|
|
|
|
Biyaha oo la cabo Caloosha oo madhan
waxay kaa ilaalisaa Xanuuno badan oo aan laga bogsan
waxa ay noqotay wax caada ah Dalka Japan
Maanta inay Dadku Biya badan cabaan si toos ah markay Hurdada ka
kacaan Aroortii iyada oo ay Calooshoodu madhan tahay, taas oo ku timid
iyada oo ay ogaatay Jamciyad Caafimaadka ku hawlan oo Dalkaas ahi Guusha
ah in Biyaha lagu daawayno karo Xanuuna badan oo aan laga bogsan oo khatar
ah iyo sidoo kale kuwo meel Dhexaad ahba, daawayntanuna ay tahay mid lagu
guulaysanayo 100% Xanuunada soo socda:
Madax Wareerka, Xanuunka jidhka, Xanuunada Wadnaha, Infection ka Xaglaha,
Darbadaha Xawliga Wadnaha, Suuxista, Buurida xad dhaafka ah, TP da, Xiiqda,
Infection ka Mareenada, Meningitis ka, Xanuunka Kelyaha iyo Mareenka Kaadida,
Hungaacada, Infection ka Caloosha, Shubanka, Bawaasiirta, Sonkoriga, Calool
Fadhiga, dhamaan Xanuunada Indhaha, Xanuunada Ilmagaleenka, Kudka, dhibta Dhiiga
Dumarka, Xanuunada Dhegaha iyo Sunka iyo Hungriga,
Sida laysugu daawaynayo
1- Si deg deg ah markaad kacdo Aroortii intaadan cadayan cab Afar Koob oo Biya
ah qiyaastii 160ml
2- Dabadeedna cadayo oo Afkaaga nadiifi laakiin waxna ha cunin waxna ha cabin
ilaa mudo 45 Daqiiqo ah
3- Markay dhamaato 45 ka Daqiiqo sidii caadada kuu ahayd baad waxna u cuni
kartaa una cabi kartaa waxaad doonto
4- ka dib 15 Daqiiqo marka aad Quraacato iyo sidoo kale markaad
Qadayso iyo markaad Cashaysoba waxba ha cunin hana cabin ilaa iyo mudo 2
Saacadood ah
5- Xaga Dadka Da'da ah ama Bukaanka ah ee aan cabi karayn Afar Koob oo Biya ah
ha cabeen marka hor Biyo yar dabadeedna talaaba talaabo ha u kordhiyeen ilaa ay
gaadhsiiyaan Afar Koob Maalin kasta
6- Asluubtan daawaynta ah ee aan kor ku cadaynay waxay ay bogsiinaysaa Bukaanka
qaba Xanuunadaa aan soo sheegnay hadii Allaah tacaalaa u idmo, Dadka se aan
qabin Xanuunadaa Allaah ha ka hayo oo ha siiyo Nolol Caafimaad ah oo wanaagsan
Inshaa Allaah
Tirada Maalmaha la qaadanaayo isdaawayntan
Xanuun walba gaarkiisa
1- Dhiig Karka Sareeya- 30 Maalmood
2- Xanuunada Caloosha iyo Dacarta- 10 Maalmood
3- Xanuunka Sonkoriga- 30 Maalmood
4- Calool Fadhiga- 10 Maalmood
5- Xanuunka Kudka- 180 Maalmood
6- Xanuunka TP da- 90 Maalmood
7- Bukaanka qaba Infection ka Xaglaha waxa ku waajib ah inay raacaan
isdaawayntaa aan kor ku xusnay Todobaadka kowaad 3 Maalmood oo keli ah,
dabadeedna Maalin walba wixii laga bilaabo Todobaadka labaad
Hadaba Asluubtan isdaawaynta ah ee aan kor ku xusnay malaha wax Dhibaato ah oo
Dhinac kale ah (side effect) iyada oo ay sidaas tahay baad bilowga waxad la
kulmaysaa in aad marar badan Kaadido wax dhib ahna taas kuma jirto, waxana
haboon inaan ku socono isdaawayntan oo aan ka dhigno waajib caado inoo ah
Nolosheena
Caadayso Cabida Biyaha si is daba joog
ah oo ku noolow Caafimaad iyo Jidh bedqaba iyo Firfircoonaan
waxay u muuqataa arintanu inay aad u Caqli
gal tahay, Dadka China iyo Japan waxay ku cabaan Shaah kulul markay Cuntadooda
cunayaan, markaa waxa laga yaabaa inuu Maanta Waqtigu ku haboon yahay in aan
raacno Dariiqada Asluubtooda iyo Caadaadkooda ay u cunaan Cuntada!!! waxba kuma
khasaaraysid bal waxbaad ka kasban
Xaga Dadka jecel in ay cabaan Biya qabow fadlan u fiirsada hadalkan soo socda:
Waxa uu noqon karaa wax macaan inuu Qofku cabo Koob Biya ah qabow ka dib ama
laboba markuu wax cuno si kastabana arintu ha ahaatee Biyaha qaboobi waxay
fadhiisiyaan oo ay ka dhigaan Solid is haysta Maadooyinka Saliida ahaa
ee aad hada cuntay, waxayna gaabis ka dhigtaa arinta raqidinta, marka uu la
kulmo Acid ka ay Calooshu soo daynaysona wuu jajabaa oo googo'aa waxana nuugaaya
Xiidmaha si ka dheersa sida ay u nuugaan Cuntada solid ka ah ee kale, dabadeena
waxay fadhiisanayaan Xiidmaha mudo yar ka dibna waxay isu bedelayaan Dufan
waxayna horseedaysaa taasu oo keeni karta Cudurka Kudka (Cancer) Allaah
haynaga hayee, markaa waxaa haboon inaad cabto Shurbad kulul ama Biya Diiran
markaa wax cunto ka dib
Wabillaahi atowfiiq
Waxaa soo guuriyay oo
diyaariyay:Maessa Asalafi Inshaa Allaah
©Xuquuqda oo dhan waxay u xafidantahay Bogan: http//:doorasho.bravehost.com walaalkayga Muslimka ahow dhamaan waxa laga helo Bogan waxaad u isticmaali kartaa si shakhsi ahaaneed iyo fidinta Dacwada
جميع الحقوق محفوطة لموقع الإختيار أخي المسلم بإمكانك الإستفادة من محتويات الموقع في الإستخدام الشخصى ونشر الدعوة
Web Master: maessa2@gmail.com
bravenet.com