untitled
viviti

بسم الله الرحمن الرحيم

Buriyayaalka Islaamnimada

نوقض الإسلام

Shiikh Maxamed Bin Jamiil Siino

لشيخ محمد بن جميل زينو

 

إنََّ الحمد لله ، نحمده ونستعينه ونستغفره ،ونعوذبالله من شرور أنفسنا، ومن سيئات أعمالنا ، من يهده الله فلامضل له ومن يضلل فلا هادي له، وأشهد أن لا إله إلا الله وحده لاشريك له، وأشهد أن محمداً عبده ورسوله. {يا أيها الذين آمنوا اتقوا الله حقَّ تقاته ولاتموتن إلا وأنتم مسلمون}[آل عمران :102] . {يا أيها الناس اتقوا ربكم الذي خلقكم من نفسٍ واحدة وخلق منها زوجها وبث منهما رجالاً كثيراً ونساءً وتقوا الله الذي تسآءلون به والأرحام إن الله كان عليكم رقيباً}[النساء:1] {يا أيها الذين آمنوا اتقوا الله وقولوا قولاً سديدا. يصلح لكم أعمالكم ويغفر لكم ذنوبكم ومن يطع الله ورسوله فقد فاز فوزاً عظيما}[الأحزاب: 70و71]

أما بعد: فإن خير الكلام كلام الله ، وخير الهدي هديُ محمد صلى الله عليه وسلم، وشر الأمور محدثاتها، وكل محدثةٍ بدعة, وكل بدعة ضلالة ، وكل ضلالةٍ في النار .

وبعد:

Allaah ayaa mahad iyo amaan mudan oo iska leh, waan u mahad celinaynaa waan kaashanaynaa dembidhaaf ayaan waydiisanaynaa, waxaan Allaah ka magan gelaynaa shararka nafahayaga, iyo acmaashayada kuwooda xun, kii Allaah hadeeyo cid lumin kartaa ma jirto, kii Allaah luminayona cid hadayn kartaa ma jirto, waxaan qirayaa inaanu jirin Ilaah xaq lagu caabudaa Jiritaanka oo aan Allaah ahayn kelidii oo aan lahayn wax shiriik ah oo lagu lamaaneeyo, waxaan qirayaa in uu Maxamed yahay adoonkii Allaah iyo Rasuulkiisii.

{Kuwii Allaah iyo diintiisa xaqqa ah rumeeyeyow, Allaah ka cabsada cabsi dhab ah hana dhimanina idinkoo aan muslimiin ahayn.} [Aali cimraan: 102] {Dad yohow rabigiina ka cabsada, idinka abuuray naf keliya (Aadam calayhi salaam) ee ka sii abuuray xaaskeedii (Xawaa calayhaa salaam) ee ka sii abuuray rag badan iyo dumar oo ku kala fidiyey dunida guudkeeda, ka cabsada Allaaha aad wax isku waydiisataan iyo inaad riximka gowsaan, Allaah kor buu idinka ilaalinayaa oo waa ogyahay acmaashiina} [Nisaa: 1].

{Kuwii Allaah iyo diintiisa xaqqa ah rumeeyeyow Allaah ka cabsada oo ku hadla hadal toosan wuxuu idiin hagaajin acmaashiina wuuna idiin dembi dhaafi kii Allaah iyo Rasuulkiisa adeeca ayaa liibaanay liibaan wayn (janada nimcooyinka badan gelaya)} [Alaxzaab: 71&72].

Intaa ka dib: hadal waxaa u khayr badan hadalka Allaah, hanuuna waxa u khayr badan hanuunkii Maxamed sala Allaahu calayhi wasalam, arimaha waxaa u shar badan kuwa la abuuro, arin kasta oo la abuuraana waa bidca, bidca kastaana waa baadi, baadi kastaana Naar ayey geli.

Intaas ka dib:

Islaamku ma wax lagu dhasho oo Qofka iskala socda baa mise waa wax Shuurada leh oo hadaad jebiso mid ka mid ah ay Islaamnimadaadu burayso? Islaamku wuxuu leeyahay wax yaabo buriya oo ka saara Islaamnimada haduu Muslimku sameeyo mid ka mid ah wuxuu sameeyay Shirkiga buriya Camalka wuxuuna ku waari Naarta Allaah baan ka magan galee Allaahna u denbi dhaafi maayo isaga oo toobada la yimaada maahee markaa Muslimka waxa la gudboon inuu barto wax yaabahaa oo iska ilaaliyo si aanay Islaamnimadiisu u burin waana sidan soo socota:

Tan kowaad: waa Allaah casaa wajalaa cid aan ahayn oo la baryo sida Nebiyaalka ama Awliyada dhimatay ama nool ee aan la joogin meel sida Allaah tacaalaa uu yidhi: {ولا تدع من دون الله ما لا ينفعك ولا يضرك فإن فعلت فإنك إذاً من الظالمين [يونس:106]} {ha baryin Allaah sokadii waxaan waxna ku tarayn waxna ku yeelayn hadaad se sidaas samayso waxaad ka mid ahaan kuwa Daalimiinta ah (yacni kuwa Mushrikiinta ah) }, iyo hadalkiisa sala Allaahu calayhi wasalam: [من مات وهو يدعو من دون الله نداً دخل النار [رواه البخارى] [kii dhinta isagoo caabudaaya Allaah sokadii Nad (yacni Shiriik ama la mid ah) Naarta ayuu geli]

Tan labaadna: waa Qalbiga oo diida Towxiidka Allaah casaa wajalaa iyo inuu diido in Allaah uun la caabudo oo la kaashado kelidii iyo Qalbiga oo u furma ama jeclaada marka Rasuulada ama Awliyada dhimatay ama nool ee maqan la baryaayo oo taageero laga dalbanaayo sida Allaah tacaalaa ku yidhi Mushrikiintii: {وإذا ذكر الله وحده اشمأزت قلوب الذين لا يؤمنون بالأخرة وإذا ذكر الذين من دونه إذا هم يستبشرون [الزمر: 45]} {hadii Allaah la xuso kelidii way diidaan Qalbiyaalka kuwa aan rumaynin Aakhiro Hadiise la xuso kuwa sokadiisa ah markaas ayay farxaan}, Aayataan waxay ku dabaqmaysaa kuwa la dagaalamaya ama colaadinaya kuwa kaalmaysta Allaah oo keli ah ee yidhaahda waa Wahaabi markay ogaadeen in Alwahaabiya ku baaqayso Towxiidka

Tan saddexaadna: waa inaad u gowracdo Rasuul ama Weli sida hadalka Allaah tacaalaa ku yidhi: {فصل لربك وانحر[الكوثر:2]} {Allaah uu u tuko waxna u gowrac}, iyo hadalk Rasuulka Allaah sala Allaahu calayhi wasalam [لعن الله من ذبح لغير الله [رواه المسلم]] [Allaah waa lacnaday kii u gowraca cid aan ahayn Allaah]

Tan afaraadna: waa  in lagu nadro cid la abuuray iyadoo loola jeedo ku dhowaansho iyo caabudaad waayo waxa iska leh Allaah kelidii siduu yidhi tacaalaa: {رب أني ندرت لك ما في بطنى محرراً [آل عمران: 35} {Rabigayow waxaan nadray waxa Uurkayga ku jira inuu xor kuu noqdo (caabudaadaada iyo u shaqaynta Guriga barakaysan)}

Tan shanaadna: waa  in Qabri la dawaafo adiga oo u niyaysan ku dhowaansho iyo inaad caabudo Dawaafkuna wuxuu khaas u yahay Kacbada sida Allaah tacaalaa yidhi: {وليطوفوا بالبيت العتيق [الحج:29} {hana dawaafeen Gurigii hore }

Tan lixaadna: waa  inaad ku tiirsanaato oo tawakalto cid aan Allaah ahayn sida Allaah tacaalaa yidhi: {فعليه توكلوا إن كنتم مسلمين [يونس:84]} {Allaah tala saarta hadaad tihiin Muslimiin}

Tan todobaadna: waa inaad u rukuucdo ama u sujuudo adoo niyaysan caabudaad Boqorada, Madaxda ama Dadka waawayn ee Bulshada ee nool ama dhintay hadaanu ahayn Qofkaasu mid ka jaahil ah waayo Ruukuucda iyo Sujuuda waa caabudaada Allaah kelidiis

Tan sideedaadna: waa  adoo inkira Tiir ka mid ah Tiirarka Islaamka ee la yaqaan sida Salaada, Sakada, Soomka, Xajka ama aad inkirto Tiir ka mid ah Tiirarka Iimaanka waana: inaad rumayso Allaah, Malaa’iktiisa, Kutubtiisa, Rasuuladiisa, Maalint Qiyaamaha, Qadarka khayrkiisa iyo sharkiisaba iyo wixii la mid ah ee loo yaqaan inay yihiin Arimaha Diinta ee daruuriga ah

Tan sagaalaadna: waa  inaad karaahiyaysato Islaamka ama Shay ay isku raaceen Culimadu xaga Cibaadada ama Mucaamilka ama Dhaqaalaha ama Akhlaaqda siduu yidhi tacaalaa: {ذلك بأنهم كرهوا ماأنزل الله فأحبط أعمالهم [محمد: 9]} {sidaas waxa keenay waxay karheen wixii Allaah soo dejiyay markaas ayuu baabiyay Camalkoodii}

Tan tobnaadna: waa inaad ku jeesjeesto Shay Quraanka ka mid ah ama Xadiis laysku waafaqsan yahay saxadiisa iyo daliilkiisa ama Xukum laysku raacsan yahay oo Axkaamta Islaamka ka mid ah siduu yidhi tacaalaa: {قل آ بالله وآياته ورسوله كنتم تستهزوئون لا تعتدروا قد كفرتم بعد إيمانكم [التوبه:65]} {waxaad ku tidhaahdaa ma Allaah iyo Aayaatkiisa iyo Rasuulkiisa baad ku jeesjeesaysaan ha cudurdaaranina waad Gaalowdeen Aaminadiinii ka dib ee }

Tan koow iyo tobnaadna: waa inaad inkirto Shay Quraanka kariimka ah ka mid ah ama Xadiisyada laysku waafaqsan yahay saxeexnimadooda waxay waajibinayaan inaad Diinta ka baxday haduu sidaas u sameeyo ula kac isagoo Cilmi u leh

Tan laba iyo tobnaadna: waa inaad Rabiga casaa wajalaa caydid ama lacnado Diinta ama caydo Rasuulka sala Allaahu calayhi wasalam ama aad ku jeestjeesto xaaladiisu ama aad ka doodo wixii uu la yimi Arimahaas oo dhami waa wax yaabaha waajibinaya inaad Gaal noqoto

Tan saddex iyo tobnaadna: waa inaad inkirto mid ka mid ah Magacyada Allaah iyo Sifaatkiisa ama Ficiladiisa ku sugan Kitaabka iyo Sunnaha saxeexa ah

Tan afar iyo tobnaadna: waa adigoo aan wada rumayn Rasuuladii oo dhan ee uu Allaah u soo diray inay hanuuniyaan Dadka ama aanad nuqsaamin midkoodna siduu yidhi tacaalaa: {لا نفرق بين أحدٍ من رسله [البقرة:258]} {mana kala saarayaan dhexdooda mid ka mid ah Rasuuladiisa}

Tan shan iyo tobnaadna: waa inaad wax ku xukumto waxaan Allaah soo dejin hadaad ictiqaadsantahay inaanu haboonayn xukumka Islaamku ama ay banaantahay xukumka Allaah mid ahayn siduu yidhi tacaalaa: {ومن لم يحكم بما أنزل الله فأولئك هم الكافرون [المائدة: 44]} {cidaan wax ku xukumin wixii Allaah casaa wajalaa soo dejiyay kuwaasu waa Gaalo waayo isku xukumka waxaan Allaah casaa wajalaa soo dejin waa Camalka Gaalada wuxuna noqon karaa Gaalnimo Milada kaa saarta hadii uu ictiqaado inuu xalaal yahay ama banaan yahay wuxuna noqon karaa Denbiyaalka waawayn aanse milada kaa saarin hadaadan ictiqaadin ama xalaalaysan }

Tan lix iyo tobnaadna: waa inaad ku kala xukum qaadataan waxaan Islaamka ahayn oo aanu idin raali gelin Xukumka Islaamku ama uu Naftiisu ka diiqadooto ama dhibsato Xukumka Islaamka siduu yidhi tacaalaa: {فلا وربك لا يؤمنون حتى يحكموك فيما شجر بينهم ثم لا يجدو في أنفسهم حرجاً مما قضيت ويسلمو نسليماً [اليساء:65]} { Rabigaaga baan ku dhaartay ee may rumayn ilaa ay ku xukumtaan wixii dhex mara oo aanay naftoodu dhibsan wixii aad ku xukumtay isna dhibaan dhiibitaan }

Tan todoba iyo tobnaadna: waa inaad siiso wax Allaah ka sokeeya inay Tashriicid xaqq u leeyihiin sida Dikaatooriyada ama Dimuqraadiyada iwm oo ogolaanaya Tashriic khilaafsan Sharciga Allaah siduu yidhi tacaalaa: {أم لهم شركاء شرعوا لهم من الدين مالم يأذن به الله [الشورى: 21]} {mise waxay leeyihiin cid shuraako la ah Allaah casaa wajalaa oo uga jideeyey Diinta waxaan Allaah casaa wajalaa idmin}

Tan sideed iyo tobnaadna: waa inaad xarimto wixii Allaah xalaaleeyey ama aad xalaalayso wixii Allaah casaa wajalaa xarimay sida Sinada oo aad xalaalaysato ama Ribada siduu yidhi tacaalaa: {وأحل الله البيع وحرم الربا [البقرة:275]} {Allaah subxaanahu wa tacaalaa wuxuu xalaaleeyey Iibka wuxuuna xarimay Ribada}

Tan Sagaal iyo tobnaadna: waa inaad aaminto Mabda’yaalka wax burburiya sida Shuuciyada Gaalnimada ah ama Maasuuniyada Yuhuudiyada ah ama Cilmaaniyada Diinta ka madhan ama Qoomiyada ka fadilaysa Carabka aan Muslimka ahayn Muslimka Acjemiga ah siduu yidhi Allaah tacaalaa: {ومن يبتغ غير الإسلام ذيناً فلن يقبل منه وهو في الأخرة من الخاسرين [آل عمران: 85] } {kii doona Diin aan Islaamka ahayn laga aqbali maayo Aakhirona wuxuu ka mid noqon kuwa khasaaray}

Tan labaatanaadna: waa inaad Diinta bedesho oo aad uga wareegto Islaamka qayrkii siduu yidhi tacaalaa: {ومن يرتد منكم عن ذينه فيمت وهو كافر فأولئك حبطت أعمالهم في الدنيا والأخرة [البقرة: 217]}{kii idinka mid ah oo ka baxa Diintiisa oo dhinta isagoo gaal ah kuwaas ayuu buray Camalkoodu Aduunka iyo Aakhiroba}, iyo hadalkiisa sala Allaahu calayhi wasalam: [من بدَّل ذينه فاقتلوه [رواه البخارى]] [kii bedela Diintiisa dila]

Tan kow iyo labaatanaadna: waa inaad u hiiliso Yuhuuda iyo Nasaarada iyo Shuuciyiint iwm iyo inaad ku taageerto dhibta ay dhibayaan Muslimiinta siduu yidhi tacaalaa: {لا يتخذ المؤمنون الكافرين أوليآء من دون المؤمنين ومن يفعل ذلك فليس من الله في شئي إلا أن تتقوا منهم تقاة [آل عمران: 28]} {waa inaanay ka dhigan Mu’miniintu Gaalada sokeeye Mu’miniinta ka sokow cidii sidaas samaysaa se waxba kama aha xaga Allaah casaa wajalaa inaad ka baqdaan iyaga maahee baqdin}

Tan laba iyo labaatanaadna: waa adiga oo aan gaalaysiin Shuuciyiinta inkiray jiritaanka Allaah casaa wajalaa ama Yuhuuda iyo Nasaarada kuwaas oo aan rumayn Maxamed sala Allaahu calayhi wasalam waayo Allaah casaa wajalaa baa gaalaysiiyay wuxuuna yidhi tacaalaa: {إن الذين كفروا من أهل الكتاب والمشركين في نار جهنم خالدين فيها أولئك هم شر البرية [البينة: 6]} {kuwii gaaloobay ee ahaa Ehelka Kitaabka iyo Mushrikiinta waxay gelayaan Naarta Jahanama wayna ku waarayaan iyada kuwaas ayaa ugu shar badan khalqiga}

Tan saddex iyo labaatanaadna: waa Hadalka Suufiyiinta qaarkood midaynta jiritaanka oo ah wixii Koonka jira oo dhami wax kale maahee waa Allaah ka saray Allaah waxay leeyihiin sarayn wayn ee xataa uu yidhi kii u madaxa ahaa: wax kale maaha Kelebka iyo Doofaarku oo aan ahay Ilaaheena, Allaah wax kale maaha aan ahay Raahib Kiniisad jooga wuxuu kaloo yidhi kaa madaxooda ahaa oo la odhan jiray Alxalaaj: anigu isaga ayaan ahay isaguna waa aniga markaas ayay Culimadii ku xukumeen Dil waana la dilay

Tan afar iyo labaatanaadna: waa Hadalka ah in la kala saaro Diinta iyo Dawlada iyo inaanay jirin Islaamka Siyaasad xukum waayo taas waa beenin la beeninaayo Quraanka iyo Xadiiska iyo Siirada Nebiga

Tan shan iyo labaatanaadna: waa Hadalka Suufiyiinta qaarkood oo ah in Allaah u dhiibay Maamulka Arimaha qaar Awliyada oo ah kuwa sarsare taasuna waa shirki lagu samayay Ficilada Rabiga subxaanahu wa tacaalaa: {له مقاليد السموات والأرض [الزمر:63]} {wuxuu leeyahay maamulka Samooyinka iyo Dhulka}

Kuwaas oo dhami waa buriyaal la mid ah buriyaalka Weesada hadaad samayso mid ka mid ah waa inaad Islaamnimadaadii dib u cusboonaysiiso oo aad ka tagtaa buriyayaalkaa dabadeedna Allaah casaa wajalaa toobad waydiisataa intaadan dhiman oo Camalkaagu burburin oo aanad ku waarin Jahanama Allaah baan ka magan galee siduu yidhi tacaalaa: {لئن أشركت ليحبطن عملك ولتكونن من الخاسرين [الزمر: 65]} {hadaad Allaah casaa wajalaa Shiriik u yeelto wuu burburi Camalkaagu waxadna ka mid noqon kuwa khasaartoobay}

Intaas ayaa hadalkii Shiikhu ku dhamaaday Allaah ha ka abaal mariyo anuna kuwii kuwaa ka faa’iidaysta hanaga yeelo aamiin اللهم صل وسلم وبارك على عبدك ونبيك محمد وعلى آله وصحبه وأتباعه إلى يوم الذين

 Qore:


©Xuquuqda oo dhan waxay u xafidantahay Bogan: http//:doorasho.bravehost.com walaalkayga Muslimka ahow dhamaan waxa laga helo Bogan waxaad u isticmaali kartaa si shakhsi ahaaneed iyo fidinta Dacwada

جميع الحقوق محفوطة لموقع الإختيار أخي المسلم بإمكانك الإستفادة من محتويات الموقع في الإستخدام الشخصى ونشر الدعوة

Web Master: maessa2@gmail.com


Web Hosting · Blog · Guestbooks · Message Forums · Mailing Lists
Easiest Website Builder ever! · Build your own toolbar · Free Talking Character · Email Marketing
powered by a free webtools company bravenet.com