoonku u leeyahay Rabigii waxay noqon caabudaadiisuna mid dhamaystiran waana taas tuu awgeed Allaah jalaa wacalaa u abuuray Adoomaha}, Ayaatan wuxuu inoogu cadayay Allaah jalaa wacalaa xikmada uu u abuuray Adoomaha waana in ay caabudaan Allaah kelidii iyo inaan loo abuurin ciyaar ciyaar iyo bilaa macna ee bal waxaa loo abuuray Arintaa wayn oo ah inay caabudaan Allaah jalaa wacalaa oo aanay ugu shiriik yeelin isaga Shayna oo ay u gaar yeelaan Ducadooda, Baqdintooda, Rajayntooda, Salaadooda, Soomkooda, Gowracaadooda iyo Nadarkooda iwm, waxaana loo soo diray Arintaa Rasuulo siduu yidhi casaa wajalaa: {ولقد بعثنا في كل أمة رسولاً أن اعبدوا الله واجتنبوا الطاغوت [النحل:36]} {waan soo sheegnay tafsiirka Aayatan}.
Buriyaalkeeda
mid kasta oo la yimaada Buriye ka mid ah Buriyaalka Islaamka wuxuu baabiyay Kelmedatan waayo Kelmedanu waxay uun anfacaysaa Ahalkeeda hadii ay ku camal falaan oo ku toosnaadaan iyada oo ku keliyayaan Allaah Caabudaada oo gaar uga dhigaan isaga oo ay ka tagaan caabudaada wixii aan isaga ahayn oo ku toosnaadaan waxay muujinayso ee macna ah oo ay adeecaan Amarada Allaah oo ka tagaan wuxuu ka reebay Allaah oo aanay la iman Buriye burinaaya sidaas ayay ku noqonayaan mustaxaq karaamada Allaah casaa wajalaa iyo inay ku guulaystaan badhaadho oo ka badbaadaan Naarta kiise ku buriya Hadal ahaan ama Camal ahaan iyadu waxba uma tarayso xataa haduu yidhaahdo kun jeer Saacadii keli ahayd, haduu yidhaahdo "laa Ilaaha ilaa Allaah" "
لآ إله إلا الله" oo qiro "ana Maxameda Rasuulu Allaah" "أن محمداً رسول الله" oo tukado oo soomo oo Sakada bixiyo oo xajiyo laakiin uu yidhaahdo: in Musaylimah Alkadaab oo ah kii soo baxay waqtigii Rasuulka Allaah sala Allaahu calayhi wasalam hadana waqtigii Asxaabta ee in uu yahay Rasuul Allaah – haduu yidhaahdo wuxuu sheegay run waa uu kufriyay waxana u tari maayo shay kastaa ama uu yidhaahdo in Almukhtaar Binu Abii Cubaid Asaqafi ee sheegtay Nebinimada Ciraaq gudeheeda wuxuu ahaa Nebi run sheegaya iyo in kuwii la dagaalamay ay ku khaldameen la dagaalankiisu ama uu yidhaahdo Alaswad Alcanasi ee sheegtay Nebinimada yaman gudeheeda wuxuu ahaa Nebi ama kuwii ka dambeeyay ee beenaalayaasha ahaa uu yidhaahdo waxay ahaayeen kuwa run sheegayay wuxu noqonayaa Kaafir haduu xataa yidhaahdo "laa Ilaaha ilaa Allaah" "لآ إله إلا الله" oo ku celceliyo Kumanaan jeer, sidaas oo kale haduu yidhaahdo isagoo caabudaaya Albadawi ama caabudaaya Alxusayn ama caabudaaya Ibinu Calwaan ama Alcaydaruus ama caabudaaya Nebi Maxamed sala Allaahu calayhi wasalam ama caabudaaya Ibinu Cabaas radiya Allaahu canhumaa ama caabudaaya Ashiikh CabdulQaadir Aljaylaani ama qayrkood isagoo baryaaya oo u qayla dhaanshanaya iyaga oo u nadraaya iyaga oo ka dalbanaya Almadad iyo taageero waxba u tari mayso Kelmedatanu waana "laa Ilaaha ilaa Allaah" "لآ إله إلا الله" wuxuuna sidaas ku noqday Kaafir ama Gaal lunsan iyo mid buriyay Kelmedatan oo jebiyay iyada, sidaas oo kale haduu yidhaahdo "laa Ilaaha ilaa Allaah" "لآ إله إلا الله" oo tukado oo soomo laakiin uu caayo Nebiga sala Allaahu calayhi wasalam ama uu hoos u dhigo ama ku jees jeeso isaga ama yidhaahdo: inaanu isagu u soo gaadhsiin Dadka Risaaladii sidii haboonayd bal wuu ka gaabiyay taas ama uu ku ceebeeyo shay uun ceebaha ka mid ah wuxuu noqonayaa Kaafir ama Gaal haba yidhaahdo "laa Ilaaha ilaa Allaah" "لآ إله إلا الله" Kumanaan jeer habana tukado oo ha soomee waayo tanu waa Buriyaalka jebiya Diinta Adoonka ee la yimaada iyada sidaas darteed waxay ku sheegeen Culimadu Allaah ha u naxariistee Kutubtooda Baab ay ku magcaabeen "Baabka xukumka kan Diinta ka noqda" "باب حكم المرتد" waana kan kufriya Islaamnimadiisa ka dib waxayna ku sheegeen noocyo ka mid ah Buriyaalka Islaamnimada oo ay ka mid tahay taan hada soo sheegnay, sidaas oo kale haduu yidhaahdo: "laa Ilaaha ilaa Allaah" " لآ إله إلا الله" oo se jaaxido waajibnimada Salaada ama Soomku aanay ahayn Waajib ama Sakadu aanay ahayn Waajib ama Xajku aanu ahayn Waajib iyadoo la kari karaayo wuu Kufriyay Ijmaac ahaan yacni sida laysku wada raacsan yahay waxna ma tarayo Hadalkiisa ah: "laa Ilaaha ilaa Allaah" "لآ إله إلا الله" iyo Salaadiisa iyo Soomkiisu hadii uu jaaxiday waajibnimada sidaas iyo xataa haduu soomo oo tukado oo caabudo laakiin uu leeyahay in ay Sinadu xalaal tahay iwm oo ah waxay isku raacday Ummadu xaaraamaynteeda waa kufriyay siday isku raacsan yihiin Muslimiin oo dhami wuxuuna ku buriyay Diintiisii hadalkan haduuba xataa yidhaahdo: "laa Ilaaha ilaa Allaah" oo qiro "ana Maxameda Rasuulu Allaah" "لآ إله إلا الله وشهد أن محمد رسول الله" oo tukado oo soomo waayo xalaalayntiisii Sinada ayuu ku noqday mid beeniyey Allaahi ku xaaraameeyey hadalkiisa subxaanahu wa tacaalaa: {ولا تقربوا الزنى إنه كان فاحشة وسآء سبيلاً [الإسراء:32] } {hana u dhowaanina Sinada waayo waa xumaan aad u wayn iyo Jid xun nahyiganu wuxuu koobayaa inaan loo dhowaan Sinada iyo wixii keenayaba wuxuuna ku sifeeyay Allaah tacaalaa Sinada iyo xumaanteeda inuu yahay Denbi ku xun Sharciga iyo Caqliga iyo Abuurta wanaagsan waayo wuxuu koobayaa ku dheerayn xurmada xaqq Allaah iyo xaqq Dumarka iyo xaqq Ahalkooda iyo xaqq Ninkeeda iyo fasaad lagu sameeyay Furaashka iyo Nasabka oo isku khaldama iwm ee fasaad ah Dariiqna waxa u xumaaday Dariiqa ruuxa ku dheereeya Denbigan wayn}, sidaas oo kale haduu yidhaahdo in Khamriga iyo Maysirku ama Khamaarku ay yihiin xalaal waa kufriyay haba tukadee oo ha soomee ama haba yidhaahdo "laa Ilaaha ilaa Allaah" "لآ إله إلا الله" wuxu isagu noqonayaa Mushrik Kaafir ah xaga dhamaan Muslimiinta waayo wuxuu beeniyey hadalkiisa subxaanahu wa tacaalaa: {يا أيها الذين آمنوا إنما الخمر والميسر والأ نصاب والأزلام رجس من عمل الشيطان فاجتنبوه لعلكم تفلحون [المائدة:90]} {wuxuu Allaah tacaalaa inooga waramayaa Shayadan foosha xun ee afarta ahi oo ah Khamriga oo ah dhamaan wixii Caqliga dooriya iyo Khamaarka iyo Sanamada iyo Faalka inay yihiin wax xun oo nijaas ah oo ay yihiin Camalka Shaydaanka wuxuuna inagu amrayaa inaan ka tagno oo ka dheeraano si aan u liibaano ama u guulaysano}, laakiin haduu yahay kan yidhi sidaas mid ka jaahil ah oo aan garanayn Xukumka isagoo ku koray Wadan ka fog Muslimiinta waxa loo cadaynayaa Xukumka taas ee Daliilada Sharciga ah haduu markaa ku sii adkaysto xalaalaynta Sinada iyo Khamriga iwm ee ka mid ah wax yaabaha xaaraamayntooda laysku raacsan yahay waa uu kufriyay Ijmaac ahaan, ujeedada taas laga leeyahay waa in uu ogaado in gelitaanka Islaamka iyo ku dhawaaqida Kelmedatan: "laa Ilaaha ilaa Allaah" "لآ إله إلا الله" iyo qirida " ana Maxameda Rasuulu Allaah" "بأن محمداً رسول الله" aanay ku filayn badbaadada Dhiiga iyo Maalka haduu la yimaado kan yidhi wax burinaaya.Sidaas oo kale haduu Qofku tukado oo soomo oo caabudo oo yidhaahdo Kelmedatan kun jeer Gole kasta hadana uu yidhaahdo isagoo sidaas ah in ay Hooyadii xalaal u tahay inuu u galmoodo ama Gabadhiisu ama Walaashiis wuu kufriyay xaga Muslimiinta dhamaan wuxuuna sidaas ku noqday mid Diintii ka noqday waayo wuxuu xalaalaystay wixii Allaah ku xarimay Naska iyo Ijmaacaba, sidaas oo kale haduu beeniyo Nebi Nebiyaalka ka mid ah oo uu yidhaahdo: Maxamed waa Rasuulkii Allaah ana waan rumaysanahay isaga Allaahna waan keliyayaa laakiin waxaan leeyahay in Ciisa Ibinu Maryam uu yahay beenaale oo aanu ahayn Rasuulkii Allaah ama Muuse ama Haaruun ama Daa’uud ama Sulaymaan ama Nuux ama Huud ama Saalax ama qayrkood oo ah kuwii uu Quraanku cadayay Nebinimadooda aanay ahayn Nebiyaal ama uu caayo waa kufriyay Ijmaac ahaan waxna ma tarayo hadalkiisii "laa Ilaaha ilaa Allaah" iyo Shahaadada "ana Maxameda Rasuulu Allaah" iyo Salaadiisa iyo Soomkiisa toona waayo wuxuu la yimi wuxuu isagu ku beeninaayo Allaah iyo Rasuulkiisa wuxuuna Dhabarka ka wareemay Rasuuladii Allaah, sidaas oo kale haduu la yimaado shay kasta oo ka mid ah wixii Allaah jideeyay oo caabudo Allaah kelidii oo tukado oo soomo laakiinse uu yidhaahdo Sakadu maaha Waajib kii doonaa ha bixiyo kii doonaana yaanu bixin wuu kufriyay Ijmaac ahaan wuxuuna ka mid noqday kuwa Diinta ka noqday ee mutaystay in Dhiigooda la daadsho waayo wuxuu yidhi: Sakadu Waajib ma aha iyo inuu khilaafay hadalka Allaah tacaalaa: {وأقيموا الصلاة وآتوا الزكاة [البقرة:43] } {oo ooga Salaada oo la tukada kuwa tukanaaya Sakadana siiya kuwa mudan idinku hadaad sidaas samaysaan oo raacisaan rumayn Rasuuladii Allaah iyo Aayaatka Allaah waxaad kulmiseen Camaladii muuqday iyo kuwii qarsoonaaba iyo u ikhlaas yeelid Ilaahiina iyo u sama falis Adoomihiisa iyo Caabudaadihii Qalbi ahaaneed iyo kuwii Badan ahaaneed iyo kuwii Xoolahaba} wuxuuna khilaafay Nusuus ka mid ah Sunnaha oo ah inay tahay Farad ka mid ah Faradyaalka Islaamka iyo Rukni ka mid ah Rukniyaalkiisa, sidaas oo kale haduu ka tago Salaada haba yidhaahdo waa Waajib ee wuu kufriyayaa sida ugu saxsan hadalada Culimada wuxuuna kufriyi Kufriga wayn sida uu yidhi Nebigii sala Allaahu calayhi wasalam: (إن العهد الذى بيننا وبينهم الصلاة ، فمن تركها فقد كفر [أخرجه الإمام أحمد في مسنده ، وأهل السنن بإسناد صحيح ] ) (Balanka noo dhexeeyaa anaga iyo iyaga waa Salaada koodii ka tagaana waa kufriyay), iyo hadalka Nebiga sala Allaahu calayhi wasalam: (بين الرجل وبين الشرك والكفر ترك الصلاة [أخرجه الإمام مسلم في صحيحه] ) (waxa u dhexeeya Ninka ama Qofka iyo Shirkiga iyo Kufriga ka tegista Salaada) iwm ee Aayato iyo Xadiisyo ah ee muujinaysa kufrinimada kan ka taga Salaada, Ruuxa doona tafaasiil Arintan ah ha ku noqdo Baabka xukumka kan Diintiisa ka noqda si uu u garto waxay ku sheegeen isaga Culimadu ee ah Buriyaalka Faraha badan.
Sidaas ayuu ku noqonayaa Mu’minku mid garanaaya Diintatan oo garanaaya inay tahay "laa Ilaaha ilaa Allaah" "
لآ إله إلا الله" Asalka Diinta ayna tahay Aasaaska Milada marka la raaciyo Shahaadada "ana Maxameda Rasuulu Allaah" "وأن محمداً رسول الله" iyo inaanu jirin Islaam iyo Iimaan iyo Diintoona ilaa laga helo labadaa Shahaadadood iyadoo la raacinayo rumayn wax kasta oo uu la yimi Rasuulkii Allaah sala Allaahu calayhi wasalam iyo inaad ku sugnaato taas adoo raacinaya rumayn wax kasta oo uu inoo ka waramay isaga Rasuulkii Allaah sala Allaahu calayhi wasalam oo aad raaciso rumayn Faradyaalka Allaah oo aad raaciso rumayn wuxuu xaaraamayay Allaah oo aad raaciso isku taagis Xuduudaa Allaah casaa wajalaa, Arinkan waxaa cadayay Culimada oo ku muujiyey Kutubtooda waana mid ay isku raaceen oo isku waafaqeen Ahalka Cilmigu dhexdooda markaa waxaa lagaa rabaa Adoonkii Allaahow inaad noqoto mid garasho ku sugan iyo in aan lagugu khiyaanayn hadalka Jaahiliinta iyo kuwa lunsan ee ah Qubuuriyiinta iyo qayrkoodba ee ka mid ah kuwa caabuda Allaah qayrkii ee ah kuwa uu lumay tacabkoodii nolosha Dunida ee ka jaahilka noqdayday Diinta Allaah ilaa ay caabudeen Allaah qayrkiis kuna andacoonaya inaanay iyagu sidaas ku Gaaloobayn waayo waxay yidhaahdaan: "laa Ilaaha ilaa Allaah" iyagoo iyagu ku burinaaya Hadaladooda iyo Camaladooda, waxaad kaloo ogaataa in labadan Shahaadadood ay yihiin Asalka Diinta iyo Aasaaska Milada ayna ka burayaan kii la yimaada Buriye ka mid ah Buriyaalka Islaamnimada.Hadii Ninkaasu ama Gabadhaasu ay qireen "an laa Ilaaha ilaa Allaah wa ana Maxameda Rasuulu Allaah" oo ay tukadaan oo soomaan iwm oo Camalada ka mid ah, laakiin se ay yidhaahdaan in Janadu aanay dhab ahayn ama Naartu aanay dhab ahayn, ee ma jirto Janno iyo Naartooni bal waxaas oo dhami waa hadal aan wax xaqiiqa ah lahayn, markaa way ku kufriyayaan hadalkaa Kufri wayn, siday Ijmaaca Muslimiintu tahay, haduu tukadoba oo soomo cida hadalkaa tidhi ee ku andacoonaya inuu yahay Muslim keliyeeya Allaah oo ka tegay Shirkiga laakiin odhanaya: in Janada iyo Naartu aanay ahayn dhab ma jirto halkaa Jano iyo Naartooni ama uu yidhaahdo ma jiro halkaa Miisaan ama ma jiro halkaa Qiyaame ma jirto Maalin dambe, isagu sidaas wuxuu ku noqonayaa mid Diintiisii ka noqday oo Kaafir lunsan ah siday qabaan Muslimiinta oo dhami, ama uu yidhaahdo: in Allaah jalaa wacalaa aanu ogayn Qayabka yacni waxa maqan ama aanu ogayn shayaalka xaqiiqadooda wuu ku kufriyay sidaas wuxuuna noqonayaa mid hadalkiisa ku beeniyay hadalka Allaah subxaanhu: {إن الله بكل شيئ عليم [المجادلة:7] } {Allaah subxaanahu waxaa weeye kii shay kasta og} iyo wixii ku yimi macnaheed oo Aayato ah iyo inuu isagu hoos u dhigay oo naaqisiyay Rabigiisa subxaanahu watacaalaa iyo inuu ku caayay hadalkaa, hadaba sidan waxad ku ogaan Walaalkayow inay Shahaadada "an laa Ilaaha ilaa Allaah wa ana Maxameda Rasuulu Allaah" "أن لآ إله إلا الله وأن محمداً رسول الله" ay tahay Asalka Iimaanka ayna tahay Aasaaska Milada laakiin se aanay ka badbaadinayn kan yidhaahda haduu la yimaado Buriye ka mid ah Buriyaalka Islaamnimada bal waxaa laabud ah in la rumayo Allaah iyo Malaa’iktiisa iyo Kutubtiisa iyo Rasuuladiisa iyo Maalinta dambe iyo Qadarka khayrkiisa iyo sharkiisaba, waxana laabud ah in la raaciyo taas gudashada Faradyaalka Allaah iyo ka tegista wuxuu xaaraamayay Allaah.
Hadaba cida la timaada taas ka dib Buriye ka mid ah Buriyaalka Islaamnimada wuu baaba’ay hadalkiisii "laa Ilaaha ilaa Allaah" wuxuuna noqday mid Diintiisii ka noqday oo Kaafir ah, haduu se taa ka dib la yimaado Macsiyad Macsiyadaha ka mid ah oo ah kuwa aan gaadhsiisnayn Shirkiga Diintiisii baa naaqisan tay Iimaankiisiina waa daciifay mase kufriyin sida ka Sinaysta ama Khamriga caba isagoo rumaysan inuu yahay Xaaraam, isaga Diintiisa ayaa noqon naaqis Iimaankiisuna waa daciif wuxuuna khatar ugu jiraa haduu sidaas ku dhinto inuu galo Naarta oo lagu cadaabo laakiin kuma waarayo iyada haduu ahaa mid ku dhintay isagoo Allaah keliyaynaya oo Muslim ah bal wuxuu leeyahay mudo ay ka dhamaanayso oo ku xidhan siduu doono Allaah subxaanahu watacaalaa laakiin ma noqonaayo mid Amaan ku sugan bal wuxuu khatar ugu jiraa in uu Naarta galo waayo Iimaankiisii baa daciifay wuxuuna ku naaqismay Macsiyada tan uu ku dhintay isaga oo aan ka toobad keenin waa ka Sinaysta ama wax xada iwm oo ka mid ah Denbiyaalka waawayn.
Qaybaha khilaafida Amarka Allaah
Khilaafida Amarka Allaah waa laba qaybood:
Qaybta kowaad
: wuxuu Waajibiyaa ka noqasho Diinta ah wuxuuna baabiyaa Islaamnimada gebi ahaan wuxuuna noqonayaa kan sameeyaa Kaafir, sida ka la yimaada Buriyaalka aan hore u soo cadaynay.Qaybta labaad
: ma baabinaayo Islaamnimada mana burinaayo bal wuu naaqisinayaa oo daciifinayaa wuxuuna noqonayaa kan samayaa mid ugu sugan khatar wayn Cadhada Allaah iyo Ciqaabtiisa hadii aanu toobad keenin waana Jinsiga Macsiyadaha uu garanaayo kan ku dhacay inay tahay Macsiyad laakiin aanu xalaalaysan sida kan ku dhintay Sinada ama Khamri cabnimada ama Cuquuqda Waalidka ama cunista Ribada iwm taas waxay ku xidhan tahay doonista Allaah jalaa wacalaa haduu doono wuu cadaabi haduu doonona waa u denbi dhaafi siduu yidhi casaa wajalaa: {إن الله لا يغفر أن يشرك به ويغفر ما دون ذالك لمن يشاء [النساء:116] } {Allaah tacaalaa uma denbi dhaafo hadii loo shiriik yeelo oo lala wadaajiyo Caabudaada cid kale waayo u shiriik yeelistu waa wax yeelo loo gaystay Rabiga Caalamiinka iyo kelinimadiisa iyo sinaan lala simay kuwa uu abuuray ee aan Naftooda u hayn wax yeelo iyo wax tartoona kii isagu lahaa ee hayay wax tarka iyo wax yeeladaba, wixii se intaa ka sokeeya ee Denbiyaal ah iyo Macsiyado ah waxay hoos imanayaan doonitaanka Allaah haduu doono wuu dhaafi Raxmadiisa iyo Xikmadiisa awgeed haduu doonona wuu ku cadaabi oo ku ciqaabi Cadaaladiisa iyo Xikmadiisa awgeeda} waayo ma uu aha Kaafir waayo ma xalaalaysan Arimahan ee wuxuu u sameeyay raacis uu raacay Hawadiisa iyo Shaydaan, kan se xalaalaystaa Sinada iyo Khamriga iyo Ribada isagu wuu ku kufriyi sidaan hore u soo cadaynay taas.Waxa la rabaa markaas inaad ku baraarugto Arimahan oo aad ka digtoonaato iyo inuu noqdo Muslimku mid garasho kaga sugan Arinkiisa, tan aanu soo sheegnay waxa weeye Hadalka Ahalka Sunnaha iyo Jamaacada iyo Asxaabtii Rasuulka sala Allaahu calayhi wasalam ridwaanu Allaahi calayhim iyo kuwa wanaaga ku raacay.
Allaah ha igu irsiqo iyo Muslimiin oo dhan ku toosnaanta Diintiisa oo nagu mutaysto dhamaan fahamka Diinta iyo inuu inagu sugo iyada nagana magan geliyo dhamaan Shararka Nafahayaga iyo Camaladayada kuwooda xun waa mid na maqlaaya oo dhow ee
وصلى الله وسلم وبارك على عبده ورسوله نبينا محمد وعلى آله وأصحابه وأتباعه بإحسان إلى يوم الدين
Qore: Maessa Asalafi inshaa Allaah
©Xuquuqda oo dhan waxay u xafidantahay Bogan: http//:doorasho.bravehost.com walaalkayga Muslimka ahow dhamaan waxa laga helo Bogan waxaad u isticmaali kartaa si shakhsi ahaaneed iyo fidinta Dacwada
جميع الحقوق محفوطة لموقع الإختيار أخي المسلم بإمكانك الإستفادة من محتويات الموقع في الإستخدام الشخصى ونشر الدعوة
Web Master: maessa2@gmail.com
bravenet.com