untitled

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

ربنا لا تزغ قلوبنا بعد إذ هديتنا وهب لنا من لدنك رحمةً إنك أنت الوهاب

Quraan Alkariim
Muxaadaro
Maqaalo
Kutub
Barnaamijyo
Caafimaadka
Bogag Salafi ah
Al-athariyyah
Albaseerah
Al-Ibaanah
Authentic Books
Darulhadith
Free Salafi Audi
Fatwa-Online
Salaficast
Salafi Book Stor
Sahih Almuslim
Salafi Talk
Salafi Publication
The Calgary Isla
The Salafi Da'wa
Troid Org 
The Sunnah
Understand Isla
Rabee Net
Alhajury Net

بسم الله الرحمن الرحيم

Wa Maxay Wahaabiyah ma waxay se tahay Madhab Shanaad mise waxay raacsan tahay madhabaha qaar ka mid ah?

Waa Su’aalo qoraal ah oo la waydiiyay Iimaam Cabdul Casiis Ibin Baas

ما هي الوهابية وهل هي مذهب خامس أم تتبع بعض المذاهب؟

أسئلة كتابية سئل للإمام عبدالعزيز ابن باز

الحمد لله رب العالمين، والصلاة والسلام على رسول الله ، وعلى آله وأصحابه ومن سلك سبيله واهتدى بهداه إلى يوم الدين . أما بعد:

 

Wuxuu yidhi Iimaamku kuwani waa Su’aalo qoraal ah oo uu ii soo jeediyay Shiikh ka mid ah Shiikhyaalka jooga debeda Boqortooyada Sucuudiga, waana uga jawaabay oo waxaan idhi:

Ka: Cabdul Casiis Ibin Cabdullaah Binu Baas

Ku: Walaalka mukaramka ah Allaah ha waafiqiyo ee Cilmiga nafciga leh iyo ku camal falkiisa Aamiin

Asalaamu Calaykum waraxmatullaahi Wabarakaatuhu

Intaas dabadeed: waxa I soo gaadhay qoraalkiinii ku taariikhaysnaa 2/3/1394H. Allaah ha idin gaadhsiiyo Xadhiga Hanuunka iyo waafiqinta ee, iyo wixii uu ka koobnaa ee ahaa Su’aalaha Saddexda ah ee ku saabsanaa Alwahaabiyah iyo Fahamkeeda, waana kuwan jawaabeheedii:

Su’aasha kowaad: waa hadalkiinii ahaa waa Maxay Wahaabiyah? Ma waxay se tahay Madhab Shanaad mise waxay raacsan tahay qaar ka mid ah Madhabaha Afarta ah?

Jawaabtuna waa: Kelmedatan waxay ugu yeedhaan Dad badani Dacwadii Shiikhii Iimaamka ahaa ee Maxamed Binu Cabdul Wahaab Binu Sulaymaan Atamiimi Alxanbali- Allaah ha u naxariistee, waxayna ku magcaabaan Atbaacdiisii ama kuwa raacsan Wahaabiyiin, wuxuuna og yahay mid kasta oo leh Aqoon tan ugu yarnaba ha ahaatee in Xarakada Shiikh Maxamed Cabdul Wahaab-Allaah ha u naxariitee iyo Dacwadiisu ahayd inuu ku kacay oo fidiyay Dacwada Towxiidka khaaliska ah yacni Towxiidka aan badhaxtirka lahayn iyo ka digista Shirkiga dhamaan noocyadiisa sida kan ku saabsan kuwa dhintay iyo qayrkoodba sida Dhirta, Dhagxanta iwm, wuxuuna ahaa Allaah ha u naxariistee xaga Caqiidada mid ku socda Madhabkii Salafkii suubanaa yacni Asxaatii iyo Taabiciintii iyo Atbaacdoodii iyo Iimaamadii hanuunsanaa, xaga Furuucdana Wuxuu ahaa Madhabkii Iimaam Axmed Binu Xanbal Ashaybaani Allaah ha u naxariistee Iimaamkii Ahla Sunnaha sida ay u muujinayso taas Kutubtiisa iyo Fatwadihiisuba iyo Kutubta Atbaacdiisa ee ah Caruurtiisii iyo Caruurahoodii iyo qayrkoodba dhamaana waa la daabacay waxayna ku dhex fiday Dadka.

Wuxuu kacay Iimaam Maxamed Allaah ha u naxariistee waqti ay ku sugnaatay Qariibnimada Islaamku oo ay hadhaysay Jasiirada Carabta iyo qayrkeedba intii Allaah doonay Daruurta Jaahilnimadu oo ay ku fiday iyada caabudaada Andaadku(waa wixii la caabudo oo kasta Allaah sokadii) iyo Wasanada, markaa wax kale lama gudboonayn oo arinta Shiikhu- Allaah ha u naxariistee ahayd inuu u tafaxayto oo uu la kifaaxay juhuudiisa dhana uu ku salayay in uu ka tirtiro Dariiqooyinka aan xaqqa ku salaysnayn isaga oo taas ku isticmaalay dhamaan Adeegayaasha gaadhsiin kara inuu ku fidiyo Towxiidka saafiga ka ah Khuraafaatka Dadka dhexdiisa waxaana nimcooyinka Allaah subxaanahu ka mid ahaa inuu waafiqiyay Allaah Iimaam Maxamed Binu Sucuud oo ahaa waqtigaa Amiirkii Adarciyah Mandaqada la yidhaahdo inuu aqbalo Dacwadatan dabadeedna wuu kula kacay oo kula shaqeeyay Dariiqakan isaga iyo Caruurtiisiiba iyo kuwii uu xukumaayay iyo Cidii ku raacday Khayrkakan Allaah ha ka abaal mariyo Khayr kasta oo ha u denbi dhaafo oo ha waafiqiyo Duriyadoodii dhamaan wax kasta oo ay raalinimadiisa iyo hagaaga Adoomuhu ku jiraan, welina Jasiirada Carabtu waxay ku hoos nooshahay Dacwadan Khayrka ah ilaa Maantadaa, waxayna ahayd Dacwadiisa Allaah ha u naxariistee mid ku salaysan Kitaabka Allaah subxaanahu wa tacaalaa iyo Sunnaha Rasuulkiisa calayhi salaatu wasalaam mana aha Wahaabiyah Madhab Shanaad siday ku andacoodaan Jaahiliinta iyo Qaradlayaashu ee waxay tahay Dacwada ku baaqaysa Caqiidada Salafiga ah iyo cusboonayn wixii laga dersay Macaalimka Islaamka iyo Towxiidka ee Jasiirada Carabta sidaan hore u soo sheegnay.

Su’aasha labaad: Wahaabiyiintu ma waxay diidan yihiin ama inkirayaan Shafaacada Rasuulka calayhi salaatu wasalaam?

Jawaabtuna waa: kama qarsoona mid kasta oo caaqil ah oo dhigtay Taariikh nololeedkii Iimaam Ashiikh Maxamed Binu Cabdul Wahaab iyo Atbaacdiisuba inay ka yihiin beri hadalkakan waayo Iimaamku Allaah ha u naxariistee Wuxuu ku cadayay Wuxuu alifay siiba Kitaab Atowxiid (كتاب التوحيد) iyo Kashf Ashubuhaat ba (كشف الشبهات) shafaacada Rasuulka sala Allaahu calayhi wasalam ee Ummadiisa Maalinta Qiyaamaha markaa hadalkan ayaa laga garanayaa in Shiikhu Allaah ha u naxariistee iyo Atbaacdiisuba aanay diidanayn ama inkirayn shafaacadiisa calayhi salaatu wasalaam iyo shafaacada qayrkiisba oo ka mid ah Nebiyaalka iyo Malaa’ikta iyo Mu’miniinta bal waxay u cadayaan siduu u cadayay Allaah iyo Rasuulkiisu oo ay u samayeen taas Salafkeenii wanaagsanaa Camal ahaan iyagoo ka daliilsanaya Kitaabka iyo Sunnaha,

Hadaba taas waxay idiin cadaynaysaa in waxa laga soo sheegaayo Shiikh iyo Atbaacdiisaba oo ah inay diidaan ama inkiraan Shafaacada Nebiga sala Allaahu calayhi wasalam ay tahay Baadilada tan ugu baadilsan iyo iska hortaagis Dadka Jidka Allaah iyo ka been sheegid kuwa ugu yeedhaya dadka Jidka Allaah, laakiin Wuxuu diiday ama inkiray Shiikhu Allaah ha u naxariistee iyo Atbaacdiisuba in laga dalbado Shafaacada kuwa dhintay iwm mana noqonayso Shafaacadu ilaa iyo dabadeed marka uu Allaah u ogolaado kan Shafaaca qaadaya iyo ka raali noqoshadiisa kan loo Shafaaca qaadaayo siduu yidhi casaa wajalaa: {من ذا الذى يشفع عنده إلا بإذنه [البقرة:255] } {waa kuma kan shafaaci karaa Allaah agtiisa idankiisa mooyaane yacni ma jirto cid shafaaci kartaa subxaanahu agtiisa isagoo aan u idmin ama u ogolaan, markaa Shafaacada dhamaanteed Allaah tacaalaa baa iska leh, laakiin tacaalaa haduu doono inuu u naxariisto ciduu doono oo Adoomihiisa ka mid ah Wuxuu u idmaa ama u ogolaadaa ciduu la doono inuu karaamayo ee Adoomihiisa ka mid ah inuu u Shafaaca qaado mana bilaabayo kan Shafaaca qaaday idanka Allaah ka hor }

Wuxuu kaloo yidhi subxaanahu: {وكم من ملكِ في السموات لا تغني شفاعتهم شئاً إلا من بعد أن يأذن الله لمن يشاء ويرضى [النجم:26]} {Wuxuu yidhi Allaah tacaalaa isagoo diidaya ama inkiraya kuwa caabuda qayrkiis oo ka mid ah Malaa’ikta iyo qayrkoodba ee ku andacoonaya inay anfacayaan oo uga Shafaaca qaadayaan isaga Allaah agtiisa Maalinta Qiyaamaha, ayuu yidhi subxaanahu imisaa ka mid ah Malaa’ikta ku dhow Allaah iyo Malaa’ikta kiraamta ah ee ku sugan Samooyinka korkooda aanay waxba tarayn Shafaacadoodu ilaa ka dib markuu u idmo Allaah mooyee, cidii uu doono ee uu ka raaliga yahay, waa in labadaa Shardi kulmaan oo ah in Allaah tacaalaa uu idmo Shafaacada iyo in uu ka raali yahay ka loo shafaaca qaadaayo, waxaana la og yahay inaan la aqbalin Camalka hadaanu ahayn mid khaalis u ah Allaah tacaalaa dartiis oo uu waafiqinaayo kan samaynayaa Shareecada, markaa hadaba Mushrikiintu kuma leh wax Nasiib ah Shafaacada ay shafaacayaan kuwa Shafaacayaa waxayna ka owdeen Nafahooda naxariista kan ugu naxariis wayn wax naxariista }

Wuxuu kaloo yidhi subxaanahu arinta Malaa’ikta: {ولا يشفعون إلا لمن ارتضى وهم من خشيته مشفقون [الأنبياء:28] } {uma shafaacaan Malaa’iktu cidna la’aantii idanka Allaah iyo raalinimadiisa, markaa haduu u idmo oo ka raali noqdo kuwa loo shafaacayo way u shafaacayaan laakiin tacaalaa raali kama noqdo Hadal iyo Camal toona hadaanu khaalis u ahayn Allaah dartii lagana raacayo ama lagaga dayanaayo isaga Rasuulka sala Allaahu calayhi wasalam, Aayatan waxa ku sugan Daliil cadaynaya Shafaacada iyo in Malaa’iktu shafaacayso,Wuxuu yidhi subxaanahu wayna ka baqayaan iyagu Malaa’iktu Allaah tacaalaa oo waynaynayaan oo isu dhiibayaan } isaguna subxaanahu kama raali noqdo waxaan ahayn Towxiidka, Mushrikiintu se kuma laha wax nasiib ah Shafaacada siduu yidhi subxaanahu: {فما تنفعهم شفاعة الشافعين [المدثر:48] } {markaa Maxay anfacaysaa Shafaacada kuwa shafaacayaa waayo uma ay shafaacayaan mid uu Allaah ka raali yahay mooyee, kuwaasna Allaah kama raali aha Camaladooda } Wuxuu kaloo yidhi casaa wajalaa: {ما للظالمين من حميم ولا شفيع يطاع [غافر:18] } {uma jiraan halkaa Daalimiinta mid Qaraabo u ah iyo Saaxiib toona iyo mid shafaaca oo laga aqbalaa waayo kuwa shafaacaa uma shafaacaan kuwa ku dulmiyay Shirkiga Nafahooda, Allaah tacaalaana kama raali aha in loo shafaaco mana aqbalo}.

Waxaan Allaah u waydiinaynaa anaga iyo idinkaba inuu na waafiqiyo wixii raali geliya oo inaga caafiyo oo inaga nabad geliyo wax kasta oo keenaya Cadhadiisa, Allaah ayaa iska leh waafiqinta.

Su’aasha saddexaad: waa ma tahay waxa laga fidiyay sax in kuwii taabacsanaa ama raacsanaa Iimaamka Shiikh Maxamed Cabdul Wahaab Allaah ha u naxariistee markay qabsadeen Jasiirada Carabta oo ay gaadheen ilaa iyo Almadiinah Almunawarah ay ku xidheen Fardahoodii Rowdada Shariifka ah(الروضة الشريفة) ee ku taala Masaajidka Rasuulka sala Allaahu calayhi wasalam?

Jawaabtuna waa: ma leh Hadalkaasu wax asal ah oo sax ah bal waa Been iyo is hortaagis Xaqqa ah, ee waxa macruuf ah oo la og yahay inay markay qabsadeen Almadiinah Almunawarah inay fidiyeen oo Dadka bareen Dacwada Salafiga ah oo u cadayeen xaqiiqada Towxiidka ee uu Allaah subxaanahu watacaalaa ku soo diray Nebigiisa Maxamed sala Allaahu calayhi wasalam iyo dhamaan ba Rasuulada, iyo inay inkireen wixii ay ku sugnaayeen Dad badani ee ahaa Shirkiga wayn sida in loo qayla dhaansado Rasuulka sala Allaahu calayhi wasalam iyo inay ka dalbadaan Madad iyo inay u qayla dhaansadaan kuwa ku aasan Baqiica ee ah Asxaabtii iyo Ahalkii Baytka iyo qayrkoodba oo ahaa Dadkii wanaagsanaa sida u qayla dhaansiga Nebiga Adeerkii Xamsa radiya Allaahu canhu iyo qayrkiisba oo ahaa kuwii ku shahiiday Uxud,

Taas ayay macruuf ku ahaayeen iyo inay Dadka bareen xaqiiqada Islaamka iyo inay inkireen Bidcada iyo Khuraafaatka markaa ku badnayd Xijaas iyo qayrkeedba Waqtigaas, kii ku andacooda wax taas ka gedisan oo yidhaahda waxay quudhsadeen Qabriga shariifka ah ama Roodada ama yidhaahda waxay naaqusin jireen Nebiga sala Allaahu calayhi wasalam ama cid ka mid ah Asxaabtii radiya Allaahu canhum ama qayrkood oo ahaa Dadkii wanaagsanaa Wuxuu sheegay Been iyo Hafriin, wuxuuna yidhi wax ka gedisan waaqica markaas jiray iyo wax ka gedisan Xaqqa, Kutubta Taariikhduna waa taalaa waxayna ugu marag kacaysaa waxaan soo sheegnay waxayna cadaynaysaa Beenta kuwa Hafriinlayaasha ah

Allaah ha igu irsaaqo iyo idinkaba fahamka Diintiisa iyo ku sugnaanteeda ilaa aan la kulmayno subxaanahu oo uu naga fogeeyo iyo idinkaba Dariiqyada qalqalooca isagaa taas u weli ah oo kari kara ee

Waxaanu waydiisanaynaa casaa wajalaa inuu u denbi dhaafo iyaga iyo dhamaan Culimada Muslimiinta iyo Ducaada Hanuunka iyo inuu naga yeelo iyo idinkaba kuwii ku raaca wanaaga iyo inuu inoo tuso dhamaan Xaqqa in uu yahay Xaqq oo inagu irsiqo raacistiisa oo inoo tuso Baadilka inuu yahay Baadil oo inagu irsiqo ka fogaanshihiisa isaga ayaa taas u weli ah oo kari kara ee

Waafiqintana Allaah baa leh

Qore: maessa Asalafi inshaa Allaah

 

 

 

القرآن الكريم
محاضرات
مقالات
كتب
برنامج
الطب
مواقع سلفية 
شبكة السحاب
روح الإسلام
إسلام العتيق
موقع الإسلام
الدعوة السلفية
العلم الصحيح
منتديات البرق
موقع الألبانى
موقع ابن باز
ابن العثيمين
مقبل ابن هادى
موقع الفوزان
موقع الحلبى
موقع مشهور
موقع السلطان 
موقع أبى عمر
موقع آل نصر


©Xuquuqda oo dhan waxay u xafidantahay Bogan: http//:doorasho.bravehost.com walaalkayga Muslimka ahow dhamaan waxa laga helo Bogan waxaad u isticmaali kartaa si shakhsi ahaaneed iyo fidinta Dacwada

جميع الحقوق محفوطة لموقع الإختيار أخي المسلم بإمكانك الإستفادة من محتويات الموقع في الإستخدام الشخصى ونشر الدعوة

Web Master: maessa2@gmail.com

 


Web Hosting · Blog · Guestbooks · Message Forums · Mailing Lists
Allwebco Web Templates · Build your own toolbar · Financial Data · Audio, Fonts, Clipart
powered by a free webtools company bravenet.com